Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle. Fatahaadda ayaa saameysay afarta xaafadood ee magaalada, waxaana ay halakeeyay biyaha wabiga, kadib markii uu karkaarada jabsaday. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in fatahaadda ay sababtay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Dhimashada ayaa haatan mareysa illaa 8 qof, kuwaas oo ay biyuhu la tageen, waxaana sidoo kale jira dad weli ku go’doonsan xaafado ka mid ah degmada Beledweyne. Sidoo kale waxaa jira qoysas badan oo ay saameysay fatahaadda, kuwaas oo u barakacay duleedka magaalada oo ay haatan ku haysato xaalad nololeed oo adag. Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada oo ka hadlay xaaladda Beledweyne, waxa ay sheegeen in laga gaabiyay u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha. Waxa ay sidoo kale farriin u direen dowladda federaalka iyo HirShabelle, iyaga oo ka codsaday inay gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah ay lasoo gaaraan reer Beledweyne. Hiiraan ayaa waxaa sanad kastaa ku soo laa laabta fatahaado khasaare badan gaarsiiya shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Beledweyne. Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo ka dhashay xaaladda Elnino, waxaana soconaya dadaallo ay waddo dowladda Soomaaliya. The post Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay Beledweyne, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  2. Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Sool ayaa sheegaya in weli Somaliland maleeshiyaad ururis ah ku soo daabulayso duleedka Buq-dharkayn. Ciidamadii furimaha ku jabay ee Somaliland oo ay weheliyaan macawisleey laga soo ururshay beelaha ayaa sida lagu soo warramayo hadda ku sugan nawaaxiga Goldheero oo in yar u jirta jiidda Buq-dharkayn. Wararka ayaa intaas ku daraya in cutubyo ka tirsan ciidamada SSC oo sugaya Amniga degaanka Buq-dharkayn ay hore ugu siqayaan dhinaca buurta Goldheero si ay u kala eryaan maleeshiyaadka soo duulay. Xiisadda dagaal ee labada dhinac ayaa sii kordhaysay saacadihii u danbeeyay waxaana shalay jiiddaas laga maqlay deryanka hubka culus inkastoo aanu shalay dagaal toos ah dhicin. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Colaadda degaanka Buq-dharkayn ee galbeedka Sool appeared first on Puntland Post.
  3. Sida ay xaqiijisay duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin Ilaa sideed qof ayaa ku geeriyootay fatahaadaha Wabiga Shabeelle uu ka sameynayo magaalada Baladweyne. Dhanka kale, xaafadaha Kooshin iyo Xaawotaako shacabkii deganaa ayaa 80% u barakacay bannaanka, xilli xaafadaha Buundoweyn Howlwadaag ayaa ku jira go’doon, kuwaas oo shacabkii deganaa ay u suurogelin in ay isaga barakacaan xaafadaha oo waxaa ku hareereysmay biyo aad u badan. “Meelaha ugu daran oo dadku ay hadda ku geeriyoodeen, qaraxii ugu dambeeyay meeshii uu ka dhacay, oo aan laheyn biyo celiskii buundada, Baladweyne waxaa ay ku sugan tahay laba sano oo Ilaahey xaalkeeda ogyahay, laba biyo bax iyo sided qarax ayaa ka dhacay “ ayey tiri Nadar. Maayor, Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, waxayna deeq bixiyayaasha ka codsatay in ay gargaar deg deg ah oo bini’aaddannimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleedka iyo ku xaniban gudaha. Magaalada Baladweyne ayaa u kamid ah magaalooyinka u nugul fatahaadaha wabiga, iyadoo ay jirto in roobab baaxad leh ay ka da’ayaan gudaha dalka, waxaana xusid mudan in Wabiga sidoo kale uu ku fatahay magaalooyin dhaca gobollada Shabeellooyinka, oo hadda wajahay Fatahaad. Wabiga Shabeelle oo biyaha kasoo roga buuraha sare ee dalka Itoobiya ayaa waxaa uu keenay biyo badan xilligaan Deyrta oo laga digay in Soomaaliya ay ka dhici karaan fatahaado daadad wato oo ay sababto duufaanta El-Nino, waxaana dalka intiisa badan ku dhuftay Fatahaado. Source: goobjoog.com
  4. Guriceel (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 13-kii bishaan u fariisatay maxkamadeynta 24 askari oo horaantii bishaan ku dagaalamay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo gaystay khasaare kala duwan. Askartan oo ka kala tirsan taliyada Booliska, NISA iyo Milatariga ayaa lagu soo eedeeyay inay gaysteen dil bareer ah, dhaawacyo, burburin hantiyeed iyo cabsi gelin dadweyne. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka Cabdicasiis Cismaan Faarax ayaa maxkamadda ka hor caddeeyay eedaha loo haysto 24-ka eedeysane, wuxuuna maxkamadda ka codsaday inay dhammaantood ku wada xukunto dil toogasho ah. “Dadkaas waxa ay dileen marxuum Nuur Axmed Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, waxay gaysteen dhaawacyo, waxaan codsanayaa dhammaantood in lagu xukumo dil toogasho ah” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada. Sidoo kale waxaa goobta la keenay marqaatiyeyaal ku sugnaa goobta lagu dagaalamay oo maxkamadda u faahfaahiyay, sida ay wax u dhaceen. Sheekh Daahir Faarax oo isna ah baaraha kiiskan ayaa goobta ka sheegay in baarista ay sameeyeen ay ku ogaadeen in askartan ay gaysteen dambiga lagu soo eedeeyay. “Markaan baaritaan ku sameynay kiiskaas waxaa noo cadaatay in eedeysanayaasha ay yihiin kuwa galay eeda loo soo jeediyay” ayuu yiri Sheekh Daahir Faarax. Dhankooda qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa dafiray dhammaan eedaha loo soo jeediyay askartan, waxayna ku tilmaameen waxba kama jiraan, iyaga oo sidoo kale ka codsaday maxkamadda ciidamada qalabka sida inay dib usiiso xoriyaddooda. Ugu dambeyn maxkamadda ayaa isla maanta soo saartay xukunka, waxayna 15 kamid ah askartaan ku ridday saddex sano oo xabsi ciidan ah, bixinta magta marxuumiinta kala ah Marxuum Saciid Salaad Cali iyo Marxuum Nuur Axmed Maxamed oo ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Guriceel iyo bixinta magta 5 ruux oo ku dhaawacantay dagaalkaasi, halka sideeda kale ay sheegtay maxkamaddu in lagu waayey wax dambi ah, kadibna lasii daayay. The post Daawo: Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday 24 ASKARI appeared first on Caasimada Online.
  5. Ciidamada Israel ayaa maanta gudaha u galay isbitaalka ugu weyn ee magaalada Gaza, waxaana ay baarayeen qolalka iyo qeybta hoose ee isbitaalka. Talalabadan ayaa soo gabagabeysay go’doomin maalmo qaatay oo sababtay qeylodhaan caalami ah oo ku aadan nolosha kumannaan rayid ah oo ku go’doonsan gudaha Gaza. Isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalka dhulka ee ciidamada Israel kuwaas oo sheegay in godad ku hoos yaalla isbitaalka hoostiisa ay dagaalyahannada Xamaas. Saraakiisha Gaza ayaa sheegay in bukaanno badan oo ay ku jiraan saddex ilmood oo dhawaan dhashay ay dhinteen maalmihii lasoo dhaafay taas oo ka dhalatay hareeraynta Israa’iil ee isbitaalka. Israa’iil waxay sheegtay in ciidamadeedu ay ku dileen dagaal yahanno ka tirsan Xamaas agagaarka isbitaalka kahor intii aysan galin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo gudaha u galay isbitaalka ugu weyn ee magaalada Gaza appeared first on Puntland Post.
  6. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka oo kaashanaya UK ay cunaqabateyn kusoo rogayaan shakhsiyaadka iyo hay’daha taageera Xamaas iyo ururka Islamic Jihad ee Falastiin, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiida X oo hore u aheyd Twitter. “Mareykanka oo kaashanaya Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn ku soo rogaya shaqsiyaadka iyo hay’adaha taageera Xamaas iyo kooxaha argagixisada ah ee Islamic Jihad ee Falastiin. ayuu yidhi Blinken. “Waxaan sii wadeynaa la shaqeynta saaxiibadeenna iyo xulafadeenna si aan u carqaladeyno waddooyinkan maalgelinta argagixisada.” ayuu Blinekn ku yidhi qoraalkiisa. Mareykanka ayaa Xamaas u aqoonsan urur argagixiso ah. Source
  7. Garowe (HOL) - Puntland's opposition umbrella unilaterally released a schedule for parliamentary and presidential elections on Tuesday, signalling their commitment to last week's decisions from the traditional elder council meeting. Source: Hiiraan Online
  8. Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiyaan Airlines ayaa dalbatay diyaarado badan oo sumadoodu tahay Boeing 737-8 MAX, ku dhawaad shan sanno kadib markii diyaarad noocaan aheyd ay shil ku gashay meel u dhow magaalada Adis Ababa ee caasimaddda dalka Itoobiya. “Waxaan aaminsanahay inaan hubinay oo aan xaqiijinay in cilladda naqshadeynta diyaaraddaas ay si buuxda u saxantahay,” ayuu yidhi madaxa shirkadda Itoobiyaan Airlines Mesfin Tasew.”. Waxaan dib u cusbooneysiinay kalsoonidii aan ku qabnay diyaaradda,” ayuu raaciyay hadalkiisa. Guud ahaan, shirkaddu waxay dalbatay in ka badan 67 diyaaradood oo Boeing ah. Dalabka waxaa ku jira noocyo badan. Source
  9. Ehelada dadka lagu xasuuqa Gaza oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Dacwadan Madaniga ah ayey ehelada soo gudbiyey sheegeen in lacagta canshuurta laga qaado lagu hubeeyo Israel oo xasuuq wada. Waxaa sidoo kale dacwadan qeyb ka ah oo iyagana dacwado lagu soo ogay Xoghayaha Arrimaha Dibada Antony Blinken iyo Gaashaandhiga Lloyd Austin. Mas’uuliyiintan ayaa loo heystaa inay illaa iyo hadda diidan yihiin in xabad joojin lagu dhawaaqo, isla markaana wadaan hubeynta Israel. Dalka Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ansixiyey sharciyada la xadhiidha kahor taga xasuuqa iyo ciqaabida dadka geysta. Balse waxa ay dacwadan tijaabo u noqon doontaa sida Garsoorka Mareykanka go’aan uga gaadho arrimahan taabanaya siyaasada dibbada ee Mareykanka. Source
  10. Agaasimaha cisbitaalka Al-Shifa Mohammad Abu Salmiya ayaa sheegay in cisbitaalka lagu qasbay in lagu aaso 179 qof, oo ay ku jiraan carruur iyo bukaano ku dhintay qeybta daryeelka degdega ah, xabaal wadareed gudaha dhismaha cisbitaalka. Wariye la shaqaynaysay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in urta maydadka go’aya uu yaallo meel kasta oo xarunta ah. Weriyaha BBC-da ee Rushdi Abualouf ayaa la hadlay qof ku sugan cisbitaalka oo sheegay in taangiyada ay ku hareereysan yihiin cisbitaalka dhinac walba, isla markaana ayna suurtagal ahayn in gudaha iyo dibadda loo galo cisbitaalka. Hay’adda samafalka ee Médecins Sans Frontières ayaa sheegtay in shidaalka uu dhammaan doono maanta cisbitaalada magaalada Qaza. 200,000 oo qof oo kale ayaa ka qaxay waqooyiga Qaza 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, sida Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyadoo dagaal ba’an oo u dhexeeya dagaalamayaasha Xamaas iyo ciidamada Israa’iil ay ka socdaan agagaarka isbitaallada halkaas oo bukaannada ay ugu dhimanayaan tamar yaraan iyo saadka oo sii yaraanaya. Source
  11. Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa qorshaynaya in ay cunaqabateyn ku soo rogaan Shakhsiyaadka iyo Hay’adaha Taageera Xamaas ururka Islamic Jihad ee Falastiin. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka oo kaashanaya UK ay cunaqabateyn kusoo rogayaan shakhsiyaadka iyo hay’daha taageera Xamaas iyo ururka Islamic Jihad ee Falastiin, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X oo hore u aheyd Twitter. “Mareykanka oo kaashanaya Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn ku soo rogaya shaqsiyaadka iyo hay’adaha taageera Xamaas iyo kooxaha argagixisada ah ee Islamic Jihad ee Falastiin”. “Waxaan sii wadeynaa la shaqeynta saaxiibadeenna iyo xulafadeenna si aan u carqaladeyno waddooyinkan maalgelinta argagixisada” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo UK oo cunaqabateyn ku soo rogaya Shakhsiyaadka taageera Xamaas appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xundubey ayaa sheegay in madaxweynuhu markan gaaray da’da todobaatameeyada oo uu ku micneeyay in qofka ku jira marxaladdaas uusan laheyn curin, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha haddii uu 70 gaaray curinta dadkii laga rabay ha usoo noqdo illeen reer todobaatan waa tageen horaa loo yiri, ani ma dhihinee” ayuu yiri Xasan Xundubey. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu madaxweynuhu uusan ogoleyn la kulanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda, balse uu doonayo shaqsiyaadka gaarka ah ee uu danaha ka leeyahay. “Qodobka labaad horaaa madaxweyne usoo ahaa waa laga soo sheegaa, marka qof hantiile ah oo uu dhaqaale ka rabo maahinee ama dhalinyaradaan uu adeegsanaayo maahinee cid kale oo uu madaxweynuhu maanta uu la tashado” ma jirto” ayuu mar kale yiri Xundubey. Xasan Xudubey oo sii hadalaya ayaa farriin culus u diray madaxweynaha, wuxuuna ugu baaqay inuu kusoo laabto bulshadiisa, isla-markaana uu la sameeyo la tashi guud. “Madaxweynaha bulshadiisa ha usoo noqdo, waxgaradka ha usoo noqdo dalkaan isagu malaha, annagu ma lihin waan wada leenahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale, waxa uu ka hadlay howlgallada ka dhanka ah ah Al-Shabaab, doorka ciidanka Macawiisleyda iyo arrimi ku aadan wixii dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble. Halkan hoose ka daawo:- The post Daawo: Xasan Xundubey oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  13. Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Baladweyne. Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in muddooyinkii lasoo dhaafay ay magaaladu wajahaysay fatahaado baaxad leh, halka dhowr marna ay jabsadeen biya xireennadii la sameeyay, kuwaas oo sababay qasaara nafeed iyo mid hantiyeed. Marwo Nadar ayaa sheegtay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, waxayna deeq bixiyayaashu ka codsatay in ay gargaar bini’aaddan-nimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleeddada magaalada iyo kuwa ku xanniban xaafadaha. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 8 qof oo ku dhintay fatahaadda magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  14. Former U.S. President Donald Trump, the leading candidate for the Republican presidential nomination in 2024, has promised to crack down on illegal immigration and restrict legal immigration if elected to a second term in office. Source: Hiiraan Online
  15. More than 1,000 refugees from the Democratic Republic of the Congo (DRC) have fled to Uganda following recent attacks by suspected Allied Democratic Forces (ADF) rebels, according to a local humanitarian organization. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado ka tirsan caasimada. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray ilinka hore guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadibna la qarxiyay. Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna ku yaalla agagaarka xerada gaadiidka Booliiska. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga uu dhacayay qaraxa uu sarkaalka ka maqnaa guriga, mana jiro khasaare lasoo wariyay, marka laga reebo burbur soo gaaray albaabka hore ee guriga lala bartilmaadeedsaday qaraxa miino. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah, balse xaaladda ayaa haatan deggan. Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda. Weerarkan waxaa ka horreeyay qaraxyo todobaadkii hore lagu xiray xarumo ay Hormuud ku kala lahayd degmada Dayniile iyo deegaanka Ceelasha Biayaha ee duleedka Muqdisho. Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada weli dowladda Soomaaliya ay dalka ka waddo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay. The post Faahfaahinta guri ku yaalla Muqdisho oo la qarxiyay appeared first on Caasimada Online.
  17. Hargeisa (HOL) – The President of the self-proclaimed Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, dismissed four members of his cabinet, appointed replacements, and filled vacant Ministries on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
  18. The geology of Somalia primarily consists of Mesozoic to recent sediments make up most of the exposed rocks of Somalia. Two isolated uplifted Neoproterozoic and early Cambrian complexes occur to the west of Mogadishu in the Bur area and in northern Somalia paralleling the Gulf of Aden Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) - The Somali Government has rolled out the National Emergency Telecom Plan (NETP), a crucial development aimed at strengthening disaster response. This step forward was announced during a workshop focusing on the Common Alert Protocol in Mogadishu, spanning November 13-14. Source: Hiiraan Online
  20. A quarter of Somalia's population is forecast to face "crisis-level hunger or worse" this year due to drought and floods caused by climate change, the World Food Programme (WFP) said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  21. Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlay wargeyska Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan. “Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada,” ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid . “Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil , islamarkaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici karto taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo. “Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus, waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Gasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka.” In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay. Duqeymaha Israa’iil, iyo howlgalkii dhulka ee xigay, ayaa sababay in ka badan 11,000 oo dhimasho ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, iyo barokaca in ka badan kala bar dadka reer Gaza. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo si aan la fileyn uga hadlay xiisadda Israel iyo Falastiin appeared first on Caasimada Online.
  22. Beirut (Caasimada Online) – Xiisadda colaadeed ayaa kasii dareysa xadka ay wadaagaan Lubnaan iyo Israa’iil, iyadoo ay sii kordhayso khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo dagaal afka ah oo sii hurinaya cabsida laga qabo inuu sii ballaariyo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto. Duqaymo ay Israa’iil fulisay ayaa laba qof ku dilay Koofurta Lubnaan Isniintii, sidaga laga soo xigtay garabka caafimaadka ee xisbiga Amal Movment oo ah dhaq-dhaqaaq taabacsan Xisbullah. Dhinaca weerar gantaal oo ay kooxda Xisbullah ku qaadday Israa’iil Axaddii ayaa waxa ku dhaawacmay tiro ka mid ah shaqaalaha shirkadda Korontada ee Israa’iil, iyada oo mid ka mid ahina uu u dhintay dhaawacii soo gaaray Isniintii, sida ay shirkaddu sheegtay. Hezbollah ayay rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Israa’iil tan iyo markii kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas oo ah xulafadooda ay dagaal la galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar. Ilaa hadda, in ka badan 70 dagaalyahannada Xisbullah ah iyo 10 rayid ah ayaa lagu dilay Lubnaan, halka Israa’iina laga dilay 10 qof oo ay ku jiraan toddobo askari, iyada oo kumannaan kale oo labada dhinac ah ayaa ka cararay duqeymaha. The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Xizbullah iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
  23. Xukuumadda oo Sheegtay inay Baadhayso Dawo laga Deyriyay Hargeysa(Qaran news)- Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland ayaa sheegtay inay baadhayso kiniin laga dayriyay oo lagu faafiyay baraha bulshada inuu halis caafimaad u leeyahay bulshada. Sidaasna waxay ku sgeegeen qoraal ay soo saareen oo u qornaa sidan:- “Digniin Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka tahay, waxa ay bulshada Somaliland u cadaynaysaa in Kiniinka sawirkiisu halkan hoose ka muuqdo magaciisuna yahay EBUFAC ay tahay dawo laga been abuuray shirkada soo saaratay sidoo kalena markii Hay’addu samaysay shaybaadh (testing), kuna dhacday halbeega saamaynaya waxtarka iyo shaqada dawada ( active pharmaceutical ingredients). Sida darteed waxaanu dawadaas ka saari doonaa dhamaan goobaha ganacsi ee ay taalo sida ugu dakhsaha badan. Bulshada waxa aanu ka codsanaynaa in ay nagu soo wargaliyaan goobkasta oo ay dawada ku arkaan. Sidoo kale waxa ay Hay’addu bulshada iyo Ganacsatada Dawooyinka u sheegaysa in sharciga lala beegsan doono Shirkad kasta oo ka been abuurta dawada ay dalka keenayso. Faahfaahinta daawada: Generic name: Ibuprofen 400mg tablet Brand name: EBUFAC Batch Number: ER0512q” Qaran News
  24. D/Hoose ee Hargeysa oo Olole Cashuur Ururun Guri-guri ah ka Bilowday Gacan-libaax Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee Hargeysa oo olole cashuur ururin ah ka bilowday xaafado ka mid ah degmada Gacan-libaax. Guddoomiyaha degmadda Gacan libaax iyo ku xigeenkiisa oo ay wahelinaayeen xubno ka mid ahaa shaqaalaha Dowladda Hoose Degmaddaasi ayaa ka fuliyey olole cashuur ururin ahaa xaafaddaha Sheekh Madar iyo xaafadda karinta oo Degmaddaasi Gacan libaax ka wado tirsan. Guddoomiyaha Degmadda Gacan libaax C/raxman Cali Xussen ayaa shacbi weynaha ku dhaqan Degmaddaasi gacan libaax ka dalbadey in wixii cashuuro ah soo bixiyaan,waxaanu kula dardarmey shacabkaasi ku dhaqan Degmaddaasi gacan libaax in kaalintooda ka qaataan talaabooyinka Maayirka Caasiamddu ku qurxinaayo Caasimadda. Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Degmadda Gacan libaax C/raxman Cali waxa uu Ganacsatada waa weyn Ee Dalka iyo Dadka qurbo joogtada ah caasimadda guryaha ku leh waxa uu kula dardarmey in wixii cashuuro ah ku baaqdey iska soo bixiyaan,waxaanu guddoomiyuhu xusey ahmiyadda cashuuruhu u leeyihiin kor u qaadista bilicda Magaaladda Hargeysa iyo Horumarka Magaladdaba. Geesta kalena, Guddoomiye ku xigeenka Degmaddaasi Gacan Libaax Mustafe ilyaas Xusseen ayaa faahfaahin ka bixiyey ololahaas ka fuliyeen Degmaddaas Gacan libaax ,waxaanu Dadweynaha ku Dhaqan Degmaddaasi Gacan libaax u soo jeediyey in ay iska soo bixiyaan wixii cashuur ah ku baaqdey. Qaran News