-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu waddo qorshe ka dhan ah ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo arrintaasi shaaciyay ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ka dambeeyo dagaalka Laascaanood, uuna qaadayo weerarkii ugu dambeeyay. “Hadda imika dagaalka Laascaanood ninka wadaa waa Drni, weerarkii ugu dambeeyay ayuu hada qaadaya, caawa ayuu soo baxay ciidankii uu diyaarinayay, ama aroorta ayay Garoowe kasoo baxayaan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin Axmed. Waxa uu intaas kusii daray “Looma baahneyn in Puntland ay dagaalka Laascaanood hogamiso, ee waxaa loo baahna inay horumariso oo hagaajiso deegaanada ay gacanta ku hayso.” Hadalka Wasiir Kaahin ayaa imanaya xili dhawaan maamulka Puntland uu qirtay in ciidan iyo dhaqaale wixii ay hayeen ay ku bixiyeen dagaalka Laascaanood, muddo ay Isimida dhaqanka SSC ka difaacayeen eedeymaha Somaliland. Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood waxaa isa-soo tarayay dhinacyada ku biiraya dagaalka, ayada oo labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Hiiraan. Si kastaba, Somaliland iyo Puntland ayaa mid walba u xusul duubaya sidii ay uga talin laheyd deegaanadaasi la isku hayo, iyada oo dadka deegaanka ay ku haminayaan in ay dhistaan maamul madax-banaan. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ka shanqadhiyay inuu rejo ka qabo in reer Sool ay wax la dhistaan maamulkiisa Puntland. Halka taasi bedelkeedana ay rabto xukuumadda Somaliland. The post Somaliland oo shaaca ka qaaday ‘qorshe culus oo ay damacsan tahay’ Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa markale qoraal kasoo saaray guul-darradii Soomaaliya kasoo gaartay tartankii orodka ee lagu qabtay dalka Shiinaha. Tartankaan oo Soomaaliya ay ku metelaysay Nasra Abuukar Cali ayaa waxaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waxaana Soomaaliya ay kasoo gaartay fadeexad sumcad dil ku ah qarankeena. Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya horay sharafteeddii loogu tuntay, islamarkaana qeylada hadda isgaartay or-kacsi tahay, “Haddii aad cowro qaran ku haysataan, waad ka gardaran tihiin, sow taad horay ii qaawiseen oo cawradayda dibadda u soo dhigteen.” Qormadaan cusub ee uu soo saaray Cabdiraxmaan ayaa u dhigneyd sidan; Saakay qarankii oo la caraysan cawradiisa ilaa shalay la hadal hayey ayaa soo toosay, isagoo ku qaylinaya “waryaaya idinkaa i qaawiyee maxaad ka qajilaysaan? Haddana wuu is dejiyey, wuxuuna is waydiiyey, wuxuuna iskula hadlay, horta kuwaan yaa baray in ay i dhowraan ama ay cowradayda asturaan? Iskuulka laguma barin oo maadadii Tacliinta Muwaadinimada (Civic Education), ee wax iga fahamsiin lahayd, waa tii manhajka laga saaray oo lagu beddelay “Soomaali iyo Kacaan” inta badan Macalinka wayn, Aabaha umadda iyo guulwadaha qaranka lagu amaanayey. Malcamadda iyo Masjidka oo ahaa goob kale oo wax lagu baro, arrimahayga laguma haynin, macalinkuna xafidsiinta Quraanku ayuu ku ekaa, wadaadkuna Axkaamta naxwaha iyo arbaciinka. Suugaanta ayaan islahaa way ku jeclaysiin doontaa, laakiin nasiib daro in yar oo kooban mooye, amaanta odayga, jacayl, gabayo beelo diriray, gobonnimo iyo gunnimo iskugu faanaya iyo xooggaa mucaarad ah bay ahayd. Anigoo saa u itaal liita ayaad i dumiyeen igana kala carareen, weligeed lama arag qaran dadkiisu ka yaaceen, bal eeg qaramada dadkoodu dirireen, ma jiro mid sida habqanka ah ee aad u qaxdeen dadkiisu dibadda u baxsaday. La yaabi mayo saa awalba cid idinkiin jeclaysiisay iyo waxaad igu jeclaantaba ma jirin. Markii aan idinku soo dhacayna beelo ayaad igu qaybsateen, waadna u kala degteen, maalinkaa ayaa xusuustiina ka tirmay. Rajo ayaan lahaa ee waa maalinkii aad asaageey iga reebteen, deriskaygana ii baylahiseen, wayba i kala boobi lahaayeen, Qaramada Midoobay oo aan bilawgii hore ku biiray ayaan qalinkeeda ku baxsaday, Golaheeda Ammaanka ayaa mar walba lahaa; “Midnimada, Madaxbanaanida iyo Wadajirka dhulka Soomaaliya waa lama taabtaan”. Wiilkaada in uu tuug noqdo ma rabtid, laakiin in uu hantidayda Xajka kaa geeyo waa rabtaa, walaasha in ay jirkeeda iibiso ma rabtid, laakiin in ay kayga ka ganacsato waa bogaadisaa, madaxweynaha qabiilkaada markii uu kan magacayga qaran sita isku taago, waad ku faantaa oo gobbanimo toleed baad u aragtaa, haddana qabka Qaranka in la ilaaliyo ayaad rabtaa,! Siyaasiga tolkaada ah ee dawlad shisheeye dalkeeda dejisay waa kuu halyeey, kan reerka kalana waa caada qaate ajnabiga u adeega. Maxaad inanta ugu qayliyeysaan, weligeedba ma aysan maqal meel dantayda lagu hayo, cowradaydana lagu asturayo. Inantu qoyskeeda iyo tolkeeda midna ceeb uma soo jiidin, cawradoodana ma qaawin, sababtoo ah way ku soo barbaarsadeen, waxayna kula soo tiir iyo tacab beeleen in ay sharafkooda, iyo gobbonimadooda dhowrto wayna ilaalisay. Haddii aad cowro qaran ku haystaan, waad ka gardaran tihiin, sow taad horay ii qaawiseen oo cawradayda dibadda u soo dhigteen, weliba ummado kale oo beri i aqoon jiray ayaa mararka qaar cawrada asturo i yiraahda. Sow taan dunida musuqa kaalinta koowaad kaga jiro, sow taan dawladaha fashilmay kuwo ugu horreeya ahay, sow tan dayntii la igu lahaa faraqa la ii haysto, sowtan ajnabi i ilaaliyaan, sow tan kun daykayga hal meel qudha looga jaray, sowtan qarax, qax, gaajo iyo colaad, qab qab dhaafay iyo qabiil isku dilaysaan, goormaad qajisheen? War iga xishooda, qaran aad qaawiseen baan ahay oo haddana aad cawradiisa in la arko ka qajilaysaan. The post CC Shakuur: Qarankii oo la careysan cawradiisa ayaa soo toosay isagoo ku qeylinaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xidhiidhay, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, ka dib markii lagaga adkaaday. Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin, oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaas oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo. Trump ayaa ka soo hor muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka. Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden, iyada oo bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ay xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Maraykanka, taageerayaal cadhaysani, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore Maraykanka Donald Trump oo mar kale maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis. Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa. Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh oo Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis. Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa. Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh oo Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socday Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga saaxibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti. Guddigan ayaa ka shaqeyn doona kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya labada Baarlamaan ee labadaasi dal, xilli uu wanaagsan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti. “Guddoomiyaha markuu arkay qodobka 14-aad faqradda 6-aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dhigaya in guddoomiyaha yahay xiriiriyaha Baarlamaannada Adduunka in ay muhiim tahay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo iyo is-kaashi la yeesho Baarlamaannada Caalamka, waxa uu magacaabay xubnaha guddiga saaxiibtinimada Golaha Shacabka BFS iyo Baarlamaanka dalka Jabuuti.” Xubnaha guddigan oo shan xubnood ah ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali, ayada oo xubno ay ka yihiin; Xildhibaan Axmed Cabdi Xaashi (Taajir) iyo Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir. Sidoo kale waxaa xubnaha guddigaan kamid ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Dhurre (Yariisow) iyo Xildhibaan Shamso Xasan Cilmi, sida ku cad warqadda magacaabista ee kasoo baxday xafiiskaaga guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa uu faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka in magacaabiddan u gudbiyo safaaradda Jabuuti ay ku leedahay Soomaaliya, si safaaradda ay ugu sii gudbiso Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Jabuuti. “Magacaabiddan waxay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuuna saxiixay.” Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, ayada oo kaalin weyn ka soo qaadatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxay sidoo kale qeyb ka tahay howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM). The post Aadan MADOOBE oo magacaabay guddi cusub + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington, si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey. Eedeymahan ayaa la xidhiidhay inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, kadib markii lagaga adkaaday. Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaasi oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto “isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo.” Trump ayaa ka soo hor-muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka. Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu leexiyo rabitaanka cod-bixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden. Bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ayaa waxay taageerayaal cadhaysani xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Mareykanka, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka. The post Trump oo markale maxkamad la soo taagay – Ma qirtay dembiyada loo haysto? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)-Magaalada Hargaysa waxa ka qabsoomay Shirwaynaha Caalamiga ah ee cilmi baadhista (15th Multidisciplinary International Research Conference). Shirkan oo sannadkan lagaga hadlayey Isbeddelka cimilada, horumarinta tacliinta sare iyo dagaalada ka dhasha khayraadka dabiiciga ah. Shirkan caalamiga ah oo qabsoomaya sanadkiisii 15aad ayaa waxaa soo qaban qaabisay Jaamacadda Admas .waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada Marwo Shukri Xaaji ismail Baandare iyo Agaasimaha Guud Maxamed Cabdillaahi Ducaale, masuliyiin dawladeed, madaxda jaamacadaha, sharkadaha ganacsiga iyo aqoonyahan tiro badan oo ka socday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo marti sharaf kale oo Badan. Qaran News
-
Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo la Kulmay Hay’adda Ganacsiga Dibadda Taiwan Weftiga Somaliland ee ku sugan dalka Taiwan ee uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa kulan balaadhan la qaatay Hay’adda Horumarinta Ganacsiga Dibadda ee dalka Taiwan (TIATRA). Waxa is faham laga gaadhay kobcinta ganacsiga labada dal, siddii suuqyada ganacsi ee labada dal ay ugu furmi lahaayeen ganacsatada, xog is waydaarsiga iyo isku xidhnaanta ururada ganacsiga ee labada dal iyo in si wadda jir ah loo abaabulo bandhig-yo ganacsi (Trade Exhibitions). Warku wuxuu intaas ku daray in Shirkadaha Taiwan ay u soo jeedaan inay fursado maalgashi ka sameeyaan Somaliland oo ah dal dihin oo khayraad badan leh suda xeebta dheer, Xoolaha iyo Beerahaba. Qaran News
-
Somaliland lawmaker Ahmed Khalif has pointed fingers at Mohamed Muse Bihi, the elder son of Somaliland President Muse Bihi Abdi, for his alleged involvement in the arbitrary detention and persecution of journalist Busharo Ali Mohamed. Held in custody since May 15 in Hargeisa, Busharo’s case has taken a chilling turn as lawmaker Khalif revealed to have met Mohamed Muse Bihi, the elder son of president Bihi, at the Ambassador Hotel at approximately June 25. According to Khalif, the president’s son admitted to being responsible for targeting Busharo and asserted that only he had the authority to secure her release. “I followed her movements until she came from Jigjiga. I was the one who arrested her. I asked her if Mohamed Kaahin [Minister of the Interior] would release her. He hit the table and said, ‘By God, he dare not release her’,” revealed MP Ahmed Khalif during his interaction with local media. This revelation brings to light the role of Mohamed Muse Bihi, who not only wields significant power as the president’s son but also operates in the shadows as the clandestine head of Somaliland’s intelligence service. Allegations have previously surfaced regarding his involvement in targeting politicians and human rights advocates critical of the state. Busharo Ali Mohamed, a 29-year-old British-Somali freelance journalist, was apprehended on May 15 as she entered Somaliland from Ethiopia in Wajaale town. Her purpose was to cover local stories in her hometown of Bur’o. According to her lawyers and press freedom groups, her detention has been marked by alleged torture, leading to injuries on her leg and face. In a heartfelt plea to President Bihi, Busharo’s family implored for her immediate release. “I appeal to the president. There is no single crime my daughter has committed. She is held just for her freedom of expression, and we know it is a politically motivated case. I ask you Mr. President to free my daughter today,” beseeched Hinda Mohamed Awale, Busharo’s mother. Busharo’s lawyers have voiced grave concerns about her deteriorating health during continued persecution and detention. Their assertion is further supported by the fact that she has been taken to court 12 times, yet not formally charged on nine of those occasions. This suggests a prolonged strategy by the persecutor’s office to prolong her police custody. Initially charged with offenses such as the “Disclosure of Information the Divulgation of Which Has Been Prohibited” and “Publication or Circulation of False, Exaggerated or Tendencious News Capable of Disturbing Public Order,” Busharo’s charges were subsequently amended, as reported by the Somali Journalists Syndicate (SJS). On July 18, three new charges were added, including “committing anti-state crimes as a citizen abroad,” “spreading propaganda and fake news to tarnish the reputation of Somaliland,” and “criticizing the deputy president of Somaliland.” These developments, according to SJS, highlight a deeply political and targeted effort against Busharo, driven by her critical reporting on her Facebook toward President Muse Bihi and his autocratic administration. Source Horn Observer Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia kula kulmay wafdi culus oo ka socday Boqortooyada Sucuudi Carabiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia. Sida ku cad war-saxaafadeedka, wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayey La-taliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wadiga Sacuudiga dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa. Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh ayaa Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya. Waxay ay xuseen in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya dhaqaale ahaa, ayada oo Riyadh ay bixiso lacag cash ah oo lagu kabo miisaaniyadda dowladda federaalka. The post Sawirro: Wafdi sare oo ay soo dirtay Sacuudi Carabiya oo la kulmay Xasan + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
The head of northern Ethiopia's turbulent Amhara region has called for intervention by the federal government as violence intensifies and spreads. Source: Hiiraan Online
-
The chairwoman of Somalia's national athletics federation has been suspended amid accusations of nepotism after a seemingly untrained female sprinter represented the African country at the World University Games in China, and took more than 20 seconds to finish the 100-meter race, far behind her competitors. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegaya in Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka ee Koofi Casta ay shalay gaareen magaaladaasi. Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Saraakiisha Ilaalada Gaarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaa oo barqanimadii maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray magaaladaasi, oo si weyn amnigeeda loo adkeeyay. Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maalintii labaad ku sugan Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in Jimcaha maanta ah ama Sabtida uu midkood gaaro Magaalada Dhuusamareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Dhuusamareeb uu kula kulmo qaybaha bulshada iyo Hoggaanka Dhaqanka ee qabaa’ilada. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu halkaasi kaga dhawaaqi doono wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa haatan Gobolada Dhexe ka wada abaabul dagaal oo la doonayo in kooxaha nabadiidka lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin bartamaha dalka. The post Ciidanka Ilaalada gaarka ee madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada.. appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay dalkooda ka saarayaan in ka badan hal milyan oo qof oo ah soo-galooti ah. Dadkaan ayaa badankooda u dhashay dalka Suuriya, kuwaasi oo aan sharci rasmi ah ku joogin dalkaasi. Sidoo kale mas’uuliyiinta socdaalka ee Turkigu waxay bilihii ugu dambeeyay qaadeen ololeyaal lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah ee ay Soomaalida ku jirto ee ay sharciyadii ka dhaceen, balse weli dalka gudihiisa sii jooga iyo kuwa ku soo galay hanaan sharci darro ah. Ololahaan lagu aruurinayo dadka soo-galootiga ah ayaa sare u kacay tan iyo doorashadii dalkaasi kadib, ayada oo noqotay dareen xooggan shacab dhexdiisa ka jira, kaasi oo la dhayalsan karin. Cabdulcaziiz Cawil Maxamuud oo madax ka ah urur lagu magacaabo Iskaashiga Soomaalida Turkiga oo xaruntoodu tahay magaalada Ankara ayaa VOA uga warbixiyay arrintaan iyo culeyska Soomaalida kasoo wajahaya. “Si guud ahaan inta uu waddanka inta uu doorashada ku jiray iyo intii ka dambeysay waxaa jirtay kaambayn ama olole dadka ajaanibka ah il gaar ah lagu eego, sababta oo ah waxay noqdeen qodobka 2-aad ee waqtigii ololaha doorashada marka dhaqaalaha laga tago,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin beegsi gaar ah oo dowladda Turkiga ku hayso Soomaalida, balse ay kala siman yihiin dadka kale ee ajaanibta ah ee ku nool dalkaasi. “Waqtiyada qaar waxaa dhici karta in qofkii oo dalka hanti ku leh lasiiyo rejected, maadaama aan il gooni ah lagu eegin dadka hantida ku leh dalka ee ajaanibta ah iyo kuwa kale. Laakiin waxaa odhan karnaa sharciga waa loo wada siman yahay oo qofkasta shuruuc ayaa laga rabaa haddii ay soo dhameystiraan wey qaatan sharciga.” Waxa uu intaas kusii daray “Kiisaska u badan ee Turkiga waa qofka waddanka Turkiga bilaa sharci kusoo gala iyo qofka sharciga ka dhacay ee sii jooga waa isku mid. Qofka sharciga ka dhacay waxaa imaneysa in Booliska la tacaamulaan.” Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/08/01000000-0aff-0242-3464-08db9427155f_48k.mp3The post Soomaali badan oo laga masaafurinayo Turkiga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo xalay uu shaqada ka joojiyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Barre ayaa ka hadashay fadeexadda lagu eedeeyay inay masuuliyadeeda leedahay. Wasiir Barre ayaa warqada uu shaqada uga joojiyay Khadiijo ku sheegay in guddoomiye Khadiijo iyo madaxda xiriirkaas ee qeybta Jaamacadaha Soomaaliyeed uu maxkamad ku soo taagi doono kiiskaan, isaga oo ku eedeeyey sumcad dil qaran. Khadiijo Aadan Daahir oo ka hadashay arrintaasi ayaa sheegtay in aysan u joojin doonin dhaleecaynta loo soo jeediyay, iyada oo aaminsan in aanay samayn wax qalad ku ah shaqadeeda iyo midda xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya. Waxay sheegtay in xiriirka olombikada Soomaaliya uusan wax shaqo ah ku lahayn tartanka orodada ardayda jaamacadaha ee lagu qabtay Shiinaha, kaasi oo Soomaaliya ay kasoo gaartay fadeexad sumcad dil ku ah qarankeena. “Tartankaas waxaa loo rabay qof arday ah oo Jamaacadaha ka qallin jebiyay, sidaas darteed waaye sababta Nasra Abuular Cali loogu diray tartankaasi,” ayey tiri Khadijo oo si la yaab leh uga hadashay guul-darrafa iyo fadeexad gabadhii ay dirtay kasoo hoysay tartankaasi. Dhinaca kale, Nasra Abuukar oo wareysi bixisay ayaa beenisay inuu diray xiriirka ciyaaraha fudud, waxayna shaaca ka qaaday in wax shaqo ah uusan ku laheyn safarkeeda iyo tartanka balse ay u tartameysay jaamacaddeeda oo ay ku sheegtay Jobkey, uuna tartanka ahaa ururo Jaamacadeed. “Aniga waxaa u tartamayaa jaamacad oo tartanka wuxuu ahaa ururka jaamacadaha, waxaa isoo xushay guddoomiye Caraale xiriirka shaqa uu ku leeyahay maba jirinbo jaamacadda aan ka socday oo aan u ordaayay waxaa waayey JobKey” ayay wareysiga ku tiri gabadhu. Sidoo kale waxay tiri “Aniga oo dhaawacan ayaa idin ordaayay, wax loo ordo horta maba istaahishaan hadda inta aan garoonka ku jirnay waan xanuunsaday muruq ayaa i booday”. Waxa ay intaasi kusii dartay inay isku day sameysay, isla-markaana ay magaca Soomaaliya ay dhex geysay dowlado weyn, balse ay la kulantay guul-darro ayna tahay wax caadi ah. Si kastaba, Nasra oo metelaysay Soomaaliya ayaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waana sababta bulshada Soomaaliyeed si weyn uga careysiisay. The post Masuulkii lagu eedeeyay fadeexaddii Soomaaliya ee Shiinaha oo war yaab leh soo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
Kulan balaadhan oo ay maanta beesha Isaxaaq Care isugu timid beerta Suldaan Bare, oo uu qaban qaabadeeda lahaa Suldaan Maxamed Suldaan Bare ayaa gabi ahaanba fashil ku dhamaaday shirkani waxa uu daba socday shir kan ka balaadhnaa oo 5 cisho ka hor ka dhacay Hotel Kaah ee bariga Hargeysa shirkaasi oo la doo aayay in laga soo saaro baaq lagu dhaleeceeyo jabhada buurta Gacanlibaax markii shirkii Kaah ee todobaadkii hore la diiday in la dhaleeceeyo jabhadaasi dagaalka kula jirta xukuumadda Muuse Biixi. Waxa la is tusay in ay arintaasi tahay mid u dhaxaysa xukuumadda iyo Jabhadaasi isla markaasi ayna ahayn mid beel gaar ah u taala. Shirkan maanta dhacay oo ay goob joog ka ahaayeen lataliyaha madaxweynaha Cali Maxamed Warancadde iyo gudoomiyaha Bank Somaliland oo iyagu goobtaasi ka hadlay ayaan gabi ahaanba ku fashilmay in la soo saaro baaq lagu dhaleecaynaayo jabhada ku jirta buurta Gacanlibaax. Deegaanada bariga Hargeysa ayaa aad uga hooseeya deegaanada kale ee gobolka Maroodi jeex mana jirto wax la taaban karo oo loo qabtay mudadii dhawr iyo tobonka sano ahayd ee xisbiga Kulmiye uu talada dalka gacanta ku hayay, ha ugu sii liidato intii uu madaxweyne Muuse Biixi uu xilka dalka hayay Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kulan ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshaweynta beesha Xawaadle. Kulankaan oo ay ka qeyb-galeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, iyo dhalinyarada beesha Xawaadle ayaa waxaa looga arrinsanayay aayaha beesha iyo arrimaha kasoo cusboonaaday gobolkaasi. Kadib markii uu soo idlaaday kulankaasi, waxay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ayaa waxay ku iclaamiyeen shirweyne guud oo ka dhici doono gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Odayaasha Xawaadle iyo qaar kamid ah waxgaradka beesha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegeen in shirweyne guud oo ay beesha kaga tashaneyso aayaheed uu ka dhici doono Beledweyne. Shirweynahaan ayaa 11-ka bishaan August magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Shirkaan ayaa waxaa la sheegay iuu iclaamiyay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Ugaas Yuusuf ayaa dhawaan dib ugu laabtay magaalada Baledweyne oo uu ka maqna mudo ka badan hal sano. “Waxaa dhici doono 11-ka bishaan kulan guud oo looga tashanayo Aayaha Beesha kadib shirkii 1-aad ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaana waa mid daba socda shirkii Nairoobi,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Beesha Xawaadle oo warbaahinta la hadlay. “Ugaaska ayaa ku baaqay waxaana looga hadlaya aayaha beesha, waxaana kasoo qeyb galaya dhamaan waxgaradka beesha ee ku kala sugan dunida dacaladeeda.” Shirkaan ay iclaamisay beesha Xawaadle ee ka qabsoomi doona Beledweyne ayaa la faliya inay kasoo baxaan go’aano ku aadan caqabadaha ka taagan Baledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii Cali Jeyte. Xiisadda Jeyte iyo maamulka HirShabeelle ayaa sababtay in Beledweyne looga dhawaaqo maamul la baxay Hiiraan State, kaasi oo uu madaxweyne ka yahay Cali Jeyte Cismaan. Sidoo kale waxaa kusoo aadaya shirkaan xilli ay taagan yihiin tabashooyin kale oo ay beesha ka qabto xilalka ay ka heyso dowladda fedaraalka oo ay horay u sheegeen in aysan aheyn kuwa u qalma beesha. The post Odayaasha beesha Xawaadle oo Beledweyne kaga dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
