Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Eelaay oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo Koonfur Galbeed ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi gaar ahaan go’aanada kasoo baxay mucaaradka ku shiray magaalada Nairobi. Aamina Eelaay ayaa marka hore ka falcelisay war-murtiyeedka xubnaha mucaaradka ay kasoo saareen dagaalka Al-Shabaab iyo doorashada Koonfur Galbeed, ayada oo wax laga xumaado ku tilmaamtay inay hadda ku dhawaaqaan in dib loo dhigo dagaalka Shabaab. “Haddii ay dheheen walaaladey Shabaab lala ma dagaali karo, ayada oo madaxweyne la dooran taas waxaa waayay iyagana uma fiicna, anigana aad ayaan uga xumahay inuu eraygaas kasoo yeero” ayay tiri Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal (Aamina Eelaay). Sidoo kale waxa ay ugu baaqday siyaasiyiinta mucaaradka inay doorkooda qaataan, una soo jeesteen xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed, si looga saaro Al-Shabaab. “Madaxweynayaal haddii ay rabaan inay waddanka ka noqdaan ama South Westa ka noqdaan ama halkan, waxaana ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan la dagaallanka Khawaarijta” ayay mar kale tiri Xildhibaan Aamina Eelaay. Waxaa kale oo ay intaasi raacisay “Ninka hadeer maqaayad Nairobi ku taalla shir jaraa’id ku qabtay uu leeyahay Khawaarijta waxaa ka horreeya inaan madaxweyne noqdo walaalow macaanow waxaan ku leeyahay hoos usoo yare dagoo kaalay tuutahaaga soo gasho”. Dhanka kale, Xildhibaan Aamina Eelaay oo hadalkeeda sii wadata ayaa si weyn u difaacday madaxweyne Laftagareen, iyada oo sheegtay inuu wax badan ka qabtay Koonfur Galbeed. “Annaga haddii aan nahay gabadhihii kasoo jeeday South-Weste waxaan madaxweynaha u bixinay Dalnuurshe. Baydhaba wuxuu ka dhigay magaallo aad iyo qurxoon, Baydhaba laamiyo ayaa laga dhisay, Baydhaba madaxtooyo caalami ah oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhahay madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay ka qurxoon tahay tan Muqdisho marka waa inaad usoo daawasho tegtaan Baydhaba” ayay mar kale tiri Aamina. Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo siyaasadeed, mana muuqdo u diyar garow doorasho, waxaana intaas usii dheer dagaalka lagula jiro Shabaab. The post Daawo: Aamina Eelaay oo weerar culus ku qaaday mucaaradka Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dalab muhiim ah oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab u diray beesha caalamka. Aadan Madoobe oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 74-aad ee Maalinta Qaranka Shiinaha ayaa waxa uu caalamka ka dalbaday in dowladda Soomaaliya lagu garabsiiyo dagaalka Al-Shabaab, si loo gaaro hadafka laga leeyahay gulufka socda. “Dalka Soomaaliya sida ogtihiin waxaa ka socda dagaalka argagixisada, dalka madaxweynihiisi Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu fadhiya furinta dagaalka sidii taliye ciidan, waxa socda waa dagaal argagixiso,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe. “Dowladaha waaweyn ee caalamka waxay Soomaaliya uga baahanahay in gacan weyn laga geysto arrintaas, oo ay xoojiyaan taageerada ay dalkeena siiyaan si aan dalkeena uga ciribtirno Khawaariijta.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya maanta aysan waxba uga muhiimsaneyn dib usoo celinta amnigeeda iyo cirib-tirka kooxaha argagixisada, “Qaranka hadduu mar dumo dhisitaankiisa wuxuu qaadanayaa muddo aad u dheer.” “Runtii dadaal badan ayaa nalala sameeyay laakiin weli dhameystir ayay u baahan tahay, dowladaha waaweyn waxaa ka rajeynaynaa inay sii xoojiso taageerada dagaalka Khawaarijta, oo ay kamid tahay dowladda aan maanta xafladeeda joogno iyo kuwa kale ee jooga.” Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa si dardar leh uga socda gobollada dalka, ayada oo saaxiibada caalamka ay inta badan Soomaaliya ku taageeraan howl-gallada dhaka cirka, kuwaasi oo lagu beegsado dagaal-yahaanada kooxda. Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Daawo A/Madoobe: Madaxweynihii sidii taliye ciidan uu furinta jooga waa in caalamka uu… appeared first on Caasimada Online.
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu burburiyay ciidamadii Eritrea kusoo qaatay tababarka adag ee ku maqnaa sanadaha. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan wax istaraatiijiyad ah ka laheyn dagaalka socda ee Al-Shabaab ka dhanka ah, maadaama ay burburisay ciidankii Eritrea lagu soo tababaray. Ciidankaas ayui sheegay in ay ku filnaayeen inay kooxda Al-Shabaab soo afjaraan, maadaama ay soo qaateen tababar aad u adag, balse taasi bedelkeeda fadhiid iska xareysan ka dhigtay dowladda Xasan Sheekh. “Waad garan kartaa ciidan fara badan oo tababaran oo dhallinyaro u badan, oo xaalad kasta iyo cimilo kaste lagu tababaray oo shan kun gaaraya ayaa Eritrea laga keenay. Shantaas kun ayaa Shabaab ka adkaa, haddii si fiican loo maamulo,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. Sidoo kale waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay dayacday ciidankeeda, isagoo tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay maalin kasta meel cidlo ah laynayaan ciidanka dowladda. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa iyaga ayaa masuul ka ah istaraatiijiyad la’aanta lagu laynayo ciidanka dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka. Dhinaca kale, wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasi ah aysan Puntland lasoo wadaagin xogaha Al-Shabaab, xilli dalka uu ka socdo dagaal dhanka ah. “Puntland waxay halis ugu jirtaa Shabaab-ka ka baxsanaya howl-gallada ka socda gobollada dhexe in ay deegaanadooda kusoo dhuuntaan,” ayuu tilmaamay wasiirka oo muujiyay walaac la xiriira hanaanka dowladda ku waddo dagaalka iyo xog isdhaafsi la’aanta laamaha amniga. Waxa uuna sheegay in ka maamul ahaan ka warqabaan in saraakiil baxsaday oo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin, kuwaasi oo ka firxaday gulufka culus ee ka socda gobollada dhexe ee dalka. Arrintaan ayaa imaneysa, xilli dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab loo qorsheeyey waqti kooban, si Koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka. The post Puntland oo Xasan u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta ciidankii Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  4. Minneapolis (HOL) — The Ogaden National Liberation Front (ONLF) believes that self-determination and independence for the Somali region are within reach, according to its spokesperson, Addani Hirmooge. In a recent interview with Somali TV of Minnesota, Hirmooge discussed the organization's journey, current status, and other issues. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi, September 14, 2023—The Committee to Protect Journalists on Thursday called on Somali authorities to credibly investigate an incident in which security personnel shot at Radio Baraawe and to create safe conditions for its journalists to return to work. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) — Puntland's Minister of Information, Eng. Mohamud Aydid Dirir, accused the Somali federal government on Thursday of lacking a strategic plan in its fight against the extremist group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa ku booriyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka in meelna looga harin kooxda Al-Shabaab. “Shabaab hadduu qolo cadow ku yahay horta waa idinka, markaa waxaan rabnaa geedkasta oo Shabaab galo in aan ka daba galno oo ka bixino, cidkasta oo dileysana aan la dilno,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay haddii loo midoobi waayo dagaalka Al-Shabaab uu culeyska gulufka socda uu qolo gaar ah ku kaliyeysanayo, “Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Xoogga waa in dadka Soomaaliyeed dagaalka u mideeyaan.” “Dhinacaan Abgaal ayaa jira horteena Murusade, dhinacaasna Habargidir ayaa jirta, Abgaal-na dildiloonkii wuu iska joojiyi xawli uu markaan ku socdaa ee Habargidir gaadgaadka ha iska dhaafto, Murusade-na waa curadkii Mogadishu Clan dadka waa inuu waranka ku horqaado,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe. Waxa uu intaas kusii daray “Haddii aan deegaanadaan xor noqon anagana xor ma ahaan karno oo hal habeen nabad kuma seexan karno. Waxaa rabnaa in geedkii uu galaba aan Shabaab uga daba-galno cidkasta oo dileysana aan la dilno.” Sanbaloolshe ayaa sheegay in Shabaab dhibaato badan ku hayeen bulshada Soomaaliyeed, ayna tahay in la iska xoreeyo, lana iska dulqaado adoonsiga kooxda oo laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna. “Adduunka waxaa lagu dagaalama xoriyadda, horta qof isagoo xor ah adoon noqda miyaa idinku jira? MAYA!. Waxa Shabaab meesha ku haysay sow adoonsi ma aheyn, nimankaas yeysan idinku soo noqon oo kaligeen ma xoreysnaan kartaan ee meel kasta oo Soomaaliya gumeysi ku jirta in aad xoreysaan ayaa la idinka rabaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka socda uusan aheyn qandaraas koox gaar ah leedahay, balse uu yahay mid dalka looga xoreynayo cadowga hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed, ee gumaadka ku haya. The post Daawo Sanbaloolshe: Dagaalka bari kasoo xawila oo galbeed u xawila, Murusade-na… appeared first on Caasimada Online.
  8. Hargeysa(Qaran news)- Col. Siciid Caare ayaa sheegay in beesha Garxajus aan looga fadhiyin jabhadeyn, wuxuuna ku baaqay in dhalunyarada saaran buurta Gacan Libaax ay ka soo degaan. Col Caare oo ka hadlayey xaflad lagu caleemo saarayay suldaan cusub, ayaa sheegay in beesha Gaxajis aanay aqoonin baryada. Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland oo ay cod uga marti yihiin ay sooryeyn doonto am ka seexan doonto. Wuxuu waxgaradka West Burco Clan u soo jeediyay inay midoobaan, isla markaana gobolka Awdal iyo gobol kasta oo reer Somaliland ah ay codka weydiistaan. Sidoo kale Col Caare wuxuu Madaxweynaha Somaliland ku booriyay inuu sanduuqa dhulka dhigo oo la qabto doorashooyinka. Waxana uu xoogaa saaray in nabad iyo midnimo Somaliland ah wax lagu doono Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqeymaha dhanka cirka ee inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka ayaa kaalin mug leh ka qaata howl-galka socda. Duqeymaha dhinaca cirka ayaa 15 sano ee lasoo dhaafay waxay Mareykanka la beegsanayeen hoggaanka iyo xubnaha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab. Xubnihii ugu caansanaa ee duqeymahaas lagu dilay waxaa kamid ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane. Sidoo kale waxaa lagu dilay duqeymahaasi Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa taliye sare oo Al-Shabaab ah, tan iyo waagaasi waxaa dhacayay weeraro hadba xubno ka tirsan kooxda lala beegsanaayay. Sidoo kale duqeymahani waxay hadda gacan ka geysanayaa dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galgaduud iyo HirShabeelle. Haddaba, muhiimad intee le’eg ayay kaalmada dhinaca weerarada cirka ah ee dowladda federaalka hesho u leedahay dagaalka Al-Shabaab? Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo la hadlay VOA ayaa sheegay in taageerada saaxiibada caalamiga ah ee dhanka hawada ay saameyn ballaaran ku leeyihiin dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah. Cabdullaahi oo hadda ah La-taliyaha sare madaxweynaha ee arrimaha la-dagaalanka iyo ka hortaga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaal-yahaanada kooxda ay ka cabsadaan weerarada dhanka cirka ah, ayna awood u laheyn inay iska caabiyaan weerarada dhanka cirka ah oo iyagu qeyb ka ah howl-gallada ay wadaan ciidamada huwanta. “Taageerada saaxiibada Soomaaliya ee dhanka hawada waxay ku leeyihiin saameyn aad ballaaran, marka aad fiiriiso kooxaha argagixisada dagaalada ay galaan waa noocyada ay ugu neceb yihiin dagaalka hawada,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur. “Marka aad fiiriso taariikhda waxaan xogagaal u nahay madax soo martay hoggaanka sare ee kooxda waxaa lagu bartilmaameedsaday duqeymo cirka ah oo iska kaashadeen saaxiibada Soomaaliya iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in kooxda cabsi badan ka qabto inay wajahaan duqeymaha cirka, ayna tahay halka ay weli ka jilicsan yihiin howl-gallada cirka ah oo aysan u babac dhigi karin. “Baqdin aad u fara badan ayay ka qabaan, waxay ugu neceb yihiin ayna kari karina inay iska caabiyaan kaalmada cirka ah ee Soomaaliya ka hesho saaxiibada caalamka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya. The post Saameynta duqeymaha cirka ee dagaalka Al-Shabaab iyo ‘kaalintooda howlgalka’ appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah usoo gabagabeysay dhageysiga dacwad masuq-maasuq oo loo haystay afar sarkaal ooka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Afarta mas’uul oo ay dhageysigeedu maxkamadda ka yeelatay sideed fadhi ayaa kala ah 1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 2-Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 3-Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 4-Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) oo fadhigii maanta soo xiray ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan maxkamaddu soo saari doonto xukunka kama dambeysta ah, isla-markaana si toos ah loogala socon hoolka maxkamadda. “Garmaqalkan oo ahaa kii sideedaad ee ay maxkamadda u fariisato inta uu socday kiiskan, halkaas ayay maxkamadda kusoo gabagabeyneysaam sidaas darteed galkan maxkamaddu go’aan ayay u dirtay, dhawaan ayuuna soo bixi doonaan” ayuu yiri Guddoomiye Dabaan. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhinacyada waa lasoo wargeli doonaa maalinta lagu dhawaaqaayo hoolkan ayaana si Public ah ayay maxkamadda uga dhawaaqi doontaa”. Dacwaddan oo si aad loola socdo waxaa Maxkamadda Gobolka Banaaditr usoo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka oo raggan kusoo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne. The post Maxkamadda gobolka oo soo xirtay dacwad loo haysto 4 ma’suul appeared first on Caasimada Online.
  11. Dab Waxyeelo weyn u Geystay Deegaanka Milxo ee Dahabka laga Qodo Laas-qoray(Qaran)-Dab xoogan oo gaystay khasaare hantiyeed oo kala duwan ayaa ka kacay degaanka Milxo oo hoostaga degmada Laasqoray ee gobolka Badhan. Degaankan Milxo oo dhaca bariga degmada Qadiimiga ah ee Laas-qoray ayaa caan ku ah qodista Dahabka iyo Macdanta isla markaana ay ka shaqaystaan dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib. Guddoomiyaha Degmada Laas-Qoray Cabdiraxmaan Suug ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad uga xun yihiin bulshadii hantidooda ku weyday dabkii degaankaasi ka kacay, waxaanu bulshada ka codsaday in garab istaag loo muujiyo dadkii ku hantida beelay dabkaasi. Ilaa hadda sirasmiya looma oga sababta keentay dabka khasaaraha hantiyeed dhaliyay ee ka kacay deganaka Milxo. Qaran News
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudaen Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Labada mas’uul ayaa wadahadallo ku yeeshay qarsiga madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo iska xog wareystay arrimo muhiim ah. Sida ay shaaciyay madaxtooyada Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa daniire Mike Nithavrianakis kala hadlay arrintii lagu eedeeyay ee ku aadaneyd inuu ka gaabiyay dagaalka Shabaab, taas oo ay dhowaan sidaas shaaciyeen xubnaha mucaaradka ku ah. Laftagareen ayaa dowladda UK waydiistay taageero ku aadan dagaalka Al-Shabaab, maadaama maamulkiisa uu isku diyaarinayo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab. “Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayaa lagu qoraalka K/Galbeed. Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankooda ku soo qaaday wax ka qabashada abaaraha iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda ay UK ka waddo deeganada Koonfur Galbeed. Baydhaba ayaa kamid ah meelaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha ugu badan ee kasoo hayaamay deegaanadooda, waxaa magaalada ku yaal xeryo ay dagan yihiin qoysas badan. Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada Soomaaliya, taas oo isugu jirto taageerada ciidanka iyo mashaariicyo kala duwan oo lagu taageero shacabka. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, maalmo uun kadib markii Nairobi lagu soo xiray shir ay yeesheen mucaaradka Koonfur Galbeed oo si weyn loogu dhalilay Laftagareen, iayaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrinta doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirro: Laftagareen oo ka hadlay arrintii lagu eedeeyay appeared first on Caasimada Online.
  13. WADDANI oo soo Bandhigay Lacagta ku baxday dib u dhiska Khayriyada Hargeysa oo Madaxtooyadu dib u Dumisay Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa soo bandhigay dhaqaalaha ku baxay dib u dhiska Xarunta Khayriyada Hargeysa oo xukuumaddu xalay dib u dumisay qayb ka mid ah. Xoghayuhu wuxuu sidaas ku shèegay qoraal uu ku baahiyay Facebookgiisa waxaanu u qornaa sidan:- “Mashruuca dib u dhiska Fagaaraha Khayriyada Hargeysa waxa ku baxay ($222,153) Maalintii danta laga lahaa Mashruucaa lama marin jid Sharci waxa la siiyay Shirkado aan ku tartamin, wejigii hore waxa lagu bixiyay ($132,784) waxaana la saxeexay (20-12-2020). Madaxtooyada Somaliland waxay heshiiska la gashay Shirkadda dib u dhisaysa Diyaarada ee Zak Construction (30-11-2020) muddada qandaraasku wuxuu ahaa 3 bilood (29-JUN 2021). Mar labaad waxa lagu kordhiyey kharshka dhismaha qiime lacageed ($89,369). Maanta waa la dumiyay oo wejahadda waxa looga rarayaa Taajir aan ku helin Tartan iyo Jid Sharci oo Daahfuran, 10 goobood way ka badan yihiin Danta Guud ee Dabka saarani ! Hargeysi ha toosto ?.” Qaran News
  14. Imtixaankii Shahaadiga ah ee Dugsiyada Somaliland oo la Shaaciyay Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaaa shaaciyey imtixaankiir shahaadiga ee dugsiyada sare iyo kuwo dhexe ee dalka oo dhan. Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanka Qaranka JSL, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in tiradda ardayda u fadhiisatay dugsiyada hoose dhexe ay dhan yihiin labatan kun sagaal boqol iyo konton arday, halka 177 ardayna aanay imtixaanka galin oo ay ka habsaameen, waxa gudbay 19,441 arday, waxa dhacay 1,332 arday. Dugsiyadda sarre waxa imtixaanka u fadhiistay 14,039 arday, waxa uu xusay in aanay imtixaanka gelin 108 arday, waxa gudbay 13,574, waxa dhacay 357 arday. Guud ahaan waxa labada fasal ee dugsiga sare iyo kuwo dhexe ka dhacay tiro dhan 1,689 arday. Sidoo kale, waxa lagu dhawaaqay tobankii dugsi ee ugu sarreeyay dugsiyada sarre iyo tobankii kuwa hoose dhexe ugu sarreeyay. Qaran News
  15. Guddida iswaafajinta Doorashooyinka oo la Komishanka Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL ayaa Fadhigoodii 15-aad waxa ay maanta xarunta Golaha kula kulmeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL. Fadhigani oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi intii uu socday waxa ay KDQ oo ay weheliyaan La-taliyayaashiisa Sharci soo jeediyeen dhammaan caqabadaha iyo gal daloolooyinka ku jira Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururrada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011 iyagoona sidii loo sixi lahaa ay gudida u soo gudbiyeen. Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo ku xisaabtamaya wakhtiga ay haystaan ayaa sii wadi doona kulamadani labbada galinba ay la qaadanayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha Siyaasadda. Qaran News
  16. PRESS RELEASE Korea and Africa rally additional finance and technology for universal energy access and to make Africa world’s breadbasket The Korea Trust Fund and the $600 million Korea-Africa Energy Investment Framework will support African countries in strengthening human capacity and developing their energy BUSAN, Republic of Korea, September 13, 2023/ -(Qaran news- The 7th Korea-Africa Economic Cooperation (KOAFEC) Ministerial Conference opened in Korea’s second-largest city, Busan, on Wednesday with a strong call for additional resources to help African countries achieve universal access to energy and transform the continent into the breadbasket of the world. The conference is taking place at a time when Africa is facing a plethora of challenges. Nearly 600 million people on the continent have no access to electricity. In addition, despite rapid growth across the continent, hunger is still pervasive in some countries, affecting some 283 million people. The Russia-Ukraine war has exacerbated this figure. So also has the lingering effects of the Covid-19 pandemic and climate change. This is why Korea and African nations, under the aegis of KOAFEC, have agreed to deepen their cooperation with much more emphasis on mutually beneficial investment. The African Development Bank Group and the Ministry of Economy and Finance of the Republic of Korea are co-hosting the three-day conference under the theme “Embracing a Sustainable Future: Just Energy Transition and Agricultural Transformation in Africa.” This embraces these two critical development priorities for Africa. Korea’s Deputy Prime Minister and Minister of Economy and Finance, Kyungho Choo, underlined the crucial role that Korea and Africa must play. He highlighted Korea’s strength in high-tech industry and innovative technology. He also pointed to the great many opportunities that Africa offered as the world’s future market and industrial base with a vibrant young population. “Together, our two worlds can become the most solid rock of solidarity,” he told the meeting, stressing the need for Africa and Korea to strengthen cooperation. In his opening remarks, African Development Bank Group President Akinwumi Adesina urged delegates to seize the conference as a critical opportunity to galvanise support for several objectives: achieving universal energy access in Africa, advancing a just energy transition and transforming the African continent into the breadbasket of the world. “Doing so will require additional resources,” Adesina said. He said the anticipated reallocation of the International Monetary Fund Special Drawing Rights (SDRs) to the African Development Bank was the key to attracting additional resources to develop Africa. The African Development Bank chief urged Korea to join other countries that have expressed strong interest in reallocating SDRs to the African Development Bank Group. “This will be a game changer for Africa’s development,” Adesina declared. Choo summarised Korea’s priority areas for support to Africa as “ABC”—agriculture, bio-health, and climate change, as well as energy transition. He said Korea also planned to significantly increase its official development assistance. Choo said that in cooperation with the African Development Bank, Korea supported energy projects for Africa’s sustainable development. “We are also working to support Africa’s growth as outlined in the African Development Bank’s High 5s development priorities,” Choo said. “As a true partner, Korea will continue to support Africa’s development,” he said. Adesina described the KOAFEC conference as a good opportunity to discuss progress on relations between Korea and Africa, development challenges and opportunities in Africa, and a chance for all parties to continue to work together to accelerate the growth and development of Africa. “Africa must be a solution to feeding the world, as it has 65% of the uncultivated arable land left in the world,” he told delegates, adding: “What Africa does with agriculture will therefore determine the future of food in the world.” Adesina commended the Korean government for its K-Rice Belt initiative, which will support eight African countries in producing 30 million tons of rice. The initiative aligns with the African Development Bank’s Feed Africa strategy and the outcome of Dakar 2 Food Summit early this year. The Bank is intent on Africa achieving food self-sufficiency within five years. The K-Rice belt project also has parallels with the African Development Bank’s flagship Technologies for African Agricultural Transformation (TAAT) programme. The TAAT Rice Compact continues to collaborate with the Korea-Africa Food and Agriculture Cooperation Initiative (KAFACI) through AfricaRice. TAAT supports KAFACI’s network of 13 African countries through workshops, joint planning, and regular interaction. The African Development Bank has launched a $650 million rice programme to support 15 African countries in their quest to produce 53 million tons of rice by 2025. “This presents an excellent opportunity for Korea to work together with the African Development Bank on a pan-African rice production initiative,” the Bank president said. The African Development Bank is preparing a regional operation to finance the Regional Rice Resilient Value Chains Development (REWARD) programme in West Africa. Through this programme, the Bank will provide $650 million to the 15-member countries of the Economic Community of West African States (ECOWAS). REWARD targets double cropping and yields on 750,000 hectares of irrigated land. One million rice farmers will benefit, and 30% of these farmers are women. The initiative will push total paddy production to 10.5 million tons per year or 53 million tons by the end of the five-year programme in 2028. The African Development Bank is to work closely with K-Rice Belt on this programme. Korea has been a strong and consistent supporter of the African Development Bank Group. The country strongly supported the Bank’s general capital increase in 2019. Korea also pledged $105 million to the 16th replenishment of the African Development Fund; the highest amount ever pledged to the Fund. The Korea Trust Fund and the $600 million Korea-Africa Energy Investment Framework will support African countries in strengthening human capacity and developing their energy sectors. Adesina noted that for African countries to collectively meet the Sustainable Development Goals by 2030, the continent required an investment of $2.3 trillion. He highlighted limited access to electricity as a significant hurdle, pointing out that this was a commodity still beyond the reach of nearly 600 million people. He said much progress had been made since the African Development Bank launched its New Deal on Energy for Africa in 2016. He explained that while the percentage of those with access to electricity had since increased from 35% to 56%, there was still much to do. “To achieve universal access to electricity, we must add 90 million people annually by 2030. We must also add 130 million people annually to achieve universal access to clean cooking energy,” Adesina said. He said Africa had enormous renewable energy potential, including 11 terawatts of solar—the highest in the world—of which only one percent was used. Adesina also said the African Development Bank invested heavily in renewable energy, with the share of renewable energy in its power generation portfolio now standing at 87%. The Bank president emphasised, however, that it would be impossible to provide universal access to electricity for Africa relying only on renewables because of their high intermittent and variability, which negatively affected reliability for industrial use. “As we think of Just Energy Transition, Africa must not be denied the opportunity to use its natural gas, which it now has in abundance from new discoveries. Doing so will not add to climate crisis. Rather, it will reduce emissions in Africa,” Adesina said. He told the audience that the African Development Bank was participating in the Just Energy Transition Partnerships in South Africa and Senegal ($2.5 billion) with the European Union, the United States, the United Kingdom, Germany, and France. He explained that the Bank would support the South African Just Energy Partnerships through a $1 billion guarantee facility from the United Kingdom, adding that the institution also supported efforts to develop more bankable projects through its New Partnership for Africa’s Development (NEPAD) Infrastructure Project Preparation Facility and Africa50. The African Development Bank chief concluded: “Africa’s future is bright. And it will be brighter still with a strong partnership with South Korea. Let us accelerate Africa’s growth and development together. Let us succeed together.” Dr. Hwang-yong Kim, Director General of Technology Cooperation Bureau, Korea Rural Developent Administration, indicated there was every reason for confidence that African countries could emulate Korea’s successful development trajectory. He explained that in the 1960s, after the Korean War, the country was one of the poorest nations in the world—Korea even received assistance from some African countries, said earlier Dr Adesina. Kim noted that through its transformative agriculture, Korea has since become one of the largest economies in the world. The 7th KOAFEC Ministerial Conference brings together many important stakeholders in Africa’s development. This includes 33 African finance ministers and African Development Bank executive directors representing African member countries, African ambassadors, heads of pan-African institutions, and various non-governmental organisations, as well as African CEOs and Korean private sector leaders. Qaran News
  17. Gaarirsa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta ciidamada difaaca ee dalkaas ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Ciidanka Kenya ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi, halkaas oo ay u isticmaali jireen sameynta qaraxyada ay ku aasaan waddooyinka isku xira gobollada Waqooyi Bari iyo Laamu ee dalkaasi Kenya. Laamaha amniga Kenya ayaa shaaca ka qaaday in hwolgalkaas lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada weerarka qaaday ee gudaha u galay saldhiggaas ayaa soo furtay agab qaraxyada laga sameeyo, daawooyin iyo qalab kale, sida ay sheegeen saraakiishu. Ilo wareeyada ayaa intaasi ku sii daray in la tuhunsan yahay in goobtan ay eheyd xarunta kaydka saadka Shabaabka ka dagaalama gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Taliska ciidanka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay la soo wadaageen xogtaas, sidoo kalena ay kala shaqeeyeen howlgalka lagu qaabay goobta. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, kuwaas oo u badan qaraxyo khasaare u gaysta ciidanka dalkaas iyo shacabka. Si kastaba, Kenyaayaa qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. The post Ciidanka KENYA oo gudaha u galay saldhig ay lahaayeen Shabaab kadibna dilay… appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday laba wiil dhalinyaro ah oo lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maxkamadeyntooda soo socotay muddo fog. Labada eedeysaney ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye, waxayna ahaayeen saaxibo, sida ay sheegtay maxkamaddu. Baariyow ayay maxkamaddu sheegtay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 10 sanno ah, uuna ku biiray 2012-kii, kadibna uu sii tashkiiliyay saaxibkiis Qoslaaye oo isna Al-Shabaab kamid noqday sanadkii 2020-kii, waxana kadib iskala howlgaleen magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labadooda ay ahaayeen saaxibo isku bartay istcimaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka oo ay wada isticmaalayeen. Sidoo kale maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Xasan iyo Aadan Maxamed ay ahaayeen jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee dilalka iyo weerarada ka dhaca magaalada caasimada ah ee Muqdisho ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha. Maxkamadda Ciidamadada oo labadaan nin kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay xukunno kal duwaan, Axmed Xasan Baariyow ayaa maxkamada ku ridday 15 sano xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed ay ku xukuntay 5 sano oo xabsi Ciidan ah. Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay xukunada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama dalka uu ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda, isla-markaana ay gacanta soo galeen xubno badan, halka kuwa kalena ay isa soo dhiibeen. The post Xukuno adag oo lagu ridday saaxibo basaasiin u ahaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  19. Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka argagixisada looga sifeynayo dalka, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika. Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan ciribtirka argagixisada gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada kooxahan, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan. PUNTLAND POST The post Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo dowladdu la gashay Sacuudiga iyo Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  20. Wasaaradda Daakhiliga oo ka Furtay Hargeysa Tabobarka Nabadda Hargeysa (Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Jaamacada Hargeisa, gaar ahaana Mac-hadka Nabada iyo Lafagurka khilaafka (IPCS) ayaa Tababar ku saabsan dhismaha nabadda, adkaynta Nabadgalyada, xallinta khilaafaadka, sida loo xaliyo isku dhacyada bulshada ugu soo gebagabeeyey magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. qaar ka mid ah Guddiyada Nabadda, Odayaasha Dhaqanka, dhallinyarada, iyo haweenka ayaa Tababarkani ugu socdey mudo 6 Cisho, kaasoo maanta soo dhamaaday. Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqanka, Nabada iyo siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mustafe Ismail Abdi ayaa si wada jir ah u soo xidhay Tababarkan. Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) - Somali military court in Mogadishu handed down a 15-year sentence to two men accused of spying for al-Shabab on Thursday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu. Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa goobjoog ahaa kulankan, waxaana lagu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo warbixino lasoo bandhigay. Golaha ayaa sidoo kale shirkooda maanta ku meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay dowladda Soomaaliya la soo gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika. Intaasi kadib waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab. Sidoo kale golaha ayaa loo soo bandhigay warbixin kale oo la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sudoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halka socda, isaga oo haweenka iyo dhalinyarada ku boggdaaiyay sida ay uga soo muuqdaan abaabulka socda. Ganacsatada ayuu sidoo kale ka dalbaday inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay taageeraan gulufka uu hoggaaminayo madaxweynaha, si looga adkaado Al-Shabaab. Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay illaa iyo hadda guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. The post Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Sacuudiga iyo Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  23. Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo isugu jiro wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dhanka Puntland. Wafdigan oo ah kii ugu ballaarnaa oo tega gudaha Laascaanood ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, waxaana sidoo kale qayb ka ah, xildhibaano ay kamid yihiin Bashiir Ameeriko iyo wasiir hore Xamza Saciid Xamza. Mas’uuliyintaan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gambare kusoo dhaweeyay madax ka tirsan SSC-Khaatumo iyo saraakiil ciidan, kadibna waxaa la geeyay Laascaanood. “Waxaa sharaf innoo ah inaan Laascaanood kusoo dhaweyno ee xarunta gobolka, caasimadda SSC-Khaamtumo wafdi ballaaran oo kasoo kacay caasimada waddanka ee Muqdisho” ayuu yiri mid kamid mas’uuliyiinta deegaanka ee maamulka SSC-Khaatumo. Sidoo kale mas’uulka u hadlay SSC ayaa shaaca ka qaaday in xubnahan ay u tageen Laascaanood inay garab istaagaan shacab iyo hoggaanka maamulkaasi. “Wafdiga wuxuu usoo kicitimay in reer Laascaanood iyo reer SSC inay kala qayb-galaan guulihii waa waynaa ee ay ka gaareen halganka” ayuu sii raaciyay. Dhankiisa wasiirkii hore ee ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid oo u hadlay wafdiga ayaa sheegay inay qiimeyn doonaan xaaladda, ayna taageersan yihiin SSC. “Ujeedka waa taageerida midnimada reer Khaamtumo, runtii waan u hambalyeyneynaa” ayuu isna yiri wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya, Xamza Saciid Xamza. Laascaanood ayaa waxaa muddo ku dagaalamaya SSC-Khaatumo iyo Somaliland, waxaana horay u tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gagaar gaarsiiyay magaaladaasi. The post Wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda DF oo gaaray Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  24. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Ceel-la helay ayaa ka hadlay howlgallada Galgaduud. Wasiirka ayaa sheegay in howlgalladu ay meel wanaagsan marayaan, ciidamaduna ay la waregeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmuudug. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka shacabka ah ee ka barakacay deegaanada la xoreeyay, isaga oo ugu baaqay inay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahooda. Jaamac ayaa sheegay ciidanka Qaranka iyo guud ahaan dowladda inay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka ee ku dhaqan deegaanada la qabtay. Dhanka kale, waxa uu wasiirku boggaadiyay ciidanka dadka deegaanka ee sida buuxda u garab taagan Xoogga dalka oo iyaguna guulo waa weyn ka gaaray dagaalka Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ciidamadu ay ku sii siqayaan deegaano iyo magaalooyin ku yaalla Galmudug. Dagaalkan waxaa hoggaaminaya madaxweyne Xasan Sheekh oo bishii labaad oo xiriir ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana shalay oo u dambeysay uu la shiray saraakiisha ciidanka sida gaarka u tababaran Gorgor, isaga oo kala hadlay dagaalka. Si kastaba, waxaa duulaankan qayb ka ah duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ku taageerayo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi. The post Wasiirka difaaca oo farriin u diray shacabka ka maqan deegaanada la xoreeyay appeared first on Caasimada Online.
  25. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa wacad ku marey inuu taageero bilaa shuruud ah u fidin doono dhammaan go’aanada madaweynaha Ruushka Vladimir Putin, xili ay sare u kacdey walaaca Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka qabaan isu gudbinta hubka. Arrinkan ayaa yimid kadib markii labada hoggaamiye ay kulan ku yeesheen Bariga dalka Ruushka, halkaasi oo Kim uu ku tegay booqasho kadib safar naadir ah oo uu kaga baxay dalkiisa. Source