Mooge

Nomad
  • Content Count

    5,088
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    11

Everything posted by Mooge

  1. blue you are very helpful informative and kind. to me you found your true love with health and happiness related information. well done blue. much love.
  2. fiction. the weapons came from UAE and qoslaye robbed 1/2 of it already and sent the other half.
  3. Deg Deg: 3-askari oo Dhaawacii PL iyo 5-Al-shabaab ah oo Galkacyo lakeenay iyo Howlgalkii oo lasoo afmeeray Howlgalkii ciidamada Puntland ay Galabtay duhuradii abaartii 02:10 ka bilaabeen deegaanka Godobjiraan oo isla galabtay 04:40 lasoo afjaray. Ciidamada sooma jeestayaasha ay shacabka Puntland ku hurdaan ayaa sadex dhinac ka fadhiyay kooxaha Al-Shabaab ee ku jiray Godadka shinnida lagasoo gurto ee oogta lugshido oo 15-KM u jirta Godobjiiraan oo kaabiga ku heysa Gobolka Mudug. Deegaankaan oo ah godad gaa gaaban oo dadka Gobolka Mudug ay Shinada kasoo gurtaan, ayaa tan iyo markii ay ku godoomeen kooxda Qar-iska xoorka ee argagixisada dab iyo Qaac ku shideen si ay isaga baneeyaan Shinada Godadka dagan. ayagoo Gabaad ka dhigatay Godadkii Gaa gaabnaa. Duhuradii maanta ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada kala duean ee Puntland oo ay hor kacayeen Sarakiisha lagu magacaabo Ina-Afguduud, Afdalaw iyo Aadan Cabdi Xaashi oo ka yimid dhinaca gobolka Mudug ay labo Jiho ka weerareen, Howlgalkaasi ayaa dharbaaxo aad u baaxad weyn loogu geystay kooxihii soo weeraray Puntland. Sarkaal Magaciisa ka gaabsaday oo goobta la isku fara saray ku sugnaa ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka galabatay uu ah mid aad u naxariis daran oo caro iyo dulqaad la’aan ka muuqatay ciidamada Puntland, kuwaas hubka nocyadiisa kala duwan ku cadaabay kooxihii banka Qiyaamo ku hornaa, maadaama qoraxdu ay aad u kululeeyd. Caawa fiidkii ayaa Gaalkacyo lasoo gaarsiiyay dhawcyo ka koobaan 3-Askari oo ciidamada Puntland ah iyo 5 Al-Shabaab ah iyo 10-Maxbuus oo lagusoo qabtay dagaalkii Galabtay. Sidoo kalena waxaa la sheegayaa in Howlgaldii shalay iyo maanta lagu dilay 3-Sarkaal oo ka tirsan Ragii hogaaminayay kooxaha kusoo duulay Puntland oo dhalasho ahaan u kasoo jeeda deegaanada Puntland, hase yeeshee mudo dheer dhuumaaleysanyay.
  4. WAR DEG DEG AH:- Ciidanka Puntland oo Duqayn la beegsaday Halkii Kooxda Argagixisada ah ku aruureen ee Deegaanka Suuj. Wararkii ugu dambeeyay Warsidaha PuntlandOne.com kasoo gaaraya deegaan xeebeedka Suuj ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Ciidmada difaaca Puntland ay duqaymo ku gaaraaceen dhul buuralay ah oo ay dhuumaalaysanayaan firxadka iyo haraaga maleeshiyaadka maanta dharxaada kala kulmay Ciidamada Puntland. Saraakiil kala duwan oo Xafiiska Gaalkacyo ee PuntlandOne.com la xariiray ayaa noo sheegay in Duqayn dhanka Bada ah iyo beriga lala beegsaday buur ay ku jireen kooxda Alshabaab ee duulaanka kusoo qaaday Puntland. Ciidanka ayaa hadda Waardiye adag ka haya buurta la duqeeyay, waxaana la sheegay inay baaruudda ku sumoobeen maleeshiyaadka la duqeeyay ee buuraha ku jira. Docda kale Wararka ayaa tibaaxaya in Maxaabiis ka tirsan Argagixisa lagu qabtay dagaalkii dhacay , waxaana sidoo kale jira khasaare xoogan oo soo gaaray maleeshiyaadka kaas oo wali Dawladda Puntland aysan soo saarin tirakoobka rasmiga ah. Ciidanka ayaa dhanka kale la filayaa in hawlgal ay ka bilaabaan deegaanka Ilfoocshe oo gobolka mudug ka tirsan islamarkaasina ay joogaan maleeshiyaadkii Garacad kasoo dagay, kuwaas oo ciidamadu uga hareeraysan yihiin dhinacyada Garacad iyo Kulub. Ugu dambayntii Sarkaal ka tirsan kuwa Dawladda Puntland ee ku sugan Garacad ayaa inoo xaqiijiyay in Hawlgalkaan uu soo gabogaboobayo saacadaha soo socda.
  5. (Faah faahin+Dhageyso):- Wasiirka warfaafinta Puntland“Hubka aan ku garaacnay maaha mid ay awoodi kareen, khasaare xoog leh ayaa gaaray, dagaalkuna weli ma dhammaan”. Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xassan Soocadde oo shir Jaraa’id Garoowe ku qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalkii Ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka argagixisada ku dhexmaray deegaano Nugaal ka tirsan, waxaana uu sheegay in halkaas maleeshiyaadku ay jab xoog leh kala kulmeen walina lagu raad joogo firxadkoodii. Waxaa uu sheegay dagaalka oo weli socda hadana Ciidamada difaaca dowladda Puntland inay ku hareeraysan yihiin guud ahaan meelaha ay joogaan, islamarkaasina ay u firxadeen dhulka baadiyaha ah. Dhinaca Gobolka Mudug gaar ahaan agagaarka deegaanka Garacad ayuu sheegay in maleeshiyaadku ay isku aruursadeen dowladduna ay ka warqabta halkaasna dagaal lagu qaadi doono. Wasiirku waxaa uu si cad u sheegay in Ciidamada dowladda Puntland ay soo afjari doonaan maleeshiyaadkaan. Isagoo la hadlay cid walba oo soo abaabushay duulaankaan ayuu yiri“Wiilal yar yar oo caato ah oo daallan oo qoryaha jiidaya ma ahan kuwo Puntland idiinka fulin kara ujeedada aad la lee dihiin”.
  6. Garowe-(P-today)- Faah faahinta aan ka helay deegaanka Suuj oo dagaal xooggan uu saaka ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo ALshabaab ayaa sheegay in wali uu dagaalku socdo si rasmi ahna aan loo ogaan karin khasaaraha. Jaamac Dacar oo kusugan Kabaal ayaa sheegay inay maqlayaan rasaasta ka dhacaysa dagaalka ka socda deegaanka Suuj, oo qiyaasii u jirta 20-KM deegaanka Garmaal, wuxuu sheegay in xaaladu adag tahay, dadkii daganaa tuulada Suuj ayuu sheegay inay ka qaxeen deegaanka,wuxuse xusay inay hadda dagan yihiin dadka xoolaha dhaqatada ah. Deegaanka Suuja waxaa jaran Isgaarsiinta, waxaana ka socda dagaal, sida dadka deegaanku noo sheegeen waxaa ku gacan sareeyaan ciidamada difaaca Puntland.
  7. Garowe(Puntland Today) Wararka naga soo gaaraya bariga Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in saaka ciidan aad u hubaysan ay dagaal ku qaadeen dagaallamayaashii shalay la wareegay gacan ku haynta deegaan xeebeedka Garmaal oo ka tirsan degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal. Kooxdan hubaysan ayaa saaka dib uga gurtay deegaanka Garmaal, waxayna gaareen deegaan la yiraahdo SUUJ oo 20-KM waqooyi bari kaga beegaan tuulada Garmaal, waxaana halkaasi sida xogta lagu helayo ka socda dagaal labada dhinaca u dhaxeeya. Wararka waxay intaasi ku darayaan dagaalka inay ku gacan sarayso dowladda, maadama xalay saqdii dhexe ay halkaasi gaareen ciidan hubaysan iyo gaadiid dagaal. Docda kale ciidamada ku sugan degmada Godob-jiiraan ayaa saaka howlgal ka bilaabaan halkaasi, warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya kooxda hubaysan ee deegaankaasi u jirta 40-ka KM ay qorshaynayaan inay isi soo dhiibaan, waxayna u badan yihiin dhalinyaro aan gaarin da’da 30-ka. Ma jirto war kasoo baxay saraakiisha hoggaaminaya dagaalka ka socda duleedka tuulada Garmaal, shacabka ku nool deeganadaasi ayaa sheegaya inay kooxda cabsi ku abuurtay. Wixii kusoo kordha kala soco www.Puntlandtoday.com
  8. Garowe-(P-today)-deegaanka Suuj oo ka tirsan tuulada Garmaal oo hoostagta degmada Den gorayo ee gobolka Nugaal, waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Difaaca Puntland iyo Alshabaab waxayna wararku uu helayo Puntland Today sheegayaan in 11 Ruux laga dilay kooxda Alshabaab. Wali waxaa socda dagaalka,ciidamada Puntland ayey dadku deegaanku sheegayaan inay ku gacan sareeyaan dagaalku,waxayna tilmaameen haddii dagaalku sii socdo ay ku adkaanayso kooxda Shabaabka ah inay dagaalamaan. Goobta uu dagaalku ka socda waxaa ka jaran Isgaarsiinta waxaana adag in lala socda xaalada dagaalka. Wasiirka warfaainta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa goor dhow la hadli doona warbaahinta, wuxuuna ka warbixin doona dagaalka Suuj iyo Khasaaraha ka dhashay. Puntland Today.
  9. https://twitter.com/WeiAlfaGenGabre/status/709726555887550465 niyoow this is very bad even ethiopian spy is confirming what puntland accused of qoslaye doing. after they were finished with the South, we are witnessing damjadiid's destruction of the rest of somalia.
  10. http://www.allidamaale.com/wp-content/uploads/VOA.mp3?_=1
  11. niyoow local people are very sure these people sent by Damjadiid. they all have southern accent they look like they are from the South. Dhagayso:- Odayaasha Kulub” Nimanka Soo Duulay waa Al-Shabaab Luuqada Koonfurta ayeey nagula hadleen” Qaar kamid ah Waxgaradka Degaanka Kulub ee gobalka Nugaal ayaa kawarbixiyeey Rag katirsan kooxda alshabaab oo kusoo duulay dhulka Puntland kuwaas oo kayimid Degaanka Xarar dheere ee Gobalka Mudug ee Gal-Nus Mid kamid ah Waxgaradka Kulub oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Ragan ay ahayeen Rag shabaab ah isla makaana Rafaad uu kamuuqday waxaana uu sheegay inay isu sheegen waxay yihiin intay ku sugnayeen Kulub. Dirir Axmed Jamaac oo ahaa Odayaashi la kulmay Shabaab ayaa sheegay in Lahjadooda ay ka daremayeen Tan looga hadlo Koonfurta Somalia. Hoos kadhagayso Waraysiga uu uu ku sheegay Waxgaradkan Xagay u dhaqaaqen maleeshiyaadkan,
  12. Duleedka Garacad: " “Hadda waan u jeedaa doonyo soo istaagay, anigu magaalada bannaankeeda ayaan ku sugnahay..." Gudoomiyaha Garacad ee Puntland! War hadda naga soo gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay halkaas soo gaareen labo doonyood oo sida Ciidamo iyo hub hor leh oo kooxda Al-shabaab ka tirsan. Guddoomiyaha deegaanka Garacad Cabdnuur CabdULLAAHI Xirsi oo ku sugan duleedka deegaankaas ayaa goordhawayd noo xaqiijiyey inuu indhihiisa ugu jeedo doonyo hadda soo xirtay. “Hadda waan u jeedaa doonyo soo istaagay, anigu magaalada bannaankeeda ayaan ku sugnahay, waxaaba la lee yahay niman amiirro ah baa la socda, meeshaan waalla haystaa” kuwaasi oo ka mid ahaa hadalladii uu khadka telefanka noogu sheegay guddoomiyuhu. Shalay galinkii dambe ayay ahayd markii in ka badan 5 doonyood oo ay la socdaan ciidamo fara badan oo kooxda alshabaab ka tirsan ay dhinaca xeebta kasoo galeen deegaanka oo ay la wareegeen. Dowladda Puntland oo goordhawayd arrintaan ka hadashay, ayaa wasiirkeeda ammaanku wuxuu duulaanka Alshabaab ee Puntland ku eedeeyay dowladda federaalka ah, isagoo la xiriiriyey diidmada Puntland ee nidaamka 4.5.
  13. Duleedka Garacad: " Cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland oo dul dagay Garacad ! Wararka naga soo gaaraya magaalada Jariiban ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamadii ugu horeeyey oo ka soo baxay caasumada Puntland saakadii hore ay hadda dul dageen deegaanka Garacad iyo Agaaga ku dhaw dhaw oo ay joogaan Maleeshiyaad ka soo dagay shalay galab doonyo. Ciidamadan oo aad u hubeysan, isla markaasna uu hogaaminayo Col, Cabdulqaadir Shire Faarax (EREG) oo ah Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Puntland, horeyna usoo noqday Gudoomiyaha gobalka Mudug ayaa kulamo la qaatay markii ay gaareen deegaanada dadka deegaanka oo ay kala hadlen arrimaha soo kordhay. Abaabul xoog leh oo ka dhan ah sidii kooxdan duulaanka ah loola dagaalami ahaa ayaa hadda socda, waxaana dawladda Puntland la sheegay in ay ciidan kale oo xoog leh ku baxay magaalooyinka Xeebaha, gaar ahaana Eyl & deegaan kasta oo lagu sheegay. Taliyaasha ciidamada Puntland ayaa ku jira heegan sarre, waxa ayna xogo aanu helay W ay xaqiijinayaan in amar lagu siiyey ciidamada in ay qaadaan howlgalo kooxahan lagula dagaalamayo, maadama ay yihiin ciidan xoogan oo doonaya in ay gudbaan dhinaca gobalka Barri oo ay horey ugu sugnaayen kooxo ka tirsan Shabaab & Daacish.
  14. President Gaas is leaving soon to lead the battle against argagixiso. And where are the American drones? USA: Madaxweyne Gaas ayaa soo gaabiyay safarkiisii waqooyiga Ameerika, ka gadaal xaalada dagaal ee uu dalku galay! Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiwali Maxamed Ali Gaas ayaa soo gaba-gabeeyey safar ku joogay dalka Mareykanka, waxaana la xaqiijiyey in uu hadda ka soo duulay dalkaas, isla markaasna uu ku soo jeedo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa horey loo qorsheeyey in uu dalka dib ugu soo laabto 18-ka bishan, oo uu magaalada Addis Ababa kulan kula yeelan lahaa Wakiilo ka socda Beesha Caalamka & Dawladda Itoobiya oo ay ka wada hadli lahaayeen arrimaha Siyaasada ee dalka. Madaxweyne Gaas ayaa soo gaabinta safarkiisa ee dalka dibadiisu, ay ku soo aaday xili xaalad adag ay galeen inta badan deegaanada xeebaha ee gobalada Mudug, Nugaal & Barri, markii Maleeshiyaad hubeysan oo la aaminsan yahay in ay Shabaab yihiin ay soo gaareen shalay galabnimadii. Saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa u sheegay PuntlandTimes.com in uu Madaxweyne Gaas si deg deg ah ku imaan doono caasumada Puntland, halkaas oo laga hogaamin doono dagaal adag oo lagu qaadayo kooxaha ku soo duulay Puntland. Dawladda ayaa maanta ugu baaqday Shacabku in ay u diyaar garoobaan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha doonaya in ay dumiyaan amniga iyo kala dambeynta, waxaana ilaa hadda la dhaqaajiyey ciidamo kooban, oo gaaray deegaanada xeebaha qaarkood iyo Saldhiga ciidamada Badda Puntland ee magaalada Eyl, oo ay hadda wax yar u jiraan Maleeshiyadii kasoo baxday deegaanka Kulub ee gobalka Mudug.
  15. niyoow sad story that ugus remnants decided to destabilize Puntland peace. People are angry, fired up and ready to defend Puntland from these snakes. WAR DEG DEG AH: Diyaar garoow dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Gaalkacyo & Garoowe! GAROWE(PTIMES)- Diyaar garoow dagaal kii cuslaa ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Gaalkacyo & Garoowe, iyadoo la dareemayo dhadhaqaaqyada ciidamada dawladda Puntand oo ka baxaya saldhigyadooda Milateri, isla markasna u jiheystay meelaha ay soo gaareen kooxaha sheegtay in ay IS ka tirsan yihiin. Wariyaasheena kusugan Gaalkacy & Garoowe ayaa xaqiijiyey in ay labadaas magaalo ka dhaqaaqeen cutubyo kamid ah ciidamada dawladda Puntland, isla markaasna ay ku sii kala jeedaan deegaanada Eyl, Garacad, Garmaal iyo Godobjiraan oo dhamaantood kala ah gobalada Mudug & Nugaal. Ciidan xoog leh ayaa ka baxay caasumada Puntland, iyagoo lafilayo in ay goor hore gaaraan degmooyinka Eyl & Godobjiraan oo ay hadda ka jirto xaalad cabsi ah. Kooxihii qabsaday Garacad iyo Garmaal waxay isku dayayaan sidii ay caawa usoo gaari lahaayeen labada degmo ee Eyl iyo Godobjiraan, iyadoo dhinaca Mudugna la sheegay in ay kooxda qaar kamid ah wali joogaan Xeebtii iyo magaaladii oo dhan. Shirar aan kala kac laheyn ayaa ka socda Aqalka Madaxtooyada ee Puntland, waxaana dawladdu ay ku mashquulsan tahay sidii ay u maareyn lahayd xaaladdahan culus ee kusoo kordhay amniga guud ee Puntland, waxaana sidaas oo kale la adkeeyey amaanka xarumaha dawladda oo dhan iyo kan magaalooyinka waa weyn. HAKA DHEERAAN PUNTLANDTIMES.COM, LA soco www.Puntlandtimes.com _____________ Info@puntlandtimes.com Puntlandtimes.com GAROWE, Puntland, Somalia
  16. @xabad said: Gaayga tracksuit bluegaa qaba wajigiisa eega, badow dheh. LOL niyoow he could be the coach but i agree he looks a bid foolish. lol
  17. modernity, peace, Islam and respect. it is the way of our forefathers niyoow.
  18. this boy was found in Qardho when he was baby. a family in qardho raised him but when he found out that he was found somewhere and that the family is not his, he drifted away again and left. he ended up in laasanod. niyoow more than four mothers are claiming he is their son. since there is no DNA in Somalia, things are tense. one mother in Mogadishu travelled all the way to see him.
  19. you are lovely woman Blue. you have a big heart too.