Sign in to follow this  
Deeq A.

Caanood ‘’Idaacada Anduluus halka ay ku danbeysay ayey Shabaabkuna ku danbeynayaan’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Xoogga dalka qeybahooda ka howlgala Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la xaqiijiyay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay maleeshiyaadka Shabaab ka faafinayeen fekerkooda.

Xarumahaani oo ku yaala Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa si gaara u burburiyey ciidamada Danab oo sida aadka ah u isticmaala diyaaradaha dagaalka iyo Madaafiicda goobta.

Cabdullaahi Cali Caanood, oo ah Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo goordhow la hadlay saxaafada ayaa qiray in goobaha ay ciidamadu burburiyeen ay kamid tahay Xarunta Idaacada weyn ee al-Shabaab taa oo uu sheegay in laga baahin jiray afkaarta Shabaabka.

Caanood, waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay burburiyeen labo gaari oo siday Qaraxyo, kuwaasoo ay suurtagal tahay in ay kusoo jeedeen Magaalada Muqdisho.

Abaanduule Caanood, ayaa sidoo kale tilmaamay in Idaacada la burburiyey lagu magacaabi jiray ‘’Anduluus’’ taasoo ku taalla degaanka Mubaarak, waxa uuna cadeeyay inay dhibaato ku heysay Qaranimada iyo Horusocodka.

Caanood ‘’Go’aankeenu waa inaan Shabaabku marina halka ay martay Idaacada Anduluus oo aan burburinay’’

Caanood, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgalkaasi tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeelaha Hoose.

Haddalka Caanood ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweynaha uu wacad ku maray inay soo afmeeri doonaan maleeshiyaadka al-Shabaab ee hadda ka dagaalanta qeybo kamid ah Gobolada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Caanood ‘’Idaacada Anduluus halka ay ku danbeysay ayey Shabaabkuna ku danbeynayaan’’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this