-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka X.Xoolaha oo la Kulmay Masuuliyiin ka Socday Hay’adda EUCAP Hargaysa(Qaran news) Masuuliyiinta Hay’adda EUCAP ayaa kullan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Xananadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed oo u weheliyo Agaasimaha waaxda kalluumaysiga Ismaciil Mire. Waxana kullankan lagaga wada hadlay:- • Sidii kor loogu qaadi lahaa shuruucda iyo xeerarka Kalluumaysiga , • Sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ciidanka badda iyo Wasaradda si markaasi looga hor-tago Kalluumaysiga sharci daradda ah. Ugu dambayn saraakiisha sare ee Hay’adda EUCAP waxay Wasiirka gudoonsiiyeen Bilad sharaf taasoo ka turjumaysa wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hay’adda EUCAP. Qaran News
-
Tripoli (Caasimada Online) – Libya’s capital, Tripoli, is in the midst of intensified clashes between two major armed groups affiliated with the Tripoli-based government. These confrontations have necessitated the suspension of flights from the city’s sole civilian airport, Mitiga. According to an interior ministry official, who requested anonymity while speaking to AFP, the conflict erupted between the 444 Brigade and the Al-Radaa Force, also known as the Special Deterrence Force. This official reported that “clashes affected several areas of Tripoli’s eastern suburbs, in Ain Zara south of Tripoli, pitting the forces of 444 Brigade against those of Al-Radaa.” This clash comes on the heels of the arrest of the 444 Brigade commander, Mahmud Hamza, at Mitiga airport, an area under Al-Radaa’s control. The official noted that “tensions arose” soon after the announcement of Hamza’s arrest. However, whether this arrest was carried out under judicial orders or for other reasons was not specified. No immediate casualty reports were available from the fighting, which persisted into Tuesday morning. However, the official reported that this unrest had necessitated “the closure of roads around Mitiga airport.” Furthermore, plumes of smoke were visible in Tripoli, and gunfire resonated in the densely populated suburb of Ain Zara. This violence subsequently spread to areas near the airport and Tripoli University, prompting the institution to suspend classes. Air traffic at Mitiga airport came to a standstill due to the fighting. Consequently, flights were diverted to Misrata, located approximately 180 kilometers (110 miles) to the east, and parked aircraft were relocated for safety. The warring factions The 444 Brigade, which is affiliated with Libya’s defense ministry, is reputed to be the North African country’s most disciplined armed group. It maintains control over Tripoli’s southern suburbs and the cities of Tarhuna and Bani Walid, effectively securing roads that connect the capital to the south region of the country. In contrast, the Al-Radaa Force, under the command of Abdel Rauf Karah, operates as a powerful, ultra-conservative militia that effectively functions as Tripoli’s police force. This force, responsible for arresting suspected jihadists and common criminals alike, positions itself as independent of the interior and defense ministries. It controls central and eastern Tripoli, Mitiga air base, the civilian airport, and a prison. A country in turmoil This recent surge in violence illustrates the broader strife that has plagued Libya since the 2011 overthrow of dictator Moamer Kadhafi in a NATO-backed uprising. The nation has been fragmented by divisions, exacerbated by the proliferation of armed groups with shifting allegiances. A Libyan political analyst, Dr. Amal Obeidi of the University of Benghazi, stressed the severity of the situation in a recent interview: “Libya’s delicate political fabric is under strain, with the proliferation of armed groups playing a pivotal role in the ongoing instability,” she said. In this fraught context, the clashes between the 444 Brigade and the Al-Radaa Force are not merely isolated incidents; they are symptomatic of the volatile and complex political and security landscape that continues to define contemporary Libya. The post Rival factions’ clash paralyzes Libya’s capital, Tripoli appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay dhaqaaqeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, iyaga oo u jiheystay dhanka magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Ciidamadan oo wata gaadiid dagaalka, sidoo kalena aad u qalabeysan ayaa ka baxay laba jiho oo kala duwan, waxayna toos u aadeen dhanka labadaasi magaallo oo ay muddo ka badan 15 sanno ay gacanta ku hayaan xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qaarkood ka baxeen caasimada Glamudug ee Dhuusamareeb, halka kuwa kalena ay ka dhaqaaqeen dhanka degmada Maxaas ee Hiiraan. Ciidamada ka tegay Dhuusamareeb ayaa ujeedkoodu yahay inay weeraraaan Ceelbuur iyo Galhareeri, si ay uga saaraan Al-Shabaab, halka kuwa ka tegay degmada Maxaas ay tagi doonaan dhinaca deegaanka Wabxo, si ay halkaas uga difacaan xoogaga Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay fulinta amarka madaxweynaha ee ku aadan xoreynta Ceelbuur iyo Galhareeri. Sidoo kale xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana howlgalladan ka qayb qaadan doono diyaarado dagaal oo hawada ka taageeri doono ciidamada huwanta ah. Al-Shabaab ayaa dhankeeda abaabul ka wadda aagga Ceelbuur, ayada oo la sheegay in hubeysan qaar kamid ah shacabka deegaanka oo ay ku amartay inay difaacaan magaalada. Madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamed oo haatan saldhig ka sameystay magaalada Dhuusamareeb ayaa gadaal ka riixaya in ciidamadu ay maalmo tirsan ku xoreeyaan dhulka Galmudug, si loo guda galo wareegga xigga ee wejiga labaad ee hawlgalka, oo la doonayo in lagu soo gacan geliyo dhulka maqan ee HirShabelle. Sida uu qorshuhu yahay kolka lagu kala baxo hawlgalka Gobolada Dhexe ayaa lagu wadaa in ciidamadu ay wareegga ugu dambeeya ee hawlgalkan ku wajahaan deegaanada ay mintidiinta Al-Shabaab ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. The post Ciidanka DF oo u dhaqaaqay Ceelbuur iyo Galhareeri appeared first on Caasimada Online.
-
Dhusamareb (HOL) - Somalia's Ministry of Defense on Tuesday urged residents in several villages in Galhareri and Elbur, two districts under al Shabaab control in the Galgadud region, to leave "immediately" as Somali forces, backed by international partners, started new airstrikes and military operations targeting the group in Galmudug regional state. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta guda gashay kiiska nin ajnnabi ah oo 20-kii bishii hore ee July lagu dilay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Maxkamadda ayaa waxaa kasoo muuqday Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare oo ku eedeysan dilka ninka ajnabiga ah oo u dhashay dalka Kenya, kaas oo ahaa Injineer ka shaqeynayay dhismo xilliga lagu dilayay gudaha magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah ee saaxibka la ahaa marxuumka la dilay ayaa ka hor hadlay maxkamadda ciidamada, iyaga oo aad ugu mahadceliyay bahda garsoorka. “Waxaa na gashay cabsi, mana fileyn in maalintaan oo kale ay ku jirto howlahga garsoorka ee ciidanka waxaan dalbaneynaa cadaalad, waxayna gogol xaar u tahay xaq u helidda saaxibkeenii hadalka jilicsanaa” ayay yiraahdeen qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah. Intaas kadib ayaa waxaa la guda galay dhageysiga dhinacyada doodda, gaar ahaan baareyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenka difaacayay eedeysanaha. Ugu horreyn eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare ayaa ka hadlaymaxkamadda, wuxuuna qirtay in uu xabad ka ridday goobta uu ka dhacay dilka. “Xabad waa riday, laakiin kuma dhaaran karo, mana ka dhaaran karo inaan qof ku dilay” ayuu yiri Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare. Baare ka tirsan Booliska Soomaaliya oo kiiskan gacanta ku hayay ayaa isna sharraxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in Xasan dilka kadib uu baxsaday. “Eedeysane Xasan Cabdiraxmaan Bistooladda ayuu kor u qaatay xabaduu riday, sida aan kasoo qornay marqaatiyaasha xabadda waxay ku dhacday ninka Kenyaatiga ahaa, daqiiqado kadibna waa baxay Xasan” ayuu yiri baare ka tirsan Booliska Soomaaliya. Axmed Cabdalla oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada ayaa isna shaaca ka qaaday in dilkan uu yahay bareer, wuxuuna soo bandhigay caddeymo. “Dilkaas wuxuu ahaa dil kas dhaaf ah Injineerka la dilay wuxuu kamid ahaa dadka shaqo abuurka u yimid dalka Soomaaliya, sifo sharci ah ayuuna dalka kusoo galay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu ka codsaday maxkamadda ciidamada qalabka sida inay qaado tallaabo deg-deg ah, isla-markaana ay xukun adag ku riddo eedeysanaha, isaga oo intaasi ku daray in dilka uu geystay uu sawir khaldan ka bixinayo horumarka dalkeenna Soomaaliya. “Dilkan oo uu eedeysanahan u geystay Injineerka wuxuu sawir khaldan ka bixinayaa horumarka dalka ka socda sidaas aawgeed mudane guddoomiye waxaan maxkamadda ka codsanayaa in eedeysanaha ay ku qaado qodobadii aan kusoo eedeynay” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn waxaa maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay in go’aanka xukunka ay dib kasoo saari doonaan. The post Maxkamadeyn la xiriirta nin Kenyan ah oo lagu dilay garoonka Muqdisho oo billaabatay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Daakhiliga oo la Kulmay Xildhibaannada lix Degmo Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Lix degmo Doorasho oo Goleyaasha Degaanka ah. Wasiirka iyo Xildhibaanada ayaa ka wada hadlay wada shaqaynta Goleyaasha Degaanka iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha, Nabadgelyada oo laga wada shaqeeyo iyo arrimo kale oo muhiim ah. Qaran News
-
𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮 𝗸𝗮 𝗝𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗦𝗵𝗶𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗲𝗲 𝗕𝗲𝗿𝗯𝗲𝗿𝗮. Berbera(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dekedda cusub ee shidaalka iyo Gaasta Berbera oo ay ku rakiban yihiin dhuumo casri ah oo ku shubaya haamaha keydka Qaranka. Madaxweynaha Qaranka oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan Berbera, ayaa xadhigga ka jaray mashruucan dekedda ah oo munaasibad kooban loo qabtay, waxana halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiinta mashruucan dekedda ah gacanta ku haya. Mustafe Cali Jaamac oo ku hadlay magaca shirkadda mashruucan hirgelisay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadnaqay dedaalkii uu geliyey inuu qaranku yeesho deked caalami ah ee shidaalka iyo Gaasta laga soo dejiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay dekeddan dhammayska tirani u leedahay qaranka, sida aqoonta loogu dabbaqay, kaalin mug lehna ka qaadanaysa, maraakiibta gaasta iyo shidaalka siddaana si fudud ugu shubi lahaayeen haamaha keydka ee Berbera, waxana uu yidhi, “Mashruucan waxa lagu keenay aqoon, badda iyo hawlaheeda, shidaalka iyo hawlihiisa haddii ay amnigiisa tahay iyo haddii ay tayadiisa tahayba, waxa in badan la raadinayey aqoontii, waxa se nasiib-wanaag ah in dad reer Somaliland ah oo aqoontaa lehi ay dedijiyeen inuu mashruucani inoo hirgalo.” Dekeddan maanta xadhigga laga jaray, ayuu madaxweynuhu ku sifeeyey mid qaranku leeyahay oo ay manaafacaadsanayso cid kasta oo rabta inay shidaal iyo Gaas kasoo dejiso dekedda qaranka ee Berbera,“Waa deked shidaal oo qaranku leeyahay oo shirkad kastaaba isticmaalayso oo loo siman yahay, dawladduna maamulayso, si dadka dhex loogu ahaado, waxana aanu ka ilaalinay inaanu dalku yeelan inaanu dekedo badan yeesho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray goobaha lagu rakibay dhuumaha shidaalka iyo gaastu soo dhex marayso ee gudaha badda, isaga oo afaafka dekedda baddeecaduhu kasoo degaan ee Berbera-na salaam Sharaf kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada ilaalada xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulan gaar ah la qaatay maamulka gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera, kuwaas oo madaxweynaha uga warramay xaaladda amni iyo midda horumarineed ee gobolka. Qaran News
-
Tripoli (Caasimada Online) – Caasimadda Libya ayaa waxaa ruxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya laba koox oo hubeysan oo ku xiran dowladda fadhiggeedu yahay Tripoli, kaasi oo hakiyey duulimaadyadii garoonka kaliya ee diyaaradaha rayidka ee magaalada. Dagaalka oo u dhaxeeya Guutada 444 iyo Xoogagga Al-Radac ayaa qarxay habeenkii Isniinta, wuxuuna sii socday illaa subaxii Talaadada, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha. “Isku dhacyada ayaa saameeyey deegaano dhowr ah oo ka mid ah duleedka bari ee Tripoli, gaar ahaa Cayn Zara ee koonfurta Tripoli, halkaasi oo ay isku dab saareen Guutada 444 iyo Al-Radac,” waxaa sidaas AFP u sheegay sarkaal codsaday inaan la magacaabin. Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo mas’uuliyiinta ay sheegeen inuu sababay “xiritaanka waddooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha ee Mitiga.” Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayey gawaarida gaashaamaan oo ku sugan bariga Tripoli, kadib markii taliye ka tirsan Guutada 444 Mahmud Hamza lagu xiray garoonka diyaaradaha Mitiga, halkaasi oo ay maamulaan Xoogagga Al-Radac. “Xiisaddu waxay durba kacday” waxyar kadib markii lagu dhawaaqay in “Al-Radac ay xireen madaxii Guutada 444 ayaga oo aan sheegin inuu ahaa amar garsoor ama sababo kale,” ayuu yiri sarkaalka. Qiiq ayaa laga arkayey hawada Tripoli, sidoo kale rasaas xooggan ayaa ka dhaceysay xaafadaha qaar. Duulimaayadii garoonka Mitiga ayaa la hakiyey, waxaana loo wareejiyey garoonka Misrata oo 180 km bari ka xigan Tripoli. Sidoo kale, diyaaradihii fadhiyey garoonka ayaa laga dhaqaajiyey. Libya ayaa waxaa la degay kala qeybsanaan iyo kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda oo marba dhinac ku xirma, tan iyo 2011 markii la afgambiyey madaxweyne Mucamar Qadaafi. Guutada 444 waxay ku xiran tahay wasaaradda gaashaandhigga, waxayna sumcad ku leedahay inay tahay midda ugu edabta badan dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika. Waxay maamushaa duleedka bari ee Tripoli iyo sidoo kale magaalooyinka Tarhuna iyo Bani Walid, ayada oo sugta amniga waddooyinka caasimadda ku xira koonfurta dalka. Xoogagga Al-Radac, oo uu u taliyo Abdel Rauf Karah, ayaa ah maleeshiyo awood badan oo qabata shaqada boolis ee Tripoli, waxayna xirtaa dambiilayaasha iyo jihaadiyiinta la tuhunsan yahay. Waxay sheegtaa inay ka madax banaan tahay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo difaaca, waxayna maamushaa bartamaha iyo bariga Tripoli, iyo garoonka diyaaradaha rayidka ee Mitiga, saldhigga ciidamada cirka ee Mitiga iyo xabsiga magaalada. AFP, VOA The post Dagaal ka qarxay caasimada LIBYA – Yaa isku haya? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay saddex xubnood oo kamid noqonaya guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC. Madaxweynaha ayaa ku guddiga ku soo daray Maxamuud Soofe Xasan oo ka soo jeeda gobolada SSC horeyna uga mid ahaan jirey guddiga doorashooyinka kumeel-garka ahaa ee xiliyadii 2011 – 2019. Sidoo kale waxa uu magacabay Maxamed Abshir Garaad oo ka soo jeeda isla gobolada SSC, halka xubinta saddexaad uu u magacaabay Cabdullaahi Siciid Ismaaciil oo horey u soo noqdey guddoomiyaha degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Madaxweyne Deni ayaa horay u magacaabay xubintii KAAH ee guddiga doorashooyinka PEC, waxaana uu u magacaabey Cabdullaahi Maxamed Barre oo kamid ahaa ururka KAAH. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay saddex xubnood oo kamid ah guddiga PEC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Ahmed Juma Al-Rumaithi. Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankaan iskula soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada. Danjire Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa leh xiriir wanaagsan, ayaga oo dhawaan gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya. Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga. Si kastaba, Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Xamza iyo Safiirka Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay dagaalka musuq-maasuq ee dowladdiisa ay wado, kaasi oo loo soo xir-xiray masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dowladdiisa uusan ku eekayn shaqaalaha hoose ee hay’adaha dowladda, sidaas darteed ay dhawaan maxkamadda kasoo hor muuqan doonaan masuuliyiin sar-sare oo loo haysto musuqa. “Howshu waa socotaa maalin walbana waxaa loo siii tagayaa lacago dheeri ah iyo meelo ay ku maqan yihiin. Maxkamadda guruubaa hadda taagan, laakiin halkaas kuma dhamaato. Waxaad arki doontaa dad waawayn oo maxkamada taagan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Arrintaan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay ballan-qaadka dowladdiiisa, isagoo la dhawaajiyay in uusan wax ixtiraam ah lahayn qofka xadaya ummadda xoolahooda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo hantida dowladda oo ay xadeen daaro waawayn uga dhistay waddamada Turkiga iyo Kenya. “Nin wax xaday tuug ayaa la yiraahda, magac kale oo la yiraahdo ma aqaano kana xishoon mayno in magacaas loo bixiyo. Qaanta dowladda ma duqowdo oo lama ilaawo waa ku daba-joogta weligaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu dambeyntiina wuxuu ka digay in hab qabiil lagu difaaco dadka lagu soo eedeeyay musuqa ee haatan maxkamadayntoodu socoto loona haysto tuhunka xatooyo dadweyne, kaasi oo ay ka go’aan gaareyso maxkamadda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed. Saraakiishan ayaa hordhac u ah shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa. Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. The post Xasan Sheekh oo shaaciyay in madax sare loo maxkamadeyn doono musuq appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta xukun ku riday Wariye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirneyd magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Maxkamadda ayaa ugu dambeyntii maanta hal sanno oo xabsi ah ku xukuntay Bushaaro Baandey. Xukunkaan ayaa la sheegaya inuu yahay xarig la iibsan karo. Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, taasi oo walaac ka muujiyeen wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha. Qoyska Bushaaro Baandey ayaa durba soo dhaweeyay xukunka maxkamadda, ayada oo Hooyada dhashay ay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay go’aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda. Bushaaro ayaa xoriyadeeda dib u heli doonto kadib marka loo iibiyo xukunka halka sanno ee xariga ah, waana sababta ka dambeysa sida la sheegay in qoyska Bushaaro ay soo dhaweeyaan xukunka maxkamadda. Si kastaba, Bushaaro oo muddooyinkii dambe u xirnay maamulka ayaa waxaa xukuumadda Muuse Biixi cadaadis lagu saarayay sii-deynteeda, ayada oo hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee The Committee to Protect Journalist (CPJ) ay horey ugu baaqday in deg-deg loo sii daayo Wariye Bushaaro Baandey oo markaas lasoo warinayay in xaalad caafimaad darro ku haysato xabsiga. Sidoo kale waxaa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro, taasi oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneyd. Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ayaa noqoneysa xukuumaddii xarigii ugu badnaa u geysatay suxufiyiinta Somaliland, iyada oo lagu eedeeyo ku tumasho sharci iyo inay iska xirato ciddii ay rabto. The post Bushaaro Baandey oo maanta la xukumay – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal qorsheysan oo saaka ay fuliyeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda. Ciidanka NISA iyo saaxiibada howl-galka Mareykanka ee AFRICOM ayaa si wada-jir ah howl-galkaan qorsheysan ka fuliyay deegaan u dhow magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. Howl-galkaan ayaa waxaa lagu burburiyay goob wayn oo fariisin u ahayd kooxda Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo goordhoweyd ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Goobta la burburiyay ayay dowladda sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay ka wadeen abaabul xooggan, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, loogana xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan. Sidoo kale waxaa howl-galkaan ay ciidanka qaranka iyo taliska AFRICOM iska kaashadeen lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaanka dowladda. Deegaanka laga fuliyay howl-galkaan ee ku taallay goobta muhiimka u ah Al-Shabaab ayaa waxa uu 35km Koofur bari uga beegan yahay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howl-galada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya deegaannada hawdka ah, xilli dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka. Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore. Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug, si loogu gudbo wejiga labaad ee dagaalka. The post DEG DEG: Xarun wayn oo fariisin u ahayd Al-Shabaab oo la burburiyay, lana dilay… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa u dabaal degtay 17 sano guuradii kasoo wareegtay markii dhidibada loo aasaray, 14-kii August sanadkii 2006, Galmudug ayaa maanta ka duwan middii dib loogu dhisay heshiiskii Bulsho ee sanadkii 2015, iyadoo higsanaysa hormar dhinac walba ah ay ku gaareyso Galmudugta casriga ah goor dhow. Sanadkaan 2023 ayaa ah mid ka duwan sanadadii hore oo Galmudug waxaa sal dhigtay madaxweynihii Qaranka Xasan Shiikh Maxamuud, kaas oo wada abaabulka iyo dardargelinta dagaalka Al-shabaab iyo sidii deegaannada ay kaga sugan yihiin looga saari lahaa, dowladdu waxaa ay geysay bariga Galgaduud ciidamadii ugu badnaa abid. Galmudug ayaa ku guuleysatay dhismaha xarumo dowladeed, kuwaas oolaga hirgeliyay caasimadda si bulshada loogu adeego, arrintaan ayaa waxaa sal u ah in Galmudug ay ka hano qaaday xasilooni siyaasadeed, taas oo u sabab ah hormarka maanta la gaaray, sida madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka sheegay munaasabaddii xalay. Maamulku waxaa uu sanadkii tagay ku guuleystay dhismaha Madaxtooyada dowladda Galmudug, taas oo aheyd tallaabo hore loo qaaday, waxaa sidoo kale la dhisay dhowr xarumo wasaaradood oo ay ka mid tahay wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare qeybteeda Galmudug iyo xarumo kale oo laga hirgalayey Dhuusamareeb. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee laga hirgeliyay faraca Bangiga dhexe ee Soomaaliya qeybtiisa Galmudug, waxaana dhowaan xarigga ka jaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, isaga oo ku tilmaamay guul in dowladnimada dadka loosoo dhoweeyo. Maamulka ayaa sidoo kale dardargeliyay dhimaha golaha deegaanka degmooyinka Galmudug, waxaana lagu guuleystay in dhowr magaalo oo ay caasimaddu ku jirto ay yeeshaa golaha deegaanka, xilli qaar kamid ah ay ka dhacday doorasho dadku ay kusoo doorteen dadkii u adeegi lahaa, taas oo lagu timaamay guul la higsaday. Galmuduga waxyaabaha sida weyn wax looga qatay ayaa waxaa kamid ah dib u heshiisiinta, waxaana meelaha qaar lagu guuleystay in la qaado oodihii kala dhex yaallay beelaha wada dega Galmudug, waxaase wali jira inaan la gaarin halkii ugu dambeysay oo beelaha qaar ay dagaallo ku dhexmaraan mararka qaar gobolka Galgaduud. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu fuliyo mashruuca ugu weyn, kaas lagu dhisaayo dekadda magaalo xeebeedka Hobyo, waxaana socda dadaallada loogu jiro arrintaas, xilli siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeedka dhowr jeer ay isku dayeen laakiin aan lagu guuleysan in la hirgeliyo Marshadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha Somaliland, taasi oo inta badan salka ku haysa arrimaha doorashooyinka. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in jabhadaha ka abuurmay gudaha iyo xasaradaha kale ee aloosan ay yihiin kuwa uu soo abaabulay cadowga Somaliland, kuwaasi oo isku bahaystay suurad-xumaynta maamulka, sida uu hadalka u dhigay “Adduunyada Ilaahay waxa uu abuuray shar iyo khayr oo ay nolosha Bani’aadamku ku xidhan tahay, markasta oo wanaagga, horumarinta loo jeesta oo wanaag la doonayaba cid shaydaan u adeegaysa ama shaydaanba wato oo dhibaato ama wax ummadda dibudhac ku samaynaya la timaaddaa jira,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi. “Aniguna waxan leeyahay cidda maanta dhibaatadaa Somaliland dhibaatadaa ku abuuraysaa waa cadowga Somaliland oo doonaya in aanay Somaliland horumar dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba aanay samaynin.” Waxa uu sheegay in Shacabka Somaliland ay arrintaas feejignaan dheeraad ah kaga jiraan, kana hortagayaan waxkasta oo ka hor imanaya nabadda iyo dowladnimada Somaliland, xilli ay beelaha qaarkood ku dhawaaqeen jabhado ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo. “Waxaan ku kalsoonahay in shacabka Somaliland meel uu joogaba ka midaysan yahay inuu u jeesto horumarka, kana hortago wax kasta oo ka hor imanaya nabadda, horumarka, dawladnimada iyo qarannimada Somaliland, waana ta aynu iskaga difaacayno,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, taasi oo horseeday in gudaheeda ka abuurmaan jabhaddo kasoo horjeeda maamulka. The post Muuse Biixi oo si yaab leh uga hadlay xaaladda dagaal ee ka taagan Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
One woman was on Monday killed and three others injured following a gas cylinder explosion in Eastleigh, Nairobi. Source: Hiiraan Online
