-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
London (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shir uu la qaadan lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska. Sababta uu Madaxweynuhu kulankaas uga baaqday waxaa lagu sheegay in ay jirto cabsi laga qabay in ay dhacdo fowdo isaga ka dhan ah oo si hoose loo abaabulayey. Dadka kasoo kala jeeda Puntland iyo HirShabeelle ee ku nool UK ayaa damacsanaa in ay sameeyaan fowdo iyo buuq, waxayna dadkaas ka cabanayaan in Xasan Sheekh uu hoos u dhigay metelaada ay ku keeyihiin xukuumadiisa. Beesha uu metelo Xildhibaan Xaadoole oo kamid ah beelaha cabashada qaba ayaa ku doodeysa in Madaxweynuhu uu lumiyay xuquuqdii ay lahaayeen dowladda federaalka. Sidoo kale, beelaha Puntland ay gabi ahaanba diidan hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh. Xogta la helay ee sheegeysa in la carqaladey rabay kulanka Jaaliyadda iyo Madaxweynaha, taas ayaa sababtay in la baajiyo shirkaas. Waxaa xusid mudan in magaalada London laga kireeyey hoolkii uu Madaxweynuhu kula shiri lahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ku nool. Xasan Sheekh oo sanad iyo bilo xafiiska jooga ayaa wajahaya mucaarado badan oo uga imaanaysa siyaasiyiinta iyo beelaha qaar. Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus dalka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho ku qabtaan shir xasaasi ah oo ay uga tashanayaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu wax uga bedelayo dastuurka dalka. Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa qorsheynaya inay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka hor geeyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka, waxayna doonayaan in dalku qaato nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, waxaana meesha laga saarayaa kursiga Ra’iisul wasaaraha. The post Xog: Cabsi sababtay in Xasan Sheekh ka baaqdo shir uu la yeelan rabay Soomaalida UK appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - In the latest escalation of regional tensions, a conflict broke out early this morning between Somaliland and the SSC Khatumo State in the Yayle area of the Sool region. Both sides have reported casualties, and the situation remains fluid, with control of territory still in dispute. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xasaradaha la abuuro dhamaadka muddo xileedka waxay u muuqdaan xirfad adduunka duug ka ah, balse u cusub madaxda Soomaalida. In aan muddo xileedka la ixtiraamin ayaa madaxda Soomaalida ku xooggan waqtigaan. Madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa isku rida miir beel siyaasadeed marka la gaaro xilliga doorashada, waxay abuuraan hanaan doorasho oo loo jeedo inuu iyaga u xaglinayo. Mararka qaar ma rabaan inay hanaankaas tartan ku galaan ee waxay noqon kartaa mid ay ku raadinayaan buuq iyo isqab-qabsi ay ku sii dheereysan karaan maalmaha xukunka. Aan soo qaadano dhacdooyinkii u dambeeyay; Farmaajo iyo shalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeexday hab doorasho oo ay ugu baddin karto isaga iyo kooxdiisa, waxaase ka dhashay diidmo iyo buuq siyaasadeed. Wuxuu ka macaashay hal sano iyo saddex billood oo muddo kororsi ah. Mucaaradkii kasoo horjeeday iyaguna waxay ka faa’iideen in hanaankii uu rabay la diido kadibna la galo doorasho loo siman yahay, taasi oo keentay inay xukunkii ka qaatan. Muuse Biixi Cabdi – waa tusaale kale Muuse Biixi ayaa markii la gaaray dhamaadka xukunkiisa wuxuu hindisay muran doorasho. Kooxdiisa waxaa la aaminsan yahay inay fahamsanaayeen in doorashada guud laga soo hormariyo midda ururada. Buuqii ka dhashay ayaa Muuse siiyay muddo kororsi. Bishan aan ku jirno ee November, waxaa Muuse u billowday sanadkii labaad oo muddo kororsi ah, laakiin dhinaca mucaaradkana waxay ku guuleysteen in doorashada Madaxtooyadda la soo hormariyo oo midda ururrada dib loo dhigo. Odayaal beeleed ayaa keenay xalkaan. Muuse midna waa u martay, midna waa laga diiday. Saciid Deni iyo hadda Xaaladda hadda waxay agtaalla hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Wuxuu illaa hadda ku dhagan yahay nuuc doorasho oo loo arko inuu 100% isagu ku baddin karo. Wuxuu durba aqbalay in doorashada dib uga dhacdo 8-da Janaayo 2024 oo uu ku eeg yahay muddo xileedkiisu. Mucaaradka Puntland waxay u dirirayaan inay laba arrimood hor istaagan. Mid waa muddo kororsiga, midna waa nuuca doorasho ee Saciid Deni usii xaqiijinaya guusha. Inay labadaba ku wada guuleysan karaan inay baajiyaan uma badna. Marka xaaladahan oo kale la yimaado waxaa laga soo helaya diiwaanka labada heer dowladeed ee Soomaaliya in midna uu qaato qofka xafiiska fadhiya midna mucaaradka. Saciid Deni inuu labada kiis mid ku adkaado ayaa muhiim u ah sida ka muuqata isaga iyo xulafadiisa. Haddii uu ka mira-dhaliyo in doorashada lagu galo hanaanka uu isagu wato, wuxuu kaga duwanaan doona Farmaajo iyo Biixi meel marinta hanaankiisa doorashada, balse haddii uu taas waayo, haddana muddo kororsi waayo waxay ka dhigan tahay inuu dhibco ahaan iyo xaalad ahaanba ka hoos mari doono labadaasi hoggaamiye. Waa adag tahay inay madaxda Soomaalida la yimaadan dhamaadka muddo xileedkooda dhaqan u dhigma midka ka muuqda maalinta ay xukun doonka yihiin. Dadweynaha waxay hadda isha ku hayaan labada kiis ee muddo kororsiga iyo hanaanka doorashada, midda uu Saciid Deni ku adkaan doono 45 cisho ee soo aadan. The post Saciid Deni oo dhaafi doona Farmaajo iyo Muuse Biixi haddii hal arrin laga ogolaado appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Eedeeyay inay Carqaladeynayso Xeerka Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay faro gelin ku hayso xeerka doorashooyinka isa saarka ah ee ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtiddu. Afhayeenka WADDANI wuxuu sheegay in xukuumaddu aanay doonayn doorashooyinka, sidaas darteedna ay ka galgalanayso sidii ay ugu qarin lahayd wax uu ku tilmaamay fashilkeeda guud. Maxamed Fasrax Cabdi wuxuu intas ku daray in haddii Xukuumaddu daacad ka tahay xeerkan ay Guurtiddu meel marin lahayd isla maalintii uu soo gaadhay. Waxaanu carrabka ku dhuftay in xukuumaddu soo dhex martay xildhibaanno ka tirsan Guurtidda si ay u carqaladeyso xeerka doorashooyinka isa saarka ah oo uu tilmaamay in si aqooni ka muuqatay ay uga soo shaqeeyen Golaha Wakiilladu; iyadoo uu ku dooday in shacbiguna soo dhaweeyay xeerkaas oo la waafajiyay waan-waantii lagu soo afjaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka. “Xeerka doorashooyinka ee ummadda Somaliland indhaha ku hayso wixii caqabad ka yimaadda waxa masuuliyadda leh Golaha Guurtidda iyo Xukumadda oo faraha kula jirta,” ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi. Waxa kaloo uu sheegay in golaha guurtiddu marxalado adag ay dalka ka soo saareen; hase ahaatee inamada aqoonimada ku soo galay ay golihii ka dhigeen mid looga baqo iyaga. Qaran News
-
WAR-SAXAAFADEED: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Hadashay Dagaal ka dhacay Deegaanno kala duwan Hargeysa(Qaran news)- Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul. Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karaamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.” Qaran News
-
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London uga qeybgalay kulan uu uga hadlay duullaanka Dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab, aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya iyo arrimo kale. Madaxweyne Xasan ahaa faahfaahiyay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo Al-shabaab taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal seddex jiho ah: dagaal militari, dagaal dhaqaale Iyo mid fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta. Dhanka kale, waxaa uu Madaxweynaha dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada dalka looga saarayo ayaa tilmaamay in kabadan 80 deegaan oo ay dalka ka maamulayeen lagu guuleystay in laga saaro oo maanta xor yahiin ka yihiin sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadidda wax soo saarka dalka. Mar uu ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban Al-shabaab dalka looga saaro inta aan la gaarin dabayaaqada 2024 oo bixitaanka ATMIS la qorsheeyay. Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu Madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay Madaxweynuhu doorkooda halganka dib u xoreynta isaga oo u xusay in ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka, xilli lagu jiro gabgabada wajiga koowaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana looga dhawaqay Koonfur Galbeed abaabulka wajiga labaad. Source: goobjoog.com
-
London (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London kaga qeyb-galay kulan uu uga hadlay duullaanka dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada iyo aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa faah-faahiyay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal saddex jiho ah, oo kala ah; Dagaal Military Dagaal dhaqaale Iyo Dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta. Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay howl-galada dalka looga sifeynayo argagixisada ayaa tilmaamay in ka badan Sideetan deegaan oo Khawaarijta dadka ku dhibaataynaysay ay maanta xor yahiin, dowladda federaalkana ay gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo. Madaxweynuhu waxa uu si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadida wax soo saarka dalka. Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo argagixisada. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada AMTIS dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka 2024. Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira. Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorkooda halganka dib u xoreynta, isaga oo u xusay in ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo London kusoo bandhigay laba qorshe oo weyn appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ayaa sheegaya in webiyada Jubba iyo Shabeelle ay ku kulmeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, taas oo dhalisay in dad badan ay isaga barakacaan deegaanno nabad ahaa. Duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan deegaanka Buuloguduud waxaa soo gaaray Qoysas kasoo barakacay deegaannada la dariska ah Wabi Jubba, gaar ahaan Kamsuuma, Jamaaame iyo deegannada ku xeeran ee gobollada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe oo Wabigu ku fatahaadaha Deegaanada kale ee webiga dartii looga barakacay waxaa ka mid ah; Mugaanboow,Fagaan, Mano-muufo,buulosaaq, qumaney-rooble,booriiri, makalaangoow iyo kuwa kale oo hoostaga Jamaame iyo Kamsuuma. Deegaanka Buuloguduud oo ahaa halkii ay degeen barakacayaashii ee soo haleelay dhinaca Kismaayo ayaa markale daadad soo gaaray deegaanka uga guuraya, waxaana ay u jiheysteen Kismaayo, iyaga oo baadi goobaya goob ay kaga nabad galaan fatahaadda Wabiga Jubba. Barkacayaasha kuwii aan soo haleelin Kismaayo oo wadadu ku xirantay ayaa ku go’doonsan burgaan oo ah tag ka sareeya Jamaame, halkaas oo ay kaga gabanayaan biyaha xadiga leh ee Wabiga Jubba, xaaladda Jubbooyinka waa ay sii adkaanaysaa, kadib go’doonkii ka jiray Gedo. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayeen madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, hey’adaha gudaha ayaa booqday deegaannada hoos yimaada magaalada Kismaayo kuwaas oo ay soo gaareen dadka kasoo barakacay Fatahaadda. Barakacayaasha waxaa gaaray xoogaa gargaar ah, taas oo aan wax badan ka tari kari xaaladda jirta, Jubbaland waxaa la oran karaa si iskumid ah ayuu u saameeyay Wabiga Jubba, waxaana aad looga deyrinayaa sii socoshada daadadka, xilli laga cabsi qabo jubbaland iney go’doonto. Digniinu waa ay sii soconayaan fatahadda wabiyada Jubba iyo Shabeelle waa kuwa isgaaray, dad badan ayaa barakacay oo u baahan gargaar, daadadku waa kuwa dheeraad ah marka la eego sida ay wax u socdaan, Gedo kadib Jubbooyinku halis ayey ugu jiraan iney go’doomaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Tartansiinta Shirkadaha adeega xajka ayaa soo saarey liiska kama dambeyska ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystey fulinta adeegga xajka sanadka 1445/2024. Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1445/2024 ayaa shaaciyay in 72 shirkadood ay ku guuleysteen tartanka adeega Xajka, kuwaasi oo kasoo dhex baxay shirkado badan oo u tartamay adeega Xajka. Liiska kama dambeyska ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystey fulinta adeegga Xajka ayaa waxaa safka hore kaga jiray shirkadaha kala ah; Abmoji Travel and Tourism Agency, Abuu Travel & Toursim Agency, African Express Airways Somalia LTD, Al Bakri Travel for Hajj and Umrah, Alfajri Travel & Services iyo Al-Madina Travel & Tourism. Guddoomiyaha guddiga tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ahna agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamed Xaaji Ibraahim oo ay garab taagan yihiin guddiga ayaa ku dhowaaqay liiska shirkadahaan. Waxa uu sheegay in tartan uu u dhacay qaab furan oo cadaalad, “Waxaan u mahad-celineyna Madaxda Qaranka iyo sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta oo aan saacad naga maqneyn, naguna garab istaagay wax walba ka guddi ahaan.” “Natiijadii kama dambeysta aheyd ayaa u taaganahay, Umadda Soomaaliyeed waxaa u sheegayna oo aan halkaan ka shaacineyn si rasmi in 72 shirkadood kusoo baxay tartanka oo shirkado Soomaaliyeed, waana shirkadihii kama dambeysta ugu guuleystay.” Hoos ka aqriso magacyada shirkadaha kusoo baxay tartanka; The post Aqriso: Magacyada shirkadaha ku guuleystay adeega Xajka 2024 oo lagu dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha golaha guurtida oo Eedeeyay Golaha Wakiillada Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Wakiillada ku eedeeyay inay Xeerar kale ku soo dareen Xeerka guud ee Doorashooyinka. Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka xumaaday buuq iyo sawaxan ka dhashay muddo kordhin loo sameynayay guddida soo naaqishaada Xeerarka doorashooyinka Qaranka, ayaa si caddho leh u sheegay in golaha wakiilladu ay soo khalkhaliyeen xeerarka isa saarka doorashooyinka. Guddoomiye Saleebaan waxa uu intaas ku daray inay ku soo dareen 110 xeer oo cusub kuwaas oo aan shaqo ku lahayn labadan xeer. “Xeerkan waxa soo qasay golaha kale, way heereen, 110 xeer oo kale ayay ku soo dareen, oo wada cusub, way qushqusheen xeerkii, hadda waxa aynu yeelanayna Xildhibaan Xareed iyo guddida bisha ku soo dhammeeya guddidu qabsaday,. Xeerku goluhu u yaale, qayb iyo saddex iyo laba midna uma yaalo, wixii golahaasi ka yeelo ayaa laga yeelayaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan. Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay inuu Sabtida u baxayo dalka dibadiisa, wuxuuna yidhi “Anigu hawl caafimaad ayaan Sabtida u baxaya, ma joogo Sabtida, waad isku filan tihiin, guddoomiye Siciid wuu ku filan yahay, ina Sheekh Ibraahina wuu kaabi doona, xoghayihiina wuu jooga.” Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland waxaa ka socda ololaha madaxtinimada, kaas oo weli jidka loo qaadayo. nooca doorasho ee loo galayo iyo waqtiga aan la’isku raacsaneyn ay taagan tahay. Madaxtootada waxa ay dooneysaa in markii ugu horreysay Puntland ka dhacdo doorasho dadweyne oo daah-furan taas oo dadka Puntland rabitaankooda si xor ah oo xalaal ah ugu doortaan cidda mas’uuliyaddooda ay u dhiibanayaan. Mucaaradka hubeysan dhankooda waxa ay rabaaan doorasho dadban oo oday dhaqameedka kaligiis uu go’aan ka gaaro, nooca doorashadana waa mid ay Puntland kusoo dhaqmeysay 25 kii sanno ee ina dhaafay, taas oo mucaarad iyo muxaafadba isku raacsan yihiin in aysan ahayn rugsan oo lagu sii nagaan karo, hayeeshii ay isku haystaan jidaha looga hayaamayo. Dhinacyada doorashada isku hayo ee muxaafadka iyo mucaaradka aragti ahaan waxa ay iibinayaan tartan loo galo doorasho madaxtinimo waxa ay isku raacsan yihiin in xukunka la qabsado, balse ma jiro mucaarad isbeddal doon ah oo iibgeynaya dood taabaneysa jiritaanka Puntland, jihada ay aadeyso 25 sano kadib halka ay joogto inay u qalanto iyo su’aalaha waa weyn ee ka dhalanaya, llaa iyo hadda inta ay Puntland jirtay waxa taabagalka noqday. Inta badan musharixiinta mucaaradka ah lama imaan wax ka beddalan ii dhehdii siyaasadeed ee dadka Puntland 25k-kii gu’ ee lasoo dhaafay ay dhageysanayeen marka laga reebo siyaasi Maxamuud Mashruuc oo olole ka miisaan sarreeya kuwa dhiggiisa mucaaradka ka daah-furay Boosaaso. Mashruuc ololaha billowgiisa kuma mashquulin inuu dhaliilo madaxda xukunka joogta waxa uu barnaamijkiisa siyaasadeed ugu wan-qalay aragtiyo leh hal-beegyo iyo tixraacyo la garan karo halka loo wajahan yahay ama uu ku socdo. Mashruuc wuxuu toos ula hadlay dhagaha dadweynaha Puntland, waxa uuna ifiyay halka ay Puntland ka kici la’dahay inay tahay siyaasad fashilan oo aan lahayn aragti hoggaamineed la aqoon waxa uu ka shaqeynayo siyaasigu, Puntlandna ka dhigto hoy xaafadeed, taas oo ugu dambeyntii sababta in dadka Puntland ay dhibaatooyin waa weyn ay soo gaaraan. Tusaalayaal dhowr ayuu Mashruuc afka ku dhuftay inta uu dooddiisa waday, waxa uu sheegay in Puntland aysan lahayn aragti amni. Ma jiro mashruuc siyaasadeed oo ilaalinaya badqabka iyo nolosha dadka deegaanka, cabsida ugu badan waa in dowladda ay iyada dhasho falalka amni darro, sidaas oo kale hoggaamiyeyaasha xukunka yimaada ay ka tagaan boqlaal Janaraal oo dhibaato ku ah amniga waddanka. Hadalka Mashruuc iyo xaqaaiqa maanta ka taagan Puntland ayaa u muuqda kuwa isa Sawiraya, Mashruuc wuxuu hadalkan ka jeediyay madal siyaasadeed oo aqoonyahanka iyo waxgaradka Boosaaso ay su’aallo furan ku weydiiyeen. Waa musharraxii koowaad oo si toos ah uga jawaabay su’aalaha waa weyn ee ku wajahan mustaqbalka Puntland, halka Mashruuc waxa uu kusoo aaday, ayada oo dadka Puntland ay is weydiinayaan 25 sanno kadib xagee loo socdaa? maxaa lasoo qabtay? maxaa uun doorasho loo aadaa haddii aanan isbeddal dhaceyn? iyo kun su’aalood oo mustaqbalka Puntland taabanaya cid uga jawaabtana aysan helin. Jawaabaha su’aalahaas waxaa loo arkaa in uusan jirin siyaasi sida Mashruuc qorshe uga leeyahay usoo bandhigay dariiqa uu aaday ee ah taabashada boogaha Puntland iyo xalkoodaba, waxay tani ka dhigeysaa Maxamuud Mashruuc inuu ku jiro qaanad gooni ah oo ka duwan dhammaan musharrixiinta kale xilkan orodka ugu jira, ayada oo yoolkooda uu yahay waa xariggii iyo kalkii reerkeena ama tareysiga saddex xagalka xukunka. Dadka siyaasadda Puntland aadka uga war haya marxaladda ay mareysana la socday 25-kii sanno ee lasoo dhaafay waxayn gelinayaan Mashruuc iyo barnaamijkiisa siyaasadeedba qaanadda isbeddal doonta tooska, laakiin sida uu isna u maareeyo, ugana dhigo mashruuc la wada leeyahay aragti ama siyaasad la wada xambaari karo dadka deegaanada oo dhana ay usoo wada joogsan karaan ayaa la eegayaa. Waxaa dadka Puntland ay muddo is weydiinayeen Puntland la jiho iyo jid siyaasadeed in musharraxan uu si cad u taabanayo quluubta shacabka ayaa sharraxaad ka bixineysa in Puntland ay weli ku harsan yihiin siyaasiyiin halka ay maanta taallo Puntland, kana saari karo marxaladda isku midka ah ee soo taxnaa 25-tii sanno ee lasoo dhaafay, kaliyana magacyada xukunka la kala wareegay ay isbeddalayeen. 25 gu’ oo uu dhisan yahay maamulkaan ma jiro ciidan dowladeed oo la’isku raacsan yahay marka laga reebo ciidanka beelaha ee hubkoodii haysta saacad kasta qayb ka noqda nabad-gelyo darro dhacda, taas waa arrin ay iska qirsan yihiin shacabka deegaanada Puntland, laakiin marar badan siyaasiyiinta ay marar badan ka maquurtaan in xaqiiqada la sheego. Garoowe caasimada Puntland ayay ahayd 25-kii sano ee lasoo dhaafay, saacadihii lasoo dhaafay boqolaal qoys ayaa ka barakacay wax kale maaha waa ciidan iyo hub lagu dhisay lacagta iyo canshuurta ay bixiyeen oo mar kale iyaga ay is dilkooda ka barakaceen. Meelaha uu sida gaarka ah uga duwan yahay Mashruuc siyaasiyiinta kale waa inuu la kulmayo qaybaha bulshada, cabsina ka qabin nooca doorashada ee ay Puntland aadeyso, muujiyayna inuu yahay shaqsiga xambaarsan rajada isbeddalka mar uun ka dhaca, kuna mashquulsaneyn dagaal iyo xasilooni darro in lagu raadiyo. Puntland waxaa hadda kusoo laabanaya su’aal ay adag tahay sida ay uga jawaabeyso oo ah inay Soomaaliya la dooneyso nidaamka federaalka oo dowladnimada daadajinaya xukunka in la qaybsada faraya, haddana dhinaca kale Puntland adeegga dowladnimada waxaa la rumeysan yahay inuu dhaafi la’yahay xeyndaabka Garoowe oo noqotay meel wax kasta dajisa aana u gudbin ugu yaraan tuulooyinka ku dhow dhow adeegyada aas aasiga ah. Ugu dambeyn mowduuca uu u dhaqaaqay Maxamuud Mashruuc ayaa ah mid in badan dadka Puntland ka dhex guuxayay, balse la la’aa siyaasi xambaara oo leh aragti iibgaynta rajada shacabka Puntland ee ku aadalay xukunka aan dhaafsiisaneyn deerka ku dhammaaday gudaha darbiga, taas oo illaa iyo hadda dadka Puntland ay u yihiin dhibanaha ugu badan ee ay mar kasta kala kulmaan dhibaatooyin waa weyn oo xallintooda ay waqti badan qaadato. 10-kii sanno ee lasoo dhaafay Puntland gudaheeda waxaa ka dhacay dagaallo galaaftay boqolaal qof dhimashadood, kuwaas oo iilaa iyo hadda aan la’is weydiin, Puntlandna u diiwaangeliyay inay tahay meesha dhiigga uu yahay halka ugu hooseyso oo wax kasta inta la sameeyo laga gudbo, siyaasiga sameeyayna dib berri xukunka loogu boqro. The post 25 sano kadib musharax Mashruuc oo taabtay boogaha aan laga hadlin ee Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Yayle ee gobolka Sool, uu yahay mid loola jeedo in lagu dajiyo xaalada siyaasadeed ee Puntland Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan, ayaa sheegay in Garaadada Laascaanood, oo qaar kood ku suganyihiin Garoowe ay amreen dagaalka saaka si loo jiheeyo shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland. “Saaka dagaal baa laydinku soo qaaday, weerarka waxa amarkiisa bixiyay guddida garaadada ah ee Laascaanood ka tagay ee Garoowe jooga, sababtay u bixiyeena waxa weeyaan, buuqa iyo qaylada Garoowe ka taagan in ay ku damiyaan ayay rabaan intay dadkooda dagaal galiyaan” ayuu yidhi Cali Maxareexaan. Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay in ay isdifaacaan iyaga oo midaysan, isaga oo sheegay in dagaalku yahay mid xaalada Puntland ka taagan lagu dajinayo. Dhinaca kalena xukuumada oo dagaalka warsaxaafadeed kasoo saartay, ayaa sheegtay in kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland ay soo weerareen ciidankeeda, isla markaana ay si xoogle iskaga difaaceen. Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya. Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul. Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah. Dagaal xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan laga warhayn in uu hadda istaagay iyo inkale, ayaa saaka subixii hore ka qarxay deegaanka Yayle ee gobolka Sool Source
-
Wasiirkii hore ee warfaafinta oo ka hadlay Dhaliilaha loo Jeediyo Warbaahinta Dawladda Hargeysa(Qaran news)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ahna Wasiirka Wasaaradda horumarinta biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay hannaanka ay u shaqeyso Warbaahinta Dawladdu “Wasaaradda afar waaxood ayaa aad uga shaqeeya halbowlena u ah warbaahinta, waa Telefishanka Qaranka, Radio Hargeysa, Wakaalada wararka iyo Wargeyska Dawan. Waa run dadku way cannaantaan warbaahinta Qaranka, waxa la yidhaahda meelaha dayacaayadaha kuwa kale gaadhsiiyaan wasaaraddu ma gaadhsiiso, haa ma gaadhsiin karto, wasaaraddu cidna ma caydo beena masheegto,” ayuu yidhi Wasiir Koore. Isagoo hadslkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waa Warbaahintii Qaranka, reer hebela kama sheekayso, cidna ma caydo, dadku waxay doonayaana waa qof qof caayaa, balse hadday barnaamij tahay iyo hadday tayo tahayba iyo haddii ay wax soo saar tahayba iyo haddii ay bulshada hagisteeda tahayba intaba way ku fiican tahay, warbaahinta Qarankana qabiil qabiil kale caayaya lama gayn karo.” Qaran News
-
President Mohamud has reneged on his promise to send MPs and Senators to the Federal Member States for consultations about his constitutional amendments agenda. Mogadishu (PP Editorial) — The plan by the incumbent Federal Government of Somalia to sponsor constitutional amendments to the draft constitution will push Somalia to the edge of political fragmentation. In 2021 President Hassan Sheikh Mohamud, then a Presidential Candidate, vehemently opposed a two-year term extension for President Mohamed Abdullahi Mohamed. The thinking that animated his cautious activism has obviously deserted President Mohamud, who is now in favour of sponsoring an agenda to change the President-Prime Minister system to a President-Vice President system. Such an amendment can only happen when it enjoys widespread support from the leaders and civil society in Somalia. Two former Somalia Presidents and three former Prime Ministers have criticised the “constitutional amendments plan”. The path to political fragmentation: The capture of the Upper House and Lower House by the executive branch poses a serious threat to the national interest of Somalia. Somalia still relies upon African peacekeeping forces, does not have an inclusive national army, a part of the country claims to have unilaterally seceded from Somalia, a country rules under the UN Chapter 7 article. If those political facts are not enough to persuade President Mohamud to tread carefully and put national interest above clan or personal interests, he should remember that Mogadishu, the capital of Somalia still wears the ignominy of dispossession. More than 35% of houses in Mogadishu are illegally built on unplanned spaces since 1991, in addition to a large member of private property and government buildings (offices, schools, health centres etc) being occupied illegally since by subclans with armed militias, a trend of which Al-shabaab keeps to take advantage of through its mobile judicial system. Senators and MPs selected by elders cannot vote on politically consequential amendments to the draft Somali constitution. President Mohamud and his NISA Director Mahad Salad resort to covert intimidation of MPs and Senators who fear that opposition to the fanciful political agenda of the incumbent President could lead to being hunted down by operatives masquerading as Al-shabaab agents. President Mohamud has reneged on his promise to send MPs and Senators to the Federal Member States for consultations and return to Mogadishu with the feedback from parliaments of Federal Member States. In Principle the Federal Upper House and Lower House cannot ratify amendments that create political instability that can damage the modicum of legitimacy the Federal Institutions boast now. Any constitutional amendments ratified by the Somali Federal Upper House and Lower House will become null and void if a single Federal Member State rejects them. © Puntland Post, 2023 The post Somalia President Should Not Tamper With the Constitution appeared first on Puntland Post.
-
The El Niño-induced heavy rains and flash flooding killed 130 people in Ethiopia, Kenya and Somalia, while the region is still reeling from one of the most severe droughts in 40 years. Despite the pressing needs, funding to tackle the increasing humanitarian crises in 2023 in the three countries have fallen significantly short by $4.1 billion since in 2023 alone. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta deeq lacageed oo qeyb ka ah gurmadka fataahadaha iyo saameyntii ka dhalatay roobabka ku wareejiya dowladda federaalka Soomaaliya. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E Fei Shengchao ayaa maanta ku wareejiyay gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle lacag dhan 139,318.45 dollar. Deeqdan lacageed ayaa billow u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen. Safiirka oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay mar walba garab taagan tahy shacabka Soomaaliyeed ee xaaladdaan adag ku jira, isaga oo sheegay in gargaar iyo taakulo kalana ay dhawaan bilaabi doonaan. Sidoo kale waxa uu safiirka ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay ka qayb qadan doonto dhismaha kaabayasha ku bur-buray roobabka iyo dhismaha biyo xireenna, xilli dowladda federaalka ay qeylo dhaan caalami ah kasoo saartay xaaladda taagan. Guddoomiyaha hay’adda SODMA oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad-celiyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan aheyn markii ugu horreysay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday dowladaha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha iyo colaadaha muddada dheer ah. Si kastaba, Roobabka iyo fatahaadaha ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira burbur, dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, kaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay gobollada qaar ee dalka. The post DALKII ugu horreeyay oo kasoo jawaabay baaqi DF, kuna deeqay lacag dhan… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Guurtidda oo Shahaado Guddoon Siiyay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shahaado Sharaf guddoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdabar). Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in uu shahaado sharaftan ku mutaystay, nabadeynta beelaha walaalaha ah ee gobolka Sanaag, taas oo marar kala duwan oo la isku dayay in nabadgelyo la dhex dhigo beelahaasi oo aan si dhab ah u hirgelin, balse guddoomiyahani ku guulaystay, xidhista nabada beelahaasi. Munaasibada lagu guddoonsiinayay shahaado sharafta oo ka dhacday xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida, waxa goobjoog ka ahaa shir-guddoonka golaha guurtida, guddidii goluhu u saaray xasilinta xaalada Ceel-afweyn, iyo xildhibaano, waxaanu ku ammaanay guddoomiye Axmed Cabdi Muuse, in uu markasta ka shaqeeyo xasilinta nabadgelyada iyo horumarinta gobolka Sanaag, isla markaana uu golaha kala shaqeeyo arrimaha nabadeynta. Waxaanu yidhi. “Magaciina iyo magaca golahaba aadbaanu ugu boggaadinayna oo ugu mahadnaynaa, in uu shaqo fiican gobolka ka hayo idinkana idinla qabtay, aadbaad u mahadsan tahay guddoomiye,” “Waad mahadsan tahay guddoomiye aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinayaa, shahaadada aad igu maamuusteen, ina garateen,”Ayuu yidhi guddoomiye Axmed Cabdi Muuse guddoomiyaha gobolka Sanaag. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Aadan Madoobe. Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu socdaalkiisa magaalada Baydhabo ku qotomo daah-furka Shirka Alif Maayga. Hase yeeshe, socdaalka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imanaya xilli magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan kulamo siyaasadeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa qayb ka noqonaya dhoola-tus siyaasadeed oo uu shalay magaalada Baydhabo ka sameeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo magaaladaas isugu geeyay inta badan xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhabo ee u dhaxeeya xildhibaanada iyo madaxweyne Lafta-gareen, kuwaasi oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho. Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono Lafta-gareen, si ay isaga xog wareystaan xaaladaha soo kordhay. Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaasi oo uu Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi. Waxay kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed. “Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira tuhun weyn oo laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, ayada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ajendayaasha laga wada-hadlayo uu qayb ka yahay wax ka beddelka dastuurka oo uu haatan olole xoogan ugu jiro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. The post Sawirro: Aadan Madoobe oo gaaray Baydhaba iyo qorshe xasaasi ah oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Sheegay inay Xeerka Doorashada loo Dhiibay Ciyaal Ururrada siyaasadu soo direen Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Cumar Nuur Waaye ayaa sheegay in guddida Guurtidu u saartay xeerka doorashada isa saarka ah ay ku jiraan ciyaal ii sheegay inay guddida ku soo darsadeen ururrada siyaasiyaddu. Cumar Nuur Waaye wuxuu sheegay in aanu guddidaasi aanu ka sii mid ahaanaynin maadaama oo ay xeerkii ka run sheegi waayeen inay soo hordhigaan Golaha. Xildhibaanku wuxuu ku eedeeyay Guddoomiyaha Guurtidda inuu qaab fowdo ah u hoggaaminayo Golaha Guurtidda. Qaran News
-
Golaha Guurtida oo sheegay inay Bil la maqnaanayaan Xeerkii Doorashada iyaga oo 2 bilood oo hore fasax galay Hargeysa(Qaran)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo bil ah dib u dhigay gudo galka xeerarka isa saarka Doorashooyin ka Qaranka, kaasi oo guddidii loo saaray dhawaan ay soo jeediyeen in mudo bil ah, loogu daro ka shaqaynta Xeerarkaasi. Fadhigii saaka ee Golaha Guurtida oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gudidii uu u xulay ka soo talo bixinta xeerarka Doorashooyinka, ka codsay inay shaqadii ay qabteen sadexdii maalmood ee u danbeeyay ay la wadaagaan golaha. Intaasi kadib gudoomiyaha guddida loo saaray xeerarkaasi ayaa Gole waynaha ka codsaday in aanay ku filnayay mudada la siiyay, soona jeediyay in loogu daro muddo bil a. Ugu danbayn Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay in muddo bil ah loogu daray gudidad ka shaqaynaysa xeerarka Doorashooyinka Qaranka. Gebo’gabadii gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa sheegay inuu safar dibad ah u baxayo, intaasina uu golaha uu golaha sii wadao gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali. Golaha guurtida ayaa fasax 2 bilood ah la galiyay xiligii loo soo gudbiyay xeerka doorashooyinka isi saarka ah bishani ay hada codsadeena waxa ay ku noqonaysaa 3 bilood mudadaasi oo ka go’an xiliga ka hadhay doorashada taasi oo ay u eegtahay in la doonaayo in wakhtiga doorashooyinka dib loo sii riixo ujeedo gaar ah awgeed Qaran News
-
Wararka ka imaanaya jiidda Qorulugud ee gobolka Togdheer ayaa xaqiijinaya in uu halkaas ka socdo dagaal xooggan. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad qabiil ay weerara ku soo qaadeen ciidamada SSC oo ku sugan nawaaxiga balliga Maygaagle. Dagaalka labada dhinac ayaa hadda ka socda inta u dhexaysa Qorulugud iyo balliga Maygaagle halkaas oo laga maqlayo hugunka rasaasta iyo dhawaqa hubka culus. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada SSC durba gacanta ku dhigeen maxaabiis dhaawacyo qaba halka ay gubeen laba kamid ah gaadiidka dagaalka Somaliland. Labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo midna weli kama hadal dagaalka wakhtigan ka socda jiidda Qorulugud oo bilowday saacado kadib dagaalkii Buq-dharkayn. PUNTLAND POST The post Togdheer: Dagaal u dhexeeya Ciidamada SSC iyo Somaliland oo ka qarxay jiidda Qorulugud appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa faafin deg deg ah kasoo saaray dagaalkii maanta dib uga qarxay gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Bayaanka SSC ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland, iyaga oo weeraray odayaal dhaqan oo degmada Yeyle u tagtay wacyi-gelinnabadeed iyo sidii loo xakameyn lahaa colaadaha jira. “Saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa degmada Yeyle isaga daba tagay wafuud nabadayn ah oo ka kooban Isimmo, cuqaal iyo waxgarad Kale. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxayna deegaannadaas ka wadeen wacyi-gelin nabadeed iyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaha jira,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka SSC-Khaatumo. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya.” SSC-Khaatumo ayaa waxay shaacisay in ciidamada SSC ay gacanta ku soo dhigeen maxaabiis iyo gaadii dagaal, kuwaasi oo ay sheegtay in dhawaan loo soo bandhigi doono saxaafadda. Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa baaq loogu diray dowladda federaalka iyo beesha caalamka, ayada oo maamulka uu sheegay in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda iyo u hogaansanaanta xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka QM. Hoos ka aqriso qoraalka SSC oo dhameystiran; FAAFIN DEGDEG AH Laascaanood, 22 November 2023:- Saddexdii Maalmood ee ugu danbeeyay Waxaa Degmada Yeyle isaga daba tagay Wufuud Nabadayn ah oo ka kooban Isimmo, Cuqaal iyo Waxgarad Kale. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxayna deegaannadaas ka wadeen wacyigelin nabadeed iyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaha jira. Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya. Ciiddammada xaq-u-dirirka ee difaaca SSC-Khaatumo ayaa si geesinnimo leh uga Hortegay weerarkaas fulaynimada ah, islamarkaana ku guulaystay in ay dib ugu celiyaan goobihii ay ka soo duuleen. Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo aanu Saxaafadda u soo bandhigi doonno. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Shacabka weynaha iyo Ciiddammada Difaaca SSC-Khaatumo in ay u diyaar-garoobaan difaaca deegaankooda iyagoo aan cidna duullaan ku ahayn. Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Balse Maamulka Muuse Biixi ay ka go’antahay in ay dhacaan colaado iyo dagaallo daba-dheeraada. Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa. DHAMMAAD The post SSC-Khaatumo oo bayaan deg deg ah ka soo saartay dagaalkii maanta, shaacisay in… appeared first on Caasimada Online.
