Sign in to follow this  
malistar2012

Somali President Xasan Sheekh gets Hero welcome at Dhuusa Mareeb Galgaaduud

Recommended Posts

Somali President Xasan Sheekh gets Hero welcome at Dhuusa Mareeb Galgaaduud

 

xasan-dhuusa-5.jpg

 

 

(Daawo Sawirrada) Qaabka Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud loogu soo dhoweeyay Dhuusamareeb iyo munaasabad loo qabtay

 

 

 

 

Feb 11, 2015 - jawaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gabagabeeyey safarkii uu ku tagay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud, isagoo si rasmi ah u soo furay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada dhexe ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay safarkiisa ku wehliyeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda, ayaa waxaa si weyn degmada Dhuusamareeb ugu soo dhoweeyey, maamulka gobolka, odeyaasha Dhaqanka, siyaasiin, Xildhibaanno iyo kumanaan dadweynaha degmadaasi.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa meelo kala duwan oo Dhuusamareeb ah booqdey, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen bulshada degmada, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo indha-indheeyey halka loogu talagalay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta gobollada dhexe ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha, ayaa sheegay in gobollada dhexe dalka Soomaaliya guud ahaan ay u leeyihiin muhiimad gaar ah, isla markaana ay muhiim tahay midnimada dadka deegaanka dowladda dhexena ay si gaar ah xil isaga saareyso sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta ee Mudug iyo Galgaduud kaddib munaasibad uu uga qeyb-galay Hoolka shirkaasi lagu qabanayo.

 

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bulshada gobollada dhexe ugu baaqay in ay midoobaan oo ay shirkan ka soo saaraan tallooyin ku dhisan degnaansho iyo wadajirka dadweynaha Soomaaliyeed ee Mudug iyo Galgaduud, waxa uu intaa raaciyey in lagama maarmaan ay tahay maamul ay yeeshaan gobollada dhexe.

 

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan hey’adda NISA, waxa uu madaxweynuhu u jeediyey dardaaran ku aaddan in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka difaacaan kuwa nabadda diidan, isla markaana ay ka mid noqdaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ugu dhaqanka wanaagsan, iyagoo dhowraya Xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaana caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

IB0A4607.jpg

 

IB0A4685.jpg

 

IB0A4697.jpg

 

IB0A4697.jpg

 

IB0A4857.jpg

 

 

 

Madaxweynaha, ayaa sheegay in gobollada dhexe dalka Soomaaliya guud ahaan ay u leeyihiin muhiimad gaar ah, isla markaana ay muhiim tahay midnimada dadka deegaanka dowladda dhexena ay si gaar ah xil isaga saareyso sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta ee Mudug iyo Galgaduud kaddib munaasibad uu uga qeyb-galay Hoolka shirkaasi lagu qabanayo.

 

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan hey’adda NISA, waxa uu madaxweynuhu u jeediyey dardaaran ku aaddan in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka difaacaan kuwa nabadda diidan, isla markaana ay ka mid noqdaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ugu dhaqanka wanaagsan, iyagoo dhowraya Xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this