Sign in to follow this  
Showqi

Saas baa uraya!

Recommended Posts

Showqi   

Saddex hablood oo reer Jabuuti ah ayaa bari Hargeysa u soo xagaa baxay. Waxey ku soo dageen Odey ay qaraabo ahaayeen oo Hargeysa deganaa.

 

Odeygii ayaa nin dhalinyaro ah oo ay jaar yihiin weeydiiyey bal inuu hablaha magaalada soo tustuso, maadaama uu Yarku gaadhi yar leeyahay.

 

Yarkii arintan aad ayuu ula dhacay, oo wuxuu is yidhi. Wallaahi waa fursad wanaagsan oo aan hablaha ku baran karo :D Hase yeeshee wuxuu soo xusuustay in gaadhigiisu yahay mid gaboobey, daxaleeystay oo runtii aan sidaa u sii fiicneeyn redface.gif

 

Illeeyn waa nin hablaha iska dhisaya e, isla markii arinta loo sheegeyba gaadhigii ayuu geerashka ula cararay. Gaadhigii ayaa la soo giigiijiyey oo laga soo dhalaaliyey gudo iyo dibadaba si aanu hablaha cidla ula fadhiisan oo aanay fashilaad u dhicin :D

 

Wakhtigii balanta markii ay in yari ka hadhay. Ayuu Yarkii wuxuu sii maray nin ay ilmaadeer yihiin aqalkiisa. Halkaas oo uu shaadh qurux badan ka soo xidhay, cadarna isaga soo buufiyay. Illeeyn waa nin hablaha iska dhisaya e. :cool:

 

Hadaba hablihii markii uu soo qaaday, magaalada dhexdeedana ay dalxiisayaan. Sheekaduna ay meel fiican u marayso oo qosolka iyo farxada ka muuqata hablaha aanad maleeyneynin, ayaa hablihii mid ka mid ahi soo booday iyadoo sanka kor u taagaysa. Waxaanay isla markiiba tidhi Huuno Saas baa uraya maaha!

 

Yarkii baa intuu hoosta ka farxay is yidhi wallaahi bahalkii cadarka ahaa ee aad isku soo shubtay noociisii bay hablihii garteen. Intuu soo boday, isagoo dhoolla cadeynaya ayuuu yidhi Aniga ayaa isku soo shubay. Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin! Jabuuti erayga Saas oo Faransiis ah macnihiisu waa Petrolka baabuurta.

Markaa habluhu Petrol beey uriyeen, oo inanka is dhisayaana yidhi aniga ayaa isku soo shubay. Hablihiina halkaas ayey qosol uga dhamaatay habeenkii oo dhan :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this