Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ABIDJAN, Ivory Coast, October 27, 2023/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) is partnering with the East African Community (EAC) Secretariat and the United Nations Conference on Trade and Development to launch a capacity development project to enhance trade in East Africa. The $1.56M EAC Trade Portal Enhancement Project will support digitized trade solutions to reduce trade barriers and enable the EAC to meet its obligations under the WTO Trade Facilitation Agreement (https://apo-opa.info/3tNzB07). It will address the lack of capacity in trade information and ICT systems, insufficient market information, poor internet connectivity, and transparency for trade and investment. The two-year multi-country trade portal enhancement project, funded by the Multilateral Cooperation Center for Development Finance (MCDF) (https://apo-opa.info/3tPAQvA), was launched during the EAC Donor Round Table held in Arusha, Tanzania on 6 October 2023. Senior Trade Facilitation Officer at the African Development Bank, Rachael Nsubuga explained that the bank’s trade facilitation programs are designed to reduce barriers to international trade and facilitate both intra-African and external trade. “This project will complement other programs of the African Development Bank in the region by providing digitalized trade solutions and data to support investment climate and customs modernization work,” Nsubuga. The project falls under the African Development Bank’s strategic priority of integrating Africa and its Regional Integration Strategic Paper (RISP 2023-2027) (https://apo-opa.info/3NevzVM) priorities. It will leverage partnerships to enhance and integrate existing digital trade information facilitation and customs modernization systems to share intra-regional and extra-regional market information. This will further contribute to the EAC single window goal as well as increased trade with key trading partners like the African Continental Free Trade Area, and the Association of Southeast Asian Nations -plus markets. The EAC Trade Portal Enhancement Project is a pilot project that can be a model for the rest of the world. The Secretary General of the East African Community Secretariat, Dr. Peter Matuki, said: “The EAC is committed to trade transparency and partnerships in developing regional trade. Enabling infrastructure coupled with capacity building can further bolster the region’s trade ecosystem for sustained socio-economic gains.” The enhanced regional portal will be user-friendly and interactive with measurable online connectivity indicators linked to artificial intelligence tools that feed into other systems such as customs, and EAC’s non-tariff barriers monitoring system. It will be linked with national trade portals to provide real-time assistance on non-tariff barriers and the calculation of trade procedure costs. Qaran News
  2. ANGOLA, Luanda Speaker of Parliament of United Republic of Tanzania, Dr Tulia Ackson, has been declared the 31st President of Inter-Parliamentary Union (IPU). Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Turkiga oo Kulan gaar ah ku yeeshay Istanbuul appeared first on Puntland Post.
  4. Istanbul (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kulankaas ayaa ka dhacay madaxtooyada dalka Turkiga ee magaalada Istanbul. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo arrimaha gobolka. Intii uu socday kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga waxaa sidoo kale looga wadahadlay xaalada murugsan ee ka taagan Gaza, maadaama labada dal ay ka mideysan yihiin qadiyadda Falastiin. “Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Erdogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan, wuxuuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee Turkigu uu ka qaadanayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalila ka soo saartay kulankaas. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. “Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda aad u raadineysa taageero dhanka duqeynta ah, si ay kaga adkaato kooxda Al-Shabaab, wuxuu Turkigu ugu horeeyaa dalalka ay Soomaaliya ka rajo qabto inay u buuxi karaan kaalintaas. Maalmo ka hor, Caasimada Online waxay idinla wadaagtay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ku rakibeyso qalabka laga hago duqeymaha ee diyaaradaha Turkiga, si ay kaga howlgalaan deegaanada bari ee Galmudug iyo galbeedka HirShabeelle oo weli Shabaab ku harsan yahay. Maalmaha soo socda waxay dowladda Soomaaliya qorsheyneysaa inay dhacaan howlgallo culus oo duqeymo u badan, kuwaas oo ciidamada qaranka, saaxiibada caalamka iyo kuwa deegaanka ay ka fuli doonaan deegaanada ay Shabaab weli ka joogaan gobollada dhexe ee dalka. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Erdogan kala hadlay arrimo culus kadib kulan ka dhacay Istanbul appeared first on Caasimada Online.
  5. Warbixin ay Qaramada Midoobay bishan October 2023 soo saartay ayaa daaha ka rogtay musuqmaasuq hadheeyey rakhsadaha kaluumaysiga ee ay dawlad goboleedyada iyo dawlada dhexe ee Somalia siiyaan maraakiibta kaluumaysiga ee shiinaha iyo Iran. Warbixintan oo ay diyaaryeen gudi khubaro ah (panel of experts on Somalia ) oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo dabagal ku sameeya xayiraadda hubka ee la saaray Somalia iyo lunsiga xoolaha qaranka, ayaa waxa lagu sheegay in maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee Somalia ay llabadooduba rukhsadaha kaluumaysiga ku bixiyaan lacago aad u jaban oo ay Shiinaha iyo Eeraanta ka qaataan. Hasa yeeshee dawladda dhexe ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacday heshiisyada kaluumaysiga ah ee ay la gashay Shiinaha iyadoo tirada maraakiibta ay rukhsadaha siisay ku sheegtay 27 . Xukumadda dhexe ee Federaalka ayaa khubarada u sharaxday in Somalia iyo Shiinuhu ay muddo dheer wada lahaayeen iskaashi ku saabsan danahooda gaarka ah oo u ka mid ahaa inay iska kaashadaan dhinaca kaluumaysiga. Wasaarada Kaluumaysiga ee Federaalka ayaa 6 August 2023 gudida u xaqiijisay inay dib u cosboonaysiiyeen heshiis is-afgarad oo ku saabsan kaluumaysiga oo dhex maray Somalia iyo ururka Kaluumaysatada dalka Shiinaha. Waxa kale oo ay warbixintan gudidu xustay in Puntand iyo Galmudugba ay 2022/2023 heshiisyoo la galeen maraakiib kaluumaysato ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha iyadoo Puntland sheegtay inay bixisay 24 rukhsadood halka Galmudug qiratay inay bixisay 16 rukhsadood taasoo tirada maraakiibta Shiinaha ee labada maamul goboleed rukhsadaha siiyeen ka dhigaysa 40 markab. Dhinaca kale waxay warbaxintu sheegtay in rukhsado macmal ah laga iibiyo maraakibta Eeraanta iyadoo laga siiyo lacag u dhaxaysa $6000-11000 calaa rukhsad halka hadii la raaci lahaa sharciga Somalia ay ahayd in markabkiiba afartii biloodba laga qaado lacag u dhaxaysa $ 60,000 – $90,000. Waxaanay gudidu maraakiibta Eeraanta ee badda Somalia ku jirtay mudadi u dhaxaysay January 2022 ila June 2023 ku qiyaastay 134 markab. Khubarada ayaa dawladaha Iran iyo Shiinaha ka dalbaday inay la wadaagaan nuqulada rukhsadaha ay maraakiibta calankooda sidataa ka qaateen dalka Somala iyo inay warbixin ka siiyaan dad Somalia jooga oo laga yaabo inay fududeeyeen bixinta rukhsadahaasi. Siday gudidu sheegtay,dawladda Iran waxay kusoo jawaabtay inay u baahanyihiin waqti dheeraad ah si ay xogta u hela,halka aanu Shiinahu wax jawaab ah bixinin. Haatuf Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay keensatay Eeyo la hawlageli doona ciidamada ammaanka, sida lagu xusay barta hay’adda sirdoonka ee Somaliland, waxay hay’addu sheegtay in Eeyahaani ka shaqayn doonaan kooxaha qabta noocyada kala duwan ee waxyaabaha qarxa. Waxay eeyuhu kala shaqayn doonaan inay qabtaan qaraxyada la dhigo meelaha u dhow dhismeyaasha, meelaha gaadiidka la dhigto, meelaha u dhow xafiisyada, gaadiidka, xirmooyinka, dadka iyo xarumaha dawladda. Waxaa kale oo barta sirdoonka Somaliland lagu qoray in taliyaha sirdoonka Somaliland Mustafe Maxamed Xasan uu “salaan Sharaf ka qaatay askar ka tirsan NIA oo ay wehliyaan Eeyo tababaran oo laga soo dejiyey garoonka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa. Eeyahaan oo seddax xabo ah ayaa hordhac u ah cutub eeyo ah oo ay yeelan doonto NIA, Somaliland ayaa soo bandhigtay sawirrada askarta eeyahaas ku shaqaynaysa, kuwaas oo laga keenay dalka Mareykanka. Askarta lasoo bandhigay waxaa u xiraa wajiyada, lamana sheegin nooca iyo da’da eeyaha, waxayse aad ugu eg yihiin nooca loo yaqaano Belgian Malinois. Noocas loo yaqaano Belgian Malinois ayaa aad loogu xasuustaa inuu ahaa kii qabtay hogaamiyihii Daacish ka hor intii uusan is qarxin, kadib markii lagu sii daayey godkii uu ku cararay Abu bakar Al Baqdaadi. Dhaawac ayaa ka soo gaaray hawlgalkaas Conan oo ah eeygaas godka ka daba galay Al Baqdaadi, waxaana billad Sharaf guddoonsiiyey madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Donald Trump. Eeyuhu waxay leeyihiin dareen aad u xoog badan oo ay wax ku urin karaan. Waxay ku xiran tahay qofka tababaraya sida uu u baro inuu qaban karo waxyaabaha sharci darrada ah. Eeyga waxaa la baraa waxyaabaha ay carruurtu ku cayaarto, waxaana la siiyaa wakhti fiican oo uu ku barrto aaladaas. Marka dambe waxaa la mariyaa daroogo, kadibna waxaa eeyga la baraa urka daroogada. Natiijadu waxay noqonaysaa in eeygu uu qofka xarigga u haya ku soo jeediyo marka ay u soo uraan wax lamid ah urka daroogada. Marka eeyaha la barayo qaraxyada way ka yara dhib badan tahay, waayo qaraxa wuxuu ka kooban yahay dhowr waxyaabood oo la isku geeyey. Eeyaha waxaa si gaar ah loo baraa inay aqonsan karaan nooc kasta oo ka mid ah isku dhisyada qarax uu ka koobnaan karo. Kadib waxaa lagu galiyaa meel qarsoon, sida in lagu aaso god dhowr dhudhun ah ama in la mariyo barafuun carfaya ayadoo la eegayo sida uu eygu u soo saari karo. Inta badan eeyaha hawshaas loo tababarayo iyo qofka xarigga u haya waxay sameeyaan 12 toddobaad oo tababar adag ah. Eeyaha wax baadigooba waxaa loo tababaraa inay baaraan dadka la la’ yahay iyo meydadka. The post Sawirro: Eeyo lagu soo kordhiyey ciidamada Somaliland oo lagu soo bandhigay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
  7. Garowe (HOL) - Puntland Regional State President, Said Abdullahi Deni, has expressed his support for Marwa Abdi Bashir Hagi, a federal lawmaker from Somalia, who is running for the presidency of the Inter-Parliamentary Union (IPU). Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022. Warbixin maaliyadeedka uu gudbiyay xisaabiyaha guud ee dowladda oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka, ayaa waxaa akhrin iyo falanqeyn dheer ku sameeyay Golaha Wasiirrada. Golaha ayaa intaas kadib ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022 ee uu soo gudbiyey xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas. Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha dowladda waxaa waddanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii, sida lagu yiri bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta dowladda. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa waxa uu mar walba u taagan yahay dardar-gelinta iyo nidaaminta dhaqaalaha wadanka. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxay kulankooda shalay ku ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, ayada oo isla shirkaas lagu meel-mariyay 4 hindise sharciyeed oo kale. Hesiiska la ansixiyay ayaa ku saabsan dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya. “Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho. Afarta hindise sharciyeed ee la ansixiyay ayaa laba kamid waxaa soo diyaariyay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta, waxayna kala yihiin: Hindise sharciyeeda diiwaanka Zakada oo ay soo gudbisay wasaaradda diinta iyo awqaafta. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda adeegga saadaasha hawada iyo cimilada. Hindise sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeeda iyo ka hortegga afduubka ee sharci lambar 36, 30-kii April 1975-tii. Hindise sharciyeedka ilaalinta iyo taakuleynta barakacayaasha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. The post Xisaabiyaha guud ee dowladda oo gudbiyay xisaab xirka 2022 iyo Golaha Wasiirrada oo… appeared first on Caasimada Online.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay arrinta lagula kacay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali Salaad, oo u tartameeysay hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka. Saciid Deni ayaa ka horyimid warqad la sheegay inay kasoo baxday xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe oo tartanka madaxweynaha adduunka uu kaga reebay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay inay tasaasushay gabadhan oo meteleysay Soomaaliya. Bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Saciid Den uu taageero buuxda la garab istaagay Xildhibaan Marwo CabdiBashiir Xaaji Cali. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni asaga oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland, waxaa uu taageero la garab istaagay Xildhibaan Marwo CabdiBashiir Xaaji Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya una tartamamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu urajaynayaa in xilkaas ay u tartamayso Alle ku Guulleeyo.” Marwo Cabdi Bashiir ayaa waxay kamid tahay Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland, ee ka tirsan Golaha Shacabka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Isku soo wada duubo, Midowga Baarlamaanka Qaramada ayaa sida qorshuhu yahay waxay dalka Angola ku dooran doona madaxweynahooda 31-aad ee soo socda, kaasi oo ah madaxa siyaasadda ee baarlamaanka. The post Saciid DENI oo taageero weyn u muujiyay Marwo kadib arrintii lagula kacay appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa faraha ka laabatay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada Puntland. Halkan hoggaamiyaha maamulka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabeystay doorasho isaga le’eg, taas oo mucaaradka si weyn u diidan yihiin. Odayaasha dhaqanka ee maamulka ayaa u fadhiya shir gaar ah si ay ugu dhawaaqan taladooda iyo waxa xalka u noqon kara ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Puntland. Ciidanka ayaa ku kala qeybsan xaalka siyaasadeed ee Puntland, kuwaasi oo qaarna ay Saciid Deni iyo qorshihiisa ogol yihiin, qaarna ay ka soo hor jeedan. Waxaa kale oo jira ciidan xooggan oo iyaga iyo Saciid Deni mar hore kala dhinteen, kuwaas oo la yiraahdo PSF. Ciidankaasna waa buddo gaar u tuman marka laga hadlayo xukunka iyo xaalka Saciid Deni. Ninka loo tiriyo inay ciidankaas siyaasad ahaan taabacsan yihiin Asad Cusmaan Diyaano wuxuu hore u sheegay inay tuutaha xiran doonan haddii Saciid Deni uu qaban waayo doorasho la isla ogol yahay 8-da Janaayo 2024. Sida ka muuqatay jadwalka uu soo saaray guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Puntland 50 cisho oo dib u dhac ah ayaa ku imaanaya waqtiga, balse waxaa waqtiga ka muhiimsan in aan heshiis lagu aheyn nuuca doorashada. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu masuul ka ah guud ahaan Jamhuuriyadda ayaa indhaha ka eeganeysa waxa ka socda Puntland. Halkan ayaa kal hore gacanta la iskula tagay xilli maamulka Saciid Deni uu rabay inuu furo dastuurka maamulka. Waxaana dagaalkii ka dhacay Garoowe ku dhintay dad iskugu jiray shacab iyo askar. Markale cabsi ayay muujinayaan shacabku. Mucaaradka oo rag hubeysan ay ku jiraan waxay ku hanjabeen in aanay aqbali doonin qorshaha Saciid Deni, iyaguna aanay masuul ka noqon doonin wax walba oo dhibaato ah oo ka dhasha isku-deyga Deni. Dowladda dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horay uga hadlay xaaladda Puntland. Balse si weyn ayaa xilligaasi loogu dhalleeceyay, waxaana mucaaradka Puntland qaar sheegeen inay dowladda taageerayaal u abuurtay Saciid Deni. Halka uu Saciid Deni isna si xeer siyaasadeedka ka baxsan u weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Hadda markale xaaladda siyaasadeed ee Puntland waa mid cakiran, waxaa muuqata in dowladda dhexe ay sugeyso illaa xaalka uu gaaro meel aanay waxba ka qaban karin oo tallo iyo tabarna aanay u haynin. Uma badna in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya laga qaadan doono inay mowduuc sidaan u weyn uga leexdan si aan loo eedeyn, sababta oo ah taasi waxay kasoo horjeeda masuuliyadii loo doortay. Ugu yaraan haddii aanay haysan awood ay ku fara-geliso waa inay booskeeda cadeysa inta aanay xaaladdu kasii darin ayay leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya. Doodda sheegaysa in haddii mowqifka dowladda dhexe la ogaado inay caawimaad u tahay Saciid Deni oo raba inuu mar labaad kursiga kusoo laabto, waxaa ka muhiimsan masuuliyadda saaran dowladda dhexe oo ah ilaalinta amniga guud ee dalka, badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyo xalinta tabashooyinka labada heer dowladeed ee Soomaaliya. Dad badan ayaa rumeysan in ka aamusnaanta dowladda dhexe ee arrimaha Puntland inay dhaawaceyso miisaanka dowladda dhexe, isku haynta dalka iyo hanaanka federaalka intaba. The post Arrimo culus oo ka dhalanaya aamusnaanta dowladda ee xiisadda Puntland appeared first on Caasimada Online.
  11. Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa halkaas uga qayb-galay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya. Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wuxuu kaga hadlay hindisaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in deeqaha binu-aadantinimo iyo gargaarka deg-degga ah ee Midowga Yurub. Waxa uu ka dalbaday Midowga Yurub in kaalmada bini’aadanimo ee siiso Soomaaliya loo beddelo mashaariic horumarineed iyo maalgashi, si dalkeenna u gaaro isku filnaasho gudaha ah, ama ugu yaraan uga maarmo ku tiirsanaanta kaalmo caalami ah. “Tan iyo bishii Luulyo 2022, Ciidanka Amniga Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ka badan 80 degmo in ay ka xoreeyaan argagixisada Al Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Magaalo-xeebeedyada sida Xarardheere, waxaan dib u soo celinay waxbarashadii tooska ahayd muddo toban sano ah kaddib anagoo dib u habeyn ku sameynay dugsiyada iyo macallimiinta. Carruurtan hadda waxay heleen fursad cusub oo mustaqbal ifaya oo ku hagaya rajo wanaagsan iyo horumar.” Madaxweynaha Soomaaaliya oo bilihii lasoo dhaafay saldhiggissu ahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa tan iyo markii dib loo soo doortay hoggaaminayay dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab. Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa ku guuleystay Al-Shabaab ka xoreeyaan degmooyin iyo deegaano badan, waxaana si weyn gobollada dalka uga socda baacsiga kooxda. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo Midowga Yurub hordhigay dalab muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  12. Washington (HOL) - The Speaker of the Lower House of the Somali Parliament, Sheikh Adan Mohamed Noor, along with members of the People's Assembly, held a meeting with the Somali community in Washington, D.C., United States on Thursday. Source: Hiiraan Online
  13. LEWISTON, Maine (AP) — Shocked and fearful Maine residents kept to their homes for a second night Thursday as hundreds of heavily armed police and FBI agents searched intensely for Robert Card, an Army reservist authorities say fatally shot 18 people at a bowling alley and a bar in the worst mass killing in state history. Source: Hiiraan Online
  14. The Seychelles National Assembly ratified an agreement with the European Union that will allow persons arrested for drug and weapons trafficking off the coast of Somalia by a member state of the EU, to be tried, prosecuted and imprisoned in Seychelles. Source: Hiiraan Online
  15. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed said on Thursday he would not invade any nation, in comments aimed at quelling neighbouring countries' concerns that he might use force to secure access to a sea port. Source: Hiiraan Online
  16. The Chinese government has issued an unusual security notice to nationals in Kenya citing heightened risks from geopolitical and local issues. Source: Hiiraan Online
  17. The Somali government on Thursday approved a bill aimed at enhancing efforts to combat maritime crimes such as piracy and kidnapping, with the goal of ensuring the safety of the country's extensive coastline for economic activities. Source: Hiiraan Online
  18. Booliska Somaliland oo Bulshada uga Digay Roobabka Hargeysa(Qaran)-Taliska ciidanka booliska Somaliland, ayaa bulshaweynta reer Somaliland uga digey waxyeelooyinka ka dhalan kara roobabka dayrta oo dalka ka curtay. Waxa sidan lagu sheegay war qoraala oo ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland, oo soo gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaaney ciidanka booliska Somaliland bulshada ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka, fareen in ay ka fogaadaan goobaha dooxooyinka, laagaha, biyo-mareenada iyo biraha laydhka. Geesta kale waxa ay fariin mihiima u direen wadayaasha gaadiidka, waxaanay ka codsadeen inay dhimaan xawaaraha ay ku soconayaan, isla markaana ay muujiyaan masuuliyad iyo feejignaan dheeriya, qaataana amarada ciidanka nabadgelyada waddooyinka JSL. Gaba-gabadii waxa lagu sheegay warka soo baxay taliska ciidanka boolisku inay ciidanku u taagan yihiin ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL . Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh weli mowduuc weyn ayay ka tahay in la beddelo hanaanka madaxtinimada dalka, iyada oo la baabi’inayo kursiga ra’iisul wasaaraha, halka loo guurayo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Balse diidmada arrintaan la xiriirta ayaa gaartay dhinac walba oo kamid ah daneyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya. Kooxaha diidan arrintaan waxay iskugu jiraan xilal sugayaal iyo xubno ka tirsan dowladda hadda jirta. Sababta ugu weyn ee loo diidan yahay waa cidda awoodda u leh inay sameyso isbeddelka heerkaas ah iyo inay abuureyso kala shaki bulsho ama uu dheelinayo hanaanka awood qeybsiga beelaha. Hoggaamiyaha ay bilaha u harsan yihiin ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku biiray siyaasiyiinta sida weyn u diidan in la beddelo hanaanka madaxtinimada dalka. Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka leexday dastuurkii lagu heshiiyay. Deni waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan aheyn Golle Dastuuri ah, awoodna uusan u laheyn gaarista go’aamo illaa heerkaas ah. Wuxuu intaas ku daray inay jirto halis aan indhaha laga qabsan karin oo la xiriirta go’aamada joogtada ah ee ka imaanaya Golaha Wadatashiga Qaran, taas oo halis ku ah midnimada dalka iyo dowladnimada nugul ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni. Ma cadda inay dowladda federaalka ay ka joogsan doonto arrintan dhalisay diidmada badan, xilli ay dhinaca kale jiraan warar sheegaya inuu socdo abaabul baarlamaanka lagu horgeynaayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 27-kii May 2023. The post Diidmada isbeddelka hannaanka madaxtinimada dalka oo sii xoogeysatay appeared first on Caasimada Online.
  20. Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Washington ee dalka Mareykanka, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan. Guddoomiye Aadan Madoobe oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa lawadaageen xaaladda guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, iyagoona warbixin ka siiyay nolosha dalka ay ku sugan yihiin. Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington, waxaana uu u sheegay in dalka uu ka socdo dagaal lagu cirib tiraayo kooxda Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu jaaliyada reer Washington ku dhiira-geliyay inay kaalin mug leh ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, oo si dardar leh uga socda dalka. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa intii ku sugnaa magaalada Washington wuxuu kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka. Kulankaas ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wada-shaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, islamarkaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka. Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaallada horumarineed iyo shaqooyinka hortabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan. Guddiga ayaa ballan-qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameyn doono bog cusub oo iskaashi ah. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xiriirka wada-shaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Adduunka. The post Wararkii ugu dambeeyay ee kulamada Aadan Madoobe ee Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  21. MOGADISHU (HOL) - In a pivotal diplomatic move, the Ministry of Foreign and Diaspora Affairs of the Republic of Kenya has officially appointed Mr. Abdi Weli Muhamad Hussein as Consul General to Hargeisa, Somaliland. This development is part of a broader government reorganization that unfolded on October 4, 2023. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 22 qodob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah. Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa lagu soo qaatay safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasi oo uga qeyb-galay shir-madaxeedka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo muhiim ah kula yeeshay Brussels madaxda sare ee Midowga Yurub, uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarinta.” Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday warbixinta dagaallada ka soo cusboonaday deegaano kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kaalinta ay dowladda ka qaadatay, si loo soo afjaro colaadda taagan Hoos ka aqriso Warbixinta Toddobaadlaha 1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Brussels kaga qeybgaley shir-madaxeedka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya. 2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo muhiim ah kula yeeshay Brussels madaxda sare ee Midowga Yurub, uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarinta. 3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday degaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, isla markaana ku dhawaaqey diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta oo ka bilaaban doona degaannada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland. 4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Ciidammada Qalabka Sida iyo kuwa difaaca shacabka mar kale ku bogaadiyey horumarka ay ka sameynayaan dagaalka Khawaarijta, kuna dhiirigeliyay in ay sii xoojiyaan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada. 5. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona Soomaaliya Mudane Joacim Waern. 6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern, waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. 7. Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdiraxmaan Xasan Jimcaale u magacaabay Maareeyaha Sanduuqa Nabadda iyo Xasilinta Soomaaliya. 8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu ku yeelan doono magaalada Jowhar. 9. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidan kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay Shabeelaha Dhexe, kuna baaqdey in degdeg wadahadal loogu soo afjaro colaadda taagan. 10. Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeyntii ka dhacdey Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah. 11. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bogaadiyay shirka ururada bulshada rayidka ee Muqdisho ka dhacay. 12. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka Qalabka Sida ay ku leeyihiin magaalada Xuddur ee gobolka Bakool. 13. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in Khawaarijta sannad gudihiis laga xoreeyay dhul ballaaran, lagana dilay kumanaan ka tirsan maliishiyaadkooda. 14. Wasiirka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa rajo weyn ka muujiyay habsami u socodka hanaanka dayn cafinta Soomaaliya oo la filayo inuu soo dhammaado bisha December ee Sannadkan. 15. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka go’an tahay dhowrista iyo ilaalinta saxaafadda xorta ah iyo bedqabka suxufiyiinta. 16. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Xoghayaha Ururka Iskaasdhiga Islaamka Dr Xuseen Ibraahim Taaha. 17. Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Ceel-Boon 48 km galbeed kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Bakool. 18 Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Taliyaha Kuliyadda Turkisom ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya. 19 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay degmada Galcad iyo deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeellada Dhexe. 20. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday abwaan Marxuum Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) oo ka tirsnaa hoballada Waaberi. 21. Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgalo sifeyn ah ka sameeyay deegaannada Caad iyo Shabeeloow koonfurta gobolka Mudug. 22. Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay fadhiliyeen dhagar Khawaarijta ay la maaganaayeen shacabka magaalada Muqdisho, kadib markii gaari qaraxyo wada oo argagixasada ay wateen lagu qarxiyay Ceelasha Biyaha. The post Aqriso: DF Soomaaliya oo so saartay bayaan ka kooban 22 qodob appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Safiirada iyo Wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha. Kulanka Wasiirka iyo Safiirrada iyo Wakiilada ayaa looga wadahadlay arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo dameystirka qorshaha deyn cafinta dalka. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa kala hadlay madaxdii uu la kulmay sidii dowladda Soomaaliya ay u heli laheyd taageero ku filan kadib marka uu dhamaado hannaanka deyn cafinta. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa ku amaanay Wakiiladii iyo Safiiradii uu la kulmay doorkooda saaxiibtinimo ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin. PUNTLAND POST The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo qaar kamid ah Safiirada deeq-bixiyaasha kula kulmay Nairobi appeared first on Puntland Post.
  24. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta sheegay in Itoobiya aysan ku duuli doonin dal kale ama aysan danaheeda ku fulin doonin “dagaal” kadib markii hadallo uu horay u sheegay oo ku saabsan raadinta marinka Badda Cas ay walaac ka abuureen gobolka. “Waxaa jirta cabsi laga qabo in Itoobiya ay duullaan qaaddo kadib dalabkeenii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa inaan helno bad,” ayuu Abiy u sheegay kumannaan askari oo ku sugan Addis Ababa oo ka qaybgalayay dhoola-tus lagu xusayay maalinta ciidamada Qaranka. Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in Itoobiya aysan ku raadin doonin in ay danaheeda dagaal ku gaarto, waxaa naga go’an in danta guud lagu gaaro wadahadal iyo gorgortan.” Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka 13-kii Oktoobar, Abiy Axmed wuxuu ku sheegay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay tahay “dal jiritaankiisu ku xiran yahay badda cas,” marin biyoodka weyn ee ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay u baahan tahay in ay hesho deked, isagoo intaas ku daray: “Haddii aan qorsheyno in aan nabad ku wada noolaanno, waa in la helaa qaab aan wax ku qeybsanno si dheellitiran”. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo sheegay in Itoobiya aysan dagaal ku raadinayn deked appeared first on Puntland Post.