Sign in to follow this  
Mooge

Laascanood is falling apart. Daily killings, assassinations and demonstrations.

Recommended Posts

Mooge   

Laascaanood(Puntlland Post)-Rabashado xoogan ayaa ka soconaaya Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool, kuwaas oo ay iskaga hor yimaadeen Dadweyne aad u tira badan oo ka caraysan dilalka qorshaysan ee kusoo badanaaya Magaaladaas iyo Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

 

Mudaharaadyadan oo siweyn looga dareemay Magaalada Laascaanood ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday hal qof, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sidoo kale Dadweynaha caraysan waxay gubeen gaari ay lahaayeen Ciidamada Booliska.

 

Dadweynahan mudaharaadaya ayaa weeraray saldhigyada Booliska ee Magaaladaas iyo xabsiga dhexe waxayna dalbanayaan inuu Maamulka Somaliland gabi ahaanba isaga baxo Gobalka Sool oo ay sheegeen inuu qayb ka yahay dilalka sida joogtada ah uga dhacaaya Magaalada.

 

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa wata calanka Soomaaliya, iyadoo Maamulka Somalilandna uu ciidamo badan soo dhoobay wadooyinka, waxaana Magaalada laga maqlayaa rasaas si xoogan u dhacaysa.

 

Maalmihii u danbeeyey Magaaladaas waxaa ka jiray dilal qorshaysan oo loo geystay qaar kamida indheer garadka Gobalka Sool, iyadoo illaa iminka aan la aqoonsan kooxaha falalkaas geysanaaya, walow uu gobalkaas la daala dhacaayo rabshado hubaysan oo kala wajiya duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

This is the product of siilaanyo's occupation. every night someone is killed. people are tired of it and many are moving to Garowe.

 

niyoow I recently visited Garowe and it is very intersting what is going on. The biggest property buyers in Garowe are Lascanod migrants. They don't see their future in the occupied land. they are looking for a better place for their future and kids.

 

it is sad niyoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

mooge ma faydaa?

i hope you doing good

 

Ugu horayntii waa arin farxad leh dhankaaga markaad aragto reer laascaanood oo dhisanaya garoowe,waayo nin dhalinyaraa tahay cayaaraha badankoodana fahamsanayn.

 

snm waa ururka keliya aan qarin waxa hadafkiisu yahay ilaa burburkii dawladii dhexe

 

laba arimood xooggay saareen si ay ku gaaraan hadafkooda guracan

 

tan koowaad waa iclaamka ama warfaafinta anagoo dhan somaliland baa nala cabsiiyay idaacadaad furtaba.

 

tan labaadna waa dhaqaalaha iyo meeshay ku adeegsan lahaayeen.

 

waxaa laga yaabaa ayadoo baahi iyo biyo la'aan ka jirto gobolada galbeedka iyo togdheer inay dhisaan guryihii ay ku shiri lahaayeen guurtida reer laascaanood tiyaatarkiina dhagax dhigaan.

 

wax sharuud ah laguma xiro oo ka ahayn inay marada cagaaran ka taagaan dhismaha hortiisa.

 

shaqaaluhu waa reer lascanod askartu sidoo kale haddii laysku dhaco waxa dhinta waa isla ayagii magtana canshuurtii laga qaaday yaa dib loogu bixiyaa,dhaqaale shisheeye looma baahna.

 

siyaasadda noocaasa hal dawlad oo bariga dhexe ku taal yaa laga isticmaalaa wax afrikaan shaqo ku leeyahay ma'ahan iska daa soomaaliye.

 

snm rag fiican baa ku jira sida faysal waraabe iyo shekh siiro oo waxba u qarin dadka ay cadawga u arkaan.

 

siday sheegteen ingiriiskii waxay dhaxal uga heleen ilaa laamiga garoowe dhex mara wixii xagooda xigga waa in marada cagaaran la saaraa sida qorshuhu ahaa, inkastoo soomaalidu ku maah maahdo,nin dhintayba wax buu damacsanaa.

 

Aragtidayda puntland ayagoo daad u jeeda bay meeshay hurdeen dhufays ka qoteen

 

daadku waa carro tuur guriga xoogaa ka yara baxsan.

 

Ragga reer puntland, walaalayaal gabdhihii way barteen sida cillaanka loo marsado intaa ka badan lama ag fadhiyi karo.

 

inta u qastaan siiya ayagaa marsanayee oo reer laascaanod xaqa ha lagu taageero.

 

Haddii kale midaan xaq aqoon oo maradii cagaarnayd wata yaa garoowe kugu qabsan,taas hoos ku qor haddaydan barkinta dhanka kale u rogin intay goori goor tahay.

 

waa talo walaalkiin soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

ciid wanaagsan

 

waa runtaa oodweyne waad iga gar leedahay mowduucaan

 

mar hadduu gabaygu kaa xirmo lama geeraaro.

 

mooge yaan xabadda u waday ilaahaybaa ka duway alxamdulilah ilaahow dhiig sokeeye ha na gelin.

 

tan reer galmudug khudaarta iyo biyaha marka roobku da'o ma dhaafsiisna,

wax saa u weyn ma'ahan

 

lama barbar dhigi karo amni qowmi iyo in dalkeena iyo dadkeena lakala gooyo oo weliba kuwii ugu qiimaha badnaa, uguna midnimada jeclaa, lacag lagu kala iibiyo ama dhexdooda laysku diro.

 

waa intaa waxa i gubaya balse soomaalidu iima kala sokayso haddii qabiilka dawo loo helo.

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this