Deeq A.

Khaatumo: Xamar waxba nooma yaallaan

Recommended Posts

gooni   

Khaatumo waa masdarkii xoriyadda waana la dayacay runtii,haddii la tageeri lahaa maamukoodana, Snm ma hawaysateen inay dhul soomaaliyeed xaqul qallin ku iibiso

Kurdiduba ayagoo qalabkii reer galbeedka wata bay barqo ka carrareen kerkuk

Runtii waxay noqon karaan carro tuur fiican oo aminigga qowmiyadoo dhan ku filan, si ay uga hortagaan damacaas carabtu hoosaasinayso oo la doonayo in itoobiya looga dhigo shaydaankii reerka hadhuudhka karsanaya xabadda ama midhka ku dhex darsaday, hadhow markay bislaatayna ku dooday in midhkiisii dhalay barakaddaa badan.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Haddaad wax eryan karto dan wayn baa noogu jiri lahayd, berberana looma baqneen saaxiib

Meelo badan ood gar iiga leedahay baa jirta sida arinta khaatumo.

Waa arrimaha ay ka gaabisay dawladda dhexe ayagoon fiirin khatarta ka imaan karta maamuladaan  suuq-gaynta calamada u samaystay.

Waxay ahayd inay dhufays siyaasadeed ka ag qotaan mar hore si aysan hogaan days u noqon sida snm.

Siyaad barre  allaha u naxariistee wuu noo sheegay mar hore ajandaha snm balse soomaalidu boqol sano wax kuma fahamto

Tusaale

Cid garan kartaa ma jirtaa farqiga u dhaxeeya maamulka snm iyo somaalida inteeda kale?

Snm meelaha ay ka taliso nabad galyo fiican baa ka jirta marka la barbar dhigo gobalada kale.

Sababtu waa maxay?

Miyay ka caqli iyo xigmad badan yihiin wallaalahood koonfurta iyo gobolada kaleba?

Miyay ka ciiddan iyo nabad sugid fiican yihiin?

Maxaa buurahooda shinbiro iyo duur joog kaliya looga helaa una diiday in lagu dhuunto? ma dayax gacmeed gaara baa ilaaliya?

Xag-jirku wuuna kasoo aflaxaa wuxuuna u arkaa inay shareecadda islaamka wax ku xukumaan,oo jihaad ku waajibin, halka ay gobolada kale xasuuqaan, una arkaan gaalo kalkaal shareecada daba marsan, maxay tahay sababtu?

Su'aalahan oodweyne kama jawaabi karo aragtidayda inuu faqash ku meeraysto mooyee

Aan ku hor maro aragtidayda

Marka laysku soo xooriyo waa meel la ilaashado si ay u noqoto suuqa horimarinta maal gashiga caalamiga ah iyo kala iibsiga soomaliyoo dhan.

Waana arintii uu aabe siyaad ka digay tobonaan sano ka hor, buugana waxaan ku qornay yaan magiciisa lasoo qaadin si aynaan u xusuusan dhismihii warshadihii iyo wada jirkii uu umadda la jeclaa shantooda geesba.

Fiiro gaar ah

Waa horumarkeena inay gobolada waqooyi ku noolaadaan nabad galyo horumar barwaaqo iyo isdihaar balse ay iska ilaaliyaan ajandaha ay ka been sheegeen snm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ducaale

Beel nacayb uma hayo,saaxiib waa nadaamka ku geliyay inaan is necebnahay waxaan ka hadlayo

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa been fakatay run ma gaarto dadka waxaa la geliyay inuu siyaad barre bahal ahaa waana tan keenaysa in xididka beentu isla markiiba damqanayo markii lasoo hadal qaado magiciisa...ka gudub

 

isku day inaad ka jawaabto su'aalaha kor ku xusan,adigoo ka fogaanaya jawaabo horay ii qancin waayay oo oranayay shacabkaa isku duuban qofkii guri kiraysta horaa laga sheegayaa oo la xidhayaa iyo bitibiti badan.

Sababtaan ugu qanci waayayna waxay tahay kuwo ku dhashay hargaysa oo guri kiraa degenayn yaa koonfur isku qarxiyay maxay tahay sababtu? sadaqada iyo jihaadku xaggee laga bilaabaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waxaan qiyaasi waayay da'daada saxiib mar waxaan is iraahdaa waa innan yar sida ducaale, allaha noo daayo.

Marna waxaan is iraaahdaa waa oday isku dhex yaacay waxba hakasoo qaadin hadalkiisa.

Ictidaarka iyo raali gelinta wixii soomaaliya ka dhacay waxaa laga rabaa snm farmaajo iyo khayre lagama rabo, wada hadalka ka horna waa inay shir jaraa'id qabtaan ayagoo qushuucsan waa caqli saliim ah.

Sababtuna waxay tahay labadaas nin ma matalaan dawladdii siyaad barre sodon sano ka hor  alle oofsaday

Snm weli way joogtaa ayadoo meel walba la taaggan siyaad barre hanagala qabto dhib faro badan buu nugu hayaa runtiina waa wax aan la fahmi karin.

Guusha aad ku faanayso waan kawada qayb galnay anagoo u haysanay inaad doonayso bedelidda nadaamkii aad saluugtay sidda kuwii kaa horeeyay oo kale ee gobolada bari.

Waligaa ma maqashay snm oo saxaafadda la hadashay berigii dagaaladu socdeen oo ku andacoonaysa inay u dagaalamayaan madax-banaani? ...maya, meelna laguma hayo,waana tan keentay inay usc reer ss oo dhan kula tacaatufaan ayagoon fahamsanayn ajandaha snm oo shisheeyuhu sameeyay.

Ugu dambayntii ku daalin maayo haddaad taariikhda sagaashankii la kowsatay ama aad akhrisay buugga beenta ku buuxdo oo caruurteena lagu marin habaabinayo

Dawlad kasta markii la baabi'nayo lama dumiyo dalkoo dhan  dhamaantiis ama goboladoo dhan,waxaa la sameeyaa meel nabad ah oo ay ku nastaan dadka shaqada loo xil saaray inta hawl-galku socdo hargaysaana nasiib u heshay.

Qabuuraha isaga kor taga oo qaata qaybta idinkaga aadan masuuliyadda dalka iyo dadkaba yeelina maysaan inta lacagu idiin muuqato balse damiirka ha wada dilina wax un hambeeya waatii horay loo yiri madax muuqda iyo minddi aan wax goyn midna lagama samro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.