Sign in to follow this  
galbeedi

Wasiirka haweenka Sahra Cali Samatar oo fawda ku soo dhex tuurtay dalka,

Recommended Posts

galbeedi   

Gabadhani iyo kooxda la socota maxay damacsan yihiin.

 

Qodobada ay dabada ka riixayaan beesha lixaad ee caalamka ayaa waxa ugu muhiimsan sidii haweeka Soomaaliyeed ay 30% uga heli lahaayeen xubnaha baarlamaanka ee odayaasha dhaqanku soo xulayaan. Hadaba dadka hawshan dabada ka riixaya ayaa waxa ugu tun weyn heenayda ah wasiirka haweenka iyo qoyka Sahra Cali Samatar.

 

Iyada iyo koox ay maal gainayaan hayadaha madaxa banaan ee aan dawliga ahayn oo maal badan la fadhiya caasimada Kenya ee Naairoobi ayaa agendahooda siyaasadeed iyo ka mushtanaceed ee khuseeya : Qoyska, Guurka, dhalmada iyo xuquuqda haweenka , si gaara ugu heshiiyey, iyagoo aan haba yaraatee lagala tashan dadka Soomaaliyeed ee khibradaha iyo waayo aragnimada u leh arrimaha qoyska ,diinta, mushtamaca iyo dhaqanka soomaaliyeed.

 

Waxa ay si karti darro, ,,daciifnimo ,danaysi iyo ka fiirsasha la'aani ku jirto suuqa u soo gelisay " documents" iyo warbixino loo qoondeeyey ama ka shaqeeya oo keli ah wadama gaar ah oo ku talax tagay in ay gebi ahaanba dhinac iska dhigaan arrimaha khuseeya diinta iyo dhaqamada gaarka ee bulshooyinku leeyihhiin. Marka laga reebo wasiirada oo iyagu ku yimid magacaabid , haddana dadka agaasimaya maamulka dawliga ayaa u badan dhalin aan miisaan dawladeed lahayn hab guracan ku yimi.

 

xeerarka ay qaramada midoobay iyo hay'adaha madaxa banaani dabada ka riixayaan , waxa ku jira waxyaaba badan oo ah caalami ( universal values) oo kor loogu qaadayo xuquuda haweenka guud ahaan, sidoo kale waxa ku jira arrimo kale oo malaha duuduub loogu soo dhiibay oo aan Soomaalida iyo haweenka midna khusayn.. Wasiir Sahra cali samatar , iyada oo aan haba yaraatee faaqidin oo aan ka fiirsan raadka ay ku yeelanayaan qodobadani dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan, sida ay u wiiqayso dawladaha Soomaaliyeed ee raadinayaan in ay ka adkaadaan xag jirayaasha ku gabanaya diinta suuban si ay dhiiga dadka u banaystaan. Hadaba qayrul masuulnimada ay wasiiradani faraha la gashay waxay abuurtay dhawr arrimood oo raad xun ku yeeshay dalka , iyadoo lagu jiro wakhti kala guura.

 

 

1- waxa ay muran aan loo baahnayn ( unnecessary debate) ka dhex abuurtay culimadii Soomaaliyeed iyo xukuumadii. Wakhtigan adag ee Soomaaliya ku jirtao waa lagama marmaan in dadka culimada ah ee diinta u ehel sheeganaya in ay ka soo horjeestaan takfiirta iyo argagixisada oo ay garab istaagan dawlada markaa jirta , isla markaana cod dheer ku daadifeeyaan Al-shabaab iyo cidii la halmaasha. Wasiiradani ,waxay khilaaf ka dhex abuurtay dawlada iyo culimada iyada oo albaaka u furtay in culimada cabsi awgeed ay ku fikir noqdaan kuwa iyaga iyo Soomaalidaba khatar ku ah.

 

2- Qof kasta oo caqli leh iyo dadka Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin in qodobadan ay soo hoos galisay xukuumada ayna marnaba khusayn mushtamca Soomaalida. Iska daa Soomaalide, waxa aysan ka shaqaynayn wadama badan oo xataa aan Muslin ahyn oo boqolaal gaadhaya.

 

3- Waxa ay masiirkii ummadda iyo arrimihi mushtamaca Soomaaliyeed gacanta u gelisay hay'ado shisheeye , iyada oo go'aankooda soo hormarisay. Arrimahani waxay muujinayaan in dadka dawladaan hogaaminaya iyo kuwa wasiirada ka ahiba ay yihiin dad ku soo caana maalay waxan la yidhaado (NGO contractors) ka macaashyaasha hayd'adaha madax banaan ee Naaroobi fadhiya. Dhamaan waa dad hantida ay haystaan iyo mansabka siyaasadeed ee ay yimaadeen ku yimid gacan saarka " NGO' yada. Maadaama aysan maya odhan karin , amaba deeqda iyo danaha la fulinayo la isku xidhay , si duuduub ah ayey u soo qaadanayaan.

 

 

Arrimahani maxay inooga iftiiminayaan guud ahaan haweeka siyaasada galay ee qurbaha ka tagay iyo gaar ahaan wasiiradan Ina Cali Samatar.

 

Ina cali Samatar waxa laga yaabaa in aysan dhalan ama ay dhalaan ahayd markii 1975 tii uu Siyaad Barre Muqdisho ku toogtay 10 culima ah , kadib markii lagu eedeeyey in ay ka soo horjeesteen sinaanta ragga iyo Haweeka ee uu dhiirigalinayey hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Marka aad dib u eegato arrimaha kacaanku riixayey, iyo waxa culimadu ku doodayeen, farqi weyni uma dhaxayn, laakiin habka loo dhigay iyo cidda riixaysay ayaa dhibka keenay. In haweeku ragga la siman yihiin xaga xuquuqda , daryeelka ,aqoonta iyo mansabka ay bulshada ku dhex leeyihiin, cidina ma dafiri karto.

 

Dawlada Ruushka oo ahayd hogaamiyihii shuuciyada ayaa soo gudbisay arrinta " Xeerka Qoyska". Vladmir Lenin , waxa uu ku tilamaamay diimaha sida xashiishad dadka lagu sakhraaminayo, sidaa darteed ,midowka Soviet, dhamaanba wuu baabi'iyey kaniisadihii , mactabaydii Yuhuuda iyo Massajidadii Muslinka. Siyaasadaas ayaa Soomaaliya soo gashay markii militarigu wadanka qabsaday. Sida aynu taariikhda ku arragnay Siyaad Baree , marnaba ma ahayn nin shuuciyad iyo hantiwadaag cilmi ku dhisan midnaba rumaysan. Waxa u u arkayey salaan lagu abuuran karo "Kaligii Talisnimo".

 

Ayadoo dooda wadaadadii lagu jiro, oo arrintuba aysan balaadhnayn, ayaa Ruushku Siyaad Baree ku qanciyey in uu cashar siiyo wadadan hantiwadaag isku dayey in ay horjoogsadaan. Ayada oo aan gole wasiir iyo golihii sare ee kacaanka (SRC), midna la hor keenin ayaa maalin cad la toogtay, amrna lagu bixiyey in loo dalbaadego dilka culimada.

 

Hadaba anigoo arrintaa taariikhda gashay dib u eegaya , arrintani waxay u eegtahay mid Ina Cali Samatar loo soo dhiibay iyaduna ku soo dhex tuurtay dalka si ay danaheeda soke u gaadho. Danahaasi , waxaan is leeyahay malaha ma dhaafsiisna waxooga beesa ah oo jeebka loogu shubay. Sidoo kale laba dhinac midkoodna uma qurux badna hawshani marka aad eegto hanaanka dawladeed ee Damujadiid iyo Raissul Wasaarahan hurdada dheer ku jira.

 

Waa ta koowade, sidee ayey saxaafada iyo Soomaalida ugu sioo gudbisay hawlo is korsaaran oo wax u dhimaya geedi socodka dalka isla markaana wiiqaya dagaalka lagula jiro argagixisada diinta ku gabanaya. Taasi waxay muujinaysaa in wasiir walba hawshiisa ay gacanta ku hayaan hay'ado shisheeye oo biilkooda bixiya, xukuumada iyo dadka hogaaminayina aanay gacmahooda waxba ugu jirin.

 

Tan labaad ee ka sii darani waxa weeye, reer galbeedku iyaga oo tilammaya mawqif la'aanta siyaasiyiinya ayaa waxay yidhaadaan : " siyaasigu si uu muraadkiisa u gaadho hooyadii ayuu iibin". Hadaba ma laga yaabaa Damujadiid iyo madaxweynahoodu in uu hawshan raali ka ahaa oo uu beesha lixaad ee caalmaka oo cid walba ka tira badan marka doorshadu timaadu , in uu is yidhi isu muuji in add tahay nin horusocod ah (progressive) oo wax walba soo dhaweynaya si uu mar labaad u soo noqdo. Ujeedada oo ah qowda maqashii, hadhawna dhinac iskaga laal warbixintan ilayn dalkan ka shaqayn maysee.

 

Markaad dib u eegto haweenka qurbaha ka tegey ee dawlada galay,, wararka ka imaanaya dhawrkii billood ee la soo dhaafay ma wanaagsana. Raiisul Wasaare Cumar C/rashiid laba wiig ka hor laba dumar ah oo wasiiro ah ayuu xilkii ka qaaday. In kast oo uusan shaacin sobota , xaqiiqdu waxay tahay, in aysan labaduba soo shaqa tegin dhawrkii bilood ee la soo dhaafay. Midnina xanuun ayay iska daweynaysay ayaa la yidhi , gabadha kalina lafaheeda ayey ugu baqday magaalda Muqdishu oo imika aad loogu ugaadhsado wasiirada iyo xildhibaanada. Meelihii ay islahaayeen waad ku nabad galaysaan sida Hoteelada aadka loo ilaaliyo ayaa waxa ay noqdeen bartilmaameed fudud (soft targets) oo lagu laayo dadka.

 

Dabcan haweeka wasiirada ah kaligood ma ahan ee wasiirada badan kooda waxa xarun u ah Naaroobi , waxa laga wada dhawaanaya halka xeedhadu taalo. Laakiin awooda siyaasadeed ee haweenkani rabaan iyaga oo aan mushtamaca ay matalayaan xidhiidh la lahayn , waxaan qabaa in ay taahay wax aysan kasban oo la siiyey. Waxa hore kaalin weyn uga qaatay arrimaha dalka iyo siyaasada haween dalka jooga oo karti badan muujiyey. Caasha cabdalla oo reer Sanaag ah ayey ahayd haweenaydii baarlamaanka ka dhex doodaysay wakhtigii Ethiopianku Muqdisho soo galeen. Caasha Xaai Cilmi ayaa iyaduna karti muujisay. Fowsiya Xaaji aadan, in kasta oo lagu eedeyey musuqmaasuq , hadana waa laga wada dheregsan yahay kartideeda iyo wax qabadkeeda. Suurtagalse ma ahan in haween qurba ka tagay oo aan la jaan qaadi karin degaanada ay matalayaan lagu dhiiri galiyo baarlamaan.

 

, waxase laga yaabaa in dhamaantood ay dabada ka riixayan besha lixaad. waxa laga yaaba in ku dhawaad 80 ka mida la keeno , hadhwna in iyaga iyo beesha lixaad xukunka la wareegaan oo aynu galno dagaal ba'an oo xagjirku isku soo urursado Soomaaliya. . Waxaan ka digayaa Ina Cali Samtar iyo kooxdeedu in ay xukunka boobaan iyagoo kaashnaya beesha lixaad maalkooda iyo cududooda ka dibna ay abuuraan dhib farabada oo aynaan qaadi karin.

 

Nin xogogaal ah oo Naaroobi ka yimid ayaa uu ii sheegay in uu arkay ugu yaraan ilaa 20 haween ama gabdho Soomaaliyeed oo xirfado aqooneed leh oo bishii $15,000 ilaa $20,000 ka qaata hay'adaha caalamiga oo u kala goosha Naaroobi iyo Muqdisho , oo weliba ay u dheer tahay dadkii amaankooda sugayey.. Waxa aan weydiiyey waa maxay waxa ay qabtaan ?, waxa uu yidhi " walaahi kolay arrimo muhiim ah iyo warbixino ayey keenan, oo dadkaasi mushaarka bixinayaa ay danaynayaan.

 

Sobobta loo kordhinayo tirada haweeka ee baarlamaanka, haday tahay in codkooda la maqlo oo ay raad ku yeeshaan go'aanada siyaasadeed iyo ka mushtamaceed ee dalka aad ayaan u soo dhawaeynaynaa. Madaama dagaalda , dhibaatada iyo rafaadkuba uu iyaga mar walba toos u taabanyo waa lagama maar maan. Laakiin , waxaan qabaa in si miisaaman oo oon abuurayn dheeli iyo dhibaato in loo wajaholoo . Haweenka baarlamaanka soo galayana badankooda laga xulo kuwa dalka jooga. Marka horena lagu bilaabo 10% , oo ha la soo xullo haween waaya arag ah oo mushtamaca la talaabsan karo.

 

Waxaan qabaa aragtida haweenka ee hadda socota, oo ay wadaan laba kooxood oo midna dibada laga wado midna Wahaabita iyo Sacuudigu wadaan, in aysan midkoodna dan u ahayn haweeka Soomaaliyeed gaar ahaan iyo mushtamaca Soomaaliyeed guud ahaan.

 

Wahaabiyiinya iyo haweenka Soomaaliyeed.

 

Haweeka Soomaaliyeed ma ahan mushkilad ama masiibada haysata dalkan iyo dadka. marka aad eegto dadka guduha dalka ku barakacay (internally displaces people) iyo kuwa wadamada deriska qaxootiga ku ah, waxa xaqiiq ah in ay u badan yihiin haween iyo caruurtooda, sidoo kale dadka baahan ee la quudiyo ee aan gargaar haysani waa haween iyo caruurtooda. Haddad eegto abaarihi u dambeeyey dadka loo gargaarayey haween ayey ahaayeen. Siyaasada ugu muhiimsan ee qaranku waa in loogu gargaaro dhawr siyaabood.

 

a) In marka hore loogu dadaalo in ay caafimaad iyo nabad ku umulaan oo xooga la saaro dhalmada iyo dhalaanka ( child and maternity wards) si ay u badbaadaan ubudka ay dhlalayaan . Dhib kuma jirto kala fogaynta dhalaanka oo xataa sunnada cidii taqaana waxay kuu sheegi in ilmuhu marka uu sideed jir gaadho gogosha loo kala fogeeyo gabdhaha iyo wiilasha. Taas oo keenyasa in qolol badan loo baahdo si ay u barbaaraan, haddii taas la waayana in la yareeyo dhalmada.

 

b) In laga badbaadiyo tacadiga iyo dulmiga mushtamaca. dulmigaas waxa uu noqon karaa mid xaqeeda uu bixin waayo midka qaba ama ka ay kala tageen . In ninka fura ama ka daneysta, reerkiisa lagu qasbo in uu bixiyo xaqaii loogu lahaa masruufka. Sidoo kale dulmiga tacadiga ee budhcada , askarta iyo mid kasta oo u awood sheeganaya laga badbaadiyo.

 

Arrimahaas markaan eegno, haweenku ma ahan masiibo ama dhibaatada mushtamaca. Hadaba Caqiidada iyo manhajka Wahaabigu waxa uu diirada saaraya mar walba in dumarka isha lagu hayo oo xadgudubyadooda laga gooyo oo sharciga la hor keeno . Waxa la yaable, in mushtamaca kuwa ugu liita ee gargaarka u baahan ciiqaabta sharciga lagu hormariyo. Waad aragteen Talibaanka oo garoonada kubada lagu ciyaaro ku tooganaya haweeney lagu eedeeyey sino, ama Al-shabaab oo Kismaayo gabadh ku garaacaya oo video ka duubaya , kadibna u diraya khaliijka iyo kuwii maalgalinayey. Mid Sacuudi ah ayaa yidhi markuu arkay waxay wadaan : " imika ayuunbaa laga helay Soomaalia koox Ilaahay keli yeelaysa oo sharciga fulinaysa".. Ayada oo aanu ogsoonahay in Qur'aanku dalbanayo afar markhaati ah marka xadka la fulinayo. Waxaad arkaysa kuwa bayd gaab ah oo diinta u bartay in ay dadka taagta daran ku dulmaan.

 

Qaranka Soomaaliyeed shaqadiisa ma ahan in uu ku mashquulo gabadh ayaa xusulkeedu muuqdaa iyo mid baa malkhabad fudud wadata iyo midbaa timaheedu muuqdaan. Qaranku waa in uu ka hortagaa oo uu yareeyaa wax yaabaha keenaya fuqsiga guud ee mushtamaca , sida: la dagaalnka daroogada , khamriga, qaadka cunidiisa , haweeka oo jidhkooda iibiya iyo guud xumaanta oo mushtamaca ku dhex fidda. Waxa jira arrimo yar yar oo dadku u arko in ay fudud yihiin laakiin baabi'iya wadamada. Waxa la yidhaahdo cadooyin yar yar oo xun sida, beenta, balan ka bixida, ma shaqeysta nimada iyo kuwa kale ( bad habits). . Ma ahan in ay shaqo ka dhigtaan haweenka oo sharciga lala tiigsado. Gabadhu ama aabo ayey leedahay, ama walaal, ama qoys, ama iyadaaba iska masuula. Haddii haweenayda uu meher hore ku dhacay oo la furay , uma baahna " wali" bixiya ee iyada ayaa is bixinaysa oo guur xalaal ah galaysa, waxay u baahan tahay oo keliya markhaati.

 

Dhibka Soomaaliya haystaa mid haween keeneen ma aha. Waa xag jirnimo, qaran dumisnimo, awooda wadamada deriska iyo qabiil. Wahaabigu hadduu shareeco fulinayo, ha ka bilaabo in uu iska ilaaliyo in uu dhiiga dadka Soomalida banaysto. Shareeco ka weyni ma jirto dhiiga dadka Soomaalida iyo kan banu Aadamka oo laga fogaado. Haweenku iyagaa u baahan in la gargaaro ee shaqo yeesha ayaanu leenahay Wahaabiga. Haddi la yidhaahdo Soomaalidu ha fuliso waxyaabaha ay diintu xaqa u siisay haweenka , waxaan hubaa in ayna kooxdani marnaba ogolaanayn oo ay rabaan in ay isticmaalaan waxyaabaha ay awooweyaashood ka dhaxleen, kuwaas oon diin shaqo ku lahayn.

 

Kooxda labaad ee dibada ka wada arrimaha haweenka oo wasiiradani ka mid tahay.

 

Markaanu soo barbaaraynay afartameeyo sano ka hor , iskuulka markii la i qoray, walaashayna waa la qoray, qoys kastana sidaas ayuu ahaa. Maantana dalka hadaad tagto qoys walba waa isugu mid gabadh iyo will xagga wax barashada. Mararka qaarkood fursadaha oo yar waa laga yaabaa in wiilka la door bido in uu waxbarsho sare raadsado iyadoo loo baqayo dhibka iyo rafaadka la marayo. Xataa wax kale iskaa daa , hadda tahriibka , wiil iyo gabadhba badda ayey isku shubaan si ay fursad u helaan. Kooxdani hadday caawinayso haweeka , haka bilaabaan xanaanaynta haweenka iyo dhalaanka. Ha baraan dadka kala dheeraynta dhakmada, xooga ha saaraan barida xirfadaha yar yar . Haku dhiiri galiyaan dawladaha in xuqquda masruufka laga gooyo ninka iskaga taga reerka ee mid kale abuuraya isagoo kii hore waajibkiisii bixin.

 

 

Kooxdani am rabaan in ay mushtamaca iyo baahidiisa koowaad xaliyaan ee waxay olole ugu jiraan in ay dadka ka bilaabaan waxyaabha lidiga ku ah diintooda , sida ilmaha oo la iska soo tuuro ( aportion on demand) iyo qoyska iyo caruurta oo laka diro. Madaama uu qaranka Soomaaliyed awood u lahayn in uu masruufo dad aan shaqaynayn ( welfare payments), ma haboona in lagu dhiiri galiyo in caruurta iyo waalidka ka tagaan ama dawladu koriso.

 

Sidoo kale guurka oo ah waxa kali ah ee Soomalida duntay badbaadiyey , oo isku hayey qoysas badan oo kala firdhi laha marka masiiboyinku yimaadaan ayay waxay rabaan in ka dhigaan wax fudud oo sidii shaadhka loo kala bedelo ama la daciifiyo( weakining the institution of marriage). Waxay rabaan Intaas markay ku guulaystaana, in ay hawlihii waaweynaa ee jinsiga iyo masiibooyin kale dalka soo galiyaan.

 

Waxaan ku gunaanadayaa, labadan kooxoodba, Wahaabiga iyo NGO du , labaduba ajaanib ayey ku yihiin dhaqanka iyo diinta Islaamka. Midna waa xag jir yidhi dunida dib ban ugu celinayaa 1400 sano ka hor sidii ay ahayd , iyagoo iska tuuray xadaaradii Islaamka ee balaadhnayd ee min Indonesia Ilaa Moroco ku fiday ee dhiirigalisay isdhex marka, ganacsiga , waxbarashada iyo nolosha. kuwana waa dad diin iyo dhaqan dhinac iska dhigay oo hore u yidhi ma jiraan wax xuduud ah oo Bani Aadamka xidhayaa, waxay u ehel sheegteen rabitaankooda iyo dareenkooda. Bal waxay qaar kood yidhaahden Rabi wuu geeriyooday. Halkii ay ka hayd : Ilaahay, Diinta, Dalka iyo qoyska, waxay ku bedeleen in bani adamku ka sareeyo waxaas oo dhan.

 

.

Hadaba waxa larabaa cidii xadaaradii wanaagsanyd iyo nolosha aasriga is waafajin lahayd.. Waxaynu u baahanahay , xadaarada Islaamka ee Rasuulku yidhi dhexdhexeeysta (moderation is the best of affaires) iyo tan casriga , oo ka madax banaan labada daarood een kor ku soo sheegay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

of course i wrote myself. I thought my avatar says all. if you say something under Che i assume it was you.

 

100% galbeedi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

I agree with Galbeedi. This is not the right time to be debating trivial matters such as gender equality. This will only help the takfiiri shayadiins. Let us rid the country off these terrorists before we debate gender equality.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

I welcome women to run for office but , i do not like the way they trying to achieve. You remember Ayaan Hersi . She was from one of the cosmopolitan and famous family , yet she claimed to be abused by arranged marriage and other backward issues that did not happen . She did all that to gain power.

 

Now there is this beautiful Somali lady who looks like original Somali ( maariin dhlalaal xiga waa midabka Soomaalida) who is running for president of Somalia. I welcomed her candidacy, then just like Ayaan , she makes this unbelievable story.

 

She says her name is Fadumo Dayib. She said Dayib means sufficient, because her mother lost her first 11 children whom all died for decease and she was the number 12 who survived. She wasn't born in the fifties but eighties were Somali urban and village life was tough but not disastrous.

 

I can not buy that. She is from Finland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galbeedi, Ceel bay kaaga dhacdey markan, Saxb, These issues has nothing to do with Ayan Hirsi. Honestly, Like Che, I thought you copied and pasted from somewhere. I didn't know you had misogynist tendencies. Maba dhameeyn waxa ku qoran, waa ka yaabey..

 

Are you denying that Women's right has been constantly abused in SOMALIA

Are you denying that SOMALIS have very bad chauvinistic culture, which denying the right of over %50 of the population

Are you denying we have major social problem?

How much of public servants are women? whether in education, health? how much of the females go to school? Finnish school?

 

I have very close family where the father had 3 sons, and 3 daughters? All three sons have PhDs, have very high paying jobs, while the the 3 daughters don't even have basic literacy? were boys smarter? or the Father like many Somalis had denied basic rights for his girls? refused fair opportunity,because of cultural belief?

 

Do the maths man,

 

These issues have nothing to do with religion or Islam but culture, Have you seen waxxa CULUMADA aad sheegaysid la soo shirtageen? at press release MOgadishu " that women's is role is ONLY at home? and should not ambitions " Gabdhuhu maaha in wax raadsadaan, kana maseeyraan Walaalood, ABAHOOD, WIILASHOOD"? is that OK with you

 

Waxa aad meesha kusoo qortey ka tirtir, Dhaqanka SOOMALIDU (very old Geeljire mentality) has been too bad , for minorities, women, and SOMALI women have been a victim for too long,

 

I congratulate Sahra Cali Samatar, rare, very brave woman.

 

The only way any nation moves forward is how much they respect, educate, give roles specially in education, health, and give proper rights to their women.

Share this post


Link to post
Share on other sites

said:

This is not the right time to be debating trivial matters such as gender equality. This will only help the takfiiri shayadiins. Let us rid the country off these terrorists before we debate gender equality.

 

Trivial?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Che, at a point when people are being beheaded by a deviant sect looking for the slightest excuse to recruit kids, this debate about the lack of female politicians is trivial. We have deep problems in Somalia and this is not one of them. It would be nice if Somali women were 50% of parliament, but today is not the day to be fighting for gender equality in politics. It is not not a problem in our country and people are not dying because of it. This new outrage is a distraction and plays well into the hands of Alshabab.

 

Let us fight against terrorism first.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Holac, Have you heard of butterfly effect, this maybe small issue to you, but if resolved, even a bit, can have major changes, These young boys who are Somalis, and follow this murderous cult, came from families that breed like rabbits, without responsibilities from both parents.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this