Deeq A.

Unhappy with the last ceremony with PM Kheyre, Somali Police hold another event and collect donations to buy equipment

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa loogu dabaal degayay 74-aad guuradii kasoo wareegatay xiligii la aas-aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeyay ee laga dhisay dalka iyadoo lagu soo bandhigayay wax qabadka ciidanka Booliska ay u hayaan bulshada soomaaliyeed.

 

Minaasabada oo ka dhacday Xarunta Generaal Kaahiye ayaa waxaana kaso qeyb galay si haayaha Taliyaha Ciidanka Booliska,taliye ku xigeenka ciidanka booliska ,Saraakiil ,iyo leyli sargaal,kooxda baambeyda,iyo kooxda heegan oo heeso guubaabin ah aragtidooda ku gudbinayeen,

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliye General Bashiir Cabdi oo ka hadalay daahfurka xaflada ayaa ka sheekeeyay horumarka ciidanka ay sameeyeen,wuxuuna sheegay kaalinta 18-aad ay Ciidanka Soomaaliyeed ka ka galeen aduunka,iyagoo waliba daruufo adag ku shaqeynaya. Taliyahay ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Muqtaar Xuseen Afrax oo soo xeray munaasabada ayaa ciidanka ku aamanay dadaalka ay u hayaan umada sidoo kale kula dardaarmay in ay laba laaban shaqada haatane ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ay isku biirsadeen lacago ay iska soo uruuriyeen dhamaan ciidanka booliska sidii qeybta waliyoow cade loogu qalabeeyo.

 

Munaasabadaan ayaa ahayd mid si gaar ah ay qabsadeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda,maadama 20-kii bishan la qabtay munaasabada weyn ee aas-aaska ciidamada Booliska oo ka soo wareegtay 74-sano.

 

vlcsnap-2017-12-24-16h43m09s13.pngvlcsnap-2017-12-24-16h43m28s197.pngvlcsnap-2017-12-24-16h43m42s93.pngvlcsnap-2017-12-24-16h44m00s14.pngvlcsnap-2017-12-24-16h44m07s81.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

when will these ceremonies in Mogadishu end and people do the real job of policing, building things or working. 

 

Maalin walba xaflado iyo wax aan loo baahnayn ayaa lagu jiraa. Mashruucyadani ma dhamaadaan miyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.