Sign in to follow this  
Mooge

terrorists this time kill a woman and run to Galmudug side of Galkacyo

Recommended Posts

Mooge   

niyoow For the first time, terrorists funded by Galmudug assassined a woman. Maama Dhudi Yuusuf was gunned down and the killers run to Baraxleey district of Galkacyo to scape justice. When will Galkacyo people wake up and stop Galmudug assasins.

 

Haweenka.jpg

 

Gaalkacyo(Puntland Today) Allaha u naxariistee waxaa salaadii Maqrib ka dib magalada Gaalkacyo koox hubaysani ku dishay Gudoomiyihii haweenka Gobalka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan.

 

Dabley hubaysan ayaa Dhudi Yuusuf Aadan ku hor dilay sida wararku sheegayaan gurigeeda,mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada dilka marxuumadan.

 

Wararka la helayo ayaa sheegaya dilkan inuu gaustay nin ku hubaysan baastoolada, waxayna laamaha ammaanka Gobalka Mudug bilaabeen dadaalo lago ogaanayo cida ka danbaysa dilkeeda.

 

Dhowaan ayay ahayd markii isla magalada Gaalkacyo lagu dilay Ganacsade Cumar Dheere oo si weyn ugu dhaq-dhaqaaqi jiray horumarka Gobalka Mudug.

 

Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ah meelaha ugu baddan ee dilalka qorshaysay iyo qaraxyadu ka dhacaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

beeloow waa bil ramadaan ilaahay ka baq

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xassan Maxamed (Abgaalow) ayaa ka hadlay dilka caawa maqribkii waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Guddoomiyaha haweenka gobolka mudug Alla ha u naxariistee Dhudi Yuusuf Jiile, oo nin ku hubaysan qoriga AK47 uu toogasho ku dilay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in laamaha ammaanku ay ku daba joogaan ninkaas oo uu sheegay inuusan cararin balse uu u dhaqaaqay dhinaca xaafadaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo, wuxuu ka warramay dhowr waxyaabood oo uu ka yaqaanay oo ay ka mid yihiin ay ahayd qof hawlkar ah oo xalaal cun ah.

Ugu dambayntii guddoomiyaha u tacsiyeeyay, waxaana uu rajo fiican ka muujiyey in qofkii dilkeeda fuliyey gacanta lagu soo dhigi doono maadaama aan ku jirno bil barakaysan oo ramadaan.

 

http://puntlandone.com/2016/06/08/dhageysowareysi-guddoomiyaha-gobolka-mudugdhudi-waxaa-dilay-nin-ak47-ku-hubaysan-oo-u-cararay-dhinaca-xaafadaheenna-waana-ku-daba-joognaa/

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Gaalkacyo ( Sh.M.Network)-Guddoomiye ku xigeenka maamulka Puntland ee Gobolka Mudug oo Shabelle wareysi siiyay ayaa sheegay in dilkii Dhudi Yuusuf Aadan oo ahayd guddoomiyihii Ururka Haweenka aysan geysan wax uu ugu yeeray Argagixisada.

 

Waxa uu sheegay Mudane Axmed Muuse Nuur in Marxuumada uu dilay nin la yaqaanno oo qaraabadeeda ka mid ahaa kaas oo dilka kadib baxsaday.

 

Sababta dilka Marxuumada ayuu ku sheegay Guddoomiye ku xigeenku in uu jiray muran kala dhexeyay Guddoomiye Dhudi iyo Gacan ku dhiiglaha.

 

“ waa ay soo dacweysay maalmo ka hor , waana la xiray laakiin markii la soo daayay ayuu aargoosi ahaan u dilay” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan howlo baaritaanno ah oo ay ku baadi goobayaan Ninka falkaas geystay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

cadnaag, niyoow stop the emotions. the first news that came out was that the guy was terrorist and run to galmudug. and as you know most terroists who kill run to Galmudug. SOLers posted many killings where the terrorists run to galmudug. it is what they have always been doing niyoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

said:

cadnaag, niyoow stop the emotions. the first news that came out was that the guy was terrorist and run to galmudug. and as you know most terroists who kill run to Galmudug. SOLers posted many killings where the terrorists run to galmudug. it is what they have always been doing niyoow.

You are throwing tantrums when your pack of lies are revealed for everyone to see :-D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Tallaabo, stop entertaining yourself with lies niyoow. alshabab killed planned the killing of this woman niyoow and they killed her. you guys know nothing.

 

President Abdiweli Angrly sent a message to Alshabab today that they need to stop the killing of elders or the shabab in Jails will be killed. this was the strongest message from abdiweli today. this is good news.

 

(Dhegayso Xasaasi):- Madaxwayne Cabdiwali Gaas ” waan laynaynaa Alshabaabka Xabsiyada Puntland ku xiran”.

 

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ayaa shir Jaraa’id uu qabtay ka hadlay Shirarkii ugu dambeeyay ee uu uga qaybgalay Muqdisho iyo Abuu Dubai ee Wadanka Isu taga Imaataadka Carabta.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa Arrimaha doorashada Soomaaliya mar uu soo qaaday waxaa uu sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in Soomaaliya ay ka dhacdo isbadal doorasho taas oo hada hanaankeedii la diyaariyay.

 

Dr. Gaas ayaa sheegay in safarkisii Imaaraadka Carabta uu guul kusoo dhamaaday, waxaana uu intaas raaciyay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo noqdo Puntland oo nabad ag.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa Baaq nabadeed kasoo saaray colaada ka socota deegaanka dharkayn geenyo ee Gobolka Sool.

 

Dr. Gaas ayaa Racsi ka diray geeridii ku timid Dhudi Yuusuf aadan oo ahayd Gudoomiyihii Ururka Hooyooyinka ee Gobolka Mudug, waxaana uu sheegay inay tiir u ahayd horumarka Puntland.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa digniin adag u diray maleeshiyada Kooxda Alshabaab, waxaana uu sheegay in Puntland ay dilalkooda waxgaradka u arkaan mid ay bilaabeen kadib markii ay ku fashilmeen dagaalkii tooska ahaa ee Puntland ay la galeen.

 

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in Alshabaab dilkii dhudi ay ka dambeeyeen Alshabaab, waxaana uu sheegay in kuwa ku jira xabsuyada la laynayo sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this