Sign in to follow this  
malistar2012

Somalia, Djibouti leaders lay foundation stones for Somali language academy

Recommended Posts

Somalia, Djibouti leaders lay foundation stones for Somali language academy

 

2015221635601093805157427DS6.jpg

 

MOGADISHU (HOL) --- Battling for improving the literacy for the Somali language, Somalia's president and his Djiboutian counterpart laid foundation stones for a new a academy aiming to enhance the Somali language spoken by the two countries.

Mr. Guelleh who arrived in Mogadishu Saturday has long been campaigning for enhancing the Somali language literacy at a time foreign language, mainly English are gaining ground among the population In the two neighboring countries.

 

The academy named "The East African Somali-speaking Regional Academy'' is landmark for the language which faces challenges in containing rival languages trying to make headways in the two countries.

 

The two leaders have affirmed the importance of the academy which they said would strengthen the Somali language.

 

Djibouti, a multi-ethnic nation with a population of over 810,000 inhabitants support Somalia's government to restore law and order.

 

The Somali and Afar communities make up the two largest ethnic groups in Djibouti. Both speak Afro-asiatic languages, which serve as recognized national languages.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Geelle “Umadda Soomaaliyeed ma dhameyn karaan, mana hogaamin karaan, maxay u leynayaan marka”

 

DSC06558.jpg

 

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu horkacayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta afka hooyo, iyadoo uu dhagax dhigay dhismaha Akadeemiyad goboleedka Afka Soomaaliya

 

Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, Taliyeyaasha Ciidammada, Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble, Taliyeyaasha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso taagaerada mar walba uu Madaxweyne Geelle iyo shacabkiisa la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

 

DSC06500.jpg

 

“Waa maalin taariikhi ah in mar kale walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle uu Muqdisho nagu soo booqdo isaga iyo wafdigiisa. Abaalka ay inoo galeen walaalaheena Djibouti ma ilaabi doonno, waayo waxay ina soo garab qabteen xilli aad u adag, waxaana muuqata inaaney weli dadaalkaasi iyo taageeradaasi ka daalin.Naf iyo maal ayay inoo hureen, waxayna safka hore kaga jiraan dagaalka aanu dooneyno inan cadowga nabadda ka soo horjeeda ku ciribtirno. Waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne ku soo dhowow dalkaaga labaad iyo shacab ku jecel’’.

 

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa tacsi u direy ummadda Soomaaliyeed weerarkii arxandarrada ahaa ee shaley kooxaha nabadda diiddan ku laayeen dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

 

“Waan idin la qeybsanayaa dhibaatada shaley dhacdey, laakiin waxaan kooxaha falalkaasi Islaamka ka baxsan ku dhaqaaqaya u sheegaya in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysan doonaan, isla markaana argagaxa lagu hayo aanu ka joojin doonin inay gaaraan himilooyinka ay leeyihiin oo ay ugu horeyso inay nabad buuxda iyo barwaaqo gaaraan Ilaahay idankii’’.

 

“Umadda Soomaaliyeed ma dhameyn karaan, umana talin karaan, mana hogaamin karaan, maxay dadka u leynayaan, waxay leynayaan wixii matalayay umadda, dhalinyarada, wixii wax bartay, gar iyo mag-la’aan ayay u leynayaan”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

 

Madaxweynaha Jabuuti oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxay ila tahay in xoogag kale dadkan u adeegayaan oo lagu leeyahay dadka Soomaaliyeed yeysan halkaas ka kicin, dhul jiif ha ahaadaan, idinkuna kaca”

 

Madaxweynaha Jabuutii ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, Guddomiyaha Maamulka Dekedaha Djibouti, Abuubakar Cumar Xaddi, La Taliyaha Madaxweynaha Djibouti Xaashi Cabdullaahi Orrax iyo mas’uuliyiin kale.

 

Inta ay dalka joogaan wafdiga waxay wadahadalo la yeelan doonaan madaxda sare ee dalka oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this