-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Turkey ayaa ugu digtay Moscow inay ka fogaato xiisad kale kadib markii markab xamuul ah oo laga leeyahay Turkiga ay weerareen ciidamada badda Ruushka toddobaadkii hore, waxaa sidaasi sheegay xafiiska madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. “Kadib faragelintii (Ruushka), dadkii nagala soo xiriiray Ruushka waxaa looga digay inay ka fogaadaan isku daygaas oo kale, taasi oo kasii dareysa xiisadda Badda Madow,” ayay tiri madaxtooyada Turkiga, kadib maalmo ay ka aamusneyd dhacdadan. Markabka Sukru Okan ayaa sitay calanka Palau markii ay rasaas ku fureen ciidamada badda Ruushka Axaddii hore. Militariga Ruushka ayaa kadib koray markabka si ay baaritaan ugu sameeyaan, kahor inta aanay u ogolaan inuu u shareecdo xeebta Izmail ee Ukraine, oo ah tan laga dhoofiyo dallaga ugu badan ee beeraha. Dhacdadan ayaa timid ayada oo ay sii kordheen weerarada ka dhaca Badda Madow, kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii haruurka Ukraine bishii tagtay Turkey ayaa gacan ka gaysatay dhex-dhexaadinta heshiiskan oo ay taageereysay QM, ayada oo adeegsaneysa xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Moscow iyo Kyiv. PUNTLAND POST The post Markab la weeraray oo xiisad ka dhex abuuray Turkiga iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU: Somali President Hassan Sheikh Mohamud said a military offensive against Al-Shabab aims to eliminate the Al-Qaeda-linked group in the next five months, but security experts question the timeline amid persistent militant attacks. Source: Hiiraan Online
-
Russian Deputy Defense Minister Alexander Fomin and Djibouti Chief of Staff Zakaria Sheikh discussed bilateral military cooperation between the defense ministries of the two countries. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal saaka aroortii horee lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada. Illaa laba hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen agagaarka garoonka, halka mid saddexaadna uu ku dhacay gudaha garoonka Aadan Cadde, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka iyo ciidamada ATIMIS ee ku sugan xerada Xalane. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay shaqaalaha garoonka oo saaka lagu celiyay afaafka hore, sababo la xiriira weerarka lagu qaaday halkaasi. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in hoobiyeyaashan ay geysteen khasaare u badan dhaawac, waxaana ay waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 2 qof. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka garoonka iyo hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Inta badan Al-Shabaab Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku garaacda hoobiyeyaal aan laheyn wax bartilmaameed ah, waxayna dhiibaato si joogto ah uga soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxaba galabsan. Qoriga hoobiyaha wuxuu leeyahay cabir lagu qiyaasi karo goobta ay ku dhaceyso xabadda laga rido, sidoo kale waxaa la qiyaasi karaa cabirka goobaha laga soo rido, maadaama lagu xisaabiyo kiilo mitir. Si kastaba, weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada. The post Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay garoonka Aadan Cadde + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
For the last few months Erick Gitonga has been harvesting loads of miraa and feeding part of it to livestock. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay weerar sida la sheegay xalay lagu qaaday guri uu Muqdisho ka deggan yahay taliye ciidan oo ka soo jeeda beelaha laga tira-badan yahay. Agaasime ku xigeenka Ciidanka PMPF ee Puntland Maxamuud Silaal Cumar ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in dulmi iyo hayb-sooc lagu weeraro Gen. Sheegow oo ka soo jeeda beelaha laga badan yahay. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in Puntland u taagan tahay ilaalinta sharafta iyo cirdiga dadka laga tira-badan yahay ee loogu xoog-sheeganayo awoodda dowladnimada. “General sheegoow, aqbali-maynno in dulmi lagu weeraro iyo hayb-sooc. Dawladda puntland waxay u taagantahay ilaalinta sharafka iyo cirdiga dadka laga tira badanyahay ee loogu xoog sheeganayo awoodda iyo sharciyadda dawladnimada” ayuu yiri Maxamuud Silaal. Hadalkiisa ayaa imaanaya saacado kadib markii xalay la soo tebiyay in ciidamo beelaysan oo adeegsanaya magaca dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoygiisa Muqdisho ku weerareen Gen. Sheegow oo ka dhashay dadka laga badan yahay. PUNTLAND POST The post Puntland oo si kulul uga hadashay weerarka lagu qaaday hoyga Gen. Sheegow ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogleh oo haatan ka socdo xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo qaatay saacado badan. Dagaalka oo soo billowday abaare 9:00 habeenimo ee xalay ayaa socdo illaa iyo hadda wuxuuna u dhexeeyaa ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamaya xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamo milatari ah oo uu wato Generaal lagu magacaabo Sheegow oo tirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada xaslinta caasimada ee loo yaqaano Boolis milataaro. Sidoo kale waxaa dagaalka qayb ka ah ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo isku geedaamay halka uu dagan yahay General sheegow oo isna ciidamo badan ku haysta halka loo yaqaano Haanta Madow oo ka tirsan xaafadda Kaawa Godey. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Boolis Milataaro ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato sarkaalkan ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka. Sida aan xogta ku helnay ciidamada xasilinta ayaa soo xiray laba kamid ah ciidamada taabacsan sarkaalkaasi, ayaga oo lagu eedeynayo inay dhac geysteen, taas oo la sheegay inay dhalisay dagaalka qarxay. Barakac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ka socda halka lagu dagaalamayo, maadaama uu dagaalkan saameyn ku yeeshay dadka deegaanka. Xaadda ayaa weli cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo la’isku adeegsanayo hubka noovyadiisa kala duwan. Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadab dagaalkaas, waxaana weli socda howlgal la doonayo in lagu soo qabto sarkaalka la weeraray iyo ciidamadiisa. Dagaalkan ayaa noqonayaa kii ugu xooganaa ee dhex mara ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda marka loo eego dagaallada sanadihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hawlgalka militari ee Talaadadii ka bilowday Gobolka Galgaduud ayaa udub-dhexaad u noqon doona qorshaha uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka u dejiyay in maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saaro deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle. Hawlgalkan ayaa qorshihiisu yahay inaanay ciidamadu ku degdegin la wareegista magaalooyinka iyo deegaanada ay Shabaabku kaga harsan yihiin bartamaha dalka, iyadoo aanay ciidamadu marka hore xaqiijin amniga dhulka miyiga iyo hawdka lama deggaanka, ee ay iska soo abaabuli karaan maleeshiyada, weerarana aysan uga gaysan magaalooyinka iyo deegaanada la qabto. Khubarada militariga ayaa sheegaya in tani looga gol leeyahay in lagu kala dhantaalo amaba lagu wiiqo cududda ciidan ee Al-Shabaab, si meesha looga saaro khatarta amni ee mustaqbalka dhow ku yeelan karaan goobaha la xoreeyay, ciidamada amniga iyo maamuladana ay muddo fog ugu sii sugnaadaan, iyadoo aanay khatar amni jirin. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay wax ka bedeleen qorshihii dagaal ee sanadkii hore lagu wajahay Shabaabka hubeysan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay wax ka barteen wejigii hore ee dagaalka, taasina ay keentay ka hor inta aan magaalooyin la gelin in ay ciidamadu sugaan amniga deegaanada ka baxsan degmooyinka. Madaxweynaha oo habeenkii Khamiista kulan dadweyne kaga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qidadda dagaal ee hadda ciidamada ku hawlgalayaan ay meesha ka saareyso cabsida Shabaabka looga qabi karo suurtagalnimada inay dib ula wareegaan goobihii laga saaray. “Sanadkii hore markaan dagaalameynay waxaa bartilmaameed noo ahaa degmooyinka, degmo hebel in la xoreeyo. Marka inta cadowgan la jiiro oo xoog loo sheegto oo la kala eryo ayaa degmadii la tegayay,” ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa yiri “Meeshii ciidanka tegay ebid ma joogayaan, tuulo kasta iyo degmo kastana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inuu taagnaado oo qori ku difaaco ma ahan, istiraatiijiyaddii ayaan bedelnay, fekerkii horaa wax ka bedelnay, khibraddii iyo waayo-aragnimadii wixii hore aan ka dhaxalnay ayaan isticmaalnay. Hadda Ceelbuur waxaan tagaynaa annagoo dhulka ka sokeeyo oo dhan nadiifinay, oo armaa gadaashiin inta lagu soo duulo oo la qabsadaa aanay nagu jirin.” Ciidamada Militariga iyo xoogaga deegaanka ee hawlgalka ka wada Gobolka Galgaduud ayaa ku sii gurguranaya deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo fure u ah gulufka ballaaran ee lagu qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri. Ciidamada oo adeegsanaya istiraatiijiyadda dagaal ee loo dejiyay ayaa si taxadar badan uu ka muuqdo ugu safraya waddooyinka ay u marayaan deegaanadaasi, iyagoona waddooyinka ka saaray miinooyin fara-badan. Ciidamada jidka ku sii jiro mooyee cutubyo kale oo ciidamada ka mid ah ayaa ku baxay jihooyin kale, oo tagga dhulka fogfog ee miyiga iyo hawdka lama deggaanka ah, halkaas oo la soo sheegayo in ay ku baacsanayaan kooxo yaryar oo kuwa Shabaabka ah, kuwaa oo u muuqday in loo diyaariyay in ay dib ugu soo laabtaan waddooyinka, kolka ciidamadu ay afka aadiyaan magaaloooyinka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegaya in ciidamada isku ballaarinaya dhulkaasi ay ku guda jiraan sida uu yiri hawlgal sifeyn ah. Cowsweyne iyo Wabxo ayaa la fahamsan yahay in ay muhiim u yihiin joogitaanka Shabaab ee Galhareeri iyo Ceelbuur, iyaga oo deegaanadaasi ku leh dhufeysyo ay ka difaacayaan lababadaasi magaalo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay maalmaha dhow foodda is dari doonaan Shabaabka fariisimaha ku leh Wabxo iyo Cowsweyne, marka aad eegto in raaca hore ee ciidamada ku sii dhawaanayaan deegaanadaasi, raaca dambena ay dhabahooda soo hayaan. Ciidamada ayaa la filayaa in ay Wabxo uga sii gudbaan deegaanada Dac, Jacar iyo Ceelgaras, oo sidoo kalena ay qaybahooda ku fidi doonaan dhulka hawdka, illaa ay ka gaarayaan Ceelbuur. Ciidamada kale ee kulaalaya Cowsweyne ayay tahay inay isku fidiyaan deegaano ay ka mid yihiin Burtuble, Tawakal, Waniinle iyo Gal-libaax, illaama ay ka gaarayaan Galhareeri. Xoogaga deegaanka ee la abaabulay, isla-markaana dhulka kala garanaya ayaa ciidamada ku hoggaaminaya rug kasta iyo goob waliba oo Shabaabku gabbaad ka dhigan karaan. Hawlgalku ayaa bilowgiisii hore la sheegayay in ciidamadu ay muddo kooban ku qaban doonaan degmooyinka iyo deegaanada maqan, balse marka aad eegto sida gaabiska ah ay ciidamada ku socdaan, isla-markaana ay geed geed ugu xaqiijinayaan amniga dhulka miyiga iyo hawdka ayaa la arki karaa in hawlgalku uu jiitami doono, hase yeeshee miro-dhalkiisa ayaa noqon kara in ciidamadu ay ka gungaaraan weeraradii jidgalka iyo go’doomintii ay Shabaabku ku sameyn jireen deegaanada iyo magaalooyinka laga la wareego. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa 5-tii bishan Magaalada Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo dagaalkan la doonayo in lagu curyaamiyo Shabaabka Gobolada Dhexe. Sidoo kale Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Militariga, oo ay ugu horreyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Axmed Aadan Cali iyo Kuxigeenkiisa General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa ku sugan bartamaha dalka. Dad badani ayaa joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Galmudug u arka mid ciidamada iyo xoogaga deegaanka ku riixeysa in ay dardargeliyaan istiraatiijiyadda dagaal, ee ay ciidamadu ugu deegaan bedelanayaan dhulka ay muddada fog Shabaabku ka arriminayeen. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jira, sidii ay uga dhabbeen laheeyeen ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in ciidamadiisu ay kabtoodu gedin doonaan maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidamada oo si dhameystiran u soo afjara Shabaabka Galmudug ayaa dhabaha u xaareysa in Dowladda Federaalka iyo Taliska Militariga ay u qalab qaataan hawlgalka xigga ee lagu xoreynayo deegaanada galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle. Hawlgalka ballaaran ee lagu wajahayo Al-Shabaab ayaa waxaa kuu baxeysa in ay wajaheyso waqtigeedii ugu adkaa, muddadii maleeshiyadeeda ay dalka ka dagaalamayeen. The post Xogta qorshaha dagaalka Gobollada Dhexe ee lagu wajahayo AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxda Zambia waxay ku dhawaqeen diyaradda ay qabteen in ay siday lacag badan oo doolar ah, dahab, hub, rasaas iyo lix ruux oo u dhalatay Masar. Diyaaradda oo ka timid Qaahira laguna qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Kenneth Kaunda ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadallo is khilaafsan. Warbaahinta Zambia ayaa soo bandhigtay sawiro iyo fidiyow ay ku sheegeen in howlgal weyn lagu qabtay 10 qof oo shisheeye ah oo lix ka mid ah yihiin Masaari iyo lacag ka badan 5 milyan oo doolar. Sidee lagu lagu ogaaday diyaradda? Sheekada diyaaradda waxaa la ogaaday markii agaasimaha guud ee guddiga la dagaalanka maandooriyaha Zambia, Nason banda, uu shir jaraa’id kaga dhawaaqay khamiistii in diyaarad ay saaran yihiin waxyaabo khatar ah ay ku soo degtay garoonka diyaaradaha Kenneth Kaunda saacaddu markii ay aheyd 7dii fiidnimo. Sidoo kale Panda wuxuu sheegay in diyaaradda xoog lagu galay markii guddiga la dagaalanka maandooriyaha iyo hey’adaha kale sharci fulinta heleen xogta diyaaradda. Wuxuu sheegay in howlgalka lagu qabatay lacag gaareysa $5,697,700, 5 bistoolo, 7 qasnad oo rasaas ah, iyo dahab gaaraya 127.2602 kiilo. Sidoo kale wuxuu sheegay in baarista lagu soo xiray 10 qof oo mid Zambia uu u dhashay, 6 masaari ah, qof u dhashay Netherland, qof Spain ah iyo qof u dhashay Latvia. Warbaahinta gudaha oo xiganeysa saraakiil dowladda ayaa sheegay in lacagta la qabtay lageeyay baniga dhexe intii ay baarista socotay sidoo kalena baarista lagu xaqiijiyay in aysan dahab aheyn wixii la qabtay balse ay ahaayeen macdan kale oo qaali ah sida nuxaas, nickel iyo zinc Halkee laga leeyahay diyaaradda? Hadalka ma’suuliyiinta Zambia ayaa dhaliyay su’aal badan. Baraha bulshada ayaa lays weydiinayay cidda leh diyaaradda, sababta safarkeeda iyo waxa ay siday. Baraha bulshada ayaa lagu wadaagay in magaca diyaaradda sida ay mas’uuliyiintu dowladda ku sheegeen qoraalkooda uusan aheyn sidoo kalena aysan sheegin numberka diwnaaglelinta diyaaradda balse ay ku sheegeen oo kaliya in diyaaradda ay numbeerkeedu yahay (T7-WSS) Warar kala duwan ayaa laysla dhexmarayaa baraha bulshada oo ku saabsan cidda iska leh diyaaradda. Tifaftirihii hore ee wakaaladda wararka Masar ayaa sheegay in uu ilo rasmi ah ka helay xogta diyaaradda taas oo cadeyneysa in diyaaradda iyo lacagtaba aysan Masar laheyn. “Dhabtii diyaaradda tirsigeedu waa (T7) waana numbarka Lebanon taas oo macnaheedu yahay in diyaradda laga leeyahay Lebanon. Masar way soo martay oo kaliya ee lagama lahan”. Mid ka mid ah xarumaha ku takhasusay baarista ayaa sheegay in diyaaradda magaceedu uu yahay The Bombardier Global Express kana diwaangashan tahay Jamhuuriyadda San Marino balse aan la ogeyn cidda leh waxayna ku shaqeeysa magaca shirkadda Flying Group Middle East oo xarunteeda tahay Dubai. Xarunta ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda ay safar ku martay dhowr magaalo oo Carbeed oo ay ku jiraan Qaahira, Dooxa, Dubai, Tripoli iyo Benghazi. Dowladda Masar waxay sheegtay in diyaaradda aysan la socon dad u dhashay Masar balse garoonka diyaaradaha Qaahira ay soo martay. Masar iyo Zambia ayaa hadda ka wada shaqeynaya arinta diyaaradda. BBC-da ayaa ilo wareedyo ay heshay ku ogaatay in diyaaradda ay Masar caga dhigtay kana soo qaadatay cunta yo shidaal taasna aysan keenayn in la baaro. Qaran News
-
PRESS RELEASE Afrobeats’ Star Ruger to Perform at African Energy Week’s (AEW) Just Energy Transition Concert with a Call to Make Energy Poverty History It is with immense excitement that the African Energy Chamber reveals Ruger as one of the esteemed performers for the forthcoming Just Energy Transition Concert Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, anticipation of Africa’s premier energy event, African Energy Week (AEW) 2023, the African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org) is thrilled to introduce Ruger as a headline artist for the Just Energy Transition Concert on October 16, 2023, at Cape Town’s Cabo Beach Club. This exciting concert blends music and the energy sector, uniting individuals from diverse fields to celebrate progress towards a sustainable world. Ruger, known for hit tracks like “Bounce,” skyrocketed to fame with chart-topping success. His unique Afro-dancehall style combines Afrobeats and dancehall elements, shaping his distinct musical identity. Ruger’s songs, including “Dior,” have garnered millions of views and streams, showcasing his talent for crafting resonant hits. As Ruger takes centre stage, his presence signifies more than just a captivating performance. His influence aligns perfectly with the AEC’s vision to encourage and engage youth participation at AEW. By having Ruger at the event, the AEC aims to inspire meaningful discussions about Africa’s energy landscape, fostering empowerment and ownership among the youth. “We are excited to feature Ruger at the Just Energy Transition Concert. This significant event aligns with AEW23’s focus on prioritizing energy poverty, well-being, sustainability, industrialization, and championing free markets. Ruger’s performance will undoubtedly bring his artistic brilliance to the atmosphere, inspiring young individuals to actively engage in the ongoing dialogue about a just energy transition in Africa. We invite all to join us in celebrating this remarkable fusion of music and energy discourse” states Oneyka Cindy Ojogbo, African Energy Chamber advisory board member. As participants eagerly anticipate AEW 2023, they can look forward to the vibrant energy and electrifying performance Ruger, and other artists, are set to bring to the stage, creating an unforgettable experience that that resonates with the event’s mission of driving sustainable energy solutions and positive change. This concert provides an exclusive platform, inviting energy stakeholders and music enthusiasts to converge and engage in energy-related discussions. By intertwining music and the energy sector, the Just Energy Transition Concert carves a unique niche as an innovative venture. AEW is the AEC’s annual conference, exhibition and networking event uniting African energy policymakers and stakeholders with global investors to discuss the opportunities across the continent’s energy industry. For more information about AEW 2023, visit www.AECWeek.com Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Saddex arrin ayaan ugu necbahay in ay dhega haygu maqlaan, siiba marka laga hadlayo nabadda iyo doorashada madaxtinimada dalka ee markasta si ukas ah xilliga qabashadeedu ay soo dhawaato xukuumada talada dalka haysaa ay ka meermeerto, muran siyaasadeedna halkaas uu ka bilaabmo. Arrinka 1aad: Madaxweyne la doortay waxuun baa bedeli kara madaxweyne asna la doortay. Waa hagaage sharciga qeexaya in aanu madaxweyne la doortay si ukas ah uga meermeeri karin qalqaalinta iyo qabashada doorashada madaxtinimada halkuu distoorka S/land kaga qoran yahay. Kuma qorne, maxaa loo samayn waayey sharcigaasi?.Saw ku talagal maaha in m/weyne kastaaba uu ka meermeero in doorashada xilligeeda ku qabto sii uu muddo kordhin u hello sida Muse Biihi hadadan sameetey ee uu uga meermeeray? Su’aashu waa haa. Arrinta 2aad: Kursiga M/weynaha cod baa lagu fuulaa ee xabbad laguma fuulo, oo ay ku doodaan dad shacabka S/land ka ah oo u tashaday kana tashaday in aanay marnaba cod siin xisbiyada mucaaradka ee hadda jira xilliga doorashada m/nimada qabashadeeda buuq ka yimaado, maamulka talada dalka hayaana uu bilcaani u nacnaco ulna xilftamo mucaaridka. Nin kuu tashaday kaana tashaday markuu sidaasi ku doodo bal ka waran? waa munaaqfaqnimo. Artinta 3aad: Nabada ha illaaliyo. Nabad la’aan nololi ma suganto. Laakiin nabadda anshax iyo asluub baa lagu illaaliyaa. Sharci ummaddi dhigatay ayaa nabadda iyo degenaanshahaba illaaliya. Askariga tuugta qabtaa iskama qabto ee ammar sharci ku salaysan oo la siiyey ayuu ku qabwabtaa tuugta. Sharciga lagu illaaliyo nabadda haddii la baal maro oo la jabiyo, nabaddu waa burburaysaa. Nin muraad leh oo maslaxadiisa laga laaluushey markuu kugu yidhaahdo nabadda illaali, waa nusqaan. Marka sharciga dalka u yaal uu qabto ninka kursiga ku fadhiya, kursigana aanu iskaga fadhiyi karin muddo kordhin aan sharciga ku qotomin aanu sinaba loogu samayn karin,, Guurtina aanay muddo xilkeedeeda isu kordhin, intaas marka laysla hello ayaa nabad lagu naaloodaa imman kartaa. Nabad kolba inta xafiisyada fadhidaa ku muraadsanayso nabad maaha. By: Jamafalaag S/land, Hargeysa. jamafalaag@gmail.com Qaran News
-
Many people called me immediately after the appointment of my good friend Abdihakim Yusuf as the Chief of Staff (CoS) of Villa Somalia by President Hassan Sheikh Mohamud. It was strange because I was asked questions like, "Which does the new CoS prefer: tea or coffee? Which qabil is he (most popular)? He is a newcomer, what do you think he will achieve? Source: Hiiraan Online
-
Brussels (Caasimada Online) – Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegtay laba arrin oo loo fiirin doono dadka ka yimaada Soomaaliya ee magangalyo doonka ah. Midka koobaad ayaa ah, dagaalka haatan ka socda Soomaaliya ee dawladdu la gashay al-Shabaab iyo gudniinka fircooniga ah. Xogtaan ayaa waxaa bogooda ku daabacay hay’adda magangalyo doonka ee Midowga Yurub. Waxay sheegeen Midowga Yurub in tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ha ururka al-Shabaab bishii August ee sanadkii 2022 kii, uu sare u kacay xubnaha al-Shabaab ee doonaya inay kooxda ka goostaan, una wareegaan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, dadkaas ayay sheegtay inay wajahaan marar badan qaar qataro amni. Qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda waqti xaadirkaan dagaal ka dhan ah kooxda al-Shabaab taas oo saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee degan goobaha ay dagalaadu ka socdaan. Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku wargalisay shacabka degan magaalada Ceelbuur iyo deegaanada u dhaw in ay isaga baxaan guryahooda, maadaama ay suuragal tahay in ay waxyeelo ka soo gaarto duqaymaha ay la beegsanayaan al-Shabaab oo ay gacan ka gaysanayaan saaxiibada Soomaaliya. Dhanka kale Midowga Yurub ayaa sheegay in gabdhaha iyo haweenku ay wajahaan arrin aad u xanuun badan oo ay ku tilmaameen gudniinka fircooniga ah, taas oo lagula kaco gabdha gudaha waddanka Soomaaliya. Hay’addu waxay sheegtay in gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in laga ilaaliyo ficiladaas. Labada qodob ee ay tixgalin doonaan wadamada Midowga Yurub ayaa waxaa la isla qaatay kadib warbixin dhawaan laga soo saaray xaalka amni ee Soomaaliya iyo ficilka mar walba soo noqnoqda ee gudniinka fircooniga ah. Midowga Yurub ayaa sheegay in sanadkii 2022 kii ayaa dad Soomaali ah soo gudbisteen codsiyo gaaraya 1700. Dagaalka al-Shabaab Dhawrkii maalin ee la soo dhaafay waxaa deegano kamid ah gobolka galgaduud ee Soomaaliya ka socda dagaal ka dhan ah ururka al-Shabaab kaas oo ay qorsheysay dawladda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo xalay ka qayb galay barnaamij su’aalo lagu weydiinayay aya sheegay in muddo shan bilood uu waddanka uga cirib tirayo al-Shabaab. Ku dhawaad laba todobaad ayuu ku sugan yahay madaxweynuhu magaalada Dhuusamareeb, waxaan la filayaa inuu ku sii nagaado toodbaadyada soo aadan. Wasiirka ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya oo la hadlay BBC ayaa sheegay in hawlgalkooda ay haatan ku bilaabeen in ay goobaha hawdka ah ka saaraan xubnaha ururka al-Shabaab kuwaas oo laga yaabo inay ka soo weerar tagaan. Dawladda ayaa filaysa in ay la wareegto gacan ku haynta magaalada taariikhiga ha ee Ceelbuur, sidoo kale dad badan ayaa ku rajo wayan. Inta ay sheegtay dawladda Soomaaliya waxay dagaalkaan ku dileen ilaa iyo 50 askari oo ka tirsan ururka al-Shabaab. Isha: BBC SOMALI The post Dalalka Yurub oo shaaciyey laba arrin oo ay ka aqbalayaan Soomaalida is-dhiibeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu dhawaan is casilay agaasimihii hore. Cabdixakiin inta aan loo magacaabin wuxuu la-taliye dhinaca siyaasadda ah u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa digreedada lagu magacaabay lagu shaaciyey inuu leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay Villa Somalia. Waa Agaaismihii labaad oo Villa Somalia ay yeelaneyso mudada sanadka iyo dhowrka bilood ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu xafiiska joogo. Waxaa dhawaan is casilay agaasimihii hore ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo iskiis uga tegay shaqada, wuxuuna maalmo ka hor shaaciyey sababta uu isaga casilay xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka. Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Xuseen Sheekh agaasimihii hore ee Villa Somalia. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii ay bulshada reer Koonfur Galbeed u heli lahaayeen is-beddel loo aayo si nabad iyo dimuqraadi ahna ku yimaada. “Waxaan sii wadi doonaa oo aan gelin doona dadaal aan kala go’ lahayn guud ahaan ka qaybqaadashada dadaallada dowlad dhiska ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u taagan yahay,” ayuu Xuseen ku yiri qoraalka uu soo saaray maalmo kadib markii ay soo baxday xogta is casilaadiisa. The post Villa Somalia oo agaasime cusub loo magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE African Energy Week (AEW) 2023 Africa-Europe Roundtable to Discuss the Competing Priorities and Potential Collaboration During African Energy Week 2023, a spotlight will be placed on the collaborative efforts between Africa and Europe in achieving global energy security while facilitating a just transition Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, August 18, 2023/ — The global energy landscape is at a crossroads, with Europe and Africa facing distinct yet intertwined challenges in their pursuit of sustainable development. As the African Energy Week (AEW) approaches, the stage is set for a critical discussion on the delicate balancing act required to harmonize Europe’s renewable energy aspirations with Africa’s drive towards oil and gas-powered industrialization. At the upcoming Africa-Europe Roundtable Discussion to be held at AEW – scheduled for October 16-20 in Cape Town – participants will delve into the complexities of these competing priorities, highlighting the need for collaboration and innovative solutions. Historically, Africa has been heavily reliant on external financial assistance for its energy projects, rendering it susceptible to shifts in global policies and investment trends. While foreign aid has facilitated advancements in renewable energy, Africa’s untapped oil and gas reserves, comprising a staggering 620 trillion cubic feet of gas and 125.3 billion barrels of oil, hold the potential to revolutionize the continent’s energy landscape and spur sustainable economic growth. The imperative here is to transition away from aid dependency towards commercial relationships that enable Africa to harness its own energy potential. In recent times, Europe has shown a strong commitment to transitioning towards renewable energy sources. This shift is driven by growing environmental concerns and the global push for decarbonization. A notable example is the EU’s Africa-EU Green Energy Initiative, a forward-thinking framework with three key objectives: improving access to affordable and environmentally friendly energy, promoting investment in renewable energy projects, and encouraging community involvement while ensuring financial backing. While investing in renewable energy in Africa is crucial for the continent’s decarbonization goals, Africa also remains determined to utilize its substantial oil and gas reserves to drive economic growth and industrialization. This contrast in priorities has created a distinct challenge, demanding a considerate and strategic approach to achieve mutual progress while effectively tackling energy security and climate change issues. Amidst the turmoil of the Russia-Ukraine conflict, a notable paradigm shift occurred as Europe found itself compelled to explore alternative energy sources, such as African gas and coal imports, underlining the intricate interdependence of these continents and its energy resources. This scenario reinforces the imperative for open dialogues and cooperative strategies to address shared energy challenges. While Europe’s emphasis on renewable projects is undeniable, the partnership between European companies and African counterparts has been pivotal in advancing oil and gas initiatives. Collaborative efforts such as TotalEnergies’ involvement in the Egina deepwater field in Nigeria and Eni’s projects across several African nations, notably Mozambique’s Coral Sul, exemplify the positive impact of such partnerships. Beyond mere energy production, these ventures contribute to job creation, skills development, and economic empowerment, aligning with Africa’s drive for industrialization. Meanwhile, nations like Tanzania and Mozambique are positioning themselves as vital players in Europe’s search for alternative gas sources. With visionary offshore projects and forthcoming liquefied natural gas (LNG) initiatives, these countries are poised to cater to Europe’s energy demands in the near future. This emerging synergy reinforces the importance of Africa’s resources in Europe’s quest for energy diversification. As the Africa-Europe Roundtable Discussion at AEW approaches, the focus is on fostering comprehensive dialogue between African executives and European investors. This platform transcends traditional aid frameworks, aiming to establish mutually beneficial commercial collaborations that address Africa’s energy needs while offering lucrative opportunities to European investors. The roundtable’s significance is paramount, as it not only tackles immediate energy challenges but also catalyzes broader economic growth and trade between the two continents. The balancing act between Europe’s renewable agenda and Africa’s oil and gas ambitions is complex but not insurmountable. The Africa-Europe Roundtable discussion at AEW stands as a pivotal moment in shaping this collaborative journey. By navigating these competing priorities and fostering strategic partnerships, both continents can pave the way for sustainable energy, economic growth, and global cooperation. AEW is the AEC’s annual conference, exhibition and networking event. AEW 2023 will unite African energy policymakers and stakeholders with global investors to discuss and maximize opportunities within the continent’s entire energy industry. For more information about AEW 2023, visit https://AECWeek.com Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii uu dhawaan is casilay Agaasimihii hore. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka u magacaabay Cabdixakiin Maxamed Yuusuf, sida ku cad Qoraal lagu daabacay Villa Somalia. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Villa Somalia ayaa sheegtay in Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada uu hore u ahaa La-Taliyaha dhinaca Siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaaliya, islamarkaana uu lee yahay khibrad shaqo oo ku aaddan horumarinta Hay’adaha dowladda iyo Maamul-wanaagga, taas oo kor u dhaafaysa 20 sano. Waxa kale oo uu khibrad shaqo u leeyahay Tayeynta tayeynta Dowlad-Goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha, sida ku xusan Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada. “Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha”. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka” ayay sii raacisay Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Qaranka ayaa maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, halkaas oo khasaare culu loogu geystay kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. Hawlgalka waxaa lagu beegsaday seddax xarumood oo Al-Shabaab ay lahaayeen deegaanka, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay. “Goobta ugu horraysa waxa ay ahayd Garaash ay Khawaarijta u yaaleen ilaa 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay, iyadoo laga dhigay hawlgab,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta. Hawlgal kale ayaa ka dhacay xarunta ay deganaayeen maamulka sare ee Al-Shabaab u qaabilsanaa magaaladaas, taas oo la burburiyay. Sidoo kale warbixinta lagu sheegay in xaruntaas lagu dilay shan xubnood oo Shabaab ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare. “Hawlgalka ugu danbeeyay waxa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen koox Khawaarij ah banaanka magaalada Buq-aqable, halkaas ayaa lagu laayay maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa.” “Inta la xaqiijyay hawlgalka waxaa Khawaarijta uga geeryooday 18 Khawaarij oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qoryo culus, waxaa la burburiyay labo xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu daabacay warbaahinta dowladda. Hawlgalkaan oo dhacay maanta oo jimco ah waxa uu ka mid yahay hawlgalo isdaba joog ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaashooda ay ka wadaan dalka. Mudooyinkaan dambe waxaa si joogto ah loo beegsadaa xarumaha muhiimka ah ee Al-Shabaab, sida goobaha lagu sameeyo qaraxyada, xafiisyada madaxda iyo goobaha ay ka soo abaabulaan ciidamada. The post Al-Shababa oo 3 xarun lagu beegsaday- sarkaal sare iyo dagaal-yahanno la dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegtay laba arrin oo loo fiirin doono dadka ka yimaada Soomaaliya ee magangalyo doonka ah. Midka koobaad ayaa ah, dagaalka haatan ka socda Soomaaliya ee dawladdu la gashay al-Shabaab iyo gudniinka fircooniga ah. Xogtaan ayaa waxaa bogooda ku daabacay hay’adda magangalyo doonka ee Midowga Yurub. Waxay sheegeen Midowga Yurub in tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ha ururka al-Shabaab bishii August ee sanadkii 2022 kii, uu sare u kacay xubnaha al-Shabaab ee doonaya inay kooxda ka goostaan, una wareegaan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, dadkaas ayay sheegtay inay wajahaan marar badan qaar qataro amni. Qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda waqti xaadirkaan dagaal ka dhan ah kooxda al-Shabaab taas oo saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee degan goobaha ay dagalaadu ka socdaan. Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku wargalisay shacabka degan magaalada Ceelbuur iyo deegaanada u dhaw in ay isaga baxaan guryahooda, maadaama ay suuragal tahay in ay waxyeelo ka soo gaarto duqaymaha ay la beegsanayaan al-Shabaab oo ay gacan ka gaysanayaan saaxiibada Soomaaliya. Dhanka kale Midowga Yurub ayaa sheegay in gabdhaha iyo haweenku ay wajahaan arrin aad u xanuun badan oo ay ku tilmaameen gudniinka fircooniga ah, taas oo lagula kaco gabdha gudaha waddanka Soomaaliya. Hay’addu waxay sheegtay in gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in laga ilaaliyo ficiladaas. Labada qodob ee ay tixgalin doonaan wadamada Midowga Yurub ayaa waxaa la isla qaatay kadib warbixin dhawaan laga soo saaray xaalka amni ee Soomaaliya iyo ficilka mar walba soo noqnoqda ee gudniinka fircooniga ah. Midowga Yurub ayaa sheegay in sanadkii 2022 kii ayaa dad Soomaali ah soo gudbisteen codsiyo gaaraya 1700. Dagaalka al-Shabaab Dhawrkii maalin ee la soo dhaafay waxaa deegano kamid ah gobolka galgaduud ee Soomaaliya ka socda dagaal ka dhan ah ururka al-Shabaab kaas oo ay qorsheysay dawladda Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo xalay ka qayb galay barnaamij su’aalo lagu weydiinayay aya sheegay in muddo shan bilood uu waddanka uga cirib tirayo al-Shabaab. Ku dhawaad laba todobaad ayuu ku sugan yahay madaxweynuhu magaalada Dhuusamareeb, waxaan la filayaa inuu ku sii nagaado toodbaadyada soo aadan. Wasiirka ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya oo la hadlay BBC ayaa sheegay in hawlgalkooda ay haatan ku bilaabeen in ay goobaha hawdka ah ka saaraan xubnaha ururka al-Shabaab kuwaas oo laga yaabo inay ka soo weerar tagaan. Dawladda ayaa filaysa in ay la wareegto gacan ku haynta magaalada taariikhiga ha ee Ceelbuur, sidoo kale dad badan ayaa ku rajo wayan. Inta ay sheegtay dawladda Soomaaliya waxay dagaalkaan ku dileen ilaa iyo 50 askari oo ka tirsan ururka al-Shabaab bbcsomali Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa ugu digtay Moscow inay ka fogaato xiisad kale kadib markii markab xamuul ah oo laga leeyahay Turkiga ay weerareen ciidamada badda Ruushka toddobaadkii hore, waxaa sidaas Khamiistii sheegay xafiiska madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. “Kadib faragelintii (Ruushka), dadkii nagala soo xiriiray Ruushka waxaa looga digay inay ka fogaadaan isku daygaas oo kale, taasi oo kasii dareysa xiisadda Badda Madow,” ayay tiri madaxtooyada Turkiga, kadib maalmo ay ka aamusneyd dhacdadan. Markabka Sukru Okan ayaa sitay calanka Palau markii ay rasaas ku fureen ciidamada badda Ruushka Axaddii hore. Militariga Ruushka ayaa kadib koray markabka si ay baaritaan ugu sameeyaan, kahor inta aanay u ogolaan inuu u shareecdo xeebta Izmail ee Ukraine, oo ah tan laga dhoofiyo dallaga ugu badan ee beeraha. Dhacdadan ayaa timid ayada oo ay sii kordheen weerarada ka dhaca Badda Madow, kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii haruurka Ukraine bishii tagtay Turkey ayaa gacan ka gaysatay dhex-dhexaadinta heshiiskan oo ay taageereysay QM, ayada oo adeegsaneysa xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Moscow iyo Kyiv. Hase yeeshee xafiiska madaxweyne Erdogan ayaa cambaareyn kala kulmay gudaha dalka sababo la xiriira inaanu waxba ka dhihin weerarka. Xafiiska ayaa iska caabiyey dhalleeceynta Khamiistii, isaga oo ku dooday in farsamo ahayn ay aheyd in Palau ay ka jawaabto dhacdada. “Xitaa haddii milkiilaha markabka Sukru Okan uu yahay Turkish, markabka ma ahan mid sita calanka Turkey,” ayey tiri madaxtooyada. “Marka la eego sharciga caalamiga, ‘calanka dalka’ ayaa ka muhiimsan magaca iyo shaqsiyadda shaqaalaha.” Palau waa jasiirad ku taalla badweynta Pacific oo calankeeda ay inta badan isticmaalaan shirkadaha maraakiibta, si ay si xor ah u galaan dekedaha caalamiga ah. AFP, VOA The post Xiisad ka dhex-abuurantay TURKEY iyo RUUSHKA kadib markii la weeraray markab appeared first on Caasimada Online.
