-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Caqabad cusub ayaa la soo deristay heshiiskii ay gadh-wadeenka ka ahayd dawladda Shiinuhu ee la isugu soo dhoweeyey Iran iyo Sucuudiga, ka dib markii ay labada dal isku qabsadeen ceel shidaal oo ku yaalla Gacanka Persia. Dalalka Sucuudiga iyo Kuwait ayaa si wada-jira u sheegtay ceel shidaal oo ku yaalla xeebaha al-Durra, halka dalka Iran ay dhinacooda ka sheegteen inay leeyihiin xuquuqda goobta ceelkaas laga helay, taas oo ay ku magcaabeen Arash. Labada dhinac ayaa bishii March waxay Tehran ku yeesheen wadahadal arrintan la xidhiidha, hase ahaatee wax natiijo ah lagamada gaadhin. Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Iran Nasser Kanaani ayaa sheegay inaanu dalkiisu u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo xuquuqdiisa, isaga oo taageerayey hadal uu hore u sheegay wasiirka shidaalka ee dalka Iran. “Waxaanu hore u sheegnay, sida aanu diyaarka ugu nahay inaanu dalka Kuwait kala hadalno arrintan” ayuu u sheegay afhayeenku warbaahinta, isaga oo sii raaciyey “Hase ahaatee, haddii aanay jirin cid danaynaysa in laga wada faa’iidaysto goobtaas [ceelka shidaalka], Jamhuuriyadda Iran waxay si iskeed ah u bilaabaysaa sahaminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka”. Wasiirka shidaalka ee Kuwait ayaa u sheegay telefiishanka Sky News Arabia toddobaadkii hore, in dalkiisu uu bilaabi doono qodista iyo soo saarka shidaalka, iyada oo aan la sugaynin in heshiis la gaadho. Sucuudiga ayaa markaas wixii ka dambeeyey la saftay Kuwait, iyaga oo sheegay in labada dal ay leeyihiin goobta shidaalka laga helay, iyaga oo ugu baaqay Iran inay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka Source
-
Mogadishu (HOL) - At least one government soldier was wounded in a landmine explosion in the Bulahubey neighbourhood of Mogadishu on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad u fariisatay dacwad ka dhan ah masuuliyiinta ka tirsanaa dowladda oo loo haysto xatooyo xoolo dadweyne. Eedeysanayaasha maanta kasoo hor muuqday maxkamadda ayaa waxaa kamid ah Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi oo ahaa maamulihii Bankiga Dhexe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga Dhexe qeybta dakhliga ajaanibta. Xubnahaan oo kamid ahaa tobbaneeyo ay Xeer Ilaalinta kusoo eedeysay xatooyo xoolo dadweyne, ayada oo maanta maxkamadda kusoo bandhigtay cadeymo muujinaya eedeymaha loo haysto masuuliyiintaan. Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Faarax Cabdiraxmaan Jaamac ayaa maxkamadda maanta ka hor sheegay in xubnahaan ay ku kaceen ka been abuurka dukumtiyada lacag qabashada ay sameeyeen, taasi oo cadeynteeda la wadaageen maxkamadda. “Anaga oo soo gudbinay nuqulo kamid ah dukumtiyadii lagu helay baaritaanka, kuwaasi oo qeybtood been abuur ahaayeen, halka qeyb kamid ahaayeen ay saarnayeen shaanbado been abuur ah oo aan aheyn shaanbadii ay wasaaradda Maaliyadda ugu tala-gashay in loo adeegsado xafiiska canshuuraha barriga ah qeybta u adeegaysa ajaanibta.” Sidoo kale waxa uu maxkamadda la wadaagay in masuuliyiintan ay sameeyeen lacag dhaqis, ayada oo akoonadooda laga helay lacag aad u badan, kadib baaris lagu sameeyay, taasi oo sii adkeynaysa kiiska loo haysto xubnahaan. “Eedeysanayaasha waxay ku eedeysan yihiin oo kale xeerka ka hortaga lacag dhaqista iyo maal-gelinta aragagixisada, waxay saraakiishan sameeyeen lacag dhaqis oo cadeymahooda maxkamadda la wadaagi doono,” ayuu yiri Xeer Ilaaliye ku-xigeenka. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa maxkamadda la wadaageyna dukumtiyo iskugu jira Visa kordhin iyo bixin ruqsad aqoonsi shaqo, tusaale ahaan Fiisaha waxa la bixiyay 8-da bishii afaraad, lacag qabashadiisana la qabtay 15-kii bishii afaraad, waa wax la yaab leh qof adeeg dowlad ka doonaya oo adeegii loo hormariyo, lacagtii la dhaho iska bixi deyn waqti dambe.” Maxkamadeynta raggan ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, kaasi oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka. The post Masuuliyiin loo haysto malaayiin dollar oo maanta kasoo muuqday maxkamadda + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Laascaanood waxaa Maanta lagu doortay Shir-guddoonka Golaha dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo waxa u tartamay laba musharrax oo kala ah Jaamac Yaasiin Warsame iyo Maxamuud Yuusuf Xasan. Xubnaha codaynayay oo ka kooban 45 xubnood ayaa 25 kamid ah codka siisay Jaamac Yaasiin halka 20-kii kale u codaysay Maxamuud Yuusuf oo la tartamayay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxa sidaas loogu mudane Jaamac Yaasiin Warsame halka Guddoomiye ku xigeenka loo doortay Jaamac Aadan Cismaan oo aysan cidna la tartamin. PUNTLAND POST The post Jaamac Yaasiin Warsame oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Munaasabadda Kowda Agoosto ee Xuska As-aaskii Puntland ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Garoowe. Munaasabadda waxa ka qayb galay dhammaan Golayaasha kala duwan ee dowladda iyo boqollaal shacab ah kuwaas oo dabaal-dagyo ku muujiyay. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka qayb galay Munaasabadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo Cududooda ku soo bandhigay Xuska. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo marti sharaf kale. Munaasabadda oo ay ku dabaal-dageen boqolaal shacab ah ayaa waxaa dhoola tus ku soo bandhigay shaqaalaha weynaha Dowladda iyo qaybaha ciidamada iyo awoodooda. PUNTLAND POST The post Munaasabadda As-aaskii Puntland oo si weyn looga xusay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Bangiga Adduunka $75 Million Ugu Deeqay Dowladda Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddiga Sare ee Maamulka Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo gaareysa $75 milyan oo loogu talagalay kabka miisaaniyadda Dowladda, deeqdaas ayaa ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO) lagu magacaabo. Dowladda Federalka waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada kabka Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah taageerada Bankiga uu siiyo Soomaaliya. Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xilli muddooyinkii dambe dowladdu ay ku howlaneyd dib u habeynta dhaqaalaha dalka, iyadoo dadaalada aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay, kaas oo sare loogu qaadayo dhaqaalaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee hirgalinta dastuurka ayaa si rasmi ah u bilaabay ka doodista heshiisyaddii golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan kii u dambeeyay ee wax ka beddelka loogu sameeyay hanaanka dowliga ah iyo doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegsita iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Adaan Cumar oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga Maxamed Ganey ayaa shir guddoomiyay kulanka oo diirada lagu saarayay sidii luuqad dastuuriya loogu badeli lahaa heshiisyadaasi. Guddiga ayaa 26-kii bishii Luulyo la wareegay hashiisyaddii ay gaareen golaha wadatashigaqaran, iyaga oo kala wareegay guddiga dastuurka baarlamaanka JFS. Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka kumeel-gaarka ah ayaa maal-mahaan waday ka shaqayntiisa. Guddiga ayaa si gaar ah u dul istaagay wax ka beddelka cutubyadda 1-aad ilaa 4-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana cutubyada hore ee dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan. Guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa dhawaan isku raacay in lagu wareejiyo guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, kadibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi. Tallaabada uu Golaha Shacabka u qaaday heshiiskan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli taagan yihiin tabashooyin laga muujiyay qodobada kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka horyimaadaan inta badan xubnaha mucaaradka ah. Sidoo kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aan qayb ka aheyn heshiiska ayaa hortimid, waxayna taas sii xoojisay walaaca laga muujiyay go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo ay taageero u raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxtooyada oo hormuud u ah dadaalladaas ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeysay shir wadatashi ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ay ka qayb-galeen inta badan madaxdii hore ee dalka. Shirkaas ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale heshiiska golaha wadatashiga oo qeexaya nooc doorasho iyo nidaam cusub oo dalka laga hirgelinayo. Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee heshiiskan oo meel-marin doono ama iska diidi doono, maadaama hadda uu bilowday qorshihii ugu dambeeyay ee lagu horgeynayo, waxaana xusid mudan in golaha shacabka uu todobaadkii hore uu boorka iska jafay, kadib markii uu ka hortay isku day uga yimid xukuumadda. The post BF oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
The Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (https://IsDBInstitute.org/) is inviting nominations for the IsDB Prize for Impactful Achievement in Islamic Economics for the year 1445H (2024). Focusing on the Knowledge Contribution category, this cycle of the Prize aims to recognize, reward, and encourage significant knowledge contributions in areas related to Islamic economics that have the potential to solve major economic and financial challenges of IsDB Member Countries. Individuals and institutions can nominate other individuals and institutions, based on a project that has a positive and significant impact on people’s lives and has a substantial impact on economic development based on Islamic principles. The prize comes with a US$ 50,000 award for the first-place winner, US$ 30,000 for second place, and US$ 20,000 for third place. The nominated contributions should have been made within the previous seven years and be replicable elsewhere. The nomination is a two-step process that can be initiated by visiting the ‘How to Apply’ (https://prize.IsDBInstitute.org/how-to-apply/) page on the IsDB Prize Portal (https://Prize.IsDBInstitute.org/). The first step is the registration of the nominator/applicant, which is open until 16 Jamada Al-Ula 1445 (30 November 2023). The second step is for the nominator/applicant to upload the nomination form details and any relevant files before 19 Jamada Al-Ula 1445H (3 December 2023). For more information about the call for nominations, visit the IsDB Prize Portal (https://Prize.IsDBInstitute.org/) and download the brochure to learn more about the procedure. The prize winner and runners-up will be honored at a ceremony during the 2024 IsDB Group Annual Meetings on a date to be announced in due course. About the Islamic Development Bank Institute: The Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (https://IsDBInstitute.org/) is the knowledge beacon of the Islamic Development Bank Group (https://www.IsDB.org/). Guided by the principles of Islamic economics and finance, the Islamic Development Bank Institute is mandated to lead the development of innovative knowledge-based solutions to support the sustainable economic advancement of IsDB Member Countries and various Muslim communities worldwide. The Institute enables economic development through pioneering research and original economic analysis, human capital development, and knowledge creation, dissemination and management. The Institute leads initiatives to enable Islamic finance ecosystems, ultimately helping Member Countries achieve their development objectives. More information about IsDBI is available on https://IsDBInstitute.org/. SOURCE Islamic Development Bank Institute (IsDBI) Qaran News
-
Xisbiga WADDANI oo ku Baaqay in la soo Xidho Wiilka Madaxweynaha Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Caddaaladda xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa cambaareeyay in Weriye Bushaaro Baande ay u xidhan tahay Maxamed Muuse Biixi, taasi oo ah mid laf-jab ku ah qarannimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Xoghayuhu wuxuu sheegay in 78 maalmood ay si caddaalad darro ah u xidhan tahay weriye Bushaaro Baande, hase ahaatee ay walaac weyn abuurtay in wiilka madaxweynuhu dhalay uu sheegtay inay isaga u xidhan tahay. Xoghayuhu wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in qof aan xil haynin oo madaxweynuhu dhalay uu iska xidhanayo Suxufiyiinta, waxa soo bixi kara dad badan oo aan la aqoon oo u xidhay wiilasha madaxweynaha. “Ceeb weyn ayaa dul hogganaysa madaxweynaha oo habeen hore uun sheegay in madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo aan laga caban carruurtiisa, waxa is weydiin leh goorma ayaa qoys la doortay oo carruurtii madaxweynuhu ay iska xidh xidhanayaan dadka,”ayuu yidhi Xoghayaha Caddaaladda WADDANI, waxaanu tilmaamay maamul xumada madaxweynaha uu shacbiga ugu daray deelqaafka inamadiisu ku sameynayaan dadweynaha. Yoonis Axmed Yoonis wuxuu ugu baaqay maxkamadda inay xoriyadeeda u sii dayso Bushaaro Baande, isla markaana ay soo xidhaan wiilka sheegtay in ay isaga u xidhan tahay.Xisbiga WADDANI oo ku Baaqay in la soo Xidho Wiilka Madaxweynaha Hargeysa(Qaran)-Xoghayaha Caddaaladda xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa cambaareeyay in Weriye Bushaaro Baande ay u xidhan tahay Maxamed Muuse Biixi, taasi oo ah mid laf-jab ku ah qarannimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Xoghayuhu wuxuu sheegay in 78 maalmood ay si caddaalad darro ah u xidhan tahay weriye Bushaaro Baande, hase ahaatee ay walaac weyn abuurtay in wiilka madaxweynuhu dhalay uu sheegtay inay isaga u xidhan tahay. Xoghayuhu wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in qof aan xil haynin oo madaxweynuhu dhalay uu iska xidhanayo Suxufiyiinta, waxa soo bixi kara dad badan oo aan la aqoon oo u xidhay wiilasha madaxweynaha. “Ceeb weyn ayaa dul hogganaysa madaxweynaha oo habeen hore uun sheegay in madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo aan laga caban carruurtiisa, waxa is weydiin leh goorma ayaa qoys la doortay oo carruurtii madaxweynuhu ay iska xidh xidhanayaan dadka,”ayuu yidhi Xoghayaha Caddaaladda WADDANI, waxaanu tilmaamay maamul xumada madaxweynaha uu shacbiga ugu daray deelqaafka inamadiisu ku sameynayaan dadweynaha. Yoonis Axmed Yoonis wuxuu ugu baaqay maxkamadda inay xoriyadeeda u sii dayso Bushaaro Baande, isla markaana ay soo xidhaan wiilka sheegtay in ay isaga u xidhan tahay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee hay’adda Qaxootiga QM ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Affey ayaa ka wada-hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda diirada ku saaray sidii daruufaha nololeed ee barakacayaasha iyo dadka qaxootiga ah loo hagaajin lahaa, waxna looga qaban lahaa dadkaasi ku nool dakeenna. Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhaxeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah. Danjire Affey ayaa dhankiisa dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni. Affey ayaa hoosta ka xariiqay in dadaaladda dowladda ay wax weyn ka tareyso xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalkeenna ku nool. Si kastaba, Soomaaliya ayaa kamid aheyd dalalka Afrika ee sanadihii lasoo dhaafay marti-geliyay qaxootiga faraha badan, sida ay horey u shaacisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. The post Sawirro: Xamza iyo Danjire Affey oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA ayaa canbaareeyay go’aankii ka soo baxay guddiga KMG ah ee doorashooyinka TPEC ee ururkaas loogu diiday Xisbinimada. Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda ayaa go’aanka guddiga TPEC ku tilmaamay mid aan gebi ahaanba waafaqsanayn xeerka doorashooyinka iyo dastuurka dowladda Puntland. “Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland “PYPA” Waxa uu horay in badan si weyn uga digay isku milanka Golayaasha Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka TPEC” ayaa lagu yiri qoraal ururkaas ka soo baxay. PYPA ayaa sidoo kale tilmaamay in isku milanka dhinacyada uu maja-xaabiyay hufnaantii hannaanka dimuqraadiyadda dowladda Puntland, kuna hogaamiyay dalkii hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni. Ururka ayaa sidoo kale ugu baaqay Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland in aysan ku dhaqaaqin go’aan sharci darro ah isla markaasna baalmarsan xeerka doorashadda iyo dastuurka dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland oo cambaareeyay go’aankii guddiga TPEC appeared first on Puntland Post.
-
After 12 years of bungled peace and state building process, the UN Security Council (UNSC) asked the Federal Government of Somalia (FGS) to achieve “sovereign capabilities” in one year in order to graduate from the impositions of Chapter VII and Chapter VIII of the UN Charter, end the African Union Mission in Somalia (AMISOM) by the end of December 2024, lift the arms embargo, and fulfill the Somali aspirations for secure, stable, peaceful, united, democratic, and prosperous Somalia standing on its feet. Sovereign capability, associated with the concept of “self-sufficiency,” means “the ability to ensure, under full national control and without reliance on any direct foreign assistance, the execution and sustainment of national security and defense objectives.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka wuxuu muddo xileedkiisa ku billowday si caajis ah. Dadweynaha ayaa niyad-jab ka muujiyay waxa laga filan karo kadib markii si aan aad loo hubin ay u mariyeen sharciyo iyo qaraaro waaweyn. Hoggaankiisa ayaa sidoo kale aad loo duray, laakiin kalfadhigii u dambeeyay xildhibaannada waxay lasoo laabteen car-car, iska fiirin la xiriirta sharciyada, isla xisaabtanka adag ee golaha wasiirada iyo inay ka fal-celiyaan dhamaan dhacdooyinka ka socda dalka. Inuu hurdadii ka kacay baarlamaanka, gaar ahaan golaha shacabka ayaa si weyn u muuqata xilligaan. Marwalba oo uu jiro baarlamaan tayeysan waxay u badan tahay inay xukuumadda hagaagto. Haddii ay xukuumadda hagaagtana waxaa hagaagaya hay’adaha kale ee dalka, taasi oo dhabo fiican ku rideysa nidaamka dowliga ah ee ka jira Soomaaliya. Haddaba, aan dib idin xasuusino doodihii xiisaha lahaa ee muddooyinkii la soo dhaafah ka socday golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo xamaasadda ay xildhibaanada soo bandhigeen. Hoos ka daawo muuqaalka, kana billow daqiiqada 1:12. The post BF oo la yimid dhaqan cusub oo aan looga baran + Video appeared first on Caasimada Online.
-
The World Bank said Monday it had provided a 75-million-U.S.-dollar grant to Somalia to help bring the country closer to debt relief. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa $75 milyan oo dollar oo deeq ah u ansixiyey dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadallaada dib u dhiska hay’adaha dowladda. “Dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda hay’ado awood leh ayaa lagu xoojiyey deeq cusub oo dhan $75 milyan, waana deeqdii labaad ee laba deeq oo xiriir ah oo ka caawinaya dalka inuu horumar ka sameeyo waddada ku aadan inuu ku guuleysto dayn cafin qeyb ka ah barnaamijka HIPC,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka. Bankiga Adduunka ayaa sheegay in ayada oo ay jiraan xaalado kala duwan oo is dul saaran oo ay ka mid yihiin halista cimilada, ay dawladda Soomaaliya waddo barnaamijyo damaaci ah oo isbeddel lagu sameynayo laguna dhisayo hay’adaha dowladda, lagu soo jiidanayo maal-gashi, looguna guuleysanayo kobac dhaqaale oo loo dhan yahay. Bankiga ayaa intaas ku daray in mashruuca Bankiga Adduunka ee Siyaasadda Horumarinta Maaliyadda ee loo soo gaabiyo DPF uu taageerayo barnaamijyadaas ay waddo dowladda Soomaaliya. “DPF waxa uu taageerayaa rabitaanka dawladda ee ah in la dhiso aasaaska dhaqaalaha casriga ah iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Tani waxay muujinaysaa horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka samaysay dhinaca dhismaha hay’adaha dawladda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo dhabbaha u xaaraysa mustaqbal xasilloon oo waara,” ayay tiri Kristina Svensson, Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Bankiga Adduunka ayaa amaanay isbeddelada dhaqaale ee ay sameyneyso dowladda federaalka. “In kasta oo ay jiraan caqabado badan, Soomaaliya waxa ay sii waddaa xasillooni dhaqaale. Dib-u-habayntan lagu dhisayo hay’adaha dowliga ah ayaa Soomaaliya u sii dhoweynaya yoolka ah in deymaha laga cafiyo, taas oo meesha ka saaraysa deymihii ay qaadatay kahor dagaalkii sokeeye,” ayaa lagu yiri bayaanka Bankiga Adduunka. “Khayraadka DPF ayaa ka caawin doona dawladda in ay u hubiso in kharashaadka dadweynaha ee muhiimka ah la bixin karo. Waqti kadib, dhisidda hay’adaha iyo kobaca dhaqaale ee joogtada ah waxay Soomaaliya ka caawin karaan inay dhisto xeendaab ka ilaaliyaa lama filaan dhaqaale.” Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay kana mahadcelinays taageerada miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya. The post Bankiga Adduunka oo ku dhowaaqay malaayiin dollar oo loo ansixiyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa shalay lagu soo bandhigay ciidan fara badan oo loo diyaariyay inay ku biiraan gulufka dhawaan ka bilaabanaya gobollada dhexe ee lagu xoreynaayo deegaano ay ugu muhiimsan tahay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Beesha Guriceel degan ayaa qabiil ahaan uga qeyb-galin wejigii hore ee dagaalka, maadaama aanay argagixisada dhul badan ka haysan, laakiin waxaa muuqata in wejiga labaad la siinayo ahmiyad gaar ah. Degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur ayaa waqti fog gacanta ugu jirtay kooxaha argagixisada. Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar laga saaray argagixisada, markaas oo ciidanka Itoobiya qeyb ka ahaayeen duulaanka. Waxaa la xasuusta inuu madaxweyne Xasan Sheekh markaas tegay Ceelbuur. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan saldhig ka dhiganaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Hadafkiisa waa inuu argagixisada ka ciribtiro argagixisada Galmudug, si gaar ah waa inuu Ceelbuur qabtaa. Wejigii hore ee dagaalka waxaa argagixisada laga saaray degmooyin waaweyn laakiin la iskuma gurmad doonan sida Ceelbuur. Dadka waxay isweydiinayaan waxa culeyska intaas le’eg u yeelaya duulaanka Ceelbuur, oo uu xitaa madaxweynihii qaranka u muujinayo ahmiyad intaas le’eg. Waxaa jirta saddex sababood, kuwaasi oo kala ah; 1. Beelaha halkaa dega Siyaasiyiinta, ganacsatada, saraakiisha iyo hoggaanka dhaqanka ee beelaha degan Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ma aanay muujin ka go’naasho weyn oo la xiriirta inay rabaan in argagixisada iska dulqaadan. Halmar oo isku dey sameeyeen waa ku adkeysan waayeen furinta, maadaama aanay muujin baahi lamid ah beelaha kale, dowladda waxay ku qasbanaatay inay iyadu xal gaar ah u raadiso deegaanka. 2. Argagixisada oo xooggeeda iskugu geysay Ceelbuur Argagixisada waxay xooggeeda iskugu geysay Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan sida ay xogo sirdoon xaqiijiyeen, waana midda dowladda gulufkaan u siinayso ahmiyad gaar ah. Waxay aaminsan tahay argagixisada in qabaa’ilka halkaa degan inay iyaga difaaci doonaan. Horay beelihii deganaa degmooyinkii laga qabsaday ayaa u diiday inay difaacaan. Lama yaqaano cidda ku qancisay kooxda inay beelahaasi argagixiso difaacayaan, taas oo haddii gunta la aado xaqiiqada aad uga fog. Waxay dhowr jeer iibiyeen oo ay dadka deegaanadaasi ugu khudbeyeen in beelo kale kusoo duulayaan dhulkooda, iyaga oo ka raadinaya cimri-dheereysi. Laakiin aragtida qabaa’ilka la isku diro hadda suuq badan ma leh, dadkuna badi waa ku baraarugsan yihiin dhamaan qorshooyinka cimri-dheereysiga ah ee kooxaha argagixisada. 3. Aragtida ah in haddii Ceelbuur laga soo saaro aanay kusii nagaan karin gobollada dhexe Dadka arrimaha ammaanka ka faallooda waxay isku raacsan yihiin in haddii argagixisada laga soo saaro Ceelbuur in aysan kusii nagaan karin gobollada dhexe. Waana sabab kale oo ahmiyad ballaaran siineysa gulufkaan uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. The post Yaa ku wajahan Ceelbuur? – Sababta qabashadeeda u sameynayo macno (3 qodob) appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)-ciidanka debdamiska ayaa u gurmaday deegaanka Garabis ee koonfurta Hargeysa oo qof ku dhacay barkad. Qoraal ciidanka debdamisku soo saareen ayaa u dhignaa sidan:- “Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Galabnimadii maanta Gurmad Badbaado ah lagu soo wargeliyay gaar ahaan Degmada Garabis oo koonfur galbeed Qiyaas 30KM ah ugu baxay Gurmadkaas oo ahaa sida dadweynuhu nagu soo wargeliyeen Wiil yar oo ku dhacay Barkad, da’adiisuna Qiyaas ahaan ahayd ilaa 17 Jir, kaasoo ku jiray muddo isagoo Mayd ah. Naftood Hurayaasha Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaasi gaadhay kana soo saaray Barkada ilmahaas yar, hasa yeeshee Alle Haw Naxariistee Ilmahaas yari wuxuu ku dhintay Barkadaasi waxaana intaa ka dib la wareegay hawshaas Ciidamada dambibaadhista Ciidanka Booliska. Ciidanka Dabdemisku waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaasi. Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo jannooyinkiisana hawgu deeqo.” Qaran News
-
Somaliland iyo Taiwan oo heshiis kala Saxeexday Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Taiwan (Jamhuuriyadda Shiinaha) ayaa Caasimadda dalka Taiwan ee Taipei ku kala saxeexday Heshiis Ganacsi. Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha ee dalka Taiwan, Ms. Mei-Hua Wang iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa heshiiska u saxeexay labada dawladood iyagoo goob joog ay ka ahaayeen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashiid Ibrahim, Maareeye Xigeenka Hay’adda Aaga Cashuuraha ka Caagan ee Somaliland Abdikarim Ibrahim,Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Mudane Mohamed Hagi iyo ganacsatada labada wadan wakiilo metelaayay. Labada Wasiir waxa ay si weyn u amaaneen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay leeyihiin dawladaha Somaliland iyo Taiwan iyagoo ka waramay muhiimadda heshiis kan ganacsi u leeyahay ganacsatada labada waddan iyo gaar ahaan Somaliland oo ah marinka Africa ee ganacsiga Africa ee dalka Taiwan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareey ayaa walaac xooggan ka muujiyay halis caafimaad oo ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo weli lagu baraarugsaneyn. Xildhibaan Maareeye ayaa waxa uu sheegay in cudurka Kansarka uu shacabka Soomaaliyeed ku hayo fara ba’an, ayna tahay in daraasad rasmi ah ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada ku sameeyaan arrintaasi. “Maxaa marqaati ma doonto ah in hadii aad tagto Isbitaalada wadamada deriska ah sida Ethiopia, Kenya iyo isbitaalada wadamada Soomaalidu u aado daaweynta cudurada khatarta ah sida Hindiya iyo Turkey in aad ku arkayso tiro xad dhaaf ah oo dad Soomaaliyeed ah oo la’ildaran xudurka Kansarka oo faro ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Xildhibaan Maareeye ku yiri qoraal uu soo saaray. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in halistaan oo ay tahay in deg deg loo baaro loo aaneynayo radio active-ka anteynooyinka isgaarsiinta, raashinka iyo saliidda dhacday, daawada dhacday iyo sunta nuclear-ka ee laga daadiyey badaha Soomaaliya iyo arrimo kale. “Waxaa loo baahan yahay in lagu sameeyo daraasad rasmi ah dhibaatadan laynaysa shacabka Soomaaliyeed ee faqriga ah.” Hoos ka aqriso qoraalka Maareeye oo dhameystiran, Dhibaatada Cudurka Kansarku ku hayo Shacabka Soomaaliyeed Maxaa Marqaati ma doonto ah in hadii aad tagto Isbitaalada wadamada deriska ah sida Ethiopia, Kenya iyo Isbitaalada wadamada Soomaalidu u aado daaweynta cudurada Khatarta ah sida Hindiya iyo Turkey in aad ku arkayso tiro xad dhaaf ah oo dad Soomaaliyeed ah oo la’ildaran Cudurka Kansarka oo faroba’an ku haya Shacabka Soomaaliyeed. Mudo dhoweyd mar aan soo maray Ethoipia wuxuu dhaqtar ii sheegay in uu la yaaban yahay waxa sababaya in marmarka qaar uu 10-kii qof ee dadka Soomaaliya ka yimid ah ee u yimaada in uu 4 ama 5 ka helo Kansar jidhkooda ku jira, halka Shacabka Ethiopia uu ku dhowaad sanadkii arko qof ama laba qof oo cudurkaas qaba. Shacabka Soomaaliyeed cidina uma maqna ceelna uma qodna, u maleyn maayo in Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda dhexe iyo kuwo heer DG xataa ogyihiin baaxada dhibaatadaas ama wax daraasad ah ku maqan yihiin waxa sababaya. Radio active-ka Anteynooyinka Isgaarsiinta ee guri walba laga agtaagayo, Raashinka iyo Saliidda dhacday ama lagu keydiyey meel xun, Daawada dhacday iyo sunta nuclear-ka ee laga daadiyey badaha Soomaaliya iyo arimo kale ayaa loo aanaynayaa dhibaatadan laynaysa shacabka Soomaaliyeed ee faqriga ah, waxaase loo baahan yahay in lagu sameeyo DARAASAD RASMI AH. The post Xildhibaan shaaciyey halis horleh oo ay wajahayaan shacabka iyo cudur dilaa ah appeared first on Caasimada Online.
