-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booliiska dalka Thailand ayaa xiray wiil 14 jir ah oo looga shakisan yahay in uu rasaas ku furay gudaha suuq mashquul badan oo ku yaala magaalada Bangkok. Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay lix kalena ay dhaawacmeen, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay tiradii hore ee khasaaraha. Toogashada ayaa goor sii horaysay ka dhacday gudaha suuqa Siam Paragon oo ay u dukaameysi tagaan dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha oo ku taal bartamaha caasimadda Thailand. Eedeysanaha ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay arday wax ka baranayay iskuul aan ka fogeyn xarunta ganacsiga. Lama oga sababta ka dambeysay weerarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiir Siciid Sulub oo Kula Kulmay Riyaad Maalgashadeyaal Sucuudiyaan ah Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda xanaannada xoolaha iyo Horumarinta kallumaysiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed oo ku sugan Caasimadda dalka Sucuudiga ee Riyaad ayaa kullamo la qaatay shirkado maalgashadayaal ah. Wasiirka waxa la weriyay inay ka wada hadleen shirkadahaas sidii ay u maalgashan lahayeen, dhoofinta xoolaha. Maalgashadayaashan ayay Wasiirka ka wada xaajoodeen sidii ay u maalgashan lahayeen dalka, una iman lahayeen JSL, muwaadiinta dalka sucuudigu, ugana qayb qaadan lahayeen dhoofinta xoolaha Somaliland. Qaran News
-
Magaalada Napoli ee dalka Taliyaaniga ayaa waxaa gilgilay Dhulgariir saacado ka hor inta ay kooxda Napoli wajihi rabtay Real Madrid kulan ka tirsan Champions League oo kooxda reer Spain ee marti ku aheyd magaalada Napoli. Baabuur kuwa xamuulka qaada ah ayaa lagu garaarayaa dhismaha garoonka ee Napoli waxaana argagax ka jiraa magalada Naples iyadoo oo uu dhulgariir ka dhacay wadanka Talyaaniga saacado ka hor kulanka Champions League. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro dhibaato looga walwalsanyahay garoonka ka hor inta aan kubbad la baasan. Sababta oo ah dhulgariir cabirkiisu ku dhawyahay 4.0 ayaa saameeyay dalka talyaaniga. Kooxda Real madrid ayaa ku sugan badhtamaha magaalada Naples, oo ka fog xurunta dhulgariirka ee aagga Camp Flegrei, oo cabsi ay ka jirto “Dhulgariir 3.2 ah wuxuu la mid yahay gawaari xamuul ah oo ku dhacay dhismo. Ama in ka badan toban baabuur oo xamuul ah. Dhaqdhaqaaqa dhismaha iyo sawaxanka ayaa xoog leh. Waan ogahay taas sababtoo ah waxay nagu dhacday inagoo joogno magaalada Naples. ”ayuu yiri suxufi reer talyaani ah oo ka hadlayey xaaladda ka jirta Napoli. Kooxda ka dhisan La Liga ayaa caawa oo Talaado ah garoonka Diego Armando Maradona ku ciyaari doonta kulankii labaad ee Group C iyadoo labada kooxood ay hore usoo qaateen seddex dhibcood kulankoodii koowaad oo qeyb ka ah group. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta oo Talaado ah ka dagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Laftagareen ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay dhiggiisa Galmudug, Mudane Axmed Cabdo Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhuusamareeb. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulamo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu halkaasi u jooga soo afmeerida wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Lafta-gareen ee Dhuusamareeb ayaa yimid ka gadaal culeyska siyaasadeed ee uu ka wajahayo mucaaradkiisa, islamarkaana uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb kula kulmay siyaasiyiinta ay is-hayaan Lafta-gareen. Kulamada Xasan iyo Lafta-gareen ayaa waxaa lagu lafa-guri doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo buuqa siyaasadeed ee ka taagan doorashada kursiga Lafta-gareen, xilli muddo kooban ay u harsan tahay. Xasan oo iska lahaa dalabka u yeerista Lafta-gareen, ayaa muhiimad gaar ah siinaya sidii gulufka Al-Shabaab ka dhanka ah looga bilaabi lahaa Koonfur Galbeed, ayada oo saameyn ku yeelan hardanka siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi. Sidoo kale kulamadaas kadib, Lafta-gareen ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ay ka wada-hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda iyo wada-shaqeynta labada dhinac. Lafta-gareen ayaa xilligaan wajahaya culeys siyaasadeed uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana doorasho la aado bilaha soo socda. Xubnahaan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed ayaa dhawaan waxay madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmeen Dhuusamareeb, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Koonfur Galbeed. Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna sidoo kale magaalada Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taasi oo ay kaga dhawaaqeen go’aanno culus oo ka dhan ah Lata-gareen, oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka. Si kastaba, Doorashada maamulka marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Laftagareen oo ka dagay Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigtay nin lagu magacaabo Sufyaan Sheekh Axmed, oo ku magic dheer{Taakeeye } , kaas oo dowladdu ku eedeysay faafinta fikirro kasoo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegtay NISA. Sufyaan oo muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada Nairobi dalka Kenya oo halkaas laga soo xiray ayaa hoggaamiye u ahaa urur la magac baxay Talo ku nool, waxaana muullo badan oo laga duubay uu ku eedeeyay dowladda iyo ciidanka midowga Afrika eek u sugan Soomaaliya uu ku tilmamay Saliibiyiin. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, {Taakeeye } oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Hey’adda Nisa oo warbaahinta lala wadaag. Qoraalka NISA ayaa sidoo kale lagu xusay in Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib wadashaqeyn dhexmartay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in hey’addu ay ku bilowday baaritaanno la xiriira eedeymo dhowr ah oo loo jeediayay. “Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay Magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka hey’adda. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri gabagadii bayaanka kasoo baxay hey’adda NISA kadib xarigga Sufyaan Sheekh Axmed, oo ku magic dheer{Taakeeye } . Sufyaan xarigiisa ayaa yimid kadib markii uu wareysiyo dhowr ah uu ku bixiyay arrimo ay dowladda ay ku sheegtay faafinta fikirro kasoo horjeeda Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya, oo in ay taageerayaan kooxa ay ku tilmaantay Argixisada xilli uu dhisay ururka Talo ku nool oo ay ku biireen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo fikirkaas xambaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydahaba ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qul-qulaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo beri shir xasaasi ku yeelanaya gudaha magaaladaasi. Baydhaba waxaa maanta gaaray wasiirada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee maamullaada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Agaasimaha Waaxda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale. Xubnahan waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay wasiirka gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush & madax ka tirsan SoDMA. Ujeedka ay wasiiradan u tageen magaalada Baydhaba ayaa ka qayb-galka shirka isku duwidda arrimaha bini’aadamnimada oo berri ka furmaya magaaladaasi, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya. Intaas kadib Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo isaguna halkaas ku sugan ayaa mas’uuliyiinyan la yeeshay kulan gaar ah oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay qaban-qaabada shirka isku duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada oo berri ka furmaya Baydhaba iyo Ajandihiisa. Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb-geli doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo madaxweyne Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Laftagareen. Dhanka kale, waxaa madashan qayb ka ahayn Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka, taas oo aan ka qaybgein shirarkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka. Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli laga digayo xaaladda El-Niño oo laga cabsi qabo daadad iyo fatahaado ka dhasha roobab mahiigaan ah oo da’a inta badan gobollada dalka. The post Muxuu yahay ujeedka shirka u furmayo DF iyo dowlad goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA – Ethiopian Airlines is set to expand its services to Djibouti city with the addition of three weekly flights. Source: Hiiraan Online
-
“Bishii Doorashadu way Bilataye aynu Caloosha u sii Deyno” Guddoomiye Maxamuud Xaashi Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuyd Xaashi Cabdi ayaa sheegay in bishii doorashadu bilatay loona baahan yahay in caloosha loo sii daayo. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Siyaasaddu waxay leedahay filan-waa iyo fajicisooyin, aan mararka qaar jilayaasheedu ka fekerin, oo filkanax ku ah, maadaama aanay baarka u fidhan. Fadka iyo Falanqaynta Siyaasadda, lagama fiiriyo faalka, iyo cilmi felega. Haseyeeshee, waxaa laga fiiriyaa, fooraha dabaysheeda iyo faq hoosaadka filkeeda. Muran dheer oo ma dhalays ah, iyo is maan dhaaf aan miciin dhaamin mindi- mindi ku taag, ayaa u muuqda in uu soo gaba-gaboobayo. Waa Eebbe mahaddii, Mar haddii ay mudanayaasha aqalka wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen, xeerkii doorashooyinka isa saarka ahaa, ee danta la biday. Xeerkani ma aha, mid gaar u xaqsiinaya, urur ama xisbi gooni ah. Balse, xeerkani wuxuu ku ahaa, urur siyaasadeedyada tunka weyn, ee uu Kaah ka midka yahay, tumaati iyo tantoomo culus oo aan tudhaale lahayn. Si kasta ha ahaatee, nin aan wuxuu leeyahay ka tegin nin ma aha, ee waxaannu urur ahaan u tanaasulnay danta guud, ee dalkayaga iyo dadkayaga, annaga oo aan waxba weydaarsan (مقابل لا شيء). Isku soo duuboo, baahi weyn ayay u qabaan bulshada Somaliland, in ay mar uun indhahoodu bidhaamiyaan, bishii doorashada oo bilatay. Waxaan leeyahay daneeyeyaasha, kala duwan ee doorashada, haddii aad sidaad doonayso weydo, sida aad ka fursan weydo ayaa la yeelaa. Sidaa darteed, aynu caloosha u sii deyno doorashada isa saarka ah. Waxaan leeyahay heestii Geela loo qaadi jiray, marka la soo horayo, Shifo ku afsaar, oo shar kuuma leh.” Qaran News
-
Reer Burco oo sida Fiinta uga Qayliyay Sicir bararka ka Taagan Somaliland Burco(Qaran news)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sida fiinta uga qayliyay sicir bararka maceeshada daruuriga ah iyo qiime bararka lacagta doolarka. Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegay in sicir bararka jira in aanay jirin xukuumad wax ka qabanaysaa. “Waxaan leeyahay Xukuuumad wax ka qabanaysa sicir bararku ma jirtee shacbigow u naxariista shicibka aad ka ganacsanaysaan,” ayuu ku tiraabay nin dhallinyaro ahi. waxaanu intaas ku daray in aan la go’ynayn badeecadaha daruuriga ah iyo Shiidaalka. Sidoo kale Hooyo danyar ah ayaa sheegtay in sicir bararku saameyn xun ku yeeshay noloshooda oo ay waxba u goyn la’yihiin lacagtii shilinku oo wax waliba qaaliyoobay. Ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaaday Xukuumadda Somaliland oo ay wax kaga qabanayso sicir bararka. Sidoo kale waxa aan jirin cid ka tirsan Hay’adaha dawladda ee ay khusayso, iyadoo waliba ay jirto lacag cusub oo xilligan la sheegay inay Xukuumadu soo daabacayso. Qaran News
-
Guddida Dhaqaalaha ee Xukuumadda oo Warbixin ka Dhegaystay Guddida Madasha Dhaqaalaha Hargeysa(Qaran news)-Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada JSL waxa ay warbixino la xidhiidha qaban-qaabada madasha Dhaqaalaha Heer Qaran ee sannadka 2023 ay ka dhageysteen guddida farsamo ee ku hawlan diyaarinta madasha Dhaqaalaha sannadkan oo ka qabsoomi doonta magaalada Hargeysa 14-15 October, 2023. Arrimaha lagu soo bandhigi doono sannadkan madasha Dhaqaalaha 2023 waxa ay kala yihiin:- 1. Sagaal nooc oo Daraasado cilmi baadhisyo ah oo ku saabsan fududeynta Maalgashiga, Ganacsiga, Adeegyada maaliyadeed, Sugnaanshaha cuntada, Macdanta iyo ilo dhaqaale sal-balaadhan oo ay dawladu yeelato. 2. Carwo ganacsiyeed . Sida Adeegyada Maaliyadda, Macdanta iyo Adeegyada Dawladda Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa goordhow shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed oo loo yaqaano (Taakeeye), kaas oo ku eedeysan inuu faafinayay afkaaro xagjirnimo ah, isla-markaana liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo sidoo kale dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kale Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) loo haystaa inuu taageerayay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag ay kula jirto dowladda Soomaaliya. “Hay’adda NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan laga soo qabtay magaalada Nairobi oo uu daganaa, isla-markaana laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen sirdoonada waddamada Kenya iyo Soomaaliya Sidoo kale NISA waxa ay sheegtay in Sheekh Taakeeye lagu bilaabay baaritaano la xiriirar cilaaqaadka kala dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo fikradaha Xagjirka ee uu ku baahin jiray baraha bulshada ee Internet-ka. Waxaa kale NISA ay intaasi ku dartay inay sii wadi doonto beegsiga ay ku hayso xubnaha la shaqeeya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha iyo dibadda intaba “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa mar kale lagu yiro warsaxaafadeedka ay shaacisay Hay’adda NISA. Waa ninkii labaad oo halis ah todobaad gudihiis ay gacanta kusoo dhigeyso Hay’adda NISA, waxaana Taakeeye ka horreeyay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo loo haysto inuu Al-Shabaab hubka uga soo iibin jiray dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Shiinaha. Abba-Sheekh oo isna ku sugnaa Nairobi ayaa dhowaan lasoo qabtay xilli uu ku sii jeeday dhulka kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post NISA oo gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Taakeeye appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed Taakeeye oo ku eedaysan Faafinta Afkaarta Argagixisada AS. Sufyaan Sheekh Axmed ayaa loo haystaa in uu waayihii danbe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana taageerayay Argagixisada sida laga soo xigtay Hay’adda NISA. Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA ka soo dejisay magaalada Muqdisho waxaana lagu bilaabay baaritaan sida ay tebisay wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA. “Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada” ayay xustay Warbixinta SONNA. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Sufyaan Taakeeye oo loo haysto in uu taageero Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Shirgudoonka Wakiillada oo Xaadiriyay Xildhibaannada Maqan Hargeysa(Qaran n)-Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa mid mid u xaadiriyay Xildhibaano aan saaka Golahaasi foodda soo galin waa kuwan magacyadoodu:- 1- Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf 2- Xildbibaan Xasan dhuxul Laabsaalax 3- Xildhibaan Adan Cismaan Xarbi 4- Xildhibaan Aamina Fariid Cilmi 5- Xildhibaan Aamiin Saleeban Jaamac 6- Xildhibaan Axmed Jaamac Salax 7- Xildhibaan Axmed Maxamed Hurre 8- Xilshibaan Axmed Yaasiin Maxamed Xasan 9- Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur guruuje 10- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun 11- Xildhibaan Bille Cabdi Ducale 12- Xildhibaan Cabdikariin Aadan Cumar 13- Xildhibaan Cabdikariin Mahad Maxamed 14- Xildbibaan Cabdiqani maxamed Aadan 15- Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud 16- Xildhibaan Ibraahim Cali Jaamac 17- Xildhibaan Jamaal Adan Diiriye 18- Xildhibaan Jamaal Cali Adan 19- Xildhibaan Jimcaale Axmed Cilmi 20- Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane 21- Xildhibaan Mukhtaar Ibraahim Caashi 22- Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane 23- Xildhibaan Nuuraddiin Axmed Dayib 24- Xildhibaan Qasin Aadan Saleebaan 25- Xildhibaan Saalax Maxamed Diiriye 26- Xildhibaan Saleebaan Maxamed Faarax Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo dhowaan ay gacanta ku dhigtay Hay’adda NISA ayaa war cusub kasoo saaray qabashada wiilkooda oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan la shaqeynta kooxda Al-Shabaab. Zakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo hadda u xiran dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. NISA waxaay sheegtay in muddo dheer ay ku daba-joogtay ninkan, balse hadda lagu guuleystay in lasoo qabto, xilli uu ku sii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab. “Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay NISA. Haddaba maxay qoyskiisa ka yiraahdeen arrinta wiilkooda? Dahabo Xaaji Ciise oo ay ilmo adeer yihiin Kamaal Suufi Abba-Sheekh ayaa qoraal ay soo gelisay baraha bulshada ku sheegtay in la shirqoolay wiilkooda, sida ay hadalka dhigtay. Gabadhan ayaa shaaca ka qaaday in Kamaal arrintiisa ay ka dambeeyaan ganacsato waa weyn oo shirqoolay xili uu ku sugnaa dalka Shiinaha, waxa ayna tilmaamtay dusha laga saaray kunteenaro hub iyo walxo qarxa ku jiray oo bishii May ee sanadkan lagu qabatay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in sii waday Al-Shabaab. “Waxaa lacag badan u sheegay ganacsato kale oo u dirsaday inuu alaab uga soo qaado Shiinaha, taas oo lasoo marsiiyay dekadda Mombasa, kadibna ugu dambeyn lagu qabtay magaalada Muqdisho” ayay qoraalkeeda ku tiri Dahabo Xaaji Ciise. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in wiilkooda uu lahaa ganacsi, isla-markaana uu bariga Afrika keeni jiray alaabo uu ka keeno waddanka Shiinaha. Si kastaba, Ninkan ayaa wajahaya eedeymo culus, waxaana loo arkaa ninkii ugu halista badnaa ee Al-Shabaab, sida ay horay u shaaciyay Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya. The post Qoyska ‘ninka hubka dibadda uga soo iibin jiray Shabaab’ oo war soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan. Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka. Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee Iskaashiga Wiisarada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarshada dalkaasi Youssef Al-Bunyan. Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha hiddaha iyo dhaqanka iyo in ay is kaashi ka yeeshaan tayaynta waxbarshada asaasiga ah ee labada dal. Wasiir Faarax ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha xarunta howlaha gargaarka iyo bini’aadannimada ee Boqor Salmaan, Dr; Cabdalla Bin Cabdi Casiis Ar-rabiica, iyagoo ka wada hadlay sidii loo laba jibaari lahaa taageerada ay boqortooyada Sacuudiga u fidiso Soomaaliya. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xarunta samafalka ugu mahad celisay taageerada ay Soomaaliya u fidiso sida arrimaha Waxbarshada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee asaasiga ah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka wada-hadlay Arrimaha Horumarinta Waxbarashada appeared first on Puntland Post.
-
Muddo sanad ah ayay dowladda Soomaaliya kaligeed ku jirtaa dagaal ka dhan ah kooxda Shabaab oo muddo 20 sano ah dhaqaale iyo hub uruursi ku jirtay. Waxaa xusid mudan gulufkan waxaa ay qaadday Soomaaliya iyada oo aan heysan xulufo dowli ah, taas oo ay u dheertahay in ay saaran tahay cunaqabateyn hubka ah oo golaha ammaan uu ku hayo Chapter VII, dhaqaalaheeda oo dunida ay kabto oo aan is bixin karin iyo arrimo kale. Haddaba, Sidan Ma looga Adkaan Karaa Al-Shabaab? Dowladda Soomaaliya oo ka duulaysa iskaashi ciidan oo dhex mara ciidamada qalabka sida iyo Macawisleyda deegaannada ayaa ku guulaysatay in ay Shabaab ka qabsato inta badandowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle oo dhaca waqooyiga caasimadda Muqdisho, iskaashigaasi waxaa uu horseeday in Khawaarijta laga qabsado in ka badan 170 deegaan oo dhaca Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. Sidaasi oo ay tahay ciidamada dowladda waxa ay kasoo baxeen deegaanno iyo degmooyin ay qabsadeen sababo la xiriira tabo dagaal, taasi oo sii dheereyn doonta soo gabogabeynta wejiga hore ee dagaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa taageero weydiisatay wadamada dariska hore oo ah kuwa koobaad ee ay saameynta togan ama taban ee dagaalka Al-shabab uu ku yeelanayo, waxaase muuqata in aysan Soomaaliya helin jawaabtii loo baahnaa. Waxaase xusid mudan in dowladda ay taageeo koobaan oo dhanka cirka ah ay ka hesho dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkey iyo Imaaraadka. Si la mid ah, xilligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ay dowladda qaadday guluf ka dhan ah Shabaab, muddadan oo kale ayaa lagu qabtay ilaa 27 degmo oo Koonfurta Soomaaliya ah, xilligiaasi AMISOM iyo xoogga dalka ayaa iskaashanayay, waxaa kale oo jirtay maalgelin caalami ah, dhammaan degmooyinka la qabtay lagama soo bixin oo AMISOM ayaa saldhigyo ka dhigatay. Hadda, ciidanka Soomaaliya oo dhismo ku socdo marka laga soo tago, waxaa jiro dhaqaale xumo iyo iyada oo aanay jirin xulufo, waxaa intaas oo dhan ka daran cunaqabataynta hubka iyo saameynta taban ee Chapter VII, arrimahan oo dhami waxaa ay su’aalo gelin karaan suuragalnimada in laga dhabeeyo filashada madaxda Soomaalida oo bulshada u sawira guulo. Saameynta Sooyaalka Chapter VII Chapter VII waa 13 qodob oo u dhaxeeya 39-52, waxaana loo adeegsadaa xaaladaha ay jiraan arrimo khatar ku ah amniga, nabadda iyo dulaanka. Dalka Kujira Chapter VII waa dal ay maamulaan golaha ammaanka, mana dhameystirno qarannimadiisa. Soomaaliya waxaa ay Chapter VII ku jirtay tan January 1992-dii kolkaas oo uu golaha ammaanka soo saaray qaraarkii 733, go’aanna ku gaaray in cunaqabateyn hubka ah la saaro, isaga oo dalal ugu baaqay in Soomaaliya aan la geyn wax hub ah, lana hurin colaadaha jira. Inkasta oo mar la qaaday March 2013-kii hadana sanad kadib waxaa lagu celiyay sidii hore, waxaa ayna taasi keentay in dowladda aanay hub helin halka kooxda Shabaab ay hesho hub sharci darro ah. Qaraarkii ugu dambeeyay ee uu golaha ammaanka soo saaray September 7, 2023 waxaa ku sugnaa in Soomaaliya ay weli khatar ku tahay amniga iyo nabadda gobolka iyo caalamka iyada oo loo sababeynayo tabar la’aanta dowladda, Shabaab, dambiyada ka gudba xuduudaha, ka ganacsiga dhuxusha, ayna kusii baaqi ahaaneyso Chapter VII, xataa midkii 2022-kii waxaa loo ogolaaday hub yaryar oo amniga lagu sugo, oo Booliiska isticmaalaan. Arrimahan oo dhami waxaa ay Soomaaliya ka hor istaagayaan in hub culus soo iibsato, iyada oo Shabaab kala hor tagaysa hub fudud oo iyaguba ay heystaan, taasina waxaa ay adkeyneysaa, dib u dhigi kartaa ama wiiqi kartaaba guul kasta oo la gaari lahaa. Awoodda Shabaab Al-shabaab oo ah koox diini ah, oo ka howlgasho Soomaaliya tan iyo 2004-tii, weli dhul badan oo Koonfurta ayay gacanta ku hayaan, waxaa ay helaan dakhli badan oo ugu yaraan lagu qiyaasay 100 Milyan oo Doolar sanadkii, lacagtaasi oo inta badan ay hub kusoo iibsadaan. Si awoodooda loo wiiqo waa in la helo caqiido dagaal, tiro iyo tayo ka badan. Mareykanka waxaa uu 20-kii sano ee la soo dhaafay galay labo dagaal oo waaweyn oo ka dhan kooxaha Islaamiyiinta ee Al-Qaa’ida iyo Daacish. Kooxda Alqaa’ida oo ku sugnayd Afgaanistaan si uu ula dagaalamo waxaa uu kaxeysay 27 dal, 20 sano ayay NATO oo ogolaanshiyo ka heysata golaha ammaanka ku sugnaayeen dalkaasi, sidaasi ay tahay natiijada ma noqon mid ka farxisa. Dagaalka kale ee Daacishta ku sugnayd Ciraaq iyo Suuriya, Mareykanka waxaa uu horkacayay xulufo ka kooban 14 dal, waxaa intaa dheeraa dalal kale oo iskood u beegsanayay Daacish sida Iiraan, Ruushka iyo qaar kale. Kahor 9, 2017, xulafada duqeymaha ay Ciraaq ka fuliyeen waa 13,331 halka Suuriya ay ahayd 11,235 oo isku darka ah 24,566. Kooxaha sidaan oo kale ah, oo aan loo heysan xulufo, hub iyo dhaqaale ku taageera Soomaaliya, aad ayey u adag tahay in si fudud looga adkaado, waana yar tahay in kooxo duurka ku jira la ciribtiro marka laga reebo kuwa ay ka midyihiin Tagers of Tamil ee dalkaasi Sri Lanka kuwaas oo hogaamiyahoodii iyo 90% ciidankii la laayay, waxayna ku timid iskaashi dowlado. Baahi Degdeg ah: Si, Soomaaliya ay uga guulaysato Shabaab waa in labo mid ah heshaa (1) Haddii keligeed ay dagaalayso waa in laga qaado cunaqabateynta hubka, oo beesha caalamka ay siiso dhaqaale, oo lagu kabo tababar iyo tashiilaad kale. (2). Haddii kale waa in dagaalkan loo arko mid caalami ah, oo wax badan u taraya amniga iyo bedqabka caalamka, lana helo xulufo caalami ah, oo dhulka iyo cirka ka taageero ciidamada Soomaaliya. Haddii labadaasi la waayo waa ay adkaan doontaa in guul si fudud lagu helo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada New York Isniintii, ayaa wajahaya xaalado kale oo adag, kuwaas oo lagula kacay, Trump, isaga oo kasoo muuqday markale Maxkamad. Garsooraha Maxkamaddaasi uu gacanta ku hayo dacwad keeni karta in la baabi’iyo shaqooyinkiisa ganacsi ee uu ku leeyahay gobolkaas, isla markaana laga mamnuuco Trump iyo labadiisa caruura inay wax ganacsiya oo dambe ay ka furtaan gobolka. Dacwadda loo haysto Trump, oo haatan maraysa meel hordhac ah, ayaa waxaa soo oogay xeer ilaaliyaha gobolka New York Letitia James, kuwaas oo ka dhan ah markii uu ku kacay arrimo uu ku diiday aqbalidda iyo inuu sameeyay qaladaad kicin taageerayaal. Kiiskaan ayay eedaysanayaal ka yihiin madaxweynihii hore ee Trump, labadiisa wiil, Shirkaddiisa Trump, iyo xubno kale, waxaana dhinacyadan loo haystaa illaa lix fal dembiyeed oo kala duwan, waana markii sedexaad uu ka soo muuqdo maxkamadda. Eedaha loo haysto ayay ka mid yihiin, ka beensheegidda diiwaanada ganacsiga, shirqooloo lagu been abuurayo xogaha ganacsiga, soo saaridda warbixino maaliyadeed oo been abuur ah, shirqoollo lagu been abuurayo warbixinada maaliyadeed, khiyaanada caymiska iyo qodobo kale. Xeer ilaaliyaha gobolka New York ayaa ku eedeeyey in xubnaha dacwadda lagu soo oogay, inay si joogto ah u bixiyeen warbixino maaliyadeed oo marin habaabin ah, isla markaana been abuur ah, iyaga oo la wadaagayey dhinacyada ay wada-shaqeeyaan, kuwaas oo ay ku jiraan bangiyada ay ka doonayeen deymaha. Maxkamaddan ayaa bilaabantay maalmo uun ka dib markii uu xaakinka Arthur F. Engoron uu amar ku saabsan in Trump iyo eedaysanayaasha kiiskan ku wehelinayaa inay ku kaceen “marar kala duwan khiyaano” la xidhiidha warbixinadooda maaliyadeed. Arrintaas awgeed waxaa xaakinku amar ku bixiyey in la joojiyo dhammaan ruqsadaha ganacsi ee Trump iyo eedaysanayaasha kale ay ku leeyihiin gobolka New York. Trump ayaase isagu iska difaacay eedaha loo jeediyey isaga oo sheegay inaanu wax dembiya gelin oo la xidhiidha, dhammaan eedaha loo jeediyey. Trump ayaa ku tilmaamay in si gaar ah ay u beegsanayso xeer ilaaliyaha madowga ahi, isla markaana ay ka dambeyso arrimo siyaasadeed. Trump ayaa sidoo kale weeraray xaakinka Engoron. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay dagaal beeleed ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Mudug. Shaqaaqada kasoo cusboonaatay Mudug oo u dhaxeysa beelo ood-wadaag ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wasiirka Qorshaynta Maamulka Maxamed Saciid Faroole ayaa isla xiriiriyay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Mudug iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu billow u yahay dagaal saddexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara Puntland iyo Galmudug. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaaladii gobolka Mudug ka dhacay sanadihii 2015 iyo 2016-kii ay dhaceen xilligii hore ee uu madaxweyne Xasan Soomaaliya uu joogay xafiiska. Arrintaan ayaa imaneysa xilli dhinacyadii ku dagaalamay aagga Galdogob uu mid walba ku eedeeyay dagaalkii shalay inay ku lug lahaayeen dowladda federaalka, Galmudug iyo Puntland. Si kastaba, Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac, hase yeeshe sida muuqata si rasmi ah dhaqan-gal uma noqon. Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa murannada sababa gacan ka hadalka. The post Puntland oo Xasan Sheekh u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta… appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegay in habeenimadii xalay Duqeymo laga fuliyey degmada Bu’aale, kuwaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee taageera ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab. Duqeynta oo dhacday abbaare Sideeddii fiidnimo ayaa duqeymo ayaa lala beegsaday seddex saldhig oo Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federalka . Bayaanka wasaaradda ayaa lagu xusay in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan dhismah 1-Dhismaha xarunta. degmada. 2- Xero Tababar oo la sheegay in kooxda ay ku tababaraan askartooda, sida lagu xusay bayaanka oo ku talla Duleedka Bu’aale ee aaga masjidka dabaqa. 3-Dhismo ku yaallo Buundada Bu’aale oo la sheegay in ay ku shirayeen mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab, waxaana jiro khasaare sida bayaanka lagu gabagabeeyay. Duqeyntaan ayaa waaa la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Maraykanka, kuwaas oo qeyb ka ah taageerada Africom ee taageera dowladda Soomaaliya, mana jiro war kasoo baxay Africom oo ku aadan Duqeymaha dhacay. Magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe oo ah caasimadda Jubbaland ayaa gacanta ugu jirta Al-shabaab muddo 15 sano ah, waxaana dhor jeer ka dhacay duqeymo ay fuliyeen ciidanka Africom oo taageera ciidanka Kumaandooska Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya collaado oo aan la heyn dastuur ay dadweynaha u codeeyeen ayaa waxay ku jirtaa dadaal ay ku dhameystirayso dastuurka si afti dadweyne loogu qaado. Dastuurka ayaa ah hagaha ugu sarreeya ee hanaanka dowliga ah, waxa uu sheegayaa qaabka loo dooranayo madaxda ugu sarreysa dalka iyo wadashaqeynta heerarka kala duwan ee hey’adaha dalka iyo hanaanka maamul ee dowladda Soomaaliya. Cutubka koowaad ee dastuurka dalka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay tahay dal ay dowladiisa federaal demoquraadi ah tahay oo dadweynaha dooranayaan matalayaasha iyo madax sare ee dalka. Dhameystirka dastuurka marka laga tago heshiisyada siyaasadeed, codeynta goleyaasha baarlamaanka, iyo aftida shacabka, waxa uu sheegayaa in la dhiso hey’ado dastuuri ah, iyo in la sameeyo sharciyo si dalka u yeesho hey’ado iyo sharuuc illaalisa xuquuqda aadahana. Dhameystirka dhismaha hey’adaha dowladda ee rasmiga ah, marka laga soo tago unkidda kuwa ay keeneyso hadba cimilada iyo dhaqdhaqaaqa dhaqan dhaqaallaha, waa asaaska habka dhexe ee kala hagaya macaamilka nidaamka dowliga ah, hadaba sheekada qoraalkan waxay qotontaa sida ay u kala dhantaalan yihiin shuruucdii iyo hey’adihii qaban lahaa shaqooyinka dowladda, si ay u fulaan hawlaha dowladda, si hufan oo ay wadashaqeyn qurxan ku dhex mari karto dowladda, muwaadiniinta, iyo dowladda xubnaha ka ah dowladda dhexe. Dastuurka ku meel gaarka ah ee ka kooban shan iyo tobanka cutub, waxa uu farayaa in la dhameyrtito iyada oo la marayo wadatashi iyo iskaashi, lagana heshiinayo siyaasadda iyo qeybsiga kheyraadka, si loo helo dal leh dowlad ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka saaran muwaadinkeeda. Cutubka Koowaad ee dastuurka Soomaaliyeed ee ka hadla baaqa jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Qodobka 8-aad, farqada 2’aad ayaa sheegaya in la sameeyo Sharciga Jinsiyadaha oo kala cadeynaya muwaadinimada Soomaaliya. Ka hor inta aan la qaadan hanaanka federaalka ah muwaadinnimada Soomaaliya waxaa sal u ahaa isirka, waxaana qaadanayay qof walba oo dhiiga Soomaali ka ah, waana sharciga jinsiyada Soomaaliya ee wali jira. Dad badan waxay walaac ka qabaan isla jaanqaadka hanaanka federaalka ka ah iyo Sharciga Jinsiyadaha. Waa sharci muhiim u ah bixinta kaarka dhalashada iyo cadeynta qofka Soomaaliga ah. Waxaana looga fadhiyaa baarlamaanka Soomaaliya in ay sameeyaan sharciga jinsiyada Soomaaliya. Soomaaliyaa oo qaadatay hanaanka baahinta awoodda ee federaalka ah dastuurkeeda ku meel gaarka ah waxuu cadeynayaa in caasimadda dalka tahay Muqdisho, waxaase Baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa sameynta sharciga Maqaamka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda sida uu qabo qodobka 9’aad. Cutubka Labaad ee ka hadla xaquuq asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka oo ah cutub aad u dheer faaffaahin xoggana ka bixinaya xaqad muwaadinka, waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo dhawr sharci oo aasaas u ah ilaalinta xaqa aadahana, waa meesha sheegaysa in dowladda Soomaaliya tahay dowlad fursadsiisa muwaadiniinteeda ama mid ku tunta xaquuqda aadanaha ee Allah ku maneeyay qofka aadanaha ah. Dhawrka sharci ee uu cutubka labaad soo jeediyay waxaa ka mid ah sameynta Sharciga Xaqa Helida Macluumaadka sida uu qabo qodobka 32aad ee dastuurka ku meel gaarka ah Farqada 3’aad. Si la mid cutubkaan waxa uu tilmaamayaa in la sameeyo sharci muhiim u ah macaamilka dowladda iyo dowladdaha kale ee dunida, buddhigna u ah difaacidda xaquuqda aadamiga, waa sharci ay tahay in lagu ilaaliyo xaquuqda maxaabiista ku xiran wadanka gudahiisa iyo kuwa laga soo dhoofinayo dibadda, waa sharciga Isucelinta eedeysanayaasha iyo Dambiilayaasha oo looga fadhiyo baarlamaanka Soomaaliya in ay meel mariyaan sida uu qabo qodobka 36 add, farqada 2’aad. Isla cutubka labaad ee dastuurka waxa uu qabaa in la dhiso sharciga Qaxootiga iyo Magangelyada, waa sharci ahmiyad u leh dadka magan doonka ah ee raba in ay soomaaliya ka dhigtaan hoy ay ku ammaan helaan, iyo kuw raba in ay ku soo qaxaan. Qodobka 37’aad, farqada 2’aad ayaa soo jeedineysa in la sameeyo sharcigaan. sharcigaan Golaha Shacabka ayaa anisiyay. Cutubka Saddexaad waxa uu ka hadlayaa Dhulka, Hantida, iyo Deegaanka waxa uuna soo jeedinayaa dhawr sharci iyo xeerar ay soo saarayaan maamulada dalka, xukuumadda dhexe iyo Baarlamaanka federaalka ah. Sida ku cad qodobka 43, farqada 3’aad xukuumadda federaalka ah iyo kuwa maaulada dalka waxay sameynayaan xeerar lagu hago badqabka, lahaansha, iyo isticmaalka dhulka. Baarlamaanka Federaalku ayaa soo saaraya Sharciga la haanshaha Dhulka sida ku cad qodobka 43’aad, farqada 4’aad. Dhanka kale cutubkaa waxa uu qabaa in la sameeyo xeerar iyo Sharciyada Qeybsiga Kheyraadka sida uu sheegayo qodobka 44’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Dhawrista deegaanka waa asaaska nolosha aadanaha iyo xayawaanka, dastuurka Soomaaliya waxa uu soo jeediyaa in maamulada iyo dowladda dhexeba ay soo saaraan sharciyo lagu ilaalinayo deegaanka, qodobka 45’aad, farqada 4’aad ayaa qabta in la sameeyo Sharciga Deegaanka. Dhawaan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay sharciga ilaalinta, maareynta deegaanka. Marka laga soo tago in dastuurka Soomaaliya sheegayo qaadashada hanaanka baahinta awoodaha waxa uu qabaa in dadweynaha ay leeyihiin awoodda dowladnimada ee ugu dambeysa ee ayna dooranayaan madaxda hey’adaha ay u igmadeen fulinta adeegyada. Cutubka Afraad ee dastuurka waa matalaada shacabka, waxa uu sheegayaa in heerarka dowladda yihiin saddex heer dowladda dhexe, kuwa xubno ka ah iyo dowladaha hoose, waxuuna soo jeedinayaa in la sameeyo sharuuc qayaxaysa hanaanka wadashaqeynta dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah, wadashaqeynta dhey’adaha dowladda dhexdooda saddexda heerba. Qodobka 47’aad ee dastuurka waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo sharciyo lagu maamulayo Doorashooyinka iyo Axsaabta dalka. Si loo dhameystiro dastuurka iyo hanaanka federaalka ah, dastuurka waxa uu sheegayaa in la dhiso dowlado xubno ka noqda dowladda federaalka ah, waxa uuna qabaa in si iskood ah ay gobolada iskugu biiraan, si ay u dhistaan maamul goboleed. Si dowladda goboleedka ay xubin kaga noqoto dowladda dhexe waa in la sameeyo sharci, baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo saaraya sharciga tirada iyo xuduudaha dowladda xubnaha ka ah dowladda federaalka ah sida ku cad qodobka 49’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah, sharcigaan wali lama soo saarin, waxaase dhismay 5 maamul goboleed marka lagu daro Puntland oo horay u dhisneyd. Hanaanka Baahinta awoodda waxa uu dhisay dowlado yaryar oo xubin ka ah dowladda dhexe, waana in ay wadashaqeyn dhexe marto labada heer ee dowladda, mid kor ah iyo mid siman, sidaa tarteed dastuurka ku meel gaarka ah waxa uu soo jeedinayaa in la sameeyo sharciga qayaxaya hanaanka xiriirka iskaashiga heerarka dowladaha federaalka, sida ku cad qodobka 51aad, farxaqada 5. Dowladda dhexe waxay yeelanay laba gole oo baarlamaan ah, golaha shacabka iyo aqalka sare, wadashaqeynta labada aqal waxay u baahantahay xeer, dastuurka federaalka ah waxa uu sheegayaa in la sameeyo Xeerka Habka Wadashaqeynta Labada Aqal sida uu muujinayo qodobka 57’aad ee dastuurka jamhuuriyada federaalka ah. Si la mid ah xeerka wadashaqeynta labada aqal waxa uu sheegayaa in la sameeyo xeer lagu dhisayo guddiyada wadaaga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ku cad qodobka 62’aad, waxuuna muhiim u yahay fududeynta hawlaha baarlamaanka, waana hawl qabyo u ah baarlamaanka Soomaaliya in uu dhiso guddiga wadaaga ah. Isla cutubkaan waxa uu sheegayaa in labada aqal ay sameystaan xeer hoosaadyo sheegaya sida aqal walba u gudanayo hawl maalmeedkiisa sida ku qoran qodobka 66’aad, farqada 3’aad, iyo qodobka 75’aad farqada koowaad, labada aqalba waxay sameysteen xeer hoosaad ay ku hawlgalaan. Cutubkaan waxa uu sheegayaa in la sameeyo Sharciga Xasaanada Xildhibaanada sida uu soo jeedinayo qodobka 70’aad, farqada 4’aad ee dastuurka Soomaaliya. Kala qeybinta awoodaha dowladnimada oo saldhig u ah hanaanka awoodda shacabka si uu u dhameystirmo, Cutubka Sagaalaad ee dastuurka waxa uu soo jeeda in la dhiso golaha adeega garsoorka kaas oo ka madax baneynaya hey’adda Garsoorka, Baarlamaanka iyo Laanta Fulinta. Dastuurka federaalka ah qodobka 105’aad farqada 2, waxay qabtaa in la dhiso hey’adda garsoorka, baarlamaanka federaalka Soomaaliyana uu soo saaro sharci qayaxaya Qaab Dhismeedka Garsoorka. Lagamana heshiin qaabdhismeedka Garsoorka Soomaaliya, baarlamaanka Soomaaliyana ma soo saarin sharci, waxayse baarlamaanka gudbiyeen sharciga lagu dhisayo golaha adeega garsoorka. Hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ah in ay helaan dowlad gob ah, oo leh hey’ado salfadhiya oo aysan fududeyn in qolo afduubto, waxay u baahantahay in la dhiso gudiyo madax banaan, iyo hey’ado aan aheyn golaha wasiirada, baarlamaanka, iyo garsoorka kuwaa oo bixiya adeegyo dowladeed, oo dheeli tiran. Cutubka Tobnaad ee dastuurka waxa uu soo jeedinayaa in la dhiso dhawr guddi oo madax banaan, oo Heer Federaal iyo Heer Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, waajibaadkooda, xilkooda, iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa xeer ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qodobka 111A waxa uu sheegayaa in la sameeyo sharciga dhismaha Golaha Adeega Garssoorka, 30 Juun, 2014, Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ansixiyay sharci lagu dhisayo golaha adeega garsoorka, waxaanse wali la dhisin guddiga adeega garsoorka Soomaaliya. Cutubka koowaad ee dastuurka waxa uu soo jeediyay in la sameeyo gudi ilaaliya xuquuqda aadamiga, qodobka 111 farqadiisa B ee dastuurka Iyana waxay qabtaa in la dhiso Guddiga Xuquuqda Aadamiga, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 6 Juun, 2016 ansixiyay Sharciga dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, walise waxa laalan sameynta guddiga. Soomaaliya oo ah dal dowladnimadiisa ay tahay mid curdun ah, ayna dhisneyn hey’adihiisa maaliyadeed oo hufan, waxaa lafdhabar u ah hufnaanta dhaqaalaha dalka, dhismaha Gudiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu qabo qodobka 111’aad, farqadiisa C oo qabta in la dhiso gudi madax banaan, Baarlamaanka Soomaaliya waa uu meel mariyay sharciga dhisida Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa, baarlamaanka Soomaaliya waxa uu soo saaray sharci lagu dhisayo guddiga la dagaalanka musuqa 5 December, 2018, waxaanse wali la dhisin guddigii qaban lahaa shaqada. Maadaama dastuurka uu siinayo dadweynaha awoodda ugu dambeysa, qodobka 111 farqadiisa G waxay qabtaa in la sameeyo sharciga dhismaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka. Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ansixiyay sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, 11 Feebaraayo, 2025, waxaana la dhisay guddiga, waxaase kala diray madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxayse sharciyqaanada wax iska weydiiyeen hanaanka loo maray kala dirista guddiga. Hanaanka baahsanaanta awoodaha ee federaalka ah waxay dhistay maamul goboleedyo xubno ka ah dowladda dhexe, halkaa waxaa ka dhashay sameysanka xuduudo ay yeelanayaan dhexdooda, hadaba dastuurka federaalka ah qodobokiisa 111’aad farqadiisa E waxay soo jeedineysaa in baarlamaanka federaalka ah sameeyo Sharciga Dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, waxuuna sharcigaan ka mid noqday sharuucda la sameeyay 22 December, 2014, wallow guddigii uu kala diray madaxweynaha Jamhuuriyada. Qodobka 111 farqadiisa (I), waxay soo jeedineysaa in la dhiso dhismaha guddiga runta iyo dib u heshiisiinta, baarlamaanka Federaalka ahna ay soo saaraan sharci sheegaya awoodaha iyo xilalka guddiga. Guddigaan Lama dhisin. Sidoo la mid ah Qodobka 111 ee dastuurka farqihiisa D, F, H, J, waxay qabaan in la sameeyo sharciyo lagu dhisayo guddiyo madax banaan oo masuuliyaadkooda iyo waajibaadkooda cadeynayaan sharciyo ay soo saaraan baarlamaanka, waxaana ka mid ah sharciyada la soo saarayo; Sharciga dhismaha guddiga adeega Baarlamaanka, Sharciga dhismaha Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha, Sharciga dhismaha Gudiga Ammaanka Qaranka, Sharciga dhismaha Xafiiska Gardoonka Dadweynaha, sida ay iskugu xigaan. Dhammaan guddiyada qeybtaan ku xusan ma sameyn sharciyadii lagu dhisi lahaa. Isla cutubka tobnaan, qodobka 114 ee dastuurka, waxaa ku xusan in dowladda yeelato xafiisyo guud oo madax banaan kuwaa oo bixinaya adeegyo dowladeed, lehna awood ay ku korjoogteeyaan hey’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin, si loo helo awood dowladeed oo isku dheeli tiran. Qodobkaan waxa uu soo jeedinayaa in baarlamaanka Soomaaliya soo saaro sharciyo cadeynaya awoodaha iyo kaalimaha Xafiiska Garyaqaanka Guud, xafiiska Hanti Dhawraha Guud, Sharciga dhismaha xafiiska Xisaabiyaha Guud. Dhawaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay sharciga Hanti Dhawrka Guud ee Qaran, kadib mudo dheer oo uu sharcigaan ku noqnoqanayay xafiiska madaxweynaha iyo baarlamaanka. Sharciga Xadidiya Shaqaalaha ka Reeban Siyaasadda, baarlamaanka Soomaaliya waxa uu soo saarayaa sharci lagu xadidayo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ee ay ka reeban tahay in ay qeyb ka noqdaan ururo siyaasadeed, dalka waxa uu qaatay hanaan baahinta awoodda oo dadweynaha ay leeyihiin awoodda ugu sareysa, ayna dooranayaan hogaamiyaasha iyo dadka ku matalaya siyaasadda, hadaba si la iskugu dheeli tiro awoodda meesha looga saaro eex baarlamaanka ayaa soo saaraya sharci lagu xadidayo qeybaha shaqaalaha dowladda ee ay ka reeban tahay in ay xisbi ka mid noqdaan sida ku cad qodobka 118, farqadiisa, 3’aad. Sharcigaan wali ma uusan soo bixin. Isla cutubkaan waxaa ku arkaysaa in baarlamaanka Soomaaliya soo saarayo Sharciga Shaqaaaha Rayidka ah sida uu soo jeedinayo qodobka 119’aad, farqadiisa 2’aad. Hada waxaa lagu shaqeeyaa sharciyo la sameeyay dowladdii dhexe iyo dowladihii ku meel gaarka. Dowladda dhexe awoodaha uu dastuurka u gaaryeelay, waxaa ka mid ah lacagta, waxaana maamulaya lacagta Bangiga dhexe, Baaralamaanka waxa uu meelmarinayaa sharciga Dhismaha Bangiga Dhexe, sida ku cad qodobka 123, farqada 1’aad. Si la mid waxaa la soo saarayaa Sharciga Heykalka Maamulka Maaliyada, sida uu qabo qodobka 124’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah. Waxaa kale oo dastuurka soo jeedinayaa in la curiyo oo la meelmariyo Sharciga dhismaha Hey’adda Keydka Qaranka, sida ku xusan qodobka 125 ee dastuurka. Dowladda Soomaaliya waxay sameysay sharciga lacag dhaqista, iyo sharciga xayiraada cayiman. Soomaaliya oo dhawaan qaadatay hannaanka daadajinta awoodaha, waxay u baahantahay in la sameeyo Sharciyo Hey’adaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin sharciga booliiska, nabad sugida, asluubta iyo ciidanka xoogga, socdaalka, dhammaan horay waxay u la haayeen sharciyo dowladdii dhexe, hadana waxaynu qaadanay hanaanka dowladnimada baahsan ee awoodaha loo qeybiyay labo ilaa saddex heer, dastuurka ku meel gaarka ah qodobka 130’aad ee Cutubka afar iyo tobnaad, waxa uu dhigayaa in la sameeyo Sharciga hey’adaha Ammaanka, wadashaqeynta dhexdooda ah, heerarka, masuuliyaadka iyo waajibaadka qeyb walba cadeynaya. Dhawaan baarlamaanka Soomaaliya waxa uu meel mariyay sharciga dhismaha hey’adda nabad sugida, iyo hey’adda socdaalka. Baarlamaaka Soomaaliya waxuu meel mariyay sharciga la dagaalanka argagixisada. Dastuurka ku meel gaarka ah si uu kaga baxo kumeel gaarnimada waxaa la marinayaa hanaan dheer oo dhawr waji leh, oo ay ku jiraan helida heshiis siyaasadeed, codka golaha baarlamaanka, aqbalaada dadweynaha, iyo saxiixa madaxweynaha, kadiba waxaa lagu faafinayaa faafinta rasmiga ah sidaasna waxa uu ku noqonayaa dastuur rasmi ah. Hadda si afti dadweyne loogu qaado dastuurka waxay baarlamaanka soo saarayaan Sharciga Aftida Dadweynaha, sida ku cad qodobka 141’aad ee dastuurka ku meel gaarka ah. Heykalka dowladnimada waxaa xoojinkara sharciyo, haga hey’adaha dowladda, Soomaaliya waxay kaga bixi kartaa qaska iyo maamul xumada in ay hesho hey’ado dowladeed oo sharciyo dhameystiran leh. Mar walba dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka wax ka badal ayaa lagu sameyn karaa, waana shaqo qulqul ah oo aan dhammaad la heyn, waxayna la jaanqaadeysa nolosha aadanaha iyo isbedalka ku dhacaya koonka dowladnimada. In xeerarka la Federaaleeyo, dib u eegis lagu sameeyo lana dhameystiro sharciyada, dhismaha hey’adaha dastuuriga ah ee aasaasiga u ah shaqada dowladnimada Soomaaliya, waa qandho jabiyaha koowaad ee lagu lagu dhufan karo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waana mida keliya ee dhisi karta dowlad dimoquraadi ah oo ku shaqeysa hannaanka federaalka ah oo dheeli tiran. Qore: Hassan Mohamud Source: goobjoog.com
-
Saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Bu’aale oo la duqeeyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaasi diyaarado dagaal duqeymo culus ka geysteen. Bu’aale oo ah saldhiga ugu weyn Soomaaliya ee kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegaya in xalay saqdii dhexe la duqeeyay saddex saldhig oo kooxdu ku lahaayeen halkaasi. Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saddex goob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1-Dhismaha xarunta degmada 2- Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa. 3-Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen. Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn xadiga khasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaa haddana waxay wararka tibaaxayaan in Shabaabkii ku sugnaa halkaas qaarna lagu dilay, kuwa kalena lagu dhaawacay. Xubnaha lagu dilay duqeyntan iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegaya in ay ku jiraan horjoogayaal. Goobaha sida gaarka ah loogu beegsaday weerarkan dhinaca cirka ah ayaa kamid aheyd dhismihii xarunta degmadaasi. Duqeymaha dhanka cirka oo inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda. The post Saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Bu’aale oo la duqeeyay appeared first on Caasimada Online.
