Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargeys kasoo baxa Uganda oo sheegay in 46 Askari lagu dilay Weerarkii Buulo-mareer

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugandan-soldiers-killed.jpg?resize=920%2Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda  oo soo xiganayay Wargeyska Guardian oo ayaa baahiyay in 46-askari oo u dhashay dalka Uganda, qaybna ka ah Hawl-gala Midowga Afrika lagu dilay weerarkii toddobaadkan ay Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Jariidadda Guardian oo soo xiganaysay sarkaal Soomaali ah oo ku sugnaa saldhig ku dhaw saldhigga la weeraray ee Buulo-mareer ayaa sheegay in askarta lagu dilay weerarkaas ay qaarkood ahaa rag ay si wanaagsan isku yaqaaneen.

Col. Cabdi Nuur Xaashi oo ah sarkaal u waramay wargeyska Guardian oo ka soo baxa isla Uganda ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid xoog leh oo lagu dilay askar badan oo dalka Uganda u dhashay, sidoo kalena lagu dilay goobta xoogag badan oo Al-shabaab ka tirsan.

“Inta badan askarta lagu laayay weerarkan Buulo-mareer waxaanu ahayn saaxiibbo, kuwaasoo aan wadaagi jirnay cunnada iyo cabitaanka,” ayuu ku iri wargeysiga, isagoo intaas ku daray. “Waanu ku guul-darreysanay inaanu caawinno askartaas, waayo saldhiggeenna ayaa lagu soo weearray gaadiid qaraxyo lagu soo raray.”

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in askartan la dilay kaddib markii ay waayeen wax gurmad ah, waayo waxaa isku hareereeyay xoogaggii goobta weearray.

Dhanka kale, Col. C/llaahi Cali Caanood oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada xoogga dalka oo u warramayay Idaacadda VOA-da ayaa isagana sheegay in 66-Al-shabaab ah lagu dilay weerarkaas, sidoo kalena ciidanka Uganda ay ka dhaawacmeen askar aan badnayn.

Geesta ka kale, Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa isagana  horay u sheegay in afar askari oo qura weerarkaas looga dilay, iyaguna ay dileen tiro badan oo Al-shabaab ah.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay weerarkaas ku dileen 59-askari oo ciidamada Uganda ka tirsan, iyagana ay ka dhinteen 14 ka mid ah xoogaggoda, inkastoo aan sheegashooyinkan la kala saari karin.

PUNTLAND POST

The post Wargeys kasoo baxa Uganda oo sheegay in 46 Askari lagu dilay Weerarkii Buulo-mareer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this