Sign in to follow this  
Jacaylbaro

New Hospital for Burco

Recommended Posts

Burco (Qaran news)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa shalay xadhigga ka jaray cusbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka cusbitaalka cusub, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka caafimaadka Somaliland madax ka kala socday axsaabta qaranka oo hormuud u yahay Guddoomiyaha xisbiga UCID, maamulka Gobolka Togdheer, weffti reer Kuwayt ah, aqoonyahanno, culimaa?€™udiin, xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo martisharaf kale.

 

Cusbitaalkan oo ka kooban afar qaybood ee ay ka kooban yihiin cusbitaallada caalamku, loona bixiyay MANHAL Hospital Burco, waxana dhismihiisa ku deeqay nin u dhashay dalka Kuwayt, dhismihiisana waxa si wadajir ah u fuliyey Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer iyo hay?€™adda samafalka ee MANHAL.

 

"Waxa ii farxad ah maanta oo aan joogu cusbitaalka labaad ee ay dhistay hay?€™adda MANHAL qaybta Burco, waxaanan leeyahay MANHAL wasaaradda caafimaadka la socod siiya qorshayaasha aad ku dhisaysaan cusbitaalada si aanu idiinku sheegno meelaha aad ka dhisaysaan siday u kala muhiimsanyiin. Annagu haddaanu nahay wasaaradda caafimaadka diyaar ayaanu u nahay in aanu cusbitaalkan cusub keeno hay?€™adaha taakuleeya caafimaadka Somaliland, weftiga reer Kuwait ee inoo dhisay cusbitaalladana waxaan leeyahay gobolada kalena gaadhsiiya cusbitaallada noocan ah.?€¯ Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey xafladdii furitaanka cusbitaalka cusub.

 

Wasiirka oo si gaar ah uga hadlayey Cusbitaalka Guud ee Burco, waxa uu yidhi; ?€œDhaliilo ayaa naga soo gaadha dadku kaga cabanayaan cusbitaalka guud sida uu shaqeeyo, annaguna wasaarad ahaan waanu ku dadaala cusbitaalka guud ee Burco shaqadiisa, markaa waxaannu cabashada ka timaad dusha u saaraynaa dhakhaatiirta ka hawlgala,?€¯ ayuu yidhi Md. Cabdi Haybe.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali-waraabe, oo isna munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dawladda Kuwait oo uu sheegay inay caawiso cusbitaallada Somaliland, "Kuwayt waa dawlada qudha ee Carbeed ee aad u caawisa cusbitaallada dalkeenna, hay?€™adda MANAHAL-na waxay qabatay wax aanay dawladi qaban oo dhaxalgal ah, annaguna UCID ahaan waxaannu xoogga saari doonaa caafimaadka iyo waxbarashada.?€¯

 

Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey aragtidiisa ku wajahan muranka ka aloosan dhoofka xoolaha nool iyo heshiiska xukuumaddu kula jirto ganacsadaha Carbeed waxa uu yidhi; ?€œBaryahan dambe waxa isa soo tarayay cabashada dadku kaga soo horjeedaan adhiga ay dawladdu u xidhay ninka Carabka ah ee Al-jaabiri, waxaan leeyahay dawladdu ha soo bandhigto heshiiska ay la gashay Al-jaabiri, hadduu xaaran yahay iyo hadduu xalaal yahayba dadku ha kala arkeene.?€¯

 

Madaxa Hay?€™adda MANHAL ee fulisay dhismaha cusbitaalka cusub, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariic badan oo hay?€™adoodu ka fulisay dalka Somaliland, "MANHAL mashaariic ballaadhan ayey ka fulisay dalka waxana ka mid ah cusbitaalaka Hargaysa ee shaqeeya iyo cusbitaalkan aynu maanta [shalay] furayno, masaajido, waxaanuna diyaar u nahay in aanu ka qaybqaadano horumarka dalka," ayuu yidhi Sheekh Jaamac.

 

Guddoomiyaha Golaha Degaanka Burco Mr. Maxamuud Axmad Xasan (Dhaga-laab), waxaannu sheegay in cusbitaalkani yahay kii labaad ee hay?€™adda MANHAL, isagoo rajeeyey in tallaabada xigtana hay?€™addu ku gaadhsiin doonto gobollada kale ee dalka.

 

?€œAnnagu cusbitaalka waxaanu u dhisnay in ay masaakiinta loogu faa?€™iideeyo, balse umaanu dhisin in macaash laga helo." Sidaa waxa yidhi Injneer Sheekh Mubaarik ninka reer Kuwait ku deeqay dhismaha cusbitaalka cusub.

 

Dadka kale ee xafladdaa ka hadlay waxa ka mid ah Suldaan Maxamad Xasan Ibraahin, Xildhibaan Naasir X Cali Shire, Dr. Cabdi Aw Daahir oo ku hadlayey magaca xisbiga KULMIYE, Aasiya Cismaan oo ka socotay (WHO) iyo Dr. Maxamuud Axmad ?€“shiine, waxaanay dhammaantood mahadnaq u jeediyeen hay?€™adda MANHAL, weftiga reer Kuwait, shirkadda DAHABSHIIL oo dhulka ugu deeqday cusbitaalka iyo Guddiga Horumarinta Gobolka Togdheer oo iyaguna gacan weyn ka geystay hirgelinta cusbitaalka cusub.

 

Cusbitaalka ayaa waxa la dhigay qalab casri ah, waxaannu ka kooban yahay afar qaybood oo kala ah, qalliinka, dawaynta quud, dhalmada iyo qaybta qalliinka indhaha iyo bukaan-jiifka.

Keyse Axmed Digaale, Burco

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Who is the white guy?? did he fund the hospital?

 

CL you expect gender equality in Burco. What if I told you that the Somali events that take place in the UK are even worse. Weliga ma luugu yidi sidaaso daaqan keena maah when you tried to question the male speaker?? then you have to go and find nin kuu haadla :D lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Where is Burco is? Is it completed? Where are the pictures? I want to see what it looks like on the outside and what equipments they have? How big is it? How many wards? Do they have anyone to work there? When will it open?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those photos are takan during the opening ceremony of the hospital. From now on it is ready to operate. I'm still looking for more photos to see the outside of the hospital, the inside, wards and so on.

 

qalliinka, dawaynta quud, dhalmada iyo qaybta qalliinka indhaha iyo bukaan-jiifka.

These are the four departments of the hospital:

 

Surgery department

General Department

Delivery department

Eyes department

 

(not sure the english) , :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Surgery department

General Department

Delivery department

Eyes department

Looooooooooooooooooooooooooooooooooool HAHAHA loool heheh looool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this