Sign in to follow this  
malistar2012

Somali and Eygpt Sign a Major Trade Agreement

Recommended Posts

 

Dowladaha Somalia iyo Masar oo heshiis kala Saxiixday{SAWIRRO}

Posted on June 4, 2015 by Ahmed Kaahiye in WARAR, WARARKA // 0 Comments

 

Xassan-Sisi2014-2.jpg

 

Waxaa asbuucaan booqasho rasmi ah ku joogay dalka Masar Wafdi balaaran oo ka kooban Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha,dhirta iyo Daaqa Somaaliya,Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda,Wasiir kuxigeenka Wasaarada Beeraha iyo khubaro iyo lataliyaal ka tirsan wasaaradahaas,Wafdigan waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Masar,waxayna kulamo dhowr beri qaatay la yeesheen madaxda wadankaan gaar ahaan Wasiirka Beeraha Masar Dr.Salaax Hilaal,Waxay sidoo kale lakulmeen Lataliyaha Amniga Qaranka Dr.Faaisa Abu-najja.

 

Wafdiga ayaa gabagabadii kulamadooda waxay heshiis is-kaashi la saxiixdeen Wasiirka Beeraha,Xanaanada Xoolaha iyo Kaluuunka Masar Dr.Saalax ,Heshiisyadaan ayaa qeexaya in la dhiirigaliyo ganacsatada labada dal inay maalgaliyaan mashaariic lawadaago ee khuseysa qaybaha waxsoosaarka ee xoolaha,Beeraha iyo Kaluunka.

 

Waxaa kale heshiisku si cad u sheegayaa in Suuqyada Masar loo furo si buuxda oo toos ah Xoolaha iyo hilibka Xoolaha Soomaaliya iyadoo laraacayo nidaamka caafimaad iyo xanaanayn ee labada dal ku heshiiyeen.

OB-WQ056_030813_J_20130308132416.jpg

Waxaa kale Dowlada Masar ay balan qaaday inay gacan ka gaysan doonto dhinacyada khibrada iyo aqoonta ee Beeraha,Xoolaha iy Kaluunka.

 

Waxa labada dhinac ay sidoo kale isla garteen in suuqyada labada dal la isku furo in la is dhaafsada badeecooyinka iyo waxsoosaarka iyo kheyraadka labada da.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Beeraha Masar Dr.Saalax Hilaal oo Shir wada jir ah ku qabtay goobta heshiisyadu ka dhaceen ayaa sheegay in heshiiskaani uu wadada u

 

Xaari doono iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo dhex mara labada dal.

 

Waxa xusid mudan Soomaaliya iyo Masar inay lahaayeen taariikh dheer ganacsi,waxa sidoo kale ay Masar door weyn ku lahayn tacliinta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this