Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo la kulmay ciidanka xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir khaasa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha kala hadlay diyaar garowga ciidamada xoogga ee qeybta ka noqon doona dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha si hordhac ah ugu sharaxay hanaanka la doonaayo inuu u dhaco howlgalka ay dowlada dooneyso inay kusoo afjarto Shabaabka. Waxa uu warbixino ka dhageystay Taliyayaasha Ciidanka iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ku saabsan Diyaar garowga ay wadaan Ciidanka ee maalmaha soo socda wajahaya Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Sidoo kale, waxa uu Saraakiisha ka dalbaday inay muujiyaan dulqaad Al-Shabaabna ay ka saaraan dhulka ay maamulaan ee Soomaaliya si looga hortago weerarada ka dhaca Muqdisho. Dhammaan magaalooyinka dalka ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow iyo Jawi colaadeed oo ay dhowrayaan Shacabka Soomaaliyeed, Gulafka Colaadeed ee ka taagan Dalka ayaa u muuqda mid ay u siman yihiin Shacab iyo Dowladd.

 

far1.jpg?resize=696%2C464far2.jpg?resize=696%2C464far3.jpg?resize=696%2C464far4.jpg?resize=696%2C464far5.jpg?resize=696%2C464

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Farmaajo enjoys being seen around military men, but I have not seen him do anything concrete to defend the people from the merciless Alshababis. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this