Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa maanta loo doortay Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka. Ninkaan ayaa la sheegay in uusan laheyn khibrad ku filan oo hoggaamineed, dad badan ayaana durba saluugay inuu noqdo Afhayeenka Aqalka, kadib saddex toddobaad oo guddoon la’aan ah. Johnson ayaa bedelay Kevin McCarthy oo xilka laga qaaday saddexdii bishan, kadib markii kooxda mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga oo ka carooday heshiiskii ay la galeen dimuqraadiyiinta oo baajiyay jooginta howlaha dowladda ay mooshin xil ka qaadis ah ka keeneen. Johnson ayaa helay 220 cod, halka Jakeem Jeffries oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada oo la tartamaayey uu helay 209 cod. Toddobaadyadii lasoo dhaafay, Jamhuuriga oo aqlabiyada yar ku heysta aqalka ayaa diiday saddex musharrax oo suurtagal ahaa, kahor inta aysan dooran Johnson oo 51 ah oo laga soo doorto Louisiana. Johnson ayaa ka mid ah taageereyaasha madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump. The post Afhayeen cusub oo loo doortay Aqalka Wakiillada Mareykanka iyo saluug laga muujiyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa maanta u doortay Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga in uu noqdo Afhayeenka Aqalka, kadib saddex toddobaad oo guddoon la’aan ah. Johnson ayaa bedelay Kevin McCarthy oo xilka laga qaaday saddexdii bishan, kadib markii kooxda mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga oo ka carooday heshiiskii ay la galeen dimuqraadiyiinta oo baajiyay jooginta howlaha dowladda ay mooshin xil ka qaadi ah ka keeneen. Johnson ayaa helay 220 cod, halka Jakeem Jeffries oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada uu helay 209 cod. Toddobaadyadii lasoo dhaafay, Jamhuuriga oo aqlibiyada yar ku heysta aqalka ayaa diiday saddex musharrax oo suurtagal ahaa kahor inta aysan dooran Johnson oo 51 ah oo laga soo doorto Louisiana. PUNTLAND POST The post Mike Johnson oo loo doortay Af-hayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  3. Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas ka wada kulamo muhiim ah. Madaxweynaha ayaa dalka Belgium kaga qaybgalaya shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya. Maxaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub Charles Michel, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. “Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay – hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab. Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ku guuleystay Al-shabaab ka xoreeyaan degmooyin iyo deegaano badan, waxaana si weyn gobollada dalka uga socda baacsiga kooxda. The post Sawirro: Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  4. Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay baaqii maalmo kahor kasoo yeeray Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi, kaasi oo uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland. Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Doodi ayaa muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada kaga dalbaday Somaliland inay ka baxdo dhulkooda, oo ula jeedo gobollada galbeedka, gaar ahaan Awdal. Somaliland ayaa sheegtay in hadalka kasoo yeeray Ugaaska iyo tabashada uu qaabo ay u xil saareen odayaasha dhaqanka gobolka Awdal, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka wasaaradda qorsheynta Somaliland Dr Axmed Buuxane. “Ugaas Cabdirashiid waa dhaqankayagii oo xurmo ayaa u hayna, waa Ugaaskii 19-aad ee Awdal Clan yeesho,” ayuu yiri Wasiir Buuxane. “Anaga oo siyaasiyiin ah arrintiisa kama hadli karno oo arrinkaas waxaa nagala wareegay dhaqanka Gadabuursi oo dhameystiran, oo ka howl-galaya, waxay inoo soo gudbiyaana diyaar ayaa u nahay.” Hadalka Somaliland oo u muuqda mid hoos loogu dhigayo dhawaaqa kasoo yeeray Ugaas Cabdirashiid, ayaa waxa uu imaanaya xilli xubnaha Baarlamaanka Somaliland dhawaan madaxweynaha Somaliland u gudbiyeen lifaaq sharci oo ku saabsan tabashooyinka awood qeybsiga siyaasadeed ee ay qabaan bulshada reer Awdal. Si kastaba, Somaliland ayaa wajaheysa culeyskii ugu xooggana xilli ay lumisay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, oo ay himika ka arrimiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, oo dhawaan aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya. The post SOMALILAND oo qaaday tallaabo culus kadib baaqii Ugaaska Gadabuursi appeared first on Caasimada Online.
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay aqoonsiga ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay SSC-Khaatumo, ayaa waxa uu shaaciyay inuu caqabad ku noqon karo dhameystirka dastuurka. Madaxweyne Deni oo maanta khudbad ka jeediyay kalfadhigga baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu soo jeediyay in si taxadar leh looga fiirsado isbeddelka cusub ee ku yimid SSC-Khaatumo iyo weliba saamaynta ay ku yeelanayso halka ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka dalka. “Isbeddelka ku yimid gobolka Sool iyo SSC, oo u baahan in si taxadar leh dalka looga fiirsado mustaqbalkiisa siyaasiga ah. Dastuurka iyo shuruucda dalka ma dhamaystirmayaan illaa SSC-Khaatumo iyo Somaliland xaalkooda la fiiriyo oo miiska la soo fadhiisiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Waxa uu intaas kusii daray “Iyada oo aan meel la saarin aayaha iyo mustaqbalka iyo meesha ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka wuxuu ku noqon doona caqabad aan dhamaan oo u baahan xal joogto ah.” Arrimahan ayuu sheegay inay caqabad ku noqon doonto geeddi socodka dhameystirka dastuurka, oo xilligaan dowladda federaalka ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso dhameystirkiisa. Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo uusan u socon fowdo iyo in uu wax kharibo ee uu doonayo inuu wax saxo, sida uu hadalka u dhigay. “Puntland wax ma diidana ee waxay rabta inay wax saxdo oo aragtideeda si cad u dhiibato. Puntland waxay diyaar u tahay in hay’adaheeda kala duwan ee masiirigi ka shaqeeya in marxalad kasta iyo xilli kasta u ahaato mid u taagan sidii loo heli lahaa dowlad dhameystiran oo ku dhisan nidaam federaal ah oo dimuqraadi ah.” SSC-Khaatumo oo dhawaan aqoonsi ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxa sida muuqata soo afmeertay sanado rejo ah oo maamulka Puntland uu ka qabay inay dhankooda soo marto, maadaam uu dagaal adag dhexmaray Somaliland, oo ayadu dhowrkii sano ee u dambeysay arrimineysay deegaanadaasi. The post Madaxweyne Deni oo shaaciyay caqabad weyn oo ka dhalaneysa aqoonsiga SSC appeared first on Caasimada Online.
  6. Ethiopia, a land locked country ( and due to its demographic explosion in the horizon), is desperate for a seaport! Source: Hiiraan Online
  7. Boorama (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si adag uga hadashay dhaq-dhaqaaq Awdal State ee looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo abaabulkiisa uu ka socdo dalka dibaddiisa. Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boorama ayaa go’aanno ay soo saareen ku sheegay in gobolka Awdal iyo bulshadiisuba tahay Somaliland. Waxay hoos u dhigeen walaaca in dhaq-dhaqaaqyada ka socda dalka dibaddiisa ay saameyn weyn ku yeeshaan gudaha, “Wax Awdal State la yiraahdo kama shaqeynayso halkan, Awdal waa Somaliland.” “Shacabka gobolka Awdal waa shacab kamid ah shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayna yihiin dadkii aas-aasay Somaliland taariikh fogna ku leh, ayna jirin wax la yidhaahdo Awdal State iyo cid kale oo sheegan karta ama ka arrimin karta arrimaha gobolkan iyo danahiisa,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo warbaahinta u aqriyay go’aannada kasoo baxay wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Saylici. Bulshada gobolka ayaa waxay ugu baaqeen midnimo iyo in meel looga soo wada jeesto, wax ay ugu yeedheen “cadowga Somaliland”. “Wafdiga waxay ugu baaqayaan shacabka gobolka guud ahaan adkeynta midnimada, wadajirka iyo danaha bulshada in laga wada-shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland. Go’aannadan ayaa imanaya xilli magaalada Ottawa ee dalka Canada uu ka dhacay shir dib boorka looga jafayo arrinta Awdal State, oo looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo looga dhawaaqay wax loogu yeeray “madax-banaanida gobolka.” Isku soo wada duubo, Somaliland ayaa wajaheysa culeyskii ugu xooggana xilli ay lumisay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, oo ay himika ka arrimiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, oo dhawaan aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Somaliland oo war kasoo saartay dhaq-dhaqaaqa Awdal State appeared first on Caasimada Online.
  8. Taiwan oo Adeeg Caafimaad ka Fulisay Kaam ku Yaalla Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa khubaro dhinac caafimaadka ah oo u dhashay dalka xidhiidhka wanaagsani inaga dhexeeyo ee Taiwan ayaa adeegyo caafimaad ka fuliyay Kaamka barakacayaasha ee Naasa-hablood, halkaasi oo bulshada ku nool loo sameeyay daawayn, baadhitaano iyo taakulay caafimaad. Hawl-wadeenada Cisitaalka guud ee Hargaysa ayaa fulinyay adeeg bixintan caafimaad ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ay ugu talo gashay dadka ku nool kaamka barakacayaasha Naasa-hablood, bulshada adeegyadani loo fidiyay ayaa waxa ay isugu jiraan haween, caruur yar yar iyo dhalinyaro. Masuuliyiinta wasaarada caafimaadka gaar ahaan Cisbitaalka guud ee Hargaysa iyo dhakhaatiir ka socday Taiwan oo ahaa fuliyayaasha adeegani ayaa markii uu bilaabmay ka warbixiyay adeeg bixintan caafimaad iyo cid ka faa,iidaysanaysa ee loogu talo galay waxaanay yidhaahdeen “Halkan labadii maalmood u danbeeyay waxaa ka socday olole caafimaad oo ay iska kaashadeen wasaaradda Caafimaadka, Taiwan Midical Mission iyo ururka SAAHA ee fadhigiisu yahay Hargaysa group Hospital, runtii shalay iyo maantaba shaqadu si fiican bay u socotaa. Waxaanay dhakhaatiirtu la kulmeen bukaano aad u badan,kuwaasi oo ka cabanayay xannuuno kala duwan sida xannuunada guud kuwa lafaha, caruurta iyo neerfaha intaba maantana dhakhaatiirtu hawsha sidii bay u wadaan’’. Qaran News
  9. Ethiopian-born scientist Gebisa Ejeta has received the National Medal of Science, the highest state honour attainable by scientists in the United States. Source: Hiiraan Online
  10. Somaliland iyo Baanka Horumarinta Afrika oo ka wada Hadlay Mashaariic Waaweyn Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda wadooyinka Somaliland ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay masuuliyiinta Baanka Hurumarinta Afrika, oo ay Somaliland ka wada shaqaynayaan dhismayaasha jidad muhiim ah ee laga hirgalinayo dalka. Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng. Mawliid Nuux ibraahim, oo siwada jira warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in masuuliyiinta Baanka Hurumarinta Afrika ay kawada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen dhismayaasha jidad muhiim ah ee laga hirgalinayo dalka. Geesta kale waxa ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda jididadka iyo hay’adda waddooyinku in ay masuuliyiinta baanka horumarinta Afrika kawada hadleen bilawga dhismayaasha jidka Somaliland iyo D.jabouti iyo sidoo kale daraasada jidka Hargaysa ilaa Oodawayne, waxaanay tilmaameen in ay sida ugu dhakhsaha badan loo guda-galayo mashaariicdaasi. Dhinaca kale waxa ay sheegeen in masuuliyiinta baanka horumarinta Afrika ay ka wada hadleen qorshaha bilowga jidka isku xidhaya dalalka Somaliland iyo Jabuuti, Lawyacaddo iyo Boorama, waxaanay intaas ku dareen in si deg dega loo bilaabi doono dhismayaashooda, waxa kale oo ay iftiimiyeen halka uu marayo qoshaha dardargelinta Jidka Oodweyne iyo Burco. Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng. Mawliid Nuux Ibraahim ayaa sheegay in aanu wali soo dhammaan daraasadda Pay-pass-ka Mashruuca Berber Corridor ee Wajaale. Qaran News
  11. Garowe (HOL) - Puntland Regional State President Said Abdullahi Deni stated that the recent political developments in the SSC-Khatumo areas could affect Puntland's position in the finalization of the Somali constitution. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Ucid ayaa ka hadlay dadaallada uu madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ugu jiro Soomaaliya nabad ah. Guddoomiyaha ayaa ugu horreyntii waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh la doonayo in la fashiliyo, gaar ahaan dagaalka uu kula jiro kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore uu marayo heer gebo-vebo ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga imaado dadka ku howlan fashilinta madaxweyne Xasan ee dagaalka uu isagu laftigiisu is-fashilinayo, sida uu hadalka u dhigay. “Xasan Sheekh intaas oo jeer ayaan idhi hala caawiyo in la fashiliyo ayaa la doonaya, lsakiin isagii ayaa is fashilinaya. Ma jirto meel maanta nabad ah shantii dowladood ee ay samaysteen isma ogola, Hiiraan waad aragtay, Galmudug, Jubbaland waad aragtay,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland iyo Xasan Sheekh ay dad isku mid ah weerar kusoo qaadeen, islamarkaana ay rabaan in ay labadoodaba fashiliyaan, isaga oo sheegay in Somaliland ay is-difaacayso. “Inaga oo intii ka xoog badan oo iska jecel oo qaladaadkeena saxnay ayaa xuduudaheena tagi doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe. Dhinaca kale, guddoomiye Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan u dulqaadan doonin in Itoobiya ay maga-gelyo siiso cadowga Somaliland, xilli ay halkaasi ku sugan yihiin Salaadiin kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland. “Dowladda Itoobiya waxaa leenahay annagu ma ogolaaneyn Amxaarada oo ku kacsan Itoobiya inta ay Hargeysa timaado ay qas ka billowdo oo ka taageerto kacdoonka, waxaa ka xunahay rag Ugaasyo iyo Garaado sheeganaya inay Addis Ababa kasoo hadlayaan oo dalkayaga qas galinayaan.” Waxa uu intaas kusii daray “Waa in ay noo kala cadaato in aan marti-gelino mucaaradka Itoobiya iyo in kuwaas kasoo saarayaan Addis Ababa, carrada nagala soo duulayo Itoobiya, taasi ma dulqaadaneyno. Waa in dowladda Somaliland ay arrintaas cod adag ku isticmaasha.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in reer Somaliland ay u mideysan yihiin difaaca qadiyadooda, islamarkaana xilligaan la joogo aanay mucaarad iyo muxaafad kala lahayn, oo ay tageyso xuduudaheeda. The post ‘Xasan Sheekh in la fashiliyo ayaa la doonayay laakiin isagii ayaa is fashilinaya’ appeared first on Caasimada Online.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Malaysiya u qaabilsan Bariga Afrika Mudane Ruzaimi Mohamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Danjiraha Malaysiya fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo dhinacyada ay iska kaashan karaan labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashadda. Dhankiisa, Danjire Mohamad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diirran, waxuuna hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu Soomaaliya la yeelanayo xiriir walaatinimo oo ku salaysan iskaashi iyo wax wada qabsi xooggan oo dhex mara labada waddan. [16:04, 25/10/2023] +254 702 114679: Dalka iyo warar tag ugadhig Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka Jaray Xaafadda Cusub Ee RUGSAN Ee Laga Hirgeliyey Caasimadda Hargeysa Hargeysa-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray xaafad cusub oo dhismeyaasheedu casri yihiin oo ay shirkadda Telesom ka hirgelisay deegaanka Masalaha ee caasimadda Hargeysa oo loo bixiyey RUGSAN. Munaasibadda xadhigga lagaga jaray guryaha cusub ee xaafadda Rugsan oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda shirkadda Telesom ee dhismayaasha hirgelisay, siyaasiyiin, ganacsato iyo haldoor kale, ayaa lagu bogaadiyey maalgelinta ballaadhan ee ay shirkaddu ku samaysay dalka iyo kaalinta ay ka qaadatay kor u qaadidda bilicda dhismeyaasha ku yaalla gudaha caasimadda Hargeysa. Madax kala duwan oo ka socotay waaxaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Telesom Group oo munaasibadda ka hadashay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen dhismayaasha cusub ee xaafadda Rugsan, waxana ay tilmaameen inay shirkad ahaan dedaal badan geliyeen sidii ay caasimadda Hargeysa uga hirgelin lahaayeen dhismeyaal casri ah oo la jaanqaada kuwa caalamka laga dhiso, soona jiidan kara qurbejoogta dalka u dhalatay ee danaynaya guryo bilic leh. Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Mudane Mustafe Cali Bile, ayaa shirkadda Telesom ugaga mahadnaqay maalgelinta ballaadhan ee xaafaddan ka samaysay, waxana uu kula dardaarmay inay dedaalkooda dhinaca maalgelinta sii laban laabaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda xadhig-ka-jaridda ah ka hadlay, ayaa ugu horrayn bogaadiyey tallaabada ay shirkadda Telesom Group ku maalgashanayso dalka, isaga oo usoo jeediyey inay qorshahooda ku darsadaan sidii loo dhisi lahaa dhismeyaal jaban oo ay dadka danyarta ahi degaan, waxana uu yidhi,“Waan hambalyeynayaa Shirkadda, qolada guryaha ka iibsatay, Meesha wacan ee ay ka dhiseen iyo qaabka casriga ah ee ay u dhiseenba, waxana aan ku dhiirrin lahaa shirkadaha inay guryihii danyartana dhisaan.” Madaxweynuhu waxa uu usoo jeediyey ganacsatada dalka inay u hoggaansamaan xeerarka dalka ee la xidhiidha in fursadaha ganacsi ay muwaadiniintu u sinnaadaan oo aan loo awood sheegan ganacsatada iyo muwaadiniinta soo koraya ee dabaqadda hoose ah. Xaafadda Rugsan ee uu maanta madaxweynuhu xadhigga ka jaray, ayaa ka kooban guryo dabaqyo ah oo ay shirkada Telesom hirgelisay, kuwaas oo ganacsi ahaan loogu talo galay, kana duwan dhammaanba qaab-dhismeedyada kale ee dalka ka socda. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka taagna halis cusub, taasi oo ka dhalatay masuuliyad darrada ciidanka dowladda qaarkood ee ku sugan caasimadda dalka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo batay rasaasta wiiftada ah. Ciidanka ayaa xabado bilaa ujeeddo ah u rida jihadii ay doonan iyo saacadda ay doonan. Markii hore falkan waa koobna wuxuuna u badnaa maalinta cad laakiin hadda sida muuqata waxay askartu bilaabeen inay habeenkii xabado iska ridan, si bilaa masuuliyad ah. Falkan ayaa wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac shacab isla bishan dhexdeeda. Maadaama ay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay soo galeen ciidamo fara badan, oo kala tababar iyo kala hoggaan ah, waxaa madaxda laamaha amniga Muqdisho laga raba iney arrintan masuuliyad gaar ah iska saaran. Sidoo kale waxaa laga maarman ah in madaxda laamaha amniga caasimadda ay dabagal ku sameeyaan dhacdooyinka muuqda, si isla xisaabtanku u sahlanaado. Amniga muwaadinku waa ajandaha koowaad, askarigii aan intaas wali fahmin, wax badan uma tari karo dalka iyo dadka, waxaana habboon in tababar kale loo diro ciidanka dhaqankan caadeystay ama la yiraahdo shaqo kale raadsada. Si kastaba, Muqdisho oo muddooyinkii dambe ka nasatay gumaadkii kooxaha argagixisada ayaa waxaa la aqbali karin ah in askarta dowladda ay si macno darro ah u laayan shacabka loo igmaday inay sugaan amnigooda. The post Halis ay ciidanka horseed u yihiin oo ka taagan magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson. Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Mudane Xamza ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha. Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo ra’iisul wasaaraha u ballan-qaaday in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. Dagaalka Al-Shabaab ka dhan ka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda. Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay. Si kastaba, waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post R/W Xamza oo ballan-qaad muhiim ah ka helay Midowga Yurub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with the Malaysian High Commissioner to East Africa, Ruzaimi Mohamad, in Mogadishu on Wednesday to discuss enhancing relations and cooperation between the two countries. Source: Hiiraan Online
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul gobileedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaaka kalfadhiga 53-aad ee golaha wakiilada maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Deni ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isaga oo ka horyimid go’aanadii u dambeeyay ee ay soo saareen, maadaama ay ka maqneyd Puntland. Madaxweyne Saciid ayaa sheegay in Golahan uusan kalgiis ah go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama waddanku yahay mid federaal ah oo leh hay’ado kala duwan. Sababta waxa uu ku sheegay in weli aan heshiis lagu aheyn shuruucda dowladda dhexe, dowlad goboleedyada kalena mid walba uu gooni u maamulo deegaankiisa. “Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka leexatay hannaanka federaalka, sidoo kale ay meesha ka saartay dastuurkii heshiiska lagu ahaa. “Waxaa nasiib darro ah in xukuumadda hadda xilka haysa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si bareer ah uga leexatay hannaankii federaalka ee dalka, ayna meesha ka saartay dastuurka lagu heshiiyay” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay labada dhinac. Si kastaba, Puntland, ayaa qudheeda haatan waxaa ka jira xaalada cirkiran oo ka dhalatay muranka doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni. The post Saciid DENI oo weerar culus ku qaaday Golaha Wadatashiga Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  19. Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland ayaa sheegtay in “Hay’addu ay u caddaynayso bulshada Somaliland in ay gacanta ku hayso baadhitaanna arrinka la xadhiidha Sonkorta dareenka dhalisay” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay hay’adda. Sonkortan ayaa sawirrada la iskula wadaagay baraha bulshada waxaa ka muuqda in ay soo baxday bishan Oktoobar iyada oo ay dadku su’aal galiyeen sida ay kusoo gaadhay geeska Afrika iyada oo bishan gudaheeda lagu sameeyay Brasil taas oo la filayey inay bilo qaadato si ay usoo gaadho Somaliland. “Sidaa daraaddeed waxa aanu ku wargelinaynaa in ay Hay’adda laga war sugo ilaa iyo inta ay waajibaadkeeda gudanayso” ayey kusii dartay hay’addu, hase yeeshee dadka ayaa baraha bulshada weli ku weydiinaya in lasii isticmaali karo sonkorta tan iyo inta uu baadhitaanku kasoo dhamaanayo iyo in kale. Source
  20. Dadka ku nool gobolka Wisconsin ee dalaka Maraykanka ayaa qaarkood waxay ka cabanayaan in maamulka Biden uu qorshaynayo in boqolaal qaxooti Soomaali ah uu doonayo inuu keeno deegaannada gobolkaas ayadoo ayna raalli ka ahayn saraakiisha la soo doorto ee gobolka. Saraakiishaas waxay aaminsan yihiin hawlwadeennada xukuumadda ee dusha ka eegaya dib u dejinta ay si joogto ah wadatashi ula yeeshaan dawladaha hoose iyo kuwa heer goboleed, ka hor inta ayna qaxooti keenin deegaannadooda. Waxay ku doodayaanin hay’ad NGO ah oo la yidhaahdo World Relief ay qorshaynayso inay 75 qof oo qaxooti Soomaali ah u keento degmada Eau Claire sannadka 2024 ayadoo aan la tashan saraakiisha halkaa laga soo doorto. “Arrinkaas waa jiraa, laakin ma aha wax aad u soo shaac baxay. Waxaan filayaa inuu yahay ka hor tag, maadaama gobolkan uu ka mid yahay kuwa jaangooya doorashooyinka marka ay isku Barbar dhacaan xisbiyada Dimoqraadiga iyo jamhuuriga” ayuu yidhi Maxamed Axmed Tiir oo ka mid ah dadka gobolkaas ku nool. Susan Tully oo ka tirsan hay’ad la yidhaahdo Fair oo u doodadda in isbeddel lagu sameeyo hanaanka socdaal ee Maraykanka ayaa sheegaysa in dib u midoobidda qoysaska ayadoo la raacayo sharciga qaxootiga ay ku soo gali karaan qaraabo dhow ama kuwo kuwo fog, waxayna intaa ku dartay in ay suurtogal tahay in 75 qof oo qaxooti ah ay sannadaha soo socda noqon karaan boqolaal ama kumanaan. “Soomaalidu waxay bilaabeen inay degaan Minnesota abaarihii 2001, maanta waxay ku dhow yihiin 90,000” ayey tidhi Tully. Degmada Eau Claire waxay qiyaastii 100 Mayl u jirtaa magaalada Minneapolis oo ah halka ay Soomaalida ugu badan ee waqooyiga Ameerika ku nool yihiin. “Waxaa dhici karta in qolyaha cunsuriyiinta ay ka digayaan maadaama dadka Soomalida ay ka mid yihii kuwa uu Donald Trump mamnuucista saaray oo misna uu xisbiga dimoqaraadiga xayiraadda ka qaaday” ayuu yidhi Tiir. Wuxuu aaminsan yahay in Soomaalida been laga faafinayo. Sharciga qaxootiga ee 1980 ayaa markiisii hore waxaa loogu tala galay in uu qayb ka noqdo gargaarka dibadda ee maraykanka ee uu siiyo dalalka dagaalladu halakeeyeen ee muhiimadda u leh Maraykanka, ayadoo aan tiro aad u badan la dul keenin bulshooyinka tirada yar si dhaqaalahooda uusan dhaaawac ama culays ula kulmin. Laakinse dadka ka soo hor jeeda in qaxootiga la keeno waxay ku andacoonayaan in muddo tobanaan sano ah bixinta kharashaadka qaxootiga uu iska beddelay dhaqaalihii laga heli jiray Federaalka ee la ballan qaaday oo meesha ka baxay, noqdayna mid aan dhaqaale lagu bixin. Kharashka ku baxa halkii qof ee dib loo dejinayo ayey ku sheegeen inuu gaadhayo 2,425 Doollar, waxayana lacagtaas ay ka timaadaa ayey yidhaahdeen degmada oo bixisa kirada, cunntada, dharka, alaabta guriga iyo wacyi gelintaxagga dhaqanka. “Arrinkan waa wax nagu cusub” ayuu yidhi Maxamed Axmed Tiir Source
  21. Dowladda Soomaaliya ayaa horumarinta hanaanka dowladnimada iyo adeeg bixinta dowladnimada casriga ah la kaashaneysa khubaro caalami ah oo khibrad u leh dowlad dhiska iyo horumarinta siyaasadaha dhaqaalaha. October 16, 2023 Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa furay shir aqoon isweydaarsi ah oo ay xukuummadda u qabatay golaha wasiiradda, aqoon is weydaarsigaan oo socday saddex maalin ayaa waxaa ka qabgalay wasiiradda xukuumadda federaalaka ah, agaasimayaasha wasaaradaha iyo ganacsatada, waxaana marti ku ahaa madasha horumariyaha Idris Jala ee u dhashay dalka Maleysia. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka oo dardaaran dheer siiyay golaha wasiiradda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay heshiiska siyaasadda jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya si hadafka dowliga ah ee la hiigsaneyso loo gaaro. Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sharaxayay sababta keentay in khubaro dibada ah lala kaashado hagaajinta qorshayaasha horumarinta dowladda ayaa yiri “Hadaan rabno in aan caalamka hiigsano, waxaan garawsanay in aysan arrintu ku soconeynin sidii caadiga aheyd, waxaan raadsanaay oo aan isku daynay in aan helno dad hoggaamiyay geediyo nuucaan oo kale ah, oo garanaya sida loo raro reeraha (dowladaha), si aan durbo u gaarno horumarka aan hiigsaneyn.” Kooxaha siminaarka ka faa’ideystay waxaa ka mid ahaa; Wasiirrada xukuumadda federaalka ah, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha xukuumadda federaalka ah, qeybaha ganacsatada Soomaaliyeed iyo qaar kale. iyada oo lagu soo bandhigay halka maanta lajoogo, caqabadaha dowladimada heysta iyo hiigsiga. Sida ilo kala duwan xaqiijinayaan, waxaa lagu wadaa in xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa khubarada ay dhaqangeliso isbadallo degdeg ah, iyada oo la faray wasaaradaha in ay ku shaqeyn doonaan qaab Dijital ah, oo daahfuran, yool cad, isla markaana la adkeyn doono waxqabadka, wax soo saarka iyo tayeynta shaqada iyo shaqaalaha si natiijada ay u noqoto horumar. Hirgelinta barnaamijkan jiheynta ayaa u baahan dhaqaale badan, oo haddii la isku afgarto ay tahay in lala kaashado deeq bixiyeyaal caalami ah, taasi oo u baahan waqti kale iyo in la geliyo dadaal dheer. Isbadalkan ay qaadaneyso Soomaaliya, ayna ku gacan siinayaan khubaro dibadda ah ayaa imaanaya iyada oo December ee sanadkan ay Soomaaliya ka gudbeyso dhammaan marxaladihii deymaha lagu cafin lahaa. Deyn cafinta kadib Soomaaliya waxay filaneysaa in dalku helayo malaayiin lacageed loo isticmaalo mashaariic horumarineed oo dhinac walba ah, oo ay ugu horeeyaan kaabayaasha dhaqaalaha. Warbixinta ay bishan soo saareen IMF ee ahayd in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan heerarkii deyn cafinta waa mirodhalka dadaallo ay Muqdisho wadday tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka hey’adda lacaga 2013-kii. Haddaba, Waa kuma Idris Jala oo hormuud ka ah jiheynta dowladnimada Soomaaliya? Idris Jala oo ah khabiirka ay Soomaaliya u kaashaneyso jiheynta dalka, waxaa uu sumcad ku leeyahay dunida isaga oo lagu bartay badbaadinta shirdaha iyo dalalka dhaqaalaha ahaan buka, Idris Jala waxaa uu ahaa Wasiir ka tirsan xukuumadda Maleysia, isaga oo madax ka ahaa barnaamijka isbadalka iyo PEMANDU, iyada oo barnaamijkan laga duulayo waxaa Jala dalal badan gacan ka siiyay in ay gaaraan isbadal dhaqan, dhaqaale waxaana dalalkaasi ka mid ahaa: Tanzania, Cumaan, Ethiopia, Russia, Rwanda, Nigeria, Djibouti, Lesotho, St. Lucia iyo Sacuudi Carabiya. Lix sano uu Wasiir ahaa, waxaa uu Maleyisa u horkacay barnaamijka Implementation of the Economic Transformation Programme (ETP) iyada oo dalkaasi uu gaaray heerka ugu sareeya ee kobaca dhaqaalaha gaar ahaan gacansiga gaarka ah. Bloomberg waxaa ay ku sheegtay 10-ka qof ee ugu saameynta badan dunida xagga horumarinta siyaasadaha, Meelaha uu soo maamulayay waxaa ka mid ah; Sunway, Malaysia Airlines (MAS), Shell, waxaa uuna lataliye u ahaa World Economic Forum (WEF) iyo meelo kale. Sanadihii ugu dambeeyay waxaa uu tababarro siinayay dalal iyo hey’ado badan oo caalami ah, waxaa uuna casharro ka bixiyaa Harvard. Source: goobjoog.com