Sign in to follow this  
Mooge

The Chinese are coming. They are coming to Puntland to invest.

Recommended Posts

Mooge   

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaaran oo Chinays ah isuguna jira Ganacsato, Maalgashadayaal caalami ah iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne Gaas ayaa weftigaan si diiran ugu soo dhaweeyey xafiiskiisa waxaana ay Puntland u yimaadeen sidii ay uga samaysan lahaayen maalgashi caalami ah, maadama uu madaxweyne Gaas balan qaaday in gudaha Puntland uu keenayo maalgashadayaal caalami ah si Puntland ula jaanqaado wadamada horumaray.

 

Mudada ay joogaan Puntland ganacsasada iyo maalgaliyaashan caalamig ah waxaaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta wasaaradaha Puntland si iyana ay ugu soo bandhigaan fursadaha ganacsi ee ka banaan Puntland.

 

Kullan qado sharaf ah oo madaxweyne Gaas uu u sameeyey masuuliyiintaasi ayaa waxaa uu ka dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga fuliyaan maalgashi caalami ah, ganacsigooduna uu noqon doono mid ay kawada faa’iidaysan doonaan dhammaan shacabka reer Puntland .

 

Dabayaaqadii sanadkii tagey ee 2014 ayuu madaxweyne Gaas balanqaaday in Puntland uu keenayo sanadkan cusub ee 2015 ganacsato iyo Maalgashadayaal caalami ah iyo shirkado ganacsi oo waaweyn, imaanshiyaha ganacsatadantana waxaa ay qeyb ka tahay fulinta balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynuhu.

 

img_2458.jpg

 

img_2473.jpg

 

img_2446.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this