Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baku (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo shan waddan kale ayaa magaalada Baku ee ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxiixay xeer cusub. Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan ayaa Baku ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka. Xaruntan ayaa wax badan ka qaban doonta arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dowladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka. Xaruntan ayaa ujeeddadeedu u weyni tahay in wax laga qabto caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada, si ay horumariyaan xirfadahooda shaqo. Lix waddan oo xubin ka ah ururka oo ay ugu horreeyaan Jamhuuriyada Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa saxeexay xeerka xarunta shaqada, intii uu socday kalfadhigani, taasi oo waddarta guud ee dalalka saxeexay ka dhigaysa 16 dal. Dowlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay maanta saxeexdo xaruntan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay xaruntani qarankeena iyo bulshada Soomaaliyeed. The post Soomaaliya iyo 5 waddan oo kale oo Azerbaijan ku saxiixay… appeared first on Caasimada Online.
  2. Komishanka AIDS-ka oo Kulan Baraarujin ah u Qsbtay Culimada Awdal Boorame(Qaran news)-Komishinka Xakamaynta HIV Adis ee gobolka Awdal ayaa maanta kullanka baraarug u qabatay qaar ka mid ah culimada gobolka iyo macalimiinta Wax ka dhiga madaariista magaalada Boorama. Isu’duwaha xakameynta HIV/AIDS ee gobolka Awdal, Nimco Deeq Cali, ayaa sheegtay sababta ay culimada u doorteen ay tahay in goobo kala duwan ay wax ku baraan carruurtan, sida Madaarista, Iskuulada iyo Masaajidada, si ay u baraarujin iyo waano u siiyaan. Sidoo kale waxa ay xustay in markasta ay Culimada u qabtaan kulamo ay ku farayaan wacyigelinta xannuunka iyo sidii ay bulshada u baraarujinlahaayeen. Macalinkii culimada siinayay casharada baraarujinta ah ayaa sheegay in xannuunka HIV/AIDS uu la mid yahay xannuunada kale, waxaanu tilmaamay in qofkasta bulshada meesha uu kaga jiro in wacyigelintii loo dhiibay uu sideeda ugaadhsiiyo, haddii ay Culimada tahay, hadday askarta tahay iyo haddii bulshada qaybaheeda kala duwan tahayba. Dhanka kale waxa uu isdultaagay waxyaabaha ugu mudan ee lagu kala qaadi karo xannuunkan in ay ka mid yihiin, Dhiig qofkii lagu shubo oo aan laga baadhin, irbad uu isticmaalay oo aad isku mudo, macaamil aan diintu banayn oo labada qof sameeyaan ama tu bannaanba oo aan la isbaadhin, waxaanu intaas ku daray in waxa kaliya ee lagaga hortagi kara ay tahay in qofkii aqoon wanaagsan u leeyahay xannuunkani iyo sida uu ku faafo. Qaran News
  3. Wasiirka Ciyaaraha oo Socdaal Shaqo ku Tagay Berbera Berbera(Qaran news)-Qasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Mudane Cabdiraxiim Xirsi Jaamac Dhooble oo maanta safar shaqo ku tagay magaalada berbera ayaa soo xidhay kulan hal maalin socday oo ku saabsanaa dib-eegis Iyo Kaabis Siyaasadda Dhalinyarada Somaliland ee 3-aad. Kulankan ayaa waxaa lagu gorfaynaayey sidii wax ka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa siyaasadda horumarinta dhallinyarada Somaliland, waxaana kasoo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saaxil, Agaasimaha Dallada horumarinta ee SONYO, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo xog ururinta ee Wasaaradda Ciyaaraha Iyo qaybo kamida aqoonyahanka gobolka Saaxil, kuwaasi oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, ururada bulshada rayidka ah iyo dhamaan daneeyayaasha arimaha dhallinyarada. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Mudane Cabdiraxiim Xirsi Jaamac Dhooble ayaa uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaatay inay fusho hawshani, waxa uu xusay muhiimada ay leedahay sidii loo heli lahaa siyaasad ka turjunta dhamaan gobolada dalka oo dhan, noqon doontana mid afarta sanno ee soo socda loogu adeegi doono dhallinyarada Somaliland. Kulankan ayaa waxaa hirgalintiisa iska kaashaday wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaarahu iyo hay’adaha UNFPA, SOS, Dallada dhallinyaradda Somaliland ee SONYO iyo Midawga Yurub(EU). Qaran News
  4. Somalia has named former presidential candidate Jabril Ibrahim Abdulle new ambassador to Nairobi, tapping into the experience of a man who has lived and worked in Kenya to tie up the relations between the countries. Source: Hiiraan Online
  5. London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Machadka Royal United Services Institute ee London, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024. “Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Haddaba sidee ayay suurtgal u tahay in Al-Shabaab dalka hal san looga saaro. Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faalloodda arrimaha amnig,a oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ay adag tahay in Al-Shabaab dalka looga saaro halka sano ee madaxweynaha uu qabtay hadii aan wax laga baddelin qaabka dagaalku uu hadda u socdo. “Ma aha wax macquul ila ah in Al-Shabaab dalka looga saaro hal sano waayo, waxaan oganahay in ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin roobabka dalka da’ay iyo daadadka xoogga leh, khilaafka siyaasiga ah iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo aan mideeysan hadii ay yihiin kuwa jooga Puntland, Jubaland iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri. Ciidanka ATMIS ayuu sheegay haddii ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2024 -ka ayadoo aan Al-Shabaab laga saarin guud ahan waddanka ay dhici karto khatar weyn taas oo khasbi doonta in si kale loo wajaho Al-Shabaab. “Haddii ay ciidanka ATMIS baxaan marka la gaaro 2024-ka hadii aan la sameey sadex arrin midkood waxaa dhici doon khatar weyn oo sida Afghanistan oo kale ay suurt gal tahay in ay dhacdo hadii aysan daka Soomaaliyeed isku imaan xilgaas ka hor oo aysan heshiis ka gaarin arimaha ay isku hayaan oo aan xooggana la saarin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Kaboole. Madaxweynaha ayaa yiri “Diiradadu waxay ahayd ciribtirka haraadiga Al-Shabaab.” Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka. Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka. The post Waqtiga uu Xasan Sheekh qabsaday oo lagu tilmaamay ‘mid aan macquul ahayn’ appeared first on Caasimada Online.
  6. HELSINKI — Finnish border guards and soldiers began erecting barriers including concrete obstacles topped with barbed wire at some crossing points on the Nordic country’s lengthy border with Russia to better control an influx of migrants, officials said Wednesday. Finland said it will close three more crossing points, leaving only one Arctic point open for migrants seeking asylum. Source: Hiiraan Online
  7. Arusha (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud is attending the East African Community (EAC) leaders meeting in Arusha, Tanzania, where decisions on the Somali government's request to join the regional bloc are expected. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia’s renewable energy efforts are expected to get a push as a 3.5-megawatt solar plant financed by the Abu Dhabi Fund for Development has been inaugurated in the African nation. Source: Hiiraan Online
  9. A Turkish charity organization on Thursday handed over humanitarian aid to the Somali Disaster Management Agency (SoDMA) in the capital Mogadishu to help flood victims. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay maanta ku biiri kartaa dallada bulshada Bariga Afrika. Muqdisho ayaa sanado badan raadineysay xubinimada ururkan sababa isbeddelka dhaqaalaha iyo socdaalka gobolka. Marka la eego xilliga la aqbalay in la dhageysto oo ficil ahaan loo qaatay codsiga Soomaaliya iyo xilliga uu soo baxayo go’aanka aqbalidu, waxay Soomaaliya noqon doonta dalkii ugu dhaqsiyaha iyo deg-degta badnaa ee gala ururkaan. Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galaya madasha codka loogu qaadayo Soomaaliya, waxaana madaxweynuhu shalay galab gaaray magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania, si uu u xoojiyo ololaha dalkiisa. Ururkaan waxaa hadda ku jira toddoba waddan, Soomaaliya waxay noqon doonta dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka riixaya in Soomaaliya la siiyo fursad. Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo kooxdiisa kala shaqeynaysa mashruuca ku biirista dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa dalka ku yeelan doonna diiwaan guul ku suntan, haddii codeyntani ay maanta “Haa” ku dhamaato. Madaxda dalalka East African Community ayaa maanta ku kulmaya magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania. Shirkaan waa kii 23-aad ee heerka madaxda sare ee ururkaan. Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad isbeddel amni ah iyada oo la dirireysa argagixiso caalami ah. Dalalka ururkaan ku jira waxay fahamsan yihiin baaxada kheyraadka aan weli la isticmaalin ee Soomaaliya iyo sida uu gobolka uga faa’iideysan karo qoddobka kheyraad waddaaga, xoriyadda ganacsiga iyo canshuuraha mideysan. Dadka diidan ku biirista Soomaaliya ee ururkaan ayaa qaar waxay xujo ka dhigayaan in argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya ay weli tahay caqabad aan laga boodi karin oo ka faa’iideysan karta fursadaha socdaalka iyo ganacsiga ee laga faa’iidi doono ku biirista ururkaan iyo dhinaca kale dayacaada ka muuqata dhanka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya. Balse dalalka u ololeynaya in Soomaaliya la aqbalo codsigeeda ayaa aqrinaya fursadaha dunida ku hardameyso ee dhex ceegaga Soomaaliya balse aan helin hal abuur uga faa’iideeya dalka iyo gobolkaba. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u socdaalay dhowr waddan oo ku jira dallada bulshada Bariga Afrika bilihii lasoo dhaafay. Villa Somalia waxay sheegtay in dhamaan dalalkaasi uu madaxweynaha kala hadlay ahmiyadda ay gobolka u leedahay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto ururkaan, xirfada ganacsi iyo howl-karnimada dadka Soomaalida ah iyo kheyraadka ceegaga dalkaan geeska Afrika ku yaalla oo u baahan maalgashi caalami ah iyo mid heer gobol ah. Rejada Soomaaliya ee ah in maanta “Haa” loogu codeeyo waa mid aad u sarreysa. Haddii ay sidaas u dhacdo waxay noqon doonta guushii ugu weynayd ee nidaamka Xasan Sheekh soo hooyo tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay madaxweynahan 68 jirka ah. Xasan Sheekh ayaa haddii uu maanta dalka ku daro dallada bulshada Bariga Afrika wuxuu dhameystiri doona mid kamid ah lixda qoddob ee laga sugayo inuu ku xaqiijiyo muddo xileedkiisan labaad. The post Xasan oo maanta xaqiijin kara guushiisii ugu weynayd ee muddo xilleedkiisa appeared first on Caasimada Online.
  11. Sida ay sheegtay wakaaladda warar ee Itoobiya, (EPA), iyada oo soo xiganeysa wasiir ka tirsan xukuumadda Itoobiya, waxaa meel wanaagsan maraya, siina hagaagaya wadahadalo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo Somaliland, kuwaas oo ku aadanaa in dawladda Itoobiya ay wax ka isticmaasho takadda wayn ee magaalada Berbera. Warkaan ayay wakaaladdu ku daabacday bogga ay ku leedahay barta Facebook. Bishii aynu soo dhaafnay ee October, ayaa ra’iisl wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sheegay, in helitaanka bad iyo takad uu yahay mid ay ku xiran tahay ‘jiritaan Itoobiya’, arrintaas ayaa walaac ka dhex abuurtay wadamada dariska la ah Itoobiya. Wasiirka gaadiidka iyo lojistikada ee Itoobiya, Alemu Sime ayaa hadalkaan ka sheegay shir ay lahaayeen golaha wasiirada ee dalka kaas oo uu shir gudoominayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sida ay sheegtay wakaalada EPA ee arrintaan baahisay. Hadaba si aan wax uga sii ogaano waxa ay yihiin wadahadalaan ayaan la xariirnay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr Ciise Kayd, balse waxa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo ay la leeyihiin Itoobiya. “Arrintaan waxay ku saabsan tahay sheekadii hore ee 19%” ayuu yiri waiirka oo sheegay in arrintani mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday. Heshiiskaas ayuu sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi wayday shardigii laga rabay ee ay qaybta uga noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World. “Itoobiya waa ay bixin wayday lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku wayday qaybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa. Dadka qaar ayaa walwal ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto baddaha ku teedsan wadamada ay dariska yihiin, balse wasiir Kayd wuxuu leeyahay “Wax walwal ah ma qabno”. Itoobiya waxay isticmaashaa dekadda dalka Djibouti, halkaas oo ay kala soo dagto 95% waxyaabaha ay dhoofiso iyo kuwa ay la soo dagto intaba. Balse wasiirka gaadiidka ee Itoobiya wuxuu sheegay in waddankiisu uu u baahan yahay takado kale oo ay u baxsan karaan, sidaas daraadeedna wadahadlo ku aadanaa inay isticmaalaan takadda Berbera ay socdaan meel wanaagsanna u marayaan, ayay wakaaldu ku dartay intaas, Sidoo kale wakaaladda ayaa daabacday in wadahadalo u socdaan dawladda Kenya iyo dawladda Itoobiya, kuwaas oo ku aadan in Itoobiya ay isticmaasho dekadda Lamu, sida ay sheegtay wakaaladdu. Horay ayaa waxaa u jirayheshiis saami qabeysi oo ay u galeen Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda laga leeyahay Imaaraatka ee DP World kaas oo dhigayay in 51% boqolkiiba ay takadda yeelaneyso DP World, $30 boqolkiiba ay yeelan doonto Somaliland, halka dowladda Itoobiya ay qaadan laheed boqolkiiba 19%, heshiiskaas ayaa la filayay inuu socondo muddo 30 sanadood ah. Dawladda Soomaaliya xilligaas ma aysan taagerin heshiiskaas, balse waxay isku dayday inay hor istaagto, wasiirkii dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ee xilligaas Marwo Maryan Aweys ayaa waxay 2-dii bisha March, 2018 dii soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in heshiiskaas yahay mid sharci darro ah, islamarkaasna aanan la aqbali karin. Sidoo kale ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, labaduba waxay sheegeen inay ka soo horjeedeen heshiiska. Itoobiyo iyo damaceeda takadeed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa marar badan sheegay sida jiritaanka Itoobiya ay muhiim ugu tahay inay bad helaan, maadaama dalkiisu yahay mid xeeb la’ aan ah. Bishii aynu soo dhaafnay ayuu jeediyay hadal dood badan abuuray kadib markii uu sheegay in helitaanka bad, gaar ahaan badda cas ay tahay arrin muhiim u ah jiritaanka dalkiisa, hadalkaas oo ay dad badan u fasirteen inuu yahay colaad lala galo waddanka dariska la ah ee Eritrea. Abiy ayaa hadalkaan ka yiri khudbad laga sii daayay talafshinka oo uu kula hadlay baarlamaanka dalkiisa. “Bad cas iyo wabiga Niil ayaa qeexa Itoobiya; waxay asaas u yihiin horumarka Itoobiya,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka isaga oo ku booriyay inay ka xishoon mawduucaan. Hadalka Abiy ee ku saabsan badda ayaa dood iyo saadaalin ka dhex abuuray dadka Itoobiya ee ku xariira baraha bulshada taas oo la is weydiiyay halista uu u ku keeni karo heshiiskii ay wada gaareen Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afeworki oo ahaa in la soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee u dhaxaysay labada waddan, Heshiiskaas ayaa dhacay sanadkii 2018 kii. Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaalamay kuwa Itoobiya xilligii ay dagaalka kula jiree ciidamada Tigray kaas oo ka dhacay wuqooyiga dalka Itoobiya. Itoobiya ayaa sidoo kale horaan sheegtay inay dhisaneyso ciidmadeeda badda. Qaran News
  12. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu warramay inuu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ugu yeeray mid “neceb oo kasoo horjeeda” Itoobiya. Warbaahinta YouTube-ka ee Anchor Media, oo si aad ah ugu dhow dowladda Itoobiya, ayaa ku warantay in Abiy uu arrintan soo hadal qaaday mar uu kulan la lahaa saraakiisha xisbigiisa Prosperity Party. “Waxaa la ogyahay in Abiy Ahmed uu si ba’an u dhaleeceeyay Madaxweyne Isaias Afwerki intii lagu jiray shirkii madaxda sare ee Xisbiga Barwaaqo,” ayaa lagu yiri warbixinta. Waxaa intaas dheer, Abiy ayaa laga soo xigtay isagoo leh, “Waxaan muddo dheer ka warqabay in Isaias uu haysto dareen ka dhan ah Itoobiya. Waxa aan rajaynayey horumar, laakiin mowqifkiisii Itoobiya-diidka ah ayaa wali taagan.” Intii uu socday dagaalkii dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda TPLF, Abiy Ahmed ayaa sheegay in waxa Eritrea ay u sameysay Itoobiya markii taliska ciidankeeda waqooyi la weeraray, aaanu dal kale sameyn karin. Hase yeeshee, ilo-wareedyo ayaa sheegay in xiriirka Abiy iyo Afwerki uu xumaaday markii dowladda Abiy ay magaalada Pretoria heshiis kula gashay TPLF, taasi oo soo afjartay dagaalkii labada sano socday. Sida lagu heshiiyey, waxaa la filayey in kooxda TPLF ay hubka dhigto, balse taasi ma dhicin, iyadoo sida la sheegayo kooxda ay haysato cudud ka kooban ugu yaraan 200,000 oo askari oo hubaysan. Dowladda Eritrea ayaa kooxda TPLF u aragta halis. Sida la tuhunsan yahay, khilaafka u dhexeeya Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki (iyo guud ahaan Eritrea) ayaa cirka isku shareeray kadib markii Abiy Ahmed uu sheegay bishii October ee sanadkan uu sheegay inay tahay inay dekad ka helaan Badda Cas, si kasta oo ay ku timaado. Talaadadii toddobaadkii hore, Abiy Ahmed ayaa khudbad ka jeediyay baarlamaanka Itoobiya. Waxa uu sheegay in hadalkiisa uu ula jeeday inuu doonayo in laga wada xaajoodo arrimaha ku saabsan badda, islamarkaana aysan dowladdiisa damacsaneyn inay dagaal la gasho dal na. Ka sokow Eritrea, hadalkiisa ayaa walaac ka abuuray dalalka kale ee deriska ah qaarkood, sida Jabuuti iyo Soomaaliya. Waxaa hadda jirta cabsi la dareemi karo oo laga qabo in dagaal uu ka dhex-qarxo Itoobiya iyo Eritrea. The post Abiy Ahmed ‘oo weerar culus ku qaaday Isaias Afwerki appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya isaga oo ka qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika. Shirka ayaa la sugayaa in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan. Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato. Ka mid noqoshada EAC, dalkeennu waxaa uu ka qaybqaadanayaa iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, madaxweynaha ayaa hore u sheegay in guul ay tahay umadda Soomaaliyeed kami noqoshada bulshada bariga Afrika (EAC). Source: goobjoog.com
  14. Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan kiiska Hooyo Xaamilo ah oo 6-bilood ku xiran saldhigga degmada, hooyadaas waxaa loo heystaa lacag dhan 52 kun oo dollar. Hooyadaan oo lagu magacaabo Xaawo Cabdullahi Nuur, waxay dhashay sagaal carruur ah, hadda waxay leedahay uur bila dhamaystay, waxay ka shaqey jirtay dhoofinta Ariga jarka ah, waxayna khasaartay lacag dhan $52 kun. Dadkii ku lahaa lacagta ayaa dacweeyey, waxaana lix bilood ka hor lagu xiray xabsiga Guriceel, ninkii ay u dhashay carruurta ayaa xabsiga ku dhex furay, isagoo ka cararaya qaanta lagu yeeshay gabadhaan, sid ay u sheegtay warbaahinta. Weriyaal loo ogolaaday inay wareystay ayaa Hooyo Xaawo shalay ku booqday xabsiga, waxay sheegtay sababta loo xiray, waxay ka deyrisay xaaladeeda caafimaad, waxayna sheegtay in lagu xiray qol neef-diid ah oo ah kan ugu nolosha adag qolalka maxaabiista. Baahintaas kadib, waxaa cirka isku shareeray kiiska Hooyo Xaawo, dad badan ayaa ka carooday sida loola dhaqmay haweeneydaan xaamilada ah, ayadu waxay ka soo jeedaa Dhuusamareeb, balse ninka furay ee 9-ka cunug ay u dhashay, hadana ay uurka u leedahay ayaa ka soo jeeda Guriceel. Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Hudey ayaa caawa ka hadlay kiiskaan, wuxuu sheegay in isagu uu u yeeray warbaahinta, si dadka wax heysta loogu bandhigo qaanta loo heysto gabadhaan, sidoo kale wuxuu beeniyey in qol neefdiid ah lagu xiray gabadha. Sidoo kale Xaawo oo mar kale maanta warbaahinta la hadashay waxay sheegtay in booliska ay ka heshay wixii ay gacan u awoodeen, balse iskeed ay isaga xanuunsaneed, ciqaab gaar ahna aan loogu geysan xabsiga. Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Guriceel oo is abaabulay ayaa Maamo Xaawo maanta ka soo damiintay xabsiga, sidaas ayey ku timid banaanka lic bilood kadib, waxaana lagu wadaa in dhawaan laga bixiyo lacagtii lagu lahaa oo hadda uruurinteedu ay socoto. Hoos ka daawo The post Haweeney xaamilo ah oo 6 bilood Guriceel ugu xiran qaan 52 kun oo dollar ah (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  15. Caruusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Madaxweynaha ayaa dalkaas uga qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo laga sugayo in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan. Madaxweynaha ayaa xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faa’iidayaan dadkeenna iyo dalkeenuba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda ku biiridda dalastaas gudbisay sannadkii 2016-kii, Soomaaliya u aragta in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha. Sida ay horay muujiyeen wadamada ku bahoobay daladaas dowladda Soomaaliya ayaa loo ogolaa doonaa xubinimadeeda, waxaana la qiimeynayaa xog uruurin laga sameeyey dalka intii uu joogay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Caruusha u tegay go’aanka laga gaarayo Soomaaliya ee… appeared first on Caasimada Online.
  16. Golaha Deegaaanka Saylac oo doortay Maayar Cusub, Xilkiina ka qaaday kii Hore Saylac,(Qaran news)-Golaha deegaanka ee degmadda Saylac ayaa doortay Maayir cusub kii horena xilka ka qaaday. Guddoomiyaha gobolka Sellel Mawliid Maxamed Nuur, ayaa goob joog ka ahaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Degaanka ee Degmada Saylac, isla markaana ay ka soowada xaadireen dhammaan mudanayaasha golaha degaanka degmadaasi, ayaa Maxamuud Cigaal Wacays u doortay Maayir cusub, xilkiina ka qaaday maayirkii hore Degmada Saylac Yuusuf Cawaale Daahir. Duqa cusub ee loo doortay degmada Saylac Maxamuud Cigaal Wacays, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashadii saaka dhacday ee uu ku guulaystay ay u dhammaayeen dhammaan hay’addaha dowladda ee gobolka Selel, waxaanu xusay in fadhiga aan caadiga ahayn ee lagu doortay ay u ogolaatay wasaaradda arrimaha gudaha JSL. Gaba-gabadii waxa uu sheegay in doorashadaasi si xor iyo xaalala ay u dhacday, waxaanu u mahadceliyay dhammaan xildhibaanadii u codeeyay. Qaran News
  17. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Iyada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya 96. Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku. Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shirka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka. Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka Al-shabaab laga weydiiyay wasaaradaha amniga iyo Gaashaandhigga, kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda fatahaadaha dalka ay gaartay halkiiugu sareysay. Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay moqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Arrintan ayaa maanta lagu soo qaaday shirka golaha wasiirada ee Puntland, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Sacaiid Cabdullahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Shirka oo todobaadle ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashada Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Soomaaliya ,kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo weli lagu mursanyahay, maadaama mucaaradka ay diideen. Golaha ayaa isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta. Haddaba muxuu yahay go’aanka Puntland ee wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya? Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ayaa ka horyimid qorshaha dowladda federaalka ee wax ka beddalka dastuurka, ayada oo sheegtay in laga leeyahay dano siyaasadeed. “Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay” ayaa lagu yiri go’aanka Puntland. Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dastuurka kumeel gaarka ah ee federaalka uu yahay heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii dowladdii dhexe ee Dalka. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu yiri “Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah”. Puntland ayaa sidoo kale soo saartay baaq culus, waxayna ka dalbatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan qayb ka noqon qorshaha wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah. “Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah” ayaa lasii raaicyay bayaanka. Ugu dambeyn waxa ay Puntland caddeysay in aysan raalli ka noqon doonin wax ka beddalka dastuurka, maadaama aan lagala sameyn wax wada tashi ah. “Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aan maanta kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland. The post Go’aanka PUNTLAND ee wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin cusub kasoo saartay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo maanta warbixin u gudbisay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka. SoDMA ayaa warbixinteeda ku sheegay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka haata ka da’aya dalka. Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin Soomaaliyeed ee gaaraya illaa 96 qof. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya. “Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha. Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka. The post DF Soomaaliya oo shaacisay in 96 QOF ay ku dhinteen… appeared first on Caasimada Online.
  20. Wasiirka Daakhiliga oo la Shiray Xoghayeyaasha Dawladaha Hoose Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa shir laba cisho u socday Xoghayayaasha Dawladaha Hoose ee 23 Degmo Doorasho ee dalka u soo geba-gebeeyey. Shirkan ayaa muddadii uu socdey lagu falaqaynayey dardargelinta shaqada muhiim ka ah ee ay bulshada u hayaan, horuumarinta dhinaca waxqabadka ee Degmooyinka iyo ka shaqaynta nabadgelyada. Qaran News
  21. Muqdisho, (Qaran news)- Shirkadda Dahabshiil ayaa shaacisay inay taageero ka geysanayso suuqii Xamar weyne ee dhawaan dabku waxyeeleeyay iyo fatahaada daadka khasaaraha badan ka geystay gobollo ka mid ah Soomaaliya. Sidaana waxay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barta Twitterka, Shirkadda Dahabshiil waxaanay intaas ku dartay inay ka murugaysan tahay dabka baabiiyay ganacsigii Suuqa Xamar Weyne oo dad badani ku tabaaloobeen. Sidoo kale waxay caddaysay inay kaalmo ka geysan doonto daadadka waxyeeleeyay gobollo ku yaalla Soomaaliya, waxana ay tilmaantay in loo baahan yahay in casharro laga korodhsado masiibooyinkaasi si looga taxadaro mustaqbalka. Shirkadda Dahabshiil waxa ay hore u taageertay ganacsatadii ay dhibku ka soo gaadhay suuqyada Hargeysa,Jigjiga, Wajaale iyo meelo kalaba Qaran News
  22. More than 50 people have died in Ethiopia's northern Tigray and Amhara regions amid drought and an aid freeze, local officials have told the BBC. Source: Hiiraan Online
  23. Dowladda Puntland ayaa si cad uga soo hortimid wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay mid laga lee yahay dano siyaasadeed “Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka”. “Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. “Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah”. “Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka hortimid Wax ka beddelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. PRESS RELEASE Germany pledges 4 billion Euros in Africa’s green energy: African Development Bank President calls for enhanced partnership The conference with African leaders was “the starting signal for stronger, reliable cooperation between Africa and Europe to realise climate-friendly energy supply based on green hydrogen” Access Multimedia Content BERLIN, Germany, November 23, 2023/ – Qaran news- The government of Germany has pledged to invest 4 billion euros in Africa’s green energy until 2030. German Chancellor Olaf Scholz made the announcement at a press conference in Berlin after meeting African leaders and heads of international organisations including the President of the African Development Bank Group Dr Akinwumi Adesina, during the G20 Compact with Africa conference. The Compact with Africa was initiated by Germany in 2017 during its presidency of the G20 to improve conditions for sustainable private sector investment and investment in infrastructure in Africa. To date, 13 African countries have joined the initiative: Benin, Burkina Faso, Côte d’Ivoire, the Democratic Republic of Congo, Egypt, Ethiopia, Ghana, Guinea, Morocco, Rwanda, Senegal, Togo and Tunisia. Scholz said the conference with African leaders was “the starting signal for stronger, reliable cooperation between Africa and Europe to realise climate-friendly energy supply based on green hydrogen.” “Produce green hydrogen and you can rely on us as buyers,” the German Chancellor told African leaders. Describing Africa as “the partner of our choice”, Chancellor Scholz said African countries should benefit more strongly from their wealth of natural resources and explained that the first step of processing should take place locally, creating jobs and prosperity. During the Compact with Africa conference, African Development Bank Group President, Dr Akinwumi Adesina pushed for stronger partnerships and investment in Africa, the world’s fastest-growing continent. Chancellor Scholz said, “In light of the multiple global challenges, cooperation and joint work based on fair rules is more important than ever. The international organisations are key players when it comes to preserving and strengthening an international global rules-based order, in particular regarding the international economic and financial system. They can help us to foster smart globalisation in which all countries have a fair chance for sustainable development.” The African Development Bank President emphasised the importance of private sector development in Africa. Adesina said, “I commend Chancellor Olaf Scholz for convening the Compact with Africa Conference. The African Development Bank remains fully committed to the success of this initiative, especially through its focus on promoting private sector development in Africa.” The Bank President said, tackling climate change, Africa’s infrastructure gap, and unlocking industrial manufacturing capacities requires attracting private sector financing at scale. To achieve this objective, he outlined several actions multilateral institutions must take. “First, we must develop bankable projects and make them available to private investors.” “Second, private sector development strategies must be aligned with the net-zero emission objective, with green investments prioritised.” “Third, we should mitigate global risks and pool resources to optimise investment strategies, including through a platform like the Africa Investment Forum. This is an initiative that the African Development Bank and seven partner organisations created five years ago. It brings together project promoters and private and public financiers to catalyse investments on transformative projects across Africa.” “I look forward to strengthening our strategic partnership with Germany in our drive to achieve faster economic growth and prosperity for Africa.” The G20 Compact with Africa conference was held on Tuesday to discuss several issues around the theme: Strengthening multilateral cooperation and working on a rules-based, fair, international economic and financial system. Discussions centred around the global economy, current challenges, including high inflation and geopolitical tension; and the need to incentivise investments in global public goods, such as tackling climate change; strengthening trade in a multipolar world; simultaneously combatting labour shortages and unemployment; and strengthening multilateralism. According to Chancellor, Scholz, “Germany wants to contribute to this agenda by enhancing global trade, improving economic resilience and assisting the reform of the international financial architecture, as well as strengthening the role of the international organisations—we need the international organisations to find multilateral solutions for global challenges.” On the sideline of the conference, Adesina joined 40 young African entrepreneurs and innovation champions in a session titled ‘Shaping the Future with Africa—Young Entrepreneurs as Key to a Just Transition.’ The African Development Bank President announced plans to set up an executive advisory body dedicated to nurturing young African entrepreneurs and startups in Africa. “We need to totally revamp the financial ecosystem to serve their needs,” Adesina said: “I have decided to set up a high-level youth advisory committee… to advise me and harness what is coming out of here—the experiences shared by young entrepreneurs here.” During the conference, Adesina met with the President of the Union of the Comoros and Chair of the African Union Azali Assoumani, Nigeria’s Bola Tinubu, Senegal’s Macky Sall, President Hakainde Hichilema of Zambia, Cote d’Ivoire’s Alassane Ouattara, Kenya’s William Ruto, France President Emmanuel Macron, the Chairperson of the African Union Commission Moussa Faki Mahamat, the President of the European Commission Ursula von der Leyen, Germany’s Federal Minister for Economic Cooperation and Development Svenja Schulze, World Bank Group President Ajay Banga, International Monetary Fund Managing Director Kristalina Georgieva among others. Qaran News