
Dhubad.
Nomads-
Content Count
1,690 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Dhubad.
-
Mashallah, Taqaballahu Minhu.
-
Mate, we all know the Defense Minister you are talking has long ago quited this government. Have you heard from him lately? Have you asked yourself why he is so quite while his government is in bitter war the ,Terrorist, ?
-
Somalitalk Kismaayo oo ka baxday gacanta DFKMG... Warar SomaliTalk.com ka soo garey magaalada Nairobi, oo soo xiganeyey ilo wargal ah oo ku sugan gobolka Jubbada Hoose, ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Kismaayo ay ka baxday gacanta DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi. Waxaa warku intaas ku daray in degaanka Kismaayo ay la wareegeen ciidamo Soomaaliyeed oo sida warku tibaaxay ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya. Waxaa warku sheegay in magaalada uu ka dhacay dagaal culus oo aan weli khasaaraha uu geystey aan la cadayn, laakiin uu dagaalku istaagey kaddib markii ciidamadii taaageerayey DFKMG ay magaalada ka baxeen, una dhaqaaqeen dhanka magaalada Jilib. DFKMG ayaa magaalada Kismaayo waxay tagtay 113 maalmood ka hor kaddib markii magaaladaas ay qabsadeen ciidamada Itoobiya oo garabsaney diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dabaabad kuwaas oo Soomaaliya xoog kusoo galay, haddana dagaal ka wada magaalada Muqdisho. Isha warka: Ilo wargal ah oo ku sugan Nairobi iyo Jubbada Hoose.
-
Duke, mate I don't know where you get your news from but here is how Hiiraan.com is reporting todays war: sniin, 23, Apri. 2007 (HOL) Magaalada Kismaayo oo maanta dagaal qaraar ku dhaxmay Maleesho beeloodyo wada Raacsan Dowlada federalka ayaa wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in labadii dhinac ee dagaalamay dhinac ka mid ah la wareegeen gacan ku heynta Magaalada. wararku waxaa ay sheegayaan in Magaalada laga saaray Ciidamo uu watay C/risaaq Af-gaduud oo ahaa Taliyaha Guutada 1 ee dowlada Federaalka islamarkaana ah nin ay aad isugu dhawaayeen Madax-weye C/laahi Yuusuf Axmed, inkastoo aan la shaacin cida rasmiga ah ee amarka siineysa maleeshiyada la wareegtay magaalada Kismaayo, walow wararka qaar sheegayaan in ay yihiin Maleeshiyo aad ugu dhaw Col. Bare Hiiraale oo ah Wasiirka Wasaarada Gaashaandhig Dowlada Federaalka, dagaalkii Maanta dhacay ayaa sida ay HOL u xiqiijeyeen dadka jooga Magaalada Kismaayo waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo qaarkood lagu arkay meydkooda jidadka Magaalada Kismaayo, waxaana wararku intaa ku darayaan in hada magaaladu xasiloon tahay walow ay aad u gaaf wareegayaan Maleeshiyada la wareegtay. Dagalka maanta dhacay ayaa sida aya wararku sheegayaan la xiriiray Baabuur la kala dhacay kaasoo markii danbe sida muuqata isku badalay mid siyaasadeed. Col. Bare Hiiraale ayaan in dhawaad ka soo muuqan masraxa Siyaasada tan iyo markii loogu dhawaaqay in uu yahay Wasiirka Wasaarada Gaashaan dhiga, taasoo dad badani u qaatay in uu ku qanacsaneyn siyaasada dowlada federaalka. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com
-
^Haduu rabo waxay ku leeyihiin wuu noolyahay. Ragaan baab mashiraayaan!
-
^You guys don't beleive me huh? Here is how they reported: Sarkaalkan ayaa amar diido xoog leh kala hor yimid Saraakiisha kale ee Tigreega, isagoona muran iyo dood dheer ka dib lasoo baxay Bastooladiisa ka dibna ilaa 5-xabadood uu Madaxa isaga dhuftay. source : http://waagacusub.com/22.04.07.7.htm
-
^I think they are exaggerating big time. They are funny guys, yesterday they reported an Ethiopian cornel who shot himself with his pistol five times in the head ...lol. How can that be possible?
-
^The event is unfolding so quick I can't even catch up with it. Here is what is Allpuntland reporting : Kismaayo(AllPuntland)- Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo malleeshiyaad hubaysan. Goob jooge kusugan magaalada Kismaayo ayaa AllPuntland u sheegay in rasaas kala duwan la isku adeegsanayo, rasaastuna ay ka bilaabatay agagaarka labada aargo ee magaalada Kismaayo. Sababta dagaalkan keentay lama garanayo, waxaase wararku sheegayaan in sal ku leedahay muran gaadiid ay qabteen ciidanka dawaldda xilli ay magaalada hawlo nabadayn ah kawadeen. Khasaaraha dagaalka lama caddayn karo , waxaase la sheegayaa in magaalada laga dareemayo rasaastan ka dhacaysa . Dagaalkan ka socda bartamaha Kismaayo ayaa saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaalada iyo isu socodka dadka. Warku wuxuu kaloo sheegayaa in dagaalku uu hadba meel ka dhacayo. Mar aan la xiriirnay masuuliyiinta dawladda ka tirsan oo kusugan Kismaayo ayay ka gaabsadeen inay arintan wax ka sheegaan. CCC Farayaamo AllPuntland
-
Originally posted by Allamagan: However, the military officers and other prominent people were killed in mogadishu by some well known people like Galaal, A-Qasim and their ring for unkown reasons. Obviously there must be a reason behind all these targeted killings, so one needs to ask what will GaLAAL or C/Qasim be gaining from the killings of these former military officers whom by the way most of them were not politically active? We need to think out of the box. The only entity who will gain from these killings are the Ethiopians because they want to reduce Somalia into a country controlled by the likes of YEY, YELAXO, Mohamed Dhere, Jelle, Qanyare, Aidi Juniour, etc. The majority of these killings happened way before the formation of ICU so I don't think Maxkamadaha has anything to do with. Also, is worth mentioning since the ICU took over Mogadishu all these killings have halted.
-
^Why would someone have a nude picture of themselves for the fist place. Cajiib!
-
^Yeah apparently, he has been fighting in Mogadishu for a while and he came through Hobyo. Allahu Yaclam.
-
^I also heard Indha Cade was injured yesterday. A lot of rumours are going on nowadays.
-
Latest TFG takes over large areas, Hotels, factories, weapons etc...
Dhubad. replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamadii Itoobiyaanka oo maxaabiistii iyo sawaariiqdii ugu badneed looga qabsaday Hotel Ramadaan iyagoo hubkii ka qaatay Madaxtooyadda. Dagaal nus qiyaamo ah oo isbiimeeyn watay ayaa saakay ka qarxay Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho kadib markii shalay maqribkii xeelad Melleteri loogu baneeyay Ciidamada Itoobiya. Ciidamadda Itoobiyaanka oo ilaa xalay heystay degaanka Ramadaan ayaa saakay ku waabariistay qaraxyo is daba jooga oo hareeyay degaankii ay heysteen kadib markii Remote-ka loo taabtay miinooyin ku aasnaa oo loogu tala galay in lagu halaago.marka ay is dhigtaan kadib. Qaraxa miinooyinka kadib barahii ay ku sugnaayeen saraakiisha hogaamineeysay Ciidamada Itoobiya waxaa galay gaadiid xawaare ku socday oo ay saarnaayeen bambaanooyin,waxayna xoogaga kacdoonka bilaabeen dagaalo fool ka fool ah oo ay ku ciribtirayeen askarta firdhadka ah ee Itoobiyaanka.waxaana gacanta lagu dhigay afar askari oo mid korneyl yahay. Xoogaga Kacdoonka ****** oo haatan la wareegay gacan ku heynta Hotel Ramadan,Fagax ,Lafweyn iyo Towfiiq ayaa gubay laba taangi iyo sedex uraal oo ku gubanaya wadooyinka degaankaas,waxaa kale oo ay xoogaga Muqdisho Itoobiyaanka ka furteen sawaariiq kala duwan oo dagaal.sida BM iyo Arti5. Ciidamada Itoobiyaanka ee Madaafiicda ka ridayay Madaxtooyada ayaa gantaalahoodii dagaal jiitay,waxaana qaarkood oo u gurmanayay kuwa Fagax laga gubay dhowr gaari sida ay sheegeen dadka degaanka Towfiiq. Dowladda Itoobiyaanka oo manta jabkii ugu waynaa kala kulmay dagaalka Muqdisho ayaa la xiriiray odayaasha dhaqanka ****** iyagoo ka codsaday in dagaalka la joojiyo laakiin sida muuqato dagaalka waa ay adag tahay sida ay ku joojiyaan xoogaga Kacdoonka.waxaana muuqato in dabaaqtanka dagaal uu yahay in Itoobiyaanka Muqdisho looga saaro todobaadkii uu Melles Zenawi iclaamiyay in Muqdisho loo garba duubo Cabdilahi Yusuf iyo Maleeshiyadiisa Maxamud Saleeybaan. Maleeshiyooyinka reer Puntland ee ku sugnaa Madaxtooyada ayaa laga ogolaaday inay isi soo dhiibaan oo si nabad gelyo ah looga iibiyo hubka ay heystaan.dabadeedna gaari loo saaro degaanadii ay ka yimaadeen markii hore. Dagaalka Muqdisho ka socda waxaa markii ugu horeeysay ka qaybqaadanaya Haween iyo Caruur aan qaangaarin ee 14 jira ah.taas oo muujineysa in dagaalka uu galay waji xasaasiya. -
Duke, you like this man huh. Walee wuu kaa nac-nac siiyay.
-
Odayga sida u dhakhsaha badan ku soo xaroow ayaa layiri markale. Cajiib. Wafdi uu hogaaminayo C/laahi Yuusuf oo si kadis ah galabta ugu duulay Adis-ababa Baydhabo 22, April.07 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ka dib markii uu socdaal ku tagay magaalada Adis-ababa ayaa maanta mar kale booqasho kadis ah waxa uu ku gaaray magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia. Booqashadaan oo ah mid kadis ah oo aan horey loo qorsheyn ayaa Madaxweynaha dowladda waxa uu kulamo albaabada u laaban yihiin uu kula qaadan doonaa Mas'uuliyiinta magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Wakaaladda Wararka ee dalka Yemen ayaa waxa ay ka soo xigatay diblumaadsi African ah in booqashada Madaxweynaha ay ku wehliyaan xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Max'ed iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somalia. Diblumaadsigaan ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socda durbadiiba ay kulamo looga hadlayay xiisadaha ka jira Somalia ay la qaateen Ra'isulwasaaraha Ethiopia Males Zenawi. Waxaa la tilmaamayaa in booqashada Madaxweyne C/laahi Yuusuf ay timid ka dib markii casuumaad deg deg ah uu ka helay Madaxda xukuumadda Adis-ababa. Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli Madaxda Adis-ababa ay xiriiro la soo sameeyeen saraakiishooda ciidamada ka jooga Somalia si ay u bilaabaan wada hadalo ay la yeeshaan xoogagga ka soo horjeeda. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka ambabaxay maanta galinkii dambe magaalada Baydhabo, isagoona maalin ka hor ka soo laabtay magaalada Adis-ababa, waxaana booqashadaan ay tahay mid kadis ah oo aan horey loo sii shaacin.
-
For the last 6 years there were a lot of educated people who were assassinated but unknown groups. These include, former military officers, scholars and peace activists. So the question is who is behind the killing of these people? One theory on the ground is Ethiopia which I believe in myself, what do you think guys? Here is the list of some of those people : Military group (ciidanka dalka) · General yuusuf ahmed talan hotel sahafi, muqdisho Oct 18 2000. · Colonel. Abdulahi Mohamed Warsame “Nero”, Lafoole. April 2003. · Captain. Mohamed Adan, Xamarweyne April 2003. · Colonel. Mohamed Ismail “Gure”, Aug 14, 2004. · Police: Colonel Ismail Haji Osman. Gurigiisa, degmada Howlwadaag. Aug 14, 2004. · General. Maxamed Cabdi Maxamed, degmada Shibis, sep 11, 2004. · Colonel. Ahmed Ugaas “Foodey”, Oct 2004. · S/Gaas. Maxamed Xaashi Gaani Asoo meyda laga heley hotelka uu daganaa, Nairobi Kenya Oct 18, 2004 · Colonel. Maxamuud Abdinuur Aadan “Bataar”, Degmada Howlwadaag, Oct 26, 2004. · Police: General Yusuf Ahmed Sarinle, degmada Wardhiigley, Jan 23, 2005. · Colonel Xirsi Maxamuud Cumar ”Xirsi Dhoore”, degmada Yaaqshiid, Jan 31, 2005. · Police Officer: Cabdullaahi Kaahiye Cali, Afisyoone, March 07, 2005. · Police. Colonel: Maxamed Saciid Maxamed, degmada Yaqshiid, may 21, 2005. · Police. Colonel: Max'ed Cusmaan Coon, Three Biano, July 31, 2005. · Colonel maxamed xasan maxamuud “cadaawe” Jan, 21 2006 · Taliyaha Maleshiyada X.Bootan Ciise, Saciid Axmed Sangaab iyo Xaaskisa, March 1, 2006. · Marines Colonel Abuukar Maxamed Xusen (Abukar Dheere) Degmada Wardhigley, March 16, 2006. Mullahs (culumaa’udiin) · sheekh Axmed Muumin Haaruun khadiibkii Masjika abuu Hureyra, July 29, 2005. · Shiikh Cabduqaadir Muumin 2005 · Shiikh cali mu’adinkii masjidka xareed, march 05, 2007. Peace work ( nabad doon &sama fale) · Aabihii nabadda Maxamuud Cali Axmed (Elman) muqdisho march 9, 1996. · Halgamaa Istarliin cabdi caruush xiriiriyaha hayadda Cosv Nairobi Jan 10, 2002 · Italian Nurse; Annalena Tonelli, Borame. Oct 5, 2003. · British aid worker; Richard Eyeington iyo xaaskiisa Enid Eyeington, Sheikh Secondary School, waqooyi galbeed. Oct 21, 2003. · Project Manager GTZ’s; Florence Cheriuyot, April 19, 2004. · Peace Activist. Cabdulqaadir Yaxye Cali Cibaar, Degmada Madiina, July 11, 2005. · U.N Worker; Mohamed Musse Guraage Kismayo, Oct 05, 2005. · High assistance kalkaaliye sare Cabdi Kheeyr kismayo novermber 05, 2005 · Sooro talyaani oo lala dilay ilaaliyaheeda oo ka shaqeyneysay islbitaalka SOS muqdisho Sep 17, 2006 · Madaxa hay’adda horumarinta iyo nabada ee Kasimayo Ciise Cabdi Ciise muqdisho, march 14, 2007 Journalist (saxafiyiin) · BBC Correspondence: Kate Peyton, Hotel Sahafi hortiisa, Feb 9, 2005. · Horn Afric Correspondence: Duniya muxidiin nuur, Afgoye, Sun. June 5, 2005 10:11 pm · British Correspondence: Martin Adler, Tarabuunka Hortiisa, June 23, 2006. Thinker (Aqoon yahay) · Maxamuud Xasan Taakow degmada, Yaaqshiid sep 10, 2004. · Philosophy: Cabdiraxman Maxamuud Takbiir, degmada Yaaqshiid, Dec 01, 2004. · Dr.Abdirahman Warsame Elmi, degmada Madiina, Jan 29, 2005. · Drs.Maryan Maxmed Xasan Kuulow, degmada Waberi, march 19, 2005. Political relation (xiriir siyaasadeed) · Xildhibaan Shiikh Ibraahin Cali Cabdulle Nairobi Kenya 2003 · Faay Mac’buud Cabdi dumar lagubay ka dib lacag lagu sheegtay, Feb 6, 2005 · Qadar Cismaan Cilmi Boqorre, wiilka X. boqorre, km 4. Muqdisho, November 12, 2005. · Cabdalla deerow ***** wasiirkii dastuurka DFKM baydhabo Friday July 28, 2006 · Maxamed Cabdullaahi Yuusuf (Curcuro). Gudoomiyahii rugta ganacsiga MGPL Aug 8, 2006 · Cabdi naasir seerjito former ambassador in U A E muqdisho March 28, 2007. · Abuukar socdaal ku xigeenka shirka dib u heshiisiinta muqdisho March 31, 2007. · Wiilka uu dhalay Xaaji Cabdi Iimaan Gudoonka Beelaha ****** April 15 2007. · Ku xigeenka duqa (mayor) muqdisho Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye), Nairobi Kenya April 20, 2007. Business man ( ganacsade) · Cumar cabdi diini nation link laanta guriceel guri ceel July 18, 2005. · Marxuum C/nuur Aw-cali Golis telecommunication company bosaso INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN
-
Originally posted by -Lily-: I think you can actually sue them if they post pictures of underage minors online without the permission of their parents, assuming you have proof. Furthermore, if the pictures are unsuitable they can be taken to court for posting child porn online. This goes for anyone under the age of 16, not sure if it extends to under 18 year olds, in the UK at least. I haven't seen any underage pics on that site, they were all grown ups and they should know the consequence of posting such pictures on the Internet.
-
^ This women is tough I tell yah. It is 100% true what she is saying, non of them cares about the people of Sool & Sanaag. I think the people of those regions should liberate themselves from both administrations...
-
Xildh. Caasho Axmed C/lla “Labada dagaal ooge ee Rayaale iyo Cadde waa iney faraha kala baxaan arimaha gobolada Sool iyo Sanaag” Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari ayaa markii ugu horeeyey ka hadashay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Dahar ee gobolka Sanaag ciidamada labada maamul ee Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ay ku tilmaantay iney yihiin dagaalo lagu dhibaateynayo dadka halkaas ku dhaqan oo ay sheegtay iney yihiin kuwo nabada jecel. Xildhibaanada ayaa ku eedeeyeysay labada maamul iney hardamayaan dadka dushiisa waxayna ugu baaqday iney si deg deg ah colaada u soo afjaraan oo haddii ay sidaa yeeli waayaaana ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wixii khasaare ah ee ka yimaada dagaalada ay wadaan sida ay sheegtay “kuwa Puntland u shaqeeyana dano gaar ah ayey wataan, kuwa kale ee Somaliland la shaqeeya iyana dano gaar ah ayey leeyihiin ma jirto labada dhinacba cid u daneyneysa shacabka halkaas ku nool, waxaan ugu baaqayaa labada dagaal ooge ee Rayaale iyo cadde iney faraha kala baxaan arimaha gobolada Sool iyo Sanaag haddii ay sidaa yeeli waayaana dacwad ayaan ka gudbinaynaa aanu geyneyno maxkamada dembiyada dagaalka” ayey tiri xildhbaanad Caasho Axmed Cabdalla. “Ma soconeyso isku qabiil ayaanu nahay oo anagey na raacayaan iyo isticmaarkii ayaa xadeeyey oo anagey na soo raacayaan, qabiil haddii wax lagu faa’iidayo Soomaalida ayuu wax u tari lahaa oo maanta kuwii isla dhashay ayaaba is dilaya, isticmaar mar hore tegay xuduudo uu dhigay inaan weligeen ku kala oodnaanana waa nasiib daro dad aaminsan haddii ay jiraan, dadkan reer Sool iyo Sanaag, bari galbeed midna lagama xukumi jirin waxay ahaayeen boqortooyo iyada ismaamusha” ayey sidoo kale tiri xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ugu baaqday dadka ku nool Sool iyo Sanaag iney aayahooda ka tashadaan oo aaney noqon dad ay kala jiitaan wax ay ku tilmaamntay maamulada danaha gaarka ah kala wata. Xafiiska Muqdisho, Somalia dayniilecom@hotmail.com
-
^ Hussain Aidid "is not normal man" as Yey said it before. He did a U-Turn and no one is gonna believe what is uttering. Duke, what do you think what the Afahayeenka said ?
-
Muqdisho(AllPuntland)- Afhayeenka madaxwaynaha Soomaaliya ee xagga warfaafinta Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa ku tilmaamay wax la isku soo hagaajiyay oo aysan waxba ka jirin war sheegayay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee kusugan Muqdisho ay kufsadeen gabar Soomaaliyeed. Mar wax laga waydiiyay Xuseen waxa uu ku caddayn karo arimahaasi ayaa sheegay in kooxaha kasoo horjeeda siyaasadda dawladda federaalka iyo midda Itoobiya ay horay ugu fashilmeen kufsi ay sheegeen in ciidamada Itoobiya gaysteen , markii baaritaanno la sameeyayna lasoo ogaaday in ay ahayd been cad. Xuseen Xuubsireed wuxuu ka sheegay magaalada Muqdisho in ciidamada Itoobiya ay yihiin ciidan qaran oo dibishiliin iyo kala danbayn leh , ayna kasuuroobin eedaymaha ah inay kufsi kula kacaan gabdhaha Soomaaliyeed. Xuseen wuxuu sheegay in kooxaha kasoo horjeeda dawladda ay hadba isku dayayaan siyaasad dhicis ah oo ay ku doonayaan inay indhaha caalamka tusaan in falal kufsi ah ay dhacaan. Wuxuu sheegay Xuseen inaan Horayna loo arag haddana aysan dhicin falal bulshada dhib ku haya oo ay ku keceen ciidamada dawladda Itoobiya. Wuxuu intaasi ku daray in qorshaha qura ee Itoobiya u joogto dalka inay tahay inay nabadayso , marka ay dantaasi gaartana ay ka bixi doonto, sida ay horayba uga soo bexeen deegaanno kamid ah Soomaaliya. CCC Farayaamo AllPuntland
-
I work for TFL and I handle those kinda problems everyday...! The problem seems to be caused by a low memory on the box - An increase of the virtual memory should solve it or physical memory upgrade. I love my Job
-
“There is no God but Allah and Mohammed (PUBH) is His messenger.”
Dhubad. replied to Wisdom_Seeker's topic in General
^Nur, that was a convincing answer Mashallah. OK, since this thread became "Questions on Islam", I would like to ask this question. I have came across a Hadith long time ago which I can't remember the exact meaning but always wanted a clarification, it goes like this(not the exact narration ) : Ilaahay wuxuu farihiisa ku hayaa mustaqbalka qofkasta markuu doono ayuu kala rogaa oo qof islaam ahaa ayaa gaal noqda So according to this Hadit the CHOICE is not there or is it? Thanks in advance . -
^ I hope they at least got warning before they have been banned.
-
Cool Song. I have the Album....