-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shir looga hadlayay dib u xoreynta deegaannada ka maqan gacanta maamulka, waxaana kasoo ay qeyb galeen mas’uuliyiin dowladeed, waxgarad iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. Madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, dowladduna ay wado guluf ka dhan ah sidii lagu qaban lahaa degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoos yimaada. Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan duleedka magaalada Gurceel lagu uruuriyay ciidamo ka 300 oo kuwa deegaanka ah, kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka dowaladda ay ku qaadeyso deegaannada Galmudug ay kag sugan yihiin Al-shabaab ee Bariga. Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa gaaray taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA, waxaana kulamo dhow ah uu la qaatay madaxweynaha Galmudug oo ku aadan dardar gelinta dagaalka Al-shabaab ee deegaannada maamulka. Wufuud kale duwan oo hor dhac u ah wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ku wajahan magaalada, halkaas oo la sheegayo inuu ka sameysan doono madaxtooyo ku meel gaar ah si uu u hoggaamiyo dagaalka wajiga labaad ee Al-shabaab. Dowladda federalka Soomalaiya ayaa sidamadii ugu badnaa ku daabushay Bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ah goobta laga jiheynayo howlgalka lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaannada hoostaga, gaar ahaan Wabxo Diri iyo Galgareeri oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab muddo 15 sano ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku qarxay si lama filaan ah, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo isaga horyimid duleedka deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya inay kala shakiyeen ciidamada, kadibna uu dagaalka sidaas ku billowday, kaas oo qaatay ku dhawaad hal saac, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday furinta hore ee dagaalka ka socda xadka kala qaybiya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxa ay isku dhaceen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka Masaajid Cali Gaduud, kadib markii kala shakiyeen labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta ku dhintay dagaalkan uu ku jiro Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo ahaa taliyihii ururka 2-aad guutada Khaalid Bin Waliid. Sarkaalkan oo dhalinyaro ahaa iyo ciidanka uu hoggaaminayay ayaa ka baxay xerada Maslax oo lagu diyaarinayay maalmihii dambe, si ay ugu biiraan dagaalka Al-Shabaab. Illaa hadda iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka lagu dilay sarkaalkaas ku baxay isla gacanta ciidamada. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay halkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dagaalama dhexdooda, waxaana sababa is faham-waa mararka qaar soo kala dhex-galay ama inay kala shakiyaan, taas oo keenta isku dhac. The post TALIYE lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay Masaajid Cali Gaduud appeared first on Caasimada Online.
-
The West African regional bloc, Ecowas, says it has a delegation in Niger to negotiate with the leaders of last week's coup. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Somali Olympic Committee has suspended Khadija Aden Dahir, Chairperson of the Somali Athletics Federation, following allegations of abuse of power and favouritism in the selection process of an underprepared athlete representing Somalia at the FISU World University Games in Chengdu, China. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka fikirayo xil ka qaadis uu ku sameeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale. Waxaa muddooyinkii dambe sii yaraatay kalsoonida madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qabo guddoomiye Yuusuf Madaale oo isagu ka tirsan xisbigiisa UPD, sida laga soo xigtay illo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya. Arrintaan ayaa la sheegay inay keentay in madaxweynaha uu bilaabo raadinta qofkii lagu beddeli lahaa Yuusuf Madaale, oo sidoo kale uu weli khilaaf kala dhaxeeyo ku-xigeennadiisa maamulka gobolka. Khilaafka Madaale iyo Ku-xigeennadiisa ayaa si weyn usoo shaac baxay kadib markii awooddii guddoomiye ku-xigeennada gobolka uu la wareegay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Diiriye, oo isagu si gaar ah ugu dhow guddoomiye Madaale. Waxaa durba soo baxaya shaqsiyaad u sharaxan oo xafiiska madaxweynaha uu xiriir la sameeyay iyo kuwo xusul duub ugu jira sidii ay u heli lahaayeen xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir. Waxaa jirra shaqsiyaad kamid ah xisbiga madaxweynaha iyo taageerayaashiisa oo xusul duub ugu jira xilkaasi, iyo weliba kuwa kale iskood u raadinaya, maadaama xilkaasj uu yahay jago si weyn loogu xisaabtamo iyo awood qeybsi inta badan ay ku loolamaan beelaha uu kasoo jeedo madaxweynaha. Xil ka qaadista Guddoomiye Madaale ayaa la filayaa in ay waqti qaadato, inta laga helayo qof madaxweynuhu ku kalsoon yahay. Waxaa la xasuusta in madaxweyne Xasan ay muddo afar bilood ah ku qaadatay inuu xilka ka qaado guddoomiyihii hore ee gobolka Cumar Filish, soona magacaabo Yuusuf Madaale. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa haddii ay dhacdo xil ka qaadistiisa, waxa uu noqon doonaa qofkii labaad ee muhiim ah oo xilka laga qaado sanad gudihiisa, iyada oo dhawaan xilkii laga qaaday Wasiirkii Maaliyadda oo kamid ahaa xubnaha xisbiga madaxweynaha ee UPD. The post Xog: Xasan oo ka fikiraya inuu xilka ka qaado Madaale appeared first on Caasimada Online.
-
Igad watches over conflict boiling pots after Sudan erupted
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Intergovernmental Authority on Development (Igad) says it is watching over other potential conflict boiling pots in the region, after Sudan erupted into a massive crisis the bloc is struggling to deal with. Source: Hiiraan Online -
There have been calls in Somalia for officials to be sacked, after fielding a novice 100m sprinter in the the World University Games in China. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyp (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay uu weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaas oo hoostaga Galmudug. Weerarka oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo kusii jeeday dhanka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warxiyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in maleeshiyaadka ay waddada u galeen gaariga, xilli uu maray agagaarka deegaanka Kaxandhaale, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in falkan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 qof oo laba kamid ah ay dumar yihiin, halka saddexda kalena ay haayeen rag la socda baabuurka. “Gaariga wuxuu kusii jeeday degmada Gaalkacyo, waddada ayaa maleeshiya u gashay weerar dhaba gal ah aa lagu qaaday isaga oo maraya nawaaxiga Kaxandhaale markii hore afar qof ayaa ku dhimatay saddex rag ah iyo hal dumar ah, sidoo kalena waxaa dhaawacantay haweeney kale oo markii dambe lasoo sheegay inay geeriyootay” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weerarkan ay geysteen maleeshiyaad beleed deegaanka ah, isla-markaana goobta isaga baxsaday kadib dhacdadaasi. “Weerarkaas waxaa ka dambeeyay dadka qabaa’ilkaa oo meesha wada daga maleeshiyadu waxa ay kasoo jeedeen Gaalkacyo, dhinaca Galmudug” ayuu sii hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn nabadoonkan ayaa farriin u diray dowladda dhexe, Galmudug iyo odayaasha dhaqanka, isaga oo ku baaqay in loo istaago ka hortaga dilalka ka socda Galgaduud. “Waxaan leeyahay dadka yaan la leyn aan dhexda marada ku xirano, kana hortegno colaaddaasi” ayuu mar kale yiri. Xaaladda ayaa maanta kacan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo halkaasi, sida ay soo wariyeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Gobolka Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo noq noqday dagaal beeleedyada iyo weerarada jidgalka ah ee ay geysanayaan rag hubeysan, kuwaas oo dad badan lagu dilay. The post Weerar lagu dilay SHACAB oo ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in xaasaska iyo carruurta maleeshiyada Al-Shabaab laga saarayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa ugu yeeray xaasaska iyo carruurta maleeshiyadaasi in ay isaga baxaan degmadaasi. Wasiirka oo gaaray Baraawe ayaa sheegaya inaanan la aqbali doonin in Shabaabku ay dhibaateeyaan dadka deegaanka, isla-markaana ay qoysaskoodu joogaan magaalada. Wasiirka ayaa tilmaamay in uu socdo qorshe xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab lagaga saarayo Magaalooyinka Koonfur Galbeed, xilligan oo sida uu sheegay uu heer geba-gabo ah marayo u diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi. Wasiirka ayaa maamulada degmooyinka faray in ay iyana u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka. Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa xusay in muddada uu ku sugan yahay Baraawe inuu la kulmi doono Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga Dalka. Baraawe waa Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, walow maamulku uu hadda si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo. Baraawe ayaa mar ahayd xaruntii ugu weyneyd ee Al Shabaab, iyadoona dagaal looga saaray 5-tii bishii October ee sanadkii 2014. The post Xaasaska iyo carruurta maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saarayo magaalada… appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh uu ka bilowday gobolkaasi, isla-markaana uu daaran yahay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee gulufka la damacsan yahay in mintidiinta lagaga saaro deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabeelle. Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Saraakiisha Qaybta 27aad faray in ay ciidamada ka tallaabiyaan jiinka webiga, isla-markaana ay qaadaan gulufka lagu qabanayo deegaanada ay Shabaabku ka haystaan galbeedka gobolkaasi. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in lagu arkayo deegaanada ku teedsan jiinka webiga, min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde. Taliyaha Ururka 41aad, Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Xuseen Xasan Joodax (Hoorow) ayaa Degmada Buulo Burde kaga dhawaaqay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa daanta galbeed ee gobolka. Nabadoon Cali Cumar (Qaansaweyne) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee gobolkaasi ayaa mar sii horreysay ku baaqay in ay dadka rayidka ah isaga fogaadaan webiga jiinkiisa. Nabadoon Qaansaweyne ayaa wacad ku maray inaanan la cafin doonin xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, da’da uu doonaba ha jiree. “14 iyo 80 jir wixii u dhaxeeyo nin la cafinayo ma jiro, ogaada, ogaada nin la cafinayo inaanu jirin,” ayuu yiri Nabadoon Qaansaweyne. Hawlgalkan ayaa la sheegaya inaanu doorkiisa hoggaamineed lahaan doonin Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, kaas oo horkacayay wejigii hore ee hawlgalka oo keenay in Shabaabka laga saaro bariga gobolkaasi. Tani ayaa loo aaneynayaa khilaaf xoogan ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xilka ka qaaday bartamihii bishii June. Xil ka qaadistiisan ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gobolka, waana xiisadda siyaasadeed ee aan weli wax xal ah laga gaarin in ka badan lix toddobaad, inkastoo Villa Somalia ay dadaal ugu jirto, sidii khilaafkaasi loo soo afjari lahaa. Cali Jeyte ayaa la fahamsan yahay in uu muhiim u yahay dagaalkan dalka looga saarayo kooxaha argagixisada, isagoona wejigii hore muujiyay in muddo kooban lagaga adkaan karo kooxahaasi. Gobolka ayaa sanadkii hore xudun u noqday kacdoonka dadweyne ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan, ka gadaal markii Shabaabku horaantii bishii September ay dad safar ahaa ku lahaayeen, gaadiid ganacsina ku gubeen waddada xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas. Jeyte oo markaasi ka faa’iideysanaya caradii shacabka ayaa abaabulay guluf ay muddo dheer ka dib isaga dulqaadayaan colkaasi. Dowladda Federaalka oo xilligaasi kacdoonkaasi dadweyne u arkeysay fursad mar ku soo martay ah ayaa bilowday in ay hubeyso qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, si ay Ciidanka Xoogga Dalka uga gacan siiyaan guluf Shabaabka looga kiciyay inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle. Wejigii hore ee hawlgalka ayaa laga bartay in marka ciidamada iyo shacabku wadajiraan uu ka khasaare yaryahay dagaalkii sanadaha badnaa ee ay ciidamada ku keli ahaayeen. Dadka deegaanka oo la abaabulo ayaa muhiim u ah qaabeynta iyo qorsheynta hawlgalada, haddii ay iyagu kala garanayaan dhulka loo socdo in laga saaro Shabaab iyo goobaha ay gabaadka ka dhigan karaan. Si kastaba ha-ahaatee illaa iyo inta laga xalinayo xiisadda siyaasadeed ee gobolka ka taagan ayaa waxaa doorka hoggaamneed ee hawlgalka loo xilsaaray Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey, Abaanduulaha Qaybta 27aad, Korneyl Isaaq Cismaan Idiris iyo Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), inkastoo la sheegayo in Jeyte uu dhankiisa ka qorsheynayo guluf kale oo kaasi ka duwan, kana dhan ah maleeshiyada Shabaabka. The post Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda Gobolka Hiiraan iyo Cali Jeyte oo qorsheynaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay markii saddexaad dagaalayahanada Al-Shabaab xalay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud-buurey oo u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed. Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Xoogga dalka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday. Dagaalkan ayaa qaatay soo bilowday gelinkii dambe ee shalay ayaa soo gaaray illaa xalay, waxaana la’isku adeegsanayay hubka noocyadiisa, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaaladdu ay kacsan tahay. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada huwanta iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka Al-Shabaab ee Goof-gaduud. Maalmo kahor ayey aheyd markii Al-Shabaab oo muddo kooban haysatay laga fara maroojiyay deegaankan oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay. Goofgaduud-buurey waa deegaan istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab. Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud-buurey ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka. Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda Al-Shabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug. The post Al-Shabaab oo markii saddexaad weerartay Goofgaduud-buurey appeared first on Caasimada Online.
-
Khudbaddii munaasabadda kowda Ogoosto Madaxweynaha Puntland wuxuu ku dhawaaqey in uu tartan diyaar u yahay doorashada 2024 xiligeedi ku qabanaayo taas oo lagu gelaayo nidaamka xisbiyada, shacabku soo dooranayaan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada, haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah muddo 150 maalmood ah laba doorasho oo is barkan ama la isku sidkey malagu qaban karaa? maxaa u diyaarsan doorashada? maxaa ku kalifey madaxweyne Deni in uu hadda yiraahdo hala ila tartamo. Ugu horreyn Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu lee yahay taariikh xusuus mudan taas oo ahayd sida uu u maareeyey doorashadii Xildhibaanada federaalka oo dhamaantood uu ku qaatey dambiil si uu uga qaybgalo TARTAN ka dhacaayey magaalada Muqdisho taas oo calaamad u ahayd dimoqraadiyadda waxa uu ka aaminsan yahay, taasi waxay muujineysaa in TARTANKA uu isu diyaariyo sahaydiisana diyaarsado. Madaxweyne Deni waxa uu xariif ku yahay in uu jeexdo halka uu maraayo muddo dheer ayuu ka si shaqeeyaa, waxaa u soo baxdey si uu shanta sano ee soo socda ugu guuleysto mar kale in uu ku soo noqdo xafiiska Madaxweynaha, ugu horreyn waxa uu meesha ka saarey shuruucdii iyo dastuurkii bulshadu ku heshiisey waxaa loo beddalay dhamaan qodobadii caqabadda ku noqon karey damaciisa, waxaana uu gacanta ku dhigey awoodii oo dhan. XISBIYO AAN HAYSAN KALSOONIDA SHACABKA Madaxweyne Deni si uu meesha uga saaro saddex xisbi oo ay dhici karto in labo kamid ah noqdaan mucaarad, waxa uu la yimid xisbiyo badan oo qaarkood ka helin doorashooyinkii 10 cod, Xisbiyada loo jebiyey dastuurka iyo shuruucda in badan oo ka mid ah kama tartamin 60% magaalooyinka Puntland, sababta ugu weyn ayaa ah sidii saameyn loogu yeelan lahaa dhismaha Guddiga Doorashooyinka ee Puntland ee loo yaqaan PEC. Maanta waxa uu naawilayaa in 14 ka xubnood oo guddi doorasho ah u ku yeelan karo ugu yaraan 11 ilaa 12 xubnood, 3 ka imaanaya golaha wakiilada, 4 uu Madaxweynuhu magacaabayo iyo qaar kale oo xisbiyada uu abaalka u dhigtey ay soo magacaabayaan kuwaas oo aan haysan codka dadweynaha. GARSOORKA Maxkamadda sare iyo tan dastuuriga ah waa halka iska leh go’aanka u danbeeya, waxaa cad in uu meel dhigtey oo aysan ka hor imaan karin damaciisa, waxaana lagu ogaan doonaa sida ay ka yeelaan ku tumashada dastuurka iyo shuruucda kale ee ururada qaarkood u gudbiyeen sida ay ku dhameeyaan iyo jawaabta ay bixiyaan. SHURUUCDA DOORASHADA Si loo xaqiijiyo riyada dib u doorashada Madaxweyne Deni waxaa la beddalay qodob dastuuri ah kaas oo dhigaayey in nidaamka Puntland uu yahay baarlamaani, ama baarlamaan la soo doorto in ay doortaan Madaxweynaha, waxaa lagu dhaqmaayey tan iyo sanadkii 1960, haddii nidaamkaas laga guuraayo waxay u baahan tahay shuruuc adag, dadweyne leh aqoonsi ee aan doorasho keliya loo diiwaan gelin, si loo yaqaano muwaadinka dhabta ah ee doorashada ka qaybgeli kara, waa nidaamka kelitaliyaasha Afrika ay doorashooyinka ku boobaan, dal aan shruuc adag lahayn, hubkuna baahsan yahay. Wakhtigan aan qoraalkan qoreyno Madaxweyne Deni waxa uu gacanta ku hayaa sharcigii doorashada Madaxweynaha iyo sharcigii Golaha Wakiilada ee Puntland, waa dawaarle ama kharkhaanle shaatigiisi tolanaya, mana jirto cid wax laga weydiiyey iyo Xisbiyo lagala tashtey, waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in Baarlamaanka loo gudbiyo si ay laxanka ansixinta u saaraan. Markii ay gacanta kuugu jiraan Xisbiyadii siyaasadda oo aysan jirin mucaarad xisbiyo ah, markii aad haysato aqlabiyadda guddiga doorashada ugu yaraan 90%, markii ay gacanta kuugu jirto maxkamddi sare ee kuu sharciyeyn lahayd waxaad rabto, markii aad adigu soo qoratey sharcigii doorashada lagu gelaayey, maxay tahay sababta aad TARTANKA uga cabsataa, taas waxaa u dheer, ma jiro ciidamo Boolis ah oo doorashooyinka awood u leh in ay ilaaliyaan, waxaana arintaas lagu bartey doorashadii goloyaasha deegaanka ee 30 degmo, waxa ilaalinaayey Ciidamada Badda ee Imaaraadka carabtu dhiseen ee loo yaqaan PMPF, kuwaas oo dastuuriyan meelna ka soo gelin in ay doorashooyinka ilaaliyaan, cidankaas oo xiriir dhaw la leh Madaxweynaha. Intaas oo dhan markii ay gacanta kuugu jirto, sow tartan diyaar uma tihid? Qore: Ismaacil Xaaji Siciid AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Madaxweyne Deni TARTAN caynkee ayuu u diyaar yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Shir Lagu Darsayo Xisaab-xidhada Dawladaha Hoose oo lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo uu Weheliyo Ku-xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Sacad Riiraash ayaa Furay Shir Hawleed ku saabsan Dib-u-eegista iyo Dar-dar Galinta Xisaab-xidhka Dowladaha hoose ee Sannadkii 2022 oo qayb ka ah Xisaab-xidhka Dawladda ee dhawaan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland loo gudbin doono. Shirka waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda, oo kala ah Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda, Xisaabiye Ku-Xigeenka Guud ee Dowladda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee ay shaqadani khusaysay. Gaba-gabadii shirka waxa la iskula qaatay in wixii qabyo ah la dhammaystiro, kulan danbena lala yeesho Wakaaladaha iyo Hay’adaha Dawladda ee macaashka sameeya. Qaran News
-
Wasiir Cali Xoor-xoor oo Dadweynaha u soo Bandhigay Xeer ay u Sameynayaan Shaqaalaha Rayidka Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska -JSL, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradddu ayaa daah-furay kulan bulshadda lagula tashanayay, oo ku saabsanaa Qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Maamulka Shaqalaaha Ajaanibka ah. Kulankan ayaa waxa furitaankiisii ka soo qayb-galay Taliyaha Ciidanka Socdaalka & Illaaladda Xuduudaha JSL & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL. kulankan waxa sidoo kale qayb ka ahaa mas’uuliyiin metalayay in ka badan 65 goobood oo shaqo, Ururadda Shaqalaaha & Saraakiil ka socday Ciidanka Socdaalka. Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd in bulshadu ay ku darsadaan afkaartooda qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyaha oo muddo dheer ay Wasaaraddu ka shaqaynaysay. Ugu dambayntiina, waxa uu kulanku ku soo af-meermay guul & midha-dhal buuxa. Qaran News
-
Tababar sare oo loo soo Xidhay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xidhay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL. Tabbabarkan saraakiisha loo soo xidhay socday muddo 4 bilooda, kaas oo lagu baray saraakiishan xirfadaha GIS iyo Topograph, isla markaana dalka dibeddisa loo tagi jiray. Wasaaradda gaashandhiga JSL iyada oo ka duulaysa muhiimada ay ciidanka u leedahay barashada xirfadahani ayay ka suurtagelisay markii u horraysay in dalka gudihiisa lagu lagu barto. Munaasibada xidhitaanka tababarkan waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda gaashandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateey (Fariid), agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mustafe Cumar Faarax iyo Abaanduulaha ciidanka Qaranka JSL, Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Af Guduud). Qaran News
-
Ottawa (Caasimada Online) – Justin Trudeau, Canada’s Prime Minister, and his wife, Sophie Gregoire Trudeau, announced on Wednesday that they are separating, ending their 18-year high-profile marriage. The pair, who have been candid about their relationship struggles in the past, were seen less often together in public in recent years. Married since May 2005, they have three children aged 15, 14, and nine. On their 15th anniversary, Trudeau praised his wife as “my rock, my partner, and my best friend.” The announcement comes at a challenging time for the 51-year-old Trudeau, who recently initiated a significant cabinet shuffle to rejuvenate his trailing Liberal Party’s fortunes. Insiders suggest he remains committed to leading the party into the next election, slated for October 2025. Echoes of history Trudeau’s situation painfully mirrors his father’s experience, former Prime Minister Pierre Trudeau, who separated from his wife, Margaret, while in office in 1977. This development marks one of Trudeau’s most significant personal crises since his tenure as prime minister began in 2015, a role in which he has continually emphasized the value of family life. In a public announcement on Instagram, Trudeau stated, “Sophie and I would like to share the fact that after many meaningful and difficult conversations, we have made the decision to separate.” Gregoire Trudeau posted an almost identical message on her account. Public Safety Minister Dominic LeBlanc, a close ally of Trudeau, is set to brief the cabinet members later on Wednesday, according to the Canadian Broadcasting Corp (CBC), which predicted that Trudeau would address the separation publicly within the week. Children and custody Trudeau’s office confirmed that the pair had signed a legal agreement, underlining their dedication to raising their children. Gregoire Trudeau is planning to move into separate accommodation in Ottawa but intends to spend significant time with the children at the Prime Minister’s official residence, Rideau Cottage, for as normal an upbringing as possible, according to a source familiar with the matter. The anonymous source, citing the extreme sensitivity of the situation, stated that the couple would maintain joint custody of their children. The family plans a vacation together in the coming week. The Trudeaus captured the world media’s attention with their striking presence when Justin 43 became the Prime Minister in late 2015. The New York Post in October 2015 labeled Gregoire Trudeau as “the hottest first lady in the world,” while Vogue magazine ran a radiant profile of the couple in its January 2016 issue. In his 2014 autobiography ‘Common Ground,’ Trudeau revealed that the couple had faced challenges, confessing that “our marriage isn’t perfect, and we have had difficult ups and downs.” In a social media post on their wedding anniversary last year, Gregoire Trudeau hinted at their trials, stating, “We have navigated through sunny days, heavy storms, and everything in between, and it ain’t over.” The recent separation marks the culmination of these struggles, despite the couple’s joint appearances at significant international events like the coronation of King Charles and US President Joe Biden’s recent visit. The surprise announcement is a poignant reminder of the personal toll exacted on public figures, even as they navigate the complexities of leadership on the world stage. The post Trudeau’s marriage ends, mirroring father’s past appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – A ripple of shockwave rolled through the international athletic community following a contentious performance at the World University Games in Chengdu, China. Nasra Abukar Ali, a 20-year-old untrained runner from Somalia, found herself at the center of this controversy, provoking a swell of outrage and triggering a serious investigation. Ali competed in the women’s 100-meter race, posting a time of 21.81 seconds, a far cry from the winning time. She finished the race last, a full 10 seconds behind the Brazilian winner, Gabriela Silva. This significantly lagged finish caused the cameras to pan back to Ali, capturing her continued effort as her competitors slowed to a halt. Her determination notwithstanding, this incident has sparked considerable distress, with global observers questioning how such a visibly unprepared runner ended up competing at this prestigious event. Public uproar and investigations The unusual selection of Ali to represent her nation didn’t sit well with the Somali population. Elham Garaad, a prominent Somali commentator, vented her frustration on the social media platform X (formerly Twitter), saying, “The Ministry of Youth and Sports should step down. It’s disheartening to witness such an incompetent government. How could they select an untrained girl to represent Somalia in the running? It’s truly shocking and reflects poorly on our country internationally.” The disquiet prompted the Ministry of Youth and Sports of Somalia to launch an internal investigation, digging deeper into the circumstances surrounding Ali’s selection. Nepotism allegations The shockwaves intensified when it was revealed that Ali is Khadija Aden Dahir’s niece, the Somali Athletics Federation Chairwoman. Dahir had shared a photo of Ali at her graduation on social media, stoking suspicion and sparking allegations of nepotism. Following an initial investigation, the Somali Ministry of Youth and Sports announced Dahir’s suspension, citing abuse of power, nepotism, and tarnishing of the nation’s international reputation. The report noted that Ali had been identified as neither an athlete nor a runner. The Ministry, in its statement released by the office of the Minister of Youth and Sports, Hon. Mohamed Barre Mohamud, further declared its intention to pursue legal action against both Dahir and those responsible for the Somali University Sports Association’s falsification. A loophole in world athletics The peculiar circumstances of Ali’s participation perplexed many observers. Usually, athletes are required to qualify to compete in such events. However, the World Athletics policy does permit each country to enter one unqualified male or female athlete in one event of the championships, as reported by Yahoo Sports. The Marshall Islands similarly exercised this exception during the 2022 World Athletics Championships. Their unqualified athlete, Ka’Alieena Bien, finished her race in 14.71 seconds, far off the gold medal-winning time of 10.67 seconds. Despite this, her performance was significantly better than Ali’s time. This recent event highlights the consequences of exploiting loopholes in international athletic competitions and the potential repercussions of such actions. The post Untrained Somali athlete’s race ignites nepotism scandal appeared first on Caasimada Online.
