Paragon

Nomads
  • Content Count

    8,464
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Paragon

  1. Maamul Beeleed Islaami Ah oo looga dhawaaqay magaalada Laascaanood (Daawo Sawirada) Warkii 09-Nov-2006 iyo Qormadii: c/qaadir gaabuush Waxaa lagaga dhawaaqay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool Maamul beeleed sida la sheegay ku salaysan shareecada islaamka , Maamulkaas oo ay samaysteen beel ka mid ah beel waynta beelaha ............ Beesha Bah-------- oo ka mid ah beelaha *********** ayaa shalay kaga dhawaaqday magaalada laascaanood maamul islaami ah maamulkaas oo ay sheegeen inuu diinta islaamka ku dhaqi doono qofka kasta oo beesha ka mid ah .. ----- Due to SOL restriction, I cannot post the rest of the article, however, I would post the photographs content in the article. Read the complete article in Afnugaal.com
  2. ^^Lol. Che, I wouldn't be surprised. Sakhar wuxuu is leeyahay make it seem like a joke - laakiin isagoo sidii former Iraqi foregin ministerka leh 'courts? they are no courts, where, show me? These are lies, lies' in uu daadku qaadi doono.
  3. Maxkamad islaami ah oo lagaga dhawaaqay Qooqaani Mogadishu 09, Nov.06 ( Sh.M.Network) Maxkamad islaami ah ayaa lagaga dhawaaqay deegaanka Qooqaani ee gobolka J/hoose, Maxkamadaasi oo hoos-imaaneysa Midowga maxkamadaha islaamka Somalia. Maxkamaddaan oo loogu magac daray maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee deegaanka Qooqaani ayaa munaasabadii lagu furayay waxaa ka qeybgalay culuma udiin iyo waxgarad aad u fara badan sida uu shabelle u sheegay Gen. Sacad oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxkamadda islaamiga ee Dhoobleey. Waa maxkamadii labaad oo laga furo muddo labo todobaad gudahooda deegaanada Jubada hoose, iyadoo Sheekh Xasan Turki uu maxkamad islaami ah horey uga furey deegaanka Hoosibgow. Tirada maxkamadaha islaamiga ee laga furey K/Somalia tan iyo markii maxkamadaha islaamka ay qabsadeen caasimada Somalia ayaa waxa ay ka badan yihiin 30 meeyo Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  4. , You know Puntland has become a dictatorship these days! It is a shame that Puntlanders have to go to Mogadishu to speak out! That is how bad things are for them .
  5. Bayaan ay soo saareen jaaliyadda beesha --------- ------- ee ku nool Bariga Dhexe [Visit ALLGEDO to get the full information of the sub-clans mentioned in this article] Waxaan anagoo ku hadlayna jaaliyadda beesha ------- ee ku nool Bariga Dhexe aan halkaan ku cadaynaynaa Bayaankan hoose kaddib markii ay beshu ku yeelatay Magaalada Sanca ee Dalka Yemen kulan aad u balaaran oo ay kasoo Qaybgaleen; Aqoonyahano, Indheergarad, Culumaa'udiin, Dhalinyaro, Haween. Kulankaas waxaa ay beeshu uga hadlaysay isbadalka baaxada weyn ee ka dhacaya Wadanka Soomaaliya Qaas ahaan, iyo Guud ahaanna Geeska Afrika; Kulankaas waxaa kasoo Baxay Bayaankan soo Socda: 1- Jaaliyaddu waxay si aad ah ugu Bogtay Horumarka iyo Waxqabadka dege deg ah ee ay iskood ugu dhaqaaqeen Midowga Maxaakimta Sharciga ah. Taasoo ay ugu horeyso Dacwada ay ugu yeerayaan ku dhaqanka iyo Dabaqida Shareecadda Islaamka. 2- Jaaliyaddu waxay sidoo kale aad ugu dheeraatay sida muuqata ee ay maxaakimtu uga go'an tahay inay Ku soo rogaan Ummadda Soomaaliyeed, Nidaam ku dhisan Cadaalad, Sinaan, iyo waxwadaqabsi. 3- Jaaliyaddu waxay u aragtay inay Maslaxadda Beeshe ay Matasho ay ku Jirto Nooleeynta iyo U gargaarida Shareecadda Islaamka. 4- Jaaliyaadu waxay ugu Baaqaysaa Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Beelweynta ---, Qaas Ahaanna Beesha ------- inay qaataan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka ee Beeshu ---- Hormuudka u ahaan jirtay. 5- Jaaliyaeddu waxay Si aad ah uga xun tahay, oo ay u canbaareynaysaa Xasuuuqii loogaystay Dhalinyaradii Maatada ahayd ee lagu laayay Degmadda Bu'aale, waxayna ugu baaqaysaa Maxkamdaha Jubooyinka, qaas ahaan Taliyaha Ciidammada Amniga Jubooyinka in si deg deg ah wax uga qabto, loo horkeeno Danbiilayaashii ka danbeeyay Xasuuqaas arxan darada ahaa Cadaalada Horteeda. 6- Jaaliyaddu waxay uga digaysaa wadamada faraha kula jira arimaha Soomaaliya inay faraha kala baxaan oo ay u daayaan shacabka Soomaaliyed, oo ah "ahlu Xal Wal Caqdi" inay arimahooda xaliyaan. 7- Waxay jaaliyaddu ugu baaqaysa Beesh ------- ee Ku sugan Gudaha iyo Dibadaba in ay Taageeraan Maxaakimta Islaamiga ah oo ay Jaaliyaddu u aragto inay tahay Muraayadda kaliya ee ay Beeshu ka dhex arki karto Maslaxadeeda iyo Maslaxadda Guud ee Ummadda Soomaliyeed. 8- Waxay Jaaliyadu ugu danbeyn ku boorinaysaa Maxaakimta Islaamiga ah inaysan ka leexan dowga lawada Yaqaan ee sharciga ah, ee Cadaalad, Horumar iyo Barwaaqaba u Horseedi kara Shacabka Soomaliyeed ee La ildarnaa Lix iyo Tobankii Sano ee lasoo Dhaafay Aaafooyin, iyo Mixnaddo aan lasoo Koobi Karin.
  6. Xubno ka soo jeeda gobolada Bari oo ugu baaqay shacabka iyo culumaa'udiinka Puntland inay qaataan Kitaabka ALLE. War saxaafadeed ay soo saareen Suldaan Siciid Cartan oo ka mid ah isimada ka soo jeeda gobolada Bari iyo siyaasiga Axmed Siciid Colaad ayay kaga hadleen xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaana xaaladaha gobolada Putnland. Warsaxaafeedkan ayay xubnahani baaq ugu jeediyeen shacabka, culimada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Puntland iyagoo ugu baaqay inay qaataan Kitaabka ALLE, isla markaana ay ku dhaqmaan shareecada islaamka. “Waaga baryay iyo habeenka dumay Puntland waxay aheyd qabiilo isu tegay oo isku darsaday maamul oo loogu magacdaray (Puntland) dhismaheeduna wuxuu jiraa 9-sano sidaasna waa loogu liibaanay, iyadoo la helay maamul, nabadgelyo illaa xad ah, inkastoo ay jirtay dulmi badan iyo xaq daro iyo xaqiraad iyo qabiileysi ay u gaartahay mas'uuliyiinta sare, tusaale ahaan gobolka Karkaar waxaa wada dega 6 qabiil maamulkeeda iyo golaheeda deegaanka waxaa qaatay hal qabiil, inta kalena waa la qadiyay, degmada Beylana waxaa dega 8 qabiil waxaa maamulkeedii iyo goleheedii deegaanka wada qaatay hal qabiil oo ah kii qaatay gobolka Karkaar, haddii ay dacwoodeena qabiiladii la qadiyay una dacwoodeen maamulkii sare waxaa loogu jawaabay “Waxaad ku buro sidaan inaad deganaatiin oo xooluhu idiin daaqaan, wax mansab ah la idinma siin karo”, dadka jooga Puntalnd waxay u qeybsan yihiin qaar la canshuuro iyo qaar kale oo lagu quudiyo, dulligaasi waxaa looga bixi karaa in la qaato Kitaabka ALLE, iyo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo sunnada nebiga (CSW) si loo helo nolol iyo naxariista eebe kitaabuna waa Dastuurkii ILLAAHEY u soo dejiyay muslinka waana in la isku xakumaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo sidoo kale lagu xusay. “WAMAN LAM YAXKUM BIMAA ANZALALAAHU FA'ULAA'IKA HUMU DAALIMUUN, ALLAAHU AKBAR, waxaa loogu baaqayaa culimaa'udiinka Puntland wixii ALLE baray inay dadka u sheegaan una sheegaan shareecada islaamka ku dhaqankeeda, EEBE waa idin su'aali doonaa wixii uu idin baray oo aydnaan ku dhaqmin kuna dhaqin dadka. “YACLAMUUNA MAALAA YAFCALUUN, ALLAAHU AKBAR” wabillaahi Towfiiq. Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini), Muqdisho, Somalia diinicadde@hotmial.com
  7. Culumaa’udiinka Gobolka Sanaag oo ku Baaqay in la taageero Kacdoon diinmeedka koofurta Soomaaliya. Mudo dhowr todobaad ah ayaa waxaa soo if-baxay Deegaano badan oo ka tirsan gobolada Puntland iyo taageeradooda ku iilan dhanka Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka amriya haatan koonfurta Soomaaliya. Gobolada lagu taageerey maxkamadaha iyo howlaha ay ka qabteen koofurta Soomaaliya ayaa waxaa balki u ah Mudug, Sool, Cayn, Nuugaal, iyo shacbiga gobolka Sanaag oo u arkey soobixitaanka maamulka maxkamada, mid u ah nasri umada Soomaaliyeed oo goolaaftameysay mudo lix iyo tobon sanadood ah. Ugu yaraan afar degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag “Dhahar, Badhan, Laasqorey, Ceerigaabo, iyo Xingalool” ayaa culumaa’udiinkooda kulmay dhowr jeer bishii aynu soo dhaafney ee Octoobar, kulankaas oo kasoo baxay in la taageero culumaa’udiinka Soomaaliyeed. Maanta salaada duhur kadib ayaa culumaa’udiinka degmada Dhahar waxay ugu baaqeen umada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Sanaag in ay taageeraan dhalashada Maxkamada diiniga ah. Bilihii lasoo dhaafay mar lagu xirey sheekh Maxamed Ismaaciil magaalada Hargeysa ayaa waxay culumaa'udiinka Gobolka Sanaag ku muujiyeen dareenkooda mudaaraadyo isdaba joog ah oo ka dhacay dhamaan daafaha gobolka, mudaaharaadyadaas oo ay ku soo sheegeen in ay taageersanyihiin maxkamadaha diiniga ah. Mar aanu wax ka weydiiney ganacsade u dhashay gobolka Sanaag oo lagu magacaabo Maxamed Tafare Coof iyo sida uu arko Hadalka Culumada gobolka Sanaag, ayaa wuxuu noogu jawaabay “Dadka Soomaaliyeed way kala tafaraaruqeen, waxayna u baahanyihiin hogaan ka duwan kuwii hore loo soo dhisay ama u jirey, waxaana u arkaa in Culumaa’udiinku ay wax ka badali doonaan umada Soomaaliyeed oo colaad iyo burbur ku habsaday”. Axmed Salaad Cumar Dhahar.com
  8. Lol, Che. Cyber Court, . Very promising, no technicals involved with physical safety guaranteed. Libaax; I don't think clan names were used intentionally to break the site's rule but ofcourse the initial article did contain a mentioning of one beel. Sakhar, you spoilt it for us man. You went about mentioning names man!
  9. ^^ che-lol. , I shall apogolize for the offense sxb, on behalf of all. Xaal qaado! Adeer Beelahanaga maba lagu dhex sheegi karo SOL, so ma ogid?
  10. Well, an earlier topic of the same title simply vanished without a trace. I have no idea why it disappeared. I am hoping it has something to do with the mentioning of clan names within the article. Having that in mind I omitted the clan references and I am reposting it. I am also hoping contributors would not mention clan names to avoid deletion. ------ Dad lagu xir-xirey Galkacayo 8 Nov 8, 2006, 08:34 Ugu yaraan dhawr iyo toban qof ayaa lagu xiray Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunt Gobolka Mudug kadib Markii ay sheegeen in ay taageersan yihin Maxkamadaha. Ciidamada Dawlada Puntland iyo dad taageersan Dawlada ayaa maanta weerar ku qaaday meherado lagu tuhusan yahay in ay joogaan dadka taageersan Maxkamadaha halkaas oo laga soo qabqabtay dad gaaraya tobaneeyo. Magaaladda Galkacyo oo dhawaan looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah ayaa keentay in Madaxweynaha DGPL iyo inta badan Wasiiradda DGPL ay u kicitimaan Galkacyo si ay u dejiyaan xiisada ka dhalatay ku dhawaaqida Maxkamadaas. Dhinaca waxaa socda dadaal ay ---------------- ay ka wadaan Magaaladda Galakacyo kaas oo ay damacsanyahiin in Maxkamad Islaami ah ay ku dhawaaqaan. Garowe Online, Garowe
  11. ^^^ Lol@Saxiix GedoNet. Rawaahu GedoNet, miyaa horn?
  12. ^^Horn, this site seems to refute the story... Warar been abuur ah oo ay qoreen website yadda abdullahi yuusuf oo sheegay Warar been abuur ah oo ay baahisay website ka allmudug.com oo ka mid ah kuwa inta badan abdullahi yuusuf beenta u baahiya ayaa sheegay in sheekh xassan turki lagu dilay dagaalkii bu,aale taas oo been abuur ah warkaas oo aan sal & raad toona lahayn waayo ka dib dagaalka ayaa waraysi waxaa la yeelatay idaacadda Hornafrik. Arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay waxa ay ka helaan wargaysyadda abdullahi yuusuf been abuurka & propaganada ka dhan ah muslminta soomaaliya gaar ahaan maxkamadah islaamiga ah ee ku guulaysatay inay 6 bilood guduhood ku nabadeeyaan koonfurta soomaaliya. Ma diidanin in uu geeriyoon karo sheekh qof kasta markii loogu talagalay ayuu geeriyoonayaa kuwa kan waxay ahaayeen kuwii been abuurka 3 maalmood ka hor ka jeediyay website yadooda in sheekh xassan turki & Sheekh Adan Xashi Cayrow lagu qabtay diyaarad si khalad ah ugu dagatya magaalada Nairboi ee xarunta wadanka kenya taas been abuur cad noqotay & owr ku kacsi mudadiisii ay dhamaatay waxaadna moodaa in abdullahi yuusuf & saaxiibadiisa fadhiidka ku ah Baydhabo ay awoodi waayaa waxaan ka ahayn been abuur & shirqoolo ay ku guuldarayasteen . Ahmed_Nuur Bualenews.com
  13. ^^ The reporter might have browsed SOL and read about the story and then called few people to make a story out of it.
  14. I wouldn't be surprised if Radio Daljir picked the story from Somalia Online politics section and made something out of it, since it is an open secret how this radio station's website is connected to SOL.
  15. Wasiir ka tirsan Dowlada somaliland oo xirashada xijaabka Dumar suxufiyiin ah shaqada uga eryay. Submitted by mataandhuube on Wed, 2006-11-08 14:28. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir ayaa shaqada ka eryay laba dumara oo kamid ah Shaqaalaha Radio Hargeysa' Labadan Dumar ah ayaa saxaafada u sheegay in Wasiirku shaqadooda uga eryay Xidhashada Xijaabka iyo Niqaamka labdan Dumar ah oo la kal dhaho Hoodo Imaan Maxamed iyo Saynab Yuusuf Axmed ayaa waxay intaas ku dareen in markii Wasiirku ku amray inay iska dhigaan Labiska Xijaabka iyo Niqaamka ay diideen sidaa darteedna looga eryay Shaqadii ay ka hayeen Wasaraada Warfaafinta.Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir oo Saxaafadu la xidhiidhay si ay waxa uga waydiiso sababaha shaqada looga eryay labada dumarka ah ayaa ka gaabsaday inu waxa hadal ah siiyo saxaafada. Labadan gabdhood Saynab Yuusuf Axmed iyo Hoodo oo sheegay in lagu eryay Xijaab iyo Niqaam, ayaa waxay u warameen TV madax banaan iyo mid shirkad gooni ah ay lee dahay tv Cable. In ka yar bil ayaa waxa Wasiirka Warfaafintu shaqadoodi ka eryay Wariyayaal mudo dheer ka hawl gali jiray Radio Hargeysa iyo shaqaale kale waxana u danbeysay Wariye lagu Magaacabo Sakiriye Maxamed Sulub oo dhawaan Wasiirku ka cayrshay shaqada kaas oo la sheegay in shaqada looga eryay Madaxweynaha ayaa Su'aal adag waydiisay. Arintan ayaa ah arin xad gudub ku ah sharafta iyo asluubta gabdhaha muslimiinta ah gaar ahaan Gabdhaha somaliyed in ay mas,uuliyeen sarsare ku amraan in ay shaqadooda weynayaa hadaysan dhigin labisba ay caanka ku yihiin gabdhaha islaamka. sources: Togdheer News Hargeysa Somaliland
  16. ^^^ Lol Hizb. That was a big relief for the Hammers (or the Irons as they call themselve these days), wasn't it? I happen to support Arsenal but hey, the hammers are up again - the second win after eight straigh defeats... The hammers supporters in upton park were happier right after the game...I could hear joyous shouts in Green Street again!
  17. Lol. Strange news. I don't know what to make of this lol. To be quite honest it is sort of humourous; the expressions on the face of a Kenyan customs officer upon discovering a plane load of weaponry would be priceless! The Salaalahs and the mind-bogled whistles lol. In any case, we can't judge- it is a wait and see situation. If it is true, how silly the decision to land in Nairobi. I hope it isn't true.
  18. ^^Maasha-Allaah indeed. Investment in education seems to be a safer option for society.
  19. Waxaa Magaalada Muqdisho laga hirgaliyay dhismo aad u balaaran oo ay gateen Jaamacada Magaalada Muqdisho jaamacadan ayaa waxa ay furantahay ku dhawaad tobon sano waxaana ay hada ka hor ay gashay gaalinta 79 ee jaamacada Africa waxaana la aasaasay 1997 Iyadoo ay jaamacadan ay hada ku jirto jaamacadaha aadka looga xiiseeyo dunida Islaamka Waa Gudha Jaamacda oo ay ka soo baxayaan Macalimiinta wax ka dhiga Waa qaar ka mid ah qaybta Jaamacda oo Ardaydu wax ku baranayaan ---> Onkod
  20. Ina Ceydiid, weligiisba hada unbuu runta ka dhawaajiyey. Intii TFGda kabtay meeday ku dhici lahayd, iyagoo iska duful gurta oo ka qaxa Baydhabo; wallee taas keliyaa ka badbaadin doonta dabar-go'.