Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir gaar ah oo ay xalay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray amniga guud ee caasimada. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Wasiiru Dowlaha Amniga XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa, waxaana ka qayb-galay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir iyo saraakiisha qaabilsan amniga. Waxaa sidoo kale shirka goobjoog ah saraakiisha hoggaamisa ciidanka xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataaro iyo kuwa Nabad-Sugidda oo qayb ka ah howlgallada Muqdisho. Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka socda degmooyinka gobolka iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniha ee dowladda Soomaaliya. Ugu horreyn taliyaha booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi oo madasha ka hadlay ayaa wasiir Xagaa iyo taliyaha booliska siiyay warbixin guud oo ku aadan amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen ka hortegga falal ammaan darri iyo weeraro ay soo maleegeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Dhankiisa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Firin oo shirka hadlay ayaa ku boggaadiyay qaybaha kala duwan ee hoggaanada ciidamada sida ay uga shaqeeyeen amniga guud ee caasimada, wuxuuna wasiirka la wadaagay guulaha laga gaaray howlgallada xasilinta ee ka socda magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir laga dareemayay xasilooni amni, taas oo ku timid howlgallada ay wadaan hay’adaha amniga Soomaaliya. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dalka ka wadda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. The post Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.
  2. Faysal C.Waraabe oo si Adag ugu Jawaabay Diblomaasi Soomaaliya ka Tirsan Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in koox cadaw ahi ay doonayso in ay Somaliland dumiso, isaga oo si gaar ah usoo hadal qaaday Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Somaliland, lagu wado arrin hore Soomaaliya ugu socotay, sida uu hadalka u dhigay, arrintaasi oo ah in loo qaybiyo gobolo, isaga oo sheegay in Somaliland, aanay ka soconayn, oo aanay aqbalayn. Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayuu si gaara uga hadlay, isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dad doonaya in ay Somaliland burburiyaan, isaga oo sheegay in magaca jagada uu hayo uu xataa badalay. Waxaanu yidhi.”Ninka la yidhaa Cabdikariin Xuseen, ee la baxay u qaybsamaha dowlada Federaalka ee arrimaha Somaliland, ee xataa magicii badalay ahaa wadahadalada Somaliland, waxba inaga qaadi maayo”. Waxa uu sheegay in beeno aan sal iyo raad lahayn ay faafinayaan cadawga Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland, xadkeeda si dhakhso ah u tagayso. Waxaanu yidhi.”Cadawgeenii barobagaadho iyo been ayuu adduunka la maraya, waxan ugu bushaaraynayaa shacabka Somaliland, xuduudeenii si dhakhso ah ayaynu u tagaynaa, dhallinyarada sida mutadawacnimada ah ciidamada u gashay waxan leeyahay guulaysta”. Qaran News
  3. Hargeysa(Qaran)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo uu wehelinayo Gudoomiye ku-xigeenka Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ciyaaraha Djibouti Xasan Maxamed Kaamil kaas oo ku qaabilay masuuliyiinta ciyaaraha Somaliland xafiiskiisa. Masuuliyiinta labada dhinac oo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada Wasaaradood ayaa isla qaatay in dhinaca Soomaaliland gacan laga siiyo 1.Tababar garsoorka kubbadda cagta ah heerarka kala duwan. 2.Tababar tababarayaasha orodada. 3.Tababar tababaryaasha kubbadda gacanta (hand ball) 4. Qalabka kubbadda caganta (hand ball). Kulana ayaa ku soo dhammaaday is af Garad. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Ziraat Katilim ee Turkiga ayaa laan ka furtay magaalada Muqidsho, isaga oo noqday bankigii ugu horreeyey ee caalamai ah ee dalka ka howl-gala in ka badan 50 sano kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Bankiga Dhexe ayaa sheegay in howlgelinta bankigii ugu horreeyey ee shisheeye ee Soomaaliya ay xoojin doonta qeybta maaliyadda ee dalka, ayada oo kordhineysa fursadaha dhaqaale iyo gacancsi ee u dhaxeeya dalka iyo saaxiibadiisa ganacsi. “Laanta cusub ee Bankiga Ziraat Katilim ee Soomaaliya waxaa la filayaa inay bixiso adeegyo banki oo shirkadeed oo kala duwan oo ay siiso ganacsiyada, hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha horumarinta,” ayuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku yiri bayaan uu ka soo saaray Muqdisho. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa bishii July 2022 waxa uu siiyay laba ruqsadood oo shaqo laba banki oo caalami ah – Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr ee Masar – kadib hanaan codsi oo ballaaran. Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah. “Waan ku faraxsanahay inaan aragno howl-gelinta xarunta Ziraat Katilim ee Muqdisho, tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta waaxda maaliyadda Soomaaliya, taasi oo sare u qaadeysa fursadaha maalgashiga iyo horumarinta,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Bankiga Dhexe ay weli ka go’an tahay kobcinta dhaqaale loo dhan yahay oo ka hirgala Soomaaliya iyo dhisidda nidaam maaliyadeed oo adag oo xasilloon. “Waxaan filaynaa in bankiga cusub uu wax badan ku soo kordhiyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, oo uu qayb ka qaato kobaca dhaqaalaheenna.” The post Bankigii ugu horreeyey oo caalami ah oo 50 sano kadib laga furay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  5. Gaza (Caasimada Online) – Maamulka Israel ayaa caqabad aan la iska indha-tiri karin waxa uu u arkaa bannaanbaxyada ay dhigayaan qoysaska iyo ehellada in ka badan 200 oo Israa’iliyiin ah oo lagu haysto Marinka Gaza, kuwaa oo Xoogagga Xamaas ay ku qafaasheen weerarkii 7-dii October. Qoysaska iyo ehellada la haysteyaasha ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay dib u billaabay in ay ku hor bannaanbaxaan xafiisyada iyo xarumaha maamulka, iyagoona dalbanaya in si nabdoon guryahooda loogu soo celiyo la haysteyaasha. Dadka bannaanbaxa dhigaya ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ku eedeeyay in markii hore ay dayaceen amniga la haysteyaasha, xilligii la qafaalanayay, haddana aysan wax gorgortan ah ka galeynin, sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa guryahooda, isla-markaana ay khatar gelinayaan noloshooda, bacdamaa uu maamulku kordhiyay hawlgaladiisa Gaza. Dadkan ayaa dalbaday in maamulku uu joojiyo duqaymaha baahsan ee Marinka Gaza. Waxaa dadkan walaaca ku kordhiyay ayaa ah, iyadoo Ururka Xamaas uu sheegay in dad hor leh oo ka tirsan maxaabiista ay ku dhinteen weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza, tirada dhimashada ee la haysteyaashana ay gaartay 50 qof. Qoysaska la haysteyaasha ayaa dalbaday in maamulku uu sameeyo maxaabiis is weydaarsi, si Israa’iiliyiinta la haysto oo tiradoodu ay gaareyso 229 qof ay si nabada ugu soo laabtaan guryahooda. Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa goor dambe oo xalay ahayd la kulmay guddi ay iska soo xuleen qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, ka dib markii ay ku hanjabeen inay bilaabayaan mudaaharaadyo waaweyn, oo dadkuna ay ugu baaqi doonaan in waddooyinka magaalooyinka isugu soo baxaan, si loo helo cid damaanad qaadda in la haysteyaasha aanay waxyeelo ka soo gaari doonin duqaymaha hawada iyo hawlgalka dhulka ee laga sameynayo Gaza. Ra’isal Wasaaraha ayaa xubnaha guddiga ugu laab qaboojiyay in ay samayn doonaan wax kasta oo suurtagal ah, si dadkaasi ay guryahooda ugu soo laabtaan. “Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah, si aan guryahooda ugu soo celino,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu ku sheegay muuqaal uu xafiiskiisu baahiyay. Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in hawlgalka dhulka ee Gaza uu muhiimaddiisu yahay, sidii loogu soo samatabixin lahaa la haysteyaasha, haddana uu fahmi karo cabashada qoysaska maxaabiista. Qoysaska la haysteyaasha ayaa waqti siinaya maamulka, iyagoona eegaya tallaabada uu qaadi doono, ka hor inta aanay bilaabin dibadbaxyada ay ku hanjabeen. Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay sii daayaan maxaabiista Israa’iiliyiinta, waa haddii Israel ay oodda ka qaadeyso dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda. “Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno heshiis is dhaafsi degdeg ah oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku xiran xabsiyada Israel, si loogu bedelo dhammaan maxaabiista ay hayaan xoogaga wax iska caabinta ee Falastiin,” ayuu yiri Yahya Sinwar. Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ku xiran 19 xabsi oo ku yaala Israel iyo mid kale oo ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto. Haddii labada dhinac ay haatan sameeyaan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah ayaa wuxuu noqon doonnaa heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is weydaarsi ah ee dhinacyadaasi dhex mara. The post Israel oo caqabad lama filaan ah kala kulantay duullaanka ay ku hayso Marinka Gaza appeared first on Caasimada Online.
  6. On the 28th of the 10th month, Somalia witnessed a historic event as the Council of Ministers of the Federal Government convened to overwhelmingly approve the government’s 2024 budget, a substantial sum of $1,025,687,991. This remarkable budget increase, exceeding one billion dollars, signifies a pivotal moment in Somalia’s economic resurgence and the government’s steadfast commitment to the nation’s development. Economic Growth Fueling Financial Progress: One of the pivotal drivers behind this extraordinary budget expansion is the significant economic growth experienced over the past year. This upswing in economic activity has contributed to a notable increase in domestic revenue, laying the foundation for the nation’s fiscal growth. A closer examination reveals how various sectors, including agriculture, trade, and services, have been instrumental in powering this economic revival. Fiscal Policies and Reforms Paving the Way for Prosperity: The government’s fiscal policies and reform initiatives have played a pivotal role in enhancing the budget. These strategies have led to improvements in tax collection and public financial management, resulting in higher domestic revenue. This renewed fiscal discipline and transparency are instrumental in shaping the nation’s financial landscape. Embracing Positive Economic Momentum Government’s Vision and Commitment: This budget increase not only represents a monetary milestone but also embodies the positive economic momentum that Somalia is currently enjoying. It underscores the government’s resolute commitment to driving national development and investing in infrastructure and projects that will directly benefit its citizens. The Role of Transparency and Accountability Building Public Trust: Highlighting the significance of transparency, accountability, and responsible fiscal management is paramount in encouraging both public support and international investment. Concrete data and real-world examples can illuminate the path forward, demonstrating how these principles can lead to better governance and public welfare. Somalia’s 2024 budget increase is not just about numbers but a testament to the country’s growing potential and the government’s dedication to unlocking it. This surge signifies a journey toward a more prosperous future, attracting international confidence, foreign aid, and investments. With careful fiscal stewardship and a steadfast commitment to the well-being of its citizens, Somalia is paving the way for a brighter and more prosperous tomorrow. Adan Ahmed Hirad is a former Somali Diplomat adan.hirad14@gmail.com The post Somalia’s economic resurgence: A closer look at the 2024 budget increase appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa caawa si qota dheer kaga hadlay qaraxyadii ay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ka geysteen Khawaarijta Al-Shabaab. R/Wasaare Xamza oo hadalkaan ka jeediyey xaflad caawa lagu xusay hal sano huuradii ka soo wareegtay markii uu dhacay qaraxii Soobe 2 ayaa ugu horeyn aad u amaanay guddigii uu xiligaas u xil saaray maareynta musiibadii dhacday. Wuxuu sheegay in dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aad u maamuuseen inta karaan kood ah, isla markaana carruurtoodii la siiyey waxbarasho bilaash ah. Wuxuu Xamza sheegay in Shabaab ay labo hadaf ka lahaayeen qaraxaas iyo kuwo lamid ahaa, qorshaha koowaad “Waxay doonayeen inay ka hor tagaan duulaankii qorsheysnaa ee dowladda iyo shacabka, si looga niyad jabo, taasna ma dhicin,” ayuu yiri. Qorshaha labaad ee qaraxaas ay ka laahaayeen Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay Xamza inay doonayeen “Burburinta aqoonta, maadaama ay weerarkaas ku qaadeen arday shahaadooyin u doonta xarunta wasaaradda waxbarashada, aad ayey u necebyihiin dadka waxbartay,” ayuu yiri. Markii ay qaraxyadaasi dhaceen wuxuu sheegay Xamsa inay ka fekerayeen sidii degmada Kaaraan looga qaban lahaa ciyaal-weero, balse ay faa’iideen isku duubni bulsho, taas oo u fududeysay dowladda inay ka guuleysayo dagaaladii ciyaal-weerada iyo Al-Shabaab ay ku qaadeen. “Dagaalkii aan ka bilownay Xawaadley ayaa maanta maraya Xarardheere, waxaana Khawaarijta ka xoreynay dad ka badan 3 milyan, sidoo kale 900 oo KM dhul ka badan ayaan ka xoreynay Khawaarijta, qaraxyada Zoobe kadib 29 October 2022-kii,” ayuu yiri R/Wasaaruhu. Wuxuu sheegay in dowladaan ay xoogga saartay waxbarashada si jahliga looga saaro dadkaan, “Waxaan habeen hore ansixinay miisaaniyad ay ku jirto inaan qaadano 3,000 oo kale oo macalimiin Soomaaliyeed ah, nuurka waxbarashada waan shideynaa, mana demi kartaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza. Hoos ka daawo The post Daawo: Xamza oo shaaciyey labo qorshe oo Shabaab ay ka lahaayeen qaraxyadii Soobe 2 appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa caawa si qota dheer kaga hadlay qaraxyadii ay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ka geysteen Khawaarijta Al-Shabaab. R/Wasaare Xamza oo hadalkaan ka jeediyey xaflad caawa lagu xusay hal sano huuradii ka soo wareegtay markii uu dhacay qaraxii Soobe 2 ayaa ugu horeyn aad u amaanay guddigii uu xiligaas u xil saaray maareynta musiibadii dhacday. Wuxuu sheegay in dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aad u maamuuseen inta karaan kood ah, isla markaana carruurtoodii la siiyey waxbarasho bilaash ah. Wuxuu Xamza sheegay in Shabaab ay labo hadaf ka lahaayeen qaraxaas iyo kuwo lamid ahaa, qorshaha koowaad “Waxay doonayeen inay ka hor tagaan duulaankii qorsheysnaa ee dowladda iyo shacabka, si looga niyad jabo, taasna ma dhicin,” ayuu yiri. Qorshaha labaad ee qaraxaas ay ka laahaayeen Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay Xamza inay doonayeen “Burburinta aqoonta, maadaama ay weerarkaas ku qaadeen arday shahaadooyin u doonta xarunta wasaaradda waxbarashada, aad ayey u necebyihiin dadka waxbartay,” ayuu yiri. Markii ay qaraxyadaasi dhaceen wuxuu sheegay Xamsa inay ka fekerayeen sidii degmada Kaaraan looga qaban lahaa ciyaal-weero, balse ay faa’iideen isku duubni bulsho, taas oo u fududeysay dowladda inay ka guuleysayo dagaaladii ciyaal-weerada iyo Al-Shabaab ay ku qaadeen. “Dagaalkii aan ka bilownay Xawaadley ayaa maanta maraya Xarardheere, waxaana Khawaarijta ka xoreynay dad ka badan 3 milyan, sidoo kale 900 oo KM dhul ka badan ayaan ka xoreynay Khawaarijta, qaraxyada Zoobe kadib 29 October 2022-kii,” ayuu yiri R/Wasaaruhu. Wuxuu sheegay in dowladaan ay xoogga saartay waxbarashada si jahliga looga saaro dadkaan, “Waxaan habeen hore ansixinay miisaaniyad ay ku jirto inaan qaadano 3,000 oo kale oo macalimiin Soomaaliyeed ah, nuurka waxbarashada waan shideynaa, mana demi kartaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza. Hoos ka daawo The post Daawo: Xamza oo shaaciyey labo qorshe oo Shabaab ay ka lahaayeen qaraxyadii Soobe 2 appeared first on Caasimada Online.
  9. Waajid (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab geliyeen deegaanada maamulkaas. Madaxweynaha ayaa maanta dadka kula hadlay fagaare ku yaalla degmada Waajid, wuxuuna farrin u diray shacabka ku nool deegaanada go’doonsan oo reer Waajid ay ku jiraan. Laftagareen ayaa wax laga ximaado ku tilmaamay in dadkiisu ay go’doonsan yihiin in ka badan 14 sano, isagoo dadka kula dardaarmay inay dagaalamaan, inta aan gaajo loo dilin. “Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay u diyaar garoobeen dagaal, guulo waaweyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, anagu waxaan diyaar u nahay bilaabidda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in reer K/Galbeed ay koogaan waqtigii ugu fursadda roonaa, isla maraakana ay diyaar u yihiin bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka. Sidoo kale Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan hal maalin howlgalka wajiga labaad ka bilaabi kara seddaxda gobol ee maamulkaas. Dadka reer Waajid ayaa ku jira go’doon adag adag oo ay la qabaan qaar kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Bakool oo Shabaab in ka badan 10 sano ay u diidan yihiin inay wax u gudbaan. Madaxweyne Laftagareen iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa gobollada K/Galbeed ka qada abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka kooxda. Hoos ka daawo The post Daawo: Laftagareen oo si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab saareen deegaanada KG appeared first on Caasimada Online.
  10. Waajid (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab geliyeen deegaanada maamulkaas. Madaxweynaha ayaa maanta dadka kula hadlay fagaare ku yaalla degmada Waajid, wuxuuna farrin u diray shacabka ku nool deegaanada go’doonsan oo reer Waajid ay ku jiraan. Laftagareen ayaa wax laga ximaado ku tilmaamay in dadkiisu ay go’doonsan yihiin in ka badan 14 sano, isagoo dadka kula dardaarmay inay dagaalamaan, inta aan gaajo loo dilin. “Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay u diyaar garoobeen dagaal, guulo waaweyn ayaa laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, anagu waxaan diyaar u nahay bilaabidda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in reer K/Galbeed ay koogaan waqtigii ugu fursadda roonaa, isla maraakana ay diyaar u yihiin bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka. Sidoo kale Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan hal maalin howlgalka wajiga labaad ka bilaabi kara seddaxda gobol ee maamulkaas. Dadka reer Waajid ayaa ku jira go’doon adag adag oo ay la qabaan qaar kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee gobolka Bakool oo Shabaab in ka badan 10 sano ay u diidan yihiin inay wax u gudbaan. Madaxweyne Laftagareen iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa gobollada K/Galbeed ka qada abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka kooxda. Hoos ka daawo The post Daawo: Laftagareen oo si adag uga hadlay go’doonka ay Shabaab saareen deegaanada KG appeared first on Caasimada Online.
  11. Degdeg: Booliska oo Baafinaya Ciddii Lahayd Lacag la Dhacay oo ay Qabteen Hargeysa(Qaran)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa baafinaya ciddii lahayd lacag ay sheegeen in lagu qabtay eedaysane ay ciidanku gacanta ku soo dhigeen. War ka soo baxay ciidanka booliska JSL, lagu sheegay in qofkii lacagtaasi lahaa laga doonayo tiradeeda, waxaanay qoraalka Boolisku u qornaa sidan :- “Taliska Ciidanka Booliska JSL, gar ahaan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa waxa uu raadinayaa qofkii lahaa lacag maanta lagu qabtay Eedaysane Axmed Maxamed Ibraahim 32 Jir Ina Faadumo Maxamed Cabdillaahi, kaasi oo ciidanka boolisku ku soo qabteen lacagtaasi, isaga oo soo dhacay, Lacagtaasi oo iskugu jirta Somaliland Shilin iyo Doolarba. Waxa qofka lacagtaasi ka maqantay laga rabaa ina uu sheego tiradeeda. Haddaba, waxaanu ka codsanaynaa dhammaan shacabka Somaliland ina ay ciddii lacagtaasi ka maqantay inay tagaan Saldhiga Dhexe Hargaysa ama garacaan numberkan 0634408459. Ciidanka Boolisku waxa uu halkan digniin uga dirayaa dadka falalka noocaasa caado ka dhigtay , kuna hawlan ina ay dhacaan hantida dadweynaha, waxaanu u sheegaynaa ina ay ka waantoobaan, haddii kale gacan bir ah lagu qaban doono”. Qaran News
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedka HirShabelle iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimada ah ee Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey. Dowladda dhexe waxaa shirka ku metalayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow, waxaana dhanka QM ka socday Wakiilada FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP. Sidoo kale waxaa shirkan oo looga hadlay arrimaha hormurinta ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada maamulka HirShabelle oo wehlinayay madaxweynahooda. Kulanka dhex-maray saddexda dhinac ayaa waxa ay uga wada-hadleen kor u qaadista mashaariicda horumarinta iyo ka doodista mashruuca biyo xireenka Jowhar ee (JOSP). Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga Shabelle iyo biyo la’aanta xilliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wax soo saarka beeraha. HirShabelle ayaa baahi weyn u qabta mashruucan, maadaama ay leedahay dhul beereed caan ku ah wax soo saarka, haatana aan si wanaagsan looga faa’iideysan. Si kastaba, kulanka dowladda dhexe, QM iyo HirShabelle ku dhex maray Jowhar ayaa kusoo aaday, xilli cabsi ay ka taagan tahay maamulkaasi, taas oo ku aadan fahaahadda wabiga Shabelle iyo xaaladda la saadaalinayo ee El-nino oo ay horay uga digtay dowladdu. The post DFS, HirShabelle iyo QM oo shir ku yeeshay Jowhar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedka HirShabelle iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimada ah ee Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Shirkan ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobey. Dowladda dhexe waxaa shirka ku metalayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Axmed Madoobe Nuunow, waxaana dhanka QM ka socday Wakiilada FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP. Sidoo kale waxaa shirkan oo looga hadlay arrimaha hormurinta ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada maamulka HirShabelle oo wehlinayay madaxweynahooda. Kulanka dhex-maray saddexda dhinac ayaa waxa ay uga wada-hadleen kor u qaadista mashaariicda horumarinta iyo ka doodista mashruuca biyo xireenka Jowhar ee (JOSP). Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga Shabelle iyo biyo la’aanta xilliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso wax soo saarka beeraha. HirShabelle ayaa baahi weyn u qabta mashruucan, maadaama ay leedahay dhul beereed caan ku ah wax soo saarka, haatana aan si wanaagsan looga faa’iideysan. Si kastaba, kulanka dowladda dhexe, QM iyo HirShabelle ku dhex maray Jowhar ayaa kusoo aaday, xilli cabsi ay ka taagan tahay maamulkaasi, taas oo ku aadan fahaahadda wabiga Shabelle iyo xaaladda la saadaalinayo ee El-nino oo ay horay uga digtay dowladdu. The post DFS, HirShabelle iyo QM oo shir ku yeeshay Jowhar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay deeq lacageed oo gaaraysa €89.5 Million oo Euro ah, lacagtaan €20 milyan oo kamid ayaa waxaa loogu talo galay in lagu kabo miisaamiyadda Dawladda Soomaaliya ee 2024 taas oo ay Golaha Wasiirrada meelmariyeen habeenimadii xalay, cadadkeeduna yahay $1,025,687,991. “Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Maalgelintaan waxaan ugu talo galnay in aan wax kaga qabanno dawlad-dhisidda Soomaaliya, annagoo eegayna mudnaanta siyaasadeed iyo khataraha imaan kara,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Midowga Yurub kadib deeqda lacageed. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo habeenimadii xalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.), taas oo in badan korortay marka loo eego sanadkii hore 2022. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa ka mahad celiyay taageeradan Midowga Yurub, isagoo sheegay inay tani xoojinayso iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyo in la sii horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib-u-dhisidda dawladnimada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa Midowga Yurub ka dalbaday in taageerada la siiyo Dawladda Soomaaliya loogu badelo mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha dalka. Source: goobjoog.com
  15. The mother of Liverpool’s Colombian winger Luis Diaz has been rescued from kidnappers but the search for his father continues, Colombian President Gustavo Petro said. Source: Hiiraan Online
  16. Johannesburg (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay magaalada Johannesburg ee caasimada dalka Koonfur Afrika, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, ayada oo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi. Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Cali Mire oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka wasiir ku xigeenka, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo la kulanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi. “Waxaa wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ujeedkooda uu yahay inay la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan wasiirka isagaa dadka la kulmi doono ajendihiisa iyo qorshihiisana u sheegi doono” ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Mire. Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu booqan doono dhammaan deegaanada ay joogaan Soomaalida, si uu usoo arko. “Waxaan u joognaa maalmo shaqo oo dhinacyo badan taabaneyso oo ay ugu horreyso safaaraddeena iyo howlihii ay wadday inaan safiirkeena kala sheekeesano, sidoo kale bulshada guud ahaan ee Soomaaliyeed ee dalkan ku nool inaan is aragno oo is wareysano qaybaheeda kala duwan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan qorsheyneynaa in aan gaarno magaalooyinka kale todobaadkan waa wada joognaa, wixii kale dib ayaan iska wareysan doonaa”. Koonfur Afrika ayaa kamid ah meelaha lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxayna weeraro kala kulmaan burcad hubeysan oo ku heyso dil, dhaawac iyo boob hantiyeed intaba. The post DF oo wafdi culus u dirtay Koonfur Afrika + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  17. Johannesburg (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay magaalada Johannesburg ee caasimada dalka Koonfur Afrika, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ku dhaqan gudaha dalkaasi. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, ayada oo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi. Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Cali Mire oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka wasiir ku xigeenka, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo la kulanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi. “Waxaa wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ujeedkooda uu yahay inay la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan wasiirka isagaa dadka la kulmi doono ajendihiisa iyo qorshihiisana u sheegi doono” ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Mire. Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu booqan doono dhammaan deegaanada ay joogaan Soomaalida, si uu usoo arko. “Waxaan u joognaa maalmo shaqo oo dhinacyo badan taabaneyso oo ay ugu horreyso safaaraddeena iyo howlihii ay wadday inaan safiirkeena kala sheekeesano, sidoo kale bulshada guud ahaan ee Soomaaliyeed ee dalkan ku nool inaan is aragno oo is wareysano qaybaheeda kala duwan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan qorsheyneynaa in aan gaarno magaalooyinka kale todobaadkan waa wada joognaa, wixii kale dib ayaan iska wareysan doonaa”. Koonfur Afrika ayaa kamid ah meelaha lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxayna weeraro kala kulmaan burcad hubeysan oo ku heyso dil, dhaawac iyo boob hantiyeed intaba. The post DF oo wafdi culus u dirtay Koonfur Afrika + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  18. Ciidamada Israa’iil ayaa sii ballaadhinaya howllgalada dhulka ah ee Qaza halka diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen boqollaal meelood oo ahaa bartilmaameedyo ay lahed Xamaas, sida uu sheegay militariga Israa’iil Axaddii, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku tilmaamay wajigii labaad ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah. Isgaadhsiintii, taleefoonada iyo internetka ayaa qayb ahaan dib loogu soo celiyay Gaza Axadii, kadib markii ay hawada ka maqneyd in ka badan maalin, taas oo si adag u saameysay howlihii samata bixinta. Shaaban Axmed, oo ah shaqaale dowladeed ku haray magaalada Gaza, ayaa yidhi: “Israa’iil waxay naga gooysay adduunka si ay inoo baabi’iso, laakiin waxaan maqalnaa dhawaqa qaraxyo waxaana ku faraxsanahay in dagaalyahannada wax iska caabbinta ay ciidamada Israa’iil ku celiyeen meel ka baxsan magaalada.” Axmed, waxa uu sheegay in Axadii uun uu ogaaday in ina-adeerkii lagu dilay weerar dhinaca cirka ah Jimcihii. Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa duqeeyay in ka badan 450 bartilmaameedyo militari oo ay Xamaas ku laheyd Marinka Gaza, oo ay ku jiraan xarumaha taliska howlgalada, goobaha kormeerka, iyo goobaha laga rido gantaalada lidka taangiyada, sida uu sheegay militariga Israa’iil. Maamulka caafimaadka ee marinka Qaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa sheegay in 8,005 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3,342 caruur ah lagu dilay duqaymaha Israa’iil. Barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool teendhooyin ku yaalla Khan Yunis, Gaza, ayaa ku tilmaamay xaalad nololeed oo aad u liidata, isla markaana ay xaddidan tahay helitaanka cuntada iyo biyaha iyo inay saf u galaan saacado si ay u galaan musqulaha. Source
  19. Cybersecurity firm CyberSOC Africa has expanded to Kenya as part of its pan-African cybersecurity expansion plans. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweyne ku xigeenkii hore Mike Pence ayaa Sabtidii ka tanaasulay u tartamida musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga, isagoo soo afjaray ololihiisa Aqalka Cad ka dib markii uu waayey inuu helo taageero fiican iyo waliba dhaqaalaha ololihiisa. “Way ii caddaatay: Hadda maaha waqtigeyga,” Pence ayaa ka yidhi shir sannadeedka Isbahaysiga Yuhuudda maalgelisa xisbiga Jamhuuriga oo ka dhacay magaalada Las Vegas. Pence waa musharrixii ugu horreeyay ee weyn ee ka baxa tartanka oo uu hada dhinaca Jamhuuriga uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Donald Trump, oo ay hadda taageeraan inta badan dadka u codeeya xisbigaas Jamhuuriga. Source
  21. Ciidamada militariga Israa’iil ayaa maanta shaaciyay in ay sii ballaarinayaan howllgalada dhulka ah ee Gaza halka diyaaradahooda dagaalku ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen goobaha rayidka ee marinka Gaza. Maamulka caafimaadka ee marinka Qaza oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof ayaa sheegay in 8,005 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3,342 caruur ah lagu dilay duqaymaha ku socda marinka Gaza. Isgaarsiintii, taleefoonada iyo internetka ayaa qayb ahaan dib loogu soo celiyay Gaza, kadib markii ay hawada ka maqneyd in ka badan maalin, taas oo si adag u saameysay howlihii samata bixinta. Barakacayaasha Falastiiniyiinta ee ku nool teendhooyin ku yaalla Khan Yunis, Gaza, ayaa ku tilmaamay xaalad nololeed oo aad u liidata, isla markaana ay xaddidan tahay helitaanka cuntada iyo biyaha iyo inay saf u galaan saacado si ay u galaan musqulaha. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee xaaladda ba’an ee ka taagan Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  22. Komishanka iyo Dawladda Ingiriiska oo ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news)- Guddida doorooyinka Qara ka JSL, iyo dowladda Ingiriiska ayaa iska xog wareystay arrimaha doorashooyinka, u diyaar garowga doorashooyinka iyo hawlaha guddida doorashooyinka u yaala. Dhinaca kale dowladda Ingiriiska ayaa balanqaaday inay gacan ka gaysaneyso doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay sannadka danbe ka qabsoomaan dalka, kadib markii ay kulan wada yeesheen guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo madaxa xafiiska UK ee JSL Mudane Ilyaas Malek iyo saraakiil kale. Geesta kale guddida doorashooyinka Qaranka ayaa warbixin ka siiyay waftiga u doyaar garowga arrimaha doorashooyinka iyo dhamaystirka xeerka doorashooyinka ee horyaala golaha wakiillada JSL. Sidoo kale waxa ay kulanka ku gorfeeyeen soo saarista liiska kama-dambaysta ah Codbixiyeyaasha iyo diyaarinta qorshayaasha iyo miisaaniyadda doorashooyinka. Qaran News
  23. Dalkee iyo Afkee ugu weyn Aduunka?. Qaybta 1,aad Gogoldhig. Waa markale iyo falanqayn iyo faaqiddaad aan doonaayo in aan ku lafo guro Degel samaha guunka ah ee weli lagu nagi yahay ee Dhulka Hooyo iyo Afka guunka ah ee Aduunka ugu Faca Wayn ee kamadanbaystii ku Magac baxay Afka-Hooyo, aan Saafo halkaase Afka Guunka ah ee Afka-Hooyo, Magacyo Hore ayaa jiri jiray oo Afkani lahaan jiray ama looyaqaanay, se Magacii ugu Danbeeyey ee noqday Magaca loo diwaan geliyey waxa uu ahaa AFKA-HOOYO inta Afka Hooyo lagu Kooyaayey ama loogu yeedhaayey ama lagu magacaabaayey Afka-Hooyona waa mudo aan ka yarayn Todoba KUN oo Sanadood (7,000 oo sanadood), Afka-Hooyo waa Af Duug ah ama Guun ah, oo Qorma ama waa Af Qoran oo leh Taariikh iyo Sooyaal Qoraal dhigan mudo aad u Facweyn!, waxa se nasiib daro ah in taa ay seegan yihiin dadka Haatan ku Dhaqan Dhulkii Hooyo iyo Dadka kale ee ku dhaqan dhulkii Xoolo dhaqatadii bariga Afrika, uu beri-samaad ahaa degelkoodu, se maanta wada ah iyaga iyo Dhulkii-Hooyo, Dhulka Haatan lagu sheego Dhulka:- Soomaalida/Soolisida/Soodhiijida, iyada oo hadana Erayga Silan ee Soomaal/Soolis/Soodhiiji uu yahay AF ahaan eray ama Erayo ku qumanayn ama aanay suurto gal ahayn in ay noqdaan Magac Qoomiyadeed iskana daa’ Magac qabiilna!, oo Murti, Dhaqan, Taariikh iyo Suugaan wax San oo ku sheegan ama ku ladhan ama ku xidhiidhsan ama ku sidkan oo la raaciyaa aanay jirin Erayga SOO-MAAL/SOO-LIS/SOO-DHIIJI, waxa se ku sidkama oo laraaciyaa dhowr eray oo Catow, Calloolyow iyo Ceebbayn ah!. Hadaba yaanan waxba ku tiigaalin oo Khadka ku khasaarin wax hawaawi ah oo sal, raad iyo suuroow toona lahayn, ee aan Soo laba shubo oo aan u daadego arinka ku gaddaaman ee dhex gowdiida uuna xambaarsan yahay Maqaalkan aan khadka qalinka u daray, waxa aan doonayaa haduu Alle ii Amro in aan Raad raac ku sameeyo Magacyo Saddex Qof oo ku Raad dhigan Taariikhda aduunka, Si loo Garawsado facweynaanta Afkan noqday Afkii-Hooyo, Waa Saddex Nabi Nabad Gelyo iyo Naxariista Alle ha kor ahaatee, Kuwaas oo kala ah, Nabi Aadan cs, Nabi Nuux cs iyo Nabi Muuse cs. (AFEEF:- marnaba wax ku lidi ah nabiyadan Alle oo meel ka dhac ku ah Sharaftooda, Mudnaantooda, iyo Nabinimadooda uma qalin qaadan se in aan Magacyadooda Sharafta iyo haybada Alle kor yeelay in aan sharax ka bixiyo ayaan doonayaa, waxaan ahayn Aadame daciif ah oo qaldama sidaa awgeed hadii wax aan munaasib ku ahayn nabiyadan Alle, oo aan Aqoon yaraan iyo Daciifnimo Aadame awgeyd ku sheego ama ku sharaxo, wax Aanay Mudnayn ama Munaasib ku ahayn, Alle oo kaliya ayaan qaldamin ee iiga raali ahaada oo iqabta oo Isaxa ama I toosiya idinka oo mahadsan Walaaladayda Qalinka iyo Akhriskow). Nabi Aadan Cs. Nabigii Alle ee Aadan Nabad Gelyo iyo Naxariista Alle ha kor ahaatee waxa uu ahaa Qofkii ugu horeeyey Dadkeena ee uu Alle Abuuro ama sameeyo, Sidoo kale waxa uu ahaa Qofkii ugu Horeeyey ee Magac loo bixiyo loogu yeedho, waxaana Magacaa u bixiyey Allihii Abuuray ee Sameeyey ee Dhoobada ka sameeyey ee geliyey Nafta, Magacaas oo ahaa AADAN, Bal Hadaba Magacaa Alle u bixiyey Abuurtiisii Dad ee ugu horaysay ee Dadka aduunka ku guud sugani ku AB tirsadaan ee ay Aadamaha ku sheegtaan, Muxuu ka dhigan yahay ama Magaca Aadan muxuu eray ahaan u yaalaa ama lagu macneeyaa?, Eray ahaan ama Magac ahaan Magaca Aadan waxa uu ka dhigan yahay……………… Lasoco taxanaha. Abuurtii wacnayd ee Alle Ayuu Aabaheen Aadan ahaa Khadar Hooyoley 29-10-2023 Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News