Duufaan

Nomad
  • Content Count

    2,127
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    14

Posts posted by Duufaan


  1. Xaji

    ileen waxaad unasan weydey dagaal haye baad xasuusan tahay. Aadan Carab iy o dagaalkii haye. Gabay: Goobjoog

     

     

    Codkiisuu bogtaa aar haduu coodi loogsade'e

    Habeenkuu cashada deeqda helo camal higoodkiise

    Cartankiyo jibaadkaad waxuu cunay ogaataaye

    Anaguna caraad baan aqaan caawa oo kale'e

    Cuud iyo hadaan goobtii helay amase ciilbeelay

    Warku how cadaadee bal maan caalamka u sheego

    Inkastoonba curadba u ahay inaan canaan qaado

    Colka oo duulan maalintii hadii la i caleen saaray

    Cimrigiisu nin uu dheeryahoo caarif aan ahaye

    Waa lagu casali baan is idhi caana waad tahaye

    Caqligaan ka fiirsaday tashiga kii u cidhib roone

    Waxba nolosha lama caabudee ceebta ma ilaashay

     

    Kolse hadaanan caafiyad dab iyo ciidan tabanaynin

    Casar iyo inaan duhur wax galo caariyaan bidaye

    Waa caado tuug galab in aan ceelka weeraro'e

    Ma cadceeda oo soo baxdeybaan cudud idiin sheegtay

    Cadadkeeda guutada miyaa samada caad fuulay

    Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay

    Markii caara dhuubtiyo la riday saban cabaadaaya

    Shinbiraha cidoodiyo jugtii fule ma cayntaaray

    Ma caraystey qaaraan dhulkaba cagaha saaraynin

    Geesiga dagaalka u cinbaday ciidhe ma utoogtay

    Cirka lama marshee shiishka hoos ma ugu wada ciirshay

    Ma ku culay buntukhu dhowr gu'buu naga cabaysnaaye

    Midna looma caaline sidii cawsha ma useenay

    Caydiga ma laynee nin raga caymo ma udiidnay

     

    Cuqli waalid waa ubadka kaca waalidka cisayne

    Caanaha hablahayaga kuwii soo cabaye nuugay

    Ee lagu canqariyaa iblays soo cawaansadaye

    Iyagaa cashiirada na baray loo cariigsado'e

    Casar iyo miyaa garashadii lagu caqiibeeyey

    Nin kastoo calaacalay miyaan ugu calool daacay

     

    Dhaaxaa kufrigu caawiyee nagu cadaadsheene

    Ingiriis carow waana kii cawda loo jaraye

    Ma cidlaan ka helay gaalo aan lagu cabanaynin

    Waa taan cadaadaye timihii iga ciroobeene

    Ku mana caar guduudeyn xinaha lagu caseeyaaye

    Sidii ciistihii hore miyaan dhiiga ku cilaantay

     

    Haye waa carada ay dhawaan nagu cidhiidhyeene

    Caasimada hawd buu noqdiyo cadan yartoodiiye

    Isagoo camiran baa doraad la igu caasiyaye

    Kun calaamad laan soo dul dhigay oo cadaawaha'e

    Bal inay cawaan wuxu yihiin malo caruureed leh

    Dhar cagaaran iyo mood wixii guriga ceegaagay

    Ilaa cadayna kama qaadanino weys cajabiyeene

    Carwaan mooday subaxdii markii ay nooga carareene

    Ma ku caranay awrtuba dhirtay caasha marisaaye

     

    Gobaa culuse nabadii tolkay u cidi jiidaayey

    Waa taa intaa caarideen cunaha taagteene

    Intaan duul indhaha kor u calaqay hoos usoo celiyey

    Ee aan cidaadaha ka dhigay soona cigan weyday

    Cilmi iyo rag taariikh watoo caaqilaa furiye

    Cali daalin iyo baa na garan coomirka isaaqe

    Cashuun baan jabshaa habarjecloy duul cantarahaye

    Hadaan maanta calankii qabsaday ceelka laga taagay

    Cajaladaa naloo soo diraa cunugu keenaaye

    Carabkii qoyani waa hadlaa hay canjalafayne

    In cadaalad sheekadu gasho baan kaa codsanayaaye

     

    Afartaa cayaartii libtiyo ka cukanaantii dheh

    Cumar iyo markay Samatar gabay nagu casuumaan dheh

    Cawl iyo gu'goo cirir ku jira curashadiisii dheh

    Bal aan waliba kama caajisee caarada u saaro

     

    Casaawiirta nimankii lahaa boqolka cayn cayn ah

    Ee idin cadaabee banaan idinka cayntaarshay

    Jeereey wadaad caabudeen cuqabadoodiiye

    Waa taad cagaag iyo kuraha ku cadibnaydeene

    Ee aad sengaha cal iyo buur kaga carceerteene

    Cariskaba hadaan idin tusay aad ciir ku lulateene

    Nabsaa curiyey cayn iyo nugaal inaad ku ceeshtaane

    Canjilka iyo sinaantuba waa cawri aadane'e

    Iminkana fufkii baa cigtayo soo cawaal baxaye

    Marka inaan cashuurtiyo dhibkii dib u cusbooneeyo

    Yaa faras camuudaa ka badan loo carbinayaaye

     

    Cabdi maahir jeeskii dhalaye coodinleba qaatay

    Cibraanka iyo sanbuur kaan lahaa cuna tigaadiina

    Waxba yaan canbaarayn dar aan ciidanba ahayne

    Dadka qoloba cuurbow tashoo la ictiraafaaye

    Reer yusuf ciid kuma sugayn caydhiskii shalaye

    Carootigii subax nimay na carcarsheeyeene

    Goortaan carcooriga hadhkii dirir cusbooneeye

     

    Waatay calfahii iyo qubeen kabo carbeedkiiye

    Celiyaayda fiigaha miyaa caato nagu reebtay

    Ku waa caayayee eray xun sow kama cadhoon waayin

    Ma cabiidshay ina kaahin baa loo cimaamadaye

    Cawaday anoo nool hadii aan calaftidaa gaadhay

    Markan soo cimraysiyo xajkii u citiqaad ma'aha


  2. t-72 tanks?. The somali army did not even had T-72 Tanks and by 1988, it only had six fighter plan working and they were in moqdisho for last time.

     

    Where somaliland get it is weapon?

    The twenty six division of somali army was based in north west somali when the somali goverment colapsed 1990.General Abdiasiis took what he could take and SNM took the rest. Somaliland has 8 T-44 and T-52 working Tanks compare to SSC 10 Tanks working.


  3. "The closure is against the spirit and the objectives of Federalism and of preserving the image of our country. It will have negative repercussions that will affect Somali citizens and the future governments of Somalia."

     

    Is this a new pro colonial group? kulahaa the objectives of Federalism.

     

    What a federalism?. Do they think, federalism means united clans? did not they learn

    anything about suldaans exiled by colonial last time or Yusuf exiled to Yemen.