malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. are Punt landers aright or high on life. who is against Puntland development you guys are sick qabilst ...... let me ask you this why Puntland always undermine oppose Somali goverment..... From 1960 to 2013 From ssdf days to abdiwali policy never changes ....... for example .... Puntland got the Prime Minister Position 3 times the last 10 years all three From Xassan abshir Farah , Omar Abdirashid Sharmarke and abdi wali ended in disaster .... conflict of interest undercuting the president , sneaking the Institution ... Gedo Folks got 2 Farmajo a nationalist there where no conflict between Farmajo and Sh sharif Ahmed no sneak shady business healthy relationship. Xamar got Pm Gedi and etc no conflict with president ........... Ask not what your country can do for (or to) you, but what you can do for it. ... not withstanding, regulation is inherently a negative thing. It is the ...
  2. :confused: Puntlanders when will it stop .... propaganda opposition to all somalia administration from 1960 to 2013 ..... ceeb I haven't you guys learned lesson from Utango
  3. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo howlo Dhex-dhexaadin ah u tagaya Magaalo Xeebeedda Kismaayo Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay dhexdhexaadin uga dhex-billaabaan dowladda iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo oo isku fahmi waayay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka. Mudanayaashan ayaa la sheegay inay tiradoodu tahay 20 xubnood, uuna la socdo guddoonka baarlamaanka, waxaana xubnahan ku jira sida la sheegay xildhibaanno uu codsaday Sheekh Axmed Madoobe in loosoo diro si uu ugala hadlo muranka u dhexeeya dowladda iyo maamulkiisa. “Qorshaha aan u soconno waa inaan dhexaadinno dowladda iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo, si aan madmadowga uga saarno labada dhinac,” ayay tiri xildhibaan Sahro Jaamac Cali oo ka mid ah xildhibaanada maanta aadaya Kismaayo. Xildhiabannadan ayaa waxaa ka mid ah: Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille), waxayna sheegeen inay dadala badan ku bixin doonaan sidii khilaafka u dhexeeya dowladda iyo maamulka Kismaayo ay meesha uga saari lahaayeen. “Rajo weyn ayaan ka qabnaa inaan qorshaheennan ku guuleysan doono, waayo waxaan u soconno waa islaax; waxaana nala og guddoonka sare ee baarlamaanka, waayo ra’iisul wasaaruhu meel wanaagsan ayuu arrinta keenay innnaguna waan isku dayaynaa dhameystirkeedad,” ayay mar kale tiri xildhibaanad Sahro. Dowladda Somalia iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa toddobaadkii hore isku mari waayay sameynta maamulka Kismaayo iyadoo dowladdu ay codsatay in shirkan loo bedelo mid dib u heshiisiin ah; maamulka Kismaayo uu sheegay inay ka go’an tahay in loo sameeyo Jubbooyinka iyo gedo maamul ay ku mideysan yihiin. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shirkaas ku tilmaamay mid aan loo dhameyn, wuxuuna sheegay in dowladdu ay si cad uga soo horjeeddo, lamana oga waxay arrinta ka bedeli doonto heshiiska ay ay wadaan xildhibaannadan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  4. Muqdisho-02-April-2013..Shirweynaha Qaran ee wadatashiga Garsoorka Soomaaliya oo maalintii Labaad si toos ah uga socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Afheyeenka Golaha Shacbiga Soomaaliyeed Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Abuukaatee Ceydiid Ilkaxanaf, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Dhammaan Ergada mataleysa dadka Soomaaliyeed ee Shirka lagu casuumay. Ugu horeyntii waxaa Khudbad ku saabsan Kaalinta Baarlamanka Soomaaliyeed kaga aaddan Garsoorka ka jeediyay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari Afheyeenka Baarlamanka oo ku tilmaamay Shirkani mid aad ugu muhiimsan aayaha Garsoorka Ummadda isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in Shirkan ay kasoo bixi doonaan qodobbo Dhaxal gal ah oo Shacbiga Soomaaliyeed heli doonaan Garsoor cadaalad ku dhisan. “Waxaa aad muhiim u ah inaan dhammaanteen isla garanno in Garsoorka madax bannaanyahay, Sharcigana uu yahay saldhigga Awoodda Dowladda sidaas darteed waxaan talo kusoo jeedinayaa in lasoo uruuriyo Dhammaan Shuruucdii wadanka si loo helo Keyd Sharci oo ay ku cadyihiin Qodobbada Garsoorka”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya intii uu ku guda jiray Khudbaddii uu ka jeedinayay Xarunta uu Shirku ka socdo. Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Ilkaxanaf oo ka hadlay Kulanka ayaa xusay in Garsooraha Soomaaliyeed uu u baahanyahay inuu helo Amni iyo Dhaqaale ku filan si uu cadaalad ugu sameeyo Ummadda. Waxa uu intaasi ku daray Guddoomiyuhu in Xabsiyada qaarkood ay xilligaan ku jiraan Dad xiran Todobaad, Bilooyin iyo sanado kuwaas oo aanan weli la horkeenin maxkmad loona baahanyahay in wax laga qabto. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed ayaa xusay in mararka qaar ay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Somalia Soo xiraan dad aan dambi laheyn kadibna ay iyagu xabsiyada kasii daayaan Shakhsiyaadka ay rabaan iyagoo wax maxkmad ah soo marsiin ,sidaas awgeedna ay muhiim tahay in si qoto dheer looga fiirsado awoodda uu yeelanayo Garsoorka Somalia. Afarta Guddi ee loo qeybiyay ergada ka qeybgaleysa Shirweynaha ayaa loo kala xilsaaray afar qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah Dhismaha hay’adaha Caddaaladda ,Helitaanka Caddaaladda iyo Qodobbada Muwaadinka Soomaaliyeed ka hortaagan inuu helo caddaalad ,Kaalinta Ciidamada Booliska iyo Asluubta kaga aaddan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada iyo Xiriirka ay la leeyihiin Muwaadiniinta,Jinsiyadda iyo Nidaamka cadaaladda iyo saameynta ay ku leeyihiin Naafad iyo caruurta. Tala soo jeedinta guddiyadan ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan Maalin kadib oo lagu ballansanyahay in si saraaxad leh looga doodo. DHAMMAAD.
  5. Pm Shirdoon listing and giving advice to his elders Ahlu Sunna soldiers integrating
  6. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Maamul KMG ah u magacaabay Gobolka Gedo, kadib markii booqasho hal maalin ah ku tagay magaalada Garbaaharey, iyadoo maanta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Maamulka KMG oo aan dhameystirneyn ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Maxamed Cabdi Kaliil oo horay u ahaa Gudoomiyaha gobolkaas, tan iyo dowladdii Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf. Wareegtada ayaa la sheegay inay dhaqan galeyso marka uu saxiixo Madaxweynaha, isla markaana lagu soo dhameystirayo xubnaha Maamulka KMG oo shaqeynaya muddo lix bilood ah, kaasoo u gogol xaaraya maamul ay dadka deegaanka soo doortaan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo tagay Garbahaarey ayaa sheegay in dowladda ay xooga saareyso maamulada dalka iyo sidii dadka deegaanka u heli lahaayeen maamul ay raali ka yihiin. Dhinaca kale Ciidamada Ahlusuna ee ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa la qarameeyay, kadib heshiis Ahlusuna iyo Xukuumada kala saxiixdeen, kaasoo dhigayay in wixii hada ka dambeeyay Ciidamada Ahlusuna ay ka mid noqdaan Ciidamada dowladda. Heshiiskan dowladda la gashay Ahlusuna Gedo ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo ay dowladda horay ula gashay Ahlusuna, kaasoo ugu weynaa iskaashiga iyo la dagaalanka
  7. http://radiomuqdisho.net/wasaaradda-gaashaandhigga-iyo-ahlu-sunna-koonfur-galbeed-oo-heshiis-ku-kala-saxiixday-magaalada-garbahaareeyakhriso-sawirro/ Seems like Pm Shirdoon is winning the confidence of every regions he visit . Since Touring the country he gained more soldiers and support for the FG. The Pm is running the country day to day job ... good too see Somali Institution and dignity is finely returning.
  8. Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo. Heshiiskaan oo ka kooban Shan qodob ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxaana qodobadaasi ay kala yihiin:- 1-in Ahlu Sunna Wal Jamaaca loo mahad celiyo,lana aqoonsado halgankoodii dheeraa ee ay usoo galeen in gobollada Koonfur Galbeed laga xoreeeyo Khawaarijta Al-Shabaab. 2-in ciidammada Ahlu Sunna iyo Saraakiishooda la qarameeyo oo ay si rasmi ah uga mid noqdaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. 3-in qalabka iyo gaadiidka Ahlu Sunna lagusoo wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. 4-in la daryeelo agoontii ay ka geeriyoodeen halgamayaashii ka tirsanaa Ahlu Sunna ee naftooda u huray halganka khawaarijta . 5-in la magacaabo gudi farsamo oo ka kooban labada dhinac si ay heshiiskaan u hirgeliyaan. Heshiiskaan ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayadoo dhanka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee Koonfur Galbeed ay u saxiixeen 1-C/raxmaan Axmed Amiin, Kusimaha Gudoomiyaha Ahlu Sunna Koonfur Galbeed,2-Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi afhayeenka Ahlu Sunna koonfur Galbeed iyo Taliyaha Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed. Kusimaha Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed C/raxmaan Axmed Amiin oo heshiiska kadib isna la hadlay Saxaafadda ayaa xusay iney aad ugu faraxsanyihiin ka mid noqoshada ay Ciidammada Ahlu Sunna ka mid noqdeen Dowladda Federaalka amaba talaabada lagu qarameeyey. Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna heshiiskaasi kadib madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya la qarameeyey ciidammadii Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed waxaana uu xusay iney horyaalaan Waajibaad culus maadaama ay weli argagixisadu ku jiraan gobollo dalka ka mid ah ama ay haraadi ku yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah waxey u wadaa dadaallo ku aadan dib u dhiska iyo Qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo talaabadanna ay meesha ka saareyso in Ciidammo kala magac ah ay dalka ka howlgalaan maadaama uu heshiiskaan iyo heeshiiskii ka horeeyey ee Caabudwaaq ee ay Dowladdu la gashay Ahlu Sunna Galgaduud qeexayo in Ciidammadii Ahlu Sunna ee dagaalka adag la galay argigixisada Al-Shabaab la qareemeeyey.
  9. Che -Guevara so what happens when people start claiming lands and property that are not theirs , sxb majority people have their documents there is something fishy if you dont have it . at least produce some sort of a evidence. House is not difficult to get back if you lost your document the community can be your witness since you where resident before . Empty land is the issue that`s difficult without a proof of document. it will be in the courts hand
  10. plus it is Tarzan admin in the capital currently working on the occupied properties issue ..... The documents are important and the key to your property. How can one unite the country without returning the occupied properties in all Somalia not just the capital. Nabadiid elements hate hearing anything positive coming out the mother land .
  11. Dawladiids agreeing its good thing , the Admin in the capital must be doing good
  12. That's the court job to determine that. That's why the Government is reforming the juridical system. Somalia’s first conference on judicial reforms was launched in Mogadishu, which was one of the key priorities of president Hassan Shiekh Mohamud since he was elected on September last year. He pledged to restructure the country’s institutions including the judicial system.
  13. sxb i just came back from the capital , Document is a must , everyone kept their land and property document . lets stop this nonsense their is a administration in xamar . Lets talk fact and reality ... if its just a land that you are seeking , Mogadishu admin has the old map of the city match that with your document its not hard sxb.... their are people that where working prior to the civil war it is their job.
  14. I'm pretty sure no one will get denied their rights . sxb nonsense everyone flying in to the capital cashing in their property. just show the document that's all it takes. There are people who are make living helping people find their property. Contact Mogadishu admin sxb Tarzan will personally reach the address.
  15. “Inta Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa la heysto, Gurigiisa la heysto, beertiis la heysto Soomaaliya ma dageyso, waa in laga shaqeeya sidii la isku celin lahaa hantida la kala heysto”ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isku celiyo hantida la kala qaatay, isagoo sheegay in wixii ka dambeeyay 26-kii Janaayo 1991-dii wixii Hanti dowlad ay laheyd ee la bixiyay aan waxba ka jirin, isla markaana hantida dowladda dib loo soo celiyo. Things are changing for the better , Dawlad is uniting the nation , gaining back the public confidence .... No justice s no peace and stability. The intention of this meeting is to restore the confidence of the Somali people in their judicial system
  16. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka, isagoo khudbad xasaasi ah oo dhinacyo badan taabaneysay uu ka jeediyay. Shirweynahan oo ah kii u horeeyay noociisa oo ay dowladda Soomaaliya qabato ayaa waxaa ka qeyb galaya Wakiillo ka socday Maamullada Gobollada Dalka,Gar-yaqaanno,Aqqoonyahanno iyo Culumaa’udiin ka kala yimid Gudaha iyo Dibadda Dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay furitaanka shirka, isagoo sheegay in shirkan uu aas aas u yahay sidii dadka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaan lahaayeen Garsoorka wadanka, maadaama ay cabasho badan horay uga keeneen Muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasoo ay sabab u yihiin daruufaha uu xilligaan wadanka ku suganyahay. Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan uu sidoo kale qeyb ka yahay 15 Shirweyne Qaran oo ay Dowladdu dooneyso inay ku qabato gudaha dalka, isagoo intaasi ku daray in waxyaabaha laga soo saaro Shirkan ay Dowladdu ka go’antahay diyaarna u tahay inay Dhaqangeliso maadaama ay soo saareen Wakiillo matalaya Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay Dalka ka hirgeliso Garsoor Dhab ah oo qaabeysan iyo Siyaasad Deggan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu dhiiradaan inaysan gorgortan ka gelin waxa ay xaq u leeyihiin una adeegsadaan Sharciga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo khudbaddiisa sii wata ayaa ka codsaday ka qeybgaleyaasha Shirweynaha inay booqdaan inta uu socdo Shirweynahan Goobaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha Garsoorka iyo caddaalladda u qaabilsan Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadaha,Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u helaan Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan. “Inta Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa la heysto, Gurigiisa la heysto, beertiis la heysto Soomaaliya ma dageyso, waa in laga shaqeeya sidii la isku celin lahaa hantida la kala heysto”ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isku celiyo hantida la kala qaatay, isagoo sheegay in wixii ka dambeeyay 26-kii Janaayo 1991-dii wixii Hanti dowlad ay laheyd ee la bixiyay aan waxba ka jirin, isla markaana hantida dowladda dib loo soo celiyo. Sidoo kale Masuuliyiintii ka hadashay Furitaanka Shirweynaha oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf,Wasiirka Garsoorka ,arrimaha Diinta iyo Awqaafta C/llaahi abyen Nuur, Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarzan iyo Wasiiru Dowlaha cadaaladda Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa uga Mahadceliyay Madaxweynaha Somalia Go’aanka iyo Fikirka muhiimka ah uu qaatay ee ah in la qabto Shirweyne Heer Qaran ah oo looga arrinsanayo Dib u habeynta Garsoorka Somalia. Sidoo kale waxaa Galabta madasha uu shirka ka socdo lagu soo bandhigay Taariikhda iyo Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Garsoorka Soomaaliya,iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay kamid ahaayeen Sh. Bashiir Axmed Salad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Prof.C/Wahaab oo kamid ah Xubnaha Guddiga Heerka Qaran ee Qabanqaabada Shirweynaha looga tashanayo Garsoorka. Shirweynaha oo socon doona Ilaa 5-April ayaa waxaa qarashaadka ku baxaya bixinaysa Xukuumadda Soomaaliya iyadoo wax kaalmo ah ka heleynin Dowlado Shisheeye ama hay’ado caalami ah. Waa Shirweynihii ugu horreeyay oo ay qabato Dowladda Soomaaliya 22 Sano kadib oo uusan Garsoorka Soomaaliya u shaqeyn sidii loogu talagalay maadaama ay Hay’adihii Garsoorka kamid noqdeen Hay’adihii ka burburay qaranka Soomaaliyeed mudadii ay kala dambeyn la’aantu ka jirtay wadanka. Dhammaad.
  17. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka, isagoo khudbad xasaasi ah oo dhinacyo badan taabaneysay uu ka jeediyay. Shirweynahan oo ah kii u horeeyay noociisa oo ay dowladda Soomaaliya qabato ayaa waxaa ka qeyb galaya Wakiillo ka socday Maamullada Gobollada Dalka,Gar-yaqaanno,Aqqoonyahanno iyo Culumaa’udiin ka kala yimid Gudaha iyo Dibadda Dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay furitaanka shirka, isagoo sheegay in shirkan uu aas aas u yahay sidii dadka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaan lahaayeen Garsoorka wadanka, maadaama ay cabasho badan horay uga keeneen Muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasoo ay sabab u yihiin daruufaha uu xilligaan wadanka ku suganyahay. Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan uu sidoo kale qeyb ka yahay 15 Shirweyne Qaran oo ay Dowladdu dooneyso inay ku qabato gudaha dalka, isagoo intaasi ku daray in waxyaabaha laga soo saaro Shirkan ay Dowladdu ka go’antahay diyaarna u tahay inay Dhaqangeliso maadaama ay soo saareen Wakiillo matalaya Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay Dalka ka hirgeliso Garsoor Dhab ah oo qaabeysan iyo Siyaasad Deggan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu dhiiradaan inaysan gorgortan ka gelin waxa ay xaq u leeyihiin una adeegsadaan Sharciga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo khudbaddiisa sii wata ayaa ka codsaday ka qeybgaleyaasha Shirweynaha inay booqdaan inta uu socdo Shirweynahan Goobaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha Garsoorka iyo caddaalladda u qaabilsan Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadaha,Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u helaan Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan. “Inta Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa la heysto, Gurigiisa la heysto, beertiis la heysto Soomaaliya ma dageyso, waa in laga shaqeeya sidii la isku celin lahaa hantida la kala heysto”ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isku celiyo hantida la kala qaatay, isagoo sheegay in wixii ka dambeeyay 26-kii Janaayo 1991-dii wixii Hanti dowlad ay laheyd ee la bixiyay aan waxba ka jirin, isla markaana hantida dowladda dib loo soo celiyo. Sidoo kale Masuuliyiintii ka hadashay Furitaanka Shirweynaha oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf,Wasiirka Garsoorka ,arrimaha Diinta iyo Awqaafta C/llaahi abyen Nuur, Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarzan iyo Wasiiru Dowlaha cadaaladda Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa uga Mahadceliyay Madaxweynaha Somalia Go’aanka iyo Fikirka muhiimka ah uu qaatay ee ah in la qabto Shirweyne Heer Qaran ah oo looga arrinsanayo Dib u habeynta Garsoorka Somalia. Sidoo kale waxaa Galabta madasha uu shirka ka socdo lagu soo bandhigay Taariikhda iyo Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Garsoorka Soomaaliya,iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay kamid ahaayeen Sh. Bashiir Axmed Salad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Prof.C/Wahaab oo kamid ah Xubnaha Guddiga Heerka Qaran ee Qabanqaabada Shirweynaha looga tashanayo Garsoorka. Shirweynaha oo socon doona Ilaa 5-April ayaa waxaa qarashaadka ku baxaya bixinaysa Xukuumadda Soomaaliya iyadoo wax kaalmo ah ka heleynin Dowlado Shisheeye ama hay’ado caalami ah.
  18. The intention of this meeting is to restore the confidence of the Somali people in their judicial system, Judicial system in our country was neglected by previous governments, but it will be a key priority in my government” said the president in his opening remarks. The five day meeting is attended by judges, law experts, human rights activists, Islamic scholars and civil society members. God Bless this admin
  19. Somalia’s first conference on judicial reforms was launched in Mogadishu, which was one of the key priorities of president Hassan Shiekh Mohamud since he was elected on September last year. He pledged to restructure the country’s institutions including the judicial system. In his launching speech, president Hassan has urged participants to come up with concrete recommendations that can take the country into another level of judicial reliance. “The intention of this meeting is to restore the confidence of the Somali people in their judicial system, Judicial system in our country was neglected by previous governments, but it will be a key priority in my government” said the president in his opening remarks. According to the government this conference will address on key judicial reforms including: “Addressing obstacles the Supreme Court faces, the reformation and development of high court institutions, restoring back law abiding citizenship in the regions under the federal government and ensuring the courts ruled according to the new constitution”. The five day meeting is attended by judges, law experts, human rights activists, Islamic scholars and civil society members. Ahmed Abdisamad, asamad@hiiraan.com
  20. Madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah u furay shirweyne looga tashanayo dib u habeynta Garsoorka Dalka Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay goor-dhaweyd shirweynaha dib u habeynta garsoorka dalka oo socon doona muddo shan maalmood ah, kaasoo looga hadlayo sida ugu habboon ee garsoorka loogu kalsoonaan karo. Xasan Sheekh ayaa khudbad uu meesha ka jeediyay wuxuu sheegay in ujeeddada shirkan loo qabanayo ay tahay in la helo fikrado ku saabsan sidii garsoorka dalka uu u noqon lahaa mid dadka Soomaaliyeed oo ah kalsooni buuxda ku qabaan. “Waxaan doonaynaa in shirkan ay kasoo baxaan qodobbo sababi kara in garsoorka dalka lagu kalsoonaado, waayo garsoorka waa halka uu aadi lahaa qofka cabashada qaba, waxaana loo baahan yahay inuu noqdo mid kalsooni buuxda lagu qabi karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhaqaalaha shirka ku baxaya uu yahay mid ay bixinayso dowladda Soomaaliya oo aan meel kale ka imaan isagoo sheegay xusay in ujeeddaduna ay tahay inay kasoo baxaan shirkan wax ay Soomaalidu leedahay. “Haddii aan innagu wax qabsanno ayaa caalamka dhihi karnaa waxaas ayaa naga dhiman ee ha naloogu daro, balse marka hore waa inaan innagu isku tashanno,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in ergada ka qayb-galaya kulanka ay oo tiradoodu tahay 150 looga baahan yahay inay soo saaraan qodobbo muhiim ah oo ah qaabka ugu habboon ee wax looga bedeli karo garsoorka. “Dowladihii dalka soo maray garsoorkoodu wuxuu ahaa mid aan fadhin, balse innagu waxaan doonaynaa in garsoorkeenna aan sal u yeelno, kana dhigno mid ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ku qanacsan yihiin,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa. Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirarka noocan oo kale ah sii socon doonaan si jilbaha loogu dhigo howlaha xukuumadda, garsoorkuna uu u noqdo mid dadka oo dhan ay ku qanacsan yihiin.
  21. well done to the administration in the Capital. The rule of law will prevail in somalia .......... the justice system and respect for the law is the way of good governance.
  22. Wafdigan ka socday maamulka Puntland ayaa waxaa hogaaminayey General Yuusuf Axmed Kheyr Wasiirudowlaha Sharciga Puntland ayadoo wafdiganna uu ka koobnaa 35 xubnood oo ay ku jiraan qareenno iyo garsoorayaal waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeennada Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalladda.
  23. Wufuudda ka qeybgalaysa shirweynaha Qaran ee ay Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in loo qaban doono dib u habeynta Garsoorka Dalka ayaa kusoo qul quleysa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka. Wufuuddii ugu dambeysay ee ka mid ah xubnaha ka qeybgalaya shirweynaha Dib u habeynta Garsoorka Dalka ee soo gaarta magaalada Muqdisho ayaa waxey ahaayeen wafdi ka socda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxey gelinkii dambe ee maanta kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho. Wafdigan ka socday maamulka Puntland ayaa waxaa hogaaminayey General Yuusuf Axmed Kheyr Wasiirudowlaha Sharciga Puntland ayadoo wafdiganna uu ka koobnaa 35 xubnood oo ay ku jiraan qareenno iyo garsoorayaal waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeennada Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalladda. General Yuusuf Axmed Kheyr oo wafdigan hogaaminayey ayaa saxaafadda u sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin sida loosoo dhaweeyey iyo in lagu casuumay ka qeybgalka shirweynaha dib u habeynta Dastuurka Dalka. Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Garsoorka,Cadaalladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in intabadan ergada ka qeybgalaysa shirweynahan ay yimaadeen magaalada Muqdisho. Maalinnimada berri ah ayaa la filayaa in shirkan uu ka furmo magaalada Muqdisho ayadoo shirweynahan dib u habeynta Garsoorka Dalka oo horey ay Dowladda Federaalka ugu dhawaaqday la filayo inuu si rasmi ah u furo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.