Sign in to follow this  
Tillamook

Omar Abdirashid nominated for Prime minister

Recommended Posts

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Raysalwasaare u magacaabey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah ugu dhawaaqey in Cumar Cabdirashiid Sharmarke uu yahay raysalwasaarhiisa beddalaya Cabdiweli Shiikh Axmed oo dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya kala noqdeen kalsoonidda.

 

Xafladda magacaabidda waxaa ku sugnaa afhayeenka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Prof. jawaari, Xildhibaano, iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiyey dalka Maraykanka ka hor inta aan xilkan cusub loo magacaabin, waxaana uu noqonayaa Raysalwasaarihii saddexaad ee Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiyey dalka Maraykanka ka hor inta aan xilkan cusub loo magacaabin, waxaana uu noqonayaa Raysalwasaarihii saddexaad ee Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Cumar Cabdirashiid Cali ayaa soo gaarey Muqdisho subaxnimadii Salaasadda ee shalay, waxaana uu laba jeer kulan la qaatey Madaxweyne Xasan Shiikh, magacaabidda Cumar Cabdirashiid ayaa ahayd mid si weyn loo hadal hayey inkasta oo maanta si rasmi ah loogu dhawaaqey.

 

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sheegaya in magacaabidda Cumar Cabdirashiid ay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu raadinayo in uu dib u hagaajiyo muuqaalka dowladiisa ee dhanka beesha caalamka, isla-markaana adkeeyo xiriirka uu la lee yahaya adduunka, sidoo kale Cumar Cabdirashiid Cali ayaa lagu xasuustaa oraahdiisi ahayd “Soomaaliya waa in ay ka baxdaa ku meel gaar” si taas loo helana dastuur rasmi ah la sameeyaa iyo hirgelinta dowlad goboleedyada, taas oo ahayd halka uu ka bilowdey khilaafkii isaga Madaxweyne Shariif Shiikh Axmwed.

 

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa raacaya wadadii Aabihiis marka la eego taariikhda siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana uu markii labaad ku soo noqdey xafiiska u sareeya xukuumadda Soomaaliya, sanadkii 2009 ayaa loo magacaabey in uu noqdo raylsawasaaraha Soomaaliya, muddo laba sano ku dhaw kadib ayuu is casiley khilaaf isaga iyo madaxweynihiisi soo dhexgalay dartiis.

 

Magacaabidda kadib waxaa Madaxweynuhu horgeynayaa Raysalwasaaraha barlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonidda ee ah in u soo dhiso xukuumad.

 

Shaqooyinkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhan ayaa istaagey kadib khilaafkii hareyey Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha xilka ka degaaya Cabdiweli Shiikh Axmed, kuwaas oo ku kala baxay Baarlamaanka.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa la isweydiinayaa sida Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud iyo xukuumadda uu soo dhiso doono Raysalwasaare Sharmarke ay uga soo bixi lahaayeen hiigsiga cusub ee sanadka 2016, iyo sida loo dhamaystiri lahaa shaqooyinka dhiman.

 

Taariiikh kooban oo ku saabsan raysalwasaaraha cusub

 

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke waxa uu ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, ka hor inta aan mar kale loo magacaabin Raysalöwasaaraha Soomaaliya.

 

waana safiirkii u horeeyey muddo 20 sano ah kadib Soomaaliya u fariista dalka Maraykanka, waxaana warqadaha aqoonsiga ka guddoomey Madaxweyne barack Obama 14 Luuliyo 2014.

Ambassador Sharmarke waxa uu dhashey 18 Juun 1960, maalmo ka hor markii Soomaaliya xoriyadda qaadatey, waxaana uu la kowsadey Soomaaliya oo gob ah.

 

Ambassador Sharmarke waxa uu ka soo jeeedaa qoys caan ah, Awoowihiis Cali Sharmarke waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaaney meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliga looga hadlo, waxa uuna ahaa gabyaa iyo aftahan waxyaabo badan lagu xasuusto. Aabihiis Cabdirashiid Cali Sharmarke waa Raysalwasaarihii u horeeyey ee Soomaaliya, kadib xornimada, kadibna noqdey Madaxweynaha Soomaaliya 1967, waxaana la diley isaga oo xilka haya 15 Oktober 1969, dilkaas oo looogu gogolxaarey in ciidamadu dalka qabsasdaan.

Cumar Cabdirashiid hooyadiis waa Ruqiya Macalin Daahir oo ka soo jeeda qoys caan ah ahaydna aqoonyahan.

 

Waxbarashadiisa

 

Ambassador Cumar Cabdirashiid Cali waxa u waxbarashada ka bilaabey magalada Muqdisho taas oo uu ka gaarey heer jamaacadeed, waxaana uu ka qalinjebiyey jaamacadii Umadda Soomaaliyeed ee Gahayr isaga oo bartey cilmiga dhaqaalaha.

 

Waxbarashadiisa sare ayuu ku qaatey dalka Kanada, waxaana uu ka baxay Carleton University magaalada Ottawa, halkaas oo uu ka qaatey Cilmiga Siyaasadda shahaahada B.A, kadibna M.A ayuu ku qaatey Siyaasadda dhaqaalaha.

 

Khibradiisa shaqo

 

Xirfadiisi shaqo ee u horeysey waxa uu ka qabtey Bangigii Soomaaliya iyo shirkaddii Coca-Cola, kadib waxa uu u wareegey hay’adaha aan dowliga ahayn sida Centre for Peace and Development Initiatives ee dalka Kanada.

 

Sharmarke waxa uu sanadkii 2000 ka shaqo bilaabey Qaramada Midoobey, dalalka Sri Lanka, Sierra Leone iyo Sudan, halkaas o uu ka ahaa la taliye siyaasadeed. Sidoo kale waxa uu la taliye siyaasadeed u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN) sanadkii 2008.

 

13 Febraayo 2009 ayaa Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed kaga dhawaaqey dalka Jabuuti in uu Raysalwasaaraha Soomaaliya u doortey Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Baarlamaankii Soomaliya oo markaas fadhigiisu ahaa dalka Jabuuti tiradiisuna gaareysey 550 Xildhibaan ayaa ansixiyey.

 

Xilliga Sharmarke loo magacaabey raysalwasaarha waxay ahayd xilli kala wareeg ah, Waxaana kala miirmayey kooxihii ku mideysnaa wixii loogu yeeri jirey Muqaawamo ee looga soo horjeedey madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, waxaana durbadiiba soo baxay in Muqdisho laba u qaybsanto inta badana ay gacanta ku dhigaan labadii urur ee Xisbul Islaam iyo al-Shabaab, sidoo kale dalka waxaa ka taagnaa Burcadbadeeda oo caalamka dhan si weyn uga qayliyey, waxaa la dhihi karaa Dowladda waxaa markaas gacanta ugu jirey aqalka Villa Somalia, Dekadda, garoonka diyaaradaha iyo wadda isku xirta, waxaana intaas gacanta ku hayey AMISOM oo markaas Mandate-koodu ahaa ilaalin iyo is difaacid oo aan loo oggoleyn in ay qaadaan dagaal.

 

Bishii May 2010 waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeya Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raysalwasaarihiisi Cumar Cabdirashiid, sidoo kale waxaa khilaafka baal socdey mid la doonaayey in xilka looga qaado Afhayeenkii Baarlamaanka ee xilligaas Sheekh Adan Madoobe.

 

Shiikh Adan Madoobe ayaa 16 May 2010 ku dhawaaqey in xukuumaddii dhacdey Madaxweynahana laga doonaayo in uu soo magacaabo Raysalwasaare cusub, inkasta oo codeynta dhacdey ay ahayd mid isaga ka dhan ah oo xilka looga qaadayey, waxana kusime ay u doorteen Xaaji Shukri Sh. Axmed, taas oo markii danbe ku khasabtey in uu is casilo Adan Madoobe Bishii Juun, laguna qanciyey xukuumadda in Wasiir laga siiyo waxaana xilka la wareegay markale Shariif Xasan Shiikh Adam.

 

Shiikh Shariif ayaa isaguna sheegey in uu aqlbaley arrintaas Raysalwasaare cusubna soo magacaabayo, waxaana ganafka ku dhuftey Raysalwasaare Sharmarke, taas oo xujo ku noqotey Shiikh Shariif markii danbe kadib markii la ogaadey in go’aanku ahaa mid ku kooban Shiikh Adan Madoobe ee aysan jirin Baarlamaan kalsoonida kala laabatey Xukuumadda, taas oo ku khsabtey in Madaxweyne Shiikh Shariif ka noqdo go’aankiisi.

 

Si kastaba ha ahaatee wax khilaafku soo jiitamo, xoogiisuna uu ka taagnaa dastuurkii qabyada ahaa, waxaana Cumar Cabdirashiid taagnaa hindise ah in Soomaaliya laga saaro Dowlad danbe oo kumeelgaar ah (Akhri) waxaa xilka iska casiley 21 Sebtember Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, waxaana uu fursad siiyey Madaxweyne Shariif in uu soo magacaabo Raysalwasaare cusub.

 

maanta oo taariikhdu tahay 17 Diseember 2014 ayaa mar kale loo magacaabey raysalwasaaraha Soomaaliya.

 

Ugu danbeyntii Ambassador Sharmarke waa xaas leh saddex caruur ah.

 

--Horseed Media--

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a man with a lot of political capital. I think he should disregard the 4.5 and appoint capable and qualified men for each position. If any PM can do it and face no serious threat to his position, it is CCCS. Great for his legacy as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

The end of damjadiid has started tonight. I will have more to say after I finish the party in Nairobi.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

Let us see what the new prime minister delivers. President Culusow's hands are really tied at this point and he must work with the new guy. The President still has 150 supporters in the so-called parliament, ready to fire anyone, but the process gets difficult each subsequent firing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

The end of damjadiid has started tonight. I will have more to say after I finish the party in Nairobi.

 

That's hilarious! Lol :D

 

I am yet to see Mudane Malistar's congratulatory remarks for the new appointee :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu- puntland- Galmudug- jubba all celebrating the appointment of Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’ark such huge support is good sign for the stability of the country .

 

 

Galmudug Oo Soo soo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha

 

Cumar C/rashiid has a huge opportunity to lead Somalia in the right direction deliver sustainable stability......

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this