oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Banaan bax noociisa kii u horeeyay oo aan horay loo arag ayaa maanta ka bilowday Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan kumanaan ruux oo dadka reer Muqdisho ah, kuwaasoo ka soo horjeeda inuu is casilo Ra'iisul Wasaaraha, waxaana dadweynaha kumanaanka ee banaan baxaya ku qeylinayaan halku dhigyo ka dhan ah Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Dadka ayaa tuuryeynaya gaadiidka, waxay is hortaageen in wadooyinka la maro, waxaa ka qeyb galaya haween, caruur iyo dad da'a ah, wadooyinka ayay ku gooyeen dhagxaan, sidoo kale Taayaro ayay ku gubeen. Sidoo kale waxaa la arkayay Gaadiidka AMISOM ee qafilan oo wadooyinka mari waayay, kuwaasoo istaagay, waxaana dibad baxayaasha ay is heystaan min Guriga Madaxtooyada, Wadada Maka Al-Mukarama, KM4 ilaa Garoonka Diyaaradaha. Hadaba daawo sawirada banaan baxa Muqdisho ka socda wali
  2. Banaan baxyo ballaaran ayaa wali ka socda Caasimada Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan kumanaan ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana dadweynaha oo ah kuwo careysan ay dhagxaan la dhacayaan Gaadiidka. Banaan baxyada ayaa iminka is heysta wadada istiraatiijiga ah ee Maka Al-Mukarama, halkaas oo gaadiidka aanu haba yaraatee ka jirin, waxaana dadka ay dhagxaan la dhacayaan Baabuurta yar yar ee gaarka loo leeyahay iyo gaadiidka kale ee Ciidamada. Dadweynaha oo u muuqda kuwo isku qeybiya banaan baxyada ayaa kumanaan ka mid ah waxay hor tuban yihiin garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo dadka ay sheegayaan inay ku suganaa Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan, isla markaana aanay u ogolaan doonin inay soo dhaafaan Garoonka. Sidoo kale Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaan jirin cid geli karta ama ka bixi karta, iyadoo dadka banaan baxaya ay isku hareereeyeen, afaafka hore oo dadka ay yihiin kuwo hor tuban. Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa ah mid kacsan, isla markaana dadka ay yihiin kuwo aad uga xun wararka ka soo baxay Magaalada Kampala ee lagu heshiiyay in Ra'iisul Wasaaraha is casilo. Kumanaanka ka tirsan dadka banaan baxaya ayaa dalbanayay in Ra'iisul Wasaaraha uu ka laabto go'aankiisa iska casilaada, waxaana ay dadku sheegeen inay sii wadayaan Kacdoono ballaaran oo ay ku muujinayaan dareenkooda. Taayaro ayaa la gubay, qiic iyo uur ayaa cirka isku shareeray, wadooyinkana dadka dhagxaan ayay ku gooyeen, waxaana dadka wajiyadooda laga dheehanayay caro aad u weyn. Mid ka mid ah dadka banaan baxayaasha ayaa sheegay in wadooyinka ay dagayaan, isla markaana ay teendhooyin dhiganayaan, ilaa ay ka gaaraan hadafkooda aanay ka dhaqaaqi doonin. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo banaan baxayaasha la hadlay ayaa ugu baaqay inay is dajiyaan, isla markaana kaliya degenaan ku muujiyaan dareenkooda, isagoo ugu baaqay inay kala dareeraan. Hase ahaatee dadweynaha ayaa durba ka qaaday hadalkaas caro, iyagoo dhagaha ka fureystay baaqa Gudoomiyaha, kuwaasoo sii watay banaan baxyadooda. Sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka C/kariin Yuusuf Dhega-Badan ayaa isna ka dalbaday dibad baxayaasha in aysan sameyn wax carqalad ku keeni kara ammaanka, isagoo ka digay inay ku soo dhex dhuuntaan kooxaha nabadiidka. Banaan baxan ayaa marka tusaale loo soo qaatay kuwii ka dhacay Bariga Dhexe uu yahay mid dadka ay ka shidaal qaadanayaan, isla markaana dareen geesinimo ku dheehan ay ku muujinayaan inay ka dhabeeyaan hadafkooda. La soco daqiiqad kasta wixii ku soo kordha.
  3. Farmaajo waa raysulwasaaraha ugu fiican ee 20kan sano ee aan aragnay waana sharaf inuu is casilo waayo meeshaan waxba ka soconmeyso hogaamiye kooxeedyada+ Laba Shariif+ UN+Amisom ayaa meesha qaseeysa waana mashruuc, Farmaajo daacad ay ka aheyd howsha uu sameeynaaye miro dhal neh waa uu sameeyay taana waxaanu ka arkeeyna dibadbaxyada kumaananka reer Muqdisho ay wadaan. hal sano ayaa lagu daray dowladd ku sheega raysulwasaare ku sheeg cusub ayaa lagu dhawaaqi doona within 30days iyo wasiiro. Shacabku waa ineysan ogolaan waxaa hadda socdo.
  4. Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho oo maanta aad u careysan iyo ereyo aan looga baran oo kasoo yeereysa Waxaa maanta aad u kacsan xaaladda magaaladda Muqdisho, kadib markii laga war hellay in uu iscasilaayo Raa’isal Wasaare Farmaajo, waxayna xaaladdu magaaladda Muqdisho ay tahay mid Allow sahal ah. Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay maanta ay wadaan saxmad xoog leh, iyadoo uu shacabku uu kusoo qul qulaayo Garoonka Dayuuradaha Aadan ee magaaladda Muqdisho, waxayna shacabku ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin iscasilaada Farmaajo. Guud ahaan shacabka ku dhaqan xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ay galka kala baxeyn seefta, waxayna soo bandhigayaan sida xoogga leh ee ay u taageersan yihiin Raa’isal Wasaare Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”. Waxaa kaloo shacabka la-arkaayaa iyagoo wata budad iyo birar, waxayna kusoo fatahayaan Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde, iyadoo inta badan shacabku ay yihiin luwo aad u careysan, waxayna maanta yihiin kuwo lama taabtaan ah. Sidoo kale shacabka reer Muqdisho ayaa waxay qeyb qaadanayaan banaanbaxyo waaweyn oo ay ku diidan yihiin labada Shariif, isla-markaana waxay ku dhaawaqaan “Labada Shariif ee Shayaadiinta ah Shartooda hanala dhaafaan, ee Farmaajo Joog Rabiyaa ku Jacelee”. Hadalada xoogga leh ee maanta kasoo yeeraaya shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo si weyn u gil gillaaya shacuurta shacabka kale ee aanu muujineen carada ay u qabaan labada Shariif. Iskusoo wada-duuboo horey looma arag sida ay maanta u kacsan yihiin shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna shacabku ay yihiin kuwo maanta afka kala furtay.
  5. Deg Deg: Ciidamadda dowladda ee ku sugan xeendaabka dowladda oo careysan iyo rasaas ay ridayaan Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa waxay muujinayaan sida ay uga xun yihiin wax yaabaha kasoo baxay shirka ka soconaaya magaaladda Kampala iyo iscasilaada Raa’isal Wasaare Farmaajo. Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda Somaliya ayaa waxay yihiin kuwo careysan, iyadoo si raxan raxan ah u taagan wadooyinka, waxayna ridayaan rasaas xoog leh oo ay ku ridayaan gawaarida, taasoo ka dhigan inay ka qeyb ka yihiin carada ay maanta qabaan shacabka reer Muqdisho. Ciidamadaan oo si dhirarsan u taagan wadooyinka ayaa waxay yihiin kuwo si weyn uga soo horjeeda dhaq dhaqaaqyada ay wadaan labada Shariif, waxaana la-dareymaayaa in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay taageero u yihiin Raa’isal Wasaare Farmaajo. Farmaajo oo ah shakhsi wax weyn ka badalay xaaladda magaaladda Muqdisho todobadii bilood ee uu tallada haayay ayaa wuxuu kasbaday taageero xoog leh, wuxuuna mirihii uu horey u beertay maanta laga dareymayaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Waxaa jira gawaari badan oo ay wax-yeelo kasoo gaartay rasaas ay ku fureen ciidamo careysan oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana jira gawaari qaar oo wadooyinka yiillay, kuwaa oo ay rasaas ku fureen ciidamo careysan. Ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan xeendaabka dowladda ayaa waxay yihiin kuwo shacabka ku taageersan banaan-baxayaasha ay maanta wadaan, kuwaa oo ay uga soo horjeedaa labada Shariif oo ay shacabka ugu yeereen kuwo Shayaadiin ah, waa sida ay hadalka u dhigeen’e. Hugunka sawaxanka xoogga leh ee ay maanta sameynayaan shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwa laga dareymaayo xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda, waxaana shacabka la-dhihi karayaa waxay doonayaan Farmaajo.
  6. Shacabyahow hurdada ka kaca! Shariif laso gamay iyo Shariif Sakiin no talin maayaan geriyaan ka xignaa taasi!!
  7. Banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galaan boqolaal ruux ayaa goor dhow ka bilowday Magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu is heysto Jidka dheer ee Maka Al-Mukarama. Sida ay sheegayaan wararka banaan baxan oo qaban qaabadiisa saacadihii la soo dhaafay laga dareemay Magaalada ayaa durba goor dhoweyd ku bilowday sawaxan iyo dhagaxaan ay dibad baxayaasha careysan la dhacayaan Gawaarida. Banaan baxa ayaa boqolaalka ruux ee ka qeyb galaya ay uga soo horjeedaan Labada Shariif iyo go'aanada ka soo baxay shirkii Kampala, kaasoo ugu dambeyn meesha ka saaray Ra'iisul Wasaare Farmaajo. Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in inkastoo Banaan baxa uu ku bilowday jawi kacsanaan ah, ayaa waxaa moodaa inuu sii xoogeysanayo marba marka ka dambeysa, iyadoo dadka ka qeyb galaya oo u badan Haween ay isku xireen Gurigii Hooyoyinka, Barxadii Iskaashatooyinka ilaa Taaladii Sayidka. Banaan baxayaasha ayaa mar sii horeysay xiray wadada Madaxtooyada looga galo, taasoo keentay inay istaagaan gawaarida wadadaas mareysa iyo kuwii Madaxtooyada geli lahaa. Ilaa iyo hada ma jirto wax qasaare laga soo sheegay banaan baxa, ha yeeshee dadweynaha oo aad u careysan ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.
  8. Anigu horta waxaan leeyahay xaq iyo baadil waa arkoona, shacabka iney action sameeyaan waaye.
  9. Viva Farmaajo! kolkii aan yoolkeena gaari rabno miyaa hadana gadaal naloogu celinaaya? Masuqmasuuqa la suuliyay ma hadana gadaal naloogu celinaaya? Soomaaliyeey toosa!
  10. Koleey sheikha yaana lagu dambaabin wali war lama hayo balse anigu shaqsi ahaan hadii ay arintaan ay dhacdo taageerada waan kala laabanaya, niman dan gaar leh ma sunddulle nagu heyni karo? shacabka waa iney kacaan oo xaqooda so cehstaan, farmaajo waa halyeey oo taariikhda xusi doonto.
  11. Meelo badan ayaa warkaan sheegaayo aan aragno saacadaha so socda,
  12. Maanta qaran ahaan waanu liidanaa awood buuran ma lihin, marka soomalida hadey isku xirnaan lahaayeen oo is jeclaan lahaayeen maanta in maalinba dal la tago oo la tuugsado looma baahnani lahayn, bal fiiri shirkan waxaa ku fiicneyd in Muqdisho lagu qabto ama Djibouti laakin yey shaqadiisu tahay? Ethiopia bensin lee kusi shuboosa lee uu fiirso.
  13. che, I wish i could , one thing is for sure laakin ,Ethiopia luggooyo ay nala maagan tahay, cadowgeeda wey kaseeysa they actually smart u knw 1977 wali maysan iloobin.
  14. Shacabka ku dhaqan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay maanta ay ciidamadda ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed ay ugu deeqeen xoolo badan oo iskugu jira Geella, Lo’ iyo Ari. Kadib markii ciidamadda dowladda Soomaaliya ay Shabaab ka saareen degmada Boondheere ayaa waxay shacabkii islahaa guryaha laga saaray Shabaab ay gar-waaqsadeen in ciidamadda dowladda ay abaal marin uga dhigaan neefafka Geella, Lo’da iyo Ariga. Neefafkaan ayaa waxaa goor dhaw ciidamadda dowladda lagu gudoonsiiyay xaflad balaaran oo ka soconeysa xaruunta degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, iyadoo xaruunta dhawr maalmood kahor laga saaray Xarakada Al Shabaab. C/Fataax Axmed oo kamid ah wariya-yaasha Shabakadda Dhacdo.com oo ku sugan goobta ay xafladu ka dhaceyso ayaa wuxuu kusoo waramayaa, in ciidamadda dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay neefaf abaal marin ah. Wariyaheena ayaa wuxuu soo sheegayaa in neefafkaan qaarkood lagu bireeyay/qalay goobta ay xafladu ka dhaceyso, iyadoo ay jiraan neefaf kale oo si toos ah loogu wareejiyay saraakiisha sar sare ee ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu soo sheegayaa in xaflada ka dhaceyso degmada Boondheere ay gaba-gabo mareyso, isla-markaana wuxuu sheegay degmada Boondheere ay maanta ku sugan yihiin shacab badan oo aan horey loogu arag. Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay oo abaal-marin noocaanoo kala ah la-siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, oo dhawaan Xoogaga Xarakada Al Shabaab ka saaray inta badan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
  15. Nadaafada degmada boondheere oo si heer sare ah ugu socoto maanta Waa Gudoomiyaha degmada boondheere Midig ,Xildh Cabdulahi Geedi Shadoor
  16. Geel loogu deeqay Ciidanka xooga Dalka Lo’ iyana loogu deeqay Ciidanka Xooga Dalka
  17. ^^ lol markey kaso jawaaban then we can call it a clan clash.
  18. Nice progress, shacabkii oo ku so noqday boondheere oo dib uu dhisanaaya iyo howlo nadaafadeed degmada laga bilaabay.
  19. Kadib markii Shabaab laga saaray xaruuntii degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta shir balaaran ku leh masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Kmg ee Soomaaliya. Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay goor dhaw ay iskugu yimaadeen xaruunta degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, oo dhawr cisho kahor laga saaray Xarakada Al Shabaab. Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha degmada Boondheere, Gudoomiyaha degmada Shibis, Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo Gudoomiyaha degmada Wardhiigleey ayaa waxay maanta ay ku sugan yihiin xaflad balaaran oo goor dhaw ka bilaabatay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Xafladaan ayaa waxaa kasoo qeyb gallay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaa oo si weyn ugu dabaal-dagaaya farxad balaaran oo ku aadan, deegaanadii laga saaray Xarakada Al Shabaab. Farmaajo oo kullankaasi ka hadlay ayaa wuxuu si weyn uu ugu mahad-celiyay ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana wuxuu ku booriyay in inta u dhiman ay u dul qaataan. Sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, isagoo si weyn uga faalooday dhibaatada ee Xarakada Al Shabaab ku heyso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna wacad uu ku maray in si deg deg ay kusoo afjari doonaan. Waxaa xafladani qeyb balaaran ka ah qeybaha kala duwan ee warbaahinta, iyadoo xafladaani ay ka qeyb galleen wariya-yaasha Shabakadda Dhacdo.com ee magaaladda Muqdisho, waxayna ay iminka ku hawlan yihiin muuqaalo kala duwan oo ay xafladu kasoo qaadayaan.
  20. Ninku waa jaadoole ayaan kulaha dadkii mabda' somaliweyn oo markasta sheegsheega carabka ha laga gooyo nin waalan iga dheh.
  21. Haha I love them guys propoganda, hehehe b10 uu wato ninkaas tanki ma gubi karo.