Waranle_Warrior

Nomads
  • Content Count

    978
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Waranle_Warrior

  1. Three capitals for Somalia is not practical. Let all the other big cities develop at their own pace but Baraawe and Baraawe only should be the capital of Somalia.
  2. ^The point is not whether it can be rebuilt or not, for if it can be so can Baroowe. If one can demolish a rundown house and rebuilt it so can he build an empty plot too. The main issue here is whether it will resume its status as the capital after and when the federal government secures the whole country from Alshabaab and the rest of the member states' formation are completed. You see majority of the Somali people, almost 90%, have left and fled Mogadishu in 91 to different areas of the country and made a life there, built their mansions and business so it will take a lot of convincing to get these 90% Somalis to return or decide Xamar to be the capital of the federal Somalia.
  3. Maamul u sameynta Jubooyinka oo maanta Talaabo muhiim ah qaadey iyo shirkii oo dardar u bilowaday Shirweynihii Maamul u sameynta Jubooyinka oo maanta si rasmi ah oo Dhamaan ergooyinku u dhanyihhiin u bilowdey ayaa Ergooyinka Gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxay hoosta ka Xariiqeen ineysan jirin cid hor istaagi karta Maamul u sameynta Dowlada Jubaland ee Soomaaliya. Ergada waxaa maanta loo qaybiyey Dastuurka Dowlada Jubaland yeelan doonto, waxaana Buuga Dastuurka lagu sharfay inuu kan u horeeya ergada gacanta u galiyo Raysal waarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo lagu casumay shirka isla markaasna wuxuu ka socdey oo wakiil shirka uga ahaa beesha caalamka. Dastuurka Dowæada Jubaland ayaa la qorsheynayaa in la ansixiyo maalmaha soo socda. Shirka maanta ayaa ahaa mid ka duwanaa maalmihii hore ee shirku socdey, maanta waxaa ku dhamaa shirka dhamaan ergooyinka Gobolada, waxayna Ergooyinka ka muuqdey qiiro iyo sida ay uga go’an tahay ka mira dhalinta Shirka. Sawirada iyo video ga shirka naga filo goor dhow. Puntlandi.com Kismaayo
  4. xiinfaniin;933174 wrote: cadnaan1 keeps it real--his is the real sentiment looters feel and reason to keep the loot. the logic goes like this: Suldan Ali of Hobyo took my grand grand father's goats, so I keep WW's home or farm. LOool, waar ninyahow I have nothing do with anyone, waxeeyga anigaa iska leh, leave my home and farm please
  5. ^Waa opinion-kaaga waan soo dhaweynayaa, anigu laftayda I didn't select Baraawe because I'm from Baraawe. Xiin, I have no problem with Chimera in fact I love his enthusiasm but sometimes its good to criticism his youthfulness and inexperience in life or shall I say naivety. Chemira, I agree with you and also I concede the point that I shouldn't have posted the images but it was just an attempt to remind us all about the civil war and how the city has changed and not any more near the capital it once was in terms of everything including demographics. Mogadishu is not that city of the 80's or 70's. 60's waxba saas ma aheen oo markaas ayaa dadku kusoo shubmaayeen after the independence and the 90's the city was totally a different story and a different city. Marka ma iyadaa lagu noqdaa hadana as the capital mase is the question. Baraawe, Lascanod or Galkacyo are all contenders.
  6. Chimera, you are a young passionate man who believes everyone who questions Mogadishu as our capital a hater of Somalia. No one hates anything, Mogadishu was made a capital in 1960 by the Somali people after we gained independence when our first government assumed office. A civil war broke in 1991 and Somalis disintegrated, civil unrest and conflict ensued, the government fall and every Somali went back to their respected regions. Efforts have been going since that time to get the Somalis together and establish a proper Somali government, these efforts have failed many times before but now, for the first time, we are seeing a glimmer hope as a new republic is born again, a new federal system is introduced, a new government which most Somalis are willing to work with was selected and once everything goes to plan the new capital of Somalia will be decided and agreed upon by all the Somalis that disintegrated before or returned to their respected Somali regions.
  7. Oba hilowlow, that's not Xeeb its the blueness of the sky, look at the picture properly and even a little above where you think is xeeb the blue of the sky extends all the way to the top. Waryaa stop hating.
  8. Chimera what is the point of posting Cafeterias? This is not a contest of which building is more beautiful.
  9. Oba hilowlow stop you nonsense that's Laascaanood, no hating waryaa, Laascadnood is a big city and now its has grown even bigger. Also again the house and blocks in that picture look too clean to be in Mogadishu.
  10. Although I think all these cities are beautiful and can be chosen as the Somali capital but I prefer Baraawe. My vote goes to Baraawe, what do you all think.
  11. Future and potential Somali capital Baraawe city in Shabeelaha Hoose Laascaanood in SOOL Gaalkacyo in Mudug
  12. Xamar was the capital of the old republic and former governments' seat but the future capital of Somalia would be decided by the Somali people. Xamar waxay ahayd capital 1960 - 1991. Intaa wixii kadanbeeyay wadanku fowda ayuu kujiray marka Somali isku soo laabato waxaa la isla meel dhigayaa meesha la isku raaco inay noqoto Magaala madaxda the federal republic of Somalia.
  13. Xx, taasu waa isku dirkii aad wadeen mid lamid ah. Baraawe Somalia ma ahan miyaa?
  14. Caasimada Soomaaliya waa in Sadex Magaalo ku tartamaan midii noqon laheyd. March 31, 2013 3:26 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar Print Print Waxaa shaki ku jirin in weli aan la isku afgaran halka sida rasmiga ugu noqon doonta Xarunta Dalka magaalo madaxda Soomaaliya, tan iyo markii Dagaalada Sokeeye ka qarxeen Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kuna kaliftay dadkii wada deganaa in ay ku kala qaxaan ilaa iyo maantana la haysto deegaano shacab leeyahay iyo dhulalkii dowladda oo laga dhigay intoodii badneyd kuwo gaar loo leeyahay oo la boobo. Muqdisho oo u magaalo lagu kala dhaqaaaqay Muqdisho oo u muuqata magaalo lagu kala dhaqaaaqay Haddaba, iyadoo aan weli lagu heshiin sida rasmiga ah halka Caasimad u noqonaysa Ummadda Soomaaliyeed ayaa weli waxaa jira fursado lagu tatansiinkaro sadex magaalo oo dhex dhexaad ah una sinaankara shacabka Soomaaliyeed inay xarun dhexe oo magaalo madax u noqonkarta. Gaalkacayo oo ah Magaalada ku taal Bartamaha Dalka Gaalkacayo oo ah Magaalada ku taal Bartamaha Dalka Sadexda Magaalo ee Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano waxaa la orankaraa waa kuwo fursad fiican u leh in loo tartansiiyo halka Caasimadda Soomaaliya laga dhigayo madaama meelaha ay ku yalaan iyo deegaanada ay ka tirsan yihiin kulmiyaan dadyow kala duwan oo Soomaali ah. Magaalada Baraawe oo loo arki karo Magaalo dhexdhexaad noqon karta Magaalada Baraawe oo loo arki karo Magaalo dhexdhexaad noqon karta Haddaba, iyadoo weli colaadihii sokeeye iyo wixii dhibaato la isku geystay aan la iska shaafin ayaa mooda weli inuu jiro ismaandhaaf weyn oo u dhexeeya dadka degan muqdisho iyo shacabka Soomaaliyeed eek u kala Nool Gobolada Dalka oo dhan kuwaas oo kala aaminsan in wixii dhacay iyadoo aan laga wada hadlin dhac iyo dil lagu qasban yahay in Muqdisho lagu laabto, taasoo dadkii ka qaxay aaminsan yihiin inaan lagu kalsoonaankarin dhul Deegaan Qabiil dadkii Caasimadda ka dhigtay ka barakiciyey in dib loogu laabto oo lala wadaago Caasimad inay dalka oo dhan u noqoto. Laascaanood oo kamid ah Magaalooyinka u qalma caasimad Soomaaliyeed Laascaanood oo kamid ah Magaalooyinka u qalma caasimad Soomaaliyeed Haddaba, si ummadda Soomaaliyeed dowladnimadeeda aanay mar kale burbur iyo is dil ugu imaan waa in laga wada hadlaa halka Caasimad u nqonaysa Ummada Soomaaliyeed oo dhan, taasoo lagu dooranayo meesha ay dhacdo, deegaanka dadka degan iyo qabiilooyinka inay tahay meel dhexdhexaad u nqonkarta oo dhinacyada qabiilo kala duwan ka degan yihiin. Sadexda Magaalo ee aan soo jeediyey ayey igula quman tahay inay istaahilaan in look ala doorto Xarunta dhexe ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Sida Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano, laakiin aan marna niyadda la gelin in dib loogu laabto Muqdisho oo dhiig badan ay ku daadiyeen dadkii deganaa, boob iyo bililiqo baahsana ku dhaceen hantidii Ummadda ka dhexeysay iyo tii gaarka u lahayeen shacabka. Waxaa kaloo barakac lagu sameeyey dadkii muqdisho deganaa dhamaan Soomaalidii ku nooleyd qarniyo badan kuwaasoo lagu khasbay in ay gobolada waqooyi galbeed, (Somaliland) waqooyi bari (Puntland) Baay, Bakool iyo Jubbooyinka u qaxiyaan dadkii mudada dheer ku noola Caasimada, hadaba dadweynow sow ma haboona in lagu tartansiiyo Xarunta Dalka ee Caasimadda in mid ka mid ah laga dhigo sadexda Magaalo ee Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano si mar kale loo wada dhiso Qarankii Dalka iyo Hay’adihii Dowladda Federaalka Soomaaliya, lagana fogaado Dagaal sokeeye iyo barakac dambe oo isu geysato Ummadda Soomaaliyeed Soomaalijecel Part Hargaysa Somaliland
  15. ^That's good news that the secessionists are coming to their senses slowly and a bit by bit.
  16. Deg Deg: Wadahadallo dhexmaraya Soomaaliya iyo Somaliland oo ka furmaya Turkiga (Dhageyso) Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa caawa shaaca ka qaadday in wadahadallada laba-geesoodka ah ee sannadkii hore u bilaabmay Soomaaliya ay dib uga bilaabmi doonaan waddanka Turkiga, kaasoo ay labada dhinac kaga wadahadli doonaan mustaqbalkooda siyaasadeed. Wasiiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo caawa shir karaa’id ku qabtay qasriga madaxtooayda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wadahadallada sida rasmiga ah Somaliland iyo Soomaaliya ugu bilaabmay sannadkii 2012-ka, wejigoodii labaad dib uga furmayo dalka Turkiga horraanta bishan maanta kawda ah ee April. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxaa uu sheegay inay marti-qaad rasmi ah ka heleen dawladda Turkiga, isla markaana ay ka qeybgeli doonaan wadahadalladaas. Wasiir Maxamed Cabdiilaahi waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in wadahadallada dib uga bilaambaya waddanka Turkigu yihiin kuwo Somaliland iyo Soomaaliya si siman oo laba dhinac ah ugu wadahadli doonaan. Waxaanu Wasiirku xusay inay wadahadalladu si rasmi ah u bilaabmi doonaan muddo laba toddobaad gudohood ah. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar Waxaa uu Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu sheegay inay wadahadallada Turkiga uga furmaya labada dhinac ay geestooda u arkaan kuwo wax-tar u leh maamulka Somaliland, sidaa daraaddeed-na ay Xukuuamd ahaan aqbaleen marti-qaadka ay dawladda Turkigu u fidisay, isla markaana ay si rasmi ah uga qaybgeli doonto Somaliland.Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay ka hadlay shirkii golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE uga furmay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay sii wadi-taanka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u bilaabmay sannadkii tagay, isla markaana waxa uu sheegay inay sidoo kale diyaar u yihiin inay Somaliland ka qaybgasho shir kasta oo si siman ay labada dhinac ugu wadahadlayaan. Madaxweynaha Somaliland, waxa uu gaashaanka ku dhuftay ka qaybgalka shirka dawladda Ingiriisku magaalada London ee dalkeeda ay bishan ugu qabanayso Soomaaliya, kaasoo lagu marti-qaaday, balse Madaxweyne Siilaanyo uu qaaddacay, isla markaana sheegay inaanay Somaliland ka qaybgeli doonin shirkaas, maaddaama oo sida uu xusay ay u arkayaan mid aan dani ugu jirin Somaliland. AMA HALKAAN KA DHAGEYSO RBC Radio Xafiiska wararka ee Hargeysa.
  17. Horta rag badan waa isku raaceen oo waa ila arkeen. Madaxwaynaha iyo PM aad bay u hadal macaanyihiin, cajiib! Nimanku fiicanaa?
  18. The are not small in number but disorganised and directionless, waa le'eg yihiin traingle-ka hadaanay kabadneen. Nimanka min Sayidkii ilaa hada dagaal walba usoo taagna hadana ragga ugu badanna keena matira yara ee si kalaa salaadu isugu qabsan la'adahay.
  19. The higher ranks of ASWJ in Gedo lambasts the PM as blatant liar. Ninku wuu isceebeeyay, dhooqada uu is dhaxdhigay iyo isku tirinta kabilaabatay Gedo isagay utaal sidi uga bixi lahaa.
  20. Afhayeenka Ahlusunnada Konfureed oo beniyay in uu jiro heshiis dhexmaray Ahlusunna Iyo Dowlada Somalia. Maamulka Ahlusunnada Konfureed ayaa manta Shirjaraaid oo ay uga hadlayaan heshiis la sheegay in lagu kala saxiixday Magaalada Garbahareey ku qabtay Magaalada Kismaayo. Afhayeenka Maamulka Ahlusunnada Konfureed Sh. Maxamed Daa,uud Codweyne ayaa waxaa uu shirkiisa jaraaid ku sheegay in Masuliyiinta sar sare ee Ahlusunnada Konfureed in ay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka waxaa uu intaasi ku daray in aysan jirin heshiis dhex maray Maamulka Ahlusunnada Konfureed iyo Dowlada Somalia Dowlada Somalia na ay ku tahay Ceeb in ay ku been Abuurato Masuliyiinta Maamulka Ahlusunna ee dadaalka iyo Dagaalka adag u soo galay dib u xoreeynta Dagmoyinka Gobolka Gedo. Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Ahlusunnada Konfureed waxaa uu si kooban uga hadlay Maamul manta uu Raisalwasaaraha Somalia u Magacaabay Gobolka Gedo. “Waxaa nagu maqaalo ah in Raisalwasaaraha Somalia uu gobolka Gedo u magacaabay Maamul kmg ah oo 6 bilood shaqayn doona arinkaasi waxaan ka leenahay Raisalwasaraha Somalia waa ku dag dagay waxaana halkaan ka cadaynayaa in raisalwasaarah uu Gobolka Gedo ka iclaamiyay Dagaal sokeeyo oo ay wada galaan dadka walaalaha ah ee daga gobolka Gedo.Shacabka iyo Maamulada Dagmoyinka Balad Xaawo , Doolow, Luuq, iyo Ceelwaaq marna raali kama ahaan magacaabista uu sameeyay Raisalwasaare Saacid waxaayna arinkaasi dhalinaysa in gobolka ay ku wada sugnaadan Awoodo is diidan taas oo sahli karta in gobolka uu galo colaado sokeeye ayu yiri Afhayeen Codweyne. Afhayeenka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay aad uga xun yihiin in Raisalwasaare Saacid uu khilaafyo iyon Colaado uu u soo xawilo Gobolka uu isir ahaan ka soo jeedo ee Gedo oo Mudoyinkan danbe ka soo kabsanayay colaadihi sokeeye. Ugu danbeyn Afhayeenka Ahlusunanda Konfureed ayaa waxaa uu shegay in uu Shacabka Somaliyeed iyo Beesha Calamkaba u cadaynayaan in aysan wax heshiis ah la galin dowlada Somalia ayado uu qiray in Masuliyiinta Calamka ay aqonsan yihiin ee Ahlusunnada Konfureed ay ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo . ———————————- Maxamed Cabdi Cali Kismaayo-Somalia