Sign in to follow this  
malistar2012

Somali President attends South west state president Inauguration

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay caleema-saarka Madaxweynaha Koofur Galbeed

 

xasan-bay-10.jpg

 

xasan-bay-2.jpg

 

xasan-bay-11.jpg

 

xasan-bay-11.jpg

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhaba uga qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo bishii hore xilkaas loo doortay.

 

Khudbad uu Madaxweynuhu jeediyay wuxuu ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay labadii sano ee la soo dhaafay ee dhinacyada dhigidda asaaska Qaran shaqeynaya, hirgelinta unugyada asaaska u ah dib u habeynta Qaranka, horumarinta qaanuunno muhiim u ah oo kaaba shaqooyinka iyo nidaamka Qaranka, sameynta heykal dowladnimo, rasmiyeynta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, xoojinta xiriirka aan la leennahay dalalka deriska ah, dib u habaynta hey’ado muhiim ah, hirgelinta Golayaal lagu wadahadlo, iyo in la meelmariyo hindisaha ah in la is waafajiyo kaalmada caalamiga ah ayada oo loo marayo Heshiiska cusub ee Somali Compact.

 

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed in looga baahan yahay in uu ku hoggaamiyo maamulkiisa qaab muuqda oo aan bulshada Soomaaliyeed daah ka saarneyn. Iyo in uu xaqiijiyo in ay Hey’adaha Soomaalidu ay waajibkooda gutaan si loo xaqiijiyo in muwaaddinka iyo kooxuhuba ay sharciga u siman yihiin. Isla markaana ay hey’aduhu ku shaqeeyaan sida ay dantu ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay shakhsiyaadka iyo kooxuhuba ay wixii ay isku khilaafsan yihiin ay ku xalliyaan si nabad ah.

 

Madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay Madaxweyne Shariif Xasan in uu dadka uu matalo uu kala qeyb qaato nidaamka siyaasadeed ee dalka dib loogu shidayo asaga oo ka hadlay waxyaabaha ay tahay in muhiimadda la siiyo bilaha soo socda “Dowladda Federaalka waxaa laga rabaa in ay qabato howlo muhuum ah ka hor inta aanuu dhammaan Kalfadhiga Baarlamaanka ee soo socda. Waa in aan xaqiijinnaa in uu Baarlamaanku ansixiyo Guddiga Soohdimaha iyo Federaalka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka. Shuruuc muhiim ah waa in la sameeyaa. Waa in aan si deg deg ah wax uga qabannaa ku soo daridda ciidammada Gobollada si loo xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loona helo faa’iidada Federaalism-ka. Kaalinta ay Koofur Galbeed ku leedahay in howlahaasi ay guuleystaan waa mid muhiim ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xasan-bay-11.jpg

 

mudane Xasan Sheekh Maxamuud has delivered next federal state Inauguration ceremony will be most likely center State then Hiiraan & shabelle Hoose + Mogadishu possibility ..

 

 

The Next two years priority and focus will be The The Arm force - Police - NISA unified one center command Great Job .....

 

 

Madaxweynuhu wuxuu kula dardaarmay Madaxweyne Shariif Xasan in uu dadka uu matalo uu kala qeyb qaato nidaamka siyaasadeed ee dalka dib loogu shidayo asaga oo ka hadlay waxyaabaha ay tahay in muhiimadda la siiyo bilaha soo socda “Dowladda Federaalka waxaa laga rabaa in ay qabato howlo muhuum ah ka hor inta aanuu dhammaan Kalfadhiga Baarlamaanka ee soo socda. Waa in aan xaqiijinnaa in uu Baarlamaanku ansixiyo Guddiga Soohdimaha iyo Federaalka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka. Shuruuc muhiim ah waa in la sameeyaa. Waa in aan si deg deg ah wax uga qabannaa ku soo daridda ciidammada Gobollada si loo xoojiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loona helo faa’iidada Federaalism-ka. Kaalinta ay Koofur Galbeed ku leedahay in howlahaasi ay guuleystaan waa mid muhiim ah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this