Sign in to follow this  
Mooge

A convoy of intellectuals leave Europe and America to support Suldan Wabar

Recommended Posts

Mooge   

London (Harowo ) Toddoba aqoonyahan oo ka mid ah aqoonyahanada reer Awdal ee degan dalka UK ayaa sahan danbe ka ambo-bixi doona magaalada London iyaga oo u sii jeedda goobta uu joogo ama ku sugan yahay Suldaan Abubakar Cilmi Wabar, ujeeddada socdaalkooda ayaa daaran taageerada ay u hayaan go’aanka uu qaatay Suldaan Wabar oo ah in gobolka Awdal ka baxay waxa loogu yeedho maamulka Somaliland.

 

Aqoonyahanada sahan danbe baqooli doona ayaa waxa maalintaa magaalada Adis-abbaba ku sugi doona Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda dalweynaha Itoobiya kuwaas oo aqoonyahanada u gudbin doona xuduuda Itoobiya la wadaagto gobolka Awdal.

 

Maalmihii aan ka soo gudubnay waxa ay aqoonyahanadan kulamo iyo shirar kala duwan Safaarada Itoobiya ee wadanka Ingiriiska kula qaateen madax iyo diblamaasiyiin ka tirsan dowladda federaalka ee Itoobiya.

 

Mutacaliimtan maanta ka baxay magaalada London oo dhawaan aad muuqaaladooda arki doontaan iyaga oo garab jooga Suldaan Abubakar Cilmi Wabar waxa magacyadooda ka mid ah.

 

 

1. Prof. Maxamad Cismaan Cabdi

2. Mustafe Miicaad Allaale

3. Cabdirashiid Xuseen Cali

4. Eng. Muuse Barkhad Nuur

5. Saleebaan Cawaale Good

6. Cumar Axmed Diiriye

7. Dr. Saciid Xasan Wacays.

 

Aqoonyahanada iyo waxgaradka baxaya ee hilow u qaba in ay hiil iyo hooba la garab joogsadaan Suldaan Wabar isla markaana ay siiyaan wax kaste oo ku sahabsan talo iyo tusaale kuma koobna intan oo kaliya waxaa jira aqoonyahano kale oo dhawaan ka baxaya dalalka Waqooyiga Maraykanka kuwaas oo marka ay baqoolaan aan idiin soo gudbin doonno magacyadooda haddii Eebbe idmo.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogaysanaya taageerada ay qurba jooga reer ADAL u qabaan qadiyada Suldaan Wabar hormuudka ka yahay iyo waliba kacdoonka halgankiisu sida wanaagsan u bilowday ee ummadda reer Awdal rabaan in ay ka midho dhaliyaan rabitaankooda iyo masiirka dadweynaha reer Awdal oo ah in ay madax bannaani u helaan maamulka deegaankooda iyo khayraadka dhulkooda.

 

Harowo Desk London.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this