Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland Government officially broke, delegation to go to Middle East to beg

Recommended Posts

Saalax   

Dhaqaale Yari Soo Food Saartay Xukuumadda Siilaanyo+Sababaha Keenay Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Dhaqaale-kab Raadis Ah Ugu Baxaaya Dalka Dibaddiisa.

 

Hargeysa(ramaas).06.June.2015:-Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa muddooyinkii danbe, waxaa soo food saartay dhaqaale yari aad u baahsan, kadib markii hoos u dhac aad u weyni ku yimi mala-awaalkii miisaaniyada 2015ka oo sidii la filaayey uu u soo xerroon waayey dakhligii cashuurahu, waxaana safar u jeedkiisu salka ku hayo sidii dhaqaale-Kab loo waydiisan lahaa dalka Immaaraadka Carabta uu madaxweyne Siilaanyo maanta ugu ambabaxaya magaalada Dubey.

 

 

 

Illo wareedyo xog oggaal ah oo mareegta ramaasnews ay ka helayso dabaakhiinta isaga dab qaada qoqolka xarunta madaxtooyada, ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Siilaanyo daaran yahay sidii maaro loogu heli lahaa dhaqaalo xumada soo food saartay xukuumadiisa, sida oo kalena uu dawlada immaaraadka Carabta u bandhigaayo qorshe ay kaga caawiso sidii ay ugu bixi lahayd dhaqaale xumada ka soo wajahday mala-awaal aan xaqiiqda ku fadhiyin oo wasiirkii hore maaliyadu ku sameeyey miisaaniyada 2015ka iyo xukuumadda oo olole muddo kordhineed ku gashay hadhaagii miisaaniyada 2014ka ee sanadkii hore oo uu khasnada dawlada kaga sii tagey wasiirkii ee Samaale.

 

 

 

Sida ay hore wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan hore uga dhawaajisay in aanay suuro gal ahayn in sidii la rabay ay u soo xeroodaan dakhligii lagu saadaaliyey mala-awaalkii miisaaniyada ee 2015ka, sababo la xidhiidha dagaalka ka socda dalka Yeman oo saamayn xoogga ku yeeshay maciishadii kala duwaneyd ee ka soo degi jirtay dekada magaalada Barbera iyo sida oo kale mala-awaalka miisaaniyada 2015ka oo ahaa mid xad dhaaf ah si aan cilmiyeysnayna loogu salayn heerka dakhli miisaaniyadeed ee dalka, ayaa haatan u muuqda mid saamayn xoogga ku yeeshay guud ahaan heerka nololeed ee bulshada.

 

 

 

Hoos u dhacan ku yimi dakhliga dawlada, ayaa markiiba sababay in xukuumadu ay kharashaadkii miisaaniyada 2015ka ee hore loogu qoondeeyey dawlada dhaxe dib loo yareeyo, balse illaa hada oo aanay taasi dawo u noqon hoos u dhaca miisaaniyada, ayaa hadana waxaa u sii dheer xukuumada oo awoodi kari weyday in ay illaaliso amma ay maamusho heerka sarifka lacagaha qalaad oo saamayn ba’an ku haya heerka nololeed ee bulshada, maadaama aanay xukuumadu haysan lacag cadaan ah oo ay kula dagaalanto lacagta dollarka ah.

 

 

 

Dhinaca kale dhawaan ahayd markii dawladu ay ammar ku soo rogtay guud ahaanba ganacsatada kala duwan ee dalku in ay si toos ah u isticmaalaan lacagta shilling Somaliland-ta, balse waxaa iyana qoqob galiyey kadib markii ay ganacsatada dalku ku cawdeen in aanay haynin qiimo sar-go’an oo ay ugu hagaagaan sarifka dollarka oo u muuqda mid ay xukuumaddu illaalinta iyo maamulkiisaba aanay awoodi karin, sida oo kalena ah mid ay ganacsatadu inta badan ay leeyihiin awoodiisa maamul oo kolba heerka ay doonaan gaadhsiin kara.

 

 

 

Waxaa sida oo kale kor u kaca maciishada iyo sixir bararka ka qeyb qaatay xukuumadda Siilaanyo oo markii dakhligii ay saadaalinaysay u soo xeroon waayey, si aan farsamaysanyn kor ugu qaaday cashuurahii, oo iyana saamaysay guud ahaan badeecadihii ay dadku isticmaalayeen ee lagala soo degaayey dekada magaalada Barbera.

 

 

 

Ugu danbeyntii, xad dhaafka sixir bararka joogtada ah, korodhka heerka qiimaha maciishada dalka, ayaa muddooyinkii danbe ahaa mid iska caadi ah oo saamayn ba’an ku yeeshay guud ahaan noolosha dadka danyarta ah, lamana filaayo in lacagtaa uu Siilaanyo u doontay dalkaas Carabtu in ay wax ka tarto khatarta nololeed ee bulshada Somaliland ay maanta ku nooshahay.

Ramaasnews/Staff

Hargeysa Desk

 

 

 

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Dhaqaale-Yari-Soo-Food-Saartay-Xukuumada-Siilaanyo-Sababaha-Keenay-Iyo-Madaxweyne-Siilaanyo-Oo-Safar-Dhaqaale-kab-Raadis-Ah-Ugu-Baxaaya-Dalka-Dibaddiisa.html#sthash.vEegjmml.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

What about the taxes collected from Somalilanders? Isn't that enough to cover budgetary spending?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tax revenue is used to pay the khat and salaries of soldiers and senior civil servants.

 

The rest is stolen for homes in London and businesses in Dubai and Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this