-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada 7 sarkaal oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo todobaadkaan lagu dilay howlgal ka dhacay aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka dowladda oo dhameystiran: Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta. Hawlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noha kaas oo ay saarnaayeen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah. Horjoogeyaasha la xaqiijiyay in lagu dilay hawlgalkaas ayaa kala ah:- 1. Horjooge Salaad Dheere, oo ahaa horjoogaha ugu dambeeya ee lahaa go’aanka waxa ay ugu yeeraan jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud. 2. Horjooge Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Khawaarijta ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe. 3. Horjooge Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe. 4. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa Horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. 5. Horjooge Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Khawaarij ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel. 6. Horjooge Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Khawaarijta ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha marin habaabinta ah ee Khawaarijta. 7. Horjooge Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ay ugu yeeraan gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Khawaarijta isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, iyada oo horjoogeyaasha Khawaarijta lagu bartilmaameedsanayo goob kasta. The post DF oo soo saartay liiska 7 horjooge oo hal howlgal looga dilay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Energy Investment Village 2023 Finalists Announced 10 Energy Investment Village finalists will showcase their remarkable energy innovations and solutions at this year’s Green Energy Africa Summit JOHANNESBURG, South Africa, September 15, 2023/ — Africa’s boldest and most ambitious cleantech start-ups will take part in the Energy Investment Village (https://apo-opa.info/468SsAw), an exciting deal-pitching event at the Green Energy Africa Summit (https://GreenEnergyAfricaSummit.com), to be held in the heart of South Africa’s Cape Town on 10-11 October at the CTICC2. Held under the theme, “Unlocking Africa’s Sustainable Energy Potential,” the Green Energy Africa Summit (GEAS) will provide unrivalled opportunities throughout its two-day programme for the continent’s leaders in energy, finance, and social development, to meet with international investors, to find sustainable solutions to Africa’s energy needs and a just transition to a green economy. This highly anticipated event advocates for the harmonisation of Africa’s natural resources, as well as policy reforms, to help usher in an energy transition that ensures the continent remains competitive and attractive to global finance. With over 1000 delegates from 67 countries, GEAS invites both public and private stakeholders across the energy value chain to collaborate, offer solutions, and build partnerships to help unlock Africa’s true socioeconomic potential. GEAS is thrilled to welcome its strategic industry partners, including The Banking Association of South Africa (https://www.Banking.org.za/) and The African Forum for Utility Regulators (https://AFURnet.org/). This year’s agenda features a strong mix of discussions within dedicated content streams, from the Energy Strategy Forum on day one, to the Green Energy and Green Finance Forums on day two. Attendees can look forward to country and regional spotlights on South Africa and West Africa, as well as sessions led by finance and energy heavyweights. Find the full GEAS 2023 agenda here: https://apo-opa.info/3rfJNxm The Energy Investment Village (EIV) is the GEAS’s Lion’s Den-style pitching event for cleantech companies, which will be held on 11 October. The finalists will be given an extraordinary opportunity to gain exposure, network with potential clients, and receive vital market validation. Most importantly, they will be given the chance to pitch for funding (https://apo-opa.info/468SsAw) from international investors. “Africa’s traditional, fossil-fuel-based energy cannot keep pace with its swift development. While the continent’s abundance of natural resources can enable clean energy innovations, constraints like access to finance impedes the opportunities for local clean-tech innovators. Events such as the EIV open up direct pathways to decision-makers and funders, and are a critical enabler of the clean-tech ecosystem,” says RIIS CEO Davis Cook. In partnership with Saldanha Bay Innovation Campus (https://www.InnovationCampus.co.za/), RIIS (https://EnablingInnovation.Africa/), and Anza Capital (https://Anza.Holdings/), and supported by Africa Scotland, JSE, Oceanhub-Africa, Savant, Firecracker, CHIETA, and SASOL, the EIV is delighted to introduce the outstanding finalists that have been selected to present their projects, which aim to revolutionise the energy landscape and promote sustainable development in Africa: Therm Development: Pioneers in sustainable heating solutions, utilising innovative technologies for efficient energy consumption. AET Africa: Visionaries in renewable energy systems, specialising in solar and wind power generation across the African continent. Ceneco Green Power Limited: Experts in developing and operating environmentally friendly power plants, focused on reducing carbon emissions. Energy Cubes: Innovators in energy storage, offering scalable and cost-effective solutions for optimising power distribution. Powerstove Energy: Trailblazers in clean cooking solutions, providing efficient and clean-burning stoves for households and communities Revive Earth Limited: Leaders in waste-to-energy conversion, turning organic waste into renewable resources while mitigating environmental impact. Green Share Virtual Power Plant: Pioneers of a decentralised energy management system, enabling communities to generate, store, and share renewable energy. Thinkbikes: Innovators in sustainable urban transportation, designing and manufacturing electric bicycles for eco-conscious commuters. FLX EV: Visionaries in electric mobility, offering cutting-edge electric vehicles with a focus on performance, affordability, and sustainability. Impact Free Water: Experts in water treatment technologies, providing sustainable solutions for clean and accessible water in resource-challenged regions. Don’t miss out on the chance to engage with these visionary entrepreneurs and experts, as they demonstrate how their projects will address the energy challenges across Africa. From scalable solutions for rural communities, to innovative grid technologies, these finalists promise to inspire, educate, and shape a greener future for the continent. Organised by Hyve Group Plc., the Green Energy Africa Summit is where the world connects with the African Energy sector. Register to attend here https://GreenEnergyAfricaSummit.com/. Attend the Green Energy Africa Summit to be part of the solution and connect with industry leaders, charting the way towards a sustainable clean energy transition for Africa. SOURCE Green Energy Africa Summit Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta wuxuu heerka ugu sarreysa ee billadgeesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi. Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar ayaa waxay maanta naftooda u hureen badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laas-Gacamey, oo ay saakay weerar ku qaaday kooxda Al-Shabaab. Galmudug ayaa sidoo kale waxay si buuxda u kafaala qaaday qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, ayada oo waalidka dhalay uga mahad-naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen. Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen ayaa waxay ku tilmaamtay inuu cashar u yahay cadawga Khawaariijta Al-Shabaab ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug. Allaha unaxariiste Axmed Fiiqane ayaa waxa uu markii uu arkay gaariga qaraxa sida ee kusoo socday dhanka aagga ay degan yihiin madaxda wuxuu gaari Cabdi Bille ah po uu darawal ka ahaa ku horgooyey una dhigay gaarigii qaraxu ku rarnaa. Tallaabadan geesinimadda leh ayaa sababtay in gaariga uu qarxo isaga oo aan gaarin guriga masuuliyiintu joogeen, oo ahaa bartilmaameedka weerarka kooxda Al-Shabaab. Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo madaxdii la bartilmaameedsaday aysan kasoo gaarin waxyeelo badan marka laga tago firirka dhismaha ay ku sugnaayeen oo burburay. Si kastaba, Ciidamada ayaa saakay ku dadaalay inay fashiliyaan qaraxaas, oo ugu dambeyntiina ku qarxay meel aan bartilmaameedkiisa aheyn, balse aheys goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweyd. The post Bilad-geesinimo ‘tan ugu sareysa’ oo la siiyay Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar oo maanta shahiiday appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa markii u horreysay shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka yeeli doonin in masiirkooda lagu xiro dadka ku nool Waqooyiga ama Hargeysa ee Somaliland. Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo ah hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka socda dhowrka billood uu yahay mid salka ku haya labo aragtiyood oo kala duwan, kuwaasi oo ah midnimo doon iyo aragti ah gooni-goosad. Firdhiye ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya oo madax ka tirsan ay ku sugan yihiin Laascaanood inay deegaankiisa uu helo xuquuqdiisa Soomaalinimo. “Annaga qibladdayada siyaasiga ah waa Muqdisho. Waa caasimadda qaranka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka in dadkan aysan ka qaadin xuquuqdii muwaadin oo ay ku lahaayeen qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Firdhiye. Waxa uu intaas kusii daray “Mid ma dhici doonto in masiirka dadkan loo sadqeeyo dadka ku dhaqanka Waqooyi iyo Hargeysa.” Mudane Firdhiye ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkiisa iyo degaankiisuba ay muddo dheer halgan ugu jireen sidii aan dalka loo kala goyn laheyn, halka taasi beddelkeed ay rabto Somaliland oo uu kala dhaxeeyo dagaal culus. “Dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay difaacaan oo ay la wareegaan ilaalinta midnimada dalkeenna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo. Hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu dambeyntiina waxa uu digniin culus u diray Somaliland oo uu sheegay inay qorsheynayaan duulaan ka dhan ah, xilli ciidanka Somaliland lagu jabiyay dagaalkii dabaqayaadii August ku dhexmaray Laascaanood. Firdhiye ayaa sheegay in maamulkiisa u diyaarsan yahay difaaca xuduudihiisa, uuna jawaab adag ka bixin doono daan-daansi kasta oo uga imaada Somaliland. The post SSC-Khaatumo oo shaacisay arrin aysan ka yeeli doonin DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wisil (Caasimada Online) – Madaxtooyada Galmudug ayaa baahisay muuqaal laga duubay madaxweynaha maamulka Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kadib qaraxii saaka lagu weeraray Laas-Gacamey, oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kale. Muuqaalka Qoor-Qoor oo soconaya in ka badan hal daqiiqo ayaa waxa uu ku cadeeyay in weerarkaasi uusan waxba ka soo gaarin, ayna ciidamada fashiliyeen kahor bartilmaameedkii kooxda la damacsaneyd. “Waxaa rabaa in aan la wadaago bulshada Soomaaliyeed inay waxba kama jiraan tahay in weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta soo qaadeen waxba nagu gaarin,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Qoor-Qoor. “Aniga iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa goobaha hor3 ee dagaalka waa caafimaad qabnaa, Alxmadulilah waa fashilmay dhagartoodii iyo dhaqankoodii xumaa, dagaalka wuu soconaya waana laga guuleysanayaa.” Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa weerarkii saaka ku tilmaamay rafashadii u dambeysay ee kooxda Al-Shabaab, “Waxay aheyd wixii ugu dambeeyay oo xag-xagasho ah oo ay isku dayayeen ayuu ahaa waxay sameeyeen Khawaarijta.” “Waa laga guuleysanayaa Khawaarijta, umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bushaareynaynaa in aad arki doontaan guullo waaweyn oo laga gaaray Khawaarijta. ” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii saakay iyo shirqoolada Al-Shabaab aysan sababi doonin inay dib uga laabtaan furimaha dagaalka, ayna ku sugnaan doonaan inta laga xaqiijinayo hadafka gulufka socda. “Saddex toddobaad ka badan furimaha dagaalka ku sugneyn haddana waa ku sugnaanayna, guushana waa xaqiijineyna. Dabar-go’ii Khawaarijta waa la jooga oo cadow kasta oo wax shirqoola ama wax sameeya wuu fashilmay wuuna fashilmayaa.” Weerarka saakay oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday Laas-Gacamey oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Weerarkaan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegatay maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaal ka dhan ah uu ka socdo gobollada dalka, kaasi oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinayeen. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Qoor-Qoor oo muuqaal iska soo duubay kadib qaraxii Laas-Gacamey, cadeeyayna… appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa la filayaa inuu so afmeero qorshaha socdaalka uu halkaasi ku joogo. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, muddo bil ka badan oo uu ku sugnaa Dhuusamareeb iyo furimaha hore ee dagaalka. Xasan ayaa Arbacadii xarunta howl-gelinta ciidanka ee Dhuusamareeb kulan gaar ah kula yeeshay saraakiisha guutooyinka ciidamada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo saraakiisha ka dhageystay warbixinno la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Madaxweynaha ayaa kulankaas ka sheegay in dagaalka socda uu yahay “halgan gobonnimo u dirir ah” oo lamid ah midkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo qarankooda, loogana soo horjeeday gummeystihii shisheeye. “Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusomareeb tegay 5-tii bishii hore ee August, ayaa muddadaas booqday deegaano kale oo kamid ah gobollada dhexe si uu u dhiiri-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kahor inta aanu dib ugu soo laaban caasimadda Galmudug. Ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka hubeysan, ayaa tan iyo waqtigaas dagaallo dhowr ah la galay kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay kaga qabsadeen deegaano dhowr ah. Isku soo wada duubo, dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa si dardar leh uga socda gobollada dalka, iyada oo dhowr jiho gobollada Galgaduud iyo Mudug ka billowdeen dagaallo la doonayo in kooxda looga xoreeyo deegaanada ay ku hareen ee maamulka Galmudug ayaa madaxweynaha la filayaa inuu Muqdisho ku laabto. Sidoo kale wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu muddooyinkii dambe madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Madaxweyne Xasan oo soo afmeeraya joogitaankiisa Dhuusamareeb + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a recent operation against al-Shabab leaders in Somalia, the U.S. military has confirmed its indirect involvement, which led to tragic civilian casualties. While the nature of U.S. involvement remains under investigation, the incident has ignited a tense back-and-forth between the Somali government, the U.S. military, and the militant group al-Shabab. On September 6, 2023, the Somali government launched an operation in the vicinity of El Lahelay, targeting high-level al-Shabab combatants. According to Major Jessica Tait, spokesperson for the U.S. military’s Africa Command (AFRICOM), while the U.S. did not conduct airstrikes or have personnel on the ground, they provided advisory and assistance remotely. The operation resulted in the death of three al-Shabab operatives, identified as key figures within the organization. However, the aftermath was marred by reports of civilian casualties, specifically the tragic death of a woman and three children. Al-Shabab’s accusations A day after the operation, al-Shabab released a statement blaming the U.S. military for the civilian deaths. They alleged that U.S. forces removed the bodies to “conceal” the truth. In a swift response on September 8, AFRICOM denied these accusations, stating, “The claim being spread by al-Shabab that U.S. forces caused the unfortunate harm to civilians is false.” Ahmed Mohamud Shuuke, the grandfather of the children killed, recounted his heart-wrenching tale. In a telephone interview with VOA Somali, Shuuke expressed shock and grief over the unexpected tragedy that befell his family. Initially suspecting an airstrike, Shuuke observed vehicle tracks at the incident site the following morning. Distressingly, the bodies of his loved ones remained unaccounted for. Shuuke didn’t directly blame any group for the killings. He stated, “The people who killed [the children] know themselves, and the world sees it.” However, in a previous statement to al-Shabab media, he seemed to have implicated “U.S. planes.” Official stances and investigations Daud Aweis, Somalia’s Minister of Information, acknowledged reports of civilian injuries and confirmed an ongoing investigation. He said, “We can’t confirm until the investigation is done.” The U.S. has consistently maintained its position, with Major Tait emphasizing that U.S. forces “did not fire at any time while conducting the medical evacuation.” Yet, questions linger regarding the role and responsibilities of both the U.S. and Somali forces in this operation. As the incident sparks debate over foreign intervention and the unintended consequences of counterterrorism operations, the plea of Ahmed Mohamud Shuuke serves as a poignant reminder of the human costs. He earnestly appealed for the return of any surviving relatives and compensation for the heartrending loss. With tensions high, a thorough and transparent investigation remains paramount to ascertain the truth and ensure justice for the victims and their grieving families. The post U.S. military role questioned in Somali civilian deaths appeared first on Caasimada Online.
-
Musharax Ciro Ninka Tageersani Waa Ninka Codka uga raadiya Somaliland oo dhan. Haduu sheegto G36 ee dadka caayo. Waa nin aan Ciro kursi la rabin. Isagana ma metelo. Xisbiga wadanina Siyaasaddiisu taas maaha. Xisbiga waddani waa qaran midda, dal midda shacabka Somaliland oo nabadda. Umaddo dhan buu Ciro codka ka rabaa. Ninkii ka beydha maaha tageere Waddani ah ama musharax Ciro raba inuu hogaanka dalka qabto. Markaa dhalinyaroy, Musharax Ciro Ninkaan Siyaasadiisa ku shaqeyneyn. Waxaad tidhaahdaan soo beydh. Dalka badbaadintiisu waa isbedelka mustaqabalka Somaliland oo Waddani Hogaaminayo. ■ Dulqaadkii. ■ Tanaasulkii. ■ Ixtiraamkii. ■ Cadaalad iyo Sinaan iyo walaltinimo ■ Siyaasad qorshe leh kuna dhisan midnimo ■ Sessional diplmat and extra-ordinary Leadership for the Somaliland state-house Musharaxa baanu gelbineyna. Reer Somaliladnow. Fartaaddu waa mihiim. Waayo isbedelka eynu rabno bulsho ahaan ayay u tahey guusha dowladdnimadeena Jumma Mubarak Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Wisil (Caasimada Online) – Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa oo saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay tuullada Laas-Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug, ayada oo lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay VOA u sheegeen ilo-wareed lagu kalsoon yahay. Taliyaha ciidanka Darawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa VOA u xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale. Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, xildhiban Cabdi Qaybdiid, xildhiban Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay ay badqabaan, balse ay jiraan dhaawacyo ka dhashay burburka qaraxa. Senator Cabdi-Qaybdiid ayaa waxaa soo gaaray kaliya dhaawac ka yimid dhagax guri uu hurday kasoo dhacay. Sidoo kale Xildhibaan Dhabancad ayaa dhaawac fudud uu gacanta kasoo gaaray, kaasi oo ka dhashay guriga oo kusoo dumay iyo jiingadaha guriga ay jiifeen. Xildhibaan Dhabancad oo qaraxa kadib la hadlay VOA ayaa sheegay in gaariga qaraxa ah lagu soo weeraray goob ay jiifteen xalay, islamarkaana aysan jirin koox gudaha u gashay goobtii ay ku sugnaayeen balse uu ku koobna gaariga qaraxa. “Gacan ayay wax iga gaareen, waa soo baxnay tabar kalena ma hayaan nimankaan (Al-Shabaab) baabuur qarax ah waaye, markuu qarxay guryahaas dumay,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad. “Gurigaas unbaa dumay ee qaraxa cid waxba masoo gaarsiin, guriga dumay dhagaxa iyo jiingadaha ayaa dadka wax gaarsiinayay. Wax kale oo noo soo galay ama lagu dagaalamay majirin guryahaasi unbaa dumay.” Ciidamada ku sugan deegaanka Laas-Gacamey oo maalin kahor laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayaa isku diyaarinayey in maanta ay xoreeyaan magaalada muhiimka ah ee Bacaadweyn. Taliyaha NISA Mahad Salaad oo masuuliyiintaan la tegay deegaanka uu qaraxu ka dhacay ee Laas-Gacamey ayaa shalay galab u gudbay deegaanka Xin-labi oo isna maalin ka hor laga xoreeyey dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab. Xaaladda furinta xigta Bacaadweyn ayaa saakay aad u kacsan, waxaana naloo sheegay in ciidanku ay saakay ku dadaaleen inay fashiliyaan qaraxaas, balse uu xoog ku soo gaaray goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweed. Si kastaba, Weerarkaan ayaa durba waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaal ka dhan ah uu ka socdo gobollada dalka, kaasi oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinayeen. The post Dhabancad oo xog ka bixiyey sida uu dhacay qaraxii Laas-Gacamey iyo khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Prominent American weapons manufacturer RTX has officially halted its multibillion-dollar venture with Scopa Defense, a Saudi weapons firm. The decision comes in light of recent revelations suggesting that Scopa Defense sought to collaborate with sanctioned Russian and Chinese entities. Such contentious associations further prompted Scopa Defense’s advisory board, composed primarily of retired U.S. military officers, to tender their resignations. In 2022, RTX, previously known as Raytheon Technologies, partnered with Scopa to plan a factory establishment in Saudi Arabia. The strategic initiative was designed to create air defense systems to safeguard Riyadh against potential aerial assaults. Significantly, Riyadh had been previously targeted, as evidenced by the 2019 drone attack on Saudi Aramco’s oil infrastructures. Nasr Alghrairi, the ex-CEO of Scopa, emphasized that this proposed deal, valued at $25bn, promised lucrative returns for Saudi Arabia, projecting sales nearing $17bn. Scopa’s ties with sanctioned entities According to The Wall Street Journal (WSJ), Scopa’s owner, Mohamed Alajlan, established two additional enterprises – Tal Military Industries and Sepha Military Industries. Intriguingly, he appointed executives from a US-sanctioned Russian firm and a Chinese national, previously involved in negotiations with blacklisted Chinese corporations, to oversee these two companies. Both Saudi enterprises shared digital infrastructure with Scopa, allegedly aiming to procure classified information from RTX. Further, Sepha, as evidenced by certain documents, had manifested interest in marketing and assembling Russian military equipment in Saudi Arabia. Despite these findings, Alajlan rebuffed claims of his involvement with the sanctioned Russian corporations. He also limited his affiliation with Chinese entities solely to procure raw materials. Dismissing these allegations as baseless, he stated, “We don’t work with companies with international sanctions.” Diplomatic implications It’s noteworthy that the American embassy in Riyadh was privy to the discussions between Tal, Sepha, and the sanctioned Chinese and Russian firms as early as August 2022. Consequently, they warned Scopa about potential challenges in forging future contracts with American defense companies. A U.S. official acknowledged Washington’s apprehensions regarding Alajlan’s firms liaising with sanctioned parties. These developments ensue as Saudi Arabia gravitates towards China and Russia while consolidating its alliance with Western nations. Notably, Saudi Arabia has intensified its ties with China, its prime trade ally, while fortifying its bond with the U.S., primarily for security purposes. Besides RTX, several Western corporations, including Italy’s Beretta Defense Technologies and shipbuilding magnate Fincantieri SpA, have rescinded their collaborations with Scopa. Their collective reticence stems from Scopa’s purported affiliations with Russian and Chinese businesses. The post RTX axes deal over Saudi firm’s sanctioned allies appeared first on Caasimada Online.
-
Baabuur uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa degaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Dad ku sugan Wisil ayaa laga soo xigtay in qaraxa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay wararka xaqiijinayaan. Taliyaha ciidanka darawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale. Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, xildhiban Cabdi Qaybdiid, xildhiban Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay ay badqabaan. Waxaase uu xusay in Sen. Cabdi Qeyb-diid iyo xildhibaan Dhabancad oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarka oo ay sheegatay kooxda AS. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ku dhaawacmay qarax lagu weeraray goob uu ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Hanti-dhawrka Qaranka. Saxiixa sharcigan oo ay baahisay Villa Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu qaaday tallaabadan isaga oo ka duulaya xaqiijinta Soomaaliya ku shaqeysa shuruuc iyo xeerar qoran. Sharciga cusub ee Hanti-dhawrka guud ee Qaranka ayaa la jaanqaadaya shuruucda maareynta maaliyadda guud, sharciga iibka iyo qandaraasyada qaranka iyo shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida qaranka Madaxeynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad-celiyay guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan. Marxaladihii uu soo maray sharcigaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 16-kii August ansixiyey hindise-shaciyeedka Hanti-dhawrka Qaranka, kaasi oo ay goluhu mariyeen saddex akhrin, sida uu qabo xeer hoosaadkoodu. Sharcigan oo ay horay usoo meel-mariyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa muddo ka doodayay xubnaha baarlamaanka oo iyaguna ugu dambeyntii bartimihii August doodooda soo gaba-gabeeyay. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo shaaciyay natiijada codeynta ayaa ku dhowaaqay inuu ansax yahay sharciga Hanti-dhawrka Qaranka. Xildhibaanada markaas oggolaadey sharcigan ayaa ahaa 135 Mudane, halka ay diideen 3 Mudane, waxaana ka aamusay 4 Mudane, sida uu xilligaas sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow oo fadhigaas shir-guddoominaayey. Si kastaba, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood, taasi oo mararka qaar buuq ka rida fadhiyada golaha. The post Xasan oo saxiixay sharci muhiim ah oo kasoo gudbay BF appeared first on Caasimada Online.
-
Wisil (Caasimada Online) – Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayey saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug. Geerida ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyey, sidoo kale, sidoo kale Senator Cabdi Qeybdiid iuo askar kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas. Saraakiil ciidan oo ku sugan Laas-gacamey ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Qeybdiid uu naqasku ku dhegay, sidoo kalena dhaawac fudud uu ka soo gaaray wajiga. Qaraxa oo ciidanku ay isku dayeen inay fashiliyaan ayaa ku soo dhawaaday guri ay deganaayeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad, waxaana 3-daas masuul ku soo dumay gurigii ay ku jireen. Hada waxaa naloo xaqiijiyey in Madaxwyne Qoor Qoor iyo Xildhibaan Dhabancad ay caafimaad qabaan, balse Cabdi Qeybdiid uu naqasku ku dhegay, dhaawac fududna uu soo gaaray. Dhaawacyadii ayaa loo qaaday Wisil illaa Gaalkacyo, ma jirin wax weerar ah oo qaraxaas gaariga lagu soo raray kadib ka dhacay degaanka Laas-gacamey oo 9 KM u jira magaalada Bacaadweyn. Ciidamada ku sugan deegaanka Laas-gacamey oo maalin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta ayaa isku diyaarinayey in maanta ay xoreeyaan magaalada muhiimka ah ee Bacaadweyn. Taliyaha NISA Mahad Salaad oo masuuliyiintaan la tegay degaanka uu qaraxu ka dhacay ee Laas-gamey ayaa shalay galab u gudbay deegaanka Xin-labi oo isna maalin ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab. Xaaladda furinta xigta Bacaadweyn ayaa saakay aad u kacsan, waxaana na loo sheegay in ciidanku ay saakay ku dadaaleen inay fashiliyaan qaraxaas, balse uu xoog ku soo gaaray goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweed. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online, Insha allah. The post Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo Galmudug oo la qarxiyey iyo Qeybdiid oo dhaawac ah appeared first on Caasimada Online.
-
RIYADH: A delegation from Somalia visited the headquarters of the King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) in Riyadh, states news agency SPA reported. Source: Hiiraan Online
-
Guddida iswaafajinta Doorashooyinka oo Kulamadoodii ku soo Khatimay Urur Siyaasadeedka HILAAC Hargetsa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL ayaa Fadhigoodii 16aad waxa ay maanta xarunta Golaha kula kulmeen Urur Siyaasadeedka Hilaac. Fadhigani oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi intii uu socday waxa ay Xubnaha Ururka Hilaac oo ay Guddoominayso Guddoomiye ku-xigeenka Ururkaas Marwo Muna Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada oo ku xisaabtamaya wakhtiga ay haystaan ayaa kulamadii hore ee u qorshaysnaa sidaas ku soo gabo-gabeeyay. Qaran News
-
Guddoomiyaha Saaxil oo Kormeeray Saldhigyada Berbera Berbera(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), ayaa kormeer ku tagay qaar ka mida Saldhigyada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Guddoomiye Cali Case, waxa uu kormeeray Saldhiga dhexe ee magaalada Berbera, Saldhiga Dekadda, Saldhiga Wada-jir iyo Saldhiga Birmadka. Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Saaxil Cabdi Muuse Cabdillaahi ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay hawlaha ay Qaranka u hayaan ciidanku, waxaanu xusay in guddoomiye Cali Case yahay masuulkii u horeeyay ee ka wardoona xaalada ciidamada ku sugan saldhigyada, waxaanu ciidanka ku boggaadiyay sida ay hadh iyo habeen heeganka ugu yihiin sugida abniga. Guddoomiyaha ayaa sheegay in kormeerkiisu salka ku hayay in uu ciidanka booliska ee xarumahooda ku booqday uu ku dhiirigeliyo hawsha culus ee ay Qaranka u hayaan, waxa uu xusay in taliyayaasha ciidamadu xil weyn iska saaraan hawlgudashada ciidamada. Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in taliyaha qaybta booliska ee gobolka Saaxil deg deg uga soo jawaabo wixii hawlgalo ah ee ay uga baahdaan, waxa uu kula dardaarmay in aanay ciidamnimadu ka soo hadhin ismaqalka iyo kala danbaynta. Qaran News
-
Taiwan oo soo Gunaanaday Shir ay ka Qaybgaleen 25 Dal oo Somaliland ku Jirto Taiwan(Qaran news)- Dalka Taiwan, waxa lagu soo gebogabeeyay Aqoon iswaydaarsi kulmiyey Khuburro ka kala socotay 25 Waddan. Aqoon iswaydaarsigan oo ku saabsanaa ka faa’idaysiga Tiknoolajiyadda Wax soo-saarka Beeraha iyo sidii Waddamadu isku dhaafsan lahaayeen Aqoonta casriga ah ee wax-soo-saarka, ayaa waxa Somaliland uga qayb-galay Khadar Mawliid Ismaaciil oo ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha. Gaba-gabadii, aqoon iswaydaarsiga waxaa Khadar halkaa ku soo sagootiyay Safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji. . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xasilinta caasimada iyo Booliska ayaa maalmihii lasoo dhaafay laba jibaaray dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Ciidanka ayaa habeen iyo maalin sameeya howlgallo iyo roondooyin joogta ah, si ay uga hortegaan weerarada Al-Shabaab iyo falalka amni darrada ee ka dhaca gobolka Banaadir. Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray howlgalladaas ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay xasilinta amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho. “Waxaa si joogto ah Ciidanka Amaanka ka wadaan Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga iyo Xasilooda Dadweynaha ku dhaqan Caasimada iyo Nawaaxigeeda” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan guulaha laga gaaray howlgalladan oo lagu fashiliyay weeraro, dadna lagu soo qabtay. “Guulaha laga gaaray howlgaladaan ayaan Ummadda la wadaagi doonaa, waxaan u mahadcelinaynaa Maamulka iyo Shacabka qeybta Ka ah sugida amniga” ayuu Boolisku yiri. Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Muwaadin hadii aad aragto wax lid ku ah amniga, la xariir xarunta Ciidan Booliis ee kuugu dhaw ama numberka 991 ee Gurmad”. Howlgalladan ayaa inta ay socdeen waxaa lagu fashliyay weeraro qaraxyo oo ay ugu dambeeyay gawaaridii qaraxyada ee lagu fashiliyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale jira howlgal kale oo ka dhacay degmada Warta Nabadda oo isna lagu soo qabtay xubno Shabaab ah oo ka yimid furimaha, sida ay shaaciyeen laamaha amniga. Si kastaba, caasimada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa dilal iyo weeraro ka gaysta kooxda Al-Shabaab oo haatan lagu jabiyay inta badan dagaallada ka socda gobollada dalka. The post Dowladda oo kordhisay howl-gallada ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda kadib… appeared first on Caasimada Online.
