Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga dowlad-goboleedka Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, kadib khilaaf soo kala dhex-galay labada masuul. Wasiirka ayaa sheegay in shaqo joojinta agaasimaha uu u cuskaday kadib markii uu agaasime Sharmaarke Yaasiin Cali uu baalmaray habraacyadii iyo nidaamkii shaqada ee wasaaradda. “Taas ayaa sababtay in ay lunto kala dambeyntii shaqada,” ayuu wasiirka kalluumeysiga dowlad-goboleedka Puntland ku yiri warqadda uu shaqada kaga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay agaasimaha inuu sameeyay amar diido aan sharciga waafaqsanayn iyo tallo qaadasho la’aan, taasi oo uu sheegay inay meesha ka saartay kala dambeyntii iyo kala warqaadashadii shaqada. “Marakaan arkay ficilada shaqo khal-khalgelunta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda laga la bilaabo maanta waxaa shaqadii laga joojiyey Sharmaarke Yaasiin Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland.” Warqadda ayaa sidoo kale waxaa toos loogu socod-siiyay xisaabiyaha guud ee dowlad-goboleedka Puntland, ayada oo wax ka ogyihiin go’aanka wasiirka, ku-xigeenkiisa, wasiiru-dowlaha wasaaradda iyo ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland. Wasiirka Kalluumeysiga iyo agaasimaha ayaa muddooyinkii dambe la sheegayay inuu khilaaf xooggan soo kala dhex galay, kaasi oo ugu dambeyntii sababay in wasiirka uu shaqo joojin ku sameeyo agaasimaha guud ee wasaaradda. The post Masuul ka tirsan maamulka Saciid DENI oo shaqo joojin lagu sameeyay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  2. Violence-wracked Somalia is seeking a three-month delay in the planned reduction of African Union troops after suffering "several significant setbacks" in its fight against Al-Shabaab militants, according to a government letter seen by AFP. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre reiterated that the federal government and the Puntland regional state have a good relationship, even though there has been a lack of cooperation since Puntland cut ties with the federal government. Source: Hiiraan Online
  4. Washington (Caasimada Online) – Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahay inuu yahay Itoobiya. Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xiray 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda. Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha maanta ah. Bayaanka ay ku sheegtay xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya. Sida ku xusan dukumenti uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga caasimadda Washington DC. Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah. Xogta ayaa waxaa ku jiray dukumentiyo, sawirro, qariidado iyo qoraallo xiriir la leh “Dalka ay quseyso.” Dokumentiga FBI-da ayaa soo xigtay farriimo la is-dhaafsaday September 2022, kuwaasi oo sarkaal ajnabi ah uu Lemma ku yiri “Waa xilligii aad sii wadi laheyd taageeradaada,” taasi oo Lemma uu kaga jawaabay inuu yiri “waan fahmay.” “Xiriirada Lemma uu la sameeyay sarkaalka ajnabiga ah…waxaa ka mid ahaa in laga wada hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Jabhad ku lug laheyd dagaal hubaysan oo ka dhan ah dowladda dalka ay khuseyso,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la rumeysan yahay in loola jeedo dagaalkii Tigray. Marka laga soo tago ka shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lemma, oo haystay ogolaanshaha inuu ogaan karo sirta culus tan iyo 2020, waxa kale oo uu fallanqeeye maamulka qandaraasyada kasoo noqday Waaxda Caddaaladda. Itoobiya ayaa ah dal si weyn u hela gargaarka Mareykanka, waxaana bishii March halkaas booqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken. Lemma waxaa lagu soo oogay laba dacwadood oo basaasnimo ah iyo mid ah inuu si sharci darro ah u haystay macluumaadka difaaca qaranka. Eedeymaha basaasnimada ayaa lagu muteysan karaa xukun dil ah, halka eedda haynta macluumaadka uu ku muteysan karo ugu badnaan 10 sano ah oo xabsi ah. The post Mareykanka oo xiray nin u basaasayey Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya. Intii kulanka uu socday waxa ay soo bandhigtay guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan ciidamada xoogga dalka, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaalaha. Waxa uuna uga mahad-celiyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd, taasi oo ay door muhiim ah ka qaateen. Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa sidoo kale tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardar-gelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya. Waxay carabka ku adkeysay in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika. Si kastaba, Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawl-gelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro. The post Sawirro: DF iyo Midowga Yurub oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigtay Guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan Ciidamada Xoogga dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaalaha. Waxa uuna uga mahadceliyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd. Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardargelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya. Waxa ayna carabka ku adkeysay in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika. Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro. The post Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka arrinsaday iskaashiga Amniga appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqashadiisii labaad ku tagay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, tan iyo markii ciidamada Ruushka ay duullaan ballaaran ku qaadeen dalka Ukrine. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Khamiistii isaga iyo golahiisa wasiirada la kulmay Madaxweynaha Ukrine ayaa ku dhawaaqay ama iftiimiyay kaalmo cusub oo militari, oo ku kacaysa $128milyan. Kaalmada mileteri ee uu hadda bixiyay mareykanka madaafiic badan, rasaas badan, hub badan iyo taangiyada Abraham oo Toddobaadka soo socda, la xaqiijiyay in Maraykanka uu geyn doonaa Ukraine.” Madaxweynaha Ukrine Volodymyr Zelenskyy ayaa u mahadceliyay madaxda Mareykanka oo garab istaagay dalkaasi mudada 575-ta maalmood ee ay ku iraan dagaalka tan iyo markii uu Ruushku uu ku duulay dalkaasi sanadkii 2022. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo Ukraine ku caawinaya kaalmo millatari oo ku kacaysa $128 milyan appeared first on Puntland Post.
  8. Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu yahay Itoobiya. Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa xabsiga la dhigay waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda. Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray in uu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha maanta ah. Bayaanka ay ku sheegtay xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya. Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo xabsiga dhigay sarkaal u basaasayey dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale adkeeyay in umadda Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. halka cadow ee dalkeennu leeyahay ee kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha oo xalay kulan wada-tashi ah oo looga arrinsaday dardar-galinta dagaalka Khawaarijta la qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howl-gala furimaha dagaalka ayaa waxa uu ka sheegay in dalkeenna uu leeyahay hal cadow oo keliya oo ah argagixisada. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Shabaabnimada iyo in dadka loo dilo qaabka arxanka darran ay tahay jirro xun oo la isqaadsiiyo, ayna tahay in laga ciribtiro guud ahaan Soomaaliya. “Waxay ka turjumeysaa muuqalka un maahane ee micnaha weyn ee ku fadhido, dadka Soomaaliyeed hoggaankooda dowladnimada ugu sareeyay qadiyada Shabaab iyo in Khawaarijta dalka laga saaro, dalkana dowladnimadiisa la xoojiyo inay dhab naga wada tahay, oo aan ka mideysanahay oo aan isku rayi ka nahay ayay tilmaamee,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu intaas kusii daray “Niman jiraday oo maankii ka tegay oo cudur maskax uga dhacay oo ku farxaya markay dad laayan oo dhiig daadiyaan ee gowracaan farxaya, waa jirro waana la isqaadsiiya.” Dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab ee ka barbar dagaal ayuu markale ugu baaqay inay kasoo tagaan, oo ay lasoo saftaan dhanka kale, si loo soo afjaro dhibaatada ay argagixisada sanadaha badan ku haysay umadda Soomaaliyeed. “Dhalinyara da waxaa leeyahay ha ku habsaamina meesha kasoo noqda, waxaan amaanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee garatay kuna dhiiratay inay kasoo noqdeen oo qaarkood maanta iyaga la dagaalamaya oo xeeladahooda qaloocan iyo sirtooda hay’adaha dowladda la wadaagaya, nimankaas waqti uma harin.” Ugu dambeyntiina wuxuu shacabka ka agdhaw deegaanada kooxda Al-Shabaab ugubaaqay in fogaadan, si ay uga nabad-galaan duqeymaha iyo howl-gallada lagu beegsanayo dagaal-yahaanada kooxda. “Lacagta qaraxyada Al-Shabaab ku sameyso qof Soomaali ah ayaa dhiibay, sidee ayuu noogu qancin karaa qofkaasi dambi malihi aniga. Dadka Soomaaliyeed waxaa leeyahay waxa noo dhiiman waa dhiiranaan ee ha dhiirano, ka hari mayno ee yaanu nagu dheeraan ciyow ha na dhaafan.” The post Madaxweyne Xasan Sheekh: Shabaabnimada waa jirro la isqaadsiiyo ee waa in aan… appeared first on Caasimada Online.
  10. Governors have rejected state-backed regulations to guide multi-billion shilling miraa business. Source: Hiiraan Online
  11. Hargeisa (HOL) - The United States government has applauded the political agreement in the Somaliland election dispute and has called for dialogue to de-escalate tensions in Las Anod town. Source: Hiiraan Online
  12. New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markale ka hadlay khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in aysan garaneyn wax rasmi ah oo maamulka Saciid Deni uu ka tirsanayo dowladda dhexe, islamarkaana ay ka sugayaan madaxweynaha Puntland inuu la yimaado tabashada uu qabo iyo waxa uu rabo. “Deni intuu noo yimid nama dhihin waxan ayaa qaba, waan sugeynaa intuu noo imaado inuu nadhaho waxan iyo waxan waan ayaa raba iyo waxan ayaa ka gows qabsanayaa isaga ayaa sugaynaa inuu noola yimaado,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza oo wareysi gaar ah siiyay VOA. Sidoo kale waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay marwalba diyaar u yihiin wada-hadal lagu xalinayo tabashada uu qabo hoggaanka maamulka, “annaga ayaa bilaabeyna wada-hadal lagu xalinayo tabashada jirta.” Waxa kale oo uu xusay inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mugdi ah ee labada dhinac ka dhexjira, xilli khilaafka labada dhinac uu gaaray meel sare, uuna madaxweynaha Puntland kasoo qeyb-gelin shirarka Madasha Wadatashiga Qaran. “Wax kasta oo anagu gacanta ku hayno waa u furan yihiin dowladda Puntland, diyaar ayaa u nahay in aan tagno oo xalino wixii ĺa qabo. Waxaa rajeynaynaa in walaalahayaga, gaar ahaan madaxweynaha (Saciid Deni) isfahano.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilliga ugu munaasabsan ee lala fariisan karo hoggaanka Puntland ay tahay marka ay dhamaadan doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka ee maamulkaas oo hoggaankooda uu ku mashquulsan yahay. “Xilligaas wixii ka dambeeya in aan iskugu imaan karno arrimaha kale ayay ila tahay, oo diyaar ayaa u nahay in aan xalino haddii Saciid Deni uu sheegayo wax ka maqan Puntland ama isaga shaqsiyan ka maqan diyaar ayaa u nahay.” The post R/W Xamza oo war cusub kasoo saaray khilaafka federaalka iyo Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
  13. Dhusamareb (HOL) - A delegation led by the former Hiiraan region governor, Ali Jeyte Osman, arrived in Dhusamareb, the capital of the Galmudug administration, on Thursday to meet with President Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
  14. Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in hawlgalka ka socda gobolkaasi uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee lagu soo geba-gabeynayo joogitaankii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka. Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maleeshiyada ka saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen gobolkaasi, haatana ay ku harsan yihiin deegaano faro ku tiris ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii qabtay deegaanka Bacaadweyne iyo kuwii kale ee la wareegay deegaanka Cammaara ee isugu tegay Cammaara ay hadda cagta saareen waddada aadda deegaanka Caad. Caad waa deegaanka ugu muhiimsan ee xilligan Shabaabka uga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi, marka laga soo taggo deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xarardheere. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamada ku wajahan Caad ay la hawlgalayaan ciidamo kale oo ka soo socda dhinaca Xarardheere, iyadoona la doonayo in labada ciidan ay meel dhexe isugu yimaadaan, isla-markaana ay isku furaan waddada. Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada ka ruqaansaday Xarardheere ay tahay inay la wareegaan deegaanada Dhalwo iyo Jowle, kuwa kale ee ku socda Caad-na ay tahay inay qabtaan deegaanada Eryaal iyo Miiroon. Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ku sii gurguuranayaan deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo, waana wejigii ugu dambeeyay ee gulufka ballaaran ee lagu soo afjarayo maleeshiyada Shabaabka. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay jareen waddooyinka gala deegaanada ay Shabaabku ku sugan yihiin, islamarkaana ay deegaanadaasi ka go’doomiyeen gobolka intiisa kale. Ilo wareedyadu waxa kaloo ay sheegayaan inaanay jirin cid u gudbi karta goobahaasi iyo cid kaloo hubeysan oo ka soo bixi karta, Shabaabkana ay u furan tahay inay isa soo dhiibaan amaba inay dhintaan, iyagoo dagaalamaya. Xogta ayaa sheegeysa in Shabaabka ay u furan tahay hal waddo, waana waddada wareegga ee Caad illaa Jowle ee tagto Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada hareereeyay deegaanadaasi ayaa waxaa dhanka cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, oo door muhiim ah ka ciyaaraya istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga. Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu Gobolka Mudug noqon doono, gobolkii ugu horreyay ee si dhameystiran looga saaro Al Shabaab. Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ciidamada ay intaasi ka dib u gudbi doonaan dhanka Gobolka Galgaduud, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in Shabaabka looga kiciyo gobolkaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku foogan dagaalkan ay tahay in lagu wiiqo Al-Shabaab ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo hawlgalada. Madaxweynaha ayaa la tilmaamay in waqtigiisa uu iminka ku bixinayo isku dubaridka iyo dardargelinta hawlgalka militari ay ciidamadu ka wadaan bartamaa dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay ka adkaan doonto Shabaabka, kadib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen. The post Xog: Shabaabka gobolka Mudug oo la hareereeyay appeared first on Caasimada Online.
  15. ASAL and Regional Development Principal Secretary Idris Dokota has said that the government is committed to ensuring that the livelihood of the people in communities hosting refugees is not negatively affected by the influx of refugees which causes competition for resources. Source: Hiiraan Online
  16. Kenya pledged on Thursday to reinforce security measures against Somali militants as it commemorated a deadly mall attack which security analysts say led to improvements in the country's readiness to counter threats. Source: Hiiraan Online
  17. Sudan's leader has warned the United Nations his country's war could spill over into neighbouring African nations. Source: Hiiraan Online
  18. NEW YORK AND WASHINGTON — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre said Thursday that his government is appealing for more international support in its long-running war against al-Shahab militants. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray khilaafkii muddada soo jiray ee doorashooyinka Somaliland. Mareykanka ayaa bogaadiyay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkaas, kadib socdaal uu shalay sii-hayaha xilka safiirka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya uu ku tegay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Danjire Shane Dixon ayaa Hargeysa kulamo kala duwan kula qaatay madaxda sare ee Somaliland, mucaaridka iyo ururrada bulshada rayidka ah, isaga oo ku bogaadiyay heshiiskii laga gaaray murankii doorashooyinka ee xiisadda ka abuuray gudaha Somaliland. “Mareykanka waxa farxad galisay heshiiska cusub ee siyaasadeed ee ay kasoo shaqeeyeen odayaasha dhaqanka, kaasi oo ah tallaabo togan oo loo qaaday dhanka doorashooyin xor ah oo xalaala,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay safaarada Mareykanka. Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ku-simaha safiirka Shane Dixon uu madaxda sare ee xukuumadda Somaliland ku booriyay in colaadda sii daba dheeraaneysa ee Laascaanood in loo maro waddo nabadeed, laguna dhameeyo wada-hadal. Socdaalka ku-simaha safiirka iyo dalabka uu u gudbiyay madaxda Somaliland ayaa imaanaya xilli xukuumadda ay qorsheynayso duullaan ay uga jawaabeyso dagaalkii u dambeeyay ee SSC-Khaatumo uga qabsatay fadhiisimo ay hore ugu sugnaayeen ciidamada Somaliland. Sidoo kale labada dhinac ayaa dhaq-dhaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ka wadda gobolka Sool, ayada oo hanjabaado iyo digniin ay hawada isku mariyeen labada dhinac. Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland. SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto. Si kastaba, lama oga waxa uu dalabka cusub ee Mareykanka uu ka tari doono sida hadda wax u socdaan, oo walaac xooggan laga muujinayo in waxyeello kale ay ka dhashaan dagaallada la abaabulayo, maadaama kuwii horay u dhacay ay galaafteen nolosha dad aan illaa hadda tira-koob rasmi ah lagu sameyn. The post Kadib heshiiska Somaliland, dowladda Mareykanka oo dalab cusub soo saartay appeared first on Caasimada Online.
  20. Wdfti ka Socday Hay’adda Dhawrista Tayada oo Booqday Burco Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Mudane Xamse Cabdi Ibraahim, oo ay weheliyaan Agaasime-Waaxeedyada,Waaxaha Hubinta Tayada iyo Heertayeedka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer. Socdaalkan mas’uuliyiinta ayaa daarnaa sidii Warshadaha gobolka Togdheer loo gaadhsiin lahaa Summad Tayeedka Qaranka ee Hay’adda Dhawrista Tayadu dhawaan daah-furtay. Calaamadda Summad Tayeedka Qaranka waa calaamad muujinaysa in badeecaduhu (products) waafaqaan ama buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa markay noqoto bed-qabka dadka isticmaalaya. Sumadda Tayada ee ay bixisay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland (HDHT) waxa ay ku xusan tahay xeerka Lr: 68/2014, kaas oo dhigaya in HDHT bixin karto summad ama summado, ka dib marka ay buuxiyaan badeecaduhu heertayeedyadii Somaliland (Somaliland Standards). Haddaba faa’iidooyinka summadda tayadu (Product Quality Mark). 1. Summadda tayadu waxay suurtogalinaysaa kalsooni buuxda inay helaan dadka isticmaalaya badeecadaha kala duwan ee Warshaduhu soo saaraan 2. Waxay yaraynaysaa in ay suuqa soo galaan alaab tayadeedu hoosayso 3. Waxay kor u qaadaysaa dedaalka warshaduhu ku tayeynayaan wax-soosaarkooda 4. Waxay suurtogalinaysaa in ay helaan dadku badeecado tayadoodu sareyso 5. Waxay hir-galinaysaa isticmaalka ama dabiqitaanka heer-tayeedyada somaliland. Qaran News
  21. Hay’adda Caymiska oo la Shirtay Shirkadaha ka Shaqeeya Caymiska Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland Mudane: Maxamed Xuseen Axmed iyo Agaasimaha Guud Mudane: Abdirahman Muse Abdi, oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Waaxda Horumarinta Caymiska, Waaxda Shurrucda iyo Liisamada iyo waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha, ayaa kula la qaatay Madaxda Shirkadaha Caymiska. Kulanka oo ay kaso qayb galeen madaxda shirkadaha caymiska ee Takaful Insurance, Wadaag Insurance, Amaanah Insurance, iyo Ta’miini Insurace. Ujeeddada kulankan ayaa daaranayd udiyaar garawga hirgalinta caymiska oo dalka dhawaan ka hir gali doona, maadaama oo xeerkii caymiksu soo baxay Dhawaana lana daahfuri doono. Dhanka kale waxay Iyana kulankan lagaga dooday masiibooyinka dabiiciga ah ee inagu soo badanaya sida gubashada dabka, iyada oo Hay’adda Caymiska Qaranka ayka go’antahay in dhamaan adeegyada aasaasiga ah la hirgaliyo Sida Adeega Caymiska Dabka. Ugu danbayn waxaa laysala gartay in kor loo qaado wacyiga dadwaynaha lagana wadashaqeeyo wacyi-galin guud oo dalka wada gaadha korna loo qaado shirarka noocan ah inta laga hirgalinayo caymiska dalka. Qaran News
  22. Kyiv (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in Poland ay weli sii ahaan doonto saaxiibka dhow ee Ukraine, kadib markii dalka Poland uu ku dhawaaqay in aanay jiri doonin hub iyo rasaas dheeraad ah oo loo diro Kyiv, xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa labada dal ee salka ku haysa dhinaca dhoofka wax soo saarka beeraha. La-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa isagu hoos u dhigay xiisadda u dhexeysa labada dal. “Markii aan subaxnimadii hore akhriyey qodobada wararka ugu waaweyn, runtii waan werweray, waxaana i horyimi su’aalo kala geddisan. Hase ahaatee waxaan markiiba arkay afhayeenka xukuumadda Poland oo arrintan faahfaahiyey, isla markaana caddeeyey mowqifka Warsaw, oo ah inay sii wadayaan, isla markaana ay weli garab taagan yihiin Ukraine” ayuu sheegay Sullivan. Ra’iisal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki oo arbacadii la weydiiyey taageerada dalkiisa ee Kyiv ayaa sheegay inaan wax hub ah oo cusub loo diri doonin Ukraine. “Wax hub ah oo cusub u diri mayno Ukraine, sababtoo ah, haatan annaga ayaa isku hubaynayna hubka ugu casrisan” ayuu u sheegay Polsat News. Warsaw ayaa markii dambe faah-faahisay arrintan iyaga oo sheegay inay sii wadayaan gudbinta hubka iyo rasaasta, qaybta ka ahaa heshiisyadii hore loo gaadhay. Murankan u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bilaabmay ka dib markii dalalka Poland, Hungary iyo Slovakia ay qaateen go’aano iskood ah oo mamnuucis ugu soo rogayaan in la soo dhoofsado cuntooyinka ka soo go’a beeraha Ukraine, ka dib markii uu dhamaaday xannibaadii Midawga Yurub. The post POLAND oo hakisay hubkii loo sii marin jiray Ukraine appeared first on Caasimada Online.
  23. Reflecting on the ongoing battle against Al-Shabaab in Somalia, there is a beacon of hope and optimism. For nearly two decades, this ruthless terrorist organisation has plagued our nation, causing untold suffering and bloodshed. However, under President Hassan Sheikh's leadership, Somalia has a better chance to defeat this menace and usher in a new era of peace and prosperity. Source: Hiiraan Online
  24. Wasiirka Kalluumeysiga dowladda Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa shaqa joojin ku sameeyay agaasimaha guud ee wasaaraddaas. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa shaqada lagaga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga Sharma’arke Yaasiin Cali. Warqadda shaqa joojinta ayaa lagu caddeeyay in agaasime Sharma’arke Yaasiin uu sameeyay amar diido aan sharciga waafaqsanayn taas oo lumisay kala danbayntii wasaaradda. Warar madax bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in khilaaf xooggan oo ka dhex taagan wasiirka iyo agaasimaha uu sababay shaqa-joojinta. PUNTLAND POST The post Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
  25. For the first time in years, a massive counter-insurgency operations are launched with core commitment led by the Somali leadership, international partners, local communities with the sole aim of rooting out the militant group of Al-shabab in Somalia. This operation’s first phase sparked by after a clash of defeat to Al-shabab by the former governor of Hiran region, Ali Jeyte Osman, the Ahmed Shah Masood of Somalia and has brough out a critical success mainly in the region of Hiiraan, Middle Shabelle of Hir-Shabelle and Gal-Guduud and part of Mudug in Gal-Mudug state of Central Somalia. The Local Militia aka Ma’awisley and the SNA has won successive battles over the Al-qaeda affiliated group of Al-shabab since August 2022. Source: Hiiraan Online