Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in sagaal ka mid ah muwaadiniinteeda lagu dilay gudaha dhulka Israa’iil, halkaas oo maalinkii seddaxaad uu ka socdo weerar uu qaaday ururka Xamaas. War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhibanayaasha iyo qoysaska dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey, waxaana u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah.” Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan sii wadeynaa inaan si dhow ula socono xaaladda oo aan la xiriirno saaxiibadayada Israel, gaar ahaan maamulka maxalliga ah.” Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay safaaradda Israa’iil ayaa shabakadda wararka ee CBS u sheegay in tirada dadka lagu dilay weerarrada Israa’iil ay hadda marayso 900 oo qof. Dhanka Qasa, tan iyo bilowgii weerarkii aargoosiga ahaa ee Israa’iil, waxay hadda dhimashadu maraysaa 600 oo qof, inta si rasmi ah loo xaqiijiyey. Chancellor-ka Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in uu filayo in uu fiidnimada Isniinta uu kala hadli doono dhiggiisa UK, Faransiiska iyo Mareykanka colaadda Bariga Dhexe. Scholz ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ka hor shir wadajir ah oo golaha wasiirada dalalkooda ay ku yeelan lahaayeen magaalada Hamburg. Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo ka hadlayay sida uu dalkiisa uga jawaabayo weerarka Xamaas ayaa sheegay in tani ay tahay billowga. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, saraakiil ka socotay koofurta Israa’iil ayuu u sheegay in “waxa ay Xamaas la kulmi doonto ay tahay wax adag oo xanuun badan”. Netanyahu ayaa intaa raaciyay in tani ay “tahay billowga… waan idinla jirnaa dhammaan xoog ayaana uga reyn doonnaa, awood weyn”. The post Mareykanka oo shaaciyey tirada dad uga dhintay weerarka Israa’iil iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib loo abaabulay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ka baxay ciidamadii ugu badnaa. Ciidamadaan oo u badan Gor Gor ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu abaabulay magaalada Muqdisho, waxaana hadda loo daabulayaa gobollada dalka. Laba urur oo ciidanka Gor Gor ah oo dhulka maray ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Horay Guriceel waxaa u joogay hal urur oo ciidanka guutada Abuu-dujaana ah, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay la geeyey, sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidankaas shalay ku wargeliyey inay dagaal u diyaar garoobaan. Ciidan kale oo saacadihii lasoo dhaafay ka baxay Muqdisho ayaa caawa kaabiga ku haya degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, degmadaas ayaa ka mid ah deegaanadii ay dib uga soo baceen ciidamada qaranka. Sidoo kale abaabul ciidan kii ugu xooganaa ayaa ka socda Muqdisho, waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa in furinata loo diro kumanaan askari oo hadda lagu diyaarinayo xeryaha ciidan ee ku yaalla Muqdisho. Ciidamadaan waxay Muqdisho ku yimaadeen fasax bil ku dhawaa oo la siiyey markii ay soo baneeyeen furimaha, gaar ahaan degmooyinka Ceeldheer, Galcad,Mesegawaa iyo Ruun-nirgood. Hadda ayaa ciidankaas dib loogu celinayaa furimaha dagaalka, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la dardar geliyo howlagalada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda Eritrea ku maqan ayaa markii uu dib ugu soo laabto dalka wuxuu toos u aadayaa Dhuusamareeb oo dagaalka Al-Shabaab uu ka hoggaaminayey labadii bilood ee lasoo dhaafay. The post Xog: DF oo dib u abaabushay ciidamadii ugu badnaa oo ku wajahan furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka. Ciidankaan ayaa lagu wadaa in dalka ay dib ugu soo laabtaan, kadib tababar dheer oo ay ku qaateen halkaas, waxaana safarka madaxweynaha uu ku tagay dalkaasi uu kusoo aadayaa xilli ciidanka lagu tababaray Eratariya ay kaalin weyn ka qaateen dagaalka Al-shabaab looga saaray deegaannada Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco, halkaas oo sanadkan lagu qabanayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF. Kahor furitaanka shirka guud, Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdigiisa waxa ay shirar muhiim ah oo horudhac ah la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa iyagoo ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya, hannaanka Deyn Cafinta. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixii Imaan Cige iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Antoinette Monsio Sayeh oo ah Agaasime ku xigeenka Guud ee IMF. Waxa ay ka wadahadleen Geedi socodka hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo dhammaystirka sharuudaha muhiimka u ah dadaalada Deyn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Ku xigeenka Maamulaha Guud ee IMF sidoo kale ka hadlay sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heli lahayd Deeqo Maaliyadeed oo dheeraad ah kaddib barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya marka laga gudbo. Wasiir Biixi iyo Wafdiga la socda ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha, Deyn Cafinta iyo xoojinta wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah la qaato, Madaxda iyo Dowladdaha ka qeybgalaya shirkaan sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Asmara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarumaha lagu tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Ciidamada uu tababarku uga socdo Erterea ayaa iskugu jira kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka, waxay ciidanka qaar tababarkaan qaadanayaan in ka badan shan sano. Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee xeryaha ciidamada waxaa galabta ku wehliyay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas, Yemane G. Meskel. Waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Etirrea uga mahadceliyey ‘sida walaalnimada ah oo ay uga qayb qaadatay nabadda Soomaaliya’. Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababareysa Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii December ee sannadkii la soo dhaafay. Ciidamada qaar, gaar ahaan kuwa cirka iyo badda loo tababarayo waxay Eritrea ku sugan yihiin in ka badan shan sano, waxaana tababarka u dirtay dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Soomaaliya oo hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab u joogay Dhuusamareeb muddo laba bilood ah ayaa shalay ka dhoofay Muqdisho, kadib hal habeen oo Dhuusamareeb uu ka soo maqnaa. Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo laabto Eritrea wuxuu dib ugu laabanayaa Dhuusamareeb, sida ay ogaatay Caasimada Online, wuxuuna halkaas ka bilaabi doonaa dardar gelinta dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab looga xoreynayo dalka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha lagu tababarayo ciidamada DF ee dalka Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  6. Cali Guray oo Magac Cusub u Bixiyay Cirro oo uu Sheegay in Madaxweyne loo Dooran doono Hargeysa(Qaran news)-siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in saadaasha codbixiyeyaasha Somaliland Boqolkiiba lixdan ay madaxweyne u dooran doonaan murrashaxa xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Cali Guray wuxuu sheegay in Ilaahay ku simo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo uu u bixiyay Cabdiraxmaan Miyir. Sidaasna wuxuu sheegay qoraal uu ku baahiyay Facebook-giisa, waxaanu tilmaamay in isbeddelkaas ay wax yari inooga hadhay. Qaran News
  7. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo safar kusoo gaaray caasimadda Muqdisho. Kulan dhexmaray labada mas’uul ayaa looga ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-shabaab iyo in dowladda Uganda ay ka taageerto ciidanka. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabadda Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka. Dowladda Uganda ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha ciidanka ugu badan ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale kaalin muhiim ah ay uga jirtaa dalalka ku mideysan bulshada Bariga Afrika oo dhowaan ay ku biirtay dowladda federalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Degdeg:Daacuun ka Dilaacay Jigjiga Jigjiga(Qaran news)- Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Cudurka Shuban biyoodka ama Daacuunka uu ka dilaacay magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, sida uu sheegay Xafiiska Caafimaadka ee Dowlad degaanka Soomaalida. Xafiiska Caafimaadku waxa kale oo uu sheegay in hadda ka hor Cudurkan Daacuunka ah lagu arkay degaannada deriska la ah dowlad degaanka Soomaalida, balse hadda la xaqiijiyay in magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda uu cudurkani ka dillaacay, waa sida lagu baahiyay bogga gaarka ah ee Facebook ku leeyahay Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Soomaalida. May sheegin xafiisku tirada dadka uu cudurkani ku dhacay ama lagu arkay, balse xafiiska ayaa farriimo wacyigalin ah dadka ugu gudbiyay dhanka Warbaahinta taas oo ah in dadku ay ka feejignaadaan cudurkan isla markaana ay si dhow ula socdaan farriimaha gaagaaban ee uu markasta bixinayo xafiisku. Ugu dambayn Xafiiska Caafimaadka ayaa waxa uu farriin u diray shacabka magaalada Jigjiga taas oo ah in qofkii lagu arko cudurkan lagu soo wargaliyo meelaha ay khusayso iyo xarumaha Caafimaadka, si loola socdo xaaladda caafimaad ee qofka uu cudurkani haleelay. Cudurkan Shuban biyoodka ama Daacuunka ah oo ah cudur halis ah ayaa horey waxaa loogu arkay gobollada cidhifka ah gaar ahaan kuwa xiga dhanka xuduudda degaanku la leeyahay degaanka Oromiya, iyadoo haatana la sheegayo in caasimaddii dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga uu ka dilaacay cudurka Daacuunka oo ah cudur faafa oo inta badan loo geeriyoodo. Qaran News
  9. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa Axaddii ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka. “Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. “Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka. Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas. “Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo waddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaasha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee Beijing. Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur argagixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin. Safaaradda Israel ee Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel. “Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in Shiinuhu uu taageero iyo garab istaag u fidiyo Israel xilligan adag,” ayay safaaradda ku qortay barteeda X. Xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Israel ayaa si weyn u ballaartay 30-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay labada dal sameysteen xiriir diblomaasi sannadkii 1992-kii, inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu taagnaa. Khilaafyada ayaa waxaa ka mid ah kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta la xiriira, xiriirka Shiinaha uu la leeyahay cadawga Israel, sida Iran, iyo welwelka la xiriira amniga ee Israel ee ku saabsan wareejinta teknolojiyadda gaarka ah ee Shiinaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qaaray tallaabo cusub oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee sida weyn isku hayaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda. Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ee imaanaya magaalada Garoowe ay amnigooda sugeyso dowladda, islamarkaana aysan hub lasoo geli karin caasimadda. “Guddiga dhaqan-galinta amniga ayaa u xilsaaran amniga caasimada,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay guddiga nabad-gelyada gobolka Nugaal. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in goobaha la isugu imaanayo ay amnigoda sugayaan ciidamada dowladda, xilli mucaaradka uu wado diyaar-garowga shirweyne ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni. Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bishaan October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maamulka ee Garoowe. Sida ay Caasimada Online hore u baahisay shirweynahan ayaa waxaa lagu mideynayaa dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay dhinaca saareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka “doorashooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay damac muddo kororsi, wallo uu madaxweynaha hore u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qabanayo. Si kastaba, go’aannadan ayaa uga sii daraya xiisadda ka taagan gudaha magaalada Garoowe, taasi oo u dhaxeysa mucaaradka iyo kooxda Deni, islamarkaana salka ku haysa doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni. The post Puntland oo qaaday tallaabo culus oo mucaaradka ka dhan ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Garowe (HOL) - Several candidates vying for the presidency of the Puntland regional state have converged in Garowe to announce a political alliance to challenge the incumbent regional leader, Said Abdullahi Deni. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha ayaa safar shaqo ku jooga Ereteriya oo ay tababbar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidanka Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  13. Weerarkaan oo hoobiye loo adeegsaday ayaa sababay khasaare nafeed oo soo gaaray qaar ka mid ah qoyska xildhibaanka. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhex-galka Gobolka John Mulimba. Labada masuul ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah. Mudane Saalax ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isaga oo uga mahad-celiyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhex-galka Gobolka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka. Riyada Soomaaliya ee ku biiritaanka suuqa iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa u muuqata inay rumoobeyso, sida ay kal hore shaacisay dowladda federaalka. Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa dhawaan ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markaas si weyn usoo dhaweysay tallaabadan, oo lagu tilmaamay guul diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo u soo hoyatey dalkeena. Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan. Si kastaba, Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika. The post Sawirro: Uganda oo DF ku garab istaagtay ‘ka mira-dhalinta’ qorshe muddo socday appeared first on Caasimada Online.
  15. Dawladda ayaa hawlgalkaan ku burburisay saanad ka kooban hub, cunto, daawo iyo agabka qaraxyada la ga sameeyo oo ay Al-Shabaab ku qarinayeen deegaannada hawlgalka la ga fuliyey. Source: goobjoog.com
  16. Faysal C.Waraabe oo Xukuumadda ugu baaqay in aanay ku mashquulin xaraashka hantida ma guurtada ah Hargeysa,(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay ku mashquusho difaaca dalka iyo u diyaar garowga doorashooyinka. Guddoomiyaha UCID wuxuu sidaasi ku sheegay farriin uu ku baahiyay twitterkiisa oo uu kaga hadlay iibka xaafada Lineka Bilayska ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi u iibisay qaab aan loo tarramin oo ka arradan daahfurnaanta. Waxaanu u soo jeediyay in aanay ku mashquulin xaraashka hantida ma guurtada. Qaran News
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Hargeysa qeybo kamid ah ka socda mudahaaradyo ay dhigayaan dadweyne cadheysan, kaasi oo sabab u noqday isku dhexmara boomiska iyo shacabka. Isku dhaca ciidamada booliska iyo shacabka ayaa yimid kadib markii la sheegay in dhulka Laynka Booliska ee badhtamaha suuqa Hargaysa ay xukuumadu ka iibisay ganacsato, si looga dhiso dabaqyo dhaadheer. Goobtan la amray in la baneeyo oo ay degan yihiin dad u badan qoysas boolis ah, ayaa diiday in ay ka guuraan halkaasi, iyada oo la sheegay in xukuumadu ay u qorshaysay in loo raro goob kale, islamarkaana la siiyo guryo iyo qadar lacag ah. Rabshadaha looga soo horjeedo go’aanka xukuumadda oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyada oo inta la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba qof. Wararka ayaa intaas kusii daraya in xabsiga loo taxaabay saraakiil boolis ah oo kamid ah dadwaynaha goobta dagan oo amarka lagu baneynayo diiday. Go’aanka xukuumadda ay ku iibineyso dhulka danta guud ah ayaa sidoo kale waxaa si weyn u cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Somaliland. “Xaaraan ayay noqonaysaa haddii waxaas umadu wada leedahay ee xukuumadda waqtigeedu dhamaaday ay idinka iibiso oo xoolihiina aad ku iibsataan, waa jiriimo weyn oo umadda aad ka gasheen,” ayuu yiri Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis. Xoghayaha xisbiga Waddani ayaa intaas kusii daray “La iskama hadhi doono, waa wax la iskaga daba iman doono.” Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlay arrintaan taagan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay amarka xukuumadda ay ku iibineyso dhulkaan. Waxa uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in loo midoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka, laakiin aysan xilligaan ahayn in xukuumadda ku mashquusho iibka dhulka. Si kastaba, dhulkaan ayaa sida la sheegay lagu iibinaya lacag badan, maadaama uu ku yaallo meel muhiim ah oo suuqii badhtankiisa ah, taasi oo keentay in dadkii deganaa qaarkood ay dalbadaan in lacagta loo qoondeeyay loo kordhiyay. The post Khasaaraha isku dhac Hargeysa ku dhex-maray booliska iyo dadweyne careysan appeared first on Caasimada Online.
  18. Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib U Heshisiinta XJFS Mudane Axmed Macallin Fiqi. Kulanka ayaa waxaa Hoggaamiyaha ku weheliyey Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Mudane Cabdi-Sahal Jaamac Maxamed, iyo Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda XJFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif. Kulanka ayaa lagaga wada hadlay saamayntii dagaaladu ku reebeen deegaannada SSC-Khaatumo, sidoo kale waxaa kulanka diirrada lagu saaray arrimaha hortebinta u leh Maamulka SSC-Khaatumo gaar ahaan arrimaha gudaha oo ay ugu horeyso maamul daadejinta, Dib U Heshiisiinta, iyo guud ahaan iskaashiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka SSC-Khaatumo. Wasiir Axmed Fiqi ayaa xusay in ay Wasaaraddiisu diyaar u tahay in ay si weyn gacan uga geysato arrimaha Dib U Heshiisiinta, maamul daadejinta iyo arrimaha kale ee hoos yimmaada awoodda Wasaaradda. Ugu danbayn, Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa Xukuumadda JFS iyo Wasiir Fiqi uga mahadceliyey soo dhawayntii qiimaha badnayd ee ay ku maamuuseen weftigiisa. The post Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo la kulmay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Oil prices have jumped on concerns that the situation in Israel and Gaza could disrupt output from the Middle East. Brent crude, the international benchmark, climbed by $2.25 a barrel to $86.83, while US prices also rose. Israel and Palestinian territories are not oil producers but the Middle Eastern region accounts for almost a third of global supply. Hamas’s assault on Israel was the biggest escalation between the two sides for decades. Western nations condemned the attacks. A spokesperson for Hamas, the Palestinian militant group, told the BBC that the group had direct backing for the move from Iran – one of the world’s largest oil producers. Iran denied involvement in the assault at a UN Security Council meeting in New York on Sunday, Reuters reported. But Iranian President Ebrahim Raisi has expressed support for the attack. Energy analyst Saul Kavonic told the BBC that global oil prices have risen “due to the prospect of a wider conflagration that could spread to nearby major oil-producing nations such as Iran and Saudi Arabia”. On Monday morning, the price of West Texas Intermediate crude, the US benchmark, was up $2.50 a barrel at $85.30. “If the conflict envelops Iran, which has been accused of supporting the Hamas attacks, up to 3% of global oil supply is at risk,” Mr Kavonic added. Caroline Bain, chief commodities economist at Capital Economics, told the BBC’s Today programme that Iran had been increasing oil production over the course of this year despite US sanctions. “The US seems to have turned a blind eye to a steady increase in Iranian production, that… is going to be more difficult for the US to ignore going forward from here,” she said. Overall, Ms Bain said Capital Economics expected demand for oil to exceed supply in the final three months of the year and “that should support higher prices”. Mr Kavonic said that about a fifth of global supply would be “held hostage” if passage through the Strait of Hormuz, a vital oil trading route is disrupted. The Strait of Hormuz is crucial for the main oil exporters in the Gulf region, whose economies are built around oil and gas production. Uncertainty over how events could develop in the coming days may also drive investments into US Treasury bonds and the dollar, which investors traditionally buy at times of crisis, said James Cheo from HSBC bank. On Monday, Israel’s central bank said it would sell up to $30bn of foreign currency in a bid to calm markets and support the country’s own currency, the shekel, which has fallen sharply. “At this stage, there is a bit of nervousness. [Investors] want to see a little more clarity, particularly on economic data and on developments associated with geopolitical uncertainty,” added Mr Cheo. Following Russia’s invasion of Ukraine in February 2022, oil prices soared, hitting more than $120 a barrel in June last year. They fell back to a little above $70 a barrel in May this year, but have steadily risen since then as producers have tried to restrict output to support the market. Saudi Arabia, a major oil producer, said it would make cuts of a million barrels per day in July. Other members of Opec+, a group of oil-producing countries, also agreed to continued cuts in production in an attempt to shore up flagging prices. Opec+ accounts for around 40% of the world’s crude oil and its decisions can have a major impact on oil prices. Source bbc Qaran News
  20. Askarta Lineka Bileyska oo iska Waabiyay ciidan duhurkii la Geliyay Xaafadda Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Somaliland ayaa ciidan geysay lineka Booliska Hargeysa oo ay faasaxday kana iibisay dhawr kamid ah tijaarta waaweyn ee dalka. Waxa la sheegay in Xukuumaddu doonayso inay qoysaska booliska u badan ee degan xaafadaas ay ka rarto, hase ahaatee waxa is abaabulay oo ciidankii deganaa lineka oo iska difaacay booliskii goobta tagay. Rasaas xoogle ayaa goobta ka dhacday, balse waxa xukuumaddu dib uga qaaday ciidankii ay geysay markii ciudan iyo shacab gadoodsani ka hor yimaadeen. Ilaa imika waxa la sheegay in dhaawac jiro, hase yeeshee may xaqiijin ciidanka Booliska iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse oo sifo sharci darro ah oo aan loo tartamin ah xaraashaysa dhulka iyo guryaha Dawladda. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka soo saartay howl-gal culus oo xalay ka dhacay gobolka Mudug. Ciidamada deegaanka ee ka howl-galaya Xinlabi oo xalay howl-gal ka fuliyay meel u dhaw deegaanka Dabagalo ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan gaari kooxda Al-Shabaab u sida Saanad. Ciidamadaan oo fuliyay howl-gal dhabbo-gal ah ayaa gaariga kasoo qabtay meel 5 KM u jirta deegaankaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Howl-galkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa lagu qabtay gaariga, waxaana sidoo kale ciidamada shacabka hubeysan ay soo qabteen darawalkii gaariga oo isku dayay in uu baxsado. “Tallaabadaan oo ahayd mid ku cusub Khawaarijta maadaama hawlgalka laga fuliyay gudahooda ayaa ku yimid wada shaqayn dhexmartay Shacabka iyo Wiilashooda geesiyaasha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Ciidamada deegaanka ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay howl-gallada qorsheysan ee ay ka fulinayaan goobaha ay joogaan Shabaabka, taasi oo muujinaysa heerka dhiiranaanta ee geesiyasha deegaanka, iyaga oo ka faa’iidaysanaya wada-shaqaynta kala dhaxaysa shacabka iyo aqoonta ay u leeyihiin dhulka. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. The post Xogta howl-gal Al-Shabaab looga qabtay gaari saanad u siday appeared first on Caasimada Online.
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah. Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Finland appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with the Ambassador of Finland to Somalia, Pirkka Tapiola, in Mogadishu on Monday to discuss cooperation and relations between the two countries and enhancing Finland's support for Somalia. Source: Hiiraan Online
  24. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah. Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Rasaas ayaa laga maqlayaa xaafada Laynka Booliska ee Hargeysa, dad shacab oo mudaharaadaya iyo Booliska ayaa isku dhacay. Dadku waxa ay ka goodsan yihiin dhul ay deggan yihiin oo la sheegay in xukuumaddu ganacsato gaar ah ka iibisay. Wararku waxa ay sheegayaan in mudaharaadka uu ka dhashay khasaare, halkan hoose ka DAAWO Source