Sign in to follow this  
Deeq A.

(VIDEO) Wafdi horudhac u ah madaxweyne Farmaajo oo soo gaaray magaalada Garowe kana warbixiyay socdaalka madaxweynaha iyo macnaha uu xambaarsan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi heer Federaal ah oo hordhac u ah safarka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo uu ku imaandoono Puntland, ayaa maanta soo gaaray Garoowe. Wafdigaan waxay ka kooban yihiin, Xildhibaano iyo Saraakiil ka socda Madaxtooyada Soomaaliya.

Diyaargarow xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ka socda caasimadda Puntland, iyadoo waddooyinka laamiyada ah iyo barxada weyn lagu xardhay calanka Puntland iyo calamka dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshuhu inuu Puntland kala qeybgalo dabaal dega 8-da January, xiligaasi oo loo dabaal degayo sanadguuradii 4-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Gaas.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo uu ku imaandoo Puntland waxaa lagu sheegay inuu yahay socdaalkii ugu balaarnaa, isagoo isaga kala gudbidoona Puntland iyo gobolada dhexe, sida uu sheegay Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyada Siciid Maxamed Warsame iyo Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise Maash.

Xildhibaan Axmed Ciise Maash, ayaa sheegay madaxweyne Farmaajo inuu Puntland usido mashaariic balaaran oo uu dadweynaha hortooda ka sheegidoono, wuxuuna shacabka ugu baaqay inaan soo dhowaynta madaxweynaha iyo waftigiisa loo kala harin.

Halkaan ka daawo wafdiga yimid Garowe.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this