Sign in to follow this  
malistar2012

somaliland: we are part of Federal Somalia

Recommended Posts

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ka mid tahay Dowladda Federaalka: VIDEO

 

(Calanka.com) - Posted at 07/12/2014 By Webmaster

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde ayaa si cad u sheegay in Somaliland xaqiiq ahaan ay la mid tahay maamulada dalka ka jira sida Puntland iyo Galmudug ee hoostaga Dowladda Federaalka Somalia isla markaana Axmed Siilaanyo beesha caalamka u aqoonsan yihiin Guddoomiye Gobol.

 

 

Wasiirka oo wareysi bixinayay ayaa wuxuu sheegay in beesha caalamka ay ula dhaqanto sida maamulada kala ee dalka ka jira, isla markaana ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

 

"Beesha caalamka aqoonsi ay Somaliland u aqoonsan yihiin ma jirto, waxay noola dhaqmaan inaan nahay qeyb ka mid ah Dowladda Federaalka Somalia sida ay ula dhaqmaan maamulada kale ee Puntland iyo Galmudug" ayuu yiri Wasiir Waran Cadde.

 

"Waxaanu nahay qeyb ka mid ah Dowladda federaalka Somalia, Madaxweynaha Somaliland-na waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay Guddoomiye gobol"ayuu sii raaciyay Wasiirka arrimaha gudaha.

 

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR

 

 

 

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Guest
This topic is now closed to further replies.
Sign in to follow this