Sign in to follow this  
malistar2012

IGAD flags flying over mogadishu airport

Recommended Posts

IGAD foreign minister meet in Mogadishu after 30 years

 

10438910_10153039612788384_2179693134367

 

 

Maree.com: Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ayaa caawa ku wada sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Kenya, Koonfur Sudan, Uganda Sudaa iyo Itoobiya ayaa galinkii dame ee maanta gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

Wasiirrada ayaa ka qaybgalaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalka IGAD oo lagu wado inuu Muqdisho ka furmo Sabtida barri ah.

 

Wafdiga ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

 

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadajir ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka oo lagu qabto Muqdisho ay fursad u tahay Soomaaliya iyo guud ahaanba IGAD.

 

Wasiirrada ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in sannadkan 201-ka Muqdisho loo doortay halka lagu qabanayo shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD.

 

Muqdisho ayaa waxaa horay igu sugnaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf oo isagna ka qaybgalaya shirka.

 

Waa markii ugu horraysay ee wasiirrada arrimaha dibadda ee dalaka IGAD ay ku shiraan Muqdisho, intii ka dambeysay sannadkii 1985-kii.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

4 out of the six flags have troops in Somalia , smh this is nothing to be proud about. The Former Somali republic went from hosting the African nation states in Mogadishu 1974 40 years ago. 40 Years later IGAD nations are having troops placed in all corners of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

10906400_869975443023105_312188942671968

 

 

Great progress as security improves IC - UN - AU - IGAD are all coming to Mogadishu holding Internalional meeting .

 

Somali Gov has 100 % succeeded in foreign and International diplomacy

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

4 out of the six flags have troops in Somalia , smh this is nothing to be proud about. The Former Somali republic went from hosting the African nation states in Mogadishu 1974 40 years ago. 40 Years later IGAD nations are having troops placed in all corners of Somalia.

 

 

Somali President Meets with AU Commissioner for Peace & Security

 

sharji3%20(1).jpg

 

 

We'll done and congrats To our Goverment , Somali now has strong voice in the Internalional community ,

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha oo sheegay in Soomaaliya ay tahay meel amaan ah laguna qaban karo shirar caalami

 

 

 

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay shirka IGAD ee lagu qabanaayo Muqdisho in ay tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay ku soo laabatay Wadada xasiloonida iyo horumarka maadaama shirar nuhiim ah lagu qabanaayo Soomaaliya.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

4 out of the six flags have troops in Somalia , smh this is nothing to be proud about. The Former Somali republic went from hosting the African nation states in Mogadishu 1974 40 years ago. 40 Years later IGAD nations are having troops placed in all corners of Somalia.

 

And yet we have these low-standard Somalis actually celebrating this corrupt President and his good-for-nothing government. This is a shame.

 

We have nothing to be proud about right now when we have 20,000 Christian Madow mercenaries stationed on our territory

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha oo xaflad casho sharaf iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdiga IGAD ee caawa ku hoyana Muqdisho “SAWIRRO”

Posted on January 9, 2015 by Webmaster in WARAR, WARARKA // 0 Comments

 

 

10376931_897561613587849_354165304931589

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa xaflad balaaran oo casho sharaf ah u sameynaya wafdiga IGAD ee maanta soo gaaray Muqdisho.

 

Xaflada oo caawa ka socota hotelka SYL oo la dejiyay wafdiga wasiirada ah ee ka socda wadamada IGAD ayaa madaxweynuhu ugu talagalay in lagu soo dhaweeyo wafdiga ka qeybgalaya shirka IGAD ee beri ka furmaya Muqdisho.

 

Fanaaniinta hobollada qaranka ee Waaberi ayaa caawa halkaasi ku soo bandhigaya heeso iyo suugaan kala duwan oo lagu soo dhaweynayo wafdiga.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab oo xaflada ka hadlay ayaa madaxda IGAD ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Muqdisho ay nabad tahay islamarkaana ay ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ay iska kaashadeen sugidda nabadgelyada Muqdisho.

 

Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibadda C/raxmaan Ducaale Bayle oo halkaasi ka jeediyay hadalo soo dhaweyn ah, kadib ayaa sheegay in shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD uu berri ka furmi doono hotelka SYL ee magaalada Muqdisho

 

Xafladan casho sharafka ah ee madaxweynuhu u qabtay wafdiga ka qeybgalaya shirka IGAD ee beri ka furmaya Muqdisho ayaa qeyb ka ah hab maamuuska lagu soo dhaweynayo madaxda IGAD ee caawa ku hoyanaysa Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur cadde”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waan ku amaanaya Suura galinta Shirka IGAD

 

IMG_27B6AB-141715-4EB429-0F2AE5-E026CE-8

 

 

Ra,iisul wasaarihii Hore Ee Dalka Somalia Mudane Nuur Xasan Xuseen {Nuur cadde} oo Wareysi siinayay Radiomuqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Shirka Urur Goboleedka IGAD oo Isagu maanta si rasmi ah uga furmaya Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho oo ay ugu Dambeysay 1386 Dii Xiligaas oo uu Dalka Maamulayay AUN Jaale Maxamed Siyaad Barre.

 

Nuur Cadde ayaa waxaa uu sheegay in Farxad Darted uusan ka sheekeyn karin Dareenkiisa Isla markaana waxaa uu uu ugu hambalyeeyay Dowladda Federaalka ah Ee Somalia iyo qaybaha Bulshada Dadaalka ay u galeen suura galinta in shir Muhiim ah lagu qabto Caasimada Dalka Somalia oo Mudo dheer aan Fursad tan oo kale ah aysan soo marin.

 

“Xaqiiqdii Waxaan rabaa in aan halkaan Hambalyo iyo Bogaadin uga diro Dowladda Soomaaliya iyo shacabka intaba waxaa ay Juhdi dheeraad ah galiyeen sidii Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho loogu qaban lahaa Shirar Caalami ah waan ku amaanayaa Runtii iskama imaan Fursadani Waxaana kaloo halkaa amana aan la soo kabai karin uga dirayaa Ciidanka Amaanka Somalia oo la.aantood aan waxba suura galeen halkiina ka sii wada Dadaalkaas”ayuu yiri Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde}

 

Maanta ayaa lagu wadaa in Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD uu ka furmo Magaalada Muqdisho Iaydoo Xarunta lagu qabanayo oo ah mid aad amaankeeed loo sugay isla markaana la qurxiyay hadda wararka naga soo gaaraya ay sheegayaan in diyaar garowga shirka uu ka socdo,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO}

dr-cabdi-qaasim-salaad-xasan-oo-baaq-u-d

 

Madaxweynihii Hore Ee Somalia Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Wareysi Gaar ah siiyay Radiomuqdisho Isagoo ku sugan Wadanka Masar ayaa waxaa uu ka hadlay Dareenkiisa in Mudo 29 Sano ah ka dib Somalia ay marti galisay Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD kaas oo Maanta si rasmi ah uga furmaya Caasimada Dalka Ee Muqdisho.

 

Cabdi qaasim ayaa wareysigaan waxaa uu ku sheegay in Somalia uu Shirkani u yahay Waa Cusub oo Ummadda Soomaaliyeed u baryay isla markaana Wacyiga Caalamku ka haystay Somalia uu is badal Xoogleh uu ku yimid waxaana uu ugu Baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay adkeystaan Fursada Muhiimka ah Ee soo martay Martidana ay soo wada dhaweeyaan isagoo intaaa raaciyay in Dowladii uu hogaaminayay AUN Maxamed Siyaad Barre waqtigii ay Dalka ka talineysay ay Somalia ugu dambeysay Shir Nuucaan oo kale ah,

 

Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay u midoobaan Hormarka Dalka isla markaana ay ka gudbaan waxyaaabaha aan Danta Dalka iyo dadku ku jirin Ee ay Dadka qaar ku jiraan isla markaana Dowladnimada Somalia oo Maanta hana qaaday la adkeeyo isagoo ku baaqay in Soomaalinimada la ilaaliyo Maleyshiyaadka Nabaddiidka ah ayuu iyagana u soo jeediyay in ay Dowladda isu dhiibaan oo ay dhibaatada dhafaan.

 

Mr Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay Maamul Goboleedyada Dalka laga dhisayo isagoo Fursad Muhiim ah ku tilmaamay loona baahan yahay in dadka iyagu is maamulaan Iyagoo hoostagaya Dowladda Federaalka ah Ee Somalia waxaa kale oo uu Maamulka Somaliland u soo jeediyay Codsi ah in Somalia aysna kala Go.ikarin Xiligaan isla markaana uu ka codsanayo in ay tanaasulaan oo ay Midnimada Somalia Hormuud u noqdaan isagoo dhanka kalena soo jeediyay in Dhibaatada Dadka wuqooyi galbeed ay tabanayaan la Xaliyo si dhaqso ah.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO}

 

cabdiqasim.jpg

Madaxweynihii Hore Ee Somalia Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Wareysi Gaar ah siiyay Radiomuqdisho Isagoo ku sugan Wadanka Masar ayaa waxaa uu ka hadlay Dareenkiisa in Mudo 29 Sano ah ka dib Somalia ay marti galisay Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD kaas oo Maanta si rasmi ah uga furmaya Caasimada Dalka Ee Muqdisho.

 

 

Cabdi qaasim ayaa wareysigaan waxaa uu ku sheegay in Somalia uu Shirkani u yahay Waa Cusub oo Ummadda Soomaaliyeed u baryay isla markaana Wacyiga Caalamku ka haystay Somalia uu is badal Xoogleh uu ku yimid waxaana uu ugu Baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay adkeystaan Fursada Muhiimka ah Ee soo martay Martidana ay soo wada dhaweeyaan isagoo intaaa raaciyay in Dowladii uu hogaaminayay AUN Maxamed Siyaad Barre waqtigii ay Dalka ka talineysay ay Somalia ugu dambeysay Shir Nuucaan oo kale ah,

 

Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay u midoobaan Hormarka Dalka isla markaana ay ka gudbaan waxyaaabaha aan Danta Dalka iyo dadku ku jirin Ee ay Dadka qaar ku jiraan isla markaana Dowladnimada Somalia oo Maanta hana qaaday la adkeeyo isagoo ku baaqay in Soomaalinimada la ilaaliyo Maleyshiyaadka Nabaddiidka ah ayuu iyagana u soo jeediyay in ay Dowladda isu dhiibaan oo ay dhibaatada dhafaan.

 

Mr Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay Maamul Goboleedyada Dalka laga dhisayo isagoo Fursad Muhiim ah ku tilmaamay loona baahan yahay in dadka iyagu is maamulaan Iyagoo hoostagaya Dowladda Federaalka ah Ee Somalia waxaa kale oo uu Maamulka Somaliland u soo jeediyay Codsi ah in Somalia aysna kala Go.ikarin Xiligaan isla markaana uu ka codsanayo in ay tanaasulaan oo ay Midnimada Somalia Hormuud u noqdaan isagoo dhanka kalena soo jeediyay in Dhibaatada Dadka wuqooyi galbeed ay tabanayaan la Xaliyo si dhaqso ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

And yet we have these low-standard Somalis actually celebrating this corrupt President and his good-for-nothing government. This is a shame.

 

We have nothing to be proud about right now when we have 20,000 Christian Madow mercenaries stationed on our territory

 

The sad part of it all is that IGAD countries are holding a conference inside Somalia while Somalia remains in turmoil and has no sovereignty over its territory. Most countries take allot of pride in hosting regional and international conferences. But they do the securing welcoming hosting planning and preparing the different dignitaries so that the conference goes smoothly. This is a very good thing to do as a nation, but if the security of the nation is in the hands of Foreigners how on earth can u take pride in hosting a regional conference. Let Malistar and the rest enjoy the Photo opportunity because thats what it is. For now IGAD is holding a conference by IGAD for IGAD a regional protected IGAD region called the former Somalia very sad to see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this