Paragon

Nomads
  • Content Count

    8,464
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Paragon

  1. Caamir: someone comes out of the woodwork claiming to represent one element of the participants of, say, a contemporary conflict. Lol, Caamir. Some woodworks too. Hada waxaa iska daayoo adiga bal car Damala Xagarre cidi wax haka sheegto, aniga ayaaba Abley rag ku buqmo jari lahaa .
  2. ^^^ Adeer, ma waxaad leedahay, chase away the hyena but let it surround you and consume you bit by bit, slowly, little by little .
  3. ^^ Turn around? Nah. I say lets get the few useful ones on our side and destroy the rest. Does that look like a turn around?
  4. As always, I don't think attacking Baydhabo would be productive to anyone. Just like Murad, I've always believed in kuwa Baydhabo jooga wada hadalo lala yeesho. Enough people have died as a result of the last months battle. Moreover, within the TFG there are some useful individuals whom the UIC can make use of.
  5. Talaado, October 24, 2006 - APL Gaalkacyo (AllPuntland)- Culumaa'udiinka gobolka Mudug ayaa saaka salaadii ciidal fidrada ka dib ku dhawaaqay jihaad ka dhan ah Maxkmadaha Muqdisho haddii ay isku dayaan in ay weerar ku soo qaadaan gobolka Mudug. Culumada gobolka Mudug oo ay wajiyadooda ka muuqatay qiiro diineed ayaa dhamaan waxay saaka khudbooyinkii kala duwanaa ee ay ka jeediyeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo si isku mid ah uga hadleen xaalada dalku hadda ku sugan yahay, gaar ahaan waxa ay ugu yeereen dad ajaanib ku adeeganayaan oo magac diimeed ku gabanaya. Sh Ismaaciil Xaashi agaasimaha wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta Puntland ayaa si kulul uga hadlay amuurtaa, waxa uuna ugu baaqay mushtamaca gobolka Mudug in ay u diyaar garoobaan dagaal dhan ka ah Maxkamadaha Muqdisho iyo isbalaarintooda ku aadan xoog wax ku raadinta. Sh. Imaaciil Xaashi wuxuu intaas ku daray in ku dhaaqida Jihaadka ay usoo wakiisheen culumaa'udiinka Ehlu-suna Wal-jamiica ee gobolka Mudug. Hadaladaas Aggaasimaha ayaa waxay ahaayeen kuwo ay dadkii halkaas iskugu yimid aad ugu riyaaqsanayeen isla markaasna siddii dad codeynaya hal mar gacmaha kor u taageen ayagoo ku dhawaaqaya kalimada "Allaahu Akbar", iyo "Jihaadu Fiisabiili Laah" Agaasimaha oo kaliya ma ahayn culuamada maanta halkaasi ka hadashay, balse waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay isla markaasna Jihaad ku dhawaaqay culumaadu'udiin ay ka mid yihiin Sh. Cabdullaahi Dayib, Sh. C/raxmaan Salaad (Qoordheere) iyo culumo kale oo aad u tiro badan. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug Md. C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay inuu shacabkiisa ka difaaco cadow kasta oo dibadda ka soo weerara, iyo mid dalka gudihiisa ka soo baxaba. Md. Dhuubane wuxuu intaas ku daray in maamulkiisu raali ka yahay Jihaadka ay culumadu ku dhawaaqeen, isla markaasna lagu arki doono dooxada gobolka Mudug maydka in badan oo ka mid ah waxa uu ugu yeeray nimanka magaca diimeed sheegta haddana caadeystay cabidda dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Isku soo wadada duuboo khudbadahan xasaasiga ah ee maanta laga jeediyey garoonka kubadda cagta ee Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay yihiin khudbooyin siweyn looga hadal hayo dhamaan goobaha ay dadku iskugu yimaadaan, ayadoo ay maantana tahay maalin fasaxa, oo dhamaan dadku ismar xabeynayaan. AAA Gentleman AllPuntland
  6. Ciidamada Golaha Maxaakimta oo Daynuunaay u jirsaday illaa 13km iyadoo wax dagaal ahna aanu weli dhicin. Buurhakaba, 24-October-06 ( Qaadisiya.com) Ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku sii siqaya magaalada Baydhabo ee xarunta dawladda kmg,waxa ayna haatan ku sugan yihiin goob 13-km oo qura u jirta magaalada Baydhabo gaar ahaan halka loo yaqaano Daynuunaay, xilli dadka reer Baydhabo ay dhararayaan goorta maxkamaduhu ay la wareegayaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidamada Tikreega ayaa isaga cararaya gobollada Bay iyo Bakool kadib markii ay ku adkaatay nidaamka Meles Zenawi mar qura in ciidamadiisa dagaal ay la galaan mujaahidiinta Soomaaliyeed, ciidamada Eritrea oo soo buuxiyay xadka ay la wadaagaan dalkaasi iyo waliba qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkaasi oo ku kacsan nidaamka dictator-ka ee uu majaraha u hayo Tikreega tirade yar. Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq xoogan uu ka socdo magaalada Baydhabo,kaasoo ay wadaan masuuliyiinta dawladda kmg oo taladu ay ka walaacsan tahay. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shuurada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Dr Cumar Iimaan Abu Bakar ayaa sheegay in aaney ka hari doonin qolyaha ku soo duulay magaalada Buurhakaba,isagoo xusay in haatan wixii ka danbeeya aaney dhici doonin in lagu ciyaaro amniga magaalada Buurhakaba. Ma cadda in ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ay ku duuli doonaan magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah dawladda kmg oo haatan waan waan kula jirta golaha maxkamadaha,laguna ballansan yahay in labada dhinac ay kulmaan 30-ka bishan aanu ku jirno. Ra'iisal wasaaraha xukuumada meel ku gaarka Cali Maxamed Geedi oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in qal qal weyn uu soo food saaray masuuliyiinta dawladda,waxa uuna eedeyn u jeediyay golaha maxkamadaha islaamiga oo uu sheegay in ay wadaan dhul ballaarsi. ----- Ciidamada Dowladda Federaalka oo ka diiday Saraakiishooda in ay ladagaalamaan Kuwa Maxaakimta. Baydhabo, 24-October-06 ( Qaadisiya.com) Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Saraakiisha ugu sar sareysa ee Ciidamada Dowladda Federaalka ay isku diyaarinayaan in ay dagaal la galaan Ciidamada Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ee iyagu ku wajahan Magaalada baydhabo. Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka oo diyaariyay Ciidamada Dowladda ayaa markii dambe ku wargeliyay in ay u dhaqaaqi doonaan Dhanka daynuunaay oo laga cabsi qabo in Ciidamo katirsan Golaha Maxaakimtu ay halkaasi kasoo galaan. Ciidamadii Dowladda ayaa mar qura ku qeyliyay Saraakiishii ku amreysay in dagaalka ay ka qeyb qaataan iyagoo ka codsaday in Dagaalka aanan la geynin haddii la isku dayo in lagu qasbana ay isku dhiibi doonaan Maxaakimta. Naxdin ayaa durba waxa ay kudhacday Wadnaha Saraakiishii Ciidamadaasi hageysay hayeeshee ku hungowday in ay u soo kaxeeyaan Dhanka daynuunaay, waxaana Ciidamada lasoo marin habaabinayo ay ka naxsan yihiin Ragga kusoo fooleh oo iyagu Meel waliba oo ay aadaan Allaah Idinkii ku guuleysta. Arrintani oo Shabkadda Islaamiga ah ee Qaadisiya uu u cadeeyay Mid kamid ah Shaqaalaha Mas'uuliyiinta ugu sar sareysa ee Dowladda Federaalka oo codsaday in Magaciisu aanan soo bandhigin sababo dhinaca Ammaanka iyo Xogta oo gaaban doonta Awgeed. Mas'uukani ayaa sheegay in markii ay dhacday Arrintaasi ay ku taliyeen Saraakiisha Itoobiyaanka ee kusugan Gudaha Magaalada baydhabo in Ciidamada Itoobiyaanka la horumariyo kuwa Soomaaliduna hadhow ay noqdaan Gurmad, waxaana arrintaasi isla ansixiyay Saraakiishii Dhinaca Ammaanka u qaabilsaneyd Dowladda Federaalka iyo kuwa Tikreega ah ee Baydhabo kusugan. Ciidamada Tikreega ah ayaa lagu wadaa Saacadaha Soo socda in ay u soo dhaqaajiyaan Dhanka Waddo dheer oo u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo Degmada buurhakaba, halkaasi oo ay ka geli doonaan un Difaac sida Qaadisiya loo xaqiijiyay, wixii kusoo kordha lasoco Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya.
  7. ^^ Sayidka maya sxb, Gabyow iyo Bililiqo ayaanse la kulmey. Sxb, Insha-Allaah waan soo guurin doonaa sheekadaa- actually waa inaan halkaa dood-wadaag ku sheekeeysanaa marka dhow wixii ka bilowdo. PS; wiilasha waxey ahaayeen Tuur-Cade.
  8. OLOL; I knew you would get to the bottom of this fraud pictures. I saw it and It really made my day - laughed so hard. nuune, lol. Waayo waayo. Hada ka hor anoo dhoobleey jooga ayaa waxaan is raacney dhallin yaryar oo kale tagneyna birta-dheer xuduudka (xaarxaarka). Waxaan hubaa inaad soo martey xadka. Sidaad ogtahay jaadka wuxuu ahaa ka mamnuuc in xaduudka Soomaaliya lala galo, marka inta aan xadhka loo gudbin ayaan xaajiyo-qamsiinyada iyo siteeyda, kalabareso-d lagaga degi jirey. Meesha waxaa ku degi jirey rag taqsiin utaagan tahay iyo haweeneeyda jaadka gada- markaa ka dib ayaan Dhoobleey lug loogu geli jirey. Isla meeshaas kama foga Dhoobleey marka dadka reer Dhoobleey ayaa inta yimaadaan ka gadan jirey jaadka. Askarta Soomaaliya marmarka qaarkood ayeey soo weerari jireen meesha si ay ama u kala eryaan jaadleyda, ama laaluush uga qaataan. Mararka qaarna Tareeso ayey cirka u gami jireen. Anaga marka iyagaan iska dhigi jirney (waa around late 80s). Baaruud (waa taqaan sida loo sameeyo ayan malayn) kabriit ku cabeyna oo aan haweenka usoo dhuumano ayan naxdin uga didin jirtey jaadkii ay gadayeen. Inta badan waan ku guuleeysan jirney balse maalintii dambe wey na barteen... rag askarta ka tirsan oo ay is yaqaanaan ayey u yeerteen qoryihiina Go'yahoodii daauuska ahaa ayey ku qarsadeen. Inaguna waxaan soo yaacnaba, mar allaallo iyo markaan Baruud ooda ooga qaadney haweenkii ayaa Baas Saar Sideed iyo Faal nalagu furey! Kabtey meeday ayaa meesha ka dhacdey ...fiiggaan fiigney waxaan galney lag-dheeraa. Dhulka waa abaar, biyo maleh cuntana warkeeda daa. Inaguna oon iyo gaajo ayuu beerka nala cadaadey. Waxaan sameyno markaan garan-weyney ayaa waxaan isku af-garasho in aan bal ugaarsano Cawl (ama Cawleey Bar-cad). Leeb iyo qaanso ayaa loo baahdey - aniguna waxaan iri Meyran hala ii keeno, ul Mareer ah iyo mid Baanyo ah. Waxaan Meyrab daboba qaanso iyo leeb ayaan meesha ka soo saarey markaasaan weliba Ciin dhecaankii mariyey oo aan weliba Leebkii Dhamaajo ku Baalley. Wiil aan saaxiib ahayn oo aabihii tumaal ahaa ayaaba ugu darnaa markuu yiri leebka Mariid badan ayuu u baahan yahaye Mulac halagu tijaabiyo ama Wala Wala Sandheer . Rageedi iga dheh. Calaa kulli xaal, anigu waxaan iri Cawsha naga daaya oo Dagiirantaas Illaaheey ku siiga ah aan raacdeysano illeen Dagiiran sida la sheego haduu 3 jeer buubo mar afaraad ma buubo e wuuna dhakhso daalaaye! Waa layga diidey taladeydii, markaasaa la yiri waa inoo Cawsha Caliyow. Wiilasha waxey Cawsha ku arkeen ayaan garan waayey - mar dambe ayaan ogaadeey sababta. Intooda badan waxey ahaayeen Cawlyahan . Waxaan maqli jirey iyagoo ku heesa 'Cawleey bari-cad, Cawlyahan ka carar, Cido baas u carar'. Illeen raga ciil waarey ayeyba miskiinta u qabaan anna gaajo ayaan qabaa. Maalintiiyoo dhan bey daba ordaayeen...intii yareydii tabarta ahaydna uga dhamaantey. Aniga isma waalin oo geed Abaq ah iska hoos seexdey. Mar allaale iyo markey soo noogeen ayey igu ag dheceen iyagoo waxa Xanan, Sarmaan iyo gumar soo xagtey aad la yaabeysid. Markaasaan iri, 'nimanyahow wax iga maqla, aniga Sagaaraan sirqin u dhiganaya ee hadaad rabtaan inaad ila cuntaad qoryo dabka lagu shigo soo urursha'. 'Nacam' bey igu yiraahdeen'. Anna dabintaan dhigtey Alla iima calfin. Illaaheey mahadii laba odey oo Geelleey ah ayuu tusey, balse maxaa ka dambeeyey..odeyaashii waxey nagu yiraahdeen reerka kobtan dhow degan ee na keena! Lool, 3 hours markaan lugeyneyney ayaa aniga Gacandhi dacaska iiga soo gudubtey.. 'reerka waa kobtan, geedahan gadaashooda sidey u lahaayeen ayeen wiilashii kalena ku sanifeen oo odeyashaa buraashadahooda ku qabsadeen! Xoog been isku waraabiyeen. Markaaseey anna iga waraabiyeen. Markeey nafta nagusoo noqotey ayaan is niri bal ugaarsada hada . Waataan Goroyo aad moodo in eyan dheerayn iska daba-dhiganey lol. Alla bahashu sir banadaa! 17 hours ayaan duur un ku jirney, oo aan jaha wareersanayn. Illaa naloo soo raadiyey oo nala heley habeen barkii. Marka sheekadaa waxaan ka wadaa, hilbahaas aad ku cuntey Qooqaani iyo Taabdo ma aha kuwa leeb lagu ugaarsadey ee la soco; waa kuwo rasaas lagu diley umana maleynayo in ay u macaan yihiin kuwa leebta lagu liishaamey - in kasta liishaanka xeelad u baahan yahay.
  9. ^^ Lol. Bu'ale ninkii ka fooriya, Salagle ayaa 'war hurdada hanaga kicin laga yiraahdaa', marka labada meel sidaas ayaan u malaynayaa ineey isaga dhowyihiin. Nuune waa gartii in uu cidiya ruugo illeen bowkiisa ayey ragi dambaaburo isku moolaalinayaane . Horn, haye, khadkan Direct to Barre staffkiisa aad la leedahay bal wareyso si ay noogu sheegaan xaalku siduu yahay . We are all ears!
  10. Originally posted by nuune: Tusbaxaa idiley sida loo heesto, sida sunnada ah ee loo fadhiisto ayaaban la sii yaabanahay, cimaamadaa waxaas dhan been tiri, khamiiskaa ka darey oo yiri kuligiin meel wada fadhiista. Daaxuur buu u egyahay luqunta siduu u godey Lol, nuune. I can't remember the last time I heard Daaxuur, Xoor iyo Curri - reer-Waamo asli ah inaad tahay ayaad sheegtay sxb.
  11. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh C/laahi Yuusuf Axmed oo Maanta kaqeybgalay tukashada salaadii Ciidulfidriga oo kadhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa umada islaamka Gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Ciida Soonfureed isagoo sheegay inuu talo odaynimo usoo jeedinayo Umadda Soomaaliyeed isagoo yiri Qori caaradiis Cidna guul ku gaari meyso 16sanadood ayeyna shacabka Soomaaliyeed Dagaal kasoo daaleen. Madaxweynaha oo tukashada salaada kalaqeybgalay Raisalwasaaraha,wasiiro,Xildhibaano,Culumaa'udiin iyo martisharaf kale ayaa Muujiyey sida loogu baahan yahay ala kacabsi iyo in laga fogaado wax ksta oo qatar ku ah Nolosha shacabka Soomaaliyeed,waxa uuna kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed iney joojiyaan Dagaalada lagasoo daalay 16ka sanadood. Munaasabadaasi waxaa kaloo kahadlay Wasiirka koowaad ee Xukuumada Soomaaliya prof Cali maxamed Geedi,qaar katirsan Culimada Deegaanka iyo Xubno kale oo madaxweynaha iyo xukuumadaba ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciida, iyadoo halkaasi lagusoo bandhigay waxyaabo lagu maam,uusayo Ciida barakeysan ee Ciidulfidriga oo maanta ku beegan. Cabdilaahi Hilowle Idamaale News,Muqdisho Maasha-Allaah ....Sheikh Cabdullaahi, Illaahoow u siyaadi, mardhowna wadaadada ku soo biiri!
  12. ^^ joker nuune, gartey sxb. Aniguba sida aan war ku maqley khadka waa uu xun yahay!
  13. Originally posted by HornAfrique: ^Bu'aale inagaa la hadalnay, adigu ha is ceebeen. War Adeer Horn, iswareysigu ma xumee, sidee baad ula hadashey Bu'ale waatan nalagu yiri hawadiiba wey ka maqantahaye! Belo!
  14. ^^ Puntland postka quruxdeeda fiirso oo ku ciid waaye nooh!
  15. ^^ Libaax, if this news is true, I would believe one sarkaal is enough for Sahan. But two in one Sahan would not be found advisable by Barre whom I assumed to be a tactician of some sort. The reason why I believe he won't send two of his top Saraakiil, is the idea of minimalization of loss. I don't know, actually now many people outside the area of the battle don't know much about what took place: maybe Barre could have sent these two saraakiishan for Sahan, but logically thinking, one sarkaal would be enough, so what what brought two top saraakiil of Barre in one place must be big; namely, a all-out battle. [EDIT]Libaax, read this. Even more extreme report from Snet? Mohamed Abdi Farah (SomaliNet) The militia commander of Juba Valley Alliance has been captured and slain by Islamist militia in today’s battle around the outskirt of Bu’ale city, the capital of middle Juba region in southern Somalia. Sources close to Islamic Courts in Mogadishu claimed. Colonel Abdulahi Ismael known as ‘Fara-tag’ was caught at the frontline of the war by Islamists and then he was taken to Bu’ale city where he was reported to have been knifed to death by Islamic Courts. Before been killed, Col. Ismael Fara-tag who was leading the JVA militia fought with Islamists near Bu’ale city was reportedly to have been defeated in the battle and lost his militia on field. The whereabouts of Bare Hirale, Somali defense minister and leader of JVA who was also among the commanders at the war zone is unknown yet after being defeated in the combat. All the battlewagons seized by the Islamists were said to have stuck in mud after rains there. It is also being reported that there have been deaths and injures resulted from the clashes but there is no exact number of casualties. Earlier, Islamic Courts confirmed that they had captured 22 war vehicles from Juba Valley Alliance at Bu’ale area where heavy gun battle raged whole day with both sides exerted all sorts of weapons. Islamic officials told the reporters in Mogadishu that they captured prisons of war from the opposed militia loyal to government defense minister Bare Hirale whose ambition was to retake the strategic port city of Kismayu in southern Somalia which is now under the authority of Islamic Courts. Today’s fight in which the Islamic Courts gained the victory over JVA militia was an other harsh blow to unsteady transitional federal government based in Baidoa city 240km southwest of the Somalia capital Mogadishu.
  16. nuune, I can understand your frustrations sxb. These days, these websites are ahead of independent news sources such as reuters or AP. Sometimes, websites such as AllAfrica actually get their newsfeed from Shabelle, so some of the happenings could mistakingly get misreported. Now about this particular war in Bu'ale, here is what MarkaCadeey says: Golaha Maxaakiimta islaamka oo si rasmi ah u xaqiijiyay in ay guulo ka gaareen dagaalkii Bu'aale ka dhacay. Published: 22 October, 2006 15:36 Qaar kamid ah Masuuliyiinta Maxaakiimta islaamka ayaa xaqiijiyay in ciidankooda ay guulo kasoo hooyeen dagaal qaraar oo maanta Ciidankooda ay kula galeen degmada Bu’aale Ciidamo taabacsan Wasiirka Gaashaan Dhigga dowladda FS. Masuuliyiinta Maxaakiimta eek u sugan goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saanad Milatari oo aad u fara badan,iyo saraakiil katirsan Ciidamada Barre Hiiraale. Masuul katirsan Maxaakiimta oo aanu la xiriirnay ayaa arin amaan darted waxaa uu u codsaday in aan magaciisa la shaacin,waxaana masuulkaasi uu xaqiijiyay in ay hayaan C/laahi Fartaag oo kamid ahaa abaan duuliyayaasha dagaalka ee wasiirka Gaashaan dhigagga. Guud ahaan waxaa ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maxaakiimta in haatan xaaladda ay degan tahay isla markaan deegaanka saakow oo ahaa halkii laga abaabulayay ciidamada Hiiraale ay iyagu heystaan . Masuuliyiintaasi ayaa ka gaabsaday sida ay ka yeeli doonaan qaar kamid ah saraakiisha Wasiirka Gaashaan Dhigga dowladda FS oo ay xaqiijiyeen in ay ku qabteen dagaalka. Saraakiisha ayaa waxaa kamid ah Deeq Ciise iyo C/laahi Fartaag oo labaduba kamid ahaa hogaanada Ciidamada Hiiraale ee saakay dagaalka soo qaaday,waxaana masuuliyiinta ay sidoo kale ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xaaladda Caafimaad ee labadaasi sarkaal. Waxaa aad u adag in lala xiriiro dhinacyada ka madax banaan labada dhinac eek u sugan degmada Bu’aale maadaam Isgaarsiinta magaalada ay tahay mid aad u liidata,waxaana sidoo kale hakad ku jirta isu socodka gaadiidka magaalada kadib markii Roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay. Jibriil Nuur Alghamidi Xafiiska MarkaCadey Muqidisho - Somalia news@markacadey.net
  17. Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa maamul cusub u sameeyay magaalada Jowhar, ka dib markii maanta la kala direy maamulkii hore ee gobolka Sh/dhexe. Ptd Oct. 22, 2006 AllGedo
  18. Why some of the Somalis are slaves in their own country? By: Abaay Faama Eenow. One should be wondering how a Maay or Jarreer-weyne or any of the others so called Others became low-class citizens or refugees within their own Country surviving the stunning violence, poverty, lack of education, trauma, oppression they live under, and what it would take for the world to see and recognize how their sufferings and plight is directly connected to the actions, past and present of Tribe X and Tribe Y who have given themselves the world a plenty of airtime to promote their agenda of land expansionism policy in a legitimate well-orchestrated propaganda that is going smooth and unchallenged !!. There is always about fiction civil war propaganda in the World media and when in actuality is a declaration call for genocide against the unarmed Somali Maay population, vs. the well equipped SRRC Ethiopian backed and USC Arab backed Groups, that no one minds to see again and again as the haunted starvation pictures coming back as another East African event caused by the unending continuous civil war! Whose Civil-War? And for Gods sake what civil war? As the Tribe X and Tribe Y each fully aware their endless mischievous works in which repeating itself as a good cause for their own clan that will pass once again unnoticed with lots of contracts and money to gain from, war means money was always the case of Somali aggression. Again despite the terrifying pictures we’ve seen in 1992 -1993, they do not see it as a crime against humanity but see themselves as a good planners who are being rewarded by their legitimate reserved rights to govern over the unarmed subjects whom they consider an inferior ethnic groups, and on their behalf can work together with the international community to receive Aid packages after they starve them to death. Their ideology reminds me back in 1992 when a Somali-Canadian women from Toronto at CBC TV. Who belong to Tribe Y Clan related to the current President of Somalia Abdullahi Yusuf described Canada as a stolen Country. It is common among themselves that say; ‘the strong is permitted to steal the poor’. And we are stealing one for ourselves. They have good skills in telling fiction stories in a ways that international community convincing them how humane they are for these helpless people whom they pretend to be one of their own, when in reality they don’t even speak the same language. They may look alike for the Arab, other African or White-man but everything else differentiates them as a two separate nation..... Again we are compelled to follow their agenda and the miracle of their newly acquired wealth and power in the past 46 years, in addition we are deprived of wealth and education and can’t match their skill to market their newly packages of history and clan settlements in Somalia advanced by airlifting thousands of them as well as using a sophisticated modern weaponry system to push and eliminate the indigenous people from certain areas. While able to provide certain indigenous people that will endorse their agendas, traitors who are willing to sell their peoples cause for money and government positions. ---> Finish reading the rest of the article. In one of her beautifully written and well-thought artilce, Abaay Faamo, opines one very crucial paragragh, which I will reproduce below. She writes: Abaay Faamo: The Somali Maay Populations plea for help was never legitimate or a matter worthy of discussion as the nomadic invaders always brandishing them as a virulent and intolerant nationalism sweltering from a peaceful land, when in reality there was no peace for the past 46 years of killings, rape, lootings, land grapping, and every abusive action ever existed. See and compare to Somaliland! Isn't it really time we faced our Nomadic deamons and have an honest debate about the matters raised in the above article? I know Abaay Faamo makes some bizare accusations such as where she claims the atrocities of these Nomadic Invaders are unheard by the international community, "...because the work is always done covert and discreet. Their missions are always perfected and agreed upon both sides not to leak details or nature of the facts informative reports relating the ethnic cleansing of the Somali Maay population to their media outlets." But other than that, she makes good and true points which require sensible and honest debate. So has the time arrived? * Emphasis and Italics mine.
  19. Horn, Adeer, waad ogtahay in aan anti ku ahaa Gedonet intey sheekada Kismayo soo baxdey.
  20. ^^Muraad, lol. I know I know. Very unusual to call Gedonet balanced. But at this time, and compared to Qaadisiya, Godenews and Somaliwide, it has at least touched on both sides of the story, which is as far as I am concerned fair. PS; check it for yourself.
  21. ^^ I actually checked Gedonet and their coverage seems balanced. At least they have printed (on screen that is) reports of claims from both sides. Fair enough. PS: Why did the Barre camp deny the war, horn. Care to enlighten us on the purpose behind it?
  22. Juje, sxb something id amiss. I'd be cautious to believe in the reports coming from Bu'ale. There seem to be a large scale propaganda campaign from both camps. And although I have support for the UIC, I think they are spicing up the reports for our consumption. Likewise, the Barre camp is not innocent of such propaganda - however after listening to an interview in Halgan.net, I have my doubts whether the UIC are telling us the whole story. The man being interviewed, who is in Kismayo, seems well unaware of the happenings in Bu'ale.