-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraallo ka soo saaray guushii ay maanta Soomaaliya ka gaartay ku biiridda daladda bulshada bariga Afrika. Labada masuul ayaa aad u soo dhaweeyey guusha u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna tilmaameen fursadaha ku jira daladaan ee Soomaaliya hor yaalla. Ugu hore Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC). “Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan, ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga,” ayuu yiri Sheekh Shariif. “Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.” “Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.” Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.” The post Sheekh Shariif iyo Rooble oo soo saaray war isku mid ah appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Koonfur Galbeed ayaa war ka soo saaray kulan seddax maalmood qaatay oo Maxaxweyne Laftagareen ay Baydhaba kula yeesheen. Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wadahadleen seddax qodob oo kala ah: 1- Xaaladda El-nino oo saameyn culus ku yeelatay deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo sababtay fatahaad iyo barakac culus, waxayna madaxdu gorfeeyeen sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka rayidka ah. 2- Dagaalka Al-Shabaab ayaa lagu gorfeeyey shirkaas, waxay madaxdu hoosta ka xariiqeen in kooxdu ay dhibaatada ugu daran ku heysto Koonfur Galbeed, iyagoo ku tashaday in deg deg looga howlgalo sidii loo xoreyn lahaa dalka. 3- Arrimaha wax ka bedelka dastuurka ee hadda miiska saaran ayaa lagu gorfeeyey shirkaan, waxayna xildhibaanadu cadeeyeen in ay wax isla meel dhigeen, iyagoo hoosta ka xariiqay in reer K/Galbeed ay dani ugu jirto in doorasho qof iyo cod ah ay dalkaan ka dhacdo. Sidoo kale Xildhibaanadu waxay sheegeen inay Madaxweynaha K/Galbeed laga doodeen arrimo badan oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, iyagoo xusay in dastuurka dalka uusan ku sii jiri karin ku meel gaarkaan. Madaxweynaha K/Galbeed ayaa doonaya in xildhibaanadu ay meel mariyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka oo dhigaya in wax laga bedelo dastuurka, sida qodobada mudo xileedka hey’adaha dowladda oo laga dhigayo 5 sano, in dalka lagu maamulo nidaam madaxtooyo iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Sida ay sheegeen xildhibaanadu madaxweynaha waxay ka aqbaleen arrimihii uu kala hadlay, waxaana lagu wadaa in Sabtida berri uu furmo shirka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya. The post 55 xildhibaan oo Laftagareen la kulmay oo shaaciyey in… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay waxay ugu hambalyeysay Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC). “HSJ waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hey’adda. Qoraal ayaa intaas ku sii daray, “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan umadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisantahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.” Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa. Sidoo kale waxa uu ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya. “Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Hay’adda Socdaalka oo ballan-qaad sameysay kadib ku biiristii Soomaaliya ee EAC appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta si buuxda uga mid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, kadib codeyn loo qaaday. Soomaaliya ayaa noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, kadib muddo ay dowladda dadaal xooggan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon laheyd EAC. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda ururkaan. Haddaba, Maxay yihiin faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka qeyb noqoshada ururkaan? Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin; 1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed. 2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika. 3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan. 4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin. 5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah. 6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika. 7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC. 8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. The post 8 faa’iido oo Soomaaliya ay helayso kadib ku biiristii EAC appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya ayaa si rasmiga ah ugu biirtay suuqa bulshada bariga Afrika ee loo yaqaanno EAC kadib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) isla markaana uu guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya. “Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya. “Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.” Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda. The post Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay dalalka ku midaysan Dallada Bulshada Bariga Afrika ee (EAC) appeared first on Puntland Post.
-
Arusha (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan. Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa. Sidoo kale waxa uu ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya. “Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.” Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan. Waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda. The post DEG DEG: Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka EAC appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia has been admitted as the eighth member of the East African Community on Friday November 24, 2023, just over a year after the latest entrant, the Democratic Republic of Congo (DRC) was admitted into the bloc. Source: Hiiraan Online
-
The second round of peace talks between the Ethiopian government and rebel group Oromo Liberation Army (OLA) ended without any agreement on Tuesday, said National Security Adviser to the Ethiopian Prime Minister, Redwan Hussien. The Government, with a desire to end the suffering that has been occasioned due to the conflict in some parts of Oromia region has been engaging in peace talks with Shene/OLF-OLA (the name used by the authorities to refer to the Oromo rebels). The two rounds of talks have come to an end without an agreement,” Redwan said on his social network X account on Tuesday night. Redwan added that the Ethiopian authorities had attempted to seek peace by maintaining the country’s territorial integrity, the unity of the Federal Republic of Ethiopia, and respect for constitutional norms while still trying to be as flexible and accommodating as possible. However, he regretted “the intransigence of the other party” which, according to him, caused the talks to fail. “The obstructive approach and unrealistic demands of the other party are the principal reasons why these talks could not succeed,” he said. Shortly after Redwan posted these messages, the OLA issued a statement accusing Ethiopian federal government negotiators of “co-optation of the leadership” of the rebel group “rather than beginning to address the fundamental problems that underlie the country’s seemingly insurmountable security and political challenges.” According to the insurgents, who seek independence of Oromia, they presented “a series of inclusive proposals” to “negotiate a space for a meaningful change in the governance” of the region. “While we recognize that institution-building is an ongoing process, a historical opportunity to take a leap in the right direction has been lost because of Ethiopian government failed to course correct,” it said. This second round of negotiations began on Nov. 7 in Tanzania with the leaders of OLA and senior representatives of the government and Ethiopian Army participating. The first round between April 25 and May 3 in the Tanzanian archipelago of Zanzibar also ended without any agreement, triggering a new escalation of hostilities that left 859,000 people displaced, according to the United Nations. The OLA split from the Oromo Liberation Front (OLF) after that party laid down its arms to return to the country and engage in politics at the invitation of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed in 2018 when he came to power. Since then, the group, based in Oromia, has been seeking the self-determination of the historically marginalized Oromo people. OLA attacks are often directed at Amhara people, the ethnic majority group in the region, with a presence in some areas of Oromia. EFE Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa shaacisay in ay soo qabatay saanad dagaal iyo agab kale oo loo waday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Hay’adda NIA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay illaa laba boqol oo taayir, oo ah noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala-galay “NIA_IntelSL oo ku daba jirta saanaddo dagaal oo ku wajahan kooxaha ka dagaalama Laascaanood ayaa gacanta ku dhigtey 200- oo taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala-galay,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA. Sidoo kale waxay sheegtay in iyada oo garabsaneysa laamaha nabad-gelyada ay burburisay shabakaddo adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood, sida lagu yiri qoraalka. “Waxaa lagu soo qabtey (howl-galka) qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka degdegga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka hay’adda Sirdoonka Somaliland ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano NIA. Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigto dad eedaysanaal ah iyo qalab kala duwan oo ay sheegeen in uu amniga khatar ku yahay. Sidoo kale waxa uu dhawaan Sirdoonka Somaliland baahiyay sawirrada 10 Nin oo ahaanib ah, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah. 10-ka nin ee Somaliland ay qabatay waxaa lagu sheegay qoraalkaan inay dhammaantood heystaan dhalashada dalka Marooko. “Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland. Somaliland ma aysan shaacin sida ay ka yeelayaan xubnahaan ay qabteen ee ajaanibta ah. Kooxaha argagixisada ah inta badan dhibaatooyin kama geystaan deegaanada Somaliland, waana dhul nabad ah oo ka caagan argagixiso, markii loo eego xaaladda ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Sawirro: Sirdoonka S/LAND oo shaaciyay in uu qabtay saanad dagaal oo loo waday… appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo Qabatay Saanad loo Waday Laascaanood Hargeysa(Qaran)-Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland NIA oo ku daba jirta saanaddo dagaal oo ku wajahan kooxaha ka dagaalanta Laascaanood, ayaa gacanta ku dhigtey 200 oo taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu talagalay. Sidaasna waxay ku sheegtay Hay’adda sirdoonku qoraal ay soo saartay, waxa lagu caddeeyay Hay’adda NIA oo garabsanaysa laamaha nabadgelyada ayaa burburisay shabakado adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood, waxaana lagu soo qabtey qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka degdegga ah Qaran News
-
Doha (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Arbacadii soo saaray qormo dheer oo ugu magac daray “Saboolnimo siyaasadeed” ayaa sidoo kale uu farriin duur-xul siyaasadeed ah ugu diray ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Barre. Fahad ayaa waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Xamza uu dantiisa ka hormariyay midda madaxweynaha, taasi oo uu ku tilmaamay taariikh mucjiso. “Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Ra’iisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin, oo Xamza kula yaaban meel-marinta qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee madaxweyne iyo ku-xigeen. Waxa uu intaas kusii daray “Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taasi, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah.” Sidoo kale wuxuu u duur-xulay in Xamza uusan markii horeba xilkaan ku haysan manfac, uuna sidaas u doorbiday in uu ku qanco qorshaha madaxweynaha oo uu hadda meel-marintiisa ku howlan yahay. “Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).” Arrintaan ayuu Fahad ku macneeyay sadaqo siyaasadeed, wuxuuna yiri “Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa. SADAQO SIYAASADEED. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.” Xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza ayaa wada dadaallo lagu meel-marinayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo dhaqan-gelinta heshiiskaas. Heshiiskaasi ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo The post Fahad oo farriin duur-xul siyaasadeed ah u diray Xamza appeared first on Caasimada Online.
-
President Hassan Sheikh Mohamoud of Somalia has named Jabril Ibrahim Abdulle as his new ambassador to Kenya, marking a significant step toward promoting collaboration and mending diplomatic ties. This strategic decision signals a significant shift in the diplomatic landscape, aiming to reinvigorate the previously strained relations between the two East African nations. Under the previous presidency of Mohamed Abdullahi Farmajo, tensions between Kenya and Somalia escalated, leading to the expulsion of Kenya’s envoy from Mogadishu and a detrimental impact on bilateral trade and regional stability. The elections of Presidents Mohamoud and Ruto, however, have breathed new life into the diplomatic discourse between the two countries. Abdulle, a former presidential candidate, assumes his role at a critical juncture when Somalia and Kenya are jointly combating extremist groups such as Al-Shabab and Al-Qaida affiliates. His extensive experience in peace-building and state-building, particularly his instrumental role in the formation of Somalia’s current federal government, positions him as a seasoned diplomat capable of navigating complex geopolitical challenges. Abdulle’s appointment has received praise from regional analysts, including Abdullahi Mohamed, who lauds his understanding of the historical relationship between the two nations. “Jabril Abdulle understands the historical relationship between the two countries. He is familiar within Kenya’s establishment, positioning him to cultivate a strong strategic partnership,” stated Abdullahi. What sets Abdulle apart is not only his diplomatic acumen but also his profound understanding of the historical ties between Kenya and Somalia. Having lived and worked in Kenya for several years, he appreciates Kenya’s significant contributions to Somali peace and reconciliation initiatives, as well as the formation of transitional and federal national governments. The timing of Abdulle’s appointment is opportune as both countries look to enhance their partnership, collaboratively counter terrorism, strengthen regional stability, and build robust economic cooperation. President Mohamoud’s move underscores a commitment to forging a fresh, cooperative path and marks a departure from previous strained relations. As Somalia and Kenya embark on this promising journey of renewed friendship and collaboration, Mr. Abdulle’s appointment promises enhanced diplomatic engagement, stronger economic ties, and contributions to regional stability and prosperity. The international community watches with anticipation as the two nations set the stage for a Joint Commission for Co-operation (JCC) early next year in Nairobi, aiming to discuss and agree on matters of mutual interest, ranging from security activities and defense to agriculture, trade, intelligence exchange, health, education, and the continuous review of the visa regime. The potential reopening of borders between the two countries is also on the agenda, aiming to facilitate the movement of people and enhance the trade of goods and services. In a resounding show of approval, Somali business communities with substantial investments in Kenya’s economy are warmly welcoming the appointment of Mr. Jabril Ibrahim Abdulle as Somalia’s new ambassador to Kenya. These business leaders, who have poured billions of Shillings into various sectors of Kenya’s economy, see the appointment as a positive step towards fortifying the economic and diplomatic ties between the two neighboring nations. Abdulkadir Nur, a prominent businessman engaged in real estate business, expressed deep gratitude on behalf of the Somali business community, stating, “We’re deeply grateful for President Mahmoud’s choice to appoint an envoy who enjoys the support of both countries.” This sentiment is echoed by many others who view Abdulle’s appointment as a crucial catalyst for the improvement of bilateral relations. Nur lamented the recent strained relations, emphasizing the enduring bond between Kenya and Somalia. “God made Kenya and Somalia neighbors for eternity; we share common values, culture, and our history is cemented by blood,” he stated passionately. He voiced confidence that the new envy will play a pivotal role in not only strengthening economic ties but also in providing essential embassy services for the Somali community residing in Kenya. The Somali business community sees this diplomatic move as an opportunity to mend relations and pave the way for increased collaboration, which could have a positive impact on regional stability and economic prosperity. As Ambassador Abdulle takes on his role, expectations are high among the business circles for a renewed era of cooperation and shared growth between Kenya and Somalia. In the last year, President Mohamoud and President Ruto have engaged in over eight bilateral meetings, underscoring the establishment of a strong and close relationship between the two leaders and emphasizing their dedication to fostering a robust strategic partnership. The post Somalia appoints high-profile envoy to strengthen diplomatic ties with Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Magacaabistan ayaa imaneysa kadib markii uu Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) soo afmeeray shaqadii diblumaasiyadeed ee Kenya, ahaana safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi. Danjiraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kamid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo mar isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeeyay Kenya. Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tegi doona magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, xilli dowladda Kenya ay sidoo kale beddeshay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Muqdisho. Dowladda Kenya ayaa dhawaan sagootisay danjire Tarsan, oo isagu soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isaga oo dib ugu laaban doona dalka. Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika. Si kastaba, Safiirka cusub ayaa waxaa horyaalla howlo muhiim, oo ay ugu horeyso in uu fududeeyo in dib loo furo xuduudaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. The post Madaxweyne Xasan oo safiir cusub u magacaabay Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marka ka hadashay ka qeyb-galka SSC-Khaatumo ee tartanka kubadda cagta dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in SSC- Khaatumo ay ka qeyb-gali doonto tartanka kubadda cagta haddii ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay. Shuruudahan ayuu wasiirka ku sheegay inay yihiin kuwa farsamo, ayna lagama maarman tahay in ay SSC-Khaatumo soo dhameystiro, si ay 15-ka bisha December ee sanadkaan uga qeyb galaan tartanka. Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in SSS-Khaatumo looga baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan soo dhisaan xiriirka kubadda cagta SSC-Khaatumo. Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan arrimo siyaasadeed oo SSC-Khaatumo looga reebay tartanka, isaga oo xusay inay dadaal xooggan ku bixiyeen sidii SSC uga qeyb noqon laheyd tartankan. Waxaa xusid mudan in maalmo un kahor SSC-Khaatumo ay magacowday guddiga xiriirka kubadda cagta ee SSC, taasi oo uu sameeyay Xoghayaha dhallinyarada iyo cayaaraha SSC-Khaatumo, si ay usoo buuxiso shuruudaha. Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Mowqifka dowladda federaalka oo ahaa aqoonsiga maamulka KMG ah, ayaa dhabaha u xaareysa maamul rasmi ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi. The post DF oo WAR cusub ka soo saartay ka qeyb-galka SSC ee tartanka kubadda cagta appeared first on Caasimada Online.
-
Xabbad-joojin afar maalmood ah oo ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israa’iil ayaa Gaza ka dhaqan gashay markii ugu horreysay toddoba isbuuc oo ay socdeen dagaal lagu hoobtay. 39 maxbuus falastiiniyiin ah oo ku xiran jeelasha Y.H iyo 13 maxaabiis ah oo ku xiran Gaza ayaa la filayaa in la sii daayo saacadaha soo socda, iyada oo sidoo kale baabuurta gargaarka ay u gudbeen Gaza. Waxaa lagu wadaa in qeybta ugu horeysa la isweydaarsado 50 maxbuus iyo 150 Falastiin ah,iyadoo tirada liiska maxaabiista ee ay soo gudbiyeen Xamaas ay gaarayaan 300 oo ruux. Dowladda Qatar ayaa garwadeen ka ah heshiiska xabad-joojinta iyo isdhaafsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Falastiin oo manta la gudagalayo. In ka badan 14,800 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay maraysaa qiyaastii 1,200. PUNTLAND POST The post Xabbad-joojintii Israa’iil iyo Xamaas oo ka dhaqan-gashay Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
The Kenyan president has said his government is ready to privatise 35 state-owned companies which he said were currently functioning inefficiently due to bureaucracy. Source: Hiiraan Online
-
Heads of state from the seven East African Community member states are converging today in Arusha, Tanzania, for the 23rd ordinary summit with Somalia’s bid to join the bloc expected to form part of the agenda. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal ku dhaliilayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo sida uu sheegay in bedela markii ay xukunka qabsadaan. Cabdiraxmaan oo u muuqda inuu ku dhegahadlayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta si guud ugu dhaliilay in aysan cashar ka baran waayihii lasoo maray. “Silsalada waayaha siyaasada Soomaalida waa kuwo isku eg, dhacdooyinkuna iyagoo isku mid ah ayey soo noqnqodaan, sababtuna waa in aan cashar laga baran waaya-aragnimada iyo tijaabooyinkii halista lahaa ee la soo maro,” ayuu yiri CC Shakuur. Qoraalka xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray, “Nin saaxiibkeey ah ayaa i waydiiyey, war ninyahow madaxda Soomaalidu maxay u miir la’yihiin markii ay xukunka hayaan, haddii ay xilka ka degaana dad macquul ah u noqdaan.” “Waxaan ku iri, xukunku wuxuu leeyahay sarqaan ruuxa miyirka ka qaada, haddii ruuxa madaxda ahi dad karti, aqoon, iyo ku dhac leh xusho, gacanta ayey qabtaan, laakiin haddii uu arursado kuwo ka gabada ama sacab, iyo sax weeye ku yiraa, sarqaanka ayuu ku socdaa, ilaa uu ka gaaro halkii uu odaygii Soomaaliyeed ka yiri;- “Markii aan tabar hayeyna talo ma hayn, maanta oon talo hayana tabar ma hayo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aad u diidan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka bedelka nidaamka hoggaaminta dalka, qorshahaas oo sababaya in wax laga bedelo dastuurka dalka. Xasan Sheekh ayaa doonaya in dalka laga hir-geliyo nidaam madaxtooyo oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka ah, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, qorshahaan ayaa diidmo adag kala kulmaya siyaasiyiinta ugu waaweyn dalka. Dhawaan waxaa lagu wadaa in shir weyne ka dhan ah qorshaha uu damacsan yahay Xasan Sheekh ay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale. Markii uu dhawaan furmo kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa qorsheynaya inay horgeeyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo dhigaya in loo guuro nidaam madaxtooyo iyo qodobo kale oo wax badan ka bedelaya dastuurka dalka. The post CC Shakuur oo si qayaxan u weeraray Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Qalab lagu Wareejiyay Kalluumaysatada Xiis iyo Maydh Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa gaadhay degmooyinka Xiis iyo Maydh ee gobolka Sanaag, waxaanu Kalluumaysata degmooyinka ku wareejiyey Qalab Kalluumaysi oo Dhamays Tiran. Wasiir Siciid waxa uu sheegay in qalab uu ugu tallo galay doonyaha badda galaya, ku soo xidhanaya, kuwa wax ka dhoofinaya iyo kuwa shaqeeya intaba. Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in qiimaha lacagta kaga baxday qalabka loo qaybiyay Kalluumeysatada degmooyinka Xiis iyo Maydh iyo Sariibada Ceerigaabo ay dhan tahay shan boqol oo kun oo dollar. Geesta kale wasiirku waxa uu daahfuray Sariibadii u horraysay ee Kalluun ee ay yeelato magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo Kalluumeysatada degmooyinka Xiis iyo Maydh ayaa wasiirka uga mahadnaqay qalabka uu guddoonsiiyay, waxaanay sheegeen inay wax weyn ka tari doonto hawlahooda shaqo. Gaba-gabadii waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ku korjoogtayn doonto dadka loo qaybiyay qalabkaasi lacagta adagi ku baxday, waxaanu faray inay ilaashadaan oo aanay dayacin, waxaanu waxgaradka iyo ganacsatada gobolka Sanaag ku adkeeyay sidii dekadda Maydh u shaqayn lahayd. Qaran News
