Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Buug Cusub: Xeer-dhaqameed (Xeer Ciise)

Recommended Posts

Sannadkan 2010ka waxa Jabuuti ka soo baxay oo la daabacay buug cusub oo aad iyo aad u qiima badan oo magaciisu yahay XEER-CIISE. Buuggan sida magaciisu tilmaamayo waxa ku qoran XEER-CIISE oo ah ka keliya ee ka nool xeerashii Soomaalida. Waa buuggii u horreeyey oo af-soomaali ku qoran oo si faahfaahsan uga warramaya XEER-CIISE iyo qodobbadiisa.

 

Xeerka Ciisaha oo badhtamihii qarnigii 16aad loo fadhiistay isla qarnigaana la dhammays tiray ayaa ahaa tan iyo waagaa mid facba fac ka soo tebinayey sidaana nagu soo gaadhay.

 

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 253bog oo xambaarsan 9 cutub oo kala ah sidan:

 

 

1. Cutubka koowaad, oo ka warramaya bilawgii Xeerka,dhulka, maahmaahyada Xeerka iyo qodobbo kale.

2. Cutubka labaad, oo ka warramaya qodobbada Dhiigga

3. Cutubka saddexaad, oo ka warramaya xeerka Dheerta

4. Cutubka afraad, waxa uu ka warramayaa xeerka Dhaqaaqil

5. Cutubkaa shanaad,waxa uu ka warramayaa xeerrar qubane ah

6. Cutubka lixaad,waxa uu ka warramayaa xeerka kab Ugaas

7. Cutubka toddobaad, qabashadii Ugaaska cusub

8. Cutubka siddeedaad,waxa uu ka warramaya garnaq la qaaday

9. Cutubka sagaalaad,waxa lagu soo qaatay rag ka mid ah geesiyaashii hore ee nabadda iyo xeerka ku dhaadan jirey amma dadka wax taray.

 

Buugga waxa qoray Cabdalla Xaaji Cusmaan oo ka tirsan (R.T.D.) Golaha Raadiyooga iyo Telefishanka Jabuuti, waa kayd hayaha isla markaana qaabilsan dhaqanka iyo suugaanta. Inta badan qodobbada xeerka ee ku qoran buugga waxa uu ka qoray ruug-caddaaga la yidhaa Jaamac Muuse Miicaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this