Sign in to follow this  
checkmate

Somali proverbs ama Murti

Recommended Posts

Gediid   

dameer isku haleyn bey hooyadeed dabada u nuugtaa

 

Islaanta haruurka tuuntaa inaanteedu haadiskey barataa.

 

Laba xaran ku heshiisaa xalashey ku coloobaan

 

I got a million but my mind wont spit them out.Waan ku soo noqon doonaa IA.Intiina kale dont copy and paste write only those proverbs you know.Takes the fun out of the game if you copy and paste........... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Gediid

Intiina kale dont copy and paste write only those proverbs you know.Takes the fun out of the game if you copy and paste...........
:D

That disqualifies me bro :D Nice to see you anyways.

 

What i'm more intersted in is the origins and stories behind the 'sayings' (not proverbs) we use almost everyday.

 

For example we all know what the story of saying: Timirtii horeba dab loo waa

 

Does anyone know stories behind any of the famous 'sayings'?

 

peace!

Share this post


Link to post
Share on other sites

another famous saying Wixii la qariyo qurun baa ku jira :D:D my moms used ta say that to me alot... yall can tell i was a mischievous ey

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG Moti   

1. Luuq Luuq marow, laami aas kudanbeeyaa

 

2. Nin isfaaniyey, waa sac heeso laheen

3. Fulay ilmo aas koriyaa, geesi qabri aas ku ordaa

 

4. Odey bareeray, waa naf dhibootay

5. Baraf ninkii cuna, hargab yuusan ka qelin

 

:D , these are the most wise and well known sayings in all over Somalia... peace

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

GEERI GEEL JIRO IYO WIXII AA LA AQOON BAY KU FIICANTAHAY.

 

TUUG LAQABTAY TALO MALAHA

 

NINKII LAGA WAAYO SOO JOOG, SOO JIIFSO BAA LAGA HELAA

 

XOOG MAROODI BAA DUURKA KULA JIRA...

 

bas bas hee, ma sii wadaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Checkmate

 

here are some old writeup of mine, hope it is what you r looking for

 

1)

 

Waxaa Zuhdiga ( nolosha adduunka oo hammigeeda la yareysto) laga wareystay Al Xasan Al Basri, wuxuu ku jawaabay:

 

Waxaan ogaaday in qofkale uusan risqigeyga qaadaneyn, markaasaa qalbigeyga dagay

Waxaan ogaaday in howsheydu ayan qofkale sugeyn, markaasaan keligey qabtay

 

Waxaan ogaaadey in Allah uu i eegayo ( ii jeedo), markaasaan ka xishooday inuu inuu i igu arko macsiyo

 

Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, markaasaan u diyaariyey sahay aan kula kulmo Rabbigeyga.

 

 

2)

 

Degdegtu waa camalka sheidaanka, marka laga saaro:

 

1. Inanta oo loo guuriyo

2. Martisoorka martida

3. Deyn la biixiyo

4. Danbi laga towbo keeno

5. Meytka oo la duugo ( aaso)

 

 

3)

 

 

Saaxibnimada

 

Nin Murti badan ayaa wuxuu yidhi:

Haddad qof la saaxiibto, ka yeelo akhayaarta asxaab, maxaa yeelay fujjaarta wa dhgax ayan biyo ka soo burqan, geed aan cagaar leheyn, dhul aan dhir ka soo bixin. Shan ha ka yeelan saaxib:

 

Faasiq, maxaa yeelay cunno wexey ugu yartahay buu kugu iibsan

 

Bakhaylka, adoo gargaar maal u baahan buu kaaga baxaya

 

Beenlow, waa sida dhalanteedka, wuxuu ku soo dhoweeyaa wax fog, wuxuuna ka fogeeya waxa dhow

 

Nacaska ( Dabbaalka), wuxuu dhibaato kuu keena asagoo raba inuu ku anfaco,

Rixin Jaraha, maxaa yeelay allah ayaa nacladay.

 

 

4)

 

Nin Xakiim ah ayaa waxaa la warsday:

Imisa jir baad tahay?

 

Wuxuu yidhi: Caafimaadkeygu waa wanaagsan yahay, Alxamdulillah

Waxaa la warsaday:

Lacag imisa ayaad meel dhigatay?

Wuxuu yidhi: Deyn la iguma laha, Alxamdulillah

Waxaa la warsday:

Imisa cadow ayaad leedahay:

Wauxuu yidhi: Qalbigeygu waa nadiif, carrabkeyguna waa dabran yahay.

 

 

5)

 

 

Nin baa Allah baryay:

Rabbiyow, waxaad ii hibeysay waxaa qalbigeyga la qurxan, rajadaada,

Carrabkeygana wuxuu ku hadlo waxaa ugu macaan, xuskaaga

Maalmahana waxaan ugu jeclahay, maalinka aan kula kulmi doono.

 

6)

 

 

Nin Salafka ka mid ah ayaa wuxuu yidhi:

 

Qofkii ku shuqultooma howsha aakhirada, Allah ayaa kaaa kaafiya adduunyadiisa

 

Qofka hagaajiya xidhiidhka uu Allah la leeyahayna, Allah ayaa hagaajiya xdhiidhka uu dadka la leeyahay.,

 

Qofkii sirtiisa ay wanaagsanaato, Allah ayaa wanaajiya wixii ka dhaca oo erey ama camal ah oo muuqda.

 

 

7)

 

 

Inan yar baa u dhimatay daacuun, markaasaa aabbaheed ku arkay riyo, wuxuu ku yidhi, aabbe, iiga sheekee aakhirada? wexey tiri, aabbe waxaannu u nimid arrin weyn, oon ogeyn, haseyeeshee aannan u shaqesyan jirin, Wallaahi , hal tasbiixsasho oo qudhah, ama hal rakcad, oo ku taalla warqaddaada ayaan ka jeclahay adduunka iyo wax ku jira oo dhan.

 

 

8 )

 

 

Naag baa la dardaarantay wiilkeeda :

Maandjow, waxaan kuu dardaarmay inaad u noqoto walaashaa aabbe, ayadana waxaan kala dardaarmay iney kuu noqoto hooyo, ogowna iney kuu tahay marti, yaaney qaloon, ogowna dharka raganimadu inuu dab yahay, hadaba walaasha ha cidhiidhin, ogowna korgaagu si walba hadduu u weynaado, inuu ku dambeyn doono cunnada tixriga, hadaba ha ka hagran korkaaga inaad u kaalmeyso walaashaa, ogowna xidi walboo korkaaga ku jira oon ku dhiig bixin jihaadka allah dartiis, inuu uu dhiig bixi doono maalinka qiyaame yaxyah dartiis iyo cabsida Allah, markaasey naftii ka baxday,.

 

 

9)

 

 

Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?"

 

Wuxuu yidhi Murtilihii:

 

1. Wax sii, waxna ha ka qaadan

2. Garta ayaga sii, hana la garramin

3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin.

 

 

Nur

-------------------------------------------------

Kuwa iga da' weyn waa iga ajar badan yihiin, kuwa iga da' yar waa iga dambi yar yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

vaah,vaaah NUR walaaahi waxaan ayaa la yiraah daa murti, mahad sanid walaalkiis ilaahey ha kaa abaal mariyo wanaagaaga.

Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?"

 

Wuxuu yidhi Murtilihii:

 

1. Wax sii, waxna ha ka qaadan

2. Garta ayaga sii, hana la garramin

3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin.

 

walaahi this one touched me the most maxaa yeelay nabigeena (salawaatul laahi calayhi wasalam) ayaa wuxuu yiri: those that will stand next to me in the day of judgement(qiyaama) is NOT those of you who made more salaad(prayers), is NOT those of you who read more qur'aan BUT those of you who had the best charecters in the dunya will.....

 

maasha alaah yaa akheey, jazakumi llaah

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG Moti   

Imaam Axmed baa warsaday nin murtiile ah, " sideen uga nabad galaa dadka?"

 

Wuxuu yidhi Murtilihii:

 

1. Wax sii, waxna ha ka qaadan

2. Garta ayaga sii, hana la garramin

3. Kuna sabir dhibkooda, hana dhibin, Markaasu yidhi imaam Axmed, wey adagtahay, markaasuu Murtiilihii yidhi, weliba waxaa dhici karta inaadan sidaas uga baxsanin.

Checkmate, man i feel the same... walahi i never knew these words were said by Imaam Ahmad, however

My common sense told me long time ago, that the only way you gain other's respect, if you dont need them or ask them help, while not turning them if they need your help, that way we can build a society of independant and healthy members... Nur Jazakal lah kheyran sxb, can you please write the same words in English or Arabic, not that i am saying i dont know somali.. it for two reasons

1. Many here are ciyaal maayaqaalif, or whatz up people..

2. Afsomaliga waa language complicated ah, mana aha complete language, sidaa daraadeen markaad murti ku isticmaasho, dad badan oo wali somali fiican ma fahmayaan durba, waa inaay kafakiraan oo aaah hadaan gartay dhahaan 3 saaco kadib... wa salaamu caleekum

 

peace

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

Degdegtu waa camalka sheidaanka, marka laga saaro:

 

1. Inanta oo loo guuriyo

2. Martisoorka martida

3. Deyn la biixiyo

4. Danbi laga towbo keeno

5. Meytka oo la duugo ( aaso)

Intaan baan ka helay anigana. Waa run runtii.masha'allah. Duqa Nuur waa ku dhufatay murtidii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

dhar magaalo sida lagu qaato waa fudu tahay , laakin dhal magaalo sida lagu noqdo waa dhib badan tahay

 

Raga waxaa ugu liita: ma tashade, taada ma qaate , tuu keenana ku qabsatay

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Nur that was full of wisdom.

 

Here are two poems by the poet Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", who died earlier this month.(may Allah have mercy on him)

 

Gabaygan wuxuu abwaanku kula hadlayaa nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Yuusuf Nuur Jaamac la odhan jirey oo uu ka dareemay inaanu u dheganugleyn cibaadada iyo cabsida Eebbe

 

Wacdi

 

Wedku kuuma oga yuusufoow wiil inaad tahaye

Waagii beryaba mawdku waa kugu wareegaaye

Waayeel caddaadiyo u siman weled saqiiriiye

 

Inaan "Waarantiin" laysu qorin waa war la hubaaye

ninbase maalintuu waaqif yahay waaxidkaa garane

Aakhiro walaalaha dhabi wax isma siiyaane

 

Waxad laguma soofsado adduun nin isu waaloowe

Anaa wadarta reer hebel ah iyo waalid muu jiro

Ninwaliba wixii uu dhigtaa waaran ugu yaalle

 

"Waygii" Ilaahay nin jaray laga wanaag roone

Shaydaan wixii weheshadaa weylintuu kace'e

Weysada ha deynina ayuu inna wadeecaynne

 

Ilaahay ka baqa

 

Islaamnimadu waa door ninkii Eebbe solansiinne

Aftalkeeda hore waa markaa la ashahaataaye

Salaaddaa ayaan iyo ayaan la ijtihaadaaye

 

Soonkaa anfaca maalintii laga adkaystaaye

Sekadaa aduunkiyo dadkaba la iska oofshaaye

Nin awoodi karayoow xajkaa lagu itaalaaye

 

Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye

Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye

Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye

 

Adxa iyo Fitrina waa jiraan labada iidoode

Iyagana sunnaa lagu ismoo mu'akad weeyaane

Ajri xoogleh baa laga helaa ururka maantaase

 

Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye

Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye

Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye

 

Allabariga waxa loo qalaa odayadeenniiye

asaxaabigeennii dhintaa lagu addeecaaye

Ehelkaan wixiid aad tartaan loogu anafoonne

 

aakhiro wuxuu kugu noqdaa ololki naareede

Itinkeeda waa laga durkaa dhaxal agoomeede

Tuugiyo Ammaanaan la cunin oonna loo dayanne

 

Eegmada habluhu waa waxaad ku ibtiloowdaaye

Ololaa cayaartiyo Sinaa laga adkaystaaye

Afkaagaa sukuud laga noqdaa odhahsan mooyane

Awlaadsibaa lagu daraa duciyo aammiine

 

Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye

Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye

Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this