-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Cali Yare Cali oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa ka falceliyay xarigga Jeneraal Sheegow oo ay maanta soo qabteen ciidamada ammaanka, kadib dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee Dharkenley. Cali Yare ayaa su’aallo badan ka keenay arrinta Sheegow, gaar ahaan waxa dhaliyay in sarkaalkan oo ka tirsanaa bad-baado qaran laga sooco raggii kale. “Maadaama Saadaq John, Abdalla Abdalla iyo raggii kale ee maleeyshiyaadkii badbaado qaran la baxay ka tirsanaa uu Madaxweyne Xasan Shiikh darajooyinkoodii u soo celiyay asbuucyadii ugu horreeysay xafiiska, maxaanu Sheegoow isagana ugu soo celin darajadiisii ciidan oo uu raggaas uga duwanaa?” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cali Yare Cali. Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka loo soo xiray marka lasoo qabanayay Jeneraal Sheegow oo ay muuqaal kasoo duubeen ciidamadu. “Waxaan daawannay muuqaal laga duubay Sheegoow oo askarta wada naceybka iyo hadallada cunsuriyadda leh ee afkooda ka baxaya laga yaqyaqsoonayo kana baxsan dhaqanka dowladnimo – raggaas iyagana maxkamadda mala soo saari doonaa Sheegoow?” ayuu mar kale yiri Cali Yare. Waxaa kale oo uu is weydiiyay cidda ku xigi doonto Jeneraal Sheegow, wuxuuna tusaale u soo qaatay siyaasiyiin waa weyn iyo sidoo kale saraakiil ciidan. “August 18, 2023, weeraray Guriga Jeneral Shegoow, Yaa xigi doona ? ma Madaxweyne Shariif, Ma Xasan Kheyre ? ma Qoorqoor? ma Cali Jeyte? ma Omar Finish, ma Musharax Koofi, ma Taliye Odawaa ? mise Indhacade” ayuu mar kale yiri Cali Yare Cali. Halkan hoose ka akhriso warbixinta:- Dagaalka xalay ilaa saakay Muqdisho ku dhexmaray labada garab ee kooxdii Badbaado qaran la baxday halkiisa ha ii joogo aanse is waydiinno intaan hoos ku qoran; Maadaama Saadaq John, Abdalla Abdalla iyo raggii kale ee maleeyshiyaadkii badbaado qaran la baxay ka tirsanaa uu Madaxweyne Xasan Shiikh darajooyinkoodii u soo celiyay asbuucyadii ugu horreeysay xafiiska, maxaanu Sheegoow isagana ugu soo celin darajadiisii ciidan oo uu raggaas uga duwanaa ? Maadaama ay kooxda darajooyinkooda loo soo celiyay ay ahaayeen koox sida Sheegoow oo kale laamaha amniga dagaal la galay, halkee maanta laga soo helayaa sharciga kuwaas qaban waayay ee waliba abaalmarinta ay ku heleen ee maanta Sheegoow uu Shuute ku xukumi doono? Markii dowladdii hore ay weerarkii argagixiso-nimo ee ku qaaday guriga Abdirahman Abdishakur, doodda ugu xooggan oo ay miiska soo saareen kooxdii Xasan Shiikh waxay aheyd, maxaa shaqsi maxkamadda looga yeeri karo gurigiisa loogu weeraray? hadda; waa isla Xasankiiye muxuu gurigiisa ugu weeraray sheegoow oo ah shaqsi warqad maxkamad gurigiisa loogu geyn karo ? Waxaan daawannay muuqaal laga duubay Sheegoow oo askarta wada naceybka iyo hadallada cunsuriyadda leh ee afkooda ka baxaya laga yaqyaqsoonayo kana baxsan dhaqanka dowladnimo – raggaas iyagana maxkamadda mala soo saari doonaa Sheegoow ? Horay Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu August 3, 2014 weeraray guriga Abdi Ileys, August 10, 2014 weeraray guriga Abdi Nurre Siad 15 Aug 2014 weeraray guriga Ahmed Daaci Hadda markii uu talada ku soo laabtay; Maarso 21, 2023 weeraray guriga Xaaji Ibrahin Kaah August 18, 2023, weeraray Guriga Jeneral Shegoow, Yaa xigi doona ? ma Madaxweyne Shariif, Ma Xasan Kheyre ? ma Qoorqoor? ma Cali Jeyte? ma Omar Finish, ma Musharax Koofi, ma Taliye Odawaa ? mise Indhacade ? Taariikhda galka dacwada eedeeynta Sheegoow, ma waxay ka soo billaabaneysaa 2021 maalinkii uu joogay Miranaayo iyo Shiirkole ee uu billaabay inuu dowladda dalka la dagaalo, isaga oo ku saf ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh, mise waxay ka billaabaneysaa markii uu la dagaalay dowladda hadda jirta ee Jaalle Mogadishu Clan oo kali ah ? The post Cali Yare: Yaa xigi doono Sheegow? ma Cali Jeyte, Koofi, mise Indhacadde? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)- Warbaahinta Dawladda Itoobiya ataa baahisay in Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu ay heshiis ku wajahan Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbara kula gashay Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya. Warbaahinta Itoobiya waxay sheegtay in Shirkadda DP World oo maalgelisay marsada Berbera iyo Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera (Berbera free Zone). Waxaanay intaas ku dartay in heshiiskan ay isku kaashanayaan DP World iyo Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya. Warbaahinta Itoobiya, wax tafaasiil ah kamay bixin cidda u seexday Itoobiya iyo DP World midna. Qaran News
-
When I first set foot on Malaysian soil, the vibrancy of its bustling streets and the hum of its advancing infrastructure instantly captured my attention. As part of Somalia's dedicated delegation, I had journeyed to Malaysia filled with hope, aiming to unravel the intricacies of this Southeast Asian nation's compelling tapestry of socio-economic development. Source: Hiiraan Online
-
When I first set foot on Malaysian soil, the vibrancy of its bustling streets and the hum of its advancing infrastructure instantly captured my attention. As part of Somalia's dedicated delegation, I had journeyed to Malaysia filled with hope, aiming to unravel the intricacies of this Southeast Asian nation's compelling tapestry of socio-economic development. Source: Hiiraan Online
-
Burco(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaqaalaysiiyey Hamda Cafli Nuur oo aabeheed Alle ha u naxariistee Cali Nuur ku geeryooday Hoolka Jaamacada Burco oo ay ka socotey Munaasibadda qalinjebinta ee maanta. Wasiirku wuxuu Tacsi u diray Xamda iyo guud ahaanba ehelkii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Aabo Cali Nuur, oo saaka inantiisa kala soo qaybgalay farxada qalinjebinta balse xaqii u yimi. Guud ahaanba wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kafaale qaaday oo shaqaalaysiiyey Xamda, waxbarasho kale wixii ay u baahatona bixin doona. Geerida Aabo Cali Nuur ayaa ahayd mid siweyn looga wada naxay isla markaana markaliya bedeshay munaasibadii qalinjabinta Jaamacada Burco. Qaran News
-
9 Guri oo Dab ku Qabsaday Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Ciidamada Dabdamiska ayaa gurmad u fidiyay guryo dab qabsaday oo kuyaalada xaafada Xero Ruushta ee degmada 31-ka May, waxaana ku dhaawacmay hal qof. Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa maanta gurmad samata-bixina u sameeyay 9 guri oo ku yaala Xaafada Xero Ruushta ee degmada 31-ka may, waxaaney ku guulaystay xakamaynta dabkaasi kana badbaadiyay Guryihii kale. Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa sheegay inay badbaadiyeen ku dhawaad 50 Sandaqadood oo goobtaas ku yaalay, taliyaha ayaa sidoo kale dadweynaha ku wargeliyay inay banneeyaan waddooyinka, isla markaana cidhiidhiga ka daayaan goobaha hawlgaladu ka socdaan. Sidoo kale ciidanka Dabdemisku waxa ay sheegeen in Xilliyadan lagu jiro xagaaga ay aad u badan tahay halista dabka, gaar ahaan korontada, waxaanay bulshada ka codsadeen inay ka taxadiraan markasta khatarta dabka oo ah mid marstaba joogta. Waxaaney bulshada ku wargeliyeen haddii ay la kulmaan masiibo dab inay soo wac lambarka gurmadka deg dega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel 24 ka saac. Qaran News
-
Guddoomiyaha Guurtida oo ka Hadlay Dalab ay u Keeneen Guddidii uu u xilsaaray Khilaafka Gacanlibaax- Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha golaha guurtida JSL, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in guddidi ay u saareen ka soo tallo bixinta xaalada Buurta Gacan-libaax ay codsadeen in muddo todoba cisho ah loogu darro wakhti ay hore u haysteen, si ay warbixin dhammeystiran golaha iyo bulshada ugu soo celiyaan. Sidoo kale Mudanayaasha Golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda caafimaadka dalka, waxaanay mudanayaashu sheegeen in xaalada caafimaad ee dalku wanaagsan tahay. Geesta kale waxa ay mudanayaashu talo ahaan ku soo jeedinayaeen in xarumaha hooyada iyo dhallaanka la badiyo isla markaana ay mihiim tahay in gobollada iyo degmooyinka dalka laga hirgeliyo, si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee ka jira ee bulshadu aadka u tabayaan. Dhanka kale Mudanayaasha Golahaas Guurtida Somaliland ayaa dood kooban ka yeesheen tamarta dalka iyo sidii bulshada ku nool magaalooyinka waa weyn ee dalku u helilahaayeen adeeg laydh oo wanaagsan, waxaanay shirkadaha gacanta ku haya adeega laydhka ka codsadeen inay bulshada ka jabiyaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigtay Jeneraal Sheegow Axmed Cali, kadib dagaal saacado qaatay oo xalay iyo maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degamda Dharkenley ee gobolka Banaadir. Booliska Soomaaliya oo ka hadlay qabashada sarkaalkan ayaa ku eedeeyay inuu dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan degmada, isla-markaana ciidamadiisa ay la dagaalameen kuwa ammaanka, xilli ay howlgal amni xaqiijin ah ka wadeen halkaasi. “Ciidanka oo howlgal ku jiray oo shaqo maalmeedkooda wada xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley waxa ay la kulmeen burcad maleeshiyaad ah oo soo weeraray ciidanka, iskuna dayay inay khalkhal-geliyaan” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu raaciyay ““Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, laakiin maanta aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii iyo xasiloonidii uu khalkhal u geliyo”. Haddaba sidee looga falceliyay xarigga Jeneraal Sheegow? Maxamed Xasan oo kamid ah dadka ka falceliyay xarigga Jeneraalka ayaa yiri “Waxay aheyd in lala hadlo Sheegow wuxuu ahaa sarkaal usoo shaqeeyey Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna mudnaa xushmo”. Burhaan Biikoole ayaa isna yiri “Nin kasta oo amar dowladeed ka horyimaada waa in maxkamad la soo taagaa, waa farxad boolisku waa in ay indhahooda furnaadaan.” Kaamilo Cabdicasiis ayaa dhankeeda geesi ku tilmaamtay Jeneraal Sheegow ”Geesi garab waayay” ayay tiri. Amiin Sheekh Xuseen “Sheegoow waa ninkii guryha dhufeyso ka qotay iskuna dayay in caasimadii uu ka dhigo furin dagaal”. Ismaaciil Nuur ayaa sheegay in laga baaqsan karay dagaalkii dhacay “Waxaan u arkaa talaabo lagaga baaqsan karay oo jeneraalka lagu soo qaban karay hadduu dembi geystay” Bishaaro Nuur ayaa tiri iyaduna “Aad baan ugu xumahay in shacab dhexdooda lagu dul dagaalamo”. Cabdinuur Axmed ayaa dhankiisa soo dhoweeyay xarigga jananka “Xarigaasi waa sax” ayuu uga falceiyay aragtidiisa. The post Fal-celin yaab leh oo ka dhalatay xarigga Jeneraal Sheegow appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jenetaal Cabdulaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbixin cusub kasoo saaray howlgallada ka socda gobollada Dhexe, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Caanood ayaa tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolkaas ka dhacay ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, wuxuuna tilmaamay in khasaare lixaad leh lagu gaasiiyay xubnaha kooxa Al-Shabaab. Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada huwanta ay Al-Shabaab ka saareen keymo ku yaalla agagaarka tuulada Jirjir-xiirey, halkaas oo ay ku dhuumaaleynsayeen, Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay isku fidiyeen inta u dhexeysa tuulooyinka Baraaka Sheekh Caamir iyo Kala Bayr oo ka tirsan gobolka Galgaduud, Waxaa kale oo uu tilmaamay in dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Cali-yabaal lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale, waxa uu tilmaamay inuu meel wanaagsan maraya guud ahaan gulufka dagaal ee ka socda gobollada dhexe, kaas oo uu tilmaameen inay ku biireen ciidamo horleh. Ugu dambeyn Jeneraal Cabdullaahi Caanood ayaa xusay in ciidamadii ka baxay magaalada Guriceel oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gaareen tuulada Dhagaxweym The post Daawo: Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galgaduud + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Ergada Xallinta Xaaladda Buurta Gacan-libaax Iyo Muranka Siyaasadda iyo kulamadii U Dambeeyey Hargeysa(Qaran news)-Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, waxa ay maanta kulan la yeesheen guddida madax-dhaqameedka isku-dhafan ee ka kooban gobolada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ay labada dhinac ka wada-hadleen hawlaha dhex-dhexaadinta iyo nabadaynta ee ay guddida madax-dhaqameedku ku hawlanaayeen muddooyinkii u dambeeyay. Waxa ay guddida madax-dhaqameedku u sheegeen xubnihii ururada bulshada in ay yihiin ergo is xilqaantay, islamarkaana isu arka in ay gudanayaan waajib ka saaran ilaalinta nabadgalyada iyo xalinta khilaafaadka sidii horeba looga bartay. Ururada Bulshada rayidka ah waxa ay guddida ku booriyeen dedaalka ay ugu jiraan sidii dhinacyada ay isugu soo dhawayn lahaayeen, khilaafkana loo xidid-siibi lahaa. Ururada Bulshada rayidka ah iyo guddida madax-dhaqameedka isku-dhafani waxa ay isla garteen: 1. In la mideeyo dedaalada kala duwan ee ay wadaan guddiyada kala duwan ee dhammaan ku hawlan sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadda ka taagan deegaanka Gacan-libaax iyo ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira. 2. In Ururada Bulshada iyo guddiyada dhex-dhexaadintu ay yeeshaan wada-shaqayn dhaw, islamarkaana la isku garabsado sidii isfaham looga dhex-dhalin lahaa dhammaan dhinacyada kala duwan. 3. In la sii wado kulamada looga gonleeyahay in lagu mideeyo dedaalada socda, si looga hortago isdhexyaac iyo jahwareer khatar galin kara hawlaha dhex-dhexaadinta. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu shaaca ka qaaday guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay baaqashada kulankan ayaa sheegay in inta badan xildhibaanada ay jiraan safarro dibadeed, kuwa kalena ay howlo shaqo oo joogaan gobollada dalka, iyaga oo qayb ka ah dagaalka Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka maanta uu sidaas ku baaqday, maadaama loo waayay kooram, wuxuuna aad u boggaadiyay xildhibaanada maanta soo xaadiray. “Xildhibaanada sharafta leh ee waqtigooda yimid kooram la’aan darteeda ayaan shirkii dib ugu dhiganeynaa marka fadhigeena maanta waa innoo xiran yahay” ayuu yiri Aadan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka uu qaadi doono tallaabo lagula xisaabtami doono xildhibaanada ka maqan kulamada joogtada ah ee baaramaanka Soomaaliya. “Xildhibaanada sababta la’aanta ku maqan xildhibaan kasta magaciisa iyo inta uu maqnaa ayaa loo qori doonaa, kadibna warqaddiisa la siin doonaan faylkana loo gelin doonaa, xildhibaanadaas waxaa leenahay ha yimaadeen” ayuu raaciyay Sheekh Aadan Madoobe. Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacbak ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama kulamo badan oo Golaha Shacabka ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan. Xildhibaanada qaarkood ayaa si adag u cambaareeyay baaqashada ku timid kulankii ay maanta lahaayeen, iyaga oo shaaciyey inay tahay arrin nasiib darro ah. Kulanka maanta ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, waxaana la filayaa inay dood adag ka yeeshaan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqo badan oo u baahan in la dargar-geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo. Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada The post Kulankii xildhibaanada BF oo baaqday + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland oo Ka qaybgalay Madal ay ku Aflaxeen 576 Arday oo ka baxay Jaamacadda Burco. Burco(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 576 arday oo maanta ka qalinjebiyey jaamacadda Burco. Munaasibadda qalinjebinta oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax katirsan xisbiga KULMIYE, maamulka Jaamacadda Burco, ardayda maanta qalinjebisay, waalidiintooda, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada katirsan, ayaa laga jeediyey hadallo loogu fooladaynayo ardayda maanta dhammaysatay waxbarashada heerkeeda koowaad iyo keeda labaad, laguna dardaarayo in cilmigii ay barteen ku anfacaan nafahooda iyo dalkoodaba. Ugu horrayn, mudane Faarax Yuusuf Xadhigle oo ku hadlay magaca Boodhka jaamacadda Burco oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey arday maanta qalinjebisay, waxana uu u rajeeyey mustaqbal ifaya iyo Aayatiin wanaagsan. Axmed Cabdi Xirsi oo isaguna ku hadlay magaca ardayda qalijebisay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waajibaadka ardayda waxbaratay saaran iyo sida loogu baahan yahay in aqoontii ay barteen ugu adeegaan si hufan ugu adeegaan bulshadooda. Maayarka magaalada Burco, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero) iyo guddoomiyaha gobolka Togdheer, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Nafaqo) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si mug leh ula dardaarmay Ardayda, waxana ay hogo-tusaaleeyeen qabyooyinka yaalla heerka nololeed ee ay maanta u gudbeen ardaydu iyo sida loogu baahan yahay inay qabyadaas dhammaystirkeeda wax uga qaban lahaayeen. Guddoomiyaha jaamacadda Burco Dr. Ciise Nuur Liibaan, ayaa ka warbixiyey dedaalka ay jaamacad ahaan geliyeen sidii ay ardaydan maanta u qalinljebin lahaayeen, isaga oo hoosta ka xariiqay in jaamacaddu horumar ballaadhan ka samaysay diyaarinta cilmi-baadhiso lagaga gungaadhayo dhibaatooyinka kala duwan ee bulshada reer Somaliland ku gedaaman waqtigan. Guddoomiyaha guddida tacliinta sare, Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa dhankiisa bogaadiyey ardayda maanta ka qalinjebisay jaamacadda Burco, waxana uu ku sifeeyey guul weyn oo usoo hoyatay bulshada reer Togdheer. Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, iyo Waxbarashada, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda, waxana ay xuseen in siyaasadda xukuumadda ay safka hore kaga jirto horumarinta iyo tayeynta waxbarashadu heer kasta oo ay tahayba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadinta ardayda ka hor waxa uu tacsi u diray marxuum Cali Nuur oo mid kamid ahaa waalidiinta ubadkoodu maanta qalijebinayeen oo isla hoolkii xafladdu ka dhacaysay si kedis ah ugu geeriyooday, waxana uu Eebbe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelladana samir iyo Iimaan ka siiyo. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo farxad leh u diray Ardayda jaamacadda Burco ka aflaxday iyo cid kasta oo kaalin uun ka qaadatay inay heerkan soo gaadhaan, waxana uu yidhi,“Waxan hambalyo u dirayaa dhammaan ardayda qalinjebisay, waalidkooda, macallimiintooda, jaamacadda, wasaaradda waxbarashada inay maanta inoo soo baxeen dhallinyaro cilmi ku habaysan oo aqoon kala duwan leh oo dhammaantood dalka wax u tari doona.” Intaa kaddib waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhisme ballaadhan oo casri ah oo loo dhisay Jaamacadda Burco, kaas oo ay wax badan ka tari doono baahidii jaamacadda ee dhinaca dhismaha. Qaran News
-
Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay gudaha deegaanka Xaaji Cali oo ka tirsan gobolkaasi, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Gaariga la weeraray ayaa kasoo baxay degmada Ceelbuur, wuxuuna kusoo jeeday gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo burcad ah ay waddada u galeen, kadibna ay rasaas ku fureen, taas oo keentay khasaaraha soo gaaray rayidka. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dhacdadaan, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida aanu kasoo xiganay ilo deegaanka ah. Qofka dhintay ayaa aheyd hooyo, halka labada dhaawacantayne ay ahaayeen carruur ay dhashay, kuwaas oo la sheegay inay kasoo barakaceen degmada Ceelbuur. Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Mataan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka bad-badaan falkaasi, waxaa baxsaday raggii ka dambeeyay weerarka. Cabdullaahi Mataan ayaa markii hore ka baxay magaalada Muqdisho, si uu qoyskiisa u keeno caasimada, maadaama Ceellbuur ay ku wajahan yihiin ciidamada huwanta. Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday shacabka inay ka baxaan Ceelbuur, si aysan waxyeelo uga soo gaarin duqeymaha iyo dagaallada ku wajahan degmadaasi. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dhacdadaasi, balse saraakiisha amniga ayaa wado baaritaano dheeraad ah. Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa kusoo laa laabta dhacdooyinka noocaan oo kale ah, waxaana horay uga digay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa HirShabelle. The post Gaari kasoo baxay Ceelbuur oo lagu rasaaseeyay Shabeelah Dhexe + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Maqaasidda shareecada Islaamka waxaa ugu horeeya ilaalinta nafta. Hadaba, in la ilaaliyo nolosha muwaadiniinta reer Puntland waa waajib diineed waana dastuuri. Qodobka 18aad (1) ee Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu leeyaha qof kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa marka laga reebo qof lagu fuliyey xukun maxkamadeed oo kama dambays ah. Sidaa darteed waxaa waajib ku ah Dawladda Puntland in ay ilaaliso nolosha muwaadineenteeda ayna ka hortagto qudh goyn kasta oo sharciga khilaafsan. Dastuurka Puntland qodobkiisa 18aad wuxuu damaanad qaadayaa xaqa nolosha, nabadgelyada iyo bad qabka jirka, sidoo kale wuxuu mamnuucayaa dilka marka laga reebo fulinta xukun maxkamadeed oo keliya. Dawladdu maxay muwaadininteeda ugu ilaalin la’dahay xaqaan datuurigaa? Mise qabiil waliba isagaa isku dawlad ah oo rabitaanka qabiilka dawladdu ma xakamay karto miyaa? Sanadihii la soo dhaafay reer Gaalkacyo waxay ka raysteen madax jabiskii iyo ficiladii guracnaa ee ay Al-shabaab ku haysay, nasiib daro se waxaa badelay caadaysiga dhiig xaq daro lagu daadinayo ee ku salaysan aargoosashada arxanka daran iyo aanooyin qabiil oo irdaha soo jabsaday kuwaas oo u dhexeeya beelaha walaalahaa ee Gaalkacyo wada daga. Dhacdooyinkan la xiriira aargoosiga qabiilka aad ayey isku soo tarayaan waayadaan dambe ilaa xad beelihii walaalaha ahaa kala irdhoobeen oo isu socodkii bulshadu yaraaday casar dheerana nin waliba gurigiisa hoosta ka xirto, caways iyo haasaawe dumarna warkiisaba daa. Dhacadadii ugu dambaysay waxay dhacday taariikhdu markii ay ahayd 14-08-2023. Waxaad moodaa xiisaddan Gaalkacyo ka taagan in masuuliyiintii dawladda ee loo igmaday ilaalinta karaamadda iyo nolosha shacabka reer Puntland ay sheedda ka daawanayaan. Waxaa si joogta ah loo qurgoynayaa dad aan waxba galabsan oo dawladdii masuulka ka ahayd aad moodid in ay qabiilada ku halaynayso ayna leedahay iyaga ha hesheeyeen! Su’aashu waxay tahay qofka Puntlander ka ah ma dawladda Puntland baa masuul ka ah oo uu ximaayadeeda ku hoos jiraa mise qabiilka uu ka dhashay? Ilaahay wuxuu Suuratu Al-Nisaa Aayadda 114aad ku sheegay in faqa intiisa badan uusan khayr lahayn marka laga reebo 3 mooyaane: 1. Is faridda sadaqada 2. Ama mid macruuf iyo wanaag la isku farayo 3. Iyo mid Sulux ah oo lagu dhexdhexaadinayo cid khilaaf ama colaad ka dhexeyso. Gaalkacyo waxa ka socda maxaa sulux loogu dhamayn waayay oo beelahaas walaalahaa nabad loo kala dhexdhigi waayay? Mudane Madaxwayne waa waajib dastuuri ah iyo masuuliyad si gaara ah kuu taabanaysa kala dhexgalidda beelahaas sida foosha xun baryahaan dambe isku ugaarsanaya iyo si guud xasilinta magaalada Gaalkacyo. Mudane Madaxwayne Madax meel ka sareeya oo la taabto ma jirto; arinta Gaalkacyo ka taagan inaad wax ka qabato waa wixii laguu igmaday, bulshada reer Mudugna ay codka ugu badan Xisbigaaga u siiyeen. Mudane Madaxwayne goortii aad shacabka Gaalkacy codka ka rabtay oo aad ololaha siyaasadeed (Political Campaign) ku jirtayba waad tagtay oo in muddo ah ayaad fadhidaye magaalada Gaalkacyo; maanta oo shacabkii aad codkooda raadinaysay (Sida xooganna Xisbigaaga u soo saaray) dhiigoodu macno la’aan ku daadanayo maxaa kuu diiday inaad Gaalkacyo tagto oo aad xiisadda beelahaas waalaahaa ka taagan Sulux iyo heshiis ku soo dabaasho, xasilinta iyo nabadgelyadii magaaladana dib u soo celiso. Madaxwayne libinta is raacso reer Gaalkacyo abaal wayn bay kuu hayaan oo intii xukuumadaadu jirtay waxa ay ka soo doogeen ama ay ka raysteen mushkiladii ay Al-shabaab gobalka ku haysay, maantana tii oo kale ayaa taagan oo u baahan in si degdeg ah loo soo afjaro. Maxaa ka dhashay xiisadda colaadeed ee Gaalkacyo? Colaadda beelaha walaahaa ka dhexaysa waxay dhaxalsiisay shacab waynihii Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ku noolaa arimahaan soo socda: 1. Kala danbayntii iyo sharcigii oo meesha ka baxay, qof kastana uu sharciga gacantiisa ku qaatay. 2. Sugidda nabadgelyada iyo amnigii guud oo lumay taasoo wehelyoow iyo walaac xooggan bulshada ku reebtay. 3. Qabiiladii walaalaha ahaa ee gobolka wada degi jiray oo kala irdhoobay colaadduna kala fogaysay, iyo sidoo kale haldoorkii gobalka oo qaarkood gobola kale u qaxeen halkaas oo ay amni bideen. 4. Goobihii cawayska iyo fagaarayaashii dhalinyaradu ku haasaawi jirtay oo laga wada fiigay, iyo is aaminaadii dhalinyarada oo wiiqantay. 5. Wada shaqayntii bulshada iyo dawladda oo fara ka baxday iyo laamihii cadaalada oo laga aamin baxay, nin walibana uu qorigiisa cadaalad biday! 6. Suuqyadii shaqada oo aad looga dareemay kala irdhawga bulshada walaalahaa iyo in raggii ganacsatada ahaa goobihii shaqada ka fiigeen, sidoo kale shaqaalihii hay’adaha, dawladda ama shirkadaha oo naftoodii ku aamini waayay in ay xafiiskooda shaqo si joogta ah u xaadiraan. Arintaan waxa ay aad u saamaysay nolosha iyo dhaq-dhaqaalaha bulshada. Gafafka magaca qabiilka lagu gaystay Dad yar oo wax magarato una badan, ahna jiri balwadda daroogada ay had iyo jeer ku hagoogaan ay maankooda gaday ayaa haldoorkii bulshada Magaalada Gaalkacyo ugaarsanaya iyaga oo keliya dembi uga dhigaya inuu reer Hebal yahay, taa micneheedu waxa weeye haldoorka iyo labeenta bulshada reer Gaalkacyo waxaa lagu laynayaa maxaa eeer Hebel Ilaahay kaaga dhaliyay! Taasoo baal marsan Shareecadda Islaamka iyo Qawaaniinta ama Xeerarka inoo degsan. Jirridu (Maafiyada qabiilka wax u layso) waxay caadaysteen ku xadgudubka Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka sida soo socota: 1. Aayadaha 92-93 ee Suuratu Al-Nisaa oo xarimaya dilka xaqdaradaa ee la caadaystay, sidoo kale ka digaya cirib danbeedka iyo waxyaabaha ka dhasha dilka camdigaa. 2. Aayadda 18aad ee Suuratu Al-Fadhir oo ina faraysa in aan qofna qofka kale dembigiisa xambaarayn oo uu qof walba ka masuul yahay wuxuu gaystay, dembi uu qof gaystay looma ciqaabi karo qof kale aduun. Qabiilku xaqiiqatan aayadaan kama dhaadhacsana oo wuxuu aaminsanyaha masuuliyad wadareed (Collective Liability) ayna kaga fal celiyaan ciqaab wadareed (Collective Punishment). Xeerka qabiilku cadaalad kuma dhisna ee ilaalinta maslaxadda qabiilka ayuu xoogga saaraa, oday dhaqameedyada ama kaabe qabiiladu ma ilaaliyaan sharciga iyo cadaaladda ee waxa keliya ay ilaaliyaan waa kala dambaynta (Order). 3. Jabinta ama ku xadgudubka Dastuurka Puntland qodobkiisa 18aad oo damaanad qaadaya xaqa nolisha, nabadgelyada iyo bad qabka jirkiiska, sidoo kale wuxuu mamnuucayaa dilka marka laga reebo fulinta xukun maxkamadeed oo keliya. 4. Waxaa la caadaystay dilka qof bari’ (innocent) ah oo hadana qofkii falkaa gaystay qabiil looga haray oo aan cadaaladda la marsiin, waana dembi wayn oo dembiilaha jisadiisu noqonayso in tiirka la geeyo sida ku cad qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (1962). 5. Waxaa kale oo lagu xadgudbay qodobo kale oo badan oo ay ka mid yihiin qodobada 440, 441 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo IWM. Talo soo jeedin Marka koobaad waa masuuliyad wadareed u taala dawladda, aqoonyahaka, oday dhaqameedka, culimadda iyo dhalinyaradda in ay u istaagaan joojinta dhiiga macna la’aanta ku daadanaya iskana qabtaan maafiyada beelaha walaalahaa madaxa isku galinaysa iyo cidkasta oo qayb ka ah hurinta colaadaan. Waxa aan talo ahaan u soo jeedin lahaa in si degdeg ah loo hirgeliyo qodobadaan soo socda: 1. In Madaxwaynaha Puntland uu Gaalkacyo tago oo uu iskugu yeero beelaha walaalahaa ee colaaddu ka dhaxayso garwadeenna uu ka noqdo nabadayn iyo sulux ka dhex dhaca beelahaas ood wadaagaa, sidoo kale uu ku adkeeyo oday dhaqameedka beelahaas in colaadda si degdeg ah loo soo afjaro oo ay beeluhu heshiis rasmi ah wada gaaraan. Madaxwayne waa waajib ku saaran in aad samayso wax kasta oo aad ku soo afjari karto colaadda Gaalkacyo. Madaxwaynaha Puntland waxaan mar labaad cod dheer ugu baaqayaa in uu Gaalkacyo tago oo uu wax ka qabto xaaladaan soo noqnoqotay cadaadisna uu saaro oday dhaqameedka beelaha dirirtu ka dhaxayso maadaama ay ku fashilmeen soo afjaridda colaaddaas, isaga oo dabaqaya hannaanka suluxa ee ku xusan qodobka 108aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. 2. In oday dhaqameedka Puntland gaar ahaan kuwa gobalka Mudug ay ku midoobaan xilinta colaadda sii fidaysa ee marba marka ka dambaysa ka sii daraysa, nabadgelyadii gobolka oo dhana saamaysay. Waa in ay hoggaan dhaqameedka beelahaasi ku dhiiradaan sidii nabad waarta loo gaari lahaa, heshiis iyo is fahan sulux ku dhisanna loo wada gaaro sida uu farayo ama ku xusan qodabka 108aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. 3. Waa in jirrida/maafiyada dadka aan waxba galabsan kibirka ku laynaysa la soo afjaraa oo go’aan kama dambays ah laga gaaraa iskumeelna looga soo wada jeensadaa. Xalka ugu fiicanna waa in tiirka la geeyaa oo la eedsiiyaa qudhii madluumka ahayd ee uu kibirka ku gooyay, sidaas ayay diinta Islaamku xalka waara u aragtaa waana sababta loo yiri qisaasta nolol baa idiin ku jirta sida Allah SWT ku yiri Suuratu Al-Baqra Aayadda 179. 4. In ay dhalinyarada gobolku dulmiga ka dhiidhiyaan, kuna dhiiradaan sidii ay colaadda qabiilada banaanka uga istaagi lahaayeen oo ay sharciga u hiiliyaan, sidoo kale in ay calanka cad u qaataan sidii ay colaadda gobolka u soo afmeeri lahaayeen iyaga oo sulux iyo dib-u-heshiisiin u maraya, in aysan mar dambe soo noqon ku dadaalaya. 5. Dawladdu waxa ay leedaha awooda muquuninta sharciyeysan (Coercive Legitimate Power), waa in ay adeegsataa oo ku dadaashaa in sharciga loo hogaansamo ku dhaqanka sharcigana kor loo qaadaa (Rule of Law). Sidoo kale dawladdu waa in ay ka hortagtaa ficilada noocaan oo kalaa ee dhaawacaya amniga iyo nabadgelyada guud. Ugu dambayn waxaan leeyahay war toloow colka jooji. Mudane Madaxwayne xaaladda Gaalkacyo hoos u eeg. Wabilaahi Tawfiiq W/Q: Qareen Cabdiqani Sh. Jaamac Maxamuud (Cirguje), Jooga Garowe Cirguje4545@gmail.com The post Baaq ku socda Madaxwayne Deni oo la xiriira xaaladda Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay dagaalkii xooganaa ee xalay xaafadda Kaawo Godey ee dgemada Dharkenley ku dhex-maray Janeraal Sheegow iyo ciidamada ammaanka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu bilowday, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada xasilinta oo howlgal ku jiray kuwa janeraalka oo uu ku tilmaamay maleeshiyaad. “Ciidanka oo howlgal ku jiray oo shaqo maalmeedkooda wada xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley waxa ay la kulmeen burcad maleeshiyaad ah oo soo weeraray ciidanka, iskuna dayay inay khalkhal-geliyaan” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Ciidankii oo iska caabiyay ayaa dagaalkii sidaas ku billowday oo xaafad dhexdeeda ah, kaas oo sagaalkii subaxnimo ee saaka lasoo afjaray”. Ugu yaraan 3 askari ayaa ku dhintay dagaalkan oo laba kamid ah ay ahaayeen ciidanka Sheegow, halka midka kale uu ahaa Boolis, waxaana sidoo kale ciidanka amniga ka dhaawacmay 4 kale, mana jiro khasaare soo gaaray rayidka, sida uu xaqiijiyay afhayeenka. Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in Sheegow uusan hadda ka tirsaneyn ciidamada dowladda, balse uu ahaa sarkaal hore, wuxuuna ku eedeeyay inuu gabaad siin jiray burcadda. “Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, laakiin maanta aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii iyo xasiloonidii uu khalkhal u geliyo” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Afhayeenka ayaa xusay in haatan gacanta lagu soo dhigay Sheegow iyo 25 askari oo kale, kuwaas oo todobo kamid ah ay dhaawacyo yihiin. “Guud ahaan maxaabiista la haayo waa 25 qof oo todobo ay dhaawac tahay, isagii eedeysane Sheegow iyo 17 kale” ayuu yiri afhayeenka boolisku. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in guriga ninkan laga soo qabtay lacagta madow ee sharci darrada ah, isla-markaana lagu horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo. “Marka gacanta lagu soo dhigay waxaa sidoo kale gurigiisa loogu tegay lacagta madow ee la dhaqo ee iyaduna lid ku ah sharciga” ayuu kusii daray afhayeenku. The post Daawo: Booliska oo war xasaasi ah kasoo saaray dagaalkii lagu soo qabtay Sheegow appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka dowladda federaalka gaar ahaan kuwa Booliska Milataaro iyo kuwa ka tirsan NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Generaal Sheegow Axmed Cali, kaddib dagaal ilaa xalay ka socday degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo goordhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay gabashada Generaal Sheegow iyo 18 ka mid ah ciidamadii uu hoggaaminayay. Doodishe ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo askri oo ka tirsan ciidamadii taageersanaa Sheegow, sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 askri oo hadda lagu dabiibayo isbitaaladda Muqdisho. Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in Sheegow ahaa Kabtan hore uga tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse markii dambe laga ruqseeyay. PUNTLAND POST The post Gen. Sheegow oo la qabtay iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.
-
Colombus (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo uu wiil Soomaali ah habeenimadii Khamiista ka geystay dalka Mareykanka, Dhacdadan oo si gaar ah uga dhacday magaalada Colombus ee gobolka Ohio ayaa timid, kadib markii wiil Soomaali ah uu dilay gabar kale oo Soomaali oo uu xiriirkala dhexeyay, kadibna uu isagu is dilay, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaaladaasi. Ninka dilka geystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Dirir, wuxuuna ahaa 23 sano jir, halka gabadha lagu magacaabi jiray Aasiyo Muuse oo iyana aheyd 22 sano jir. Booliska oo soo saaray warbixin la xiriirta falkaas ayaa sheegay in Cali Diriri uu xabad ku dhuftay Aasiya Muuse, kadibna uu isagu is toogtay, waxaana markii hore soo gaaray dhaawacyo, balse gabadha ayaa geeriyootay intii loo waday isbitaalka, kadibna wiilka ayaa isna saacado ka dambeeyay, isaga oo ku dhintay isbitaalkii la geeyay. Sidoo kale booliska oo maydadaka hayey muddo dheer ayaa haatan u fasaxay ehellada si loo aaso gabadha iyo wiilka. Wararka ayaa intaasi ku daray in Cali Dirir iyo Aasiyo Muuse uu xiriir ka dhexeeyay, balse uu ka shakiyay, kadibna uu sidaas ku khaarijiyay. Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in labadooda ay ku ballansanaayeen guur lix bilood kadib, balse uu soo kala dhex-galay khilaafk ugu dambeyb sabay geeridooda. Si kastaba, falkan ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Colombus ee gobolka Ohio, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal heyn xoogan. The post Wiil Soomaali ah oo toogtay gabar xiriir kala dhaxeeyay kadibna is-dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Nin dilay xaaskiisa oo macalin ahayd iyadoo wiil ay dhaleen uu qeybta kore ee guriga hurday ayaa lagu xukumay xabsi daa’in. Conrad Iyayi ayaa hore u qirtay dilka Kathryn Harris, oo 52 jir ah 46-jirkan ayaa Ms Harris toddobo jeer xabadka xabad kaga dhuftay gurigooda dhexdiisa oo ku yaalla Oak Crescent, Littleover, Derby ee dalka UK, saacadihii hore ee 6-dii Febraayo ee sannadkii hore. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro ayaa goordhow gacanta ku dhigay Jeneraal Sheegow oo ah sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya, kaas oo xalay ciidamada xasilinta caasimada oo kaashanaya kuwa Booliska Soomaaliyeed kula dagaalamay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley. Dagaalka oo soo billowday abaare 9:00 habeenimo ee xalay ayaa soo gaaray illaa saaka, waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen Jeneraalka yo ciidmo uu watay oo gaaraya 25 askari, waxaana soo dhamaaday dagaalka. Booliska ayaa sidoo kale la wareegay goobta lagu dagaalamay, waxaana haatan gaaray saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Saraakiisha amniga ee dowladda ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrinta sarkaalkan iyo dagaalkii xooganaa ee xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho. Iska hor imaadkan ayaa sidoo kale sababay barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, kadib markii uu sameeyay dagaalka culus ee ka dhacay halkaasi. Sida ay ogaatay Shabakadda Wararka Caasimada Online, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Boolis Milataaro ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato sarkaalkan ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka. Sida aan xogta ku helnay ciidamada xasilinta ayaa soo xiray laba kamid ah ciidamada taabacsan sarkaalkaasi, ayaga oo lagu eedeynayo inay dhac geysteen, taas oo la sheegay inay dhalisay dagaalka qarxay. Dagaalkan ayaa noqday kii ugu xooganaa ee dhex mara ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda marka loo eego dagaallada sanadihii u dambeeyay ka dhacay Muqdisho. The post DEG DEG: Jeneraal Sheegow oo lasoo qabtay kadib dagaal ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Friday named Abdihakim Yusuf as new Chief of Staff. Source: Hiiraan Online
