-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan Yurub, isaga oo halkaas ka wada galaagalo kale duwan, kuwaas uu kaga golleeyahay sidii uu taageero ugu heli lahaa qaadista cunacabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ay u hesho hub iyo dib-u-dhis ciidanka ah. Madaxweynaha ayaa Istanbuul kula kulamay Madaxweynaha wadanka Turkiga Recap Tayyip Erdogan iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaanno iyo degmooyin badan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Turkiga kadib waxaa uu safar ku tagi doonaa UK, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Ingiriiska, isaga oo kala hadlaya sidii ay UK taageero ugu muujin laheyd codsiga Soomaaliya ee ku aadan in laga qaado cunaqabateynta hubka ee la saary 1991. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay sida Dawladda Soomaaliya ugu baahan tahay in laga qaado cunaqabateynta hubka, si Ciidanka Xoogga Dalka ay ugu suurtogasho in ay hantaan ammaanka dalka, kadib bixitaanka ciidanka ATIMIS. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin dalka Jabuuti, ayaa ka xoghayahu u ballanqaaday in Dawladda Mareykanka ay ka taageeari doonto sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka, isaga oo ammaanay guulaha ciidanka dalka. Madaxweyne Xasan oo shirkii ugu dambeeyay uga qeyb galay Magaaladda Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Midowga Yurub iyo Dawladaha Soo-Koraya ka sheegay in xilligaan aad loogu baahi qabo in Soomalaiya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran tan iyo sanadkii 1991-kii. Safarrada iyo galaangalka dunida uu ka wado Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo sedex bil ah uu Magaalada Dhuusamareeb u fadhiyay abaabulka iyo dhameystirka wajiga 2aad ee dagaalka Al- Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dawladdu ku qabsatay deegaanno wajiga 1-aad. Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, taas oo ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi. Xiisadda ayaa timid, kadib markii beelaha qaar ay ka horyimaadeen qaabka loo wado dhismaha golaha deegaanka magaalada Jowhar oo ay sheegeen in la dudsiiyay xaqooda.. Beelaha cabanaya waxaa kamid ah beesha Xawaadle ee gobolka Shabeelaha iyo beesha Gaaljecel oo labaduna saacadihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyay Jowhar. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq xoogan, waxaana HirShabelle ay adeegsaneysaa ciidamo si loo sii wado dhismaha golaha deegaanka oo haatan doorashadooda ay ka socda caasimada Jowhar. Dhanka kale beesha Xawaadle ee Shabeelaha Dhexe oo shir jraa’id ku qabtay Jowhar ayaa shaaca ka qaaday iskaga baxen dhismaha Golaha deegaanka degmadaaasi, waxayna beeshu sheegtay in la siiyay xubno aysan u qalmin. “Waan diidnay inaan qaadano labada xubnood ee gunimada ah oo Guudlaawe Xawaadle siiyay ma ahan wax Xawaadle uu mudan yahay mana qaadaneyno, anagoo ilaa 1960-kii Jowhar kasoo aheyd duq magaalo, waxaan cadeyna anigoo ah nabadoonka guud ee beesha Xawaadle Shabeellaha dhexe in dhismaha golaha deegaan Jowhar ka socdo wax shaqo ah ku laheyn” ayuu yiri Nabadoonka guud ee Xawaadlaha Shabeellaha Dhexe. Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar oo aad uga cabanayaan inta badan beelaha dega magaalda Jowhar. Illaa iyo hadda iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka, inastoo madaxweyne Cali Guudlaawe horay u qaatay go’aan culus oo ku aadan inaywadi doonaan dhismaha golaha deegaanka, ayna la dagaalami doonaan cid kasta oo ka hor timaada. Horay waxaa HirShabelle ula dagay khilaafaad dhanka maamulka ah oo ka dhashay dhismihii maamulkaas, waxayna taas oo hoos u dhigtay horurmarkii gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Xiisad xoogan oo ka qaraxday Jowhar iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah. Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir gole oo aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan. “Waxaa xubnaha golaha sharafta leh lagu war-gelinayaa in 2:00PM Duhurka kadib si buuxda uga soo qayb-galaan shir gole oo aan caadi ahayn oo ku qabsoomaya xafiisa ra’iisul wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri qoraalka loo diray dhammaan xubnaha golaha wasiirada. Dhaq-dhaqaaq xoogan iyo u diyaar garow ku aadan shira ayaa haatan ka socda Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ah halka uu ka dhacayo. Kulankan ayaa laga yaabaa in golaha wasiirada ay uga doodaan arrimo ku aadan xisaab xirka miisaaniyadda dowladda, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow golaha wasiirada. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in goaha ay sameeyaan isbedallo kale oo waa weyn iyo kuwa dhexdooda ah, waxaana hadal heyn xoogan ay ka dhalatay shirkooda oo lagu gorfeynayo baraha bulshada ee ay ku xiriirto Soomaalida. Golaha ayaa Khamiistii lasoo dhaafay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku go’aamiyeen in mushaarkooda bishaan lagu taageero ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. The post Xog: Golaha wasiirada oo yeelanaya shir aan caadi ahayn + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa ku baaqay “in la furo wadooyin bini’aadantinimo iyo in la hakiyo dagaalka Gaza” si loo hubiyo gargaarka loo wado Marinka Gaza. Baaq wadajir ah oo ay soo saareen 27-ka hoggaamiye waxay ku muujiyeen “walaaca ugu weyn ee ay ka qabaan xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee Gaza” waxayna ku baaqeen “in la sii wado gargaar bini’aadantinimo iyada oo loo marayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku jiraan waddooyinka bini’aadantinimada iyo hakinta dagaalka.” Dalalka Midowga Yurub ayaa si weyn isugu khilaafay ku baaqida “Xabad Joojin deg deg ah”, oo ay soo jeediyeen dalalka Holland, Belgium iyo Spain, halka ay ka horyimaadeen dalalka Austria, Germany iyo Sweden oo sheegay in ay ku dhawaaqaan oo kaliya hakinta dagaalka inta gargaarka la geynayo. “Gargaarku waxa uu u baahan yahay in si deg deg ah ku gaaro Gaza, iyada oo aan la horjoogsan,” ayey tidhi madaxa Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen. Waxa ay ku dhawaaqday in ururka midowga yurub uu laba duulimaad oo kale oo shixnad bini’aadantinimo ah u diri doono dhanka Masar ee marinka Rafah, waxayna sheegeen inay saddex-jibaareen deeqda bini’aadantinimo oo ay sii marsiinayaan hay’adaha Qaramada Midoobay, deeqdaasi oo gaareysa 40 milyan oo Yuuro. Source
-
Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdi Cismaan Dhagawayne, ayaa sheegay in reer Sool ay Somaliland ka tageen reer Awdalna ay tabasho qabaan. Wasiirka oo la sheegay in uu ka hadlayay xaflad meher ah, ayaa sheegay in beel gaar ahi ay madaxtinimada Somaliland isku kaayaysanayso, waxa uuna ku baaqay in beelaha darafyada wax loo ogolaado. “Reer Sool way tageen oo waan ogahay, reer Awdalna waad ogtihiin guuxooda, anagu guuxa reer Awdal waanu la qabnaa, maanta dee idinka ayaaba ku kaayaysanaya oo cid aad wax u ogoshihiin ma jirto, waxan leeyahay beelaha darafyada hala ixtiraamo” ayuu yidhi Wasiir Dhagawayne. Source
-
Maraykanka ayaa duqaymo ku garaacay laba bakhaar oo ay rasaas iyo hub ugu kayd sanaayeen dawladda Iran kuwaas oo ku yaalla gudaha Siiriya. Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqayntaan ay jawaab u ahayd weerar ay kooxaha ay taageerto Iran ku qaadeen saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya Duqaynta Maraykanka ayaan “wax ku lug lahayn dagaalka haaan socda iyo Israa’iil iyo Xamaas”, sida lagu sheegay war soo baxay. Iran ayaa dhaqso uga ka hadlin arrintaan. Waxaan wali la ogayn in qasaare nafeed uu ka dhashay duqayntaan iyo in kale. Source
-
Wafti ka socda Xamaas ayaa booqasho ku tagay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan sii deynta la haystayaal ajanabi ah oo ay ku jiraan muwaadiniin Ruush ah oo kooxdaas ay hadda ku haysato Gaza. Abu Marzouk, oo ah xubin sare oo ka tirsan Xamaas ayaa kamid ah wafdigan ku sugan Moscow. Kulamadan ayaa looga hadlay siideynta degdegga ah ee la haystayaasha ajanabiga ah ee ku sugan Marinka Gaza. Waxaa sidoo kale laga hadlay arrimo la xidhiidha xaqiijinta daad-gureynta muwaadiniinta Ruushka iyo kuwa kale ee ajnabiga ah ee ku sugan dhulka Falastiin, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka. Weerarkii Xamaas ku qaaday Israel 7dii bishan ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 qof oo heystay dhalashada dalka Ruushka, halka ilaa 5 kale nolol lagu qafaashay. Yuhuuda kasoo jeeda Yurub ee ku nool dhulka Israel maamusho ayaa in badan oo kamid ah heysta dhalashada dalalka Ruushka iyo Ukraine. Maaha markii ugu horeysay oo xidhiidh toos ah dhexmaro Ruushka iyo Xamaas, xukuumada Putin ayaa hore u waday dadaalo ay ku dhex dhexaadineysay ururada Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas. Ruushka ayaa toddobaadkan laba goor Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay horgeeyey qaraar loogu baaqayo Xabad joojinta dagaalka Qasa, balse waxaa codka VETO ku diiday Mareykanka. Madaxweynaha Ruushka Putin oo hore uga hadlay dagaalka Gaza ayaa ku eedeeyey Mareykanka in aanu dhex dhexaad ka ahayn xiisada, isla markaana Washington diidan tahay in Beesha Caalamka ee kale ay soo dhexgasho xal u helida dagaalka u dhaxeeya Falastiin iyo Israel. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare golaha shacabka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay buuqa ka dhashay waxa ka keentay in tartankii madaxweynaha baarlamaanka adduunka laga reebo Marwo Bashiir Cabdi oo metaleysay Soomaaliya. Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inuu jiray heshiis dhex-maray isaga, guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Marwo, ayna isku raaceen inay tanaasusho. Sababta keenay in tartanka isaga harto wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay dooneyso laba kursi oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah ku biirista bulshada bariga Afrika iyo helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, sidaas daraadeedna ay Soomaaliya dooratay inay Tanzania u tanaasusho, iyadana ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay ugu biiri laheyd Dalladda Bulshada Bariga Afrika. “Heshiiskaas wuxuu ahaa maadaama dal xor ah aa nahay heshiisyana aan adduunyada la geli karno, xukuumaddana ay ka gaabisay inay noo sheegto waxa ka dhexeeyay Tanzania iyo Soomaaliya, annaga waan ogeyn in bulshada bariga Afrika lagu biiraayo, marka annaga oo ololaheyna wadano ayaa waxaa soo baxday in la dhoho xildhibaan Marwo arrintaas ayaa jirto labadaas kursi ayaa Soomaaliya doonanee, kursigaan waxaan rabnaa inaan u tanaasulno” ayuu guddoomiye Abshirow wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanaddu ay aqbashay heshiiska, si ay ugu hiiliso Soomaaliya, kadiban sidaas laghu soo saaray warqadda kasoo baxday guddoonka. “Marka heshiiskaas wuxuu ahaa aniga, Aadan Madoobe iyo xildhibaan Marwo meel fiican ayuu maraayay, markii ugu dambeysay waxaan isku raacnay in xildhibaan Marwo ay tanaasusho ayada oo Soomaali u hiilineyso” ayuu mar kale yiri Cabdullaahi Abshirow. Waxaa kale oo uu yiri “Marow marka ay qabashay inay tanaasushay ayaa waxaa markaa guddoonkii uu ku qasban yahay inuu warqad soo saaray oo baarlamaanka adduunka u caddeeyo inaan ka harnay taranka”, Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xukuumadda Soomaaliya oo uu ka dalbaday inay mar kastaa baarlamaanka usoo gudbiso heshiisyada ay galeyso, si aysan markale u dhicin arrinta maanta dhacday oo uu tilmaamay inay ku timid ogaal la’aan. “Wixii hadda ka dambeeya xukuumadda heshiisyada ay galeyso waa in baarlamaanka Soomaaliya uu la socdaa, maxaa yeelay laba hay’ad oo kala duwan ayaa nahay” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ay horay u sheegtay in la dhabarjebiyay, isla-markaana xustay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay. “Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir. The post Guddoonka BF Soomaaliya oo shaaciyay sababta tartanka looga reebay Marwo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lagu xiray guri uu dagan yahay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ee gobolka Bamaadir. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, laakiin waxaa jira burbur xoogan oo soo gaaray dhismaha guriga la qarxiyay. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Caasimasa Online u sheegay in xilliga uu dhacayay qaraxa uu guriga ku sugnaa guddoomiye waaxeedka deganaa hoyga miinada lagu qarxiyay, balse wuu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay. Ma jiro wax hadal ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan qaraxaas. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaano ka wadaan xaafadda uu qaraxu ka dhacay, si gacanta loogu soo dhigo kooxdii ka dambeysay weerarkaasi. Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo gaystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan culays soo saartay kooxda Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada culus ee ka socda gobollada dalka. The post Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay Dayniile + Bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
-
President Recep Tayyip Erdoğan has received his Somali counterpart President Hassan Sheikh Mohamud in Istanbul, Turkish diplomatic sources said Friday. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ayaa mar kale dagaal qarka u saaran sida ay sheegayaan wararka laga helayo jiidda dagaalka. Xiisadda labada dhinac ayaa ku sii durkaysa dagaal toos ah waxaana lagu soo warramayaa in uu socdo dhaq dhaqaq ciidan iyo diyaar-garow xooggan oo laga dareemayo jiidaha hore. Maamulka Somaliland ayaa muddooyinkii danbe diyaarinayay abaabul ciidan iyo qorista maleeshiyaad cusub waxaana saraakiishoodu sheegeen in ay dagaal rogaal celin ah ku qaadayaan dhulka SSC. Ciidamada Somaliland ayaa si ba’an loogu jebiyay dagaalkii u danbeeyay ee labada dhinac dhexmaray 25 Agoosto ee sannadkan kaas oo gebi ahaanba lagaga saaray dhulka SSC-khaatumo. PUNTLAND POST The post Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo mar kale qarka u saaran in ay dagaallamaan appeared first on Puntland Post.
-
Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga 53-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa la shaaciyay maanta oo Sabti ah. Ajandaha waxa lagu daray qodob ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka Puntland ee sannadka 2024. Qodoba la xiriira amniga guud ee Puntland iyo qulqulka soogalootiga ayaa sidoo kale lagu daray ajandaha Baarlamaanka Puntland. Ansixinta Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sannadka 2024 iyo meel-marinta xeerarka xukuumaddu soo gudbiso ayaa sidoo kale ku jira. PUNTLAND POST The post Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
CNBC Arabia has been confirmed as an official Media Partner for the Libya Energy & Economic Summit (LEES) (https://apo-opa.info/3Mkq9aW) taking place in Tripoli next month, which serves as the nation’s premier platform for dialogue and dealmaking. May Ben Khadra, Business Anchor for CNBC Arabia, will moderate and announce the opening sessions of the summit. Under the partnership, CNBC will also provide coverage of the event and conduct interviews with delegates, speakers, key actors and industry leaders. Returning for its second edition, LEES unites Libya’s entire energy sector – together with other critical areas of the economy – with the goal of creating and sustaining partnerships with global players for energy and economic growth. The North African nation represents Africa’s largest oil producer and is currently in the process of restabilizing its oil and gas sector, driving gas monetization, establishing a more diversified energy matrix and contributing to regional energy security. CNBC Arabia serves as the Arab world’s leading and only 24-hour Arabic language financial and business channel, providing real-time coverage of regional and international affairs from an Arab economic perspective. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
-
Daawo: Sheegow iyo 22 askari oo Muqdisho lagu maxkamadeeyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheegow Axmed Cali iyo askartii difaaceysay ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay ayaa lasoo taagay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. 23 nin oo Sheegow uu ugu sareeyo ayaa ka soo muuqday maxkamadda, kuwaas oo loo heysto wixii ka dhacay guriga uu Sheegow ka degan yahay degmada Dharkenley, halkaas oo dagaal culus uu ku dhex maray ciidamada Sheegow iyo kuwa dowladda. Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkmadda ciidamada Soomaaliya oo raggaan ku soo oogay dacwada ayaa ugu horeyn Sheegow ku eedeeyey inuu ka been abuuray darajooginka ciidamada, isla markaana uu sheegtay darajada Jeneraal oo aan la siinin. Xeer ilaalintu waxay sheegtay in ninkaan ay dowladu ka dhigtay labo xidigle, isla markaana uu ku darsaday darajooyinka kale, ilaa uu ka gaaray Jeneraal, iyadoo aysan cidina dalacsiin. Eedeymaha culus ee loo soo jeediyey Sheegow waxaa ka mid ahaa in maalintii uu socday dagaalka ka dhacay gurigiisa uu gacantiisa ku dilay askari, isla markaana uu dhaawac culus u geystay nin sarkaal ah. Dowladdu waxay maxkamadda ka hor cadeysay in Sheegow mar hore laga saaray liiska ciidamada Soomaaliya, kadib markii la ogaaday inuu musuq ku sameystay darajooyin uusan gaarin, sidoo kalena uu galay qaladaad badan oo mamnuuc ka ah ciidamada. Qareenadii difaacayey Sheegow ayaa ku dooday in ninkaan lagu weeraray gurigiisa, isla markaana uu is difaacay, waxay kaloo sheegeen in dowladdu ay halkaas ku dishay qaar ka mid ah ciidamadii la joogay, kuwaas oo dhiigooda aan waxaba la iska weydiin. Ugu dambeyntii, waxaa maxkamadda soo xiray G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, wuxuuna sheegay in go’aanka kiiskaan ay dib ka soo sheegi doonto maxkamaddu. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheegow iyo 22 askari oo Muqdisho lagu maxkamadeeyey appeared first on Caasimada Online. -
EU urges #Eritrea to fully withdraw troops from Ethiopian territory, address human rights concerns During the 78th session of the #UN General Assembly, the European Union (EU) has urged the government of Eritrea to promptly and completely withdraw any remaining troops from #Ethiopian territory, as mandated by the Eritrea-Ethiopia Boundary Commission. In a statement released yesterday, the EU highlighted the importance of conducting independent investigations into alleged violations and abuses of human rights and international humanitarian law by armed forces against civilians. According to the statement, these investigations are essential for delivering justice to the victims of the conflict in northern Ethiopia, both within and outside the Tigray region. Additionally, the EU expressed deep concern regarding the human rights situation in Eritrea, citing the findings of the Special Rapporteur’s report. The report uncovered the arbitrary detention of a significant number of individuals, with many Eritreans still unaccounted for. The EU called upon Eritrea to transparently and promptly address these cases by revealing the whereabouts of the missing individuals and releasing those who are being unlawfully held. https://eeas.europa.eu/delegations/un Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta Al-Shabaab ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo koox ay ka maamulaysay dalka dhowr iyo toban sano. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa dhankiisa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo maanta looga guuleystay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo ay u tartameysay ayaa sharaxaad ka bixisay dhabarjebin ay sheegtay inay kala kulantay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo diray warqad uu ku sheegayo in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartankaas. Doorashada ayaa maanta ka dhacay dalka Angola, afar gabdhood ayaa tartameysay oo Marwo Bashiir ay ku jirtay, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania. Xildhibaan Marwo Bashiir oo warbaahinta la hadashay ayaa ka sheekeysay sidii ay wax u dhaceen, waxay sheegtay in doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac loo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taas oo la yaab iyo dhabarjebin culus ku noqotay. Waxay sheegtay inay go’aansatay in tartankaas aysan ka harin, maadaama ay heysatay balan-qaad weyn iyo rajo doorasho oo aad u sareysa, isla markaana laga ogolaaday inay tartankeeda sii wadato. Warqadii uu diray guddoomiye Aadan Madoobe ayaa gaartay xildhibaanadii codeyn lahaa, taasi waxay sababtay in wadamo badan ay Xildhibaan Marwo u cadeeyaan in markii hore ay codkooda sii rabeen, laakiin hadda ay ka cudur daaranayaan, maadaama dowladda Soomaaliya oo loo codeyn lahaa aysan diyaar u aheyn inay kurigaan qabato. “Gabdhaha tartamaya waxaa la siiyey xafiisyo, waxaa ugu mashquul badnaa keyga, dadkii codeyn lahaa waxay ii balanqaadeen inay i doora doonaan, rajadeydu waxay aheyd 100%, laakiin waxaa soo afjartay warqadii Aadan Madoobe, waana lagu xisaabtami doonaa taas,” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir. Waxay qabtay rajada ugu sareysay inta aysan soo bixin warqadaas, laakiin waxay noqotay qofkii ugu codadka yaraa afarta haweenka ah ee tartanka gashay, waxayna heshay 11 cod kaliya. Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada oo ugu dambeyn maanta looga guuleystay. “Waxaa la igu yiri Marwo waxaad ku tartameysaa magaca baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka soo baxday baarlamaanka aad ka tirsaneed in uusan kula shaqeyneyn oo korsigaas aysan diyaar u aheyn, marka cod kuma siin karno, sababtoo ah dooraashadaan muhiimadeedu waa in baarlamaanadu isla shaqeeyaan,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Marwo Bashiir. Ugu dambeyntii waxay tiri Xildhibaan Marwo, “Codadkii aan ku tashanayey ayaa u jaheystay dad kale oo taageero buuxda ka heysta dowladahooda, saakay markii aan goobta codeynta tegay, wadan kasta xubnihii ka socday waa iga cudur-daarteen, waxaa la igu yiri anaga Soomaaya inan codka siino ayaan rabnay, laakiin Soomaaliya ayadaba rabin inay cod qaadato, marka dad kale oo u baahan ayaan codadkeena sii doonaa ee Marwo naga raali ahaaw.” The post Xildhibaan Marwo oo faahfaahisay ‘dhabar-jebintii uu ku sameeyey’ Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Marwo Cabdi Bashiir oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay tartan maanta loo galay xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, kumana guuleysan inay hesho kursigaas, doorashadaas ayaa maanta ka dhacday dalka Angola. Xildhibaan Marwo ayaa kursigaas kula tartamaysay afar mushar oo kale oo haween ah, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Tulia Ackson oo ah haweeney u dhalatay dalka Tanzania. Guul-darrada kadib waxaa maanta sii xoogaystay dareen celinta ka dhalatay warqad la sheegay inay ka soo baxday xafiiska Gudoomiayaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, taas oo lagu sheegay in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartanka Kursiga Madaxweynaha Barlamaaanka Aduunka, iyadoo loo diray guddigii qabanayey doorashada. Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo la hadashay BBC ayaa sheegtay in warqadu ahayd mid iyada xitaa lagu been fariimay, maadama lagu qoray inay iyadu isaga hartay tartanka, balse kama harin tartanka ee waxaa looga guuleystay Sanduuqa, waxayna gashay kaalinta ugu dambeysa, iyadoo heshay 11 Cod. Waxay sheegtay in markii ay aragtay warqada ay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sabab ah, isla markaana ay iska sii wadatay howlaheeda ololaha doorashada. Dhanka kale, Wasaarada Arimaha Dibadda ayay Marwo sheegtay in aysan jirin cid kala soo xiriritay oo arrinta doorashada kala hadashay, laakiin waxay intaas ku dartay inay bilowgii ololaha ay ku garab isatageen oo ay ku faraxsanaayeen inay tartankaan gasho. Xildhibaan Marwo Bashiir waxay tilmaamay in bilowgii rajadeedu ahayd mid sare, balse markii dambe ay dhaawac culus u geysatay warqada loo diray maamulka doorashada. “Waxaan noqday qof tartamaysay oo dalkeedi liddi ku noqday, taas oo xitaa shaki galisay wakiiladii kale ee wadamada ka qayb galaya doorashada oo niyad jab ay gaarsiisay warqadani” ayey tiri Xildhibaan Marwo Bashiir. Soomaaliya oo quudareyneysay helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kaalmo iyo garab istaaga olole waydiisatay wadamada geeska Afrika qaarkood, waxaana dalalka ay Soomaaliya garabka weydiisatay ka mid ah Tanzania oo kursigii maanta ku guuleysatay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas. Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka yaala Qaramada Midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya. Hadda waxaa kurigaas ku fadhisa Kenya, intii ay socotay doorashadaas Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo u tartameysay kursigaas, dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada olalaheeda raadinta kurisgaas. Dowladda Soomaaliya ayaa sida ay marar badan ka sheegtay warbaahinta dadaalkii ugu badnaa galisay sidii dalku ugu biiri lahaa Dalada Bulshada Bariga Afrika oo ah dallad dhaqaale iyo bulsho oo ay ku midaysan yihiin dalal ku yaal bariga iyo bartamaha Afrika. Codsiga Soomaaliya oo la aqbalay ayaa waxaa socda qorshayaal farsamo oo ay ka wada shaqaynayaan guddiyo labada dhinac ah si loodhamaystiro ku biirista Soomaaliya ee dallada EAC, Suuq balaaran, isku socodka dadweynaha oo sahlanaada iyo qaadashada hal baasaboor ayaa kamid ah faa’iidooyin dhawr ah oo Soomaaliya ay doonayso inay ka hesho ku biirista dalladaan. The post DF oo kursigii Marwo Bashiir looga guuleystay ku bedelaneysa laba arrin oo waaweyn appeared first on Caasimada Online.
